Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ @dunidacaashaqa Channel on Telegram

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

@dunidacaashaqa


Ku soo dhawaw"Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ"

Darajo mida u Saraysa Ayaa ah inaad Noqoto Qofaan Laga tagi karayn Hadii Laga tagana Aan La Hilmaami karayn๐Ÿฅฐ

๐ŸŒผErayo jaceyl"
๐ŸŒผDhiirigalin"
๐ŸŒผQisooyin"
๐ŸŒผSuugaan"
๐ŸŒผOraahyo"

@Moablac

https://t.me/DunidaCaashaqa

Dunida Caashaqa (Somali)

Dunida Caashaqa waxaa loo yaqaan kan ugu wanaagsan ee ay dadku ka warqabaan erayo jaceyl, dhiirigalin, qisooyin, suugaan, iyo oraahyo. Haddaba, halkan ayaad ka heli kartaan wararka ugu dambeeyay ee caashaqda iyo jaceylka, dhiirigalinta iyo qisooyinka aan la xiriira erayada jaceylka

Ku soo dhawaw 'Dunida Caashaqa' kan ugu wanaagsan ee ay dadku ka warqabaan erayo jaceyl, dhiirigalin, qisooyin, suugaan, iyo oraahyo. Darajo mida u Saraysa Ayaa ah inaad Noqoto Qofaan Laga tagi karayn Hadii Laga tagana Aan La Hilmaami karayn ๐Ÿฅฐ

Haddaba, ha aqriyo halkan haddii aad rabto inaad fahamto iyo aqriyay http://t.me/DunidaCaashaqa. Aqriyay oo hadal haynta iyo xiriirka aad la leedahay ee jaceylka iyo dhiirigalinta. Wararka ugu dambeeyay ee caashaqda iyo jaceylka, dhiirigalinta iyo qisooyinka aan la xiriira erayada jaceylka. Isku day inaad ka furto Ilaa 1000 qoraal

Ujeedooyinka Dunida Caashaqa waxaa ka mid ah inaad heli karto wararka ugu dambeeyay ee caashaqda iyo jaceylka, dhiirigalinta iyo qisooyinka aan la xiriira erayada jaceylka. Waxaa halkan ku soo dhawaaqay kan ugu wanaagsan ee ay dadku ka warqabaan erayo jaceyl, dhiirigalin, qisooyin, suugaan, iyo oraahyo.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

09 Jan, 18:16


โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚
    ๐Ÿฆ‹KOOXDA MIDNIMO๐Ÿฆ‹

Halkaan waxaa isugu keenay๐Ÿงญ
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.โฌ‡๏ธ

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข
@Lamaane24h ๐Ÿซ‚๐Ÿ’
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1

ยฉ๏ธโฌ‡๏ธKU BIIR โฌ‡๏ธยฎ๏ธ
https://t.me/addlist/npty4u0KCgFiYzg0

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

09 Jan, 11:34


Thomas Shelby ayaa la waydiiyay " waa maxay doorashada u gu adag ee nin samayn karo". Wuxuu yidhi: In uu eego gabadha uu jecel yahay, kadibna naftiisa u sheego inay tahay wakhtiguu macasalaamayn lahaa/ka tagi lahaa.๐Ÿซฅ

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

08 Jan, 17:15


"Miyaan wadka soo degaa
Lamaanaha dayn aqoon"๐Ÿ’”๐Ÿ˜ญ


Allaha u naxariistee Farxiya geerideedu waxay ka mid ahayd geeriyihii iigu naxdinta badnaa abid illaa manta waxba waan ka odhan Kari laayahay, Eebbe ha unaxariisto. Intii dad isqaba oo social media isticmaala waxay ahaayeen dadkii ugu fiicnaa we u gu af gaabnaa xagga familka. Rabbi baa innaga jeclaaday ee Alle ha unaxariisto.๐Ÿ˜ญ

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

03 Jan, 22:42


โ€œSi deggan ayuu warqaddii buugga u dhex galiyey khaanadda miiskana ugu xereeyey. Dabadeedna kursigii qolka dhexyaallay ayuu iska dhookeeyey sida duddunta oo haddana si miisaaman kursiga dhagihiisa ugu sii istaagay, xadhig qool leh ayaa cabbaar hortiisa lalmaday ugu dambayna qoolkii
ayuu qunyar madaxa la galay kursigiina suulka
midig ku laaday! Dhulka ayuu aayar uga soo goโ€™ay kursigii, isagiina isla markiiba lugaha ayuu ka
firigfirigsiiyey! Indhahana ka bidhbidhsiiyey
Dabadeedna qunyar qunyar ayuu dhaqaaqii lugaha iyo gacmaha u joojiyey naftiina sidaas ayey kaga aguugtay! Cabbaar ayuu sida maro xadhigsaaran oo dabayli ku soo dhacday horay iyo gadaal u
lalmaday ugu dambayna istaagay, istaag abadi ah, isagoo carrabka iyo labada indhood oo isku midab ekaaday ay debedda joogaan.โ€

โ€”Warfaa Bayle, [ Geeri macno leh]

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

03 Jan, 16:44


Mararka qaar waa inaad illawdo waxa aad dareemayso, oo aad ogaatid waxa aad u qalantid.๐Ÿซ€

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

02 Jan, 20:03


Waydiin iyo war - celin

1: maxaad doonaysaa ?

Maxamuud darwiish
" waxba ima cajabinayaan , waxa aan doonayaa inaan ooyo "

Federico Garcรญa Lorca
" waxa aan doonayaa inaan seexdo wax yar oo yar ...daqiiqada ... amaba qarni "

Muhammad al-Maghut
" waxba ma doonayo ,noloshayda oo idil waan ordayay , mana aan gaadhin wax aan ahayn gabow .
Kuwiina harqaanlayaasha ( dawaarlayaasha ) ahoow : " waxa aan doonayaa kafan ballaadhan oo aan ku kafno riyooyinkayga "

Charles Bukowski
waxa aan doonayo inaan sameeyaa kaliya waa inaan tago furaash , indhahaygana xidho , ka dib aan hurdo waligayba "

Franz kafka
" anigu waan daalanahay , ma awoodo inaan waxba ka fikiro , kaliya waxa aan rabaa inaa madaxayga geeyo laabtaada , dabadeed aan timahayga ka dareemo gacantaada , sidaana aan ahaado weligay .

