𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤✨🦋📚🔐🌍 @xikmadoiyodhiirigalin Channel on Telegram

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

@xikmadoiyodhiirigalin


𝗦𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗮𝘄𝗮𝗱𝗮 𝘄𝗹𝗹𝗸𝗮/𝘄𝗹𝘀𝗵𝗮 𝗤𝗶𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗤𝗮𝗱𝗮𝗿𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗺𝘂𝗱𝗮𝗻𝗼𝘄 🥰

Waxad mar waliba ka helaysaa channelkan talo, iyo tusaale ku dhiirigaliya si'aad u gaadho hadafyadaada nololeed., ☑️

Today reader tomorrow a leader 📚

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 (Somali)

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 is a Telegram channel dedicated to promoting self-development and personal growth. The channel provides valuable insights, tips, and examples to help you reach your life goals and aspirations. Whether you're looking to improve your mindset, develop new skills, or simply gain inspiration, 𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 is the perfect place for you. With a wide range of content covering topics like motivation, self-improvement, and success stories, this channel aims to empower its subscribers to become the best version of themselves. Join 𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 today and start your journey towards personal growth and fulfillment. Remember, today reader, tomorrow a leader. 📚

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

14 Nov, 16:59


Waxa soo socda ayaa ka qurux badnaan doona waxii tagay.💯

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

14 Nov, 15:25


"Ilaahay qoom ma beddelo, ilaa inay iyagu isbeddelaan mooyaane" Suratu AL-Racad' aayadda II.aad

Isbeddelka uu la yimaado qofka muslimka ah iyo waxyaabaha uu nolosha aadanaha kusoo kordhiyaa waa ay ka mug iyo miisaan wayn yihiin midka uu suubiyo qofka aanan caqiidada Islaam rumaysnayn. Waayo qofka aanan muslimka ahayn si kasta oo uu isku-beddelo iyo heer kasta oo uu gaadho waa mid ku kooban uun adduunyada, halka qofka muslimka ahi markuu wanaajiyo niyaddiisa isbeddelka uu sameeyo iyo waxyaabuhuu caalamka kusoo kordhiyaa ay yihiin umuuro uu labada daarood ba intifaacsanayo.

Goor kasta xusuusnow isbeddelku wuxuu ka bilaabmaa naftaada 00 ah inaad la timaaddo waxyaabaha waajibka kugu ah iyo inaad dhisto shakhsiyaddaada, garatana waxyaabaha kuu munaasibka ah, markaa ayaad la iman kartaa isbeddelo wax ku ool ah. 👌

Ha sugin adigoo iska kaduuda in ay maqaadiirta ama duruufuhu isbeddel kugu sameeyaan; ka takhalus dhammaan waxyaabaha aysan dani kuugu jirin. 🤍🔥🙂💯

~ Dheefsiga dhalinyarnimada 📚

╭┈──────────────
╰┈➤ - Zaxiibka nolosha 👤

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

13 Nov, 09:25


Wax Walboo Dhibaato Ah oo Nolashada Kugu Dhaco Waxaa Kuugu Jirto Faa'ido Weyn :

1-Dhibaatooyinka Adag Ee Culculus Waxay Ka Dhigan Qof Adag oo Si Dhaqso Ah Isku Dhiibin.

2-Xanuunada Waxay Kaa Dhigan Qof Adkaysi Nafeed lyo Mid Jir Ahaanteed Intaba Leh.

3-Qiyaanada lyo Dhagarta Bulshada Qaarkeed Aad Kala Kulanto Waxaay Ka Dhigta Qof Taxadarkiisa Badan Yahay oo Soo Jeedo.

4-Guul Darada Waxay Ka Dhigta Qof Ku Dadaalo Guusha Casharna Ka Barto Guul Darooyinkii uu Horay ula Kulmay.

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

12 Nov, 15:51


Noloshu waa sida buurta oo kale waxay leedahay meel sare, meel hoose iyo meel dhexe oo kala ah mar aad faraxsantahay, mar aad murugaysantahay iyo mar kale.intaaso wakhtiba ha ilaawin inad u mahadnaqdo Rabbi swt. "Alxamdulilah 🤍

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

12 Nov, 05:20


*Nabadda iyo Diinta.*

Diinta islaamku waxay si wayn udhiiri galisaa nabada, wadajirka, iskaashiga bulshada dhexdeeda.
Nabada ( isalaamka) iyo amaanka waxay kamid yihiin qiyamka ugu muhiimsan ee islaamka.
Umadina waxay nabad heshaa marka ay raacdo kitaabka illaahay.

Ilaahy SWT ugu horayn wuxuu ino tilmaamayaa nabada iyo amniga in kitaabkiisa laga helo.
Bal Ilaahay SWT Nabadu sida ay aadamaha faaiido ugu leedahy, janada markuu ka waramayay wuxuu ku tilmaamay inay tahay daarta nabad-galiyada
لهم دار السلام عند ربهم
_Daar nabadeed bay alle agtiisa ku leeyihiin_

*Nabadu waa hanuunka iyo hormarka..*
Ilaahay SWT wuxuu yidhi:
والله يدعو الي دار السلام ويهدي من يشاء
_Ilaahay wuxuu ugu yeedhayaa daaru salaam wuxuuna hanuuniyaa ciduu doono_
Ummad aan nabad haysanina ma horumarto.

Nabiga SCW wuxu yidhi:
المسلم من سلم المسلمون من لسانه _ويده { sahihul bukhari wa muslim}_
_Muslimka dhabta ah waakan muslimiinta kale ka nabad galaan, carrabkiisa iyo gacantiisa._

Qofka muslimka waxaa laga rabaa inuu waxyeelada ka fogaado oo uu ka shaqeeyo nabada iyo amniga dadka kale.

Ilaahay SWT marka uu ka hadlayay sida ay diinta islaamku muhiimad ugu leedahay nabadda,iskaashiga iyo wadajirka bulshada, iyadoo kala duwananta bulshadu iyo tartanku yahay mid ku saabsan wanaagga oo ayna ahayn colaad iyo dhibaato Waxa uu yidhi:
ولو شا الله لجعلكم امة واحده ولكن ليبلوكم في ما ءاتاكم فا ستبقو الخيرات
_Oo haduu alle doono, wuxuu ka dhigi lahaa dadka hal ummad ah, laakiin wuu kala duway si ay ugu tartamaan wanaagga._
Aayadu waxay inagu boorinaysa inaynu ku dadaalo wanaagga iyo inaynu la nimaadno dulqaad iyo isku soo dhawaansho bulsheed.

