Dhaqan_wanaag ꨄ @dhaqan_wanaag Channel on Telegram

Dhaqan_wanaag ꨄ

@dhaqan_wanaag


‏﴿ وَيَسِّرْ لي أَمْرِي ﴾

💌: @Mohaden_1

"Waxa idinku khayr badan ka dadka anfaca"

—Nebi Muxamed ﷺ

Dhaqan_wanaag ꨄ (Somali)

Dhaqan_wanaag is a Telegram channel dedicated to celebrating and promoting Somali culture and traditions. The name itself translates to 'beautiful culture' in Somali, emphasizing the richness and beauty of the Somali heritage. The channel aims to connect Somali people from all around the world and provide a platform to share stories, traditions, and experiences. Through vibrant discussions, photos, videos, and articles, Dhaqan_wanaag showcases the diverse aspects of Somali culture, including traditional music, dances, clothing, food, and more. It is a space where Somalis can come together to learn about their roots, preserve their heritage, and celebrate their identity. One of the channel's key objectives is to create a sense of community and unity among Somalis, both within the country and in the diaspora. By highlighting the shared values and traditions that unite them, Dhaqan_wanaag aims to foster a sense of pride and belonging among its members. Quotes from prominent Somali figures, such as the one by Prophet Muhammad (peace be upon him) in the channel description, serve as a source of inspiration and reflection for the community. They remind followers of the importance of kindness, solidarity, and respect within the Somali culture. Whether you are a Somali looking to connect with your roots or someone interested in learning more about Somali culture, Dhaqan_wanaag has something for everyone. Join the channel today to be a part of this vibrant community that celebrates the beauty and diversity of Somali heritage.

Dhaqan_wanaag ꨄ

25 Dec, 04:32


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

25 Dec, 03:02


أَلَيْسَ اللَّهُ بِكَافٍ عَبْدَهُ 

Waxaa laga yaabaa inaad cabsi iyo werwer ka qabto mustaqbalkaaga, laakiin waxay cabsidaasi baaba’aysa ooy noqonaysa waxba-kama jiraan marka aad dib u milicsato hadalka Eebbe Ee ah “miyaanu Eebbe Ku filnayn adoonkiisa?”

Tanina waa fariin qurux badan oo inooga timiday xagga Rabbigeen! Yaa Rabbi waad nagu filantahay.

https://t.me/Sama_talis44

Dhaqan_wanaag ꨄ

24 Dec, 19:44


Fariin kale oo inooga timid, Sheekh Maxammed Cumar Dirir.

https://t.me/Sama_talis44

Dhaqan_wanaag ꨄ

24 Dec, 18:59


Waxa aynu noqonay qoys balaadhan ,500 oo qof 🥳❤️

Dhaqan_wanaag ꨄ

24 Dec, 18:55


Waqtigaagu waa qaali; ha ku lumin wax aan faa'iido lahayn. Ku raaxayso safarka nolosha adiga oo maskaxdaada, qalbigaaga, iyo dedaalkaaga ku hagaajinaya mustaqbal wanaagsan. Xasuusnow, guushaadu waxay bilaabataa hal tallaabo oo aad maanta qaaddo.

❤️

Dhaqan_wanaag ꨄ

24 Dec, 17:43


https://t.me/RAADSAN1

Dhaqan_wanaag ꨄ

24 Dec, 16:24


Marka aad kala qorid ama isku qorid samaynayso ka fiirso weedha iyo macnaheeda. Qof kasta oo damacsan in uu qoraal sameeyo kala qoridda iyo isku qoriddu macne weyn ayay u samynayaan qoraalkiisa, waana mawduuc u baahan ka fiirsi badan. Intan aan soo qaatay waa dhawr tusaale oo ku kala filiqsan mawduuca cinwaanka wata, waana fahan soo dhowayn uun.

—M.khaliif

Dhaqan_wanaag ꨄ

24 Dec, 16:24


Waxaan markii afraad dhammeeyay buugga Nuun. Waxaa iiga baxay wax aan mararkii ka horreeyay iiga bixin, waxaana ogaaday akhriska danbe wax badan oo iga daahnaa. Buuggu mawduucyo badan oo ku qoran mar haddii aad akhrido mar labaad kaaga baahan maayaan, se waxa aan jeclaystay in aanan kala akhrin e, aan mar kasta isku akhriyo. Way jirtaa marar badan oo aan qaybta aan rabay gaar u akhriyay. Hase ahaatee, bogga u horreeya ilaa ka u danbeeya afar jeer ayaan ka dhex baxay. Buuggan mawduucyo badan oo qoraalka wanaajistiisa ku saabsan ayuu taabanayaa, waxqoriddana waxa uu ka taabanayaa mawduucyo buurbuuran. Marka aad buugga akhrinayso wax badan oo laga maarmi karay waad ugu dhex tagi, qoraaguse waxa uu sheegayaa in ay kas ka tahay oo uu rabo in uu jidbixin uga dhigo dadka ka danbeeya ee buug ka qori doono mawduucan.

Maanta buugga dhan ma gorfaynayno kamana hadlayno mawduucyadiisa oo dhan e, waxa aan isla eegaynaa mawduuc aan is-idhi qofka wax qoraya ma laha waa u muhiim. Mawduucan waxa uu qoraagu cinwaan uga dhigay "Isku Qorid iyo Kala Qorid", waxa uuna kaga hadlayaa inta u dhexaysa bogagga 319 ilaa 329. Kala qoridda iyo isku qoriddu—sida uu qoraagu sheegayo—waa muhiim, waxa ayna muhiim u tahay in ereyga laga ilaaliyo qallooc macneed. Marka aad laba erey oo kala qormaya isku xidho waxa suurtagal ah in uu dhasho erey kale oo macne gaar ah ku leh afka, marka aad kuwo isku qormaya kala saartana waxa suurtagal ah in uu dhasho erey kale oo micno gaar ah ku leh afka. Haddaba, waxa uu qoraaga xiganayaa laba xeer oo uu sal uga dhigayo dooddiisa; kuwaas oo uu ka xiganaya qoraa Maxamed Xaaji Xuseen Raabi. Maxamed, waxa uu xeerarkan ku dhigay buuggiisa Habka Qoraalka, 1977. Labadan xeer waxa ay leeyihiin:

Xeerka 1: "eray la ma kala qori karo, haddii macnihiisu doorsoomayo ama jabayo".
Xeerka 2: "haddii eray laba eray laga dhigo, labada eray ee dhashay waa in ay ka mid noqon karaan qaybaha hadalka (parts of speach) ee afkaas".

