Hamda_ Nourツ‍ @hamda_nour Channel on Telegram

Hamda_ Nourツ‍

@hamda_nour


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.  🤍

Hamda_ Nourツ‍ (Arabic)

هل تبحث عن مصدر للتأمل والانتعاش الروحي؟ إذا كانت إجابتك بنعم، فقناة 'Hamda_ Nour' على تطبيق تليجرام هي المكان المناسب لك. تقدم لك هذه القناة جرعة يومية من الروحانية والإيمان من خلال نشر الأذكار والأدعية والتأملات الدينية. يمكنك الاستفادة من الصلوات المنشورة بانتظام للحصول على لحظات هدوء وتأمل في حياتك اليومية. فلا تدع الضغوطات اليومية تسيطر عليك، بل انضم إلى قناة 'Hamda_ Nour' لتستقبل جرعة يومية من السلام الداخلي والإلهام الروحي. انضم الآن وابدأ رحلة تأملك وانتظامك الروحي!

Hamda_ Nourツ‍

07 Feb, 16:08


Sadar cusub—Farriin ; Nolosha (8)

Wax walboo dhacay , iyo xagtin walba oo kaa soo gaadhay maalmihii wajiyada badan ee is barkanaa lahaa ; intaad isku xantoobiso oo kiishka tagtada ku gurto , jiiqlena qoorta kaga yuuru-riso webiga qarkiisa intaad la istaagto raaci deedna ka sacabo marso. Kolnaba ma dhacayso in ay si fudud maankeenna uga baxaan maalmihii —labada weji ee nolosha watay oo mid walbaaba gaarkiisa in aan u soo xasuusannaa waa lagama maarmaan. Xasuustu sideedba waa muraayadda aan ka dhex milicsanno nolosheenna tagtada iyo timaadadaba leh. Gu' kasta oo innaga dhammaadaa ; wax badan buu innaga kala daadiyaa , waxana waa inoo hagaajiyaa sida u dabciga ahba. Dad aan jeclayn buu innaga fogeeyaa , meelo aan jeclayn in aan booqanno buu innaga baajiyaa , mar kale jacayl iyo reexaan qabow buu innagu sooraa. Waa sidaas caynkiisuba—waana isku dhafkaa isku milan noloshu. Laba iyo tobbankaa bilood ee sannadka, wax badan badan baan qorshaheeda dajinnaa— isku daygeeda iyo natiijada innooga soo baxdaa mararka qaar kuma qanacno. In kasta oo aan u dadaalno sidaan— wax badan u tabcan lahayn. Qorshayaasheenna si walba oo aan is dhehno siday ahayd u meel dhiga ; ma dhacdo waxaba laga yaabaa in arrimo ka cuf weyni inna soo food saaraan. Qof walba oo innaga mid ah—waayihiisa ayaa u ah macalim isagaa iskugu filan in uu nolosha sahankeeda ka raadiyo halla libtu taal. Inta ay rajo jirto wax walbaa hanashadeedu waa fuddudahay.

" Rajada ugu weyn ee qofku leeyahay waa in uu rumaysto , in maalin walba oo cusubi ay farsado soo bixi doonnan."

—February 2025.

Hamda_ Nourツ‍

07 Feb, 06:21


Falanqayn (1)

ILA LABAAIS— "MURSAL MUUSE IYO KHADRA SINIMO."2013.


Mursal iyo khadra waxay ka mid ahaayeen laba shaqsi oo soo maray waayihii fankii rasiinka ahaa ee soomaalida. Bal markay si talan-taali ah hees u wada weedhaaminayaan , adiguna aad dhuuxdo dhugo. 

-Ladanoow jacaylkii 
- Qalbigayga laasimay 
- Maantaan ka laday oo 
- Iga hadhay lurkiisii 
- Labadaneenu gacaloow 
- Mar haddaan lilaahiya 
- Isku nahay lamaanoo 
- Aynu libinta gaadhnee
- Lumin maayo aniguye 
- Yuu liicin caashaqu. 

 Khadra , waxay leedahay markan darreenkii in badan qalbigayga ku lamaan ahaa markaan ku helay ayaan ka bogsaday. Marba haddaan is helnay oo is hananay aynu guusha gaadhnee yuu wiiqmin dhankaaga. 

-Anigaba ladaneey 
- Leebkii jacaylkaa 
- Wadnahayga liganoo 
- Isma loodin karayee
- Labadeenu gacaloo 
- Waynu gaadhnay llibintee
- ila laba is caashaqay 
- Adaan kugu lamaanee
- Lumin maayo aniguye 
- Yuu liicin caashaqu. 

Sidoo kale mursal-na wuxu leeyahay anigaba jacaylkaaga mariidkiisi ayaa wadnahyga sudhan oo maba dhaqaaqi karayo , se , haatan waan gaadhnay guushii oo adaan kugu lamaan ahay waanna adkayn axdiga.

Hamda_ Nourツ‍

06 Feb, 19:17


Ku qurxista habeenkiinan saliga nabiga.

Hamda_ Nourツ‍

06 Feb, 09:28


Maalin wanaagsan saaxiibbayaal.

Hamda_ Nourツ‍

06 Feb, 05:15


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

05 Feb, 13:09


Farriin—Nolosha ; (7)

Nolosha waa safar ay waayo-aragnimooyin iyo marxalado kala duwan ku horyimaadaan qof kasta. Carruurnimada, qofku wuxuu ku nool yahay xasilooni  iyo farxad aan xadidnayn, balse marka uu qofku weynaado, noloshu waxay isu beddeshaa mas’uuliyad, isbeddel, iyo caqabado kala duwan oo ay tahay in si dhab ah loo wajaho. Weynaantu waa caqabad, maxaa yeelay waxay u baahan tahay in qofku yeesho karti uu ku la qabsado xaqiiqda nolosha oo mararka qaar adag, balse waajib ah in uu wajaho.

Marka qofku weynaado, waxaa si dabiici ah u kordha oo koritaan sameeya hab-fikirkiisa — mas’uuliyadiisa iyo garaadkiisa.  Waxa aad la kulmaysaa xaqiiqada ah in guushu aysan ku imaanin si sahlan, balse u baahan tahay dadaal in aad ku darto. 

Sidoo kale waxay qofka ka qasbaysaa inuu noqdo mid go'aanka uu qaatay aanu in badan dhiraan-dhirin oo aanu ka fiirsan— Waxaad ogaataa in go'aamada aad maanta qaadato ay saamayn weyn ku yeelan doonaan mustaqbalkaaga. 

Marka laga soo tago dhinacyada mas’uuliyadda iyo go’aan-qaadashada, weynaantu waa caqabad nafsiyeed. Waayaha nolosha ayaa mararka qaar noqon kara kuwo niyad-jabin leh, iyadoo qofku dareemi karo cidlo ama rajo-dhac. Si kastaba ha ahaatee, qofka oo fahma in waayo-aragnimada adag ay tahay qayb ka mid ah koboca nolosha ayaa wax weyn ka beddeli kara qaabka uu u wajaho xaaladaha noocaas ah. Weynaantu waa xilli lagaa doonayo inaad isku darsato dulqaad, adkeysi, iyo karti aad ku maarayso duruufaha adag.

Waa marxalad—kuu sahlaysa inaad noqoto qof bisil oo karti leh. Waa fursad aad ku baranayso inaad xakameyso naftaada, aad u dulqaadato waayaha adag, isla markaana aad naftaada kaaga dhigto qof diyaar u ah inuu guulo waaweyn gaadho.


“Growing up is a journey filled with changes, challenges, and unexpected responsibilities. As we grow older, life transforms from carefree childhood moments into a reality where every decision carries weight. The innocence of youth fades, and the world starts demanding accountability, patience, and resilience. This transformation can often feel overwhelming, bringing moments of loneliness, anxiety, and self-doubt.”

Hamda_ Nourツ‍

05 Feb, 04:19


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

04 Feb, 16:50


Wanaaggu korkiina ha ahaado akhyaarta sharfaneey , Milgo iyo maamuus baan idiin haynaa. Idinkaan wax idinku nahay.

"waxan codsan lahayn in aad nala wadaagtaan fakradihiina , aadna intaad mawduuc isku raacdaan aan anaguna si hufan oo hagar li'i ah u soo gudbinno. Bartan waan hubaa haddaan isku jaan noqono in ay idin anfici doonto."

Hamda_ Nourツ‍

04 Feb, 16:19


Fiidnimo wanaagsan saaxiibada aanu jecel nahayoow.❤️

Hamda_ Nourツ‍

13 Jan, 09:26


🤍

Hamda_ Nourツ‍

13 Jan, 07:42


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

11 Jan, 06:48


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

10 Jan, 08:02


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

09 Jan, 18:28


Ku qurxista habeenkiinan saliga nabiga ﷺ.

Hamda_ Nourツ‍

08 Jan, 18:18


Fariin..

Iwaydiiya siduu xiisuhu udhamaado
Sida uu qalbigu ujabo.
Sida kalsoonidu u burburto.
sida filashadu udhamaanto.
Sida sokeeyuhu kuu lugooyaan.
Sida kalinimadu dhadhanto.
Sida dareemada Loo qariyo.
Sida farxada loo mala’awaalto.
Sida loo rajo dhigo.
Sida loo niyad jabo.
Sida loo hungoobo.
Sida loociishoodo.
Sida loo dareemo xanuun aanay cidna kula ogayn.
Sida dareen aan awood u lahayn loo qaado.

Sida sida sida sida sida……..

Iwaydii hadana sida aan wali u noolahay Una caafimaad qabo?!
Waayo waxa aan isku xidhay Ilaahay isagaanan la jaar noqday lasaaxiibay weheshaday waxkasta iyo cidkastana wuu iga kaafiyey Alxm markaan murugo dareemo isaga ayaan u cararaa,markan farxad dareemo isaga ayaan ucararaa,markaan rajo dhigo ama aan ciishoodana isaga ayaan hoos tagaa oo wax walba usheegaa kuna nafisaa isana iman dayaco ee markasta wuxuu iinoqdaa عون iyo سند aan iga liicin,miyaanu Ilaahay Koreeye Inagula hadal Qur’aankiisa kariimka ah Oo Ina odhan….
- وقال تعالى: {قُلْ يَا عِبَادِيَ الَّذِينَ أَسْرَفُوا عَلَىٰ أَنفُسِهِمْ لَا تَقْنَطُوا مِن رَّحْمَةِ اللَّهِ ۚ إِنَّ اللَّـهَ يَغْفِرُ الذُّنُوبَ جَمِيعًا ۚ إِنَّهُ هُوَ الْغَفُورُ الرَّحِيمُ} [الزمر:53].
-(إِن يَنصُرْكُمُ اللَّهُ فَلَا غَالِبَ لَكُمْ...). [آل عمران: 160]
-(أَمَّن يُجِيبُ الْمُضْطَرَّ إِذَا دَعَاهُ وَيَكْشِفُ السُّوءَ...). [النمل: 62]
-(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا اسْتَعِينُوا بِالصَّبْرِ وَالصَّلَاةِ ۚ إِنَّ اللَّهَ مَعَ الصَّابِرِينَ). [البقرة 153]
-(... وَاصْبِرْ حَتَّىٰ يَحْكُمَ اللَّهُ ۚ وَهُوَ خَيْرُ الْحَاكِمِينَ). [يونس: 109]
Iyo kumanaan kale oo ayaado iyo daliilo ah oo kusugan Kitaabkeena kariimka ah.
Fg:
Taladaada udbiibo mid aanad uga cabsoonayn adna dagaalkaga sii wado isagana raali gali.❤️

Hamda_ Nourツ‍

08 Jan, 17:59


❤️

Hamda_ Nourツ‍

08 Jan, 13:39


🤍

Hamda_ Nourツ‍

08 Jan, 03:26


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

07 Jan, 14:21


Marka aan duunkeenna gudeed fahanno ee la faqno, waxa inoo taalla howl wayn oo ah sidii aad gudaheenna nabad ugula joogi lahayn. Is waafajinta gudaheenna xagjirka iyo dibadeenna caksiga ugu ah siyaabo badan. Isu dheelitirka danaheenna wakhtigu waajib yeelay iyo dareenadeenna aan xilli iyo xaalad toonna xeerinin. Habaynta nolol wada isdiidooyin ah oo inta kula fahmaysaa dhif tahay.

