Quruxda islaamka @quruxdaislaamka Channel on Telegram

Quruxda islaamka

@quruxdaislaamka


Kala soco islaamka iyo horumerkisa
Caafimaadka, dhaqanka, diinta islaamka dhiirigalinta, quraanka , khayrka iyo wanaaga

Quruxda islaamka (Somali)

Quruxda islaamka waxaa laga yaabaa inay ku jiraan macluumaad badan oo ku saabsan diinta islaamka, horumerka, iyo weliba caafimaadka. Kanalkan waxaa loogu talagalay dadka ku dhaqan diinta Islaamka inay ka heli karaan macluumaad muhiim ah oo ku saabsan sida loo maareeyo caafimaadka, dhaqanka, dhiirigalinta diinta, quraanka, khayrka, iyo wanaaga. Quruxda islaamka waa goob lagu filan karo oo laga yaabo inuu ka caawin karo dadka Muslimiinta ah ee jecel diinta Islaamka iyo horumarka bulshada. Waxaa jira warbixino iyo macluumaad muhiim ah oo ku saabsan waxyaabaha kala duwan ee ka dhaxeeya Islaamka iyo nolosha caddaalad ah. Haddii aad rabto inaad ka heli waayeen macluumaad dheeraad ah iyo nacayb kasoo jeeda diinta Islaamka, Quruxda islaamka waa kanalka aad u baahan tahay. Kala soco Quruxda islaamka oo aad wax badan ka baran karto diinta Islaamka iyo horumarka bulshada.

Quruxda islaamka

20 Jan, 14:11


Khalida Jarrar, oo ah haweenay caanka ah oo u ololeysa xorraynta Falastiin, ayaa xalay laga sii daayay xabsiyada Israa'iil ka dib markii lagu xiray bishii December 2023. Waxay muddo dheer xabsiyo ku jirtay, waxaana lagu soo waramayaa inay xabsiga ku qaadatay xaalad adag, iyadoo lagu xidhay qol yar oo kaligeed ah. Intii ay xabsiga ku jirtay, qaraabadeeda dhow, sida aabbaheed, gabadheeda, iyo adeerkeeda, ayaa dhintay, waxaana loo diiday inay ka qeybgasho aaskooda.

Quruxda islaamka

20 Jan, 04:07


Maxaabiisata ay sii daayeen xamaas ayaa waxa la siiyey hadyado ay ku jiraan sawiro aad u qurxoon sida ay sheegayaan warbaahinta Israa’iil

Xamaas waxa ay muujiyeen dhaqankii islaamka waxana ay ka gudbiyeen sawir la majiirto

Manta hadii la waydiiyo qolayinkii yuhuuda yaad maxbuus u noqon lahyd
Xamaas iyo Israa’iil waxay dooranayaan xamaas

Allah akbar

Quruxda islaamka

19 Jan, 21:14


Israa’iil oo shaashadaha ka daawanaysa ciidanka xamaas oo dhex jooga magalada qaza

Quruxda islaamka

19 Jan, 19:27


36 qof oo qoyska reer Haniya ah oo uu ku jiro hoggaamiyihii Xamaas, Ismaaciil Haniyah ayaa lagu dilay xasuuqa ay Israa’iil ka waday Qasa 15 bilood , taa oo ka dhigan ku dhawaad dhammaad qoyska reer Haniya in xasuuqa ay ku shahiideen. Allaha u naxariisto.

Quruxda islaamka

17 Jan, 21:11


Shinbirkan ayaa qayb laxaad leh ka qaatay gubashada dabka ka dhacay maraykan gaar ahaan los angels
Sida ka muuqata sawirka qori dab leh intuu qaado ayuu meel caadiya ku tuurayy dabka waa cilmi alle

Quruxda islaamka

17 Jan, 14:15


Waxa ka sugan Nebigeennii suubbanaa Scw inuu sheegay: “Maalinta Jimce waxa ku jira waqti qof kasta oo muslim ah oo waqtigaas haleela isaga oo Ilaahay waydiisanaya waxa uu doono Ilaahay waxaas uu waydiistay wuu siiyaa” macnaha xadiiska.

Saacaddaas saxaabadii Nebiga Scw iyo culimada Islaamku waxa ay u badan yihiin in ay tahay casar kaddib ilaa gabbalku ka dhacayo. Waa fursad iyo jaanis aynu Rabbi kaga helayno wax kasta oo aynu doonayno.

Wax kasta oo aad hayso iska dhig, xuska Ilaahay, Salliga Nebiga Scw iyo baryada Rabbi bilow, waxa aad laabta ku haysato ee aad doonayso adduun iyo aakhiraba Ilaahay waydiiso, waa ballan in aad helayso oo Rabbi uu ku siinayee.

Ilaahay qof kastaa waxa laabta ka doonayo ha siiyo, waxa uu laabta ka diidayana Rabbi haka fogeeyo.
Inta xanuusanaysa Ilaahay xanuunka haka dulqaado, inta dayn lagu leeyahay Ilaahay haka soo furto, inta dhib kale ka cabanaysana Ilaahay dhibka haka kor qaado.

Ducayso, walaalahaaga Islaamka ahna u ducee waqtigan qaaliga ah.

~baabul rahma

Quruxda islaamka

16 Jan, 17:44


((Sunanka maalinta jimcaha))

1-Aqrinta suuratu Kahfi
"Saciidu khudri -allaha ka raali noqde- waxaa laga wariyay, rasuulki alle ﷺ inuu yiri : ((qofkii aqriya suuratu Kahfi maalinka jimcaha alle waxoo nuur yeela inta udhaxeysa labada jimca))"

2- Saliga Nabiga ﷺ
"Anas Binu Maalik -allaha ka raali noqde- waxaa laga eariyay inuu yiri: rasuulki alle ﷺ ayaa yiri : ((badiya saliga maalinta jimcaha iyo habeenka jimcaha, qofkii igu saliya hal sali alle ayaa ku saliya toban jeer))"

3- Ducada
"Jaabir Binu C/llahi -allaha ka raali noqde- ayaa laga wariyay, rasuulki alle ﷺ inuu yiri : ((maalinta jimcada waxaa dhaxdeeda ahaatay 12 saacadood oon la heleen adoon muslima, alle weydiisto shey ilaa alle woo siiyaa isla sheyga, haleela saacada ka dambeesa casirki))"

"Abii Hureyra -allaha ka raali noqde- waxaa laga wariyay, in rasuulka alle ﷺ uu xusay maalinka jimcaha yirina : ((waxaa dhaxdeeda ahaaday saacad haduu adoonka muslimka haleelo asagoo dukanaayo, allena weydiisto shey, Ilaa alle wuu siiya isla sheyga))"

                            
Qore: abu walad
Jimce wanaagsan.

Quruxda islaamka

15 Jan, 22:31


"Codkaagu waa sida dab oo kale, Qasa way guulaysatay, Sinwar." Dabaaldegyo ayaa ka socda caasimadda Jordan ee Cammaan, kaddib markii lagu dhawaaqay heshiiska xabbad joojinta ee Qasa.

Quruxda islaamka

15 Jan, 18:09


{ إِلَّا ٱلَّذِینَ ءَامَنُوا۟ وَعَمِلُوا۟ ٱلصَّـٰلِحَـٰتِ فَلَهُمۡ أَجۡرٌ غَیۡرُ مَمۡنُونࣲ } [6]
"Laakinee akhyaarta alle iyo rasuul rumeeyey oo shaqaystay acmaasha saalixadka ah iyaga ayuu u sugnaaday abaalmarin tu la goynayo aan ahayn "

Quruxda islaamka

14 Jan, 17:42


Nebigu ﷺ wuxuu yiri:

"Muslimiinta waxa u iiman sarreeya kan ugu dabeecad wanaagsan; waxanana idinku ikhyaarsan kuwiinna haweenkooda u dabac san"

Quruxda islaamka

13 Jan, 02:47


Hadaad salad subax waqtigeda ku tukatay danbigeena iyo kan walidkena Alllh hanaka cafiyo.