Labadan xeer haddii aynu faafahinno dulucdooda, waxa ay noqonaysaa: marka laba erey la kala qorayo waa in ereyada dhasha ama kala qoridda ku yimaaddaa ay ka mid noqon karaan qaybaha hadalka ee afka. Micnaha, waa in marka ereyga aynu kala qorno uu noqdo fal, sifo, magacuyaal ama qaybaha hadalka ee la midka ah. Dhanka kale, ereyga la kala qorayo haddii uu micne ahaan doorsoomayo marka la kala qoro ma bannaanna in la kala qoro.

Haddaba, innaga oo intaa fahannay aynu soo qaadanno dhawr tusaale—dhammaan tusaalayaashani waa kuwa uu bixiyay qoraagu:

1. Meeriska Gaarriye ee ah: Allow garansii nin moog. Haddii aynu kala qaadno ereyga "GARANSII" waxa inoo soo baxaya erey kale aadna uga fog macnaha ereyga meeriska ku jira—GARAN SII. Waxa uu isku dooriyay amar. Waxa lagu farayaa in aad qof siiso garan.

2. Ereyga GARGAAR in la isku qoro ayaa sax ah, kala qoriddiisana waxa ku imanaya khalad. GAR iyo GAAR ayaa soo baaxaya haddii aynu kala qoro, waxana ay noqonayaan laba erey oo gaarkooda macne u leh.

3. Haddii aadan guri LAHAYN iyo haddii aan cunto LA HAYN: weedha hore waxa ay ka hadlaysaa lahaansho, xagga weedha kale ay ka hadlayso hayn. Haddii la isku qoro lahayn labada jeerba weedha danbe waxa ka dhalanaya khalad, haddii labada jeerba la kala qorana weedha hore waxa ku imanaya khalad.

4. "Idinku soo noqdo berri"—idinku waa la isku qorayaa oo idinku waa magacuyaal iyo qodob iswata. Hase ahaatee, iskuma qori karo: armuu idin ku soo noqdaa berri.

5. Meeriska Hadraawi ee ah: Ku sii dar tu kaaga daran, tu waxa ay u taagan tahay mid, se haddii aad isku qorto "dar iyo tu" waxa soo baxaya macne kale: ku sii dartu kaaga daran!

6. Malaha in aad aamusto ayaa wanaagsan iyo ma laha wax cudurdaar ah qofka qalinkiisii soo illaawa. Malaha waa la isku qorayaa, se ma laha la isku qori maayo. Ta hore waa malayn ta danbana waa diidmo lahaansho.

Dhaqan_wanaag ꨄ

24 Dec, 10:44


Sheekh Mustafe X. Ismaaciil

https://t.me/Sama_talis44

Dhaqan_wanaag ꨄ

24 Dec, 08:12


Sheekhunaa Cabdirashiid Cali Suufi xafidahulaahu.
https://t.me/Sama_talis44

Dhaqan_wanaag ꨄ

24 Dec, 02:42


Ku bilawda subxiina, salaad, digri, Qur'aan akhris  jimicsi iyo biyo cabid. Si ay maalintiinu u noqodo mid qurux iyo qaayo badan huwan idam Alle. 

"Subax wacan ninkii toosay ee saaka nabad jooga"

https://t.me/Sama_talis44

Dhaqan_wanaag ꨄ

23 Dec, 19:54


🫡

Dhaqan_wanaag ꨄ

23 Dec, 18:44


❤️

Dhaqan_wanaag ꨄ

23 Dec, 15:48


❤️

Dhaqan_wanaag ꨄ

23 Dec, 04:35


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

22 Dec, 11:45


500 oo walaal, baynnu maanta gaadhnay, mahadsanidiin.
https://t.me/Sama_talis44

Dhaqan_wanaag ꨄ

22 Dec, 11:39


𝗜𝗹𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗵𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝘂𝘂 𝘄𝗮𝘅 𝗸𝘂 𝘀𝗶𝗶𝘆𝗼 𝘄𝗮𝗮 𝗻𝗮𝘅𝗮𝗿𝗶𝗶𝘀𝘁𝗶𝗶𝘀𝗮 
𝗵𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶 𝘂𝘂 𝘄𝗮𝘅 𝗸𝗮𝗮 𝗾𝗮𝗮𝗱𝗮𝗻𝗮 𝘄𝗮𝗮 𝗰𝗮𝗱𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗱𝗶𝗶𝘀𝗮 

𝗔𝗱'𝗵𝗮𝗺 𝘀𝗵𝗮𝗿𝗾𝗮𝗮𝘄𝗶
https://t.me/Sama_talis44

Dhaqan_wanaag ꨄ

22 Dec, 10:56


Waa adiga kaydka dhaqanka ee bari ka maalin awladaadu ku dhaqmi doonto. Sidaa darteed wanaaji dabeecaddada, hab dhaqankaaga, sharaftaada iyo qaabka aad maanta adigu waalidkaa ula dhaqmayso.

Dhaqan_wanaag ꨄ

04 Dec, 06:54


https://t.me/RAADSAN1


Join❤️

Dhaqan_wanaag ꨄ

04 Dec, 03:58


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

03 Dec, 19:28


Gabadh kasta oo guur doon ahi ha is weydiiso su'aashan.
Berri ka maalin haddii guurku dhamaado ,ma awoodaa inaan iska kafeyso cuntada ,hoyga iyo waxyaabaha aasaasiga ah ?
Haddii aad kafeyn karto guurso ,haddii kale isku day siddii aad u buuxin lahayd.
❤️🫂

Dhaqan_wanaag ꨄ

03 Dec, 19:04


Waxa la yidhaahdaa mar kale :" markaad habeenkii hurdo kaa soo dhici waydo ,ee ay kaa iman waydo qof ayaa jira ku jecel ayaa jira."
Lol😂😭

Dhaqan_wanaag ꨄ

03 Dec, 19:02


Wuxu yidhaahdaa cilmi nafsigu :" Haddii aad dareento siddii in qof kuu wacaayo/kuu yeedhaayo oo kale ogow qof kale ayaa kuu xiisay ."