*Bal e islaannimaduba waa nabadda.*

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

10 Nov, 05:58


Dadku waa addoomoo Lama siin awoodaha Alle lagaga maarmee Keli lagu ahaadee Ha illaawin baqashada.💯 (Hadraawi) AUN

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

09 Nov, 16:11


Nafta dhiirri geli Dhaliilaha dadkana Ha u dhega nuglaan.🚶💪💯

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

09 Nov, 16:07


Waxaa guusha hela Ruuxii dadaal wacan Waqti waliba muujiya. 💯👨🏻‍🎓

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

08 Nov, 17:29


𝗠𝗮 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗲𝘆 𝗔𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗿𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗹𝗼 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗼 𝗨'𝗹𝗲𝗵 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗻 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝗸𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝘂𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗹𝗮𝗹, 𝗸𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗼𝗰 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗹𝗲𝗵, 💯

𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼, 𝗡𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻 👇

@jaceylqore
@Enjoy_boy1
@Cilmu_nafsi_10
@Saxiibka_Nolosha
@HOYGAJACAYLKA
@Aqoonta_kaa_maqan
@Xikmadoiyodhiirigalin

Admin - @Zaxiibka_nolosha

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

08 Nov, 03:34


Waxan rabaa un in aan iddin xasuusiiyo ❤️🧏

~ صلي الله عليه وسلم 🤍

╭┈──────────────
╰┈➤ - Zaxiibka nolosha 👤

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

06 Nov, 04:04


𝗦𝗣𝗢𝗡𝗦𝗢𝗥𝗘𝗗 𝗕𝗬 :

@Darenjaceyl1
@wadnojacayl
@dhiirigaliye10
@Maskax_maaal
@Team_Hormuud
@Xikmadoiyodhiirigalin

𝗛𝗮𝗱𝗮𝗳𝗸𝗲𝗲𝗻𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝘄𝗲𝘆𝗻 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗮𝗵 𝗶𝗻 𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝗲𝗲𝗻𝗮 𝗸𝗮 𝗵𝗮𝗾𝗮𝗯 𝘁𝗶𝗿𝗻𝗼 𝗱𝗵𝗮𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗯𝗮𝗮𝗵𝗶𝘆𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗮𝗾𝗼𝗼𝗻𝗲𝗲𝗱 𝗘𝗲 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗱𝘂𝘄𝗮𝗻 𝗶𝗻𝘁𝗮𝗮𝗻 𝗮𝘄𝗼𝗼𝗱𝗻𝗼 𝗴𝘂𝘂𝗱 𝗮𝗵𝗮𝗮𝗻 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗮𝗻 𝗴𝗮𝗮𝗿 𝗮𝗵𝗮𝗮𝗻𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝘀𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 𝗜𝗻𝘀𝗵𝗮 𝗮𝗹𝗹𝗮𝗵. 💯📚🧠

~ 𝗔𝗱𝗺𝗶𝗻 - @Wll_adnaan

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

05 Nov, 03:52


Waxyaabaha Nolosha aan hadda ka bartay : Faalo aan qoray 2 Sanno Kahor... 💁‍♂

1- Isku day la Imoow Waad Kamidho dhalin ugu dambayne. 🙂

2- Cid kasta Ha uga sheekayn Waxyaabaha Waawayn ee aad hiigsanayso, Dadku badanaa Ma jecla In laga wanaagsanaado lyaga. 🧏

3- Guushu waxay Ku xidhan tahay Inta qof Ee aad taqaano. 😀

4- Waxwalba oo ku soo mara Illahay Sabab ayuu ka leeyahay Ee cashar ka baro. ❤️

5- Wakhti badan Ha iskaga lumis in aad dadka kale raaligiso Wakhtiga Ugu badan naftaada gali. 🤞

6- Waxa aad haysato Waxa aad ku heshay Wax hore oo aad Samaysay waxa aad doonayso Inaad heshana waxa ayku xidhantahay Waxa aad maanta Samayso. 👌

7- Maalmaha Guuldarada, Isku buuqa iyo jahawareerka aad ku jirto Casharo badan kala hadh. 🤩

8- Dadku Hakuu kala soocnaadaan, qaar waa asxaab guud, qaar waa Ehel qaarna Waa dad aad wada shaqaysaan Ee Si wanaagsan Ula wada dhaqan. 😍

9- Hantida kaliya Ee aad Haysataa waa waxa aad naftaada galiso.

10- Halka aad Maanta Nolosha ka taagantahay Waxa aad haysato Waxaa jira Kumanaan qof oo kale oo iyaguna ku Haminaya, Ka Faa'idayso. 💯🤓

~ Coach Ayanle Aysar

╭┈──────────────
╰┈➤ - Zaxiibka nolosha
👤

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

04 Nov, 19:02


منذ وقت طويل تعلمت ان لا أفسر ما افعله للناس، لأن ذلك ما يوهمهم للاعتقاد بأن لديهم الحق في معرفة كل ما افعله. 💯

"Waqti hore ka hor waxaan bartay inaanan dadka wax u sharaxin. Waxay ku marin habaabisaa inay u maleeyaan inay xaq u leeyihiin inay ogaadaan wax kasta oo aan sameeyo." 💯

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

03 Nov, 17:19


"Hadafkeenu Waa Kobcinta Garaadka Bulshadeena Waxan Halkan Ku Kulminay Kanaalada Ugu Sareeya Uguna wanaagsan Iyo Qaar Kamid Ah Dhalinta Udiyaarsan Sidii Ay Bulshadooda U Dhiirigalin Lahaayen.

Sponsored ⬇️
@QALINKA24
@HOYGAJACAYLKA

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

03 Nov, 12:22


"Hajoojinin Ducadda Si kasta O Ay Xaaladu U Xun tahay Ku Kalsonow Eebe, Alle Waxaa Uu Yidhi

وَإِذَا سَأَلَكَ عِبَادِى عَنِّى فَإِنِّى قَرِيبٌ ۖ أُجِيبُ دَعْوَةَ ٱلدَّاعِ إِذَا دَعَانِ ۖ فَلْيَسْتَجِيبُوا۟ لِى وَلْيُؤْمِنُوا۟ بِى لَعَلَّهُمْ يَرْشُدُونَ,

Hadday ku warsadaan Nabiyow addoomadu xagayga anigu waan dhawahay waana ajiibaa (aqbalaa) baryada markay i baryaan, ee ha i maqleen iyaguna hana i rumeeyeen si ay u hanuunaan,


Duco ٠٠😍❤️🤲🏿

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

01 Nov, 16:03


Intii karaankaaga ah dadka qof walba kaalintiisii uu mudnaa dib ugu celi.

Mararka qaar ayay duruufaha nololeed ku liddiyaan. dadka, badanaana waaba caynkaas.

Laga yaabaa arday aad xariifnimo ku ogayd in uu dhaco, ee ka warran haddii aadan il quudheed ku fiirin ee aad dhabbihiisii dib ugu weeciso?! ❤️

Laga yaabaa in aad aragto qof wanaagsanaa, suubbanaa, runlow ahaa, cibaadada ku wanaagsanaa, Ilaahayna addeeci jiray oo ay macsidu yara jiidato, ee ka warran haddii aad sidiisii hore u weeciso?! 🙂

Hal eray oo naxariis leh ayaa mucjisooyin dhala. 🔥

Hal dhacdo oo danayn ah ayaa arrimaha oogan wax badan ka beddesha. 👌

Qof ay waayuhu ku soo hamaansadeen in aad garabka gacanta ka saarto ayaa dib han iyo himilo u gelisa. 🤩

Dadku badanka way kufaan, ee qof kufay ha ku sii tuman, adiga oo awooda in aad gacan hagar la'aaneed u fidiso oo aad kiciso. 💯🧏