Inta salaad subax tukutay amiin soo dhaha

Quruxda islaamka

12 Jan, 11:27


‏الأشخاص ذوو الوعي العالي لا يعرفون الإساءة ، فالإساءة تنشأ من نقص الإدراك والفهم العميق. 🧡

Dadka wacyiga sare leh ma yaqaanaan xadgudubka, maxaa yeelay xadgudubku wuxuu ka yimaadaa wacyigelin la'aan iyo faham qoto dheer. 🧡

Quruxda islaamka

11 Jan, 22:16


Mareykanka qaybna dabaa qabsaday qaybna baraf waa cibaarooyinka alle

Quruxda islaamka

10 Jan, 16:06


https://t.me/bahjasooyaalka

Quruxda islaamka

09 Jan, 17:26


Ku sali wll xabiibkeena mohamed ﷺ

Quruxda islaamka

08 Jan, 18:42


Sawirada baraha bulshada soo dhigtid waa isla kuwa loo insticmaali doono tacsidaada maalinta aad geeriyootid

التوبة قبل الندم

Quruxda islaamka

07 Jan, 18:30


Nabi mohamed صلى الله عليه وسلم wuxu yiri duko adigo tagan Hadi ad kari weyso adigo fadhiya Hadi ad Kari weyso adigo Jiifa duko

Mesha waxa ka arkeysa marna in salaada laga dhafeynin ila ad mir dabolanto mahine xariirka adiga iyo Rabiga idin dhaxeyo waa salaada🙌

Quruxda islaamka

07 Jan, 02:40


Hadii aad caafimaad ku soo kacday alxamdulilaah dheh wll

Quruxda islaamka

06 Jan, 18:04


Aqoontu waa jaranjarada guusha، jahliguna waa caqabada hor istaaga hormarka🖇️

Carabtu waxy dhahaan🥀

المعرفة سلم للنجاح،والجهل حاجز يمنع التقدم🌼🤍🖇️🥹

Quruxda islaamka

06 Jan, 10:24


Xuska Alle waa mid kamid ah cibaadooyinka ugu muhiimsan ee diinta Islaamka, waana ficil ku salaysan in la xasuusto Alle (SWT) si joogto ah, oo loogu dhawaaqo magaciisa barakaysan si qalbi leh iyo luqad ahaanba. Alle wuxuu Qur’aanka ku sheegay:

"الَّذِينَ آمَنُوا وَتَطْمَئِنُّ قُلُوبُهُم بِذِكْرِ اللَّهِ ۗ أَلَا بِذِكْرِ اللَّهِ تَطْمَئِنُّ الْقُلُوبُ"
“Kuwa rumeeyey (Ilaahay) oo qalbigoodu ku xasilo xuska Eebe. Xusuuso, qalbiyada waxay ku xasillaan xuska Eebe.”
(Suuradda Ar-Ra'd: 28).

Quruxda islaamka

05 Jan, 16:01


رَبِّ قَدْ آتَيْتَنِي مِنَ الْمُلْكِ وَعَلَّمْتَنِي مِن تَأْوِيلِ الْأَحَادِيثِ ۚ فَاطِرَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ أَنتَ وَلِيِّي فِي الدُّنْيَا وَالْآخِرَةِ ۖ تَوَفَّنِي مُسْلِمًا وَأَلْحِقْنِي بِالصَّالِحِينَ (101) 
سورة يوسف
"Rabiyoow waxaad isiisay boqortooyo waxad I bartay sheekooyinka fasiraadooda allow adigaa ah kan abuuris bilaabay samaawaadka iyo arlada adiga ah kan arrinkayga maamula aduunyo iyo aakhiroba I oofso anigoo Muslim ah allow I haleelsii saalixiinta"

Quruxda islaamka

05 Jan, 02:10


“Si kasta oo laguu yidhaa waad guulaystay intaad Aduunka joogto taasi waa waxba kama jiraan iyo madadaalo, Guusha dhabta ahi Aakhiro ayey taala, Alle ha inaga wada dhigo kuwo Aakhiro guulaysta”

Sh Mustafe Xaaji ismaacil.

Quruxda islaamka

04 Jan, 03:09


Allahii adigoo Cafimaad qaba soo toositay u Mahadceli Alle’

الحمد لله

Quruxda islaamka

02 Jan, 18:06


❀𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢 𝐩𝐫𝐨𝐦𝐨𝐭𝐢𝐨𝐧❀
🌙💠𝗗𝗜𝗜𝗡𝗜 ☪️💠🌙
➽ @Al_xakiim
➽ @Quruxdaislaamka
➽ @Hidaayatu_Rabi
➽ @hogaan_Dumar
➽ @Dhaqan_wanaag
➽ @TAMARSIINTARUUXDA
➽ @Diinteenna_Macaan
⟣⃟⸻⚀♦️
𝗗𝗛𝗜𝗜𝗥𝗜𝗚𝗜𝗟𝗜𝗡 & 𝗫𝗜𝗚𝗠𝗔𝗗𝗢
➽ @XikmadoSom
➽ @Dhiiragaliye
➽ @AishaAhmed99
➽ @QalbiDhaye143
➽ @kalimakariim
➽ @xaqiiqadanolosha
➽ @Albaanichannel252
➽ @Ruuxda
➽ @dareenbulsho
⟣⃟⸻⚀♦️
🦋𝗝𝗔𝗖𝗔𝗬𝗟𝗞𝗔 & 𝗢𝗥𝗔𝗔𝗛𝗬𝗢
➽ @Dareen_side
➽ @Hasancaashaq
➽ @Mohametahmed
➽ @Noqoxiddig
➽ @DunnidaSuugaanta
➽ @qalbiyadeena
⟣⃟⸻⚀♦️
📚𝗔𝗤𝗢𝗢𝗡 & 𝗙𝗔𝗦𝗔𝗔𝗟𝗢
➽ @maanhage
➽ @farsamada
➽ @KobciAqoontaada2
➽ @guuleyso11
⟣⃟⸻⚀♦️
📖𝗕𝗨𝗨𝗚𝗔𝗔𝗚 & 𝗠𝗔𝗞𝗧𝗔𝗕𝗔𝗗
➽ @somalibooks
➽ @Somalilibrary
➽ @kobciyebooks
⟣⃟⸻⚀♦️
https://t.me/Somalienglish3

Quruxda islaamka

02 Jan, 15:35


juma mubarak

ku quruxso jimcaha:-

🌼Aqrinta Suuratu Kahfi.
🌼Aqrinta quraanka,Duaa,Istiqfaar.
🌼Saliga Nabiga ﷺ ku celcelintiisa.
🌼Duco Salaadda Casir ka dib.

