Xikmado Soomaali ™ @xikmadosomali Channel on Telegram

Xikmado Soomaali

@xikmadosomali


Kusoo dhawaw XikmadoSomali waxaad ka heli doontaan Buugaag dhegeysi ah oo Somali ah & kowo lasoo koobay oo live loo sharaxaayo,Buugaag Qormooyin،wacyi gelin

Xikmado Soomaali ™ (Somali)

Xikmado Soomaali ™ waa qaybsigii ugu horeeyay ee Telegramka ee ku saabsan buugaag dhex-dhexaad ah oo ku jira dhegeysiga Soomaalida. Kanalkan waxaa loogu talagalay dadka Soomaalida ah inay ka heli doonaan warbixin dhegeysan oo ku saabsan buugaag, kowo iyo qormooyin aad u fara badan. Xikmado Soomaali waxaa lagu bixiyay si live ah, taas oo si gaar ah u sahlaya in dadka u fahmaan muhiimadda iyo waxqabadka buugaagga Soomaalida. Sidaas darteed, halkan waxaa laga heli karaa kooxdaas dadaalaha ugu fiican ee inoo soo gudbinaya macluumaadka iyo fikradooyinka ugu dambeeya ee ku saabsan buugaagga Soomaalida. Haddii aad jeclaan lahayd inaad ka heli doonto buugaag dhex-dhexaad ah oo dhan, ka soo jeedo Xikmado Soomaali ™ oo ku yaala Telegram si aad u hesho taariikh, dhaqan iyo daryeel Soomaaliyeed.

Xikmado Soomaali

28 Dec, 17:02


Xoollo iyo risiq dhanba Ilaahay SWT ayaa bixiyo.
Qofna xoollihiisa ha dhicin, haka siran, haka qiyaamin, haka xadin, oo xoollo dadeed haba damcin, ilmo 2 sano jir ah xataa ha lahaadee.
Wixii xoollo & risiq raadin ah Alle ka bari, waddo toosanna ku raadi. Waxbadan haddii aad heshid waa mahad Alle, waxyar haddii aad heshidna in yar oo barakeysan ayay dhabtii kuu ahaanaysaa.
Niyadda qani ka noqo.
Rabbi ayaana Rasaaq ahee, Rabbigaaga un wax waydiiso.
Maalin wanaagsan 😊

Xikmado Soomaali

18 Dec, 19:51


Waxaa la sheegaa in nin yahuudi ah uu soo maray tuulo ay degenyihiin dad muslimiin ah wuxuuna go'aansaday in uu diinkooda ka shakisiiyo ,inta uusan tuulada gelin ayuu arkay nin xoolo dhaqato ah oo muslim ah ,deedna ninkii yahuudiga ahaa oo muslim iska dhigaya ayaa ku yiri ninkii muslimka xoola dhaqatada ahaa "ka muslimiin ahaan xifdinta qur'aanka dhib ayey nagu tahay sababtoo ah wuxuu ka koobanyahay 30 jus,waxaa ku jira aayado iskuwada eg ee kawaran hadii aan aayadahaas isku eg aan hal xabo kasoo reebno inta kalana aan iska tuurno"

Ninkii xoola dhaqatada muslimka ahaa ayaa yiri hadalkaadu waa qurxoonyahay balse su'aal ayaan kuwaydiinayaa , adiga jirkaada soo malahn waxyaabo isku eg sida:laba indhood,laba lugood,laba gacmood,laba dhagood , maxaad isaga goyn weysay kuwaas Laba labada ah maxaa yeelay hal xabaa kugu filan

Ninkii yahuudiga ahaa islamarkiiba alaabtiisa ayuu gurtay wuxuuna yiri hadii kii reer miyiga ahaa sidaan yahay culimada iyo dadka magaalada joogo waxaba kama qaban karo wuuna iska noqday isagoo dulaysan oo niyad jabsan.

Ujeedku waxaa weeye in qofka meel walba uu joogo uu wax ka barto diintiisa si aan looga fidneyn ama aan shaki looga gelin,inaad magaalo joogto oo wax walba ay sahlanyihiin barashadooda hadana inaad jaahil ka ahaato diintaada waa dhibaato.
Mahadsanid dhamaantiinba akhristeyaaal.