~ Casariye

╭┈──────────────
╰┈➤ - Zaxiibka nolosha 👤

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

01 Nov, 09:46


‏يارب وإن قصرنا عليهم بالدعاء فأنت ربهم الذي لا ينساهم اللهم أرحم أمواتنا رحمةً تسع الدنيّا ومن عليها❤️

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

31 Oct, 17:37


🍂اللهم انفعني بما علمتني وعلمني ما ينفعني 😊
Allow igu anfac wixii aad ibartey ibarna wax I anfacayo💕

Ducadaan ku duceyso marwalba hadii aa tahay qof daalibul cilmi ah📚🖊💕

https://t.me/Xikmadoiyodhiirigalin

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

31 Oct, 17:03


Nolosha waa dhigaal taxane ah oo aadan ogaan Karin halka aad ciirsaneyso iyo cidda aad u baahan doonto

Marna ha Xumeyn qofna hana ku Fakarin lugooyo ,

Ogsoonow qof aad Hoggaamiye u eheed ayaa hoggaamiye kuu noqon Kara ,sidoo kale qof loo arki karay in uu liito ayaa waqtiga Saacidi karaa

Nolasha waa maalinta labadeeda galin

Ku xisaabtan Timaadada 😊

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

31 Oct, 14:19


Ku xirnaanshaha alle waa meesha koowaad ee aan kaheli karno qinaaco joogto ah❤️

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

29 Oct, 10:04


Dagaalka ugu weyn ee ummad soo waajahi karaa ma aha dagaal dhulqabsi ah, ee waa dagaal maanqabsi.! Dagaalka maanqabsigu ma aha shacab lagu beddelayo shacab kale, ee waa feker lagu beddelayo feker kale, aragti iyo mabda'lagu beddelayo aragti iyo mabda'kale, iyo caqiido lagu beddelayo caquido kale. Basharku waa quwadda uu Ilaahay dhaxalsiiyay dhulka. Degaanka ama dhulkuna wuu ku qasban yahay inuu raaco amarkiisa, haddii aad rabto in aad ummad qabsato, fekerkeeda qabso, ka dibna waxa aad arkaysaa khayraadkeedii oo bilaash laguugu keenayo ama lagugu keenayo ama lagugu siinayo'e.

-Jiraalkey | Afduubka caqliga | Bogga 91.

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

28 Oct, 10:59


"Dadka ceebahooda ku aqbal si ay adigana ceebahaaga kuugu aqbalaan"
🥺🖤

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

27 Oct, 18:45


"Hadafkeenu Waa Kobcinta Garaadka Bulshadeena Waxan Halkan Ku Kulminay Kanaalada Ugu Sareeya Uguna wanaagsan Iyo Qaar Kamid Ah Dhalinta Udiyaarsan Sidii Ay Bulshadooda U Dhiirigalin Lahaayen.

Sponsored ⬇️
@QALINKA24
@HOYGAJACAYLKA

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

27 Oct, 04:27


Talo ku socota ragga 20 sano ka yar ...

Ina ragow waxaad ogaataa 18 sano ilaa 25 sano waxaa samayso inay saamayn ku yeelanayaan noloshaada danbe hadaba waxaa loo baahan yahay inaad wakhtigaaga ka faaidaysato oo wax dantaada ah maahee waxkale aadan wakhti siin. 🙅

Ma ogtahay gabadhu haday wakhtigeedi ciyaar iyo bood bood ku dhamaysato inaysan mushkilad ahayn maxaa yeelay nin ayaa u imaanaya dahab iyo diinaarna ku guursanaya balse adiga cid intaas kuu samaynaysa majirto, hadaba waxaa la rabaa inaad waxbarato shaqayso iskana dayso shukaansiga aad wakhtiga iskaga luminayso. 🧏🔥💯

~ Mohamed Carays

╭┈──────────────
╰┈➤ - Zaxiibka nolosha 👤

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

25 Oct, 14:03


Raadi Aqoon
- Barashada nolol maalmeedka waxay ballaarin kartaa aragtidaada waxayna kaa caawin kartaa inaad la qabsato caqabadaha cusub.🧑‍🏫

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

24 Oct, 15:51


Daawo, 🤞

Ninkii dhalinayaro ah ee rabba in uu is daaweeyo! 💯🧏

~ صلى لله عليه وسلم ❤️

╭┈──────────────
╰┈➤ - Zaxiibka nolosha 👤

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

24 Oct, 04:37


Sababaha aad is isbadal u samayn la'adahay ilaa hadda ma og tahaynaa! 😐

Dabcan waa dhawrkan qodob ee aan kuu sheegi dooono akhriste, kuwaas oo kuu diidan inaad isbadasho oo aad nolosha hormar ka samayso... 🧏

1: Go'aan jilicsan ayaad leedahay

Markaad go'aan ku qaadato inaad caado iska badasho ama aad noloshaada caado kusoo kordhiso taas oo faiido kuuleh sidii loogu talagalay go'aankaas Uma fulisid ama uguma dhaqantid, maalmahaaga waxaad ku dhamaysaa insha allah Bari ayaan si fiican u bilaabayaa oo manta mabilaabi karo way igu adagtahay.!

2: Ku dayasho

Waxaad ku dayataa qof kasoo kamid ah dadka kaa ag dhow markaad aragto hebel oo Raba inuu wax qabsado adna waxaad is dhahdaa anigana maxaa iga reebay oo ma isagaa wax idheer taasi maxuma inaad qof wax wanaagsan uga dayato, lakiin hadaysanba kaa go'nayn inaad noloshaada wax ka badasho oo ay kaa tahay hebelba wuu sameeyee adna samee, kaliya maalmo kooban ayaad qof kaas ku dayan doontaa kadibna meeshaadi ayaad kusoo laaban.

3: Dib dhigasho

In aad dib udhigatid waxyaabaha aad rabtay inaad qabsato tusaale jadwalkaaga wuxuu ahaa inaad tukatid 2 rakcadood oo sunada ee ka horeeya salaada subax waad kacday lakiin hurdaadaa ku haysay waad iskaga laabatay oo waxaad istiri bari ayaad bilaabi doontaa lakiin malinba maalin ayay kuu dhiibtay noloshu way iska koobantahay

"Waxaad manta qaban karto barito ha udib dhigan waligaa akhriste!

Cimrigeenu waa iska kooban yahay ee waqtigaad joogto wax ku qabso.