Allah Ina waafajiyo saacada ku jirta ee ducada la aqbalo.🤲🌼

Quruxda islaamka

30 Dec, 17:15


BAAQ NABADEED

1 Team somali Telegramers
waxa ay baaq nabadeed usoo jeedinayan umada soomaliyeed gaar ahaan deeganada maalmihii ugu dambeyay ay kaa socdeen dagaalo beeledyo macno la'aan oo la isku dilayo wax aan macno lahayn, dagaaladan sidan ah islaam ahaan uu alle naga xarantimeyay isagoo kitaabkiisa Qur aanka ku yiri :

وَمَن يَقْتُلْ مُؤْمِنًا مُّتَعَمِّدًا فَجَزَآؤُهُۥ جَهَنَّمُ خَٰلِدًا فِيهَا وَغَضِبَ ٱللَّهُ عَلَيْهِ وَلَعَنَهُۥ وَأَعَدَّ لَهُۥ عَذَابًا عَظِيمًا

"Qofkii qof mumin ah dila si ula kac ahne u dila abaalkisa waa jahanamo wuu ku waaraya oo ilaah baa u caroonaya ilaahey baa lacnadaya waxana loo diyaarinaya cadaab weyn"


Iyadoo aynu rumeesanahay ayaadas oo aynu sheeganeeno dad muslimiin ah hadane aynu isku dilno rer hibil waa wax ayaan daro ah

"Dagaal wiil kuma dhasho ee waa uu ku dhinta"

Dhalinyarada somaliyeed waxaan ugu baaqeyna in ay ka baqsadan hurinta iyo ka qeeb qadasha dagaladas socda taas badalkeeda ay ka qeeb noqdan sidey nabad ugu soo dabaali lahaayen dagalas socda

"Nabad ayaa naas la nuuga leh"

Ugu danbeyn waxaan alle ka baryeyna in uu walalahas somaliyeed qalbiyadooda isu dubo dagaladas socdane ay halkaas ku joogsadan insha'allah

Quruxda islaamka

30 Dec, 02:34


Ha ilaabin in aad maalintaada ku qurxiso adkaaru subaax

Quruxda islaamka

29 Dec, 13:56


Qofka qof muslim ah inta uu dilo ku farxa dhiigiisa sune iyo faral toona illaaahay ka aqbali maayo.

Sh. Mustafe x. Ismail

Quruxda islaamka

28 Dec, 10:46


Diinta Islaamka waxay si adag uga digaysaa dilka qofka naf la’aanta ah ee aan wax dambi ah gelin. Allaah wuxuu Qur’aanka Kariimka ku leeyahay:

“Qofkii ku dilo nafta naf la’aan ama fasaad dhulka ka wado, waxaa u eg sida inuu dadkoo dhan dilay.”
(Suuradda Al-Maa’idah: Aayadda 32).

Xukunka Dilka Nafta Islaamka:
1. Dembi aad u weyn: Dilka qof Muslim ah ama aan Muslim ahayn si xaq-darro ah waa ka mid ah dembiyada ugu waaweyn ee Islaamka. Rasuulka (NNKH) wuxuu yiri:
“Burburka adduunka oo dhan waxaa ka fudud in la dilo qof Muslim ah.”
(Sunan An-Nasaa’i).
2. Ciqaabta Aakhirada: Qofkii si cad u dilo naf aan waxba galabsan oo aan sharciga Islaamka ku xukumin, wuxuu mutaysanayaa cadaab daran Aakhirada:
“Qofkii si ula kac ah u dilo Mu’min, abaalmarintiisu waa Jahannamo, isagoo ku waari doona dhexdeeda, wuuna carooday Eebbe, wuuna lacnaday, wuxuuna u diyaariyay cadaab weyn.”
(Suuradda An-Nisaa: Aayadda 93).
3. Dadka loo ogolyahay in la dilo: Islaamka wuxuu ogolyahay in qof la dilo keliya marka uu jiro mid ka mid ah saddex sababood oo sax ah:
• Qofka dilay naf kale si ula kac ah.
• Qofka Muslimka ah ee ka tagay diinta (murtad), kadib markii loo caddeeyay xaqiiqada.
• Qofka guuray oo ku dhacay sinada.
(Xadiis ka sugnaaday Bukhaari iyo Muslim).

Gunaanad: Islaamka waa diin naxariis leh oo ku baaqda ilaalinta nolosha, sharafta, iyo nabadda. Dilka xaq-darrada ah waa dembi aad u weyn oo ka mid ah sababaha halista badan ee keeni kara halaag adduun iyo Aakhiraba.

Quruxda islaamka

27 Dec, 09:43


Masjidkaad ku tukanaysay qudbadii maxaa lagaga hadlaayyna?

Aniga :- walaalnimada

Quruxda islaamka

25 Dec, 15:57


Qof ka muslimka ahi marwalba waxaa uu rumaysan yahay in uu ilahay gacantiisa ku jiro, mana rumaysna in uu aduunka ugu caqli badan yahay, iyo isla wayni midna.
Markaa Illahay wuxuu ina baray marka oo aynu is hortaagno in aynu nidhaa.
إِيَّاكَ نَعْبُدُ وَإِيَّاكَ نَسْتَعِينُ
''Illaahow adaanu ku caaabudayna kaligaa, kaligaa baanu kaa kaalmo dalbaynaa'

Quruxda islaamka

25 Dec, 03:54


Waa macsiyo iyo Danbi in gaalada ciidahooda lala dabaal dego.
Qofka muslimka ah ,diintiisa,caqadadiisa,
cibaadadiisa,waa la gaar,waana kasoocan yahay gaalada.
Muslim baad tahay Ku fan diintaada,jiritaanka dadnimadaada islaamnimo.
Hu dabaal degin ciida gaalada.

Quruxda islaamka

24 Dec, 16:14


Caa’isha Alle haka raalli noqdee ayaa ku tidhi Nabigeennii Muxammed ﷺ: Rasuulkii Ilaahayow ii ducee. Wuxuu yidhi Rasuulku ﷺ isagoo u ducaynaya Caa’isha "Ilahoow, caffi oo ka-dhaaf Caasha dembiyadeedii hore, iyo danbigeedii danbaba" Ilaahoow, cafi oo ka-dhaaf Caasha danbiyadeeda sirta ah iyo kuwa muuqdaba”

Caa’isha Alle haka raalli noqdee way qososhay, aad ayayna u faraxday, farxad daraadeed ilaa ay isku tuurtay dhabtii Rasuulkaﷺ madaxeedii ayay saartay laaabtii Rasuulka ﷺ

Wuxuu ku yidhi: Rasuulkuﷺ caa'ishaay may ku farxad galisay ducadayda aan kuu duceeyay?

Waxay tidhi: sidee ayaanan ugu qanacsanayn oonan ugu faraxsanaayn ducadaada xabiibii?
Wuxuu yidhi: Rasuulkuﷺ Ilaahay baan ku dhaartaye, waa mid aan Ummadayda ugu duceeyo salaad kasta oon tukado ﷺ 💛🌻

Rasuulku ﷺ aad ayuu inoo jeclaa. Aan ku sallino xabiibkeenii Mohamed ﷺ.

~kahin

Quruxda islaamka

05 Dec, 19:40


juma mubarak

ku quruxso jimcaha:-

🌼Aqrinta Suuratu Kahfi.
🌼Aqrinta quraanka,Duaa,Istiqfaar.
🌼Saliga Nabiga ﷺ ku celcelintiisa.
🌼Duco Salaadda Casir ka dib.

Allah Ina waafajiyo saacada ku jirta ee ducada la aqbalo.🤲🌼

Quruxda islaamka

04 Dec, 12:18


مَا سَلَكَكُمْ فِي سَقَرَ قَالُوا لَمْ نَكُ مِنَ الْمُصَلِّينَ وَلَمْ نَكُ نُطْعِمُ الْمِسْكِينَ
Ehlu Naarka Mariii Lawaydiiyay Maxaa Naartan Saqara Idin Galiyay,Waxyaabaha ay ku Jawaabeen Waxa Kamid ah Masaakiinta Maanaan Quudin Jirin,Aayad Kalena Waxay Tilmaamaysaa Maanaan boorin Jirin.