Wajihidda inahan oo idil ayaa inoo abuuri kara kal-adag oo fahan durugsan ka haysata gedgedoonka waayeed, garowshiyo leh, oo xataa timaadadda sii oddorosi karta nolosha ay u qalanto.

Hamda_ Nourツ‍

07 Jan, 03:00


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

05 Jan, 08:16


DIKRIGA USBUUCAN EE BISHA RAJAB

👉 XAWQALADA
 لَا حَوْلَ وَلَا قُوَّةَ إِلَّا بِالله، 

LAA XAWLA WALAA QUWATA ILAA BILAAH

👈   رَبِّ إِنِّي لِمَا أَنزلْتَ إِلَيَّ مِنْ خَيْرٍ فَقِيرٌ

RABI INII  LIMAA ANSALTA ILAYA MI KHAYRI FAQIIR


👈    رَبِّ لَا تَذَرۡنِي فَرۡدࣰا وَأَنتَ خَيۡرُ ٱلۡوَٰرِثِينَ 

RABI LAA TADARNII FARDAN WA ANTA KHAYRU WARISIIN.

Hamda_ Nourツ‍

05 Jan, 06:28


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

03 Jan, 18:09


Jacaylka uu ku beeray qalbigeeda sida ubax qurux badan oo indho ilmo harraadisay iyo qalbi urugadu asiibtay marka aay eegan dhaayahooda ku doogtaan oo aay farax la dhoola-cadeeyaan weeye, laabtiisa waa deyr aay dhaxamaha ka gasho waa u dugsi iyo udgoon aay dadka kaga so dhuumato, mar kasta oo aay daqiiqad ugu soo dhawaato intii hore waa mar kasta oo marxalad kasta oo ku adkeeyd aay u fududaato, mushkiladaha oo dhan ayaa iskood isaga qulqula oo ka hulleela xageeda.

Maalmaha aay masaafaddu u dhaxeyso labadooda ilbiriqsiyada aay diiqad dareento ama jawigeedu qalqalo dhagaheeda waxa ku dhaca ee qalbigeeda magnad oo kale usoo jiita waa codkiisa lagu laray dareenada raxmadda iyo nugaylka kolka aay maqashana ayey farxad la muusanaawdaa markaas ayeey imowle ugu mahadcelisaa inuu wehel kaga dhigay ruuxani wanaagga iyo naxarista biyo dhigeen qalbigiisa ee muxibadda badan u qaba una qaaday iyadana!.

Marka aay rabbigii uumay hor taagan tahay uunka oo dhamina wada seexdo, marka aay illaaheey weydiisaneyso waxyaabaha aay jeceshahay lana sheekeysaneyso, daqiiqadaha qalbigeedu xaadirka yahay, gacmaheeduna kor u taagto ee aay illlaaheey arrimaheeda u bandhigato wey ku dartaa ducooyinkeeda oo wey weydiisataa Eebbe inuu addoonkiisa aay jeclaatay u xifdiyo qalbigiisana raxmadda iyo jacaylka u yaala u laba jibbaaro, wey ka codsataa Eebbe inuu isaga dhinac u dhaafin qalinka calafkana ugu dhaco, bal maxaa ka qurux badan inuu Eebbaha weyn ku weydiisto addoonkiisa oo kuu qaba jacayl dhaba, kuu duceeyo kana codsado inuu ku xifdiyo wax dhibaata ahina ku tusin, majiro jacayl kaas ka weyn oo uu qof u qaadi lahaa qof kale ayaan jirin.

|Hana|

Hamda_ Nourツ‍

03 Jan, 05:45


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

02 Jan, 17:09


Ku qurxista habeenkiinan saliga nabiga ﷺ.

Hamda_ Nourツ‍

31 Dec, 18:08


🤍

Hamda_ Nourツ‍

29 Dec, 16:45


Masuuliyadda ayaa kaa dhigta qof qaan-gaadh ah, da'du waxba ma sheegto mararka qaar.

Hamda_ Nourツ‍

27 Dec, 02:48


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

26 Dec, 21:21


Ku qurxista habeenkiinan saliga nabiga ﷺ.

Hamda_ Nourツ‍

25 Dec, 12:39


••

Ugu dambeynta  waxaad ogaan doontaa in naftaadu ay tahay tan mudan  danayntaada oo dhan, waxaad ogaan doontaa in aan cidina kuu joogi doonin oo sugnaan doonaan keliya kuwa  daacada ah, kuwa kuu doonaya sida aad tahay ee aan ahay wax ay kaaga heleen , waxaad ogaan doontaa in balamaha qaar been yihiin, iyo   in murugadaada aanay cid kale kula qaybsan doonin, ugu dambaynta waad bislaan  doontaa.


xigasho

Hamda_ Nourツ‍

25 Dec, 07:45


Wiil aad u qurxoon, caqligiisuna uusan xumayn ayaan is barannay. Xoogaa markaan is naqaannay ee aan gaarnay heer aan nolosheenna wax iska waydiin karno ayaa waxa uu iiga sheekeeyay in ay gabar isa soo guursadeen. Waa war la gu farxo ayaan ugu jawaabay. Kadib ayuu bilaabay in uu gabadhii si faahfaahsan iiga sheekeeyo. Dabeecad ahaan ma ba jecli sheekooyinka ku saabsan qof aan aniga waxba igala dhaxayn.

Aniga oo dhibsanaya ayaan dhawr jeer isku dayay in aan hadalka ka dhex galo, oo aan mawduuca badddalo balse isaga waxa ay ka ga dhaganayd in uu xaaskiisii hore xumaanteeda aad u faalleeyo. Intaan is celin waayay ayaan ku iri “Waxaa la ga yaabaa ayada haddii la waydiiyo qof noocee ah ayaad ahayd in ay sidaan si ka duwan kaaga hadli lahayd.” Wuu aamusay isaga oo aad moodid in uu ku baraarugay khaladka uu dhex taagnaa.

Badanaa waxaa dhacda in dadku dadka ay isku xumaadaan, ama noloshooda ka baxa ay si xun uga hadlaan. Mararka qaarna waxaa sidaas si la mid ah ku kaca saaxiibada caadiga ah markii xiriirkii saaxiibtinimadu dhammaado isaga oo qofku isu arka in uu isagu yahay kan dhammayska ah halka qofka kale yahay midka wax walbaa ka khaldan yihiin.

Waxaa foolxumo ah adigana sawir khaldan kaa bixinaya in aad qof aad wax soo wadaagteen, xumaantiisa faah-faahisid kana sheekaysid. Qof aad kala tagteen weligaa xumaan ha ka sheegin.


Faaduumo alimaad

Hamda_ Nourツ‍

23 Dec, 16:31


Erayo naxariis leh marka aan qorayo, waxa aan dareemaa naxariir.

Awoodda ereyga!

Hamda_ Nourツ‍

23 Dec, 13:05


Gabar waliba oo halganka nolosha dhinac uga jirta ayaan u hibeeyay qoraalkaan hoose ,waxaan u hibeeyay qof walba oo nafteeda martabad sarraysa gaarsiisay oo aanan ogollaan dulmiga.

Waan ogahey dhibaatada gabar waliba oo soomaaliyeed ay la kulanto xitaa haddii ay ku nooshahey guri boqortooyo ,waa ogahey inaad u baahan tahey in si qoto dheer laguu dhagaysto,laguu fahmo ,laguu daryeelo laguu tixgaliyo,waa ogahey inaad jeceshahey mararka qaar in mudnaanta adiga lagu siiyo . Idhagayso uun waxaad u qalantaa wax waliba oo qurux badan oo dunidaan kor saaran ,waxaad tahey ubax yar oo u baahan in la ilaaliyo laguna ilaaliyo deegaan ku habboon, waxaad tahey dhayman yar oo naxariis badan oo aan loogu talo galin dunida hardanka iyo dhibaatooyinka.

Waan ogahey waxa aad martaa xaalado badan oo aan laguu dareemayn ,laguu ogayn xitaa ay adag tahey inaad xusto oo kor u sheegto ,waxa aad tahey qof ku nafisa wax sheegidda balse bulshada aad la nooshahey dad kugu habboon ma'aha mana kuu dhagaysanayaan sida aad rabto ,xaaladdaada ugama falcelinayaan sida aad rabto , waxa aad tahey qof dad badan lanool balse haddana kali ah,waxa aad martaa xilliyo adag oo aad jeclaan laheyd kaliya in lagu dhagaysto waa xilliyada aad noloshaada ugu jilicsan tahey ,marxaladahaas oo dhan dadku sida ay tahey kuuma dareemayaan Abbaayo.

Dhegahaaga wax yar i amaahi waxaa rabaa inaan kuu hibeeyo dhowr eray oo kaliya waaku dareemayaa oo waan kula danqanayaa balse inyar iga gunto.

Naftaada sii mudnaanta koowaad ha u ciqaabin wax awoodaheeda ka baxsan nolosheeda iyo waqtigeeda haku dhammayn ka fikirka wax aysan waxba ka qaban karin .
Dadka kuwa kuugu dhow ayaad ka waayaysaa garab iyo gacal xilliyada nolosha kuugu adag si aad iyaga u qanciso ha usameyn go'aan sababaya inaad iyaga la jirto go'aan sababaya inaad noloshaada horumarkeeda u dhaafto dad dartiis ,wax waliba ku cabbir rabitaanadaada adigoona cidna ku wax yeellaynayn Rabbina ku caro galinayn .

Go'aannada naftaada kaligaa qaado mararka qaar

Hanni

Hamda_ Nourツ‍

23 Dec, 06:11


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

22 Dec, 15:00


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

20 Dec, 07:30


Maalin uun.