4: Dhafarka

Habbenkii xili danbe ayad seexataa waxaadna rabtaa noloshaada inaad wax ka badashid xilliga ugu fiican ee uu qofku noloshiisa wax kusoo kor dhinkaro waa xilliga loo yaqaan waabariga mucjisada ah 4:00 _7:00 xilligan waa xilliga dad isku dhaafay lakiin adigu waadba hurudaa ama waxaa laga yaabaa inaad xilligan seexatayba hadana waxaad leedahay isbadal waan samayn la'ahay dhafarka iskadaa wll bilaah calayk! 😞

5: Waqtigaaga inaadan maarynin

Horta ogow waqti aanad maarynin maba lihid asal ahaanba, xilli aad seexatid iyo xilli aad soo kacdid, malihid jadwal maalmeed aad malintaada ku quruxsato, sidoo kale malihid jadwal sanadeed oo aad ku ogaatid waxa kuu qabsoomay iyo waxa aan kuu qabsoomin, malihid jadwal wax akhris oo aad maskaxdaada ku dhistid, noloshaadu waxay noqotay inaad toostid, wax cuntid, hadana seexatid intaaa ayayba kusoo laalaabataa! 🤦

6: Salaad la'aan ama inaad salaadaha qayb ka tagtid

Salaad la'aan ama inaad salaadaha qayb ka tagtid, qofku haduusan fooda dhulka dhigim oo uusan rabigii uumay ulaabanayn iskadaa inuu isbadal sameeyee xitta wax u dhoow haka filan. 😕

"Qof joojiyay xiiriirka ilaahay iyo lakulankiisa isbadal masameeyo " 🙅

7: isbadal bilaa ficil ahi majiro

Haddad rabto inaad isbadasho waa inaa ficil samaysaa tusaale: waxad rabtaa inaad heesaha iska dayso laakiin taleefankay kaaga buuxaan isbadalkii waad rabtaa laakin ficilkii lagaama hayo ficilku waa inaad taleefankaaga bilaa heeso ka dhigto ugu horeyn sidoo kalena meelaha heesaha lagu soo gudbiyo aad isaga dheeraato.! 🤞🔥🙂

Waad mahadsan tahay akhriste maadama aad halkaan soo gaartay waxaan rajeynayaa inaad wax un faiiday. 👍

╭┈──────────────
╰┈➤ - Zaxiibka nolosha 👤

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

23 Oct, 15:36


Nebi Yuusuf walaalihiis waxa ay u maleeyeen in ay soo gaabiyeen mustaqbalkiisa markii ay ku rideen godka, balse Alle ayaa u adeegsaday iyaga si uu u dhiso mustaqbalkii nebi yuusuf.

Ma jirto cid kaa hor istaagi karta waxa Alle kuu qaddaray. Rajadaada kor gee, oo noloshaada sii wad, ogowna in dhibkasta uu ka danbeeyo faraj.

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

22 Oct, 17:35


𝗦𝗣𝗢𝗡𝗦𝗢𝗥𝗘𝗗 𝗕𝗬 :

@Darenjaceyl1
@wadnojacayl
@dhiirigaliye10
@Maskax_maaal
@Team_Hormuud
@Xikmadoiyodhiirigalin

𝗛𝗮𝗱𝗮𝗳𝗸𝗲𝗲𝗻𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝘄𝗲𝘆𝗻 𝗮𝘆𝗮𝗮 𝗮𝗵 𝗶𝗻 𝗮𝗮𝗻𝘂 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝗲𝗲𝗻𝗮 𝗸𝗮 𝗵𝗮𝗾𝗮𝗯 𝘁𝗶𝗿𝗻𝗼 𝗱𝗵𝗮𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗯𝗮𝗮𝗵𝗶𝘆𝗮𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗮𝗾𝗼𝗼𝗻𝗲𝗲𝗱 𝗘𝗲 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝗱𝘂𝘄𝗮𝗻 𝗶𝗻𝘁𝗮𝗮𝗻 𝗮𝘄𝗼𝗼𝗱𝗻𝗼 𝗴𝘂𝘂𝗱 𝗮𝗵𝗮𝗮𝗻 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝗼𝗼 𝗱𝗵𝗮𝗻 𝗴𝗮𝗮𝗿 𝗮𝗵𝗮𝗮𝗻𝗮 𝗱𝗵𝗮𝗹𝗶𝗻𝘁𝗮 𝘀𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗲𝗲𝗱 𝗜𝗻𝘀𝗵𝗮 𝗮𝗹𝗹𝗮𝗵. 💯📚🧠

~ 𝗔𝗱𝗺𝗶𝗻 - @Wll_adnaan

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

22 Oct, 03:52


Qaar ka mid ah xeerarka bulshada dhexdooda, laga yaabaa in ay ku caawiyaan. 💁‍♂

1: Haddii uu qof kula hadlayo, in aad mobilka ku mashquushaa wax wanaagsan maaha, taasi waxa ay muujisaa ixtiraam darro. 🙅

2: Dadka ha weydiin su'aalaha xanuunka ah sida; weli maad guursan miyaa? Goormad guursan? Carruur ma dhashay? Shaqo maad helin weli miyaa? llaahay baa arrimahan ku shaqo leh, adiga maaha dhibaatadaada ee ha gelin afarahaas. 🧏

3: Haddii adiga iyo qofka aad saaxiibka tihiin taxi ama gaadhi wada raacdaan oo uu lacagta bixiyo, adna marka labaad bixi. 🤩

4: Badanaa u fur albaabka qofka kaa danbeeya, micno ma samaynayso in qofkaasi yahay; gabadh, nin, qof martabada nolosha meel sare ka jooga iyo mid aan ka jooginba, Bilicdaada qof nimo hoos udhigi mayso hadaad bulshada dhexdeeda qof ula dhaqanto si wanaagsan iyada oo siyaadisa maahee. 👌

5: Haddii qof wax kaa tuso mobilkiisa, ha u rogin bidix ama midig, ma ogid waxa xiga. Si guudna dhaqan wanaagsan maaha.

6: Weligaa ha bixin talo, ilaa lagu weydiisto maahane. 💯

╭┈──────────────
╰┈➤ - Zaxiibka nolosha
👤

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

21 Oct, 03:45


16 hab oo saynis ah oo aad kor ugu qaadi karo caqligaaga: 🧏

1. Cabida biyaha

Cabitaanka biyo kugu filan wuxuu hagaajin karaa diiradda iyo xasuusta gaaban ilaa 15%.

2. Dejinta hadaf

Dejinta hadafyada cad waxay kordhin kartaa natiijooyinka waxbarashada ilaa 40%.

3. Barashada luuqad Cusub

Dad bilingal ah waxay ka dib dhigi karaan calaamadaha demintiyada ilaa 4.5 sano marka loo eego dadka monolingal ah.

4. Xallinta

Xallinta, xallinta joogtada ah waxay dib u dhigi kartaa gabowga maskaxda ilaa 10 sano.

5. Akhriska Joogtada Ah

Dadka akhriya 30 daqiiqo maalintii waxay nolol dheer leeyihiin celcelis ahaan 23 bilood marka loo eego kuwa aan akhriyin.

6. Cunista cuntooyinka Caqliga Kor U Qaada

Cunista cuntooyinka hodanka ku ah omega-3 waxay kordhin karaan mugga maskaxda ilaa 0.7%.

7. Qayb Ka Noqo Muusiga
Cayaaraha muusiga wuxuu kor u qaadi karaa xasuusta hadalka ilaa 17%.

8. Qorshe Joogto Ah

Journaling waxay hagaajin kartaa xasuusta shaqada ilaa 9%.

9. Jimicsi Maalinle Ah

Jimicsiga joogtada ah wuxuu hagaajin karaa xasuusta iyo xirfadaha fikirka ilaa 20%.

10. Dhegeysigao

Meditation wuxuu kordhin karaa cufnaanta unugyada cawl ee maskaxda ilaa 2.8% muddada siddeed toddobaad.

11. Yaraynta Shaashadaha

Yaraynta waqtiga shaashada 30 daqiiqo maalintii waxay hagaajin kartaa tayada hurdada ilaa 15%.