"ولا يحض على طعام المسكين"

Miskiinkii Larabay in Xaqqiisa La'ilaaliyo
Iskadaa in intiisa Loo dhowree
Isagaa Xaqqiisii La Dhacayaa .!!!

-Aaway Kuwa Gaajaysan ee qaawan Ee Cagaha Cad Xoolahoodii.?! Aaway.?
-Aaway Nasiibkoodii Dhulka Ay kulahaayeen io Xaqoodii.?! Aaway.?

Ma Waxaad umalaynaysaan XAJ iyo Cumraan Aaday Inay Kaadhaqayso Xoolaha Umadda.?! May Wllhi inayna Kaadhaqaynin.☝️

(Rabi haloonoqdo.)

Quruxda islaamka

04 Dec, 04:06


Maxay ku kala duwan yihiin
ماشاء الله،iyo الحمدلله ؟
Masha alah iyo alxamdulilaah?

Quruxda islaamka

03 Dec, 17:32


Gabadhan waxa la waydiiyay Suaal ah,maxay ahayd maalintii kugu Farxada Badnayd.?

Jawaab dadkii daawaday iyo Wariyihii ka yaabisay ayay ku jawaabtay waxay tidhi.

"maalintii ugu farxada badnayd waxay ahayd maalintii ninkaygu dhintay,sababtoo ah waanu isku xumayn."

Hadal qof islaam ah hore looga bartay maaha qof yidhaho qof ayaan geeridiisa ku farxay.


Sidee u aragtaa?

Quruxda islaamka

02 Dec, 12:00


Geesinimadu maahan cabsi la'aan, ee waa inaad horey u socotaa markaad baqayso.

Quruxda islaamka

01 Dec, 14:12


Allaah SWT wuxuu yiri

الا بذكر الله تطمئن القلوب
"Quluubta waxay ku xasishaa xuska Allaah

{ أَلَمْ تَعْلَم أَنَّ اللَّه عَلَى كُلّ شَيْء قَدِير }
Miyadan ogeyn inu ALLAAH wax walbo awoodo!

وإن تعدُّوا نٍعمة الله لا تحصوها
Nimcooyinka Allaah haddaad Tirisaan ma koobi kartaan🌿

قُل لَّن يُصِيبَنَا إِلَّا مَا كَتَبَ اللَّهُ لَنَا هُوَ مَوْلَانَا ۚ وَعَلَى اللَّهِ فَلْيَتَوَكَّلِ الْمُؤْمِنُونَ

waxaad dhahdaa naguma dhacaayo wax Allaah noo qoray ma ogiye asagaana gargaaraheenna ah ee Ilaahay ha tala Saarteen Mu'miniinta

Quruxda islaamka

30 Nov, 20:28


3 bilood ayaa ka hadhay ramadaan
Alle khayr iyo caafimad ha inagu gaadhsiiyo

Aamiin yaa rabi

Quruxda islaamka

29 Nov, 22:36


"Naftaada haddi aadna runta ku mashquulin.. beenta ayay kugu mashquulisa"

~imaam shafici.

Quruxda islaamka

27 Nov, 22:16


Alle swc waxa uu quraankiisa ku leeyey
وَأَنِيبُوا إِلَى رَبِّكُمْ وَأَسْلِمُواْ لَهُ مِن قَبْلِ أَن يَأْتِيَكُمُ الْعَذَابُ ثُمَّ لَا
تُنصَرُونَ *
U toobad keen Eebe una hogaansama intay cadaab idin soo gaarin, markaas laydiin gargaari maayo.

Quruxda islaamka

25 Nov, 19:26


ALLAH SWC WAXA UU QURAANKA KU LEEYEY

إِنَّ اللَّهَ لَا يُغَيِّرُ مَا بِقَوْمٍ حَتَّى يُغَيِّرُوا مَا بِأَنفُسِهِمْ

"Eebana ma beddelo xaalka qoom intay ka dooriyaan waxa naftooda ku sugan"

Quruxda islaamka

23 Nov, 21:20


Shahaadada Dugsiga sare, midda Jaamacadda, midda Master-ka & midda PhD-da, dhammaantood habeenka 1-aad ee qabrigaaga, waxa ay noqonayaan boor la fardhiyay(Hal bacaad lagu lisay).

Waxaana soo haraayo darsigii fasalka koowaad;

Waa kuma Rabbigaa?
Waa tee Diintaadu?
Waa kuma Nebigaa?SCW

Walaal Allaha ku Naxariisto adiga iyo qof kasta oo Muslim ah.

Yaa Allah gafkeena iyo geerideena hakulminin yaa rab🤲

Quruxda islaamka

23 Nov, 13:19


Asc wr wb waxaan idiin Ku bishaaraynayaa in labilaabay dawradii qiraa aadka oo waliba udheertahay qofkii aan aqoon quraanka in Asna labarayo si waliba free ah laqaybso ajirka walaasha oo u share garee adna sooraac khayrka

Isdiwaan galintu way socotaa Waa 25 arday oo qiraa,aadka ah iyo 25 oo higaada iyo aas aaska quraanka labarayo yayna kaabuuxsamin👋

Quruxda islaamka

22 Nov, 12:25


Barnaamijka Su’aalaha Diiniga ah ayaa Su’aal la soo waydiiyey Sheekh Dirir waxa ay u dhignayd sida tan :-

Sheekh Gabadh ayaanu go’aansanay in aanu is guursano waxaanan ku heshiinay in ay Kharashka guurka oo dhan ay iyadu bixiso,

Sheekh Maxay diintu ka qabtaa?

Jawaabta Sheekha:-

Gabadhu hadii ay ninkeeda wax siiso iyadaa ku Ammaanan waana wax wanaagsan,

Adigana hadii ay kaa furatay waa caadi waana wanaag.

Quruxda islaamka

22 Nov, 02:34


Hadaad salad subax waqtigeda ku tukatay danbigeena iyo kan walidkena Alllh hanaka cafiyo.

Inta salaad subax tukutay amiin soo dhaha

Quruxda islaamka

21 Nov, 18:02


🔰🔰𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶 𝗖𝗼𝗺𝗺𝘂𝗻𝗶𝘁𝘆 🔰🔰
𝗠𝗮 𝗷𝗲𝗰𝗲𝘀𝗵𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗯𝗶𝗶𝗿𝘁𝗼 𝗸𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗺𝘂𝗱𝗮𝗻 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗸𝗮 𝗸𝘂𝘄𝗮𝗮𝗮 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗿 𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝘂 𝗵𝗲𝗲𝗹𝗮𝗻 𝘀𝗶d𝗶𝗶 𝗮𝘆 𝘂𝘀𝗼𝗼 𝘀𝗮𝗮𝗿𝗶 𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝗮𝘆𝗲𝗲𝗻 𝗰𝗼𝗻𝘁𝗲𝗻𝘁 𝗶d𝗶𝗻 𝗮𝗻𝗳𝗮𝗰𝗮.

☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️
☠️👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿 ☠️
☠️👉🏿👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👇🏼👇🏼👇🏼👇🏼👇🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👉🏼👇🏻👇🏻👇🏻👈🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👉🏼👉🏻👇👈🏻👈🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿 👉🏾👉🏽 CLICK HERE 👈🏽👈🏾👈🏿 👈🏿☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👉🏼👉🏻 👆👈🏻👈🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👉🏼👆🏻👆🏻👆🏻👈🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👆🏼👆🏼👆🏼👆🏼👆🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👆🏽👆🏽👆🏽👆🏽👆🏽👆🏽👆🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👈🏿☠️
☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️

🟫🟨🟡JOIN ALL🟩🟥JOIN ME🔵🟦⬜️

Quruxda islaamka

21 Nov, 15:17


Ku sali Xabiibkeena mohamed scw.