Fyodor Doestosvky
waxa aan doonayaa inuu ila ahaado ugu yaraan hal qof . Hal qof oo aan awoodo inaan ula hadlo sida aan naftayda ula hadlo "

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

31 Dec, 20:04


"Sannad waliba hoodiyo
Wuxuu hadimo leeyahay"

โ€”Tubeec

Caawa waxa aynu joognaa dhammaadka sannadkii tagay. Habeenkan habeenkiisii 31-12-2023 ayaynu halkan qormo ku wadaagnay, Alle wayne(SW) caawana wuxuu qadaray inaan markale is baraarujino ama sheekaysano. Nabad iyo caafimaad ayaan isku helnay dhammaantayo, haddiiba aynu caawa soo gaadhnay adinka sidaasaan idiin rajaynayaa. Sannadkaa caawa xidhmay waxa uu innoo noqday sannad tirsigeena galay, da'deenana wax ku daray. Cimrigeenii ayuu badh qaatay wuxuu la tagay iyo wuxuu innagu soo kordhiyay way kala bateenโ€”waayo sannad idil oo cimrigeenii ah ayuu la galbaday. Saaxiibayaal habeeno iyo maalmo adag kadib waxaynu caawa is faraynaa dhawr qodob oo qadhaadh aadna u kakan balse run ah!

Cibaadada,Waxbarashada, Shaqada, iyo Nafta.

Saaxiibadayoow waxan innagula dardaarmayaa Alle ka cabsi farabadan iyo cibaado joogto ah, dhammaanteen waxaynu wax ku nahay cabsida Alle. Waxan intaas kuugu darayaa saaxiib dunidii in lagu kala tagay, adduunkana maanta cidda wax baratay ayaa macno kuleh cimliga Diiniga iyo maadigaba, si gaar ah DIINIGA. Intaas marka laga yimaado waxan innagula talinayaa inaynu barano xirfado cusub oo ka duwan kuwii aynu baranay 2024 casharro hor leh oo macno u sameeya nolosheena iyo mustaqbalkeena.

Dhalinyaro maanta waxa sharaf iyo gobonimo sheegan Kara ninka dhalinyarada ah ee xammaasha noocuu doonaba haku helee. Shaqadu ha noqoto mid adag iyo mid fudud se waa inaad dhimataa adiga oo sharfan maalinna aan waxba shaxaadin noloshaadana ka xaaraam yeel wax dad leeyahay iyo wax laguu sheegan doono. Saaxiib manna sheegashadu kama dhammaato ilmo Nabi Adam(Cs) dhammaantoodna way ka midaysan yihiin kooda u gu fiican iyo kooda liitaba, waxad kaga adag tahay cidkastaโ€”qalinkaaga,xoogaaga,iyo fartaada. Adigu lahoow astaan hoggaamineed Kuna ilaali meeqaamkaaga iyo ka bulshadaadaba. Culaysyada soo food saari kara dhalinyarada xilliga baaxaa dagga nololeed jiro duubo cashar ahaanna u qaado ase ha u jilcin waayaha nimay ladgaan kama kacaane. Maalin qof dhalinayaro ah oo garab ku biday haka dhaqaaqin, waxad awoodo ku caawi,saaxiibkaa waxkasta oo aad ku dhaanto qayb ka sii, Dadka wax kugu soo tuhmaa way ku sharfeen ee waxba haka hagranin caawi oo caawimaad ballaadhan ufidi fadlan. Saaxiib, liidnimada wakhtigu qofka dhalinyarada ku keeno diid! Ka dheeroow shaqada aan kuu qalmin, ha ugu danayn waxaan adiga sumacadaada iyo wakhtigaaga midna u qalmin. Wakhtiga shaqada,mushaarka, guhaad, iyo wax kasta oo kabaxsan shuruudaada shaqaale nimo ka gudub, laakiin shaqo la-aan maalin hadaad joogto waxad u baahan doontaa gacan kaa sarraysa taasna ha ogolaanโ€”haddii aad awoodo waxaad adigu leedahay ganacsi ku biloow kana fiirso inbadan.


Saaxiib waxad wax ku tahay NAFTAADA. Daryeelidda naftaadu waxay kuu horseedi kartaa guul iyo gobonimoโ€”xaqa aad leedahay naftaada haka duudsiyin qofkalena tiisa ha xaqirin, horumari hankaaga,damiirkaaga iyo wacyigaagaba, ballaadhi afkaartaada u fikir si ka ballaadhan sidii sannadkii hore. Waxan kuu sheegayaa sida aanad u jeclayn in lagu dulmiyo nafkale ha u dulminin qofna ha xaasidin, cudurka u gu wayni waakan xaasidnimada ah. Saaxiib ixtiraamidda naftaadu waxay kugu hareerayn doontaa saaxiibo iyo bulsho ku ixtiraamta halkaasna waxad ka dhaxli doontaa nabad kuwada noolaansho iyo dad aad jeceshahay misana ku jecel in badan. Saaxiibayaal quudinta ruuxda iyo maskaxdu waxay door wayn ka qaadan doonaan dhisidda naf ku hubaysan aragti,taariikh, ogaalโ€”taasina waxay sumcad u soo jiidi doontaa naftaada iyo sarrayntaada. Saaxiib, sannadkan dhammaaday waxkasta oo dhacay isma aynaan dhiibin sababo la xidhiidha hadafkeena iyo rajada waalidkeenna/walaalaheen. Dhammaantiin sannadkan curashadiisa waan idiinku hambalyaynayaa, waxan idin leeyahay diidmada waxa aan kuu qalmine maaha ceeb mana mudna cudurdaar iyo masaaliix wax loo raadiyo waanan idiinku celinayaa, sannadkastana cashar iyo cibaaro leh.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

31 Dec, 20:04


Dhalinyaro nabad, badhaadhe iyo guulo kale ayaan idiin rajaynayaa, waxan u ducaynayaa inta waalidkood dhintay, inta ay ka xanuunsanyahay iyo dhammaan cidkasta oo dhibaato qaraabo haysatoโ€” sidaasoo kale waxan Alle (Sw) waydiisanaynaa in uu colaadaha, abaaraha,roob la-aanta, innaga Soo gaadho, danbi dhaafna inna siiyo. Dhalinyaro waxan ka cudur daaranayaa sannadkaas cidkasta oo gaf iga gaadhay iyo wax aan qardofayba, waxan rajaynayaa mararkale inaan siiwada socono guulna gaadhno. Kalkan kalsiisana caafimad,nabad,iyo saaxiibtinimo waarta ku gaadhno.