Maalin uun, waad ku mahadsanaan doontaa naftaada inaad dooratay inaad jacayl u muujiso naftaada halkii aad ku qanacsanaan lahayd wax ka hooseeya waxa aad mudan tahay. Waad ogaan doontaa maalin maalmaha ka mid ah in xanuunka aad hadda dareemayso uu yahay qayb ka mid ah bogsashada. Xanuunku waligiis kuuma sii jiri doono. Waad fahmi doontaa in go’aanka saxda ah uu ahaa inaad ka tagto dad iyo meelaha aadan isku arkin qadarin iyo qiimeyn. Waxaad ku dhiiratay inaad doorato naftaada markan. Waxaad ku dhiiratay inaad iska dhaafto waxyaabaha ku dhaawacaya, xitaa haddii aad uga jeclayd wax kasta oo kale. Naftayda qaaliga ah, waxaad ku filan tahay inaad ka badbaado dhib kasta oo aad soo martay, waana ogahay inaad maalin uun ku faani doonto taas.

Waxaan rabaa inaad ogaato inaad u qalanto inaad siiso naftaada nasasho wax kasta oo qalbigaaga iyo naftaada dhibaya. Waad u qalantaa inaad faraxdo, xitaa marka qalbigaaga jabo. Waad u qalantaa inaad siiso naftaada nabad, xitaa marka aad muddo dheer murugo ku jirtay. Maalin uun, waad ku mahadsanaan doontaa naftaada sida wanaagsan ee aad ula dhaqantay marka loo eego sida dadka kale kuula dhaqmaan. Maalintaas, sida dad kale oo dhan, waxaad ugu dambeyn fahmi doontaa in wax walba ay u dhacaan sababo jira awgood.

Xanuunka qotada dheer.

Turjumid:

Hamda_ Nourツ‍

18 Dec, 04:02


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

17 Dec, 16:01


Gabadh baa iyadoo aad u murugaysan, aadna u daashay, quusna u dhaw waayaha nololed ee adag awgii, baa inta soo baxday soo hoos fariisatay geed, geedka dushii Waxa saarna shimbiro, shimbirihu waxay aheeyen koox ciyaraysa dhawaaqna sameyneysa, Waxay isku tiri, “Sidee bay shinbirahan ugu faraxsan yihiin halka ay joogaan aniguna aan weli murug ku jiro?” Waxaa maqlay oday da’ weyn oo geedka dhinac kale ka fadhiyay. Wuxuu ku yiri:
"Shimbiruhu waxay og yihiin hal shay oo adigana aad ku xasili karto, xalkaana uu yahay: Mar walba halkii aad joogto ka billaaw farxaddaada, xitaa hadduu jawigu madow yahay."

Hadalka odaygasi waxaynu ka fahmeynaa, Xitaa haddaad ilinta iska tirayso oo aanad garanayn halkaad wax ka bilowdo, u sheeg naftaada in ay sii noolaan karto, in ay hal talaabo hore u qaadi karto, xitaa hadduu jawigu madow yahay. Farxadda yar ee aad hadda ka abuurto qalbigaaga waxay kuu noqon doontaa iftiin yar oo dariiqaaga bidhaamiya, naftaada ku dheh: "Waxaan u qalmaa farxad, waxaan mudanahay inaan ku noolado xasillooni iyo daganaan, wax walba oo igu adagna waan ka gudbi doonaa, hal talaabo kadibna talaabo kale, abuuro adiga jawigaada.😊

Ha Boon

Hamda_ Nourツ‍

17 Dec, 08:04


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

16 Dec, 20:05


"Rabbiyow, waan soo laabtay"

Rabbiyow, adiga ayaan kuu soo noqday, adiga oo keliya ayaan magan kaa ahay. Nafteyda danbiyada badan adiga mooyee cid kale uma caban karto.

Rabbiyow, jid qaldan ayaan ku dhacay, waxaan u jeestay dunuub aan ogaa iyo kuwo aanan ogeyn se naxariistaada waasaca ah ayaa i soo qabatay. Markii aan ku dhex jiray mugdiga iyo rafaadka adiga ayaa ii iftiimiyay waddada, adiga ayaa ii naxariistay markii aan naftayda ku rafaaday.

Rabbiyow adigaa iga soo qabtay anigoo dhibaato ku dhex jira. Naxariistaada ayaan ku badbaaday jacaylkaaga ayaan ku soo noqday, adiga oo aan iga quusan. Ma aanan istaahilin in la i cafiyo laakiin adigu waxaad tahay Rabbiga Cafiska badan, kan dunuubta astura oo qof kasta ku soo dhoweeya.

Markii aan ku noqday adiga, waxaan dareemay iftiin iyo faraj naftayda ku soo dagay. Eebbow, Waxaad ii furtay albaabada raxmaddaada. Waxaana iiga muuqday jidkii toosnaa. Waxaan ku mahadinayaa inuu qalbigaygu mar kale ku xasilay xusuustaada iyo kalsoonida ku jirta naxariistaada.

Rabbiyow, waxaan ku baryayaa inaad ii dambi dhaafto wixii horay u dhacay. Ii sii jeedso jidka toosan, adigoo qalbigayga ku xoojinaya. Waxaad ii rogtay mugdiga iftiin, oohinta farxad, iyo cabsi kalsooni. Waxaan ku sugnaaday ku kalsoonaanta in naxariistaadu ay mar walba i agtaallo.

اللَّهُمَّ اغْفِرْ لي ذُنُوبي وَجَمِيعَ المُسْلِمِينَ، وَاغْسِلْ قَلْبِي وَطَهِّرْ نَفْسِي، وَارْحَمْ ضَعْفِي، فَإِنَّكَ أَنْتَ التَّوَّابُ الرَّحِيمُ.

(Ilaahow, ii dambi dhaaf aniga iyo dhammaan Muslimiinta, qalbigayga daahir, naftayda nadiifi, oo ii naxariiso, adigu waxaad tahay Ka toobad aqbala, Naxariista badan.)

Aamiin yaa Allaah.
Mahadsanid Rabbiyow.

W/Q Mallaawi Ali

Hamda_ Nourツ‍

16 Dec, 02:40


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

14 Dec, 08:55


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

13 Dec, 11:14


"Wax isku hadiyeeya waad is jeclaan doontaane" Nabi muxumed N.N.K.H.

Hamda_ Nourツ‍

12 Dec, 16:21


Ku qurxista habeenkiinan saliga nabiga ﷺ.

Hamda_ Nourツ‍

12 Dec, 02:35


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

11 Dec, 17:27


"Waxay igu soo dabreen
Halkay ila doonayeen."

Dunidu sidii bay kadeed u tahay. Dhibtu meel ma jirto, sidoo kale, badhaadhuhu ma sii foga. Laba saaxiib ah ayaa midkood farxad adduun marba dhinac u raacayaa. Midka kalana, werwer uu mustaqbalkiisa ka qabo dhafooradu la goteen. Laba walaalo ah baa mid caafimaadkiisa dunida ku maraa oo ku dalxiisaa. Midka kalana xanuun deris la yahay oo wehelkiisu xumad noqday. Sidaas baa loo kala qaybsan yahay. Sidaas oy tahay dunidu markasta waa rafaad iyo hantaaqo miidhan uun, arki maysi nolol gabigeeduba wacanaan iyo sareedo ku dhisan, markastana dunido waa sida, hadhkaas labada galin. waxaynu korkeeda dul heehaabayna duni aan kuu hafanay. Haa, waliba si badheedh ah baynu ugu hafanay dunidan dhalanteedka iyo caadifada uun ku dhisan. Hadab "rabitaanka aad doonayso in aad tijaabooyin wada togan oo saxarla aad martaa, iyada lafteeda ayaaba tabnaan iyo dhibaato ah. Aqbalaaada aad u yeelato tijaabooyinka taban iyo waayaha adag ee kuusoo maraa ee aad waayo aragnimada ka koradhsataa, iyada laftarkeeda ayaaba tijaabo togan oo wax tarle ah."


Qodobkaasi waa ka uu faylasuufkii Anal Watts ku tibaaxay "Xeerka Raad diburaaca"¹

Hamda_ Nourツ‍

11 Dec, 07:03


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

10 Dec, 13:58


Fariin gaaban u reeb qof noloshu u hagaagi weyday!

Hamda_ Nourツ‍

10 Dec, 06:51


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

09 Dec, 18:23


Gabadha soomaaliyeed waxay tahay inay ogaato in nin-ku iyada u baahnayn! Ee iyaduna sidoo kale ay u baahantahay, ma jirto sabab ay ragga xidhiidhada jiritaan-kooda mas’uuliyad uga saarantahay, haddii gabadhu 40% dadaal ah ku bixiso xidhiidh-ka, ma’ahan inaad 60% dadaala ku bixisid jiritaan-ka xidhiidh-kaas, marnaba dadaalka iyo doonitaan-ka gabadhu ku siiso mid ka badan ha siin.

Hamda_ Nourツ‍

08 Dec, 19:09


Si kastuu qof deeqiyo u yahay, ruux qalbigu doortay
Mar hadaanu kuu diirnaxayn, waad ka durugtaaye
Waxa loo dadaalaa qofkii, daacad kuu jecele
Adba ima daryeeshide maxaan, kuugu xidhay duubka?
...
Doonis iyo jacayl baa wadoo, laabta kuu diraye
Hadaan damacu igu kaa hagayn, kuguma daaleene
Dareenkii ku raacaa i baday, diiftan igu taale
Alla kugu danseegaye muxuu, kaaga helay dookhu ?
💔

Tooxane

Hamda_ Nourツ‍

27 Nov, 17:48


Ilaahay agtiisa qiimaha aad ku leedahay haddii aad rabto inaaad ogaato, keliya eeg xidhiidhka adiga iyo qur'aanka idin ka dhaxeeya.

Hamda_ Nourツ‍

27 Nov, 10:45


Waxa la weyddiiyay dad ka sheekee; maxaad ku aragtay oo kaa yaabiyay? Waxa uu ku warceliyay:
"Ma dad? Dadku waxay ku caajisaan dhalaannimada, dabadeed waxa ay u degdegaan korniimmada, markii ay waynaadaanna waxa ay dib ugu xiisaan yaraantii. Mar kale, dadku waxay lumiyaan caafimaadkooda si ay lacag u helaan, markii ay lacag helaanna waxa ay dib ugu kharash-gareeyaan helidda caafimaadkoodii. Waxa ay aad isugu murjiyaan timaaddadooda heer ay ilaawaan taagantooda, sidaa daraadeed: taagantii iyo timaaddadiiba waa ay wada lumiyaan. Dadku waxa ay u noolaadaan sidii in aysan dhimaneyn waligood, kadibna waa ay dhintaan iyagoo aan wali noolaan."

—Khaliil Jubraan Khaliil.

Hamda_ Nourツ‍

27 Nov, 09:52


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

26 Nov, 17:55


Waxaa la yiri,

Dadka guryahooda jaceylka ku heysta, ee qalbi ahaan xasillooni, marka ay bulshada dhex galaan, waxa ay raadiyaan cid ay wada shaqeeyaan, cid ay wax wada bartaan, cid ay khibrado wada kasbadaan, cid ay aragtiyo ku midoobaan iyo cid ay si siman u sheekeystaan, una kaftamaan.