12. Ka Qayb Qaadashada Doodaha

Doodaha joogtada ah waxay horumarin karaan xirfadaha fikirka muhiimka ah ilaa 12%.

13. Noqoshada Curious

Ka qaybqaadashada waxbarashada nolosha oo dhan waxay hoos u dhigi kartaa khatarta Alzheimer ilaa 50%.

14. La noolaanshaha Bulshada

Shabakadaha bulsheed oo xooggan waxay hoos u dhigi karaan khatarta hoos u dhaca kognitifka ilaa 26%.

15. Barshada hab dhaqanka

Barista dadka kale waxay kordhin kartaa fursadaha ka hortagga demintiyada.

16. Fikradaha Muhiimka kuu Ah ku dhaqaaq

Jimicsiyada fikirka muhiimka ah waxay hagaajin karaan xallinta xirfadaha dhibaatooyinkaaga ilaa 30%. 💯

╭┈──────────────
╰┈➤ - Zaxiibka nolosha 👤

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

20 Oct, 17:49


"Hadafkeenu Waa Kobcinta Garaadka Bulshadeena Waxan Halkan Ku Kulminay Kanaalada Ugu Sareeya Uguna wanaagsan Iyo Qaar Kamid Ah Dhalinta Udiyaarsan Sidii Ay Bulshadooda U Dhiirigalin Lahaayen.

Sponsored ⬇️
@QALINKA24
@HOYGAJACAYLKA

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

20 Oct, 06:35


Salaatu Duxaa Waa Salada Farxadaha waxaa kaga filan fadligeeda inay sadaqo u tahay dhamaan xubnaha jirka tahayna salaada awaabiinta kuwa tawbad keenka badan.🤍🌿

Haka tagina tukashada salaatu duxa

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

18 Oct, 18:26


𝗠𝗮 𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗷𝗼𝗼𝗴𝘁𝗲𝘆 𝗔𝗮𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝘄𝗮𝗾𝘁𝗶 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗺𝗮𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 𝗯𝗮𝘅𝗮𝘆 𝗿𝗮𝗮𝗱𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗸𝗮𝗻𝗻𝗮𝗮𝗹𝗼 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗼 𝗨'𝗹𝗲𝗵 𝗻𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗮𝗮𝗱𝗮, 𝘄𝗮𝘅𝗮𝗻 𝗵𝗮𝗹𝗸𝗮𝗻 𝗸𝘂𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝘅𝘂𝗹𝗮𝘆 𝘄𝗮𝗹𝗮𝗹, 𝗸𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗳𝗮𝗮𝗶𝗱𝗮𝗱𝗮 𝗯𝗮𝗱𝗮𝗻 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗼𝗼 𝗻𝗼𝗼𝗰 𝗸𝗮𝘀𝘁𝗮 𝗹𝗲𝗵, 💯

𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼, 𝗡𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗾𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼𝗼 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗼 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻 👇

@jaceylqore
@Enjoy_boy1
@Cilmu_nafsi_10
@Saxiibka_Nolosha
@HOYGAJACAYLKA
@Aqoonta_kaa_maqan
@Xikmadoiyodhiirigalin

Admin - @Zaxiibka_nolosha

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

18 Oct, 06:07


Sheekh mustafe xaaji ismaaciil 🤓

Walaalahay waa maalin jimco ah Iiguu saliya xabiikeena Muxamed ﷺ ❤️💯

╭┈──────────────
╰┈➤ - Zaxiibka nolosha 👤

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

15 Oct, 04:45


Dhinac-yada cilmi nafsiga iyo dadka qaar dabeecadooda gudaha. 🧏

1. Inferiority Complex

Qofka qaba dareen-ka nocaan ah wuxuu isku arkaa mid aan qiimo lahayn ama ka hooseeya dadka kale, isaga oo isbarbar dhigaya kuwa kale oo u arka naftiisa inuusan la mid noqon karin iyaga. Dareenkan noocaan ah wuxuu qofka ka hor istaagaa inuu isku dayo wax cusub ama inuu horumar sameeyo, sababtoo ah wuxuu aaminsan yahay inuu ku fashilmi doono wax-kastaa uu sameeyo. Caadi ahaan, waxay ka timaadaa carruurnimadiisa ama waayo-aragnimo hore oo dhaawacday kalsoonida naftiisa. 😐

2. Superiority Complex

Tani waa xaalada qofku isku arko inuu ka sarreeyo ama ka fiican yahay dadka kale, taasoo ah hab uu ku qariyo kalsooni la'aanta uu gudaha ka dareemayo. Qofka wuxuu muujinayaa kibir iyo isla weyni si uu u iskaga indha tiro dareenka kalsooni darada oo uu ka dareemayo gudahiisa, wuxuu intabadan ku dadaala inuu u xaqiijiyo dadka in uu yahay qof qiimo badan. Marka aad fiiriso, wuxuu dadka kale u arkaa inay ka liitaan ama aanay qiimo lahayn. 😒

3. Imposter Syndrome

Waa xaalad uu qofku ku dareemo inuu yahay qof aan guulihiisa u qalmin, inkastoo uu guulo muuqda ka gaaray nolosha. Qofka nocaan ah wuxuu aaminsan yahay in guulihiisa uu ku gaaray nasiib, ma aaminsana dadaalkiisa ama kartidiisa inuu ku gaaray guulihiisa nololeed, wuxuuna ka cabsadaa in dadka kale ogaadaan inuu beenaale yahay. Dareenkan wuxuu qofka ku qasbaa inuu had iyo jeer naftiisa ku dhaliilo ama uu ku fikiro xittaa qofka inuu isdilo isagoo naftiisa ka dhaadhiciyay in uusan u qalmin guulahan uu gaaray. 🔥

4. Perfectionism

Dadka qaba perfectionism waxay leeyihiin baahi joogto ah oo ay wax walba ugu dhigayaan habka ugu fiican. Inkasta oo tani ay ka muuqato mid wax ku ool ah, waxay ku saleysan tahay cabsi iyo kalsooni la'aan, sababtoo ah qofku wuxuu ka baqanayaa inuu wax khalad ah sameeyo ama uu ku fashilmo haddii aanu wax walba ku qabsan qaab wanaagsan ama qumman. Waxa ay keentaa daal iyo niyad-jab, qofka nocaan oo kale ah wuxuu intabadan dareemayaa inuusan waligiisa guul gaari doonin. 😕

5. Dependent Personality Disorder (DPD)

Xaalad uu qofku si xad-dhaaf ah ugu tiirsan yahay dadka kale, isagoo aan kalsooni ku qabin awooddiisa iyo kartidiisa. Qofka noocaan ah wuxuu raadiyaa oggolaanshaha iyo taageerada dadka si uu u dareemo xasilooni. Waxaa laga yaabaa inuu ka baqo inuu keligiis go'aan qaato ama uu mas'uuliyad qaato, taasoo keenta in qofku uu dareemo in uusan qiimo laheen, wuxuu intabadan ku tiirsan yahay dadka kale, wuxuu aamin sanyahay haddii aysan dadka caawin inuu go'doon ku jiro, dadka nocaan ah waxeey dareemaan cabsi iyo walaac xad dhaaf-ah oo ay ka qabaan nolosha. 💯

~ Fikir. Mid kee tahay hadaba adigu akhriste..! 💁‍♂

╭┈──────────────
╰┈➤ - Zaxiibka nolosha 👤

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

14 Oct, 03:22


7 kor ugu qaad kalsoonida naftaada.