😅💞

Dhaqan_wanaag ꨄ

03 Dec, 18:42


"Haddii anniga iyo adiga sheekadii ina dhexmartay ay dhamaato oo siyaabihii xidhiidkeenu go'een oo aynu kala tagnay shisheeye ahaan ii baro mar kale."

—Nizar qabani

Dhaqan_wanaag ꨄ

03 Dec, 17:14


https://t.me/RAADSAN1


Join❤️

Dhaqan_wanaag ꨄ

03 Dec, 03:27


Dunnidu cuudka ayay ku fududdahay ,caruurtana way ku macaan tahay laakiin u fiirso waa qurux ee ma aha qiime. Insaanka waxaa qiimaha u yeela waa aqoontiisa ee ma aha hayntiisa iyo hantidiisa. Waxa qiimaha u yeela waa waxa ku jira qalbigiisa , ee ma aha jeebkiisa. Waa u tudhiddiisa ee maaha taagtiisa. Ha noqon sidii kuwii Qaaruun u quudhi waayay hantida, markii isaga iyo hantidiisii dhulka lala jarayna xaqiiqda ku baraarugay "Noqo qof dhugmo leh".

__Dhambaalada Qur'aanka

Dhaqan_wanaag ꨄ

03 Dec, 03:17


Ku bilawda subxiina, salaad, digri, Qur'aan akhris  jimicsi iyo biyo cabid. Si ay maalintiinu u noqodo mid qurux iyo qaayo badan huwan idam Alle. 

"Subax wacan ninkii toosay ee saaka nabad jooga"

Dhaqan_wanaag ꨄ

03 Dec, 02:00


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

02 Dec, 19:00


"No money big problem".

Shiidku waa xannuun ba.💔😅

Dhaqan_wanaag ꨄ

02 Dec, 17:29


"Haddaad si gaar ah oo qarsoon iila taliso anniga keligay ,waad ila talisay talo fiicana way ii noqon. Balse haddii aad dadka hortooda igula taliso ,waxba iimaad tarin keliya fadeexad ayaad ii soo jiiday."

—Imaamu shaafici

Dhaqan_wanaag ꨄ

02 Dec, 15:03


Qalbigu waxa uu xasilaa, marka uu famo in wax kastaa gacanta Rabbi ku jiraan.

Dhaqan_wanaag ꨄ

02 Dec, 14:56


Odhaahdeena maanta...

Dhagaha Ka Xiro Dhaliilaha Aadanaha,..

Aqoontu waxbay dhistaa mooye waxba ma dumiso...

Ula Dhaqan Dadka Si Dagan si ay adne kula dhaqmaan si dabacsan,..

Uma noolid sidaa u qancin leheed qeyrkaaga ee waxad u nooshahy sidaa rabiga u qancin leheed..

Haddii dadku uga cabsoon lahaayeen Naarta, sida ay uga cabsadaan (faqriga), labadaba waa ay ka badbaadi lahaayeen..

Maskaxdu🧠 waa qalabka ugu awooda badan ee aad haysato, u isticmaal si xikmadaysan.

Dhaxal side

Dhaqan_wanaag ꨄ

02 Dec, 11:17


Xeer:

Naftaada been ha u sheegin.

Dhaqan_wanaag ꨄ

02 Dec, 02:32


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

01 Dec, 18:26


Go'aamada faraha badani waxa ay qallajiyaan tamartaada maskaxeed iyo midaada jireed. Qaado hal mid, waxa aad heli doontaa tamar dheeri ah waxa aadna keydsan doontaa tamar badan oo kaa lumi lahayd.

Dhaqan_wanaag ꨄ

01 Dec, 17:20


"Waxaa dhacday in maalin iyada oo masaajidkii Nebiga NNKH la joogo uu nin reer baadiye ahi masjidkii meel ka mid ah ku kaajay. Saxaabaddii waa ay ku boodeen ninkii, laakin Nebiga NNKH ayaa ka joojiyay oo yidhi; daaya oo biyo dusha kaga shuba. Intaas kuma dhaafin e, Nebigu NNKH fariin iyo darsi ayuu u raaciyay saxaabbadii, waxa uuna yidhi; ujeedkiina iyo waxa la idinka rabaa ma aha inaad wax adkaysaan ee waxa la idiin soo diray inaad wax fududaysaan. Ninkan ree baadiyaha ahi ma aqoon in aan masaajidka lagu dhex kaadshi karin iyo in kale. In wax la baro ayaa lagu saxaaye in la canaanto ma joogo. Xaaladdiisu waa ay ka duwan tahay ta dadka kale ee garanaaya in waxani qalad yihiin. Sidaas awgeed Nebigu SCW waa uu u yeedhay waxa uuna ku yidhi; masaajidku kuma wanaagsan in lagu kaadsho, ama qudhun kale lagu sameeyo ee waxaa loogu talogalay xuska Alle, salaadda iyo Qur'aan akhrinta ayuu suubbannaheenii ku soo gebogebeeyay haddalkii"

Nebigu NNKH oo ahaa macallinkeena koowaad waxa uu ahaa tusaalaha naxariista, deeqsinnimada, tudhaalaha, fududaynta, u dhimrinta ardayga, la dedaalida bartaha iyo ka dheeraanta hiifidda iyo haaraanka bartaha.

Dhaqan_wanaag ꨄ

01 Dec, 10:57


Waxaad suuraysataa ilmo yar oo aad faataxada bartay oo 70 sano ku tukanaayay faataxadaas, iyo ajarka aad halkaas ka helaysid haddii niyadu kuu saxnayd. Wax la dhayalsan karo ma aha, macallin Qur'aankuna waa uu ka sii xag jiraa macallimiinta kale. Waa tii uu Nebigu NNKH lahaa waxaa idiinku khayr badan kiina Qur'aanka barta ee dadka sii bara.