Laakiin dadka guryahooda jaceylka ka waayay, ee qalbi ahaan dhaawaca u dareemayaa, marka ay bulshada dhex galaan, waxa ay raadiyaan cid jeclaata, cid fahanta, cid ammaanta, iyo cid u naxariisata.

Hamda_ Nourツ‍

26 Nov, 04:07


Nebigeenii suubbanaa, naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee, ayaa u soo galay mid kamid ah xaasaskiisa oo fadhida, halkii ay salaadda subax ku tukatay, dirgi iyo xuska Allaahna wadday, goor gaddiidkii (duhurkii) ah.

Waxa uu u sheegay, in digrigan oo ay subaxdii saddex goor tidhaahdo ay ku halayso fadliga iyo xasanaadka intaa ay fadhiday leeg.

Digrigani, waxa uu ku qoranyahay kitaabka Xisnul muslimka, waxaana uu kamidyahay adkaarta aroortii. Allaah ha ina fahamsiiyo oo ha inoo fududeeyo.

Hamda_ Nourツ‍

25 Nov, 04:25


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

24 Nov, 05:10


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

23 Nov, 18:21


Waxaan ahayn xiriir wadaag aad isku jecel, saaxiibbo isku dhib sheegta, walaalo is weheshada iyo waxtar aan kala go'in.
Waxaan ku heshiinnay in aan is guursanno sanadka cusub oo halbil kaliya naga xigay.
Habeenkasta markaan shaqada kasoo baxo ayaan soo mari jiray, halka galbaha qaar aan isbitaalka ay ka shaqeyso ugu tagi jiray. Iima oggolaan jirin wakhti badan in aan lummino, oo waxa ay aheyd mid marwalba igu dhiirragalisa in aynaan fursadaha iska dayicin. Waxa ay i bartay qoyskeeda oo dhan, saaxiibbadeed iyo qofkasta oo u dhawaa, waxay ayna i dhihi jireen waad nasiib badan tahay ee ha iska sii daynin Indha-deeqa.

Aadbaan ugu hanwaynaa in aan yagleelno qoys ay iyada marwo ka tahay anna aan masuulkeedi ahay. Waxaa marag ma doonto ah, in ay aheyd qof dunida lagu qurxiyay aqlaaq, asluub iyo aqoonba.
Afgaabnida waxaa u dheeraa degganaan iyo dabacsani ay dareenkayga ku dabatay.
Waxay maalmaha isguraanba, habeennadu isa-sugaanba, saacaduhu siqaanba, waxaa la gaaray gabagabada iyo gunaanadka guusheenna. Waan qabsannay, goorta, goobta iyo halka uu galbiskeenna ka dhici lahaa. Maalmo kooban ayaa waxaa nagu dhacay isa-seeg iyo in ay badiba ka cudur-daaranaysay in aan wada hadalno iskaddaa kulan'e.

Waxaan galab gurigooda ku tagay si dirqi ah, oo aan kala tashan. Waxaan dareemay in ay wax iga qarinayso, waxayna igu tiri; aniga oo aan oggolaan ha imaam fadlan.
Waxaase iiga xanuun badnaa in ay u hadleysay sida qof aan rejo ka qabin xiriirka iyo xaaladdii aan isla soo gaarnay.

I cafi iina soo duceey bay igu soo macsalaameysay. Seddex maalin iyo seddex habeen oo aan wacayay waan waysanaa, waxaanse ugu dambeyn ka warhelay geerideeda iyo goobtii ay ku naf baxday. Alle ha u naxariisto gacalisadeydii.

Muddo 6 sano ah ayaa kasoo wareegatay, wali qalbigeyga wuu aqbali la'yahay gabar kale, xitaa haddii aan isku dayo iyada ayaa i hor imaanaysa. Markasta oo aan agmaro gurigoodii, goobihii aan ku kulmi jiraynay iyo meelkasta oo aan ku xasuusan karo xaalad adag baan galaa. Saameyn xooggan ayey igu yeelatay, ilaa haddana kama soo kabsan. Si kasta oo aan isugu dayay in aan nolol kale sameysto waa ay ii cuntami la'dahay. Mar ayaan waddanka ka tagay, wax iska key soo beddelayna ma jiraan.

Duco iyo waxaad iigu dari kartaanba waan idinka sugayaa asxaabta Lama-filaan✍️🙏

Hamda_ Nourツ‍

23 Nov, 14:19


Waa maxay, sifooyinka aadan qof nolol kula wadaagteen?

Hamda_ Nourツ‍

23 Nov, 06:24


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

22 Nov, 17:37


Fariin (2)

Tani waa fariin ku socota dhammaan dadka riyooda: helitaanka taageero mar walba waa arrin adag. Mararka qaar waxaan maanka ku haysannaa , fikrad aynu aad u xiisaynayno. Waxaanan dooneynaa in dadka nagu dhow ay naga taageeraan hadba waxa naga dhiman. Waxyaabaha ugu waaweyn ee aan fahmay ee aan garawsaday in aanay dhici karayn waxa ka mida ; in ay saaxiibbadeenna iyo qoyskeennu noqon kuwa wax nala dhisa. Haddii ay dhacdana ay dhif tahay. Sugitaanka aan ka sugno waalidkeena wax anay heli karin ama tahli karayn waxa kuu dhaanta in aad ka tanaasusho. waalidkaagu waxa laga yaabaa in aanay si nafsiyan ah kuu fahmin mararka qaar iyaga waajibka saaran waxay keliya in ay ahayd inay ku jeclaadaan si shuruud la'aan ah, inay ku quudiyaan, oo ay wax-barasho ku geeyaan. Iyaga intaas baa u ah nolol ta u saraysa ; waxayna u qaadan karaan in aad ku jirto nolosha dhabta ah ee ugu habboon. Maaha qalad ay leeyihiin iyagu marka la eego nolosheenna iyo waddankeena. Sidaa darteed waxaad rabtaa waalidkaagu inay kugu taageeraan inaad samayso wax aad rabto , waxad u baahan tahay in ay kuu sameeyaan sida da'aada kula aynigaa ahi waalidkood u sameeyaan. Waxa mihiim ah in aad eegyo waaqica iyo nolosha dhabta ah ee ka taagan degaankaaga iyo dalkaaga. Maaha in aad u han-qal taagto kuwa noloshu u raxlaysay ee ku naalloonaya barwaaqada. U tudh waalidkaa. Waxa kugu qasab ah in aad is tusto waaqica waayaha kugu gadaaman. Is bar oo haka dul boodin waayaha qoyskaaga iyo nolosha dhabta ah ee ka jirta waddankaaga. Waxa laga yaabaa Waalidkaa ma haysan karaan, saaxiibbadii aad la soo kortay ma haysan karaan riyada nolosha aad rabto. noloshu waligeed meel faaruq ah ma weydo. Haddaad wax hesho waxbaa dhiman , marna is leeg ma noqoto , waa dabcigeeda e ugu dambayn waxan ku odhan lahaa saaxiib; Wax walba waa la heli doonaa. Baahiyahaaga waa la dabooli doonaa Haddii aad u baahan tahay dad ku taageera shaqadaada iyo ganacsigaaga, ama riyadaada, noloshu waxay kuu keeni doontaa dad cusub oo ku fahma kuguna dhiiriya doonistaada. Wax walba oo aad u baahan tahay xilligan. Waxaad u baahan tahay macalin, way iman doonaan, waxaad u baahan tahay saaxiib ku taageera, way iman doonaan, waxad u baahan tahay jacayl waara , way imaan doonaan, waxaad u baahan tahay qof kaa caawiya inaad aragtidaada hirgaliso, way iman doonaan.

Hamda_ Nourツ‍

22 Nov, 15:30


Waxay tidhi,

"Markaan is guursaney kedib waxaan tagay waddan kale, habeen habeenada kamid ah ayuu suuqa dhar ka doontay oo aanu video call kuwada hadlaynay waxaanan u dooray suudhkii ugu quruxda badnaa ee markaa meesha yaalay dookhaygana ahaa. Subaxdii danbana waxaan arkay meherka gabadhii labbaad oo uu guursaday".

xigasho

Hamda_ Nourツ‍

22 Nov, 09:32


Noloshu waa uun labaadaa ; in aad noolaanshiyahaaga ku shuqlanaato, iyo in aad godgalkaaga ku hawlanaato.

In aad noloshiyaha ku shuqlaannato waa in aad taaganta la heysato oo amminta aad joogto ka faa'iideysato, wax qabsato, aayaha noloshaadana shacniyeyso, hiyiga doonistaadana ka dhabeyso. In aad dhexda giijisato oo tacab iyo hagaajinta noloshaada u qalab qaadato, adiga oo aan taaganta ka habaabeyn, balse labada kal waqtiyeed mid ka duruus qaadanaya waa tagtada e, midna sii oddorosaya waa timaadada e.

In aad dhimashadaada ku hawlanaatana; waa in aad caajislow bilaa camal ah oo aan ujeeddo iyo himilo uu tiigsanayo laheyn noqotaa, waqtigaagana waxaan faa'iido iyo waxtar kuu laheyn ku anbisaa, dabadeedna walaahow iyo meehannaw nololeed gashaa, taas oo ugu danbeyn carcaraaf iyo basanbaas kuu horseedi doonta.

Liidkaa yari waxa uu qey ka yahay mid ka mid ah filamaanta u gu wacan shineemada "Shawshanka Redemtion —1994"....!

Hamda_ Nourツ‍

22 Nov, 04:13


Nabiga wuxuu dhahay scw

3 waan ku dhaaranayaa

1.sadaqo xoolo ma yarayso
2.Qof dhib ku samraa oo la dulmiyay ma jiro ilaa haduu jiro allah cisi ayuu u siyadiyaa
3.Alaabka wax waydiiska qofka ma furo oo dadka ma tuugsado ilaa allah albaabo faqri ah ayuu ku furaa

Hamda_ Nourツ‍

21 Nov, 18:44


Farriinta caawa.

Waa iga xasuusin uune ; mar walba dib baad bilaabi karto wixii iska kaa dhaafay. Walow lagu kala duwan yahay niyadda iyo moraalka oo qofka mar haddii wax ka xumaadaan ay u noqoto siday uga xumaatay dibna aan u halacsan. Halka dadka qaarna ku cel-celintoodu badan tahay , ilaa ay ka sal-gaadhaan. Haddaba wixii aad shalay samaysay, toddobaadkii hore, bishii hore, ama sannadkii hore, kuguma qeexayaan qof ahaan. Daqiiqad kasta waa fursad cusub oo aad ku noqon karto ka ugu wanaagsan.

Haddaba, wixii qalad ahaa ee aad u maleysay in aad sameysay oo maskaxdaadu marar badan dib kuugu soo dabaalayso marnaba ma qeexayaan inta ka hadhsan noloshaada. Waligaa haka dib dhicin inaad samayso wax cusub ,ama aad baddasho aragtidaada.

