HOYGA SHEKOYINKA @hoygashekoyinka Channel on Telegram

HOYGA SHEKOYINKA

@hoygashekoyinka


Kanalkan Hoyga Shekoyin waa kanal aad ka heli donto Shekoyin isugu jira /Jacaylโค๏ธ /Qosol๐Ÿ˜ /Taxaneโ†ช๏ธ iyo Qoraalo xiiso badan๐Ÿ˜˜

โœจinaad nagu soo biirto waxay noo tahay wehel๐Ÿ˜โค๏ธ

๐Ÿ’ซ๐Ÿ‘‰. Fadlan JOIN DHEH

Owner๐Ÿ‘‰ @Ina_Husein

ยณโฐ\หขแต‰แต–\ยฒโฐยฒยน

HOYGA SHEKOYINKA (Somali)

Kanalkan Hoyga Shekoyin waa kanal aad ka heli donto Shekoyin isugu jira /Jacaylโค๏ธ /Qosol๐Ÿ˜ /Taxaneโ†ช๏ธ iyo Qoraalo xiiso badan. Waxaa ku jira qoraalo jacayl ah, qosol, iyo taxane oo xiiso badan. Kanalkani wuxuu si toos ah ugu soo dhawaadayaa dadka raali gelinayaa sheekooyinka aan lahayn. Qoraalada iyo muuqaalka aanu ku soo bandhigno ayaa kuu siinaya dhammaan sheekooyinka aad raali gelin karto. Fadlan ku biir kanalka si aad u hesho qoraalada ugu cusub iyo qoraalada aad jeclaan lahayd. Hoyga Shekoyinka waa meel loogu talagalay in qof kasta oo ku biira uu ku hesho sheekooyin jacayl iyo qosol oo aad u xiiso badan. Xusuusin wanaagsan, maamulaha kanalka waa @Ina_Husein. Aasaasaha asalka ah ee kanalka waa inay dadka ugu soo dhawaadaan sheekooyinka ay ku raali gelinayaan. Dooro Hoyga Shekoyinka, dooro sheeko jacayl iyo qosol oo aad ka xiiso badan. ยณโฐ Sep 2021.

HOYGA SHEKOYINKA

19 Nov, 11:13


Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Waxa Ay Shaacineysaa Deeq-Waxbarasho Oo Ay Ka Faa'ideysan Doonaan 3,000 Oo Gabdho Soomaaliyeed Ah.
https://qaranjobs.com/2024/11/18/deeq-waxbarasho-oo-ay-ka-faaideysan-doonaan-3000-oo-gabdho-soomaaliyeed-ah/

HOYGA SHEKOYINKA

19 Nov, 04:23


Sheeko cusub: Qiimey Qofka Ku Jecel

Qaybta 3aad


Yaasiin markii laga buriyay shaqadda kadib" maahir waxaa uu noqday mid daneeya suleekha ilaa ay markii dambe aad isku fahmeen, suleekhana midaas aad beey ugu faraxday waayo maahir aad beey u jeceshahy; xili ay shaqada kasii rawaxeeysay ayuu maahir u yeeray, suleekha kadib ayuu ku yiri suleekha maanta anaa kusii dhaweeynaayo I yara sug.

Suleekha waa sidii ay rabtaye waxay tiri waayahay weeyna sugtay, intuu u yimid ayuu yiri hayeh ina keen hee waxay tiri waayahay ina dhaqaaji.

Banaanka markii loo baxay ayuu yiri maahir suleekha wax baan rabaa in aan kuu sheego!

Suleekha waxay tiri iisheeg waa maxay? Intuu cabaar jees jeestay ayuu yiri waanba ka xishoonayaa in,aan kuu sheego arintaan!Suleekha ayaa tiri waayahay inaga daa waxaad ka xishooneeyso malaha wax fiican maahee.

Markaas ayuu yiri maya waa wax fiican waana hubaa dhankaaga In" ay ka fiican yihiin dhankeeygana si lamida waa wax ila fiican aniga.

Kadib ayeey tiri suleekha waayahay maahir iisheeg ha, igu ciil ciilan haddalka wuxuu yiri maya marabo in aan ku ciil ciilo mana laga yaabo midaas. Waxaan rabbaa in aan xiriir sameeysano oo, " aan noqono lamaane qurux badan midaas maxaad ka qabtaa? Suleekha lugaheedda way ku taagnaan weeyday farxad aawadeed waayo maahir jaceyl xad dhaafa ayeey u haaysaa. Waxay, tiri maahir diyaar ayaan u ahay waxba kama qabo waana soo dhaweeynayaa.

Xiriirkaaga,maahir ayaa ugu jawaabay" lkn qof horay u ogaa oo kale horay ayaad ka aqbashay xiriirkeeyga xitaa kama aadan fakarin sidee? Bal wax ii sheeg. Suleekha ereygaas qalbi xanuun iyo shalaayto ayuu ku riday,kadib ayeey tiri maahir maxaa sidaas u leedahay aniga aqoon buuxda ayaan kuu leeyahay waxaan kaloo" ogsoonahay in aad wanaagsan tahay maba taalo sabab aan xiriirkaaga ugasoo fakaro.

