" Sidee xariirrada u guulaystaan?, (كيف تنجح العلاقات) "
Muuqaal podcast ah kan ugu daawashada badan, waxaa la daawaday 133 million jeer wax ka badan, wuxuu ka hadlayaa xariirrada sida ay u guulaystaan, si faahfaahsan buu uga hadlayaa Sh Yaasir Al Xuzaymi, muuqaalku wuxuu soconayaa saddax saacadood! Saddex saacadood muuqaal ah in la daawado 133m jeer wax ka badan faa,iidadiisa waa dareemi kartaa, muuqaalkaa baa halkaan kuugu soo koobayaa inshaa allaah.
Bismillaah..
" ma jiro xariir aan dano/baahi ku dhisnayn, xataa xariirka aad Alle swt kaala dhaxeeyo baahi buu ku dhisanyahay kama maarantid Alle swt, lkn Alle swt makhluuqiisa uma baahna ee iyaga ayaa u baahan ".
" Xariirrada marka aad samanayso laazim waa inaad wadataa seef iyo galkeeda iyo gaashaan ". Seeftaa waxaad u adeegsanaysaa qofka mudan in loo adeegsado si uusan kuugu soo xadgudbin, qofka aan mudnayn in loo adeegsado galka ayaad ka gashanaysaa!
" اركان العلاقات "
1: Xariirka aad laleedahay Ilaah: insaanku waxaa ku beeran fidra ah rumaynta Ilaah iyo baahida uu u qabo Ilaah, laakiin waa Ilaahee?!, halkaan ayaa lagu kala duwanyahay, sidaa darteed Rususha waxaa loo soo diray inay na baraan Ilaaha swt mudan in la caabudo, kaligii la caabudo. Ilaaha ay dadka qaar caabudaan wuxuu noqon karaa isla hawdooda inay caabudaan...
{... أَرَأَيْتَ مَنِ اتَّخَذَ إِلَٰهَهُ هَوَاهُ ...}
Xariirka Alle swt wuxuu ku taaganyahay saddex arrin, "warkiisa inaad rumayso, waxa Rabbi Swt kuu qoray inaad ku raalli noqoto, amarkiisa inaad raacdo ".
2: Xariirka naftaada aad laleedahay: waa inaad qadariso ixtiraamto, nabiga scw wuxuu yiri " qofka muslimka ahi yuusan dullayn naftiisa...." sidee buu dullaynaa?, yacnii inaa dusha aad saarato shay kaa wayn aadan xamili karin culayskiisa ". Dharka aad xiranayso, waxa aad aqrinayso, magacaada, naanaystaada, waxay ka tarjumayaan xariirka naftaada. Caaqilka waa qofka lasoo baxaa jawharka!
Dadku saddex qaanad bay kuugu kala jiraan, qof ku garab taagan ku kaalmaynaya( waa sayidkaaga qofkaa), qof aad adigu garab taagantahay( sayidkiisa baa tahay), qof aan kuu baahnayn (waa simantihiin qofkaas).
Xariirradu waxay ku taaganyihiin hab-dhaqan wanaagsan, kala faa,iidaysi sidaa darteed " Mar kaste oo ay xirfadahaagu bataan waa mar kaste dadka baahida ay kuu qabaan badato, waxaana siyaado inaad ka maaranto dadka. Mar kasto ay ku hayso xirfad-yari waa mar kaste ay badato baahida dadka aad u qabto, waxaana siyaado in dadku kaa maarmaan! ".
Si guud xariirradu waa 3 qayb. Nabiga scw: " Alle swt ka baq meel kaste aad joogto(Xariirka Alle swt laleedahay), xumaanta marka ay kaa dhacdo wanaag raaci, wanaagga ayaa tirtiraya xumaanta(Xariirka naftaada laleedahay), dadka kula dhaqan dabeecad wanaagsan( xariirka dadka aad laleedahay)".
Jacaylka Naftaada:
Sidee ku garanaysaa inaad naftaada jeceshahay? 1: garashada xuduudkaaga iyo inaa tahay qof nuqsaani ku jirto waxay ku tusinee inaa naftaada jeceshahay, dhammaytirnaan Alle swt bay u sugnaatay. 2: Waa inaadan ka xishoon waxyaabaha caadiga ah aad leedahay, sida qaabka u muuqato, timahaaga, bidaarta aad leedahay, waxa aad haysato, waa dullinimo inaad soo xirato maro kugu dhegan adigoo is leh dadka haku qancaan soo jiido waxa aad xirantahay lkn, adiga culays ku dareemayso... 3: inaad hal waji lahaato, markii baraha bulshada la joogo inaad muujiso dabeecad wanaagsan inaad leedahay, lkn waaqaca aad tahay qof dabeecad xun dhaqan aan lahayn, tusaale: marka qoyskaaga aad dhax joogto inaad dabeecad xun tahay! Nabiga scw " dadka sharta ahi waa kuwa labada waji leh, kuwaan waji ugu imaan, kuwa kalane waji kale ugu imaan", kooxdaan waji ula tagayaa, qolada kalane waji kale ayuu ula tagayaa!
Qaybaha xariirrada:
1: Xariir ku dhisan si nabdoon wanaagsan, in labada qofood isku xadgudbin, wixii waajibaad la isku leeyahay la guto, la isku naseexeeyo, waa xariir wanaagsan xariirkaa.
2: Xariir jirran oo ku dhisan canaan, qaylo buuq, qofka uusan ilaalinayn qofka kale xuquuqdiisa.
3: Xariir ku dhisan in qofka qofka kale ka dalbo arrin uusan awoodin, isagoo wiliba aan xuquuqdiisa siinayn, xariir danaysi ah.