Quruxda islaamka

20 Nov, 22:43


7da Guri ee aanay barakadu soo galin

1 guriga aan laga tukan salada subax ilaa cadceedu soo baxayso
2 guriga salada hore lagu waabariisto iyadoo heeso iyo fiidyowyo xun xun laga dawanayo
3 guriga aan lagu xusin magaca alle hadii wax la cunaaayo iyo hadii kaleba
4 guriga diinta iyo alle lagu caayo (subxaan)
5 guriga albaabadu u furan yihiin mar kasta weelkuna aanu daboolnayn
6 guriga dadka ku nooli ay cunan ribada
7guriga israafka lagu sameeyo cunada soo hadha iyo wixii la mid ah

Alle ha naga dhigo kuwa guryahoodu barakoban alle bixiyee.

Quruxda islaamka

20 Nov, 11:23


* قُلْ يَعِبَادِيَ الَّذِينَ أَسْرَفُوا عَلَى أَنفُسِهِمْ لَا تَقْنَطُوا مِن رَّحْمَةِ اللَّهِ إِنَّ اللَّهَ يَغْفِرُ الذُّنُوبَ جَمِيعًا إِنَّهُ هُوَ
الْغَفُورُ الرَّحِيمُ
* Waxaad dhahdaa, “Adoomadayda ku xad gudbay Naftooda, ha ka quusanina naxariista Eebe, Eebana waa ka dambi dhaafe Ee ah ka quusanina naxariistisa.

Quruxda islaamka

19 Nov, 18:49


Ads 🔺✖️ ka warhay 500,000+ Soomaali oo ku jira Telegram!

Star Tech waa shabakad hormuud u ah Midowga Telegramers-ka Soomaaliyeed oo ka kooban in ka badan 30+ channels oo ay ku xiran yihiin dad ka badan 500,000 oo Soomaali ah.

📢 Tani waa tiro sax ah oo hubo oo la isku halayn karo 100% 

ADDEEGYADA STAR TECH

➡️Xayaysiis digital oo beegsanaya Tirada Dadka somaliyeed ee aad u baahantahay.

➡️  Samaynta, qaabaynta iyo nashqadaynta sawiradda iyo muuqaalada xayeysiiska.

➡️Hal-abuur iyo xirfado ku suurtagelunaya inaad Ganacsigaaga ka dhigto hela macaamiil dhab ah.


Maxaad sugaysaa?

Ku xayaysii ganacsigaaga Star Tech oo hel macaamiil iyo subscribe xadi badan muddo kooban Gudaheed.! 1️⃣ 👍

📞 Nala soo xiriir maanta si aad u bilowdo!

HALKAN TAABO

Quruxda islaamka

16 Nov, 20:06


Jaahil ayaa yidhi: “Qofka aan ku raadinin, lama raadsado.”

Rasuulkii Alle (Sallallaahu Calayhi Wasallam) wuxuu yidhi: “ Xidhiidhi cidda ku jarta, iska cafi cidda kugu gardaroota, oo wanaaji cidda ku xumaysa.”

~Dr hamse habiib

Quruxda islaamka

15 Nov, 19:14


Alle ha u naxariisto madaxwaynihii hore ee somaliland marxuum ahmed siilaanyo alle qabriga ha u nuuro

Quruxda islaamka

15 Nov, 10:34


Duco ka mid ah ducooyinka subaxdii iyo galabtii la akhristo

(حَسْبِـيَ اللّهُ لا إلهَ إلاّ هُوَ عَلَـيهِ تَوَكَّـلتُ وَهُوَ رَبُّ العَرْشِ العَظـيم . (سبع

Qofka dhaha totoba jeer ducadan,subaxdii iyo galabkii, ilaahay ayaa ka kaafinaya wax kasta oo murugo galiya aduun iyo aakharaba

Quruxda islaamka

14 Nov, 18:12


𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊 𝑷𝒓𝒐𝒎𝒐𝒕𝒊𝒐𝒏
━━━━━━━━━━━━━
🕋 𝗗𝗜𝗜𝗡𝗜 🕋
📖 @Diinteenna_Macaan
🌟 @Al_xakiim
@Quruxdaislaamka
🌼 @Hidaayatu_Rabi
🌸 @hogaan_Dumar
🌺 @Dhaqan_wanaag
💫 @TAMARSIINTARUUXDA
━━━━━━━━━━━━━━━
🏆 𝗗𝗛𝗜𝗜𝗥𝗜𝗚𝗜𝗟𝗜𝗡 & 𝗫𝗜𝗚𝗠𝗔𝗗𝗢 🏆
💡 @XikmadoSom
🏅 @Dhiiragaliye
📚 @AishaAhmed99
🧠 @QalbiDhaye143
📘 @kalimakariim
📝 @xaqiiqadanolosha
🔥 @Albaanichannel252
🌟 @Ruuxda
━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━
🌷 Jacaylka & Oraahyo 🌸
💬 @Dareen_side
❤️ @Hasancaashaq
💫 @Mohametahmed
🦋 @Noqoxiddig
🌟 @FAAIDOCHANEEL
🎨 @DunnidaSuugaanta
━━━━━━━━━━━━
🎓 AQOON & FASAALO 🎓
📖 @maanhage
🛠 @farsamada
🎓 @KobciAqoontaada2
🌟 @guuleyso11
━━━━━━━━━━━━
📚 BUUGAAG 📚
📚 @somalibooks
🏛 @Somalilibrary
📘 @kobciyebooks
━━━━━━━━
🌐 JOIN ALL CHANNELS
━━━━━━━━
💫 Ku Sali Nebiga SCW 💫
━━━━━━━━
📲 [Dareen Side]
Sponsored by
https://t.me/Dareen_side

Quruxda islaamka

14 Nov, 16:47


Ku sali Xabiibkeena mohamed scw

Quruxda islaamka

13 Nov, 21:47


Waa wax alle luugu mahadnaqo in dhamaan somaliland oo looga dareeray saaka doorasho hal qof iyo hal cod ah in si nabad ah kusoo dhamaatay gabi ahaanba
Alle inta hadhyna ha ku dhameyo nabad
Wallaalaha soomaliyeed ee kalena alle nabadaas ha siiyo aamiin

Quruxda islaamka

12 Nov, 18:20


Ninka kursiga doonayaa xaq kuguma laha dhiig ii daadi si aan kursiga ugu guulaysto laakiin waxa uu xaq kugu leeyey codka i sii.
Sh.mohamed omer dirir

Quruxda islaamka

10 Nov, 09:27


Kawaran hadaad soo qortid hal aayad iyo macnaheeda qof wallaalkaayina ku cimri qaato

Quruxda islaamka

09 Nov, 15:09


حَتَّى إِذَا مَا جَاءُ وهَا شَهِدَ عَلَيْهِمْ سَمْعُهُمْ وَأَبْصَرُهُمْ
وَجُلُودُهُم بِمَا كَانُوا يَعْمَلُونَ

waxaa ku marqaati furi doono dhagahooda indhahooda iyo jirkooda waxey sameyn jireen marka adduunka joogeen.

Quruxda islaamka

08 Nov, 22:11


Alle wuxu qur,ankiisa ku dhahay👆🗣️ولا تمش في الأرض مرحا إنك لن تخرق الأرض ولن تبلغ الجبال طولا
Carada dusheeda kibir ha ugu socon dhulkana ma jeexi kartid buurahana ma jebin kartid.

Quruxda islaamka

08 Nov, 09:39


Masjidkaad ku tukanaysay qudbadii maxaa lagaga hadlaayyna?

