waxa Curiyay Abwaan Hadraawi
waxana qaaday luuqeeyey Maxamed Salebaan Tubeec
Baydka koowaad
Sida geed cal iyo buur,
Carro-hodan ku yaalloo,
Cokanoo irmaanoo,
Dhirta kale ka caynoo,
Hoobaan casuus lihi,
Laamaha cusleysoo,
Ubaxuna tin iyo cidhib,
Kaga dhigay cabbaadhyiyo
Dusha sare caleentii
Cidhifka is la gaadhaan
Biyo wada cabteenoo
Haddaan lay cadaabayn
Rabbi ii cadhoonayn
Dadku inuu ku caabudo
Madowgiyo caddaankuba
Ku caleemo saaraan
Sow kuma canaanteen!
AFKEENU WAA HODAN