Share gareeya fadlan.๐Ÿ™

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

31 Dec, 15:03


HAMBALYO SAAXIIBAYAAL.

Sannadkii innaga hulleelay ee dhammaaday waxan rajaynayaa inuu qofkasta ka dhaxlay waayo-aragnimo, ildheeri,iyo aqoon korodhsi wayn. Waxan tagitaanka sannadkaas 2023 kusagootinaynaa, cafis, cibaado iyo Alle kacabsi badan iyo inaan dhulkan aynu ku noolnahay Alle (SW) uga baqno.

Ilaahay sannadkanna haynooga dhigo mid kaliya aan biirinin da'deena ee sidoo kalena ballaadhiya garaadkeena iyo garashadeenaba. Waxan rajaynayaa inaan noqono kuwo is og keena baahan iyo keena ladan. Waxan rajaynayaa inaan noqon noqono kuwo dareema kuwooda xanuunsan, ama waalan.

Waxan sidoo kale rajaynayaa inaynaan noqon โ€œdameer malab sida, ama waashmaan diinta ilaaliyaโ€ ee aynu noqon kuwo ka faa'iidaysta cilmiga, diintana aynu barano oo ku camal falno. Waxan idiin rajaynayaa sannadkani inuu noqdo sannadkii dhalinyarada, tun-maalnimada iyo fahmidda shaqooyinka muruq iyo maskax maalmka ah. Ogaanshaha in maalinluhi ka fiican yahay mushaarka billaha ah, iyo kasoobixidda guryaha lagu sugo shaqada een la raadsan.

Waxan sidoo kale filayaa inaan akhrin doonno hal buug oo macno uyeesha nolosheena, halkii aan isku soo sawiri lahayn labiyo tobon buug oo aynaan kala furin. Intaas kaddib waxan qofkasta ugu hanbalyaynayaa in uu cimrigiisa sannad kubiiray ama mid ubilaabmay. Waxan idin leeyahay aynu kuraaxaysano nolosheena dhalin-yarnimo innaga oo aan cidna daba fadhiisan, siyaasi innagu guurin,qolo iyo reertoona ukala xidhmin aynu lafaheena maarayno, waalidkeena I baari noqono una ducayno.

Nabad noogu soogal sannad yahoow.


31-12-2023. Ayaan sidoo kale qormadan idinla wadaagay caawana Insha Allah waxaynu sagootin doonaa 2024.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

30 Dec, 19:00


Isba hadalka waa laygaga fiican yahay!.

ma sanad fiican buu ahaa?
Maya uma arko kolley khayrkiisuu watay sharkiisuna kama maqnayn!
isbarbardhiga waayida iyo helida oo kaliyaan laga dhamaanayn sanadkan gudihiisa hadaan ujilbo dhigno

alxamdulilaah
wax walba qadar bay ku dhacayeen Hase ahaatee sanadkan bay raaceen. madafirsantahay kan soosocdaana inuu inagala tagi doono intaa iyo in lamida asalku wuxu noqon doonaa uun sanad tirsiyeed iyo mashaakil hor leh oo bilaabmaya waa cabsi kuu korodha iyo tiro kugu biirtay.

aslamba waxaan bartay bisha koowaad iyo 12 farqiga u dhaxeeya rajadayda ugu wayni waxa weeyan December 2023 sida uu xaalku noqon doona Isla tan December 2022 kolleyba isku mid ma noqon karaan hubaal taasaa dhaami doonta Ana waan rajaynayaa. sanad wanagsan dhamaantiinba tirsigan ha idiin noqdo baraarug iyo kor ukac nafeed,maskaxeed,iyo mid dhaqaalaba.

dhamaan cidkasta oo wax itartay talo iyo Tamarba waan umahad celinayaa,cidkasta oo xanunsana alle ayan cafimad u waydiinayaa kuwa qalbiga ka buka ee nafsiyan uxanunsanna wan sagootinayaa inkasta oo ay jiraan waxbadan balse aan kusoo koobo caawimaada danyarta iyo darbiniifta imisa ayaynu wax tarnay sanadka lasoo dhaafay yaad isleedahay manta gacanbaad biday ilahayna wuu ku arkaa? fiicnaan lahaydaa 10 ciyaala iyo hooyo somaliyed hadii aynu sanadkan u hagar baxnay inta tankeena ah. si guudbaan idiin leeyahay ilaahay abaaraha,colaadaha,dhulboobka,sixir bararka,faqriga,caafimad darada,cibaado yarida,Haynaga soo afmeero

31-12-2022
11:06

ablac

Qoraalkan habeenkii u danbaysay 2022 Kii ayaan idinla wadaagay.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

29 Dec, 21:37


"Ma anaa qof booskaaga
Helikaraya Ii buuxsha"

โ€“Hees

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

29 Dec, 18:32


https://t.me/Sama_talis44

Madal kasta oo aynu wax ka faa'idayno waan Soo dhawaynaynaa. Halkan aynu ku biirno saaxiibadayoow.๐Ÿ™

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

29 Dec, 11:49


โ€œAad ayay Nafataydii u kobocday, heer mid tagay aanay u xiisin mid tagayana aanay ka xumaan, beenaalana aanay warkiisa ka murugoon, munaafaqna aanay ka fekerinba.โ€

โ€“ Mahmoud Darwish.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

29 Dec, 11:48


Nabaddu waa inaad xasillooni u gu noolaato wakhtiga gaaban ee aad haysato noloshaadana xor u gu tahay raaxadaada iyo farxadaada.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

29 Dec, 11:45


Shayga ugu qurxoon ee ku jira kulanka lama filaanka ahi waa in uu ka madhan yahay sugitaan.โ€

โ€“ Mahmoud Darwiish

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

29 Dec, 10:56


โœŠ๐Ÿ“Œ

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

27 Dec, 20:21


Kalinimo iskaga nooloow inta aad ka helaysid qof ku jecel noloshiisoo dhan.โœŠ

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

27 Dec, 20:03


Kalinimadu wax walba way ka fiicnayd, intii aynaan is baran se waxa wakhti qaadanaysa inaan markale aamino inay kalinimadu ka fiicantahay.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