Xikmado Soomaali

16 Dec, 11:27


Gabadhiisa ayuu raacay kadib sanad
▫️Shiikh Khaalid waa mid kamid ah wajiyada ugu caansan gumaadka qaza kadib muuqaalkii hore asagoo xabadka galinaayo gabadhiisii yarayd oo cadowgu dilay kalmadiisi caanka ahayd Ruux Arruux saacadihii la soo dhaafay ayuu kamid noqday dadka gumaadka foosha xun ku baxay .

Xikmado Soomaali

10 Dec, 05:47


Marka Aad dhimato Waxaa La Wariyay in Ruuxdaada ay Ku sii baaqi ahaan doonto Jirkaaga dhinaciisa, Sida Barkintada hoosteeda iyo Sariirta hareeraheeda Waa goormee .?

Waa Marka Lagu dhaqayo iyo Marka Lagu karfanayo Labadaba.

Marka Lagu soo duugo Ruuxdaada Waxeey Dib Ugu Soo Laabaneysaa Jirkaaga Kadib Marka Qabriga Lagu soo dhex jiifiyo lagana soo tago

Marka Lagaa Soo Laabto Kadib Waad Soo Tooseeysaa Sida Qof Hurdo Ka Soo Kacay Camal Waxaa La Sheegaa in Aad Sadex Mar Oo isku Xig Xigto Aad isku dayidoontid inaad soo fadhiisato Qabriga dhexdiisa.

Kadib Waxaad Arkeysa Mugdiga Ka jiro godka qabriga dhexdiisa , Lkn Mar Walba Oo Aad damacdo inaad madaxa Kor U soo qaado Darbiga Qabiga ayaad Madax Ku dir dirsaneysa .

Marka Aad Aragto Xaaladaada in aysan Caadi ahayn ayaad Rumeysan doontaa inaad ka mid tahay Ehlu-meytka Asxaabul Qabuurka Meesha Ku Cusub Caawa.

Wax yar Kadib Waxaa Kuu imaan doona Labadii Malag Ee kala ah Munkar iyo Nakiir Kuwaa Oo Loo Wakiishay Kaliya In ay Qabriga dadka Ku su"aalaan Sadex Su"aalood.

Waxa ay Ku Weeydiin doonaan Ma aha Baasaboorkaa dhalashadada Ama Lacag iyo Maal , Ee Kaliya Waxa ay Ku Waydiin doonaan Xagga Rabbigaa Diintaada Rasuulkaaga csw.

Labo Mid ayaad Noqon Mid ka Jawaaba Oo liibaana Ama Mid Ku dhaca Oo khasaara allow namooti😢

Kadib Waxaa Laguu Wadayaa Goob lagu magacaabo Xayaatu-barzaq Waxeey leedahay goobtaa labo albaab Mid Waxa Uu Ku sii jeedaa janada
Mid ka Kale isagane Waxaa Uu Ku Sii jeedaa Xaga jahanamo Halkaas ayaad Ku sugi doontaa Xisaabta iyo isa Soo bixinta Qiyaamaha.

Markaa kadib Labo Meel mid ayaad Aadi janno Ama Naar Allah Naga badbaadiyee.

Sidokale Maalmaha Qaar Waxaa ku soo booqan doona qaar Ka Mid ah qaraabadada iyo Asxaabtaada .

Waxaa la Wariyaa in Uu Malag Kuu imaan doona Kuguna Wargelin doona in Qof Ehelkaaga ah Ku soo Salaamay Waxaa Uu kugu Oranayaa, Waxaa Kuu imaaday Wiikaaga ama Hooyada Ama Gabadhaada Ama Xaaskaaga.

Ruuxdaada Way Ka Soo baxeysaa godka Qabriga Waxeey soo Koreysaa buurka Sare Ee Carada Qabriga , Waxeey rabtaa in ay dhageeysato Waxa Uu dhihi doona qofka imaaday Ee Soo Booqdaha ah.

FG: Waxaan jecleystay inaan Nafteeyda iyo Naftaada geerida Xasuusiyo si Aan Uga towbad keeno Dambiyada aan galeyno Walaal mcn.

-Dhamaanteen Allah Noo dambi dhaafo
- Khaatumada Allah Noo hagaajiyo Aamiin dhaha.

Xikmado Soomaali

09 Dec, 17:56


𝗫𝗜𝗞