Dhaqan_wanaag ꨄ

01 Dec, 10:47


Boqol sanno ha gaadhee intay barada uun joogto
Badhaadhiyo waxaad haysataa  nolol barwaaqaade
Marka dhabanka boodh loo dhigaa  baahi kulantaane
Docday kugu bannaysaan cid kale  buuxin abidkeede
Baddalkiisa aadmigu ma helo booska hooyada.

Abwaan Xamse~Fagadhe

Dhaqan_wanaag ꨄ

27 Nov, 17:29


Waxaas miyuu fahmayaa sheekh Faarax yare.Aayar buu iska soo jari :"waan soo casheeyay/qadeeyay." 😂💔

Illaahow sheekhan oo kale noo sahal.❤️🫂

Dhaqan_wanaag ꨄ

27 Nov, 17:12


Waayuhu waxa uu i baray
Ma jiro bare ii sharraxay.
Cilmiga inta buug ku qoran
Waxaa kuman jeer ka badan
Ayaamuhu kay baxshaan.

Abwaan Kaalmeeye

Dhaqan_wanaag ꨄ

27 Nov, 14:02


"Saaxiibka wanaagsani waa nolol, waa ceel dheer oo aad ku aamminto sirahaaga, waa garaad bisil oo aad la tashato, waa garab adag oo aad....."


Illaahayow nagu arsaaq saxiib-kiisa u wanaagsan.🔐

Dhaqan_wanaag ꨄ

27 Nov, 13:08


https://t.me/Sama_talis44/43

Dhaqan_wanaag ꨄ

27 Nov, 10:15


🫳🫀💔

Dhaqan_wanaag ꨄ

27 Nov, 10:14


...
...
...

Adigaan ku maamuusay,
Milyan jeer ku muuneeyay,
Kugu soorey miyirkeyga.!

—Hodan.

Dhaqan_wanaag ꨄ

27 Nov, 10:06


Sababta ugu weyn ee dadku xidhiidhada gaarka uga cawdaan ee culays iyo caqabado door ahna uga sheegaan waa in arrin ay ahayd in si wadda-jir ah oo looga shaqeeyo, loona qaybsado uu badanka qof keligii sido, u dadaalo una hagar baxo, xitaa haddii dhinaca kale hawshan dhankiisa ka waddo, maaha sidii la rabbey iyo xadkii loo baahna. Xidhiidhada fudaydkooda, quruxsanaantooda iyo guushooduba waxay ku jirraan in si dheelitirran loo waddaago danta loo middoobey ee wakhtiga, dadaalka iyo dareenkaba loo bixinayo.

— Cabdiraxmaan Xuseen

Dhaqan_wanaag ꨄ

27 Nov, 10:01


"Waaxdeydi midigeey,
Hayga raacin waayaha."🥺❤️

— Unknown

Dhaqan_wanaag ꨄ

27 Nov, 07:46


1. Cabidda biyo badan

Qiyaastii 8 koob oo biyo caadi ah oo la cabbo maalintii waxa ay u wanaagsan tahay ilaalinta caafimaadka kelliyaha, biyuhu waxay ilaaliyaan caafimaadka kelyaha. Gaar ahaan bukaanada qaba sonkorowga( macaanka), dhiig karka, iyo xanuunnada kale ee khatarta ah, waxaa looga baahan yahay inay cabaan biyo ka badan qofka caafimaadka qaba inta uu cabbo. 

2. Yareynta isticmaka maandooriyasha/Sigaarka

Joojinta maandooriyayaasha iyo sigaarka ayaa muhiim u ah qofka si uu u  ilaaliyo caafimaadka kelyihiisa. Sigaarku waxa uu qayb ka yahay waxyaabaha sababa keliyo xanuunka daran waana cawadga caafimaadkaaga, sidaad daraadeed waa in uu shaqsigu joojiyaa isticmaalka sigaarka. 

3. Samee Baadhitaano caafimaad( Screeninig)

Waxaa aad u wanaagsan in qofku uu baadhitaan guud ku sameeyo jidhkiisa, si looga hor tago dhibaatada loona hubiyo caafimaadka kelyaha iyo xubnaha kale. 

4. Samaynta  jimicsi jidheed oo joogto ah

Samee jimicsi jidheed ugu yaraan 30 daqiiqo ama ka badan maalintii . Waxay kaa caawinaysaa nidaaminta jidhkaaga iyo firfircoonida shaqada xubnahaaga guud. dadka miisaankoodu badan yahay waxa ay  khatar ugu jiraan killiyo xanuun iyadoo loo baahanyhaay jimicsi badan iyo miisaan dhimis joogto ah si ay ula dagaalamaan kelyo xanuunka. 

Barqo wanaagsan saaxiibbayaal. 

Dhaqan_wanaag ꨄ

27 Nov, 07:44


Kelyaha bini aadamku qaab ahaab waa sida digirta oo kale( bean shaped organ) tiro ahaana waa labo wax aynna ku yaalaan 1/3 xagga dambe ee taxa-xanguulaha ee bini'aadamka, waxaana lagu ilaaliyey, murqaha iyo saablayda hoostooda. 

Cabirkooga waxaa lagu qiyaasaa 10-14 cent meter oo dherer ah ragga, iyo 9-13 cm oo dumarka ah. 3-5 cm oo ballac ah iyo 280-360 gram oo culays ah. 

Kelyaha aadanuhu waa xubin aad muhiim ugu ah jirka, waxa ayna ka shaqeeyaan in ay wasakhda ka saaraan dhiigga iyadoo kaadi ah. Waxay sidoo kale caawiyaan xakamaynta cadaadiska dhiigga iyo ilaalinta dheelitirka kiimikada. Sidoo kale, waxay samayaan unugyada dhiigga cas.

Daraasaado la sameeyay ayaa lagu ogaaday cudurka kelyo xanuunku inuu ku jiro kaalinta 7aad ee kala saraynta cudurada qaarada Africka. Sidaas daraadeed qof kasta waxaa waajib ku ah ku ah in uu/ ay  ilaaliyo/ ilaaso badkaqbaka kelyaha.