Maahir waxa uu" ugu jawaabay iga raali noqo kaftan ayeey iga aheeyd waana ku farxay sida fudud ee, aad xiriirkeeyga usoo dhaweeysay, waan kaaga mahad celinayaa ana waa ballan in aan ku dhoowrto. Inkastoo suleekha haddalkii hore ee; maahir qalbigeeda saameyn ku yeeshay, waxay muujisay farxad waxayna tiri waayahay maahir,haddana waan sii baxayaa, Macsalaama.

Wuxuu yiri waayahay ii nabad ahoow, Markii ay kasoo dhaqaaqday, waxa ay indhaha ku dhufatay, yaasiin oo" jidkii ay mareeysay,dhexdiisa taagan weey, isku naxday; halkeedii ayeeyna istaagtay, waxay mooday in uu; yaasiin dili rabbo.

Yaasiin xaggeeda ayuu usoo dhaqaaqay, kadib ayuu ku yiri suleekha is daji kaliya waxaan rabaa in aan wadda hadalno dhibaato kale majirto.

Waxay ugu jawaabtay waxaan ka wada hadalno oo" meesha yaalaa majiraan yaasiin jidka ii baneey'wuxuu yiri suleekha sidaas ha dhihin aniga maahir oo kaliya ayaan dagaalnay, ee, adiga kulama aan dagaalin ogoow maxaad sidaan oo dhan iigu fogeeyneeysaa cadowgaaga ayaad iga dhigtay.

Mise maahir ayaa igu kaa diray. Suleekha in ay xanaaqday, ayeey tiri maahir haddalkiisa meeshaan ha keenin waayo adiga ayaa dulmi kula dagaalaywax uu igu kaa dirayna maleh maahirna waa qof daacad ah xumaanta iska saar horteeydana ka wareeg.

Weeyna ka dhaqaaqday, yaasiin halkii ayuu ka dhaqaaqi waayay, cabbaar ayuuna halkii taagnaa ilaa ay suleekha ka mirqatay, guriga ayuu tagay yaasiin mobilekiisa ayuuna lasoo baxay waxa uu" fariin sidaan uqoran, udiray suleekha.Asc suleekha qofka kula hadlaayo waa yaasiin runtii waxa aad, igu sameeysay ma,ahan wax aan kaa filaayay, qalbiga ayaad iga dhaawacday nin faceey ah ayaadna ii jabisay, oo aad iga raacday, ma, ogtahay meesha aan taagnaa ilaa inta saac ee, aan taagnaa kaliya si aan kuula kulmo balseadigu ma rabtid in aad I aragto.

Waxba kaa qarin maayo waan ogahay in aan ku waayay adiga kuna guul dareeystay, qalbigaaga balse anigu waan ku jeclahay waliba si dhabba. Waxaan kuugu sheegaayo kaliya waxaan rabaa culeeyska qalbigeyga saaran in aan iska dajiyo.

Lasoco Qaybta 4aad

#join taabo si aad ula socoto kheybta xigta mahadsanid

HOYGA SHEKOYINKA

17 Nov, 18:30


Sheeko cusub: Qiimey Qofka Ku Jecel

Qaybta 2aad


Yaasiin wuxuu yiri maya saaxib waan idinku soo kediyay iska sheekeeysta ilbaabka ayuuna ka baxay, maahir ayaa yiri suleekha maxaa ka qaldan yaasiin is badal ayaan ka arkaa ?

Suleekha ayaa ugu jawaabtay waxaas ma arko aniga isagga waa caadi waxba kama qaldana.

Habeen, waxa xaflad wadda aaday saddex doodii suleekha habeennkaas aad beey" usoo labisatay ilaa heer dadkii xafladda kasoo kheyb galay kuwadda mashquuleen iyadda.

Laakiin suleekha ula jeedkeeddu waxa uu" ahaa maahir daraadiis.

Hase yeeshee maahir uma muuqato midaas yaasiin aad ayuu ula dhacay labiska iyo quruxda ka muuqato suleekha.

Agteeda; ayuu tagay markaas ayuu yiri caawa labiskaaga inaba caadi ma,ahan waad kusoo baxday!Suleekha oo niyadda iska leh intaan muxuu maahir u garan la, yahay ayaa ugu jawaabtay yaasiin mahadsanid saaxib.

Yaasiin jawaabta suleekha kama helin balse waa uu ka dhaqaaqay, asxaabtiisa kale ayuuna dhex galay, suleekhameel ayeey kaligeed fariisatay waxayna billoowday in ay maahir ka fakarto yaasiin intaas iyadda ayuu ku maqan yahay isaggoo is weeydiinaayo waxa gabadha ka qaldan iyo sababta keentay in ay sidaan dhan u niyad jabsanaato!?

Yaasiin waxa uu isku dayay in uu baaritaan ku sameeyo suleekha waxa uuna u tagay maahir kadib ayuu ku yiri saaxiib suleekha xaaladeeda ma,ahan mid fiican masoo fiirin kartaa iyadda? Maahir ayaa yiri haa waa uuna u tagay.

Yaasiina kor ayuu ka fiirsanayaa maahir ayaa ku yiri suleekha ma fiican tahay adiga waxay tiri haa waan fiicanahay kadib ayuu yiri iska daa sidan dadka dhex gal waana inaad caadi iska dhigtaa waxay tiri hayeh weeyna is dajisay.

Yaasiin waxa uu ogaaday in ay suleekha maahir jeceshahy midaasna qalbi jab ayuu ka qaadayxafladdiina waa uu isagga tagay iyaddoo aan weli dhamaan xaafaddiisa ayuuna aaday qolkiisa ayuu soo xirtay.