Aniga muslinimadu sida ay dadka u walaalaysay

Quruxda islaamka

06 Nov, 21:15


“Haddii uu Alle ku taabsiiyo dhib wax faydi kara oo aan isaga ahayni ma jirto.”

—Surah Yunus 107

Quruxda islaamka

04 Nov, 10:53


Rasuulka (SCW) wuxuu yiri
Ka faaiideyso shan inteysan shan kale kugu imaan.
1, Dhalinyaranimadaada inta aadan gaboobin
2, Caafimaadkaaga intaadan xanuunsan
3, Hodantinimadaada intaadan faqiirin
4, Firaaqadaada intaadan mashquulin
5, Noloshaada intaadan geeriyoon.

Quruxda islaamka

03 Nov, 18:49


Nin ayaa waxaa wareeriyey Shiydaan, wuxuu markasta ku qalqaaliya inu dambi galo, haddana isagoo maskaxda kaga furaaya shuus iyo buuq ayuu ka hor istaaga inu Rabigiis markasta oo u qaldamo Tobad keeno oo wuxuu ku yiraahda: War heedhe miyaadan xishooneyn oo rabigaa ka cabsaneyn, shalay ayey ahayed markaad dambigaan oo kale ka Toobad keeneysay, maantana waad ku noqotay, ma Rabigaaga ayaad ku dheel-dheleysa.


Ninkii ayaa u yimid Nabiga SCW waxaa u ku yiri Rasuul Allow waxaa ii wareeriyey Sheydaan, oo waan dambaaba xaga toobadana Was-waas baan ku qaba.

Rasuulki baa yiri: Toobad Keen .. Ninki Baa Yiri: Rasuul Allow danbigi ayaan sameynaya mar kale

Rasuulka SCW ayaa yiri:  Toobad keen haddana .. Ninki ayaa yiri: Rasuul Allow ilaa gorma?

Rasuulka SCW ayaa yiri: ilaa u Sheydaanka iska dhiibo oo aad guuleysato.


Walaal ilaahay waa ogyahay inaad tahay insaan daciif ah oo mar walba Dambi dabaalanaaya , sidaa darteed ayuu wuxuu kuu furay albaabada Tobada waqti walba ee yaanu Sheydaanku kaa hor istaagin inaad Rabigaaga danbi dhaaf waydiisatid mar walboo qalad kaa dhaco.

Walaal hadaad dooneyso in lagu kordhiyo Maal, Caruur Iyo Barwaaqo, amase laga nabadgaliyo Balaayooyin iyo halaag waa inaad markasta Toobad-keenka badisa

#Astaqfulaah

Quruxda islaamka

02 Nov, 22:42


Dadka reer miyyiga ah iyo xataa dad badan oo reer magaal ah waxay ku dhaartaan kalimad khatar ah oo ay ku gaaloobaan. Malaha macnaha kalimadda ayaanay aqoon?

“Kufirto billaahi” ayay yidhaahdaan, markay xanaaqaan amma hanjabayaan/murmayaan oo macnaheedu yahay “waxaan daffiray ilaahay” “waxaan ka gaaloobay ilaahay”

Waa kalimad halis ah - dadka halloo sheego oo hallaga wacyi geliyo.

Caqli ayuu ilaahay bini’aadamka siiyay, markaa ilaahay kaa yeeli maayo maan garanayn macnaheeda - su’aasha ilaahay ku waydiin doono waxay noqonaysaa - sideed isaga tidhaa wax aanad macnaheeda garanayn, adigoo miyirkaaga iyo maankaaga qaba?

Hadalku la fududaa, balse culusaa kalimaddu!

~kahn

Quruxda islaamka

01 Nov, 19:38


Yaa rabi khayer noogu dhamee bishan
Kuwii qabiil ka korana naga yeel

Quruxda islaamka

01 Nov, 18:17


Mar walba doorashadu waa dhankaaga

Quruxda islaamka

30 Oct, 23:28


Saq-dhexe wanaagsan.

Inaad salaadda subax daqiiqado kahor ugu yaraan kacdaa waxa kuu sahlaysaa:
1. Rakcado kooban inaad tukato oo aad ku biirto bahda habeenkii saacadaha danbe tukada, waana salaadda lagu sheegay sharafta qofka Mu’minka ah.
2. Inaad haleesho waqtigii danbi dhaafka ee Ilaahay soo degayay ee Istiqfaartana gaarka u ahaa.
3. Inaad tukato hal rakcad oo witir ah oo haddaad salaatu layl ka gaadhi waydo kuu dhammaystira ajarka.
4. Inaad tukato labada rakcadood ee salaadda ka horreeya oo u dhigma adduunka iyo waxa dhexyaalla oo dhan.
5. Inaad salaaddii subax jamac ku tukato oo aad ka mid noqoto inta magant Ilaahay ku jirta ee aan cidina waxyeeli karin.
6. Inaad akhrido salaadda subax kaddib adkaartii subaxa oo aad gasho dhufays adag.
……. Ku sii dara dee

Intaas oo dhan waa 10-15 daqiiqo oo salaadda kahor iyo kaddib ah. Miyaanay guul adduun iyo aakhiro ahayn?
Intiinna soo jeeddaa gaar ayaad u salaaman tihiin😂

~xamse cumar kujoog

Quruxda islaamka

30 Oct, 09:58


Haddii Xanuun Jidhkaaga kuyimaado Meesha aad kacabanayso ayaad Gacanta saaraysaa,Dabeeto 3jeer ayaad odhanaysaa Bismillaah,intaa kaddib Ducadan ayaad isku Akhriyaysaa 7 jeer
أعوذ بعزة الله وقدرته من شر ما أجد وأحاذر
Dar-daarankan wuxu Rasuulku Siiyey Csw Saxaabi Xanuun ka Cawday.

~ibnu qudaama

Quruxda islaamka

30 Oct, 03:45


وَأَوْفُوا بِالْعَهْدِ إِنَّ الْعَهْدَ كَانَ مَسْئُولًا
Alle wuxuu yiri oofiya balnta maxa yelay balnku wuxuu ahaday mid lais weydini doono ✅️✅️✅️

Quruxda islaamka

29 Oct, 03:39


Nabigu S.C.W wuxuu yidhi: "Hadalkaba ilahay wuxuu ugu jecelyahy adoonku inoo yidhaahdo: (SUBXAANALLAAHI WA BIXAMDIHI)"

قال ﷺ : " إِنَّ أَحَبَّ الْكَلَامِ إِلَى اللَّهِ أَنْ يَقُولَ الْعَبْدُ : سُبْحَانَ اللَّهِ وَبِحَمْدِهِ ".

Quruxda islaamka

27 Oct, 15:26


Indhaha caalamku waa ay iska qarinayaan laakiin allaah subxaana watacalaa waa la socdaa

Quruxda islaamka

26 Oct, 16:24


Qayb-Kamid ah Axkaamta Dilka Kaska ah.

Ciddii Wax laga Diley waxay Dhaxlayaasha Shareecadu ubannaysay in ay Qisaastaan Waayo waxa Kujira Nolosha Bani'aadamka Siduu ALLE SWT Qur'aanka inoogu Sheegay ,sidoo kale waxa Ubannaan in ay Mag Qaataan ama iska cafiyaanba.

Hadaba Haddii Dhaxlayaasha Qof kamid ah oo Caqliyan iyo Da'ahaanba Dhamaystirani uu Qisaastii Kacafiyo Qaatilkii sidaasay Qisaastii kaga wada dhacaysaa Magbaana imanaysa.