Jooji inaad diiradda saarto wixii lagaa qaaday, kuna mahadnaq inaad fursad u haysato inaad barato oo aad caqligaaga uga sii faa'iideysato dharaar kasta oo kuu dhalata oo noloshaada ku soo kordha , ogoow waa kansho aad haysato.

Hamda_ Nourツ‍

21 Nov, 17:52


Ku qurxista habeenkiinan saliga nabiga ﷺ.

Hamda_ Nourツ‍

21 Nov, 03:29


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

20 Nov, 16:06


❤️🤌🏾

Hamda_ Nourツ‍

20 Nov, 09:09


LEF US BE AN EXAMPLE


Adduunka maanta waxa loogu baahi badanyahay shaqsiyaadka waxay ku soo barteen iskuullada ama waqtiga iyo waayahu bareen ficil ahaan u muujiya ee aan hadal qallalan ummadda la soo hortaagnaan, sida loo badanyahay qarniga maanta aynnu noolnahay

Ma ogtahay inaad ka dambi badantahay adduun iyo aakhro ruux jaahilka ah haddaadan waxaad taqaan ku dhaqmayn? mase ogtahay macallinka saxda ahi uu yahay kan ardaygu u sharraxa macnaha muuqaalka ee aan u fasirin siduu u fiirin lahaa? inta yar ee aad garanayso haddaad ku macal- fasho oo ay hab- nololeedkaaga ka soo if baxaan waxaad noqonaysaa hoggaamiye ruuxi ah (spritul leader) oo aan u baahnayn magacyadaan la mujaamaldeeyay oo indho- sarcaadka iyo ku rimiska ku dhisan?

Sidee ku noqon kartaa qof lagu daydo ( role model) hadaad fikridaha aad xambaarsantahay ku qanacsanayn oo aadan ku dabbaqayn noloshaada, ama dhagahaaga iyo afkaagu ahayn kuwa is- maqla? miyaadan noqonayn munaafaq ama yeelanayn sifooyinkiisa, haddii qowlkaaga iyo camalkaagu is- qilaafsanyihiin? waad ka dharagsan tahaan filayaa in na loo ka digay in aynnaan ka mid noqon kuwa waxay dhahayaan aan iyagu ku dhaqmin? haantu waxay ka tolantaa gunta, wax kastana waxay ka bilowdaan seeska. hadii aad rabtid aduunkaan in aad wax ka bedesho, adigu noqon horta isbedelka aad doonayso ( be the change)


Waxaad jeceshahay in aad samayso waa xoriyad, waxaad samaysay in aad ka heshana waa farxad.

Hamda_ Nourツ‍

20 Nov, 02:48


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

19 Nov, 19:03


"Dhoollacadayntu waa luuqad aynu inaga oo qudhi naqaanno, dhoollacaddayntu waa tabta muraayadda soo celisa wanaagyo faro badan iyo kansho aad u weyn, kuwa inaga midka ahina waxa ay ku dhuumaalaystaan gadaasha dhoollacaddaynta samayska ah. "

- Jubraan khaliil jubraan.

Hamda_ Nourツ‍

19 Nov, 06:21


eeboow noo naxariiso.🤲❤️

Hamda_ Nourツ‍

18 Nov, 18:38


Qofku wuu yeellan karaa dabeecado dhallinyarnimo ama waayeelnimo balse haddii uu midkood aanu ahayn ku noolaado wuu ku dhex lumayaa.

Qofku in uu da’diisa noolaado ayaa muhiim ah!

Hamda_ Nourツ‍

18 Nov, 16:51


- Waan ku jecelahay gacaliso…
- Doorashadu ha ina dhaafto!

😧

Hamda_ Nourツ‍

17 Nov, 18:35


Nolosha dhalinyarnimo:

1. Qallafsanaanta nolosha dhalinyarnimo iyo xilka inna saaran:

Xeerarka rabbaaniga ah ee noloshu leedahay waxa ka mid ah in qofku soo qaato nolosha dhalinyarnimo. Noloshani waxa ay la gaar tahay tamar xad dhaaf ah iyo kansho qofku helo, laakiin waxa bar bar yaalla kadisooyinka ayaamuhu wataan, qallafsanaanta waayuhu ku caan baxay, suldaarrada shaydaanku kuu dhigayo, dabinnada dadka xumi maleegayaan iyo wax kaste oo naftu nacayso, jidhkuna diidayo.

Ibtilooyinkaas aan tiriyay iyo kuwo kale oo ka daran ayay noloshani leedahay, haddana Alle marnaba kuma seejin irridda naxariista iyo waafajinta, adigii rumeysanaa in aad nolosha dhibbane ka tahay, waa adigaa samaanta ka shaqaynaya, dareen xasilloonna laabtaada buuxiyay, akhlaaq fiicanna dadka kula dhaqmaya; bal xasuuso meerisyadan cajiibka ah ee caqligaagu ka dhigtay halbeegga nolosha:

"Dadku waa ab culus yahay,
Ohli maaha weelkiyo,
Lagu rido alaabtee,
Ha addoomin garashada.

Waxad tahay ugaaskii,
Hanashada adduunkiyo,
Ifka loogu hiishee,
Ha la biqin awoodaha,
Lagu furo albaabbada,
Xujadoodu adag tahay.

Axdi baa ku xidhayee
Magantaad ka oday tahay
Marti adigu haw noqon." - Afkusiran | 1997.

Hamda_ Nourツ‍

17 Nov, 02:26


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

16 Nov, 19:45


Qofkaaga !!

Waqti baa yimaada, marka aad la kulanto qof nolosha kuu qurxiya. waxa aad la cajabaysaa dabciga ku lammaanka ah shaqsiyaadkiisa. Qof aad la qosli karto ilaa ilmo farxadeed ka timaaddo. Qof aad qalbigaaga ku aamini karto adigoo og inuu si taxaddar leh oo aan xukun lahayn u haynayo. Qof og sida uu walwalkaaga u dhalaaliyo. Qof ku xasuusiya awooddaada markaad daciifka tahay, oo aad cuskato. Qof kuu dabbaaldega oo ku ammaana, xitaa marka aanu agtaada joogin.

Qof qalbigaaga kaaba oo ku dhiiriya marka waayuhu adkaadaan, dagaal kuu geli kara noloshana kula survival noqda. Qof aad sheekooyinkaaga la wadaagi karto, oo aad ku nafisto. Qof aan weligii kuu oggolaanayn inaad daciifto.

Aad ku odhan karto "Waad ku mahadsan tahay inaad tahay qofkayga - meel aan ku nabadgalo-na ay tahay adiga agtaada keliya."

Odhan karto una sheegi karto "Haddii aan wax u rajeyn lahaa qof kasta, waxan u rajayn lahaa in uu helo qof leh dabcigaaga oo kale. May ee in uu wax ka shabbaha asalka qudhaadan ceeb ka saliimka ah.

Hamda_ Nourツ‍

16 Nov, 17:32


Daacadnimo.

Daacadnimadu waa shay isku haya oo dabar u ah laba shaqsi oo wax ka dhaxeeyaan. Waa inaad tahay qof la isku halleyn karo oo run ah. Marka aad daacad tahay, waxaad u muujisaa qofka kale danayn iyo wanaag adiga oo xaalad kastaba ha dhacdee garab siinaya. Waxay la macno tahay inaad diyaar u tahay inaad u joogto xilliyada uu kuu baahan yahay , una baahan yahay garabkaaga ; xitaa marka ay xaaladuhu adkaadaan. Daacadnimadu waxay dhistaa kalsooni waxayna abuuri kartaa dareen ammaan leh oo ka dhex abuurma hadba ciddii xidhidh kaala dhaxeeyo. Waa sifo kobcisa wada noolaansha iyo wada jirka. Waa shay aan la heli karin , qof kastaana ay adag tahay in uu lahaado ilaa mooyi mid ilaah waafajiyey e.

Turjumid.

Hamda_ Nourツ‍

14 Nov, 08:45


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

13 Nov, 17:20


Caawa gabdhaha waxaan oraan lahaa
Barta dhamaan xeeladaha beenta ah ee lagu soo gudbiyo jacaylka aan jirin ooy ragu badankoda adeegsadan, se u barta in leydin kugu gaadin dhaqamadas io dabecadahas aan jirin, ha u baran inad qof ku dhibateysid ee u baro in aan lagugu gaadin oo adan ku dhicin sirqyada badan.♥️

Hamda_ Nourツ‍

13 Nov, 02:37


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

12 Nov, 19:03


Digri.

Ilaahay ha xusuusto qof walba, qalbiga oo degan iyo rajo leh ayey ka mid tahay nimcooyinka ugu fiican. Digri waa xasuus joogto ah oo qalbiga xoogga ku sii haya, naftana ku xasiliya. Aan si wadajir ah u xusuusano Allah, una ducaysano inuu naga aqbalo camal kasta oo wanaagsan oo aan sameyno. Ku dedaal inaad Ilaahay ku xirnaato si walba iyo goob kasta oo aad joogto, si naftaadu u hesho deganaansho iyo iftiin.

Ilaahay uxusa, baryada alle badiya alle ha noo danbi dhaafo dhamaanteen.

Hamda_ Nourツ‍

12 Nov, 10:01


Raga soomaaliyeed baan u hibeeyye intan. Yarr

Raga Soomaaliyeed waxaa caadi ahaan lagu qiimeeyaa dhowr arrimood oo muhiim ah. Tallada aan siin lahaa waxay noqon kartaa:

1. Mas'uuliyad: In aad noqoto mid mas'uul ka ah naftaada, qoyskaaga, iyo bulshadaada. Raga wanaagsan waa inay had iyo jeer ka fekeraan mas'uuliyadooda, haddii ay tahay shaqo, xiriirka qoyska, ama ka qayb qaadashada bulshada.

2. Hoggaamin: Raga Soomaaliyeed waxaa lagu dhaqmaa qiyam iyo dhaqan soo jireen ah oo ka mid ah inaad tahay hoggaamiye wanaagsan, laakiin tani micnaheedu ma aha in aad leedahay awood sare. Hoggaaminta wanaagsan waxay ku saleysan tahay xiriir wanaagsan iyo qaab dhaqameed edeb leh.

3. Sabir iyo dulqaad: Nolosha maalinlaha ah waxay keeni kartaa dhibaatooyin, laakiin raga wanaagsan waa inay dulqaad yeeshaan, sabirna muujiyaan. Sabir iyo dulqaad waxay ku caawin karaan inay si wanaagsan ula tacaalaan caqabadaha iyo khilaafaadka.

4. Daacadnimo iyo xushmad: Raga wanaagsan waa inay daacad noqdaan, had iyo jeerna muujin xushmad dadka kale, gaar ahaan haweenka, waayeelka, iyo carruurta.

5. Dhaqan wanaagsan iyo xikmad: In aad ilaaliso dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed, isla markaana aad si xikmad leh uga jawaabto xaaladaha kala duwan ee nolosha.