Isaggoo qalbigu aad u gubanaayo indhihiisana ilini ku taag taagan tahay waayo waxa uu jeclaaday suleekha isagga waxaana cad iyadduna in ay cidkale dooratay qalbigeedana siisay, maahir.

Yaasiin habeenkaas aad ayuu u ciishooday inta ay suleekha ciishootay ka badan.

Suleekha iyo maahir xafladdii ayeey goor dambe kasoo baxeen qof walbaa markii uu gurigiisa tagay majirin cid dib u wacday yaasiin oo horay ayeey u seexatay, suleekha.

Yaasiin subaxii ayuu soo toosay isaggo weli xiran dharkii uu xafladda uga yimid xalay shaqadiisa ayuuna si deg dega ku aaday"waxa uuna u tagay suleekha iyo maahir oo ka sheekeeysanaya xafladdii xalay.

Suleekha ayaa lasoo booday yaasiin xalay xageed aaday waanku waaynaye? Yaasiin ayaa ugu jawaabay haddii aad I waaydeen maxaad iisoo raadin weeyseen?

Maahir ayaa yiri waan iska mashquulnay saaxiib wuxuu yiri yaasiin dhib malahan xalay waan iska baxay kaliya xaafadda ayaa leeyga yeeray. Shaqadiisa ayuuna iska guda galay.

Suleekha kaliya waxaa u cad maahir halka yaasiina suleekha un u caddahay balse maahir arintaas gaar ayuu ka yahay oo waa nin anaan waxaasba war u hayn, maahir ayaa soo istaagay yaasiin ayuuna u tagay markaas ayuu ku yiri ninyahow baryahaan gooni goosad baad sii noqoneeysaa ma waxaad rabtaa in aan kaa daba cararno waa adiga leh ima aadan soo raadinaha ee, yaasiin intuu carooday ayuu yiri I maqal aragaaga iga qari haddii aad nabad rabto waxaan ahayna waxba kaama galin adiga.

Intaas markii ay is dhaafsadeen waa laysku booday oo feer ayaa laysku bilaabay,waa lagusoo orday halkii ayaana lagu kala fujiyay. Balse suleekha waxay la coloowday yaasiin waxayna la safatay maahir qaladka oo idilna yaasiin ayeey dusha ka saartay.

Dagaalka yaasiin iyo maahir waxa uu noqday mid aad u dheeraaday yaasiina waxa uu diiday in la heshiisiiyo.ilaa heer markii dambe yaasiin shaqaddii laga buriyay..

Lasoco part:3

#join taabo si aad ula socoto kheybta xigta mahadsanid

HOYGA SHEKOYINKA

17 Nov, 18:05


https://t.me/addlist/BGIHlEdhczhkYThk





Via @team_kordhis B2

Ma iska Joogtay Aalada telegram Oo wakhti badan makaaga baxay raadinta Kannaalo Faa'iido u leh Noloshaada. Jawabtaadu hadday tahay; haa ''Waxan halkan kuugu soo xulay aqristaha sharfanow channelskaad baadi goobka ugu jirtay mudada dheer oo nooc kastaba leh. ๐Ÿ˜‡

๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ณ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ผ ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ฏ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—”๐—ธ๐—ต๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฒ ๐—ผo ๐—ธ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ป๐—ผ๐—พ๐—ผ ๐—ฏ๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป, ๐Ÿ’™๐Ÿ˜˜



โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚ 
โžฆ SPONSORED BY
  โ‚โœฟโ‚โœฟโ‚ - โœฟโ‚โœฟ
โ†ช๏ธ @jaceylqore
โ†ช๏ธ @TAFSIIRKA_QURAANKA1
โ†ช๏ธ @learn_english012
โ†ช๏ธ @Hagaajinaftaada
โ†ช๏ธ @Wadada_Guusha
โ†ช๏ธ @Arabic023
โ†ช๏ธ @taladaqoyska
โ†ช๏ธ @Caafimaad7
โ†ช๏ธ @Xikmadle
โ†ช๏ธ @kadisaqoon
โ†ช๏ธ @kalandarka_Hijriyada
โ†ช๏ธ @mustaqbal7
โ†ช๏ธ @Suuqgeynta
โ†ช๏ธ @Global_learning1
โ†ช๏ธ @Iibiye_online
โ†ช๏ธ @samow_techonolgy
โ†ช๏ธ @OGAANSHAHANOLASHA67
โ†ช๏ธ @Hamzaatii0845
โ†ช๏ธ @hadasamee
โ†ช๏ธ @wadnojacayl
โ•šโ•โ•โ•โ•โ•โ•โ• - โ•โ•โ•โ•โ•โ•โ•โ•โ•
โ†ช๏ธ KURULUS OSMAN
โ†ช๏ธ @Abdirizakthoughts1
@udhawoow_allaah
โ™งGuddoomiyaha kooxdaโ™ง
http://t.me/Wll_musab


QORAALKAN TAABO COUSE FREE AH DHAWAAN I.A

HOYGA SHEKOYINKA

17 Nov, 18:02


ูˆู‚ู„ ุฑุจ ุฒุฏู†ูŠ ุนู„ู…ุง


Linkiyadaa hoose ku dhufo ๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡

HOYGA SHEKOYINKA

16 Nov, 15:29


Sheeko cusub: Qiimey Qofka Ku Jecel
Qaybta 1aad

Suleekha waa" gabar qurux iyo dabeecad wanaagsan Alle ku maneeystay suleekha waxay, shaqa wadaag yihiin; labba wiil oo" dadka aad beey" isagga dhawyihiin waana dad; dabeecad ahaan Is fahmay asxaab dhawna noqday, wiilasha mid waxaa lagu magacaabaa yaasiin.