27 Dec, 17:28


Waan ku ilaashaday in badan laakiin iskama Kaa ilaalin inkabadan.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

05 Dec, 17:51


โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚
    ๐Ÿฆ‹KOOXDA MIDNIMO๐Ÿฆ‹

Halkaan waxaa isugu keenay๐Ÿงญ
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.โฌ‡๏ธ

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข
@Lamaane24h ๐Ÿซ‚๐Ÿ’
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1

ยฉ๏ธโฌ‡๏ธKU BIIR โฌ‡๏ธยฎ๏ธ
https://t.me/addlist/Nx8yzuvP7vtmOWQ0

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

05 Dec, 11:13


Gaajada kabax baan lahaaye, haddaan galay geerashkeedii.

Cabdi malow.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

04 Dec, 20:38


Talo maan canaadeen
Caqligaagu keenoo
Kumaan caasiyeen abid
Haddaad qaado calankee.๐ŸŒน

โ€“hees.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

04 Dec, 19:06


Miyaad iigu xiistay sida aan kuugu xiisay anigu?

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

04 Dec, 17:45


Halkanna nagaga soo wardoona.

https://t.me/XASILOONI1

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

04 Dec, 17:20


Saaxiibkayow, qoomamada dambiga ka dambaysa waa hanuun. Tawbada macsida ka dib waa wanaag. Istiqfaarta khaladka kadib waa wanaag. Inta aad dareemaysid xanuunka dambiga waxaad tahay iinsaan wanaagsan. Sidoo kale intaad dareemaysid cidlo, kadib ka fogaanshaha Alle, waad wanaagsan tahay. Maxaa yeelay kuwa xun ma dareemaan waxyaabahan oo dhan!

~Turjumaad.

~M miyir.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

04 Dec, 13:28


Mana lihid dhaliilee cidladu, waa qoraal dhigan.โค๏ธโ€๐Ÿฉน

โ€”Hees

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

04 Dec, 12:11


Cidna kama aarsanayno, u ma noolin inaan aarsi shaqsiya galno ee waxaan ka aarsanaynaa guul-darradeena, dabcan taas ayaan innoo noqon doonta meelaan ku nafisno.๐Ÿ”ฅ

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

04 Dec, 10:36


LIBDHO

Judhii aad sidaa u aragtay magaca sare waxaad xasuusatay cadceed soomaha. Dadku magacan waxay u yaqaanaan qorraxda, se maanta anigu uma isticmaalayo cadceed. Waxaan ka hadlayaa waa Libdho Qawdhan oo awoowgeedna ahaa Ganey. Waa la garanayaa oo Ganey waa ninkii ka talin jiray sandanaddii faca waynayd ee Naalo. Waa halka maanta loo yaqaanno waddanka Jiraal. Waxuu saldhiggeedu ahaa magaalada Tayasiir oo maanta loo yaqaano Hurbush.

Waxaannu sannad ka hor isku barannay magaalada Seegseeg. Iyadu magaalada marti ayay ku ahayd oo waxay ka timaaday magaaladda Hurbush oo uu reerkoodu degan yahay. Waa xilli fiidkii ah dadkuna u sii kala dareerayaan xaafadahoogii oo way sii hoyanayeen. Intii isku meel ahba raxanraxan ayay isku raacayeen. Aniga waxaa ila socda saaxiibkay Maydhane oo aannu jaar nahay. Roob miray ah ayaa ka soo kacay dhanka Galbeed. Inyar markaannu soconnay ba waxaa soo da'ay roobkii. Kala yaacid ayaa xigtay. Dhibicda soo dhacaysa ayaa na kala eryaysa. Ruclihii meelna waannu ku gaadhi waynay oo roobkii waxa aannu kaga gabbannay dukaan xidhan daaqaddii. Sidaadii aan hiinraagga u goostay ba waxa dhanka Galbeed iga soo qabatay Kaaheeda. Waan wareeray saddex magac. Maya e, waan yaabay! Waxaan iswaydiiyay sawtii fiidka ahayd waaxay iftiinka qorraxdu? Fiidka qorrax may soobixi kartaa? Tolow ma indhahaygaa mise...? Hadalkaa niyaddayda ka aloosnaa waxa ka la gooyay salaanta ka soo baxaysa bishmaha bilaa rooseetada dhalaalaya.

-Asc walaal.
-Wcs walaal. Seetahay? Warran? Ma fiican tahay? Intaas oo hadala waxa aan isku dabadhigay in ay bal ii jawaabta uun.
-Wacnaan. Waan fiicanahay e, ma wanaagsan tahay?
-Haa. Dhibicda dhankan uga soo istaag.
-Mahadsanid. Waxa aan doonayaa in aad i caawiso walaal. Galabta ayaan soo galay magaalada. Dad badan kama garanayo inaadeer. Inaadeertay ayaa magaalada degan oo aan tooyanayay. Meel aan dego ayaan ka waayay magaalada; huteelladu na waa ay buuxaan. Waxaas oo calaacala iyo dansheegad ah waxa aan u galay in aad i caawiso ee i caawi fadlan.
-Waan ku caawinayaa walaal ee roobku ha innaga qaado. Xaggeed ka timid?
-Waxa aan ka imid Hurbush. Waxa aan ahay Libdho Qawdhan Ganey.
-Ganey? Miyuuna ahayn boqorkii saldanaddii Naalo?
-Haa! Waa isaga.
-Sax. Himilo Dubed Genay ayaannu jaarnahay. Ma garanaysaa?
-Maad kaftamaysaa? Waa inaadeertay e, waa ta aan u socda ba.
-Bes! Waan kuu gayn.

Himilo Dubed waxaannu jaar ahayn muddo illaa labaatan iyo kow sano ah. Waa hooyo afar carruur ah haysata. Ninkeedu waa Dhuux. Himilo inkasta oo ay ka soo jeeday qoys magac leh haddana in ay guursato ninkii loo dooray oo ahaa maalqabeen waxay ka doorbidday in ay raacdo wiilka ay isjeclaayeen ee Dhuux oo isagu ahaa sabool. Maalinna wax bay helaan maalinna waa ay waayaan. Quutalyawmka ayay marar badan waayaan ba. Libdho oo iyadu ah inan weligeed ba koolkoolin iyo dherag ku noolayd waa sababta ay daโ€™deeda uga qurux, qaab, qaayo iyo qiima ba badan tahay indhihii arkaana ayna dhaafayn.