Guud ahaan, raga wanaagsan waa in ay noqdaan kuwo naftooda iyo dadka kale u wanaagsan, kana shaqeeya horumarka iyo nabadda.

Hamda_ Nourツ‍

11 Nov, 20:12


Dhallinyaro, Alle waa ogyahay waxa qalbigaaga aamusan doonayo. Xataa haddii aadan u sheegin isaga oo aadan ku darin ducadaada. Waxa laga yaabaa in aad xaalad adag ku jirto, se mar walba xasuusnow in xagga Alle waxba mucjiso ka ahayn. Waxaa laga yaabaa inuusan hadda ku siin waxa aad doonayso, waayo qorshayaasha Alle ayaa mar walba ka wanaagsan kuwaaga, sidaa darteed Alle talo saaro.

Hamda_ Nourツ‍

11 Nov, 02:35


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

10 Nov, 17:29


"Laga yaabaa in aanu adiga muhiimad weyn kula lahayn, Laakiin waxa uu ahaa qalbigaygii ALLAHUMMA!!!

In uu qof ku jeclaadaa waa in uu ku siiyey wixii ugu qaalisanaa ee uu haystey, haddii waxaasi uu hagaago ay noloshiisu hagaagi lahayd, dhibka iyo dheefta noloshiisuna ay ku tiirsanaayeen, haddii waxaasi hagaago noooshiisu ay wada hagaagi lahayd, haddii uu ka xumaadona ay noloshiisu wada xumaan lahayd waana qalbigiisii, ee MARNABA HAKAGA DHEELIN.

haddii aad jeclaanayso sida uu kaa mudanyahay ee ugu wanaagsan u jeclow
Haddii aad ka tegeysona sida ugu wanaagsan ee uu kaa mudan yahay uga tag.

adiga oo aa oo aan dhaawacyo iyo nabaro ku reebin!"

~ MAXMUUD DARWIISH

Hamda_ Nourツ‍

10 Nov, 06:54


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

09 Nov, 17:29


Qofkaaga.

Waqti baa yimaada, marka aad la kulanto qof nolosha kuu qurxiya. waxa aad la cajabaysaa dabciga ku lammaanka ah shaqsiyaadkiisa. Qof aad la qosli karto ilaa ilmo farxadeed ka timaaddo. Qof aad qalbigaaga ku aamini karto adigoo og inuu si taxaddar leh oo aan xukun lahayn u haynayo. Qof og sida uu walwalkaaga u dhalaaliyo. Qof ku xasuusiya awooddaada markaad daciifka tahay, oo aad cuskato. Qof kuu dabbaaldega oo ku ammaana, xitaa marka aanu agtaada joogin.

Qof qalbigaaga kaaba oo ku dhiiriya marka waayuhu adkaadaan, dagaal kuu geli kara noloshana kula survival noqda. Qof aad sheekooyinkaaga la wadaagi karto, oo aad ku nafisto. Qof aan weligii kuu oggolaanayn inaad daciifto.

Aad ku odhan karto "Waad ku mahadsan tahay inaad tahay qofkayga - meel aan ku nabadgalo-na ay tahay adiga agtaada keliya."

Odhan karto una sheegi karto Haddii aan wax u rajeyn lahaa qof kasta, waxan u rajayn lahaa in uu helo qof leh dabcigaaga oo kale. May ee in uu wax ka shabbaha asalka qudhaadan ceeb ka saliimka ah.

Hamda_ Nourツ‍

09 Nov, 01:51


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

08 Nov, 12:56


Kadib bixitaankaagii

sidii runta ahayd ayaan ku jeclaadey hadana, ku waayayna waan ku jeclaan doonaa se xasuusihiii iyo jacaylkii aan ku qabey waxaan ku aasi doona qalbigii aad cidleysey, wax waliba waxay ahaan doonaan qarsoodi xataa ilintii aad arki jirtay.🥹💔

Hamda_ Nourツ‍

07 Nov, 17:21


Ku qurxista habeenkiinan saliga nabiga ﷺ.

Hamda_ Nourツ‍

07 Nov, 15:51


💔

Hamda_ Nourツ‍

06 Nov, 19:11


Hamda_ Nourツ‍ pinned «Illaahay ka xishood .! 🤍»

Hamda_ Nourツ‍

06 Nov, 09:35


Milgaha dumarkeenu leeyay
Ileen doqonkaan aqoone
Nin ragi waa kii daryeela.

Siday u wadaan danteena
Maxay dayaceen midoodi
Habluhu waa darajeene
Allaw noo daa haweenka.

❤️🙏🏻

Hamda_ Nourツ‍

06 Nov, 07:56


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

05 Nov, 12:39


20 daqiiqo salaada FAJAR kadib iyo 20 daqiiqo salaada CASAR kadib oo kaaga filan waxa dhibaato iyo balanbal iyo fusuq uu sixirku iyo xasadku iyo caynku dadkeena u gaystay.....

Sijaayadda haka kicin ilaa aad intaa dhamaysatid:


اذكار الصباح/ ADKAARTA SUBAXA

1. آية الكرسي (مرة واحدة)
Aayatul kursi (hal mar)

2.صورة الإخلاص (٣مرات)
Suuratul ikhlaas (3jeer)

3. سورة الفلق (٣ مرات)
Suuratul falaq (3 jeer)
 
4. سورة الناس (٣ مرات)
Suuratul naas (3 jeer)


1) أصْبَحْنَا وَ أصْبَحَ المُلْكُ لِلَّهِ، وَ الحَمْدُ لِلَّهِ، لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيْكَ لَهُ، لَهُ المُلْكُ، وَ لَهُ الحَمْدُ، وَ هُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ، رَبِّ أسْألُكَ خَيْرَ مَا في هَذَا اليَوْمِ وَ خَيْرَ مَا بَعْدَهُ، وَ أعُوذُ بِكَ مِنْ شَرِّ مَا في هَذَا اليَوْمِ وَ شَرِّ مَا بَعْدَهُ، رَبِّ أعُوذُ بِكَ مِنَ الكَسَلِ، وَ سُوءِ الكِبَرِ، رَبِّ أعُوذُ بِكَ مِنْ عَذَابٍ في النَّارِ وَ عَذَابٍ في القَبْرِ.
Asbaxnaa wa asbaxal mulku lilaahi wal xamdulilaah laa ilaaha ilalaahu waxdahu laa shariika lahu lahul mulku wa lahul xamdu wa huwa calaa kuli Shayin qadiir rabi asaluka khayra maa fii haadal yawm wa khayra maa bacdah wa acuudu buka min shari maa fii haadal yawn wa shara maa bacdah rabi acuudu bika minal kasal wa suuil kibar rabi Acuudu bika min cadaabin finaar wa cadaabin fil qabri. (1 MAR)


2) اللَّهُمَّ بِكَ أَصبحنا، وَبِكَ أَمسينا، وَبِكَ نَحْيَا، وَبِكَ نَمُوتُ وَإِلَيْكَ النشور
Allahuma bika asbaxnaa wa bika amsaynaa wa bika naxyaa wa bika namuut wa ilaykal nushuur (1 MAR)


3) اللَّهُمَّ أَنْتَ رَبِّي لَا إِلَهَ إِلاَّ أَنْتَ، خَلَقْتَنِي وَأَنَا عَبْدُكَ، وَأَنَا عَلَى عَهْدِكَ وَوَعْدِكَ مَا اسْتَطَعْتُ، أَعُوذُ بِكَ مِنْ شَرِّ مَا صَنَعْتُ، أَبُوءُ لَكَ بِنِعْمَتِكَ عَلَيَّ، وَأَبُوءُ بِذَنْبِي فَاغْفِرْ لِي
فَإِنَّهُ لاَ يَغْفِرُ الذُّنوبَ إِلاَّ أَنْتَ"1 مرة"
Allahuma anta rabii laa ilaaha illaa anta khalaqtanii wa anaa cabduka wa anaa calaa cahdiga wa wacdika mastadactu acuudu bika min shari maa sanactu abuu’u laka binicmatika calayya wa abuu’u bidanbii faqfirlii fainahu laa yaqfiru dunuuba illaa anta. (1 MAR)

4) اللَّهُمَّ إِنِّي أصبحت أُشْهِدُكَ، وَأُشْهِدُ حَمَلَةَ عَرْشِكَ، وَمَلاَئِكَتِكَ، وَجَمِيعَ خَلْقِكَ، أَنَّكَ أَنْتَ اللَّهُ لَا إِلَهَ إِلاَّ أَنْتَ وَحْدَكَ لاَ شَرِيكَ لَكَ، وَأَنَّ مُحَمَّداً عَبْدُكَ وَرَسُولُكَ"4 مرات "
Allahuma inii asbaxtu ush hiduka wa ush hidu xamalata carshika wa malaaikatika wa jamiici khalqika anaka anta llaahu laa illaaha illaa anta waxdaka laa shariika laka wa ana muxamadan cabduka wa rasuuluka. (4 JEER)

5) اللَّهُمَّ مَا أَصبح بِي مِنْ نِعْمَةٍ أَوْ بِأَحَدٍ مِنْ خَلْقِكَ فَمِنْكَ وَحْدَكَ لاَ شَرِيكَ لَكَ، فَلَكَ الْحَمْدُ وَلَكَ الشُّكْر"1 مرة"
Allahuma maa asbaxa bii min nicmatin aw bi axadin min khalqika faminka waxdaka laa shariika laka falakal xamdu walakal shukru. (1 MAR)

6) اللَّهُمَّ عَافِنِي فِي بَدَنِي، اللَّهُمَّ عَافِنِي فِي سَمْعِي، اللَّهُمَّ عَافِنِي فِي بَصَرِي، لاَ إِلَهَ إِلاَّ أَنْتَ. اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنَ الْكُفْرِ، وَالفَقْرِ، وَأَعُوذُ بِكَ مِنْ عَذَابِ القَبْرِ، لاَ إِلَهَ إِلاَّ أَنْتَ.
"3 مرات "
Allahuma caafinii fii badanii allahuma caafinii fii samcii allahuma caafinii fii basarii laa ilaaha illaa anta allahuma inii acuudu bika minal kufri wal faqri wa acuudu bika min cadaabil qabri laa ilaaha ilaa anta. (3 JEER)

7) حَسْبِيَ اللَّهُ لاَ إِلَهَ إِلاَّ هُوَ عَلَيهِ تَوَكَّلتُ وَهُوَ رَبُّ الْعَرْشِ الْعَظِيم.)
" 7مرات"
Xasbiyallaahu laa ilaaha illaa huwa calayhi tawakaltu wa huwa rabbul carshil cadiim. (7 JEER)

8) اللَّهُمَّ إِنِّي أَسْأَلُكَ الْعَفْوَ وَالْعَافِيَةَ فِي الدُّنْيَا وَالآخِرَةِ، اللَّهُمَّ إِنِّي أَسْأَلُكَ الْعَفْوَ وَالْعَافِيَةَ: فِي دِينِي وَدُنْيَايَ وَأَهْلِي، وَمَالِي، اللَّهُمَّ اسْتُرْ عَوْرَاتِي، وَآمِنْ رَوْعَاتِي، اللَّهُمَّ احْفَظْنِي مِنْ بَينِ يَدَيَّ، وَمِنْ خَلْفِي، وَعَنْ يَمِينِي، وَعَنْ شِمَالِي، وَمِنْ فَوْقِي، وَأَعُوذُ بِعَظَمَتِكَ أَنْ أُغْتَالَ مِنْ تَحْتِي" 7مرات"1
مرة"

Hamda_ Nourツ‍

04 Nov, 16:30


"Saaxiib

maanta hadii ayna ahayn maalintaadii, bari waa maalintaadi.❤️

Hamda_ Nourツ‍

04 Nov, 08:35


💙

Hamda_ Nourツ‍

02 Nov, 15:07


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

01 Nov, 12:26


Waa maalin Jimce, ee Ilaahay qofkii xanuunsanaya xanuunka haka dulqaado, kii muraad leh muraadka ha u fududeeyo, kii wax tabanaya Ilaahay ha u booggo dhayo, kii silic mudan Ilaahay silica haka saaro, intii dhimatay Ilaahay ha u naxariisto, inta noolna ha u nimcooyo ... dhammaanteen Ilaahay nolol sareedo leh ha innugu noolaysiiyo, ayaamaha kooban ee aynu adduunka joognana ha inoo nimceeyo, hana innaga yeello kuwii ka bari noqda caasiyida Ilaahay, mustaqbalkeenna Ilaahay mid fiican haka dhigo, muraadkeennana ha inoo rumeeyo, aamiin, aamiin.