Wiilka kale waxaa isagana lagu magacaabaa,maahir.

yaasiin waxa uu jecel yahay in ay suleekha sheekeeystaan oo" ay dhankiisa ahaato balse suleekha waxay la haaysataa" maahir.

Suleekha waxay markasta jeceshahay in ay, maahir dhankiisa ahaato la sheekeeysato, isla kaftamaan balse maahir ma ahan mid wakhti badan siiyo laakiin suleekha waxa uu; u ixtiraamaa si walltinimo ah.

Subaxddii markii ay shaqadda yimaadaan labadoodu yaasiin waxa uu kasoo dhacaa suleekha si uu xaalkeeda u weeydiiyo halka maahir aanu" kala jecleeyn cidda uu hor salaamaayo.

Suleekhana midaas aad beey" u dhibsatay iyaddoo ka fakareeyso maahir iyo sababta uu, isagga indha tiraayo daneynteeda.
waxaa qolkeeda shaqadda ugusoo galay yaasiin.

Yaasiin waxa uu arkay suleekha oo" aad u fakareeyso weey naxday markaas ayeey tiri yaasiin adiga miyaana? Kadib ayuu yiri iga raali noqo waan isaga kaasoo galay malaha xisaab baad saxeeysay! Waxay tiri maya xoogaa waan xawilnaa, markaas ayuu yiri abyo wax dhiba miyaa kuhaaysta.

Suleekha waxay tiri maya abowe dhibaato majirto waa fakar iska caadiya wuxuu yiri waa khayr dhibaato kulama rabbo haddii ay jiraan wax adiga ku dhibaayo waad ila wadaagi kartaa si aan xal kuula raadiyo.

Suleekha waxay tiri mahadsanid yaasiin waan bad qabaa hadda wixii aan sheegaa waa dambi wll intaas kadib yaasiin":waa uu kasii tagay, yaasiin war war ayaa kusoo kordhay waxa uuna jeclaaday suleekha waxa uu" garan waayay qaab uu" iyadda ugu sheegto darreenkiisa.

Suleekha markii ay firaaqo heshay waxayxafiiskiisa ugu tagtay maahir markaas ayeey tiri masoo gali karaa maahir ayaa yiri haa soo dhaaf suleekha.

Waxay dooneeysay in ay la hadasho isagga balse waxay darreentay in aaney" muhiimad saasa agtiisa ka laheeyn aanka aheeyn xushmad walltinimo ah iyo" in ay shaqa wadaag yihiin.

Maahir hal mar xitaa ma uusan dareemin is badalka ka muuqda suleekha ee, mobilekiisa ayuu isagga mashquulay, mana weeydiin su,aal suleekha weey isagga soo tagtay.

Xafiiskeedda ayeeyna isagga soo laabatay, suleekha waxay su,aal weeydiisay nafteeda iyaddoo kuleh ninkaan maxaad ka dooneeysaa maxayse tahay sababta aad sidaan dhan ugu daneyneyso intaas kadib" suleekha waxaa u cadaatay in ay maahir jaceyl u qaaday,oo aaney joogin meel laga soo noqdo.

Wadnaha, ayeey gacanta saartay waxayna aragtay in uu saa"id ushaqeeynaayo waliba maahir daraadiiswaxayna isku dayday in, ay is dajiso ee, ay neef qaadato.

Iyaddoo weli gacantii kuhaayso wadnaheeda waliba neef tuureeyso waxaa ilbaabka si kadisa uga soo galay maahir si deg deg ah ayeey wadnahii gacanta uga dajisay"maahir ayaa ku yiri suleekha maxaa maanta kaa qaldan si baad u qushuucsan tahay! Waxay tiri maya maahir waan fcnhy aniga wax dhiba maqabo.

Kadib intuu qoslay ayuu yiri saaxiibkaa miyaad isku dhacdeen? Sidaan kuma fiyoobide. Suleekha ayaa ugu jawaabtay wax saaxiiba malihi aanka aheeyn, adiga yaasiin. Wuxuu yiri maya dhankaas kama hadlaayo ee; jaceylkaaga ayaan kala jeedaa wax fahan.

Yaasiin waxa uu ku fakaray wax walba haku qaadatee in uu" jaceylkiisa usheegto suleekha xageedda ayuuna soo abaaray.

markale ayuuxafiiska ugu soo galay yaasiin waxa uuna indhaha ku dhuftay suleekha oo la qosleeyso maahir yaasiin waxaad moodaa midaas in, uu ka xumaaday dib ayuuna u laabtay. Maahir ayaa kadaba hadloo yirimaxaad ulaabatay saaxib waa inaggii uune, maxaa jira?.