Waxaan keenay gurigii waxaanan tusay inaadeerteed. Farxad iyo kalgacayl walaalnimo ayaa lagu soo dhaweeyay anna waan iska hoyday oo gurigayagii oo sii jeedka ah ayaan u dhaqaaqay; aniga oo ku niyadsan inaan bartay Libdho. Habeen cuddoon oo ka duwan kuwii hore ayaan guriga ku soo nabad galay. Waan jeclaaday. Maya e, waa qooq malaha. Qooq maxaya dee? Qooqu ma saacad buu ku yimaaddaa? Acuuduminnak!

Subax hore ayaan kacay si aan u booqdo jaarka, uma socon inaan deris salaamo ee waxaan u baxay inaan soo eego Libdho si aan araggeeda indhaha uga buuxsado. Xalay oo dhan waan fekarayay. Saaka jewigu macaanaa! Xaafadda salaamay oo isbariidinnay. Weyddiiyay xaaladda Libdho. โ€œSaaka ayay kallacday oo safar bay ahayd.โ€ ayaa la iigu jawaabay. Sannad kaddib ayay soo laaban doontaa.

Sannad kaddib waxaan hadda taaganahay madaarka diyaaradaha. Diyaaraddii koobaad saacad kahor ayay soo cago-dhigatay waan ka waayay hal mid ayaa hadhsan. Waa aniga iyo nasiibkay!

W/Q Naasir Cali

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

04 Dec, 09:37


Ismaan dhaafka iyo mushkiladuhu way suulayaan, waxan kuu ballan qaadayaa dhibabyaalku inayna ahaanayn kuwa sii waara taas lidkeeda waxa imanaysa nayaayiro iyo nashaad adiga kuu sugnaandoona boqoradaydaay. Waxan kuu sheegayaa casiiskeen inuu inna siinayo quruxda iyo badhaadhaha nolosha inta aad ka taqaano ama aad kaga fikirayso in ka mugwayn. Boqoradaydaay sidii aan kuu tiraabay horraantii nolosheena midawdgeenu wuxuu ifafaalo qurux badan u abuuray sawirka guud ee mustaqbalkeena. Waan aqbalay codsigaagii hana iga xumaanin haddii aan kaaga soo jawaabi waayay sidii aad u rabtay waxan jeclaystay inaan sidaas si ka qurux badan kaaga fal-celiyo. Mahadsanid. Waan qirtay inaan ku rabo doonis midday u wayn.๐Ÿซถ

โ€”Shabcaan

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

04 Dec, 09:10


Maalin wanaagsan saaxiibadayoow, iska warrama?

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

04 Dec, 09:04


men grow with pain!!

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

03 Dec, 20:38


Ballamaha dhammaantood ma fulaan, aadamuhu Allihii abuuray ayay marba ballan ka qaadaan hadana ka baxaan. Haddii aad adigu u fikirto sida inaan ballan lagaa qaaday lagaaga baxayn dharaar cad ayaad luntay! Waxan qirsanahay dunida inta ballamaha ilaalisay inay guulaysteen waxa se inna lumiyay kuwii ka tallaabsaday xayn daabkii iyo xadhigii aan xidhanay. Markii aan ogaalkeeda helay sida insaanku u buriyo iyo inay taasi dhacday ayaan ka daba tagay heeskii Cumar dhuulle ee :
"yartaan aawadeed u oomanaa
Axdaan wada galnoo may oofinee
Ubixii jannaadaa
Ifka ugu jeclaa ayaa arkoo"

โ€”Shabcaan

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

03 Dec, 20:30


Waxan kaligay kabayaay
kolkaad kasban wayday dookha
kadeedkana ila Jeclaatay
kaskii Kuu qabay hammuunta
Ka gooyay xasuusahaaga.๐Ÿ”ฅ


โ€”Yurub

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

03 Dec, 20:29


Noloshu waxay dhammaanaysaa, innagoo sugayna inaan noolaano.โค๏ธโ€๐Ÿฉน

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

03 Dec, 19:14


Aad bay muhiim u tahay in aad kaligaa baxdo, inaad geed hoos fadhiisatidโ€”ma aha inaad buug la fadhiisatid, wehelna la joogin, laakiin keligaa - oo aad u fiirsato sida ay caleentu u dhacayso, maqal baroorka biyaha, heestii kalluumaysatada, daawo duulista shimbiraha, iyo fikradahaaga marka ay isku eryanayaan maskaxdaada.

Haddaad keli ahaan doontaan oo aad waxyaalahan daawato, markaas waxaad ogaan doontaan maal aan caadi ahayn oo aan dawladna cashuurin, iyo hay'ad bini'aadmi ah oo aan musuqmaasuq karin, oo aan weligeed la baabbi'in karin.

โ€”Rashied baladaawi.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

03 Dec, 17:29


Hadduu meher kugu qodmana
Anuu maan qancin kolleey
Qardhastii adaa la tagay

โ€”Shabcaan

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

03 Dec, 11:53


Marka aad lumisid doonista waxba u arki maysid kanshaha( fursadda) xataa hadday hortaada timaado.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

03 Dec, 11:53


"Kala doorashada aniga iyo qof kale haddii aad ku wareertid, aniga ha i dooran"๐Ÿค

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

03 Dec, 03:47


Farxaddu waxay garaaci doontaa albaabka qalbigaaga yar' xisaab la'aan, waxaadna illoobi doontaa wax kasta oo ku dhibi jiray, kaliya rumayso Ilaah oo ku rajow wanaagga.โค๏ธโœจ


Subax wanaagsan.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

02 Dec, 16:44


Raggu wuxuu u qeybsamaa 20 jir hooyadiis sugaya, iyo 20 jir ay hooyadiis sugayso.