Magta Dilkan waxa laga Rabaa kii Wax-diley Reerka inta Kalena waxoodu waa Caawin uun,waana Deg-Deg,waxa Geelaana Loo Qaybinayaa 3 Meelood 40 halaad oo 5 sano jir ah,(Riman)30 Afar Jirro ah,30 Saddex Jirro ah.

Qoyska wax laga Dilay waxa loo ogolyahay Mag Dheeraad ah in ay Qabsan-karaan

Magta lasoo ururiyo marka Laga Jaro wixii Kharash baxay intii Hawsha Ururinta Lawaday uma bannaana Cid aan ahayn Dhaxlayaashu In ay wax ka cunaan,Caaqilka iyo Suldaanka Qaataana wuxu Cunay Xoolo Agoomeed Naarbaanu Calooshiisa Galiyey.

Quruxda islaamka

26 Oct, 03:34


Alxamdulilaah dheh hadii ay labaduba kuu noolyihiin waa hooyo iyo aabee,
Hadii ay dhinteena alle qabriga ha u waasiciyo, janatul fardowsana ha ka yeelo

Quruxda islaamka

25 Oct, 19:58


Maxaad kugu soo dhacay markaad aragty sawirka?

Quruxda islaamka

24 Oct, 16:29


Ku sali Xabiibkeena mohamed scw

Quruxda islaamka

23 Oct, 10:03


Wasaarada caafimaadka ee Gazza ayaa tiri: waxaan ka codanaynaa dawladaha aduunka in ay noo keenaan kaliya xarfan (kafan) si aan ugu aasano shuhadadeena.

Maadaama ay awoodi waayeen baajinta dhiigeena qubmaya, ilaalinta dadkeena dabar goynta lagu wado, ama ay noo awoodi waayeen Dawo, Cunto xitaa haba ugu sii yaraatee waxay awoodi waayeen in aan helno irid loo baxo oo gabbaad looga dhigto xasuuqa aan kala joogsiga lahayn.

Quruxda islaamka

22 Oct, 13:06


Salaadu waxa ay Hagaajisaa Qofka Naftiisa, Adduunyadiisa, Iyo Aakhiradiisa.💯✨️

Quruxda islaamka

22 Oct, 03:41


Ibnu Rajab رحمه الله wuxuu yidhi:

*‎إذا لم تستطع أن تنافس الصالحين في* *أعمالهم ، و فنافس المذنبين*

*"Haddii aadan awoodin inaad salixiinta  kula tartanto camalka wanaagsan, kula tartan toobad keenka adigoo u ordaaya cafiska.”💕*

‎أستغفر الله العظيم وأتوبُ إليه

Quruxda islaamka

21 Oct, 14:03


Sida ay warinayaa al jaziira iyo Channelo ay leeday yuhuuda ka dagalamaysa Qaza waxa ay bilaabeen ciidamada Israel in ay gabood ama difaac ka dhigtaan dadka rayidka ah oo ay iskaga dhigaan xabada iyo dhaman hubka ay kuso ridaayaan halgamayaasha xamaas

Yaa rabi jabi cadowga xamaas iyo dhaman muslimiintaba 🤲🤲

Quruxda islaamka

21 Oct, 03:49


قال صلى الله عليه وسلم :' إذا عاد الرجل أخاه المسلم مشى في خرافة الجنة حتى يجلس فإذا جلس غمرته الرحمة ، فإن كان غدوة صلى عليه سبعون ألف ملك حتى يمسي ، وإن كان مساء صلى عليه سبعون ألف ملك حتى يصبح

Wuxuu yiri rasuulku s.c.w: {Haddii uu booqdo ninku walaalkiisa muslinka ah, wuxuu ku sugnaanayaa intuu sii socdo mira gurashada jannada illaa uu ka fariisto, haddii uu fariisto, waxaa daboolaysa naxariis, haddii aytahay subaxna waxaa ku saliyaya todobaatan malag illaa uu ka galabaysto, haddii aytahay galabna waxaa ku saliyaya todobaatan malag illaa uu ka waabariisto}

Subaaxal khayr

Quruxda islaamka

20 Oct, 18:45


Sadax Ka mid ah Camalka Dadka Miizaanka Qiyaamaha Ma qaadi karo Weynikooda darteed.

1-Dadka Oo leyska Cafiyo: "Lama Soo Koobi karo Ajarka laga helo is cafinta ; Allah Wuxuu yiri.
[فمن عفا واصلح فأجره علي الله].

2-Sabarka badan: "isna lama soo koobi karo ajarka laga helo Sabarka , Rabbi Wuxuu yiri
[انما يوفي الصابرون اجرهم بغير حساب].

3 -Soonka badan: "isagane lama soo koobi karo ajarka laga helo Soonka .
allah ayaa xadiisul qudsi ku yiri:

[كل عمل ابنءادم له الاالصوم فانه لي وانا اجزي به ].

"Banko Carafo Waxaa la oranayaa
"Aaway kuwii ajarka allaah ku laahay .?
Waxaa soo bixi doono Kuwii soonka badnaa , Sabarka badnaa, Cafiska badnaa.

🌿 *Allow naga dhigo Kuwa maalintaa loo yeeri doono*

Quruxda islaamka

20 Oct, 04:03


Markaad Xanaaqdo Waxaad Doonta Jajabi Balse Ka Fogoow Inaad Jajabiso Ruux Bani aadam Ah Dareenkiisa ,Ereyada Qofka Xanaaqsan Aad Ayey U Adagyihiin

Walalayal Mar Waliba Si Degan Aan U Dhaqano.
~safia

Quruxda islaamka

18 Oct, 16:22


Xamaas ayaa shaacisay in uu shahiiday hogaamiyihii Yahya Sinwar

Alle ha u naxariisto 🤲🤲

Quruxda islaamka

18 Oct, 10:04


Fadliga Jimcaha Awgii Aan Badino Saliga Xabiibkeena Muxammed ﷺ🕌📿

Quruxda islaamka

17 Oct, 15:30


JUST IN: 🇵🇸🇮🇱 Hamas leader Yahya Sinwar killed by Israeli airstrike in central Gaza.



DEG DEG: 🇵🇸🇮🇱 Hogaamiyihii Xamaas Yahya Sinwar ayaa lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha Israel ka geysteen bartamaha Gaza. @BRICSNews

Sida ay qorayaan warbahinta yuhuudu lakiin wax wara weli kamay soo saarin xamaas.

Quruxda islaamka

17 Oct, 13:07


"Kacab wuxu yidhi: Qofkii geerida garta(xasuusnaada) masiibooyinka(dhibaatooyinka) aduunku way u fududaadaan. 😔

U-Fiirso 🫵

Quruxda islaamka

16 Oct, 20:44


Waa sidee caqliyadda dhalinyarada Soomaaliyda ee qarnigan 21aad nool?
Qaab sidee ah ayey u fikiraan? Waa maxay maanhagahooda ay ku halbeegaan wax kasta?

Weydiimahani waxay bud-dhig u yihiin dood muhiim ah oo ka qabsoomi doonta telegram-ka

Goobta: kanaalka Dareenbulsho
Goorta: habeenimada Axadu soo galayso 9:00 xiliga Geeska Afrika

Quruxda islaamka

15 Oct, 08:44


Ads 🔺✖️ ka warhay 500,000+ Soomaali oo ku jira Telegram!

Star Tech waa shabakad hormuud u ah Midowga Telegramers-ka Soomaaliyeed oo ka kooban in ka badan 30+ channels oo ay ku xiran yihiin dad ka badan 500,000 oo Soomaali ah.

📢 Tani waa tiro sax ah oo hubo oo la isku halayn karo 100% 

ADDEEGYADA STAR TECH

➡️Xayaysiis digital oo beegsanaya Tirada Dadka somaliyeed ee aad u baahantahay.