Waxaan ku siinayaa afar qodob oo muhiim aha si aad u ilaaliso  kelyahaaga

Dhaqan_wanaag ꨄ

27 Nov, 02:36


Ku bilawda subxiina, salaad, digri, Qur'aan akhris  jimicsi iyo biyo cabid. Si ay maalintiinu u noqodo mid qurux iyo qaayo badan huwan idam Alle. 

"Subax wacan ninkii toosay ee saaka nabad jooga"

Dhaqan_wanaag ꨄ

27 Nov, 01:54


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

26 Nov, 18:38


‏قَالَ قَدْ أُوتِيتَ سُؤْلَكَ يَا مُوسَىٰ



Muusoow dhab ahaantii waa lagu siiyay waydiintaadii

Yaa Rabbi noo rumee riyooyinkayaga noogana war hay sidaad uga war haysay Nebi Muuse NNKH ammintii uu ka qarsoomay indhaha dadka laakiin adigu aad ogayd
.

Dhaqan_wanaag ꨄ

26 Nov, 18:20


Noloshu waxay ku qurux badantahay, cibaado, shaqo, daryeel waalid/ubad, ehel xidhiidhin, cilmi korodhsi, jimicsi iyo horumar.

Ku dar intaan ka tagay.

Dhaqan_wanaag ꨄ

26 Nov, 15:09


"Jahliga iyo faqrigu waa laba cadow oo qofka qaba u nugleeya cadawyada kale oo dhan. Ma jiro halgan ka mudan in labadaa lala dagaallamo, mana jiro wanaag qof loo galo oo ka weyn in labadaa
looga hiiliyo."

📖 Aanadii Negeeye | 103

Dhaqan_wanaag ꨄ

26 Nov, 08:39


Yaa Salaam. kalsoonideeda ,jaceylka baaxada leh ee ay u qabto nafteeda iyo sidda dhiiran ee ay u hadlayso.! Love your self.❤️🫂

Dhaqan_wanaag ꨄ

26 Nov, 03:27


https://t.me/Sama_talis44

Raggu haday talo i waydiin lahaayeen waxaan oran lahaa maalintaad qaangaadhaan guriga hooyo dhaafa dunida rag baa ku noole wax la qaybsada, noloshu iyadaa macallin idiin noqon markaad dhulka goglataan cirkana huwataan oo ragg baad kusoo baxaysaan duruufuhu dhiseen dhan walba.

Dumarku haday talo i waydiin lahaayeen waxaan oran lahaa waalidkiin adeeca, u isxaan fala si gaara hooyo aad ugu naxariista aqoon barta, baahida u adkaysta duruufihiina qarsada oo rag dulli ah baa jiree yaan god-dalooladiina laga faaidaysan,  xirfad hadaad baranaysaanna cunto karinta haka tegina

Waalidku haday talo i waydiin lahaayeen waxaan oran lahaa ubadka diinta iyo Qur'aanka ku ababiya si ay naftooda iyo idinkaba idiin anfacaan.

Dhaqan_wanaag ꨄ

26 Nov, 03:10


Waxa uga fiican ee aad maalintaada ku bilaaban kartaa waa  Qur'aanka kariimka

xataa hal bog ha ahaatee. Marka akhriso waxaad dareemi in ay maalintaadu barako

leedahay, akhrinta Qur'aanku

Waa is beddelka dhabta ah ee nolasha. 


Barakada Alle korkooga ha ahaato kuwa Qur'aanka ku bilaabta maalintooda.

https://t.me/Sama_talis44

Dhaqan_wanaag ꨄ

26 Nov, 02:31


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

25 Nov, 19:12


ChatGtp oon muddo badan ba saaxiibo ahayn ayaan sawir ka dalbadey noloshayda mustaqbalku sidda ay noqon doonto. Xafiis qurux badan oo qoraal soomaali ahna ku yaal waa Buuggii :"Akhris aayatiin leh " . Buuggaag badanina hareerahayga yaalaan siddoo kale programingkaygiina waa dhinac socdaa.🫶🏼❤️😅

Dhaqan_wanaag ꨄ

03 Nov, 09:52


Carabka Binu Adamka oo lagu qaaday sawirka Microscope-ka.

Dhaqan_wanaag ꨄ

03 Nov, 01:55


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

02 Nov, 16:30


"Wax baro abti ,carruurtaadu gaajoon maayaane".!

Abtigay ayaa intan mar dhaweyd igu yidhi. Waa hadal dhaxal gal ah ,una baahan gabadh kastaa iney meel ku guntato/xifdido. Waxay la micno tahay inaad noqoto Hooyo wax-bartay .
❤️👩‍🎓

Dhaqan_wanaag ꨄ

02 Nov, 09:33


Ragganimada:

Dhaqan_wanaag ꨄ

02 Nov, 03:38


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

01 Nov, 17:33


Run buu sheegay.

Dhaqan_wanaag ꨄ

01 Nov, 16:58


Habloow love badan saara 😆.

Dhaqan_wanaag ꨄ

01 Nov, 14:03


“Awooddu ma aha qallafsanaan, haddii ay sidan tahayna, Nebi Muxummed NNKH ayaa ahaan lahaa qofka ugu liita dadka. Barbaarinta ubadkiinna u cuskada jacayl, kalgacal iyo naxariis. Xusuusnaada in aad isweydaaran doontaan oo ay barri kori doonaan. Haddaba, haddii aad ku barbaarisaan jacayl, cidda ugu horraysay ee goosanaysa midhahan macaani waa idinka.”

— Sh. Cali DandaawI (AHN)
—W/T: Cabdixakiin Obsiiye

Dhaqan_wanaag ꨄ

01 Nov, 14:02


Ku qurxista galabtiinan saliga nabiga ﷺ

Dhaqan_wanaag ꨄ

01 Nov, 09:26


Ku qurxista maalinkiinan saliga nabiga ﷺ

Dhaqan_wanaag ꨄ

31 Oct, 16:51


Ku qurxista habeenkiinan saliga nabiga ﷺ.