20 jirka hooyadiid sugaya, isaga oo si qurux badan u labbisan ayaa uu soo fariistaa meelaha kafeega laga cabbo, si uu u helo cid sidiisa oo kale camal la'aan ah, oo dhageysata cabashooyinkiisa iyo cududaarradiisa. Laakiin, labaatan jirka ay hooyadiis sugayso, isaga oo u muuqda qof iska caadi ah, ayaa uu yimaadaa meelaha kafeega laga cabbo, si uu uga nasto hawlaha nolosha.

20 jir hooyadiis sugaya = qof doonaya in ay qaraabadiisu waxtarto.
20 jir ay hooyadiis sugayso = qof doonaya in uu qaraabadiisa waxtaro.

โ€“Ladane.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

01 Dec, 11:49


"Marka uu dhamaado jacelka ayaa la ogaadaa inuusan awalba jaceyl ahayn, jaceylka waa inuu noolaado ma aha inuu xasuus noqdo" โค๏ธโ€๐Ÿฉน

~Maxamuud Darwiish.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

01 Dec, 11:48


Qofaan waqti kuu helaynin
Ileen waa laga haraayeee
...๐Ÿ–ค

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

29 Nov, 16:36


Dadka sida saxda ah ii yaqaanaa ima waydiiyaan "maxaa kugu dhacay"? See waxay iwaydiiyaan hadda seetahay? marka laga tago kuwa aan i aqoon. โค๏ธโ€๐Ÿฉน


29-11-2022

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

28 Nov, 19:23


Aynu kuwada sallino Nabiga (NNKH). SCWโค๏ธ

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

22 Nov, 20:18


Ma ahayn inuu habeen bilaabmo hadduu bilaabmana ma ahayn inuu waa baryo. Labada xilliba isdaba markoodu wuxuu igu abuuraa cidlo iyo wehel la-aan. Saaxiibayaal hakala hooyanina haddaad hooyataanna hasoo bixina.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

22 Nov, 15:59


Dadka qaar maalmaha ay aadka u dhoollacaddaynayaan oo ay farxad muujinayaan waa maalmaha ay cakiranyihiin ee waxkasta ku culus yahay hadana waxay leeyihiin Alxamdullilaah. Immaanku qaalisanaaโค๏ธ

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

22 Nov, 13:09


When I kiss you I taste your soul.โ™ก

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

21 Nov, 17:49


โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚
    ๐Ÿฆ‹KOOXDA MIDNIMO๐Ÿฆ‹

Halkaan waxaa isugu keenay๐Ÿงญ
Kanaalada somalida ugu wanaagsan Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.โฌ‡๏ธ

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข
@Lamaane24h ๐Ÿซ‚๐Ÿ’
@Qalbitabat14 โค๏ธโ€๐Ÿฉน
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1


Hadii aad xayeysiin ubahan tahay la xiriir. @Gud_Kooxda_Midnimo

โฌ‡๏ธKU BIIR โฌ‡๏ธ
https://t.me/addlist/O9KSBXYo8KFmYzU0

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

14 Nov, 17:24


Ismaan dhaafka iyo mushkiladuhu way suulayaan, waxan kuu ballan qaadayaa dhibabyaalku inayna ahaanayn kuwa sii waara taas lidkeeda waxa imanaysa nayaayiro iyo nashaad adiga kuu sugnaandoona boqoradaydaay. Waxan kuu sheegayaa casiiskeen inuu inna siinayo quruxda iyo badhaadhaha nolosha inta aad ka taqaano ama aad kaga fikirayso in ka mugwayn. Boqoradaydaay sidii aan kuu tiraabay horraantii nolosheena midawdgeenu wuxuu ifafaalo qurux badan u abuuray sawirka guud ee mustaqbalkeena. Waan aqbalay codsigaagii hana iga xumaanin haddii aan kaaga soo jawaabi waayay sidii aad u rabtay waxan jeclaystay inaan sidaas si ka qurux badan kaaga fal-celiyo. Mahadsanid.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

14 Nov, 13:13


Long distance relationship knows what's the value of this tight hug >>>โค๏ธ

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

08 Nov, 05:42


( " ุฅูู†ูŽู‘ ุงู„ู„ูŽู‘ู‡ูŽ ูˆูŽู…ูŽู„ูŽุงุฆููƒูŽุชูŽู‡ู ูŠูุตูŽู„ูู‘ูˆู†ูŽ ุนูŽู„ูŽู‰ ุงู„ู†ูŽู‘ุจููŠูู‘ ูŠูŽุง ุฃูŽูŠูู‘ู‡ูŽุง ุงู„ูŽู‘ุฐููŠู†ูŽ ุขูŽู…ูŽู†ููˆุง ุตูŽู„ูู‘ูˆุง ุนูŽู„ูŽูŠู’ู‡ู ูˆูŽุณูŽู„ูู‘ู…ููˆุง ุชูŽุณู’ู„ููŠู…ู‹ุงโ™ฅ๏ธ" )

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

08 Nov, 05:41


Salliga Nabiga aynu badino( SCW)โค๏ธ

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

07 Nov, 17:43


โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚
๐Ÿฆ‹KOOXDA MIDNIMO๐Ÿฆ‹

Halkaan waxaa isugu keenay๐Ÿงญ
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.โฌ‡๏ธ

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข
@Lamaane24h ๐Ÿซ‚๐Ÿ’
@Qalbitabat14 โค๏ธโ€๐Ÿฉน
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1

โฌ‡๏ธKU BIIR โฌ‡๏ธ
https://t.me/addlist/TOqj22KD2x0xZDRk

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

03 Nov, 16:49


Waan Iskaga Xiisay.