1. Aqoonsiga Awoodahaaga iyo Daciifnimadaada:

Fahamka awoodahaaga iyo daciifnimadaada waa tallaabo muhiim ah oo kalsooni lagu dhiso, Xoojinta awoodaha aad leedahay waxay kaa caawinaysaa inaad dareento inaad wax qabsan karto, halka aqbalaadda daciifnimadaaduna kuu ogolaaneyso inaad ka shaqeyso hagaajintooda adigoon niyad jabin. 💁‍♂

2. Is-barbardhigidda Ka Fogaaw:

Is-barbardhigidda dadka kale waxay dhaawici kartaa kalsoonidaada. Qof walba wuxuu leeyahay jidkiisa iyo waayo aragnimadiisa. Isku day inaad diiradda saarto safarkaaga gaarka ah oo aad qiimeyso horumarkaaga. 🔥

3. Daryeel Naftaada:

Daryeelka caafimaadka jidhka iyo maskaxda waa mid muhiim ah oo kaalin weyn ka qaata dhisidda kalsoonida, Cunida cunto caafimaad leh, jimicsi joogto ah, iyo nasasho kugu filan waxay jidhkaaga iyo maskaxdaada ka dhigaan kuwo caafimaad qaba, taas oo keeneysa inaad si wanaagsan u dareento naftaada. 🧏

4. Horumarka Yaryar Qiimee:

Kalsoonidaada waxay ku kortaa guulaha yaryar ee aad gaarto, Markaad hawl yar qabato ama guul yar gaarto, naftaada ku bogaadi, Tani waxay ku baraysaa inaad u aragto horumarkaaga mid qiimo leh. 🤞

5. Ka Shaqee Fekerkaaga:

Iska daa fikradaha xun ee maskaxdaada ku soo noqnoqda. Markaad dareento inaad naftaada hoos u dhigayso, fikirkaaga bedel oo u jeedi dhinaca waxyaabaha wanaagsan ee aad leedahay, Aaminaad wanaagsan oo aad naftaada ku qabto waxay kaa caawinaysaa inaad waxyaabo badan qabatid.

6. Baro Xirfado Cusub:

Barashada wax cusub waxay kuu keenaysaa kalsooni dheeraad ah, Waxay kugu dhiirigelinaysaa inaad ogaato inaad wax cusub samayn karto oo aad horumar gaari karto, xitaa haddii marka hore aad ka baqayso inaad isku daydo. 👌

7. Qaado Tallaabooyinka Halis-yar:

Qaadashada tijaabooyin yaryar iyo inaad naftaada ka hor mariso caqabadaha yaryar waxay si dabiici ah u dhisaan kalsoonida, Tallaabo tallaabo ayaad u baran kartaa inaad ku xisaabtanto naftaada oo aad ku kalsoonaato awoodahaaga, Kalsoonida waxay ku timaadaa waayo-aragnimo iyo shaqo joogto ah oo aad naftaada kula yeelato. 💯

╭┈──────────────
╰┈➤ - Zaxiibka nolosha 👤

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

12 Oct, 05:00


Haddii aad rabto in aad beddesho noloshaada, laakiin aadan garaneyn halkii aad ka bilaabi lahayd.!

Markaas tan ayaa kuu wanaagsan...
🧏

1. WAKE UP EARLY

"" "Dibiga hore ayaa dhadhanka helo."

Soo kicida 5 a.m. waxay ku siinaysaa fursad dheeraad ah oo aad ku samayso hawlo sida:

• Jimicsi
• Qorshaynta
• Waxqabadka
• Shaqeynta ganacsiga

Hawlahan waxay kuu horseedi doonaan inaad gaarto yoolalkaaga si fiican.

2. JOURNALING BEFORE BED

"Qorista maalinlaha ah, waxay la mid tahay in qofka uu ishaaciyo oo isla waqtigaas dhageysto." - Mina Murray

Qorista fikradaha sida:

• Yoolalka berri
• Mahadnaq
• Ka fiirsashada fikradaha xun
• Shaqeynta ganacsiga

Tani waxay hagaajin kartaa tayada hurdadaada iyo caafimaadkaaga maskaxeed.

3. LEARN AN ONLINE SKILL 1 HOUR A DAY

"Waxbarashadu waa wax qofna ka qaadi karin." - Elin Nordegren

Iyada oo sicir-barar iyo canshuuro kor u kacayaan, barashada xirfad khadka tooska ah waxay noqon kartaa isbeddel weyn.

• Horumarinta webka
• Isticmaalka qalabka aan koodh lahayn
• YouTube
• Qorista nuqul
• Suuq-geynta dijitaalka ah
• Abuurista waxyaabaha
• Suuq-geynta saameeyayaasha

4. EXERCISE 1 HR DAILY

"Jimicsiga hal saac waa 4% maalintaada. Waxba ma haysato."

Jimicsiyadan waxay bixiyaan natiijooyinka ugu fiican:

• Orodla
• Dabaasha
• Kicinta miisaanka
• Pilates-ka

Jimicsiyadan waxay si dhakhso ah u adkeeyaan oo u qaabeynayaan jirkaaga.

5. SIT IN SILENCE FOR 10 MINUTES A DAY

"Aamusnaantu waa isha xooga weyn." - Lao Tzu

Samaynta waqti aamusnaan iyo feejignaan waxay u'oggolaaneysaa maskaxdaada:

• Inay nasato
• Hagaajinta caddeynta maskaxda
• Inay joogto waqtiga
• Yareynta walbahaarka
• Ka fiirsashada

6. CREATE A PROPER SLEEP SCHEDULE

"Hurdadu waa daawada ugu fiican." - Dalai Lama

Hurdadu waa muhiim maadaama ay saameyn ku yeelanayso:

• Waxqabadkaaga
• Caafimaadka maskaxdaada
• Heerka walbahaarka
• Moods-kaaga

Samee tan si aad u hesho hurdo qoto dheer:

• Ka fogaanshaha shaashadaha 2 saacadood ka hor hurdada
• Ka fogaansho cunto 2 saacadood ka hor hurdada
• Qolkaaga qabow ku hay
• Isticmaal daahyada madow

7. 30-MINUTE WALK IN NATURE

"Soo dhawaanshaha dabeecadda ayaa nafta dib ugu celinaysa guriga." - Mary Davis

Dabeecaddu waxay caddaynaysaa inay kaa caawiso:

• Ka takhalusid walbahaarka
• Kordhin farxadda
• Hagaajinta moodkaaga

Tani waa mid ka mid ah xeeladaha ugu fiican ee hagaajinta maalintaada.