➡️  Samaynta, qaabaynta iyo nashqadaynta sawiradda iyo muuqaalada xayeysiiska.

➡️Hal-abuur iyo xirfado ku suurtagelunaya inaad Ganacsigaaga ka dhigto hela macaamiil dhab ah.


Maxaad sugaysaa?

Ku xayaysii ganacsigaaga Star Tech oo hel macaamiil iyo subscribe xadi badan muddo kooban Gudaheed.! 1️⃣ 👍

📞 Nala soo xiriir maanta si aad u bilowdo!

HALKAN TAABO

Quruxda islaamka

15 Oct, 03:42


🌸 Hadal qiimo badan:

Ibnu Qayim IHN wuxuu yiri : Rabiic Ibnu Anas ayaa yiri:
Calaamadaha lagu garto inuu Alle ku jecel yahay waxa kamida ,  inaad xuskiisa badiso , maxaa yeelay ? shay walbo oo aad jeclaato xuskiisa ayaad badisaa .

قال_ابن_القيم  - رحمه الله -

‏قال الربيع بن أنس :
علامة حب الله : كثرة ذكره .
فإنك لا تحب شيئا إلا أكثرت من ذكره .

📚 مدارج السالكين [١٦٣/٢]

Quruxda islaamka

14 Oct, 15:31


Ducada walwalka iyo walbahaarka


اللّهُـمَّ إِنِّي أَعْوذُ بِكَ مِنَ الهَـمِّ وَ الْحُـزْنِ، والعًجْـزِ والكَسَلِ والبُخْـلِ والجُـبْنِ، وضَلْـعِ الـدَّيْنِ وغَلَبَـةِ الرِّجال

Allahumma innii acuudu bika minalhammi wal xuzni, walcajzi walkasali, wal-bukhli wal-jubni wa dalciddayni wa qalabatirrijaali

Allow waxaan kaa magan galayaa walwal iyo walbahaar, caajisnimo iyo culays, bakhaylnimo iyo fulaynimo, iyo kulug lahaansho dayn iyo raynta raga

Quruxda islaamka

14 Oct, 04:45


14 October 2017 maantoo akle ayey ku beeganty qaraxii ka dhacay zoobe

Alle dadkii ku dhintay janatul fardowsa ha ku arsaaqo

Quruxda islaamka

13 Oct, 21:02


Weerar ka mid noqonaya weerarradii ugu dhimashada iyo dhaawaca badnaa ee gudaha Israa’iil ay ka geystaan Xisbullah ayaa waxyar ka hor caawa ka dhacay koonfurta magaalada Haifa , kaddib markii diyaarad aan duuliyaha lahayn oo ay soo direen Xisbullah ay ku qaraxday deegaanka Biniyamina oo ka tirsan Haifa, halkaa oo 3 qof ay ku geeriyoodeen 39 kalena oo 9 ka mid ah ay dhaawacyo culus soo gaareen ay ku dhaawacmeen, sida laga soo xigtay raadiyaha ciidanka Israa’iil.
Mana ay helin wax digniin ah.

Quruxda islaamka

13 Oct, 02:37


Alxamdulilaah

Quruxda islaamka

12 Oct, 22:30


Maxay tahay sababta ay u taageeri waayeen dawladaha carabtu walalahooda xamaas iyo xisbulah ee la dagaalamaya Israel?


Sababaha ay qaar ka mid ah dowladaha Carabta ugu muujiyeen taageero yar ama dhexdhexaadnimo dagaalka u dhexeeya Xamaas iyo Israel waa kuwo dhowr dhinac ah. Waxay ku xirantahay arrimo siyaasadeed, istiraatiijiyad amni, dano dhaqaale, iyo xiriirka ay dowladahani la leeyihiin dalalka reer Galbeedka. Waxaa jira dhowr sabab oo muhiim ah:

1. Isbeddelka Xiriirka Carabta iyo Israel
2. Kala Qaybsanaanta Siyaasadeed ee Carabta
3. Saameynta Siyaasadda Mareykanka iyo Reer Galbeedka
4. Argagixiso Loogu Eego Xamaas iyo Xisbullah
5. Cabsi Amni iyo Qas Ka Dhasha Dagaalka

Sidaa darteed, arrimahan oo dhan waxay muujinayaan in siyaasadda dowladaha Carabta aysan ku saleysnayn oo kaliya xamaasad diimeed ama mid qabiil, balse ay tahay isku-dar dano istiraatiiji ah, xiriir diblomaasiyadeed, iyo ilaalinta xasilloonida gobolka.

Quruxda islaamka

12 Oct, 15:35


Shuruudaha xijaabka waa kuwo muhiim ah oo gabar kasta oo Muslimad ah laga doonayo inay dhowrto si ay uga asturnaan karto sida diinteena Islaamka na farayso. Sideedaan (8) arrimood waa in xijaabka lagu tixgeliyo:

1. In uu qariyo jirka oo dhan.
2. In uu ka samaysan yahay maro adag oo aan muujin waxa ka hooseeya.
3. In uu noqdo mid weyn oo aan cariiri ahayn.
4. In aanu indhaha raga soo jiidan karin midabka ama quruxda gaar ah.
5. In uusan u ekaanin dharka ragga.
6. In uusan u ekaanin dharka gaalada.
7. In aanu sawir iyo farshaxan aan habboonayn dusha ku lahayn.
8. Gabdhaha isticmaala baraha bulshada waa inay ka fogaadaan sawirada qaawan ama aan diinta waafaqsanayn.

Illaahay ka cabsada, oo astura jirkiina, oo wajahda naarta!
~baabu rahma

Quruxda islaamka

12 Oct, 04:31


Ka warran Xamaas haddii ay heysan lahayd Bayraktar TB2? Dhab ahaantii Xamaas iyo dhaqdhaqaaqyada taageerraya waxay awoodeen inay dunidda ku hor ceebeeyaan Israa’iil , sababtoo ah nidaamka difaaca Israa’iil ma aha mid dammaanad leh.



Muuqaalkan waa mid ka mid ah diyaaradaha lagu weerarray waxyar ka hor Tel Aviv oo masaafo dhow ku duulaya gudaha Tel Aviv, taa oo ka dhigan isla waqtigaa haddii ay dhisme ku aadi lahayd diyaaradan waxaan arki lahayn qaraxa! Fadeexada nidaamyada difaaca Israa’iil uu la kulmayo, wuxuu dhaliyay boqollaal kun oo Israa’iiliyiin inay go’aansadaan inay ka guraan Israa’iil oo aysan dib dambe ugu soo laaban, sababtoo ah waqti walba waxay khatar ugu jiraan inay la kulmaan weerar ay ku dhiman karaan
Alle ha madhiyee.

Quruxda islaamka

11 Oct, 19:32


Shalay ilaa doraad, gobolka Florida ee Maraykanka waxaa saameyn xooggan ku yeeshay Duufaanta Milton oo ku dhufatay xeebaha galbeedka ee gobolka. Duufaantu waxay la timid dabeylo xoog leh oo gaaraya in ka badan 100 mph iyo roobab xoogan, taasoo sababtay daadad iyo burbur weyn. Ugu yaraan toban qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, iyo malaayiin dad ah oo ku nool gobolka ayaa koronto la'aan noqday. Dukaamo badan iyo adeegyo muhiim ah ayaa la xiray iyadoo dad badan laga daadgureeyay guryahooda si looga badbaado khasaaraha ka dhalan kara duufaanta

Illaahy waxba kama qarsoona subxana watacaalaa

Xiisada iyo faragalinta uu ka wado bariga dhexe alle waxa uu ugu bedely ciqaabtaa aduun