Lasoco part:2

HOYGA SHEKOYINKA

15 Nov, 09:36


Xabibiyaal follow da io like ta igu cimaamada walashiina ahee ๐Ÿ˜˜

https://www.tiktok.com/t/ZTYdPcXcK/

HOYGA SHEKOYINKA

14 Nov, 18:20


https://t.me/Qataatow9

HOYGA SHEKOYINKA

10 Nov, 18:51


SHEEKO: Samir iyo dulqaad

QAYBTA: 10AAD <DHAMAAD>


Wan soo tagey waxana imi badiyihi aniga iyo wiilki yaraa ee walalkey aha iyo adeer hadii aan imi dhowr bilood marka joogay waa la qabsan waayey ...

Adeer iyo ayeeyadey oo badiye nala joogtay ayaan iri talo noo keena aanu magaalo ku tagno horta xoolihii wa la iibiyey oo magaalada sababtaan ku nimi bey aheyd faisa iyo familkeedana garab bey nagu siiyeen ..

Anigu waxan bilaabey meel xirfadaha laga barto oo qurxinta ayaan baran jiray lacag yar ayaana lagu dhigan jiray faisa ayaana iga dhiibi jirtay ..

Sido kle abaalkii ugu waynaa ee faisa ii fidisey wuxuu ahaa oo aan ilaa hadda aan gudi karin iney guriga daganeyn ee iiga furtay tukaan xaafaded si fiicana ay igu buuxisay aniga ayeyna khaas iiga dhigtay wiil yar oo da'deyda sadexaad ah ayaa ii gadi jiray galinka dambe oo aan meesha jiro galinka horena ayaga wax barasho iga aadi jiray sababtoo ah tukaankas si fiican ayuu igu socon jiray oo lacagta waxbarashada wa ka bixin jiray aniga iyo walalehey iyo adeerna waanu biilan jirney illeen adeer wax shaqo magaalo ah ma aqoonin ...

Inta uu soo helana sigarkiisa iyo majintiisa maso dhaafi jirin ...

Ka gudub noloshenu waxa ay sidaa ahaataba faisa ninkeedi ayaa yimi wuxuuna go'ansadey inuu u wadaayo meesha uu joogo bilo kadibna wayba baxdey ....

waanu wada xiriiri jirnay aniga meeshii xirfada waxan bilaabey ina ku shaqeysto oo qolkii tukaanka ii ahaa ayaan alaabtii xaraashey waxana ka dhigtay qol cilaanka lagu saaro iyo qurxinta kaleKharash wa iga galey lkn kuma guuleysan oo wey iga kacdey sababtoo ah tukaankii la igu bartey xaafadana aan macmiilka ku lahaadey ayaa ku caasiyey ....

Isla faisa ayaan wacey arrintana wan u sheegay hadana way i caawisay oo tukaankii ayey ii kharash gareysey cilaanka ina mariyo iyo tukaankeygaba wa isku watey oo cidii ii timaada wa u marin jiray .......

Ka gudub mudo kadib waan ka ilbaxey tukaan oo waxan furtay meel cosmatic ah oo shoobinada lagu gado waxa ku jiraba gabar aya itiri meel qurxineed iiga shaqey .....

waxyalahasa dhex galey walalehe waa koreen kii yaraana aniga uunba hooyo u ahaaMarku jiray da'da 6sano ayasn guursadey oona aheyd 2017kii alxm isla magaaladeydii ayaa dagey ganacsigeygana inuu garab igu siiyo mooye ninkeygu iguma nicin waxan ahey hooyo 3 carura leeyahey iyo keygii yaraa ee hooyadey iiga dhimatey ....

Walalehey wa iska koreen labo kamid ah aniga aye ila joogaan adeerkeyna xaas ayuu guursadey 4 kamidana xaaskas aya u heysa wax dhibana wali ma ay arag .....

Faiso walal aan abalkeeda gudin lkn aan u duceeyo mar walba ayee ii aheyd ilaa hadana marka wada hadleyno oo aan lasoo qaado maalmihi muragada ahaa waxey iska dhigtaa mid aanba wax wayn itarinLkn xaqiiqdii garab aan cid waligey ka helin ayee isiisay

......DHAMMAAD ......

HOYGA SHEKOYINKA

10 Nov, 17:30


https://t.me/addlist/BGIHlEdhczhkYThk





Via @team_kordhis B2

Ma iska Joogtay Aalada telegram Oo wakhti badan makaaga baxay raadinta Kannaalo Faa'iido u leh Noloshaada. Jawabtaadu hadday tahay; haa ''Waxan halkan kuugu soo xulay aqristaha sharfanow channelskaad baadi goobka ugu jirtay mudada dheer oo nooc kastaba leh. ๐Ÿ˜‡

๐—ฆ๐—ต๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ณ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—ธ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ผ ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜€๐—ผ๐—ผ ๐—ฏ๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—”๐—ธ๐—ต๐—ฟ๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฒ ๐—ผo ๐—ธ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ฑ ๐—ป๐—ผ๐—พ๐—ผ ๐—ฏ๐˜‚๐—น๐˜€๐—ต๐—ฎ ๐˜„๐—ฒ๐˜†๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ป๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐˜…๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป, ๐Ÿ’™๐Ÿ˜˜



โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚ 
โžฆ SPONSORED BY
  โ‚โœฟโ‚โœฟโ‚ - โœฟโ‚โœฟ
โ†ช๏ธ @jaceylqore
โ†ช๏ธ @TAFSIIRKA_QURAANKA1
โ†ช๏ธ @learn_english012
โ†ช๏ธ @Hagaajinaftaada
โ†ช๏ธ @Wadada_Guusha
โ†ช๏ธ @Arabic023
โ†ช๏ธ @taladaqoyska
โ†ช๏ธ @Caafimaad7
โ†ช๏ธ @Xikmadle
โ†ช๏ธ @kadisaqoon
โ†ช๏ธ @kalandarka_Hijriyada
โ†ช๏ธ @mustaqbal7
โ†ช๏ธ @Suuqgeynta
โ†ช๏ธ @Global_learning1
โ†ช๏ธ @Iibiye_online
โ†ช๏ธ @samow_techonolgy
โ†ช๏ธ @OGAANSHAHANOLASHA67
โ†ช๏ธ @Hamzaatii0845
โ†ช๏ธ @hadasamee
โ†ช๏ธ @wadnojacayl
โ•šโ•โ•โ•โ•โ•โ•โ• - โ•โ•โ•โ•โ•โ•โ•โ•โ•
โ†ช๏ธ KURULUS OSMAN
โ†ช๏ธ @Abdirizakthoughts1
@udhawoow_allaah
โ™งGuddoomiyaha kooxdaโ™ง
http://t.me/Wll_musab


QORAALKAN TAABO COUSE FREE AH DHAWAAN I.A

HOYGA SHEKOYINKA

09 Nov, 19:15


SHEEKO: Samir iyo dulqaad

QAYBTA: 8AAD


Wa orodney ani iyo faisa wa ka hortagney markaas ayaanu soo wadney inta uu gaarigu afada soo gaarinba biya laga furay hooyo oo fooshii ayaa soo istaagtey ninkil rikaabka u aheydaa dhahney hospital nagu leexi maamada wey foolanee wuu diiday wuxu yiri gaariga idinka kaligin ma idin kireysna dad baa saaran muhiimaduna wa in aan xaafada ay rabto geeyo ee in aan leex leexiyo maaha sidii aan u murmeyney wuu naga qabaley Hooyo marka hospitalka geyney maxa dhacey .......

Hooyo hadii hospitalka la keenay ......

dhakhatirti waxey dheheen wa qalliin ilmahana markaas wuu noola lkn la qali maayo ilaa la saxiixo .
Ninkeeda iyo cidii masuul ka ah keena si ay nogu saxiixan bey dheheen ...

Magaalada in badan ayuu u jiraa baadiyaha daganeyn oo adeer maba uu kasoo gaari karin ..

Adeer ba wacey waxana iri hooyo wa sakaraad qalliin baana la yiri nasoo gaar intaad soo socotana qof masuula nogusii reeb oo nin ah ...

Hooyo xanuunkii waxa uga darsameyin dhiig laga furay ay saaid u dhiig baxdey .. Doqonimada i heysey waxey aheyd madax adeyga iyo cuqdada i heysey habaryaro iyo familka hooyo ma wicin inbadan bey faiso i dhahdey xaalada jirta ma reer abtigaa la hadashid oo u sheegtid ....

Ugu dambeyn wan wacey waana u sheegay abaayo iyo hooyadeed lkn nooma iman waxa kaliyoo noo yimi oo dhibatada nala xalinayey familka faisa oo waxba naga dhaxeyn lkn islaamnimo noo caawinayey ....

Aan soo gabagabeeye hooyo waxa saxiixay faiso abtigeed oo nala joogay dushana saartey dhibta ka imata hadhow ....

Hooyo hadii la qaley horta ilmaha ma neefsaneyn oo waxaa hafiyay dhiig baxii hoos ka furmay oo wuu hafsanaa lkn hooyo qalliinkeeda markii ay soo miyirsatey ee muddo 2saac aan ku qiyaasey ee caadi noo aheyda halmar sidii qof qalal kusoo booday camal cabaar inta ay jareysey koomo gashey mana ay kasoo bixin waxey koomada ku jirtay malintaas ilaa galinkii danbe goortey makhribkii gaartey aye naf baxdey ....oo naga geeriyotey gurigeedi rasmigaana aadey ...

Malinkaan go'aan ka gaarey haboyartaas bey aheyd inaanan agtoodana ay nololi oolin kuwa kle danbi maba laheyn sababtoo ah aniga aye igu edeyen maxad nogu sheegi wayday waba ogeysiin lahaa lkn falcelintoodana wa arki laha number iyo meela kala xiriiro maheyn ....

inkastoo ay qadartu aheyd maalinkaas iney go'do hooyo oo teedi aya soo idlaatey . Cunugii yaraa muddo wuu xanuusana lkn wuu fiicnaadey oo wixii dhiig iyo wasakha uu laqey waa ay kasoo dhamaadeen .

Faisa waxan u sheegay ina walalehey iyo xooleheeni ii baahanyihiin halkaasna aadayo sababto ah aniga curad u ahaa hoyadey .