8. READ 10 PAGES A DAY

"Akhrisku waa sida jimicsiga jidhka ee maskaxda."- Joseph Addison

Akhrintu waxay xoojinaysaa maskaxdaada waxayna sidoo kale:

• Kor dhisaa diiradda
• Kor dhisaa aqoonta
• Kor dhisaa kalsoonida

Buugaagta la akhrin karo ee kordhiya awooda maskaxda waxaa kamid ah:

• "Atomic Habits" - Ee uu qoray James Clear
• "How to Win Friends and Influence People" - Ee uu qoray Dale Carnegie
• "Millionaire Fastlane" - Ee uu qorey M.J. DeMarco
• "The Alchemist" - Ee uu qoray Paulo Coelho

Tani waa tilmaam guud oo wanaagsan oo kaa caawin karta in aad bilowdo isbeddel wanaagsan oo dhanka noloshaada ah. 💯

╭┈──────────────
╰┈➤ - Zaxiibka nolosha 👤

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

12 Oct, 03:54


يا إلهي إغفر لي إن كان سؤالي أكثر من شُكري.

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

10 Oct, 04:26


~ Sababaha ugu weyn maanta...! 🧏

╭┈──────────────
╰┈➤ - Zaxiibka nolosha 👤

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

09 Oct, 14:14


7 Calaamadood Oo Muujinaya Ninka Si Dhab ah Kuu Jecel 😘

1. Wuxuu raalli gelin kaa bixin doonaa marka uu qaldan yahay: Nin si dhab ah kuu jecel wuxuu ogyahay muhiimadda raalli gelinta marka uu sameeyo qalad.

Ma doonayo in qaladaadkiisa ay dhaawacaan xidhiidhkiina, wuxuuna diyaar u yahay inuu qaato masuuliyadda ficilladiisa.

Haddii aad aragto inuu si dhab ah uga qoomameynayo qaladaadkiisa oo uu ka shaqeynayo inuu wanaajiyo xidhiidhka, tani waa calaamad cad oo jacaylkiisa.

Ma raadinayo inuu xaq u yeesho dood kasta, balse wuxuu ka shaqeynayaa sidii uu u hagaajin lahaa xiriirka.

2. Wuxuu kuu hurayaa wakhtigiisa: Jacaylka dhabta ah wuxuu u baahan yahay wakhti iyo dadaal.

Nin si dhab ah kuu jecel wuxuu diyaar u yahay inuu ka huro wakhtigiisa muhiimka ah si uu adiga kuula joogo.

Haddii uu aad ugu mashquulsan yahay shaqadiisa ama noloshiisa balse weli uu helo wakhti uu kugu weheliyo, taasi waxay cadeynaysaa sida uu kuu qiimeeyo, Waxay muujineysaa in aad tahay mudnaantiisa ugu sareysa.

3. Wuxuu noqon doonaa mid joogto ah oo joogitaan leh: Joogitaanka joogtada ah waa calaamad muujinaysa jacayl dhab ah.

Nin ku jecel ma noqonayo mid maqane ah ama kala fogaado marka xaalad adag soo wajahdo.

Joogitaankiisa joogtada ah ayaa muujinaysa in uu ka go'an yahay inuu ku taageero iyo in xidhiidhkiina uu ku saleysan yahay kalsooni iyo isku duubni.

Wuxuu mar walba kuu joogi doonaa si uu kuugu garab istaago oo uu kuu dhageysto, xitaa marka aanad waydiisan.

4. Wuxuu kuu noqon doonaa mid daacad ah oo kalsooni ku siiya: Daacadnimadu waa udub dhexaadka xiriir kasta oo guuleysta.

Nin si dhab ah kuu jecel wuxuu had iyo jeer kuu ahaan doonaa daacad, wuxuuna ku siin doonaa kalsooni buuxda.

Waxa uu ka taxaddari doonaa in aanu abuurin wax shakiyo ah oo dhaawacaya xidhiidhka, wuxuuna kuu xaqiijin doonaa inaad kalsooni ku qabto daacadnimadiisa.

Haddii uu si joogto ah kuugu muujiyo daacadnimadiisa, waa calaamad weyn oo muujinaysa jacaylka dhabta ah.

5. Wuxuu ku difaaci doonaa gadaashaada: Nin dhab kuu jecel wuxuu diyaar u yahay inuu ku difaaco xitaa marka aadan joogin.

Isaga ayaa difaaca sumcaddaada iyo magacaga waa muhiim, wuxuuna ka hortegi doonaa cid kasta oo isku dayda inay wax yeeleyso sumcaddaada.

Wuxuu noqdaa nin aan oggolayn in dad kale ay ku caayaan ama wax ka sheegaan, wuxuuna mar walba ku ilaalinayaa sharafta iyo karaamadaada.

6. Wuxuu ka fogaan doonaa inuu si kas ah kuu dhaawaco: Nin ku jecel si dhab ah wuxuu ka fogaan doonaa wax kasta oo kuu keenaya xanuun ama dhaawac qalbigaaga.

Isaga, farxaddaada iyo raaxadaada waa u mudnaan, Haddii uu khalad sameeyo, uma samayn doono si kas ah ama ula kac ah.

Mar walba wuxuu ku dadaali doonaa inuu wanaajiyo dareenkaaga iyo inuu daryeelo Qalbigaaga.

Jacaylka dhabta ah wuxuu ka muuqdaa sidii uu uga fogaanayo wax kasta oo adiga wax kuu dhimaya.

7. Wuxuu kugu jeclaan doonaa luqadda

jacaylkaaga: Luqadda jacaylka waa sida qofku u fahmo ama u dareemo jacaylka.

Nin ku jecel si dhab ah wuxuu ku dadaali doonaa inuu fahmo sida aad ugu jeceshahay in jacayl laguugu muujiyo.

Haddii ay tahay hadallo kalgacal leh, ficillo daryeel ah, ama wakhti la qaato, wuxuu diyaar u noqon doonaa inuu fahmo sida aad ugu baahan tahay in jacaylka lagugu muujiyo, wuxuuna raaci doonaa luqaddaada si uu kuu qanciyo.

Talo: Xiriir kasta oo guuleysta wuxuu ku saleysan yahay isfaham, sabir, iyo dadaal labada dhinacba ka yimaada. 🤞

Haddii aad dareento inuu ninku ku jecel yahay oo uu muujiyo calaamadahan, waa muhiim inaad isagana tusto jacaylkaaga, adoo dhageysanaya, taageeraya, oona tixgelin siinaya dareenkiisa. ❤️

Xiriirku waa waddo laba dhinac leh; si ay u qurux badnaato, waa in labada dhinacba ay ka shaqeeyaan ilaalinta iyo horumarinta jacaylka. 👩‍❤️‍👨💗💯

Waad ku mahadsantahay Waqtigaaga qaaliga ah Jaceylka Ha Guuleysto, 💓

╭┈ - Mʀ ᴊᴇᴄᴇʟᴏᴡ
😍

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

09 Oct, 05:27


Maxay macna oo ay kuu samaynaysaa heer kasta oo aad ka gaarto nolosha ama boos kasta oo aad ka joogto, haddii aad adigu tahay mid aan isjeclayan ama aan iska helin, si guud iyo si gaar ah ba? Maxay soo kordhinaysaa ayaad isleedahay, haddii aad guri weyn oo qasriya leedahay, oori joog iyo jimaal leh kuu dhaxto, gaadiidka dhulka, badda iyo cirkaba aad tahy oo aan isku qancasanayn, sow bar-kuma-taal ma aha noloshaasi?