Dhaqan_wanaag ꨄ

31 Oct, 13:12


Raaxadu maaha in aad la hadasho qof ku maqla, laakiin raaxadu waa in aad la hadasho qof ku fahmaya

–Johann Goethe

Dhaqan_wanaag ꨄ

31 Oct, 02:31


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

30 Oct, 17:18


Maalik ibnu diinnaar ayaa lagu yidhi hebel iyo hebel baa ku maagayay, markaasuu ugu war celiyayay "iyaga ayay u taal", maalinkalaa haddana lagu yidhi "maaligoow hebel iyo hebel ayaa ku ammaanayay" markaasuu isla sidii s oo kale ugu warceliyay "iyaga ayay u taal" waxa uuna hadalkiisa kusoo gunaanaday "markii aan dadka bartay caydooda iyo ammaantooda toona waxba kama soo qaado, caydooduna ima dhibto ammaantooduna ima farxad galiso".

Dhaqan_wanaag ꨄ

30 Oct, 08:42


Dhallinyaro, waxaa jiri doona waqti ay wax walba isbeddelaan. Mararka qaarkood, waxaa laga yaabaa in aad dareento in noloshu ay tahay mid aan cadaalad ahayn - in wax walba ay u muuqdaan caqabad iyo dhib. Laakiin noloshu waa halxeraale. Ma jirto cid bixin karta macnaheeda. Sidaa darteed baa la yidhi "noloshu waa xujo (mystery)."

Bilmetel, mararka qaarkood, nolosha waxa lagu siin 5 carruur ah, isla markaana adiga oo daawanaya ayaa dib laga ga wada qaadan. Nolosha sidoo kale waxa lagu siin hal ilmo, waxaana laguu oggolaan in aad aragto ilaa uu ilmahaa ka gaboobayo oo aad daawato noloshiisa oo dhan. Isla noloshaa waxa lagu siin guur iyo nolol qurux badan, se aan carruur lahayn. Waxa kale oo lagu siin karaa lacag badan iyo carruur qurux badan oo u baahan daryeel caafimaad oo joogto ah. Isla noloshaa ayaa ku siin karta waraaqo/shahaado waxbarasho oo aad u wanaagsan shaqo la'aan. Waxay sidoo kale dooran kartaa inaysan kuu oggolaan inaad haysato wax waraaqo/shahaado ah, laakiin waxay kuu oggolaanaysaa in aad ku guulaysato ganacsiyada. Haddaba, noloshu waxay ku siin kartaa kun iyo kow cashar oo aadan sinnaba u sababayn/caqliyayn karin.

Laakiin waxa aan rabaa in aan ku xasuusiyo in daqiiqad kasta aysan kaga tagi doonin meesha ugu hooseysa. Maalin kasta xanuun kaama buuxin doonto. Waxaa jiri doona waqti ay arrimuhu fiicnaanayaan. Sida habeenku u beryo aroortii ayuu dhibkaagu isu beddelayaa. Daalka, ilmada, iyo cabsida ayaa mar qudha isu beddeli kara daqiiqaddo farxad iyo dhoollacadeyn ah. Waayo, noloshu waxay leedahay hab ay isku dheellitirto, kaliya waa in aad ku kalsoon tahay in maalmo wanaagsan ay soo socdaan. Ku kalsoonow in ay jiraan wax adiga ku sugaya, oo marka waqtiga ku habboon la gaadho, wax walba kuu ahaan doonaan. Allena waa ogyahay in aad sugayso. Alle og in aad si joogto ah albaabkiisa u garaacayso. Allaa og in aad jawaab ka sugayso. Alle ayaa og Ilmada aad daysay inta ay le'eg tahay. Alle waa ogyahay xanuunkaaga.

Marka lagaba yimaado in Alle dambigaaga ku tirtirayo ilmo kasta oo indhahaaga ka soo dhacda. Marka lagaba yimaado in uu rabo in uu kuugu daro ajar kutubkaaga camalka. Marka lagaba yimaado in uu rabo in uu kor u qaado darajooyinkaga Jannada dhexdeeda daqiiqad kasta oo samir ah. Marka intaa oo dhan laga yimaado, waxa laga yaabaa in uu rabo in uu kugu tijaabiyo murugo kumeelgaar ah si uu kuugu abaal mariyo nicmo joogto ah.

—Ahmed

Dhaqan_wanaag ꨄ

29 Oct, 22:26


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

29 Oct, 17:24


Illaahayow waxaan ku waydiisanayaa jaceylkaaga iyo jaceylka qofkasta oo ku jecel iyo jaceylka camal kasta oo ii dhaweynaya jacaylkaaga. 💞🫂

—Duco

Dhaqan_wanaag ꨄ

29 Oct, 02:25


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

28 Oct, 09:51


Ku cibra qaata!

Dhaqan_wanaag ꨄ

28 Oct, 09:10


Marka aad fahanto in la aad dadka kala aragti duwanaan kartaam,qof walbana fikirkaaga uu kugu raaci karo kuguna diido karo . Marka aad garaneyso wixii kuu dan ah iyo wixii aan dan kuugu jirin. Marka aad leedahay xuduud adiga iyo dadka waaweyn iyo kuwa yar-yar ba idiin dhaxeeya. Marka aad ogaato ,macnaha wakhtiga kaagana lumin meelaha aanad munaasib ku ahayn. Marka aad firaaqooyinkaaga ku lumin cid kale oonad dameeri dhaan raacdey noqon . Hubaal markaas ayaad garaad ahaan qaan-gaadhey.

❤️

Dhaqan_wanaag ꨄ

28 Oct, 04:14


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

27 Oct, 03:13


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

26 Oct, 19:55


Illaahayow qalbiyadeena xasillooni ku beer ,oo jaceyl ku beer . Daji oo u raaxee qalbiyadooda cidda aanu jecelnahay. Dhib kasta oo haysta ILLAAHAYOW ka fayd/qaad.
Deganaan nafeed ILLAAHAYOW na sii.