Markii uu ilbidhiqsi kasoo wareegay go'aankaygii waxan ka cabsaday inaan is doqomeeyo oo kugu soo laabto ku dhaho "ilbidhiqsigii aan Kaa dhaqaaqay waan kuu xiisay, sideebay noqon doontaa noloshayda mustaqbalka iyo maqnaantaadu" waan garanayay inaadan la yaabayn middaas oo waxad ogayd heerka aad iga taagnayd iyo sida aan isku jeclayn. Taasi wayba fududayd, kawarran immika haddaan ku dhaho wax walba oo larabay inay yaraadaan way biireen, xanuunkii aan isla ogayn wuu tarmay waliba gudaha jidhkayga, sifiican ayaad u xasuusataa sawmaaha? Nasiibkayga ayaan tijaabiyay haddii ay warqaddani kusoo gaadho waxad ogaataa inaan kuu darsaday, waan kuu xiisay waxan u darsaday is garab taaggeenii iyo sida aan wax kasta oo innasoo wajaha u qaabili jirnay. Waxan tabay maaha kaliya muuqaaga iyo codkaagii bal e sida ay wax walba innoogu sahlanaayeen iyo sidaad Ii rajo galin jirtay mar walba oon is dhiibo, waxan xasuustay habeenkii hotelka ee aad iga baajisay safarkii aynu Isla qirnay inuu halis ahaa Alla maxaan waayo soo joognay! Ma riyoodo hadda waayo waxan ka cabsadaa inaan ku riyoodo adiga oo wax kaa xunyihiin ama mooral xun, guulayso gacalo. Waan iskaga xiisay waxwalba.โค๏ธ



24โ€“7โ€”2020

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

31 Oct, 08:15


Safarkii wuu bilaabmay, dhammaan himilooyinkiina waxay Soo fadhiisteen meel hirkii ay joogeen ka dhaw, kaliya waxaynu u baahannay dabaal lagu gaadho hirkaas taasina waxay noqotay "XIRFAD" ninkii yaqaana ayaana guulaystay.โค๏ธ

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

31 Oct, 08:09


Adduunyadu waa giraan u dhaxaysa dhalasho iyo dhimasho. Intaas waxaa ku dhax taalla (badwayn) oo ninkii dabbaasha yaqaana uun ka baxo kii kalana ku qar qoormo.
@moablac

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

27 Oct, 19:54


"Milgihiyo wanaagaan mudnaa maad i wada siine
Manaad furin fariimahaan in badan meesha kuu dhigaye
Bal mxaa qof iga maarmi kara
Igu mataaneyay "




๐Ÿ˜ฐ๐Ÿ’”

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

24 Oct, 19:27


โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚
๐Ÿฆ‹KOOXDA MIDNIMO๐Ÿฆ‹

Halkaan waxaa isugu keenay๐Ÿงญ
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.โฌ‡๏ธ

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข
@Lamaane24h ๐Ÿซ‚๐Ÿ’
@Qalbitabat14 โค๏ธโ€๐Ÿฉน
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1

โฌ‡๏ธKU BIIR โฌ‡๏ธ
https://t.me/addlist/EmavOCHyRIY1NGJk

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

14 Oct, 11:04


Cimiladu korkayga iskama badasho, labada xilli qabaw iyo kulaylna iiguma taarna waxay idiinku taagan yihiinโ€”maalinka aan kulayl dareemo waa maalin aan hadhsi u baahanahay, sidoo kale waa maalin aan wax dareemay!

โ€”Shabcaan

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

14 Oct, 06:56


Bilawga maalinteenu wuxuu u dhacaa si isku mid ah, runtii waa giraan xawli ama aayar u wareegta ninba ayaankiisaโ€” balse si isku mid ah innoogama farxiso. Waxan ka hadlayaa kuweenna habeenkii u seexda si ay u helaan Tamar ay barri ku dagaal galaan, dagaalka hunguriga ama isbadalku waa wax adag oo aadโ€”dareemi karto! Fikirkeenna aan hadba ka qaadano nolosha iyo waaqiceedu wuu isbadalaaโ€”maye'e waxa isbadala hadba dariiqada aan u marayno se ahdaafteenu sidii ayay uqoran yihiin. Waxa ladhahaan; mushaarku waa irbad aan bishiiba mar qaadano si aan u illawno xanuunka iyo xammaalka" si aan taas u ga guurno waa inaan helnaa nidaam ka duwan kan musharka ama u gu yaraan caymiskaasi noqdo suuxdin dheer qiimo ku galin kara se maahsanaantaasi ayna ku illawsiinin yoolkaaga. Waagaygu si kasta wuu u kakan yahay waxa aan libin u arkaa inaanan wali ku dhicin shirqoolka nolosha iyo inaan muquur dheer kaga soo baxay dhalinyarnimadii aniga oo ayna I hafin dhammaan badwayntii balwadduโ€”marka bunka Laga tago. Maalin wanaagsan.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

11 Oct, 08:13


Jimce wanaagsan saaxiibayaal Aynu ku sallino Nabiga (SCW)โค๏ธ

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

11 Oct, 07:59


โ€œAnigu waxa aan kamid ahaya kuwa marka ay wax jeclaadaan dhinta.โ€

โ€“ Mahmoud Darwish

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

10 Oct, 18:26


โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚
๐Ÿฆ‹KOOXDA MIDNIMO๐Ÿฆ‹

Halkaan waxaa isugu keenay๐Ÿงญ
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.โฌ‡๏ธ

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข
@Lamaane24h ๐Ÿซ‚๐Ÿ’
@Qalbitabat14 โค๏ธโ€๐Ÿฉน
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1

โฌ‡๏ธKU BIIR โฌ‡๏ธ
https://t.me/addlist/pd0DDQsvgBU3ZTU0

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

07 Oct, 20:24


*Si Allabee, haddii aad aragto qof intuu meel kaaga Soo horbaxay aad is garanaysaan uu kaa waji dadbo isagoo ku arka, cirka Ilaahaybaa iska leh ee eeg! Dhulkana Alle ayaa iska leh waad eegi kartaa, haddiiba uu shaqsigaasi indhaha meer meeriyay sidii aad day ku leedahay ama aad xumaysay badalkeeda ay ahayd inuu ku salaamo ama uu wajiga ku siiyo si aad u salaanto!*

"Nin ku yidhi sinnaan mayno
Adna buri sarrayntiisa
Sidka waad wadaagtaane
Ma sagaashan baa tiisu?"
โ€”Abu-hadra.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

05 Oct, 17:39


โ€Hurdada dadka kale ufuran
Naftani ma hawaysatoo
Hagaag uma seexateeโ€

Waxan noqday qof qaadiro ah hadana aan balwad lahayn, dareenkaygu ma dhaafo afkayga, iyo qalbigayga saamalaylkayguna ma caddeeyo jacaylkayga iyo farxad la'aantayda. Waxan ku qaataa inaan kaa fikiro aniga oo aan ku waydiin karin sida ay wax u socdaan. ๐Ÿซจ