Dhammaanteen waxa aan inoo rejaynayaa nolol sareedo leh, intii dhib la nool Rabbi ha ka saaro waa maalin Jimce ah e, hanna u aqbalo ducadeenna, aamiin, aamiin.

Hamda_ Nourツ‍

31 Oct, 17:26


Ku qurxista habeenkiinan saliga nabiga ﷺ.

Hamda_ Nourツ‍

31 Oct, 08:49


Illaahayow waxaan ku waydiisanayaa jaceylkaaga iyo jaceylka qofkasta oo ku jecel iyo jaceylka camal kasta oo ii dhaweynaya jacaylkaaga. 💞🫂

—Duco

Hamda_ Nourツ‍

31 Oct, 08:27


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

30 Oct, 15:17


Markii aan maan ahaan bislaaday waxaan ka koray ka fekerka mushkiladaha bari dhici doona waxaanan bilaabay in aan ku raaxaysto laxdadaas (daqiiqadaas) aan taaganahay wixii danbena wakhtigooda xaliyo.❤️

Hamda_ Nourツ‍

30 Oct, 09:53


Ducada waa xidhiidhka ugu dhow ee qofka Muslimka ahi la leeyahay Alle (SWT), waxaana jira siyaabo badan oo ducada lagu aqbalo haddii loo sameeyo si sax ah. Halkan waxaa ku jira talooyin muhiim ah oo kaa caawin kara in ducadaada la aqbalo:

1. Iimaan xoog leh: Waa muhiim inaad haysato kalsooni buuxda oo ah in Alle kugu filan yahay oo uu kuu aqbali doono ducadaada. Nabigu (NNKH) wuxuu yiri: "Markaad Alle wax ka baryeyso, ha ka baryin adigoo shaki qaba, waayo Alle wuu maqlaa codsiyada dadka isaga ku kalsoon."


2. Bilaabista ducada adoo ammaanaaya Alle (SWT) iyo salaadda Nebiga (NNKH): Kahor intaadan ducada billaabin, waxaa muhiim ah inaad Alle ku ammaanto, magaca Alle weyneeyso, kadibna ku sallido Nebiga (NNKH). Ducada waxay noqotaa mid barakeysan marka salaanta Nebiga lagu bilaabo.


3. Iska ilaalinta cunista iyo isticmaalka wax xun: Halka lagu noolyahay oo xalaal ah, waxay muhiim u tahay in ducada la aqbalo. Marka qofku wax xun cuno ama camal xun sameeyo, waxaa daciif noqonaya ducadiisa. Cunto xalaal ah iyo camal xalaal ah waxay fududeeyaan in ducada la aqbalo.


4. Samirka iyo kalsoonida Alle: Waa in aad sabir yeelataa oo aad u dulqaadataa marka ducadaada jawaabteedu qaadato waqti. Alle ayaa go'aaminaya goorta iyo sida ugu wanaagsan ee uu kuu siiyo waxa aad weydiisatay, waana inaad ku kalsoonaataa in go'aankiisu yahay kan ugu kheyrka badan.


5. Inaad noqoto qof daacad ah oo qalbigiisa jeedinaya ducada: Ducada waa inay ka timaadaa qalbi nadiif ah oo daacad ah. Waxay noqonaysaa mid wanaagsan marka aad ka gaabsato rabitaan kaliya afka ah oo qalbiga aysan ku jirin.


6. Inaad ducada ku cesh ceshid: Ducada mar kaliya oo la sameeyo looma baahna in la joojiyo, balse waa muhiim inaad ku ceshid marar badan oo ku celceliso adigoo Alle weydiisanaya wax ku sugan.


7. Ducada xilliyada barakeysan: Inaad ducada sameyso xilliyada ajarka leh sida wakhtiga dambe ee habeenkii (qiyaamul layl), salaadaha faralka ka dib, xilliga soonka gaar ahaan bisha Ramadan, iyo maalmaha Jimcaha waxay fursad u tahay in ducada la aqbalo.


8. Ka fogaanta dembiyada: Dembiga iyo ducada ma wada socdaan. Waxaa wanaagsan in qofku iska ilaaliyo dembiyada oo uu Allah uga toobad keeno wixii xumaato ah ee soo dhaafay, maxaa yeelay toobadda la aqbalay waxay tahay mid ducada u fureysa.


9. Ka baryo Alle waxyaalaha wanaagsan: Ducadaada waa in ay noqotaa mid wanaagsan oo aad Alle weydiisanaysid waxyaalo faa'iido kuu leh adiga iyo dadka kale, si Alle kuu siiyo kheyrka aad weydiisatay.


10. Kalsooni ku hay in jawaabta ducadaada noqon karto saddex midkood: Nebigu (NNKH) wuxuu yiri, ducada Muslimka waxaa lagu abaal mariyaa saddex siyaabood:



Ducadaada waa la aqbalayaa oo waxa aad weydiisatay waa laguu siinayaa.

Ducadaada waxaa lagugu badbaadinayaa dhib aad qarka u saarnayd.

Ducadaada waxaa laguu keydinayaa oo lagugu siin doonaa ajar maalinta

Hamda_ Nourツ‍

30 Oct, 08:00


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

29 Oct, 22:48


Nolasha!

Waxaad luminaysaa wax badan oo aad haysatay:

Jacayl, Saaxiibo iyo dad badan oo ku dhawaa ayaad maalmo adag waayaysaa,Xaalado kugu adag baad gabood iyo garab u wayaysaa, Marar baad naftaada lafteeda luminaysaa. Maalmo kadib wax kaste oo aad lumisay ayaad gadaal u helaysaa, Waa hadaad caqabadah cashar ka barato, si weyn u dhabar adaygto, Eebena aad tallo saarto e.

Hamda_ Nourツ‍

29 Oct, 08:03


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

28 Oct, 17:46


Su'aal(Weydiin).?!

Dadka marka la ciilo ama ay lakulmaan bahdilaad isla kolkaas ilmeeya oo ilmadu labadooda indhood soo dhaafto, maxaad ku sifeyn lahayd, naxariis badane, ducufnimo, adkaysi ruux aan lahayn, Dadka jecel in markasta lawanaajiyo, dadka aan nolosha wax badan ka fahamsaneyn, Dad rabbi ku galladay wanaag.?!!

Rabboow maggan.

Hamda_ Nourツ‍

28 Oct, 12:44


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

24 Oct, 15:26


Ku qurxista habeenkiinan saliga nabiga ﷺ.

Hamda_ Nourツ‍

24 Oct, 11:40


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

23 Oct, 20:46


Salaam,

2025 labo bilood oo kaliya ayaa ka hartay, waxaad sanadkaan bilowgiisii naftaada balan kula gashay inaad rikooro badan jabin doontid, hambalyo maadama aad balantaas (rikoorkaas) jabisay.!

Hamda_ Nourツ‍

23 Oct, 16:52


RUUXDA QUDDUUSKA !!

Curro ayaankoow oo daruurahaaga dusheyda ku naggaadi, darka qalaley ee guyaal badan ka caagey xareeddana daadad qulqula ku waraabi, oo igu lamaaneey nolosha ugubka ah ee hoorka dayrta iyo gu'ga ku laafyoota, xuddunteydana ku xidh dhulalka uu dooggu ku dul tumanayo saarka iyo shaballada walwaaleed, oo igu hab dareennada jacaylka qooyan ee ay dhibcaha naxariista ihi ka hoorayaan, iguna haki hadhka darfaha laamaha ee kalgacaylka.

Jacaylkoow soo garguuro oo dareennada cadaabka ah waabadooda iga madhi, kaalay oo igu soo dheelmo iguna xooji ilmada farxadeed ee guusha kadiska ahi gardaadiso, kaalay oo igula milan midabada kaymaha kala caynka ah oo guntooda igu la dheelmo habeenno badan oo igu la keliyey ruuxda qudduuska ah, nafteydana ka kafaala qaad naawilka waayaha dhicisoobey, aaaaaaah! Waxa aan la taahayaa oo ay cududeheyguna u duubmeen waa dareennada irmaan e.

Hamda_ Nourツ‍

22 Oct, 21:31


Xanuunada dawadooda
Kartida soo dira qofkaaga
Maalmaha kala daadsanaanta
Dugsiga laga galo culayska
Dabiib dhab ah baad ahayde
Hadeer waan diiqadooday

Adoon nafsi soo dareemin
Dartay adigoon xanuuno
Dayoobin ayaan qudhaata
Dararay xiisuhu dhankaaga
Xaqiiq waan doonayaaye
Dib noo kulansii macbuudku!

Cilaajka Caashaqa.

Hamda_ Nourツ‍

22 Oct, 14:46


"Allahayoow haween daa."

-Anna wali dab kama shidan
-Dugsi aanay joogine,
-Meel aanay dumar jirin
-Haygu dilin Allahayoow.

—Busi.