Lasoco Qaybta 9aad

HOYGA SHEKOYINKA

09 Nov, 15:24


Imisa sanno oo khibrad ah ayaad u leedahay canjeero dubow.๐Ÿ˜‚

Anigu 10 sanno.๐Ÿ˜‚

HOYGA SHEKOYINKA

08 Nov, 04:31


SHEEKO: Samir iyo dulqaad

QAYBTA: 7AAD


Hadii ay ii yeereyn horta arinaa ku farxey ayey ii sheegtay kaas oo ahaay iney tiri wa noo shaqeyn kartid oo aanu u baahanahey gabar lkn shardiga aan wato uu yahey inaa cida masuulka kaa ah aad ii geysid si aan usoo bartoMida labaad habeenkii gurigiina ayaad soo seexan sababto ah habeen gabar rerood masuul kama noqon karo sababtoo ah guriga wiilal baa ii jooga waxa ay gudaana ma aqaani marka intaas hada kasoo baxdo aniga waad ii shaqeyn waana ku dhaqaaleysan maamo weyn baana ahey oo sida hooyo iyo inanteeda aya u dhaqmeynaaArrintii way ilasii yaabanaatey aniga iyo faisa meel aan wax u qaadno ayaa garan weyney anigii niyada igasii xumaatey oo rajada aan ka qabey joogitaanka gurigan hoos aye u dhacdeyMaamadii haye ban ku iri markasa faisa i tiri abyo gudaha ii gal shaah aan kuu keene haye ayaan iriShaahii markey ii keentay aa gudaha ku wada hadalney waxan is niri fikir aan mamada masuul uga tirno ...

Anigu marabo inaa hooyadey u sheego inaa reero u shaqeynayo sido klena marabo inaa reerka kasoo tagey aan dhaho kaalaya masuul iga noqdaFaisadii waxey tiri naa anaa fikir hayee iyara dhageyso " walasha ninkeeda miyuu dagaal idin dhexmarey ? Soo iskuma fiicnidin ?" Haa ayaan iri waanu isku fiicanahey ee maxaa isaga nooga xiran ..

Markaasey tiri waxba noogama xirnee masuul iga noqo dheh oo hooyo u keenWaxan iri wa fikir fiican lkn amaa la igasii shakiyaa oo la dhahaa nagtu ninka walasheed ba wali damac kaga jiraa illeen awalba waxey ii burinayeen ninkaasu ahaayee.....

wan ka cabsan ..

Waxey tiri ayaga shakigooda wax mka qoseeyo danta aad leedahey wa ina gurigan joogta si aad u joogtana wa ina shardiga hooyo ka soo baxdidWaxan iri haye bal isla meeshii aanu fadhinay ayaa asagii wacney lkn numberkeyga maka wicin oo card cusub ayaan qaatey kaasana ka wacey markaas aa waxa iga qabtey ayada wa naxey markey dhowr jeer hellow tiri anigana aamusey ee igu damisey waanu dayney markii ay makhrib gaartey ba ku celinay asaga iga qabtey waan isku sheegay gauriga faisa ayaana ku ballamiyey ...

Isla durbadiiba wuu noo yimi "wanu baxney arrintii ayaana u sheegay wuxu dhahey waa ka noqonaa masuul ..."

wa soo galinay maamadii aa deyrka usoo fariisiney waxa uu u sheegay inuu masuul iga yahey magaaladana isagu i keenay meel ay u hurdo doonatana ay jirin ee gurigan ay ka mid noqoto madama ay qoyskeedu miyi jiraan "..

Maamadii way yeeshay waxeyna igu tiri dharkaagi iyo joodarigaagi soo qaado shaqadana subaxdii ayey kuu bilaamaneysaa ...

Waxan iri subaxdii ayaan kasoo qaadan alaabteyda hadda habeen waye faisa wax la qeybsanaa wey iga ogolaatey wa orday salaatul shukri aa tukadey sababtoo ah ciilkii iyo walwalkii baa dareemay iney iga fuqeen ...

Markey subaxdii gaartey jikada galey nadiifintana waxa iga qabaneysey faisa schoolka aan isku diyaariyey marka ka imi ayaan alaabteydii doontay oo xaafadii habo baan aadey wa soo qaatey isaga ayaa yiri anaa kuu qaada oo mesha rabto kuu geynaa wuu ii keenay .....

Faisa waxa la dhashey wiilal badan lkn labo ayaan arkaayey anigu ....

Hadii aan guriga usoo wareegay faisa waxey iguDhahdey schoolkan iska dhaaf aad kusii socotid cimrigaada wa socdaa sida wax loo xisaabiyo sida wax loo akhriyo hadaa ka baratey horumarkiisu waa wakhti dheer lkn dalku wuxuu leeyahey fursado badan oo xirfad laguugu barayo kadibna aad durba ugu shaqeysaneysid meelahasa aan kasoo qoro ....

Haye ban iri igaso qor anago sidii isku wareysaneyna ayaa hooyo isoo wacdey waxey tiri magaalada ayaan soo galey iga hor imow xaafada garnmaaye ....

Waxa idinka illaawey hooyo markaas xamila ayey aheyd oo inay magaalada ku dhasho haye ban iri ..

Wa orodney ani iyo faisa wa ka hortagney markaas ayaanu soo wadney inta uu gaarigu xafada soo gaarinba biya laga furay hooyo oo fooshii ayaa soo istaagtey ninkii rikaabka u aheydaa dhahney hospital nagu leexi maamada wey foolanee wuu diiday wuxu yiri gaariga idinka kaligin ma idin kireysna dad baa saaran muhiimaduna wa in aan xaafada ay rabto geeyo ee in aan leex leexiyo

Lasoco Qaybta 8aad

HOYGA SHEKOYINKA

06 Nov, 05:46


SHEEKO: Samir iyo dulqaad

QAYBTA: 6AAD

Anoo ka lalabeyn ayaa dhahey anaa baxaya magaaladaasna inta aan joogey wan garanayaa ..