🫶🏼🫀❤️‍🩹

Dhaqan_wanaag ꨄ

26 Oct, 09:19


10K gaadhsiiya Views-kiisa muqaalkaas.

https://vm.tiktok.com/ZMhH55ytt/

Dhaqan_wanaag ꨄ

26 Oct, 02:23


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

25 Oct, 18:48


"Qof I dhaama maad garanaysaa,
Waan ku dhigayaaye"

—Hayoon

Dhaqan_wanaag ꨄ

25 Oct, 16:55


https://t.me/SOMALILITERATURE

Dhaqan_wanaag ꨄ

25 Oct, 14:11


Ku qurxista galabtiinan saliga nabiga ﷺ. 🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

24 Oct, 17:04


Ku qurxista habeenkiinan saliga nabiga ﷺ.

Dhaqan_wanaag ꨄ

24 Oct, 06:05


Marar badan waxa ku dabrayaa ma aha xaqiiqo jirta ee waxa ay noqon kartaa aamminaaddo khaldan oo aad naftaada ka aammintay. Dhinac kale haddii aynu ka eegno dabarradaasu waxa ay noqon karaan waayo aragnimo ama dhacdooyin aad yaraantaadii la soo kulantay.

Si guud waxaa muhiim ah si aad uga guulaysato waxyaabahaas ku xaddidaya in aad iska indho tirto farriimaha taban ee ay maskaxdaadu kuu sheegayso, taa beddelkeedana aad ku dhiirrigaliso in ay naftaadu awooddo xaqna u leedahay isku dayga wax cusub, iyo ka midho dhalinta guulo waawayn.

Dhaqan_wanaag ꨄ

24 Oct, 04:55


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

23 Oct, 03:17


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

22 Oct, 17:10


Waan garan waayey wax ka wanaagsan samirka ,hadhowna aad hesho midhihiisa ! 🤍

●{ياأيها الذين آمنوا استعينوا بالصبر والصلاة إن الله مع الصابرين}
●{.....وَبَشِّرِ الصَّابِرِينَ}
●{......وَاللَّهُ يُحِبُّ الصَّابِرِينَ﴾

Dhaqan_wanaag ꨄ

22 Oct, 13:59


Qof weyn maa u dulqaadan kara badhaaciskaasi.! 😂💔

Dhaqan_wanaag ꨄ

22 Oct, 04:47


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

21 Oct, 15:52


Saddex saddex baa lagu maareeyaa:

1- Haddii lagugu imtixaamay jacaylka rabitaanka naftaada (shahawaatka):
Xalka: dib ugu noqo salaaddaada:
Daliilka: "Dadkii wanaagsanaa waxaa ka dambeeyay dib-u-socod dayacay salaaddii, rabitaankoodana raacay."

2- Haddii aad dareento guuldarro iyo waafajin la'aan:
Xalka: dib ugu noqo xidhiidhka idinka dhexeeya adiga iyo hooyadaa:
Daliilka: "Wuxuu iga dhigay mid u samafala labadiisa waalid, igamana yeelin islaweyne guuldarraystay."

3- Haddii aad dareento cidhiidh nololeed:
Xalka: dib-u-egis ku samee xidhiidhka idinka dhexeeya adiga iyo Qur'aanka kariimka ah:
Daliilka: "Ruuxii ka jeedsada xuskayga (Qur'aanka) waxaa u sugnaatay nolol cidhiidhiya, maalinka qiyaamana waxaannu keeni isaga oo indhala'."

– Cabdixakiin Obsiiye

Dhaqan_wanaag ꨄ

21 Oct, 05:15


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

20 Oct, 09:54


"Qof waxa farxad galiya ayaa isla qof kale murug u abuuraya. Marka aad adigu heshid wixii aad naawilaysay isla qof kale ayaa waayay wixii keli ahaa ee farxad galinayay.

Marka aad adigu heshid jacaylkii aad abid ku riyoonaysay isla qof kale ayaa waayay jacayl uu muddo naawilayay.

Marka aad adigu heshid shaqadii aad noloshaada ku riyoonaysay isla qof kale ayaa la ga diray isla shaqadaas oo u ahayd meesha keli ah ee uu noloshiisa ka maaraynayay.

Marka aad adigu ku raaxaysanid dhibcaha roobka ee da’aya habeenka kala barkiisa, qof kale ayaa hurdo aan hawaysan karin oo gurigiisa cariishka ah ka guraya biyaha ku soo qulqulaya.

Marka uu caruusku la dabaaldagayo xaaskiisa habeenka aqalgalka, xaaskiisii koowaad ayaa gocosho sariirta la gal-galanaysa.

Marwalba seeftu labo af bay leedahay, waddaduna kala barka ayay ka kala leexataa, qaddarka ayaana si’aan u turid lahayn qofba nasiibkiisa u siiya si isku dhex yaac ah!"

Dhaqan_wanaag ꨄ

18 Oct, 14:20


"مِنَ الْمُؤْمِنِينَ رِجَالٌ".

Dhaqan_wanaag ꨄ

17 Oct, 17:15


QOFKA AAN DADKA U MAHAD NIQIN ILLAAHAY UMA MAHADNAQO .

Waad ku mahadsantihiin sidda wanaagsan eed iigu soo biirteen. 100 qof oo walaalo ah ayaan yeeshay .Oo ma wax ka wanaagsan ayaa jira in ALLE umadiisa walaalowdaan. Wax la beerto dadka ayaa ugu wanaagsan . Waa bilow wanaagsan intaas iyo inkabadanba waan rajayaanayaa. Wad haddii ina daayo wax wanaagsan ayeynu kala faa'idi doonaa innaga oo ka duuleyna wakhti lumiska.
Soo dhawaada ,Mar labaad iyo Mar saddexaad ba waad mahadsantihiin saaxiibayaal.
🤍🫶🏼

Dhaqan_wanaag ꨄ

17 Oct, 16:17


Ku qurxista habeenkiinan saliga nabiga ﷺ

Dhaqan_wanaag ꨄ

17 Oct, 12:41


Illaahay u mahadnaq xaalad walba oo aad ku sugantahay.

-Mindset

Dhaqan_wanaag ꨄ

17 Oct, 04:20


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

16 Oct, 20:44


Waa sidee caqliyadda dhalinyarada Soomaaliyda ee qarnigan 21aad nool?
Qaab sidee ah ayey u fikiraan? Waa maxay maanhagahooda ay ku halbeegaan wax kasta?