Sow la yaab ma aha sidii aynu waqtigeenna badan ugu bixinnay ama aynu isku gu mashquulinno, waliba si naf-la-caari ah, sidii aynu u qancin lahayn ummadda nagu harayaysaam ama aan ugu muuqan lahayn, qof balaayo-casar ah, laakiin habeennkii markaan sariirta tagno aan is-hiifno?

Waad ogtahay jecalhay, waayaahaan dambe waxaa maqalkeeduu nagu batay oo lagu celceliyay ereyada ay ka mid yihiin is-jecleysi (self-love) iyo is-daryeel (self-care), laakiin midna macquul noqon mayso annaga oo aan ahayn kuwa aan is-aqoon (self-knowledge). Macnaha saxdaa ee is-jecleysigu waa adiga oo aqbala naftaada si buuxda, xaalad kasta oo aad joogto iyo wax kasta oo aad tahay. In aad noqoto shaqsi is-jecelna waa mid aad muhiim ugu ah caafimaadka dhimirka (mental health).

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

08 Oct, 03:45


5 SHAN QAACIIDO IYO TUSAALOOYIN KOODA...

Cajiip kaalay ila akhriso.!

1. Qaaciidada: 80/20 (Pareto Principle)

Macnaha: 80% guulahaaga waxay ka yimaada 20% dadaalkaaga.

Tusaale: waa Inaad xoogga saarto waxyaabaha muhiimka ah ee noloshaada sida shaqadaada iyo waxyaabaha wax ku oolka ah, halkii aad wakhti ku lumin lahayd hawlaha aan muhiimka kuu ahayn.

2. Qaaciidada: (Parkinson's Law)

Macnaha: Shaqadu waxay ku fidaa waqtiga loo qoondeeyo.

Tusaale: Haddii aad hawl ku dhammayso 2 saac, waxaad ogaan doontaa in 30 daqiiqo oo si go'aan leh lagu hawlgalo lagu dhammayn karo isla hawlahaas.

3. Qaaciidada: Kharashka Kooban (Budgeting Rule)

Macnaha: 50/30/20 – 50% dakhliyadaada ku bixi baahiyaha muhiimka ah, 30% raaxada, 20% kaydka.

Tusaale: Haddii aad leedahay dakhli gaaraya $1000-bishii, ku bixi $500-kirada, cuntada, iyo baahiyaha aasaasiga ah, $300-raaxadada yacni naftada kusi nasi, $200-na kaydso.

4. Qaaciidada: Guushada Maalin laha ah (Daily Win)

Macnaha: Ujeeddooyin maalinle ah oo yar-yar ayaa horseedaya guulo waa weyn.

Tusaale: Haddii aad doonayso inaad akhrido buug weyn, halkii aad isku dayi lahayd inaad hal mar dhamayso, maalin kasta 10 bog ka akhri.

5. Qaaciidada: (Compound Effect)

Macnaha: Waxqabadka yaryar ee joogtada ah wuxuu keenaa natiijooyin waaweyn.

Tusaale: Haddii aad maalin kasta ku tababarto 20 daqiiqo oo orod ah, bisha dhammaadkeeda waxaad arki doontaa horumar weyn oo caafimaad ah.

"Waxaad qaaciidooyinkan kaga faa'iidaysan kartaa inaad si caqli leh u maamusho noloshaada, oo aad gaadho guulo waa weyn adigoo ka bilaabaya talaabooyin yaryar oo sax ah."

╭┈──────────────
╰┈➤ - Zaxiibka nolosha 👤

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

06 Oct, 14:32


6 shay oo naftaada muhiim u ah... 🧏

1. Xakameey naftada ee ma'aha mida dadka kale:

Waa run xakamaynta dadka kale waa awood laakiin xakamaynta naftaada ayaa ah awooda saxda ah! 🔥

2. Waxba ha filan, wax walbana ka mahad celi:

Noqo mid naftiisa uga mahad celiya wax yaalaha yar yar ee ay qabato, si aad uhesho xasilooni iyo deganaan gudaha ah! 🤞

3. Dadaal inta karaankaa iyo awoodaada ah, kuna kalsoonow dedaalkaaga:

In badan oo aad si adag udadaashaa, waa inta badan ee nasiib badan tahay! 💁‍♂

4. Baro fal celinta yar:

Markaad xakameyso falcelintaada, qofna kuma xukumi karo! 👌

5. jooji inad wax walba usheegtid dadka:

Dadka intooda badan ma daneeyaan guushaada, xitaa qaar kuu dhow ayaaba si hoose ujecel in aad guuldareysatid! 👌

6. Ugu dambeyntii uxulo saaxiibadaada si xikmad leh:

Qaabka ugu fudud ee aad ku noqon karto qof wanaagsan, waa inay naftaada ku hareeray san yihiin dad wanaagsan! 💯

╭┈──────────────
╰┈➤ - Zaxiibka nolosha 👤

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

04 Oct, 06:08


‏اللهُم في يوم الجمعة سخر لي كل شيءٍ ولو كان في نظري مستحيلًا، وسخر لي من الأقدار أطيبها ومن التباشير أسعدها ومن الأرزاق أوسعها🤍🤍🤍🤍🤍

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

04 Oct, 02:44


Haddii ad rabto in aad dhalinyaro noqoto.! 💯🫀🧏

~ Sheekh mustafe x/ismaaciil ❤️

╭┈──────────────
╰┈➤ - Zaxiibka nolosha 👤

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

01 Oct, 03:05


‏اللهمَ أنتَ الحفيظُ فاحفظ علينا طمَأنينتَنا وسُكوننا، وأنتَ السلامُ فسلِّمنا من الخوفِ والوجَل ، وأنتَ المنَّان فأوزِعنا أن نشكُر جليل منَنك وعظِيم نِعمائك، وأنتَ الشَكور فتقبَّل منَّا يَسير الجُهد وبارِك لنا فِيه، وأعنَّا على السَّعي فِي محابِّك ومرَاضيك💗💗🌻

ءامين❤️❤️

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

28 Sep, 17:32


"Geeridu ma’aha marka ay ruuxdu innaga baxdo oo keliya, waxaa jira geeriyo ka horreeya, waxaa ka mid ah; marka ay isu wada ekaadaan maalmahaagu, ee isbeddel oo dhan aad joojiso, marka waxa keliya ee kuu kordhayaa uu noqdo sannadaha da’daada iyo miisaanka jidhkaaga".

-

𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗶_𝗵𝗮𝗻𝗸𝗮𝗮𝗴𝗮 🖤🦋📚🔐🌍

26 Sep, 16:48


‏"اللهُمّ إنا نَستَغفِرُك مِن كُل ذَنب يكون سبب في قطع الرجاء وَرد الدعاء وتوارد البلاء وترادف الهموم وتضاعف الغموم، ونَستغفِرُك عن كُل وقت لم نذكرك فيه، أستغفِرُ الله العَظِيم لِي ولوالدي وللمؤمنين والمؤمنات والمسلمين والمسلمات الأحياء منهم والأموات، وأتوبُ إليهِ من كبائر الذنوب وصغائرها."💚💚💚