Maamadii waxey tiri hortaa kheyree imood....

Malintii hadaa baxey horta waxan aadey gabar aan saxib aheyn oo aanu isku baraney wadada markaa xafada abayo joogey ...

Hadaa u tagey waxey aheyd xilli qado wan la qadeeyay wan careysnaa marka wey i ogeyd xaalada ku jiro oo dhowr mar ayaan inta aan dhibtas qarsan wayey uga shekeyn jiray lkn sidii iney dhashey iila hadli jirtay waxey dhihi jirtay adaa dan wato sabur oo wax baro wa iskaga qanci jiray ...

Malintaas waxey igu tiri waxba ha ii waramin wa ogahey ina careysantehee hadii aad xafadeena ka tagtey oo maamada haboda ah aadey ayadana ma isaso dagaasheen ....

Kadiba u sheegay wax kastoo dhacey iyo sababta ishan dhaawaca iiga soo gaarteyUgu dambeyn waxan ku iri ..

Waxan idinka ilaawey gabadhaas magaceeda waxa uu ahaa Faisa waxeyna aheyd gabar la qabo lkn waalidkeed iyo walalahed la joogta oo ninkedu dibadaha ayuu jiray ayadana markaas wali ma uu dagsan way mehersaneyd uun ..

Kagudub waxan iri "Abaayo faisaay anigu reerkii wan kasoo tagey cid aan garanayo oo aan adi aheyna majirto wana ogtahey miyi kuma laaban karo xattaa hadii aan ku laabto lama qabsanayo marka waxan rabey guri aan ka shaqeysto joogana waxbarashadeydana aan tago ...

wad i ogtahey gabadhaas walashey ah ninka ay iiga maseyreyso ayada iyo hooyadedba inaanan rabin oo uu hankeygu ka weyn yahey maalin walbana dagaal iyo shakki kuma jiri karo ...

marka meel ii raadi adigaa dhalinyaro ah magaaladana ka war hayee ....".

Waxey igu tiri "Abaayo horta ina guri reerod ka shaqeyso wax dhib yar maaha dadkana ilaahey masimin walashaba kasoo qaad adiga oo shaqaale u ah iney nafta ku dhaafin laheyda ogahey ..

oo walalnimada ayee kaaga xishooneysey ....

sido klena markaa shaqo heysid oo lacag ku qaadaneysid kontorol badan ayaa ku saaran oo waxa macquula in lagu diido illaa qof wanagsan oo ku fahmaya alle kugu beego moojiye ...

taasna waxa sii dheer madama gabar tahey lagana yaabo reerka aad u tagtid wiilal dhalinyaro ah joogaan oo naftaada halis geeyan sababto ah meeshan wa magaalo maaha baadiyihi aad ku kalsooneyd oo habenka iyo maalintu ku simnaayeen ...."..

Waa runtaa abayo faisa wayehey maxaa talo isiin laheyd ma baadiyaha aan labada sano ku dhawaad ka jooga ku laabta mise reerkii aad u jeedo intey i mariyeen ayaa inta aan tuugo ku dhaha wa jokga xafada ...

wllhi wax ka xun hooyo la'aan ma arkin ayadoo ii nool ayaan iska dayacnaamarkaas aan la hadlayo ilinta wllh maradeyda qoysey ....

Waxey igu dhahdey "abayo intaba kulama rabo lkn ani gabar baan ahey oo waa ku fahmayaa inkastoo aan damacaga iyo qalbigaga ku dhex jirin lkn wajigada iyo hadalkagab wa dareema een hal talo ayaan kuu hayaa .. Saan lasoo boodey abyo maxa waye talada marwa u tehee ...

Waxey dhahdey naa ha iga waaline i yara dhageyso "aniga ninkeygu wa uu i biila oo biil ayuu isoo diraa sidaas ay taheyna hooyadey iyo walalehey ayaa wax la cunaa oo cid wax i weydiisa majirto anigu waxan garto mooye lkn hooyadey ayaa ka dhaadhicina inay xaafadu u baahantahey jaariyad aniguna aan dhiibayo lacagta inkastoo hokyadey jaariyad la tusin oo dhahdo idinka shaqada illaawa lkn inta awoodeyda ah waan ka dhaadhacsiinaya. Hadii ay yeeshana waad ila joogi lacagtadana wan ku siin aniguna waan ku caawin wax barashadadana ka harimeysid oo anaa ka bixin....

Oohinteydii iyo calacalkii iyo waliba kurbadii i heysey wa iga fuqday oo rajo ayaa igashey casar bey noqotey inta wada hadleyney waxey itiri arrinta hooyo lasoo wadaaga ....

Faisa waxey ka baqeysey hooyaded iney diido sido kle aniguba waan ka cabsanayey ...

Salada casar ba iska tukadey wa duceysanayey allahayow mamadas hal mar haa ka yeersii ban ku duceysanayey ....

Ayadii iyo hooyadeed oo deyrka fadhiya ii yeeray ....

#Like hadaa isaariweydo postigan wllh xasidka dhabta ah wa adi

Lasoco Qaybta 7aad

HOYGA SHEKOYINKA

28 Sep, 07:48


7 Qaab ugu fudud aa janada ku kali karto

12,950

subscribers

759

photos

36

videos