Weydiimahani waxay bud-dhig u yihiin dood muhiim ah oo ka qabsoomi doonta telegram-ka

Goobta: kanaalka Dareenbulsho
Goorta: habeenimada Axadu soo galayso 9:00 xiliga Geeska Afrika

Dhaqan_wanaag ꨄ

16 Oct, 12:59


Wax kugu adagi ma jiraan ee waxaa jira wax kugu cusub oo ay markaagii kuugu horraysay ee aad qabato tahay, waana wax iska dabiiciya wax kugu cusub marka aad qababanayso in aad culays dareento mase aha wax sii raagaya. Kaliya waxa ay kaaga baahantahay in aad u adkaysato inta aad la qabsanayso ee aad si fiican u baranayso.

Dhaqan_wanaag ꨄ

16 Oct, 04:47


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

15 Oct, 18:43


Qoraal ;

Waxaan ka baqaa inaan ku jeclaado .!

"Waxaan ka baqaa inaan ku jeclaado ,kadibna aan ku waayo kadibna aan dhaawacmo.
Siddoo kale waxa aan ka baqaa in aan ku jeclaan waayo kadibna aan waayo fursadeydii jaceylka ,kadibna aan ka qoomameeyo /shalaayo.
Iisheeg ?! Siddee ayaan kuu jeclaadaa anniga oon dhaawacmin ? Siddee ayaan kuu jeclaan waayaa anniga oon ka qooma-meyneyn .!"❤️‍🩹


Isoo raaca waxyar ayaa 100kii qof ka hadhey e.' 😂🫶🏼
https://t.me/RAADSAN1

Dhaqan_wanaag ꨄ

15 Oct, 08:44


Ads 🔺✖️ ka warhay 500,000+ Soomaali oo ku jira Telegram!

Star Tech waa shabakad hormuud u ah Midowga Telegramers-ka Soomaaliyeed oo ka kooban in ka badan 30+ channels oo ay ku xiran yihiin dad ka badan 500,000 oo Soomaali ah.

📢 Tani waa tiro sax ah oo hubo oo la isku halayn karo 100% 

ADDEEGYADA STAR TECH

➡️Xayaysiis digital oo beegsanaya Tirada Dadka somaliyeed ee aad u baahantahay.

➡️  Samaynta, qaabaynta iyo nashqadaynta sawiradda iyo muuqaalada xayeysiiska.

➡️Hal-abuur iyo xirfado ku suurtagelunaya inaad Ganacsigaaga ka dhigto hela macaamiil dhab ah.


Maxaad sugaysaa?

Ku xayaysii ganacsigaaga Star Tech oo hel macaamiil iyo subscribe xadi badan muddo kooban Gudaheed.! 1️⃣ 👍

📞 Nala soo xiriir maanta si aad u bilowdo!

HALKAN TAABO

Dhaqan_wanaag ꨄ

15 Oct, 07:52


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

14 Oct, 17:57


Qofku waxa uu ugu bixinta badanyahay ,waa wax uu isagu hore usoo waayey oo aanu soo helin. Dadka jaadkaas ah ee wax ay u baahnaayeen laga xarimay ,si deeqsinnimo leh oo dava-ka-werwer la' ayey u bixiyaan waxaas ,maadaama ay garanayaan qadhaadhka ay leedahay wax-waayiddu!
Ama qofkaas sida saayidka ah wax kuugu quudhayaa waxa uu doonayaa in uu naftiisa uga mag- dhabo wixii uu hore u soo waayay .

-WAAN KU SALAAMAY SAAXIIB |BOGGA :11aad

Dhaqan_wanaag ꨄ

13 Oct, 15:50


Xitaa haddii jeebku kaa xunyahey, qofka keliya ee weli ku jeceli waa hooyadaa!

Dhaqan_wanaag ꨄ

13 Oct, 03:36


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

12 Oct, 17:17


Eebbe weyne risiqa wuxuu ugu qaybiyay addoomihiisa sida ku haboon qof kasta, maxaa yeelay waa aqoon badane falsan oo u ogaal badan addoon walba waxa ugu badan ee uu uga baahan yahay noloshiisa! Waxaa dhacda in uu dadka qaar siiyo hanti, caafimaad, jacayl, guul xirfadeed, ama qoys wanaagsan, waana qaybin ku sargo'an qorshihiisa iyo xikmaddiisa. Qaybinta quudku keliya ma aha lacag, balse waxay koobsanaysaa waaxyaha noloshan oo dhan, kuwaas oo qofka u horseedaya isku dheellitirnaan iyo raaxo nololeed. Sidaas awgeed, waa in aynu ku qanacno qaybteenna, isla jeerkaasna ku mahadinno Alle. Docda kale waxa innagu waajib ah in aynu ka shaqayno hagaajinta nafaheenna iyo hareer istaagga dadka baahan innaga oo adeegsanayna waayo'aragnimooyinkeenna!

WT: Cabdixakiin Obsiiye

Dhaqan_wanaag ꨄ

12 Oct, 06:11


Waxa la weyddiiyay dad ka sheekee; maxaad ku aragtay oo kaa yaabiyay? Waxa uu ku warceliyay:
"Ma dad? Dadku waxay ku caajisaan dhalaannimada, dabadeed waxa ay u degdegaan korniimmada, markii ay waynaadaanna waxa ay dib ugu xiisaan yaraantii. Mar kale, dadku waxay lumiyaan caafimaadkooda si ay lacag u helaan, markii ay lacag helaanna waxa ay dib ugu kharash-gareeyaan helidda caafimaadkoodii. Waxa ay aad isugu murjiyaan timaaddadooda heer ay ilaawaan taagantooda, sidaa daraadeed: taagantii iyo timaaddadiiba waa ay wada lumiyaan. Dadku waxa ay u noolaadaan sidii in aysan dhimaneyn waligood, kadibna waa ay dhintaan iyagoo aan wali noolaan."

—Khaliil Jubraan Khaliil.

Dhaqan_wanaag ꨄ

12 Oct, 05:27


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Dhaqan_wanaag ꨄ

11 Oct, 18:13


Maxaa looga yaqaanaa deegaan kaaga geedkan ?