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

05 Oct, 17:34


Saaxiibayaal gurigeenani wuxuu martigaliyay 8988 qof oo halkan ku midoobay, waxan rajaynayaa waxaad ku qanacdaan oo aan kaliya dareenkayga ahayn inaan idinla wadaago. Waxan idinla codsanayaa 12 qof ayaa innooga dhiman 9k inaad caawa share garaysaan๐Ÿ™
Mahadsanidiin.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

05 Oct, 17:31


Nabad ayaan kugu ogahay meelkastaba, waxaynu ku kala nool nahay waddooyinkaad innoo doortay,nasiibku midkeenna wuu cajab galiyay midkeenna wuu qiiro galiyay. Siddaasaan dunida u gu kala nool nahay daganaansho iyo xasillooni darro.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

05 Oct, 17:13


"Tallaabada ugu horeysa ee noloshaada aad qaado waa inay ku cadahay waxa aad rabto "


Amaal Esmail ๐Ÿ

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

05 Oct, 17:10


Your family doesn't know how much difficulties and pressure you go through in your daily life or in your business, and your job doesnโ€™t know the circumstances of your life and your home, your friends and loved ones will not understand the size of the new and old responsibilities that are above you. and your partner is always waiting for love and support from you, and he will not understand the amount of pressure you go through no matter how much you talk and explain to him.*In conclusion, no one feels about you but yourself.. No one will understand what you're going through. Keep going.
Good night saaxiibayaal.๐Ÿซก

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

05 Oct, 17:09


โ€œMa awoodo in aan ku ilaawo, sababtu ma aha in ay xasuustaydu xoogantahay e waa in aan leeyahay qalbi aan ilaawin cidda uu mar gacloodo.โ€

โ€“ Mahmoud Darwish

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

04 Oct, 08:38


Habsami u fikirka aad kaga fikirto shaqada aad maanta qabanayso waxay kuu go'aamin doontaa xasillooni u noolaanshaha mustaqbalkaaga, tahriib ama dalkaaga joog waxad haysataa inta cimrigaaga ka hadhay iyo nolosha aad rabtid inaad ku noolaatid sida aad u gu qaybiso. Salaam!
โ€”Shabcaan.

"Hadday dadku nolol rabaan deg-deg ha u hajiraan"

_Jalaal camir

DHALINYAROโค๏ธ

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

30 Sep, 19:49


29-09-2024

Riyadu waxay ahayd habeenkii, markastana dhib uma arkaynin inaan habeen riyoodo beenna ma ahayn, hadda se riyadii waxay noqotay maalin inaan kaa dhax raadiyo laabtayda laga yaabaa inaan u baahanahay seexasho si aan run u gu arkoโ€” haddii kale waxay noqotay MALA-AWAAL.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

28 Sep, 12:05


"Cilmi baan ku bari laa
Caashaqu ka know yahay"๐Ÿฅน

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

28 Sep, 04:42


ุณูุจุญุงู† ุงู„ู„ู‡ .
‏- ุงู„ุญู…ุฏู„ู„ู‡ .
‏- ู„ุง ุฅู„ู‡ ุฅู„ุง ุงู„ู„ู‡ .
‏- ุงู„ู„ู‡ู ุฃูƒุจุฑ .
‏- ุณูุจุญุงู† ุงู„ู„ู‡ ูˆ ุจุญู…ุฏู‡ู .
‏- ุณูุจุญุงู† ุงู„ู„ู‡ ุงู„ุนุธูŠู… .
‏- ุงุณุชุบูุฑ ุงู„ู„ู‡ ูˆ ุฃุชูˆุจู ุฅู„ูŠู‡ .
‏- ู„ุง ุญูˆู„ ูˆ ู„ุง ู‚ูˆุฉ ุฅู„ุง ุจุงู„ู„ู‡ .
‏- ุงู„ู„ู‡ูู… ุตู„ู ูˆุณู„ู… ุนู„ู‰ ู†ุจูŠู†ุง ู…ุญู…ุฏ .
‏- ู„ุง ุฅู„ู‡ ุงู„ุง ุงู„ู„ู‡ ู…ุญู…ุฏ ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡ .
-ุงุณุชุบูุฑ ุงู„ู„ู‡ ุงู„ุฐูŠ ู„ุง ุงู„ู‡ ุงู„ุง ู‡ูˆ ุงู„ุญูŠ ุงู„ู‚ูŠูˆู… ูˆุงุชูˆุจ ุงู„ูŠู‡.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

27 Sep, 21:52


Kuma nicin kumana nicin
Naxlina kuuma qaadine
Sawkii Nabigu yidhi(SCW)
Haddaad nolosha qadawaan
Nabad gala e haajira.

Waa laysu Soo noqon
Wixii nool adduunyada.

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

27 Sep, 21:33


Markii aan ku baranayay isma lahayn waxaydun noqonaysaan laba qof oo uuna mid midka kale ka maarmin badalkeeda waxan islahaa wada qaata maalmo madadaalo. Waad i xadday!๐Ÿฅน

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

27 Sep, 15:44


Distance doesnโ€™t matter if two hearts are loyal to each other ๐Ÿ’ฏ๐Ÿ™

Dunida Caashaqa๐Ÿ’๐Ÿ’ฏ

22 Sep, 08:33


"Oday waayeel ah ayaa wuxuu aad uga
caban jiray xaaskiisa oo marka ay seexato
aad u khuurisa, subixii markuu U sheego
inuu xalay oo dhan ka seexan waayey
khuuradeeda ayey iyaduna inkirtaa

Habeen iyadoo khuurineyso ayuu raadye
soo qaatay oo codkeedii duubay, si uu berri
subax u maqashiiyo khuuradeeda

Balse habeenkaas ayaaba ugu dambeysay nolosheeda 0o subixii ayey geeriyootay odaygii waxaa qalbigiisa la soo deristay murugo aad u xanuun badan

Codka khuuradeeda oo cajal ugu duubnaa
ayaa noqday waxa keliya ee uu dhageysto
habeen walba hurdada ka hor

Dulucda sheekadu waxay tahay ha dhaawicin qalbiga ruux aad jeceshahay
waxaa laga yaabaa inaad subax soo toosto
oo aad hareertaada ka weyso."๐Ÿฅน๐Ÿ˜ญ

10,432

subscribers

1,400

photos

37

videos