Jannada la sheegaaba waa haween! Haa waa haweenka , run ahaantii haweenku— waa geed hadhac leh oo hadh qabow. Aan lahayn hanfi iyo dabayl ; laydh macaan oo aad ku nagaan karay abidkaa. Haddii aan isku tagno mayee aan ad-duunka waxa saaran oo dhan hortooda keeno— billaahay ma gudi karno abaalkooda. Khal-khal iyo qilaaf kama dhamaadeen haddii aanay darafyada ku hayn maamulkeeda. Dumarku waa isha keliya ee laga heli karo— nolol waasic ah oo aan wax shuruud ahi ku xidhnayn. Naf hurid aan shardi ku xidhnayn iyo jacayl daacadnimo ku suntan oo raxmaanku inoogu abuuray ayay ayay innagu habaan— nin walba oo heer gaadhay shaqsiga ka dambeeyaa waa ruux haween ah. Dadaal iyo dhiiri-gelin bay inna siiyaan aanay wax shardi ahi wehelin ; waxay halgan dheer u galaan sidii aan heer u gaadhni lahayn. Qof walba oo caqli leh waa garan karaa qiimaha iyo innay yihiin ; toosiayaha qaabeeyaha— nolosheena. Darteen bay muunidaa dhadada arxanka darani da'ayso iyo gabadanada jiilaal iyadoon ka gashan dhaxan celiye— ayay dab u gashaaa sidaan u safrad beeli lahayn. Wallee haddii aan il naxariis leh ku eegi lahayn dareenkoodana la saaxiibi lahayn ; waxa hubaal ah in aynaan ilmada ceshan kari lahayn. Gacanteeda haddaan si tudhaalaysan u eegi lahayn— jeex-jeexa ay mididu u samaysay iyo duul-duulka saliida holcaysa oo dhu-dhumadeeda dubka kala degtay ; hubaashii waan dareemi lahayn kaalintay inoogu jiraan. Nacas miidhan oo innaga mid ahi muu sameeyeen waxyaabaha qaar! Muu sameeyeen inta uu si arxanimo— ka dheer tahay ula dhaqmo dhehona hadal qalbigeeda laba baladh ka kala dhiga ;dhaayaheedana ka keena togag ilmo ah. Ninkow aan ka dayno hagardaamada iyo u muruq sheegashada — aan awooda u sheeganayno. Intaa haddaan ka dayno abaal bay inoo hayn lahaayeen. Malaha haddii aynu waqtiyada adag ee noloshooda soo mara—aan u muujin lahayn jacayl dheeraad ah iyo u dhimirsanaan ; mayee iskaba daa jacayl e keliya tusno in ay muhiim yihiin koonkanina aanu kala socdeen— haddii aanay joogin ay abaal buur leeg inoo hayn lahaayeen. Sida aan agtooda luulka uga nahay—waxan ogaaday ; markay dhib yar inna soo gaadho ama ay maqlaan , "HAQ" keliya oo ay tidhaaahdo oo ay laabta gacanta saarto ayaa kaga xun xabad ku dhacda. Bal eeg sidaan agtooda uga qaaliyaysan nahay. Isku soo wada dabaal oo— Bil khayraad qiimo badan oo sharfan baa hadda la galay , waxan idinkula talin lahaa in aan caawino hablaheena —hooyooyinkeen waliba aan si weyn u garab galno. Iyagoo sooman bay haddana dab inoo galaan xilliga ay milicdu ugu kuluushahay. Aan ka korno dhaqanka ah " Intaan iska baxno game iyo laandhuu aanay dambi mooye wax kale inoogu jirin hadhowna— hadalo aynaan ka fiirsan iska nidhaahno oo qaylo ula nimaadno." Damiirku hayna shaqeeyo labkoow.

Hamda_ Nourツ‍

21 Oct, 02:12


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

20 Oct, 20:16


Halbowlaha dhiiga u kala qaada qaybaha jidhka ayaad ka samaysatay waddooyin iyo wadiiqo kuwaas oo ay hareerihiisa ahaadeen ubaxyo kala caynba cayn ah.

Hamda_ Nourツ‍

20 Oct, 10:05


Waxan ku idhi " _maxaa ku farxad geliya."_

_Waxay iigu jawaabtay , mawjadaha badda iyo sanqadhooda. Sagalka cadceeddu markay baalka sii dhigay; cirkana ay kaga tagto midab casuus oo saafi ah. Dayaxa needhiga ah iyo dirirka agtiisa ku naban ee ka qaata nuurka. Qayoodka roobku markuu qaado dabaysha wal-walka ah ee soo dhacda , waqalka iyo nuglada aroortii buuraha isku sharaxda. Cida shimbirha iyo yul-qanka geela barwaaqadii dhala ololkiisa._

Hamda_ Nourツ‍

20 Oct, 07:11


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

19 Oct, 06:38


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

18 Oct, 14:08


Maanta muraad baan leeyahay in ilahay khyr ka dhigo isoo duceeyo🤲🏿

Hamda_ Nourツ‍

18 Oct, 10:40


Qacdii hore ee aan arkay warka sheegaya in uu dhintay yaxyaa sinwaar aad baan u naxay oo anfariir ayay igu noqotay, mase niyad jabin oo waxaa igusoo dhacay markiiba hadalkii uu abubakar sidiiq ku yidhi markii uu nabigu dhintay cumar ibnu khadaab--asxaabtii, ee ahaa "Qofkii maxamed caabudi jirayow maxamed waa dhintay, kii ilaahay caabudi jirow ilaahay waa mid nool oo aan dhiman "

Reer qasi(muslimiintu) waa wada sinwaar dagaalka iyo xaq udirirnimaduna way soconaysaa ilaahayna hayna guuleeyo oo garabkeena ha galo yaxye iyo intii shahiideyba how naxariisto.

Hamda_ Nourツ‍

18 Oct, 08:33


Waxaad tahay ilwaadka
Quruxda leh asluubka
Anshaxiyo hubqaadka
Qof ku bilan edaabka
Akhlaaqdiyo xishoodka

Waxa tahay insaanka
Gobonnimada uunka
Qalbiyadda aduunka
Sharaf u ah abuurka
Ku suntanid ixsaanka

Waxaad tahay awaalka
Sawiradda oggaalka
Qalbigga iyo uurka
Unugyadda dareenka
Ku dhex uuman beerka

Waxa iga astaan ah
Iga aaminaad ah
Dood ii afkaar ah
Abbaar khaasa ii ah
Waxa aragti kuu ah

Waxa kuu ammaan ah
Islaamnimo rumayn ah
Qirashiyo ikhlaas ah
Dhabnimiyo adeec ah
Indheergarashaddii ah

Waxa kuu awood ah
Arrin gaar ah kuu ah
Faham aad iyo aad ah
Waxa tahay addoon ah
Ammakaag iyo yaab ah

Hamda_ Nourツ‍

17 Oct, 16:54


Ku qurxista habeenkiinan saliga nabiga ﷺ.

Hamda_ Nourツ‍

17 Oct, 08:42


Maalin Labaad iyo Farriin kale

Guuldarrada waxa ka dabqaata niyadjabka, waxayna ku sa leedahay aaminaada qofku ka haysto nolosha. Haddii aad aaminto in aadan guulaysanayn ama aadan ka bixi karin caqabaddaha nolosha waxa aad dabar ku xidhay awooddaada qofnimo. Aamin nolosha halka aad marayso in maalin kaa horraysay qof marayay, maalin kaa danbaysana qof mari doona isla jidka aad maanta ku dhibtoonayso. Sababta oo ah, nolosha caqabadduhu way qurxiyaan, waxana ay soo saaraan qof nolosha ka haysta waayo'aragnimo buuxda. Haddaba, ha u joojin caqabadda ee waxa aad ku dedaashaa jabinta gidaarka adag, waxana aad ka bilawdaa in aadan nolosha isu dhiibin.

Qof fulay ah ayaa isdhiiba waddooyinka hore caqabaddaha la tacaal, kuwa danbe guusha aad gaadho ayaad ku raaxaysan doontaaye.

"Mitid noqo abaabulan
Iyo lagamamaarmaan".

—Hadraawi

Hamda_ Nourツ‍

16 Oct, 08:05


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

15 Oct, 21:17


Duco aad qof muslim ah oo walaalka ah u ducaysay baa kurbadiisa ka qaadi karta caawa duco marti idin-ka nahay arin aad noogu wayn oo waayadan na haystay inaanu war farxad leh ka maqal'no kurbadaas rabbi naga faydo.

Hamda_ Nourツ‍

15 Oct, 14:37


Dhallinyarnimadaada ku dedaal in aad waqtiga ka faa'iidaysato. Waqtiga oo aad camal la'aan ku bixiso waxa ka iman kara in aad wax badan oo aan nolosha wax buuran ku soo kordhin aad barato.

Haddii aad waxbarato ku mashquul in aad waxbarashada ka gaadho heer sare, oo aad ku dedaasho ka midhadhalinta hawsha waxbarashada; haddii aad shaqayso ku dedaal in aad waqtigaaga bannaan ku bixiso wax kale oo aad kaga baxsanayso camal la'aanta; haddii aad camal la'aantahay ku dedaal in aad hesho caado aad waqtiga faraaqada ah ku baajiso. Sababta oo ah, waqtiga aynu firaaqada noqonno waxa uu keeni karaa in aynu fursad u helo barashada caadooyin aan la mahadin sida; fadhikudirirka, la jaalka macanadarrada, ku bixinta waqtiga u badan baraha bulshada iwm.

"Waqtigu waa seef ee inta uuna ku jarin adigu jar".

Hamda_ Nourツ‍

15 Oct, 07:45


Xiligan la joogo waa in qofka dhalinyarada ahi, uu laba arrin xooga saaraa.

Akhrinta Quraanka, si maalinle ah, intii uu ka awoodo. Iyo barshada tafsiirka quraanka ah, walow maalintii, hal Aayad ba ha fahmee.

Hamda_ Nourツ‍

13 Oct, 21:34


Walow uu axdigu lumo
Misna wacadku uu buro
Jacayl waayo soo jiray
Waligii ma baaba'o

Gobtu way is waydaa
Balse wada jirkoodiyo
Kaddib weheshigoodii
Wayska soo war doonaan

Laba waxa dhex yaallaa
xidhiidh uu ka wayn yahay
Is waydaarku maba dhibo
Waxba kama xumaadaan

Ruuxa wacan markii uu
Qof wanaagsan caashaqo
Ma waydoobu xiisuhu

farro

Hamda_ Nourツ‍

13 Oct, 20:42


Qalbi yaa ku dhaawacay,
Ii sheeg maxaa dhacay?
Yaa dhibaato kugu furay,
Farxaddaadi dhalan rogay?

Ma anaa wax kuu dhimay,
Ku idhi dhawaaq kulul?
Mise waan ku dhayalsaday,
Oo dhab baanan kuu hanan?

Hamda_ Nourツ‍

13 Oct, 07:43


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

12 Oct, 06:59


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

11 Oct, 15:56


—Ma fiicantahay?
—Maya, su’aasha xigta?

—Sannad kahor yaad ahayd?
—Qof nolosha ku faraxsan

—Maxaad jeceshahay?
—Waxba!

—Haddadan maxaad ka fekeraysaa?
—Qof aan beri safar ku kulanay.

Hamda_ Nourツ‍

11 Oct, 07:11


اللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ وَبَارِكْ على نَبِيِّنَا مُحمَّد.

🤍

Hamda_ Nourツ‍

10 Oct, 19:47


Ku qurxista habeenkiinan saliga nabiga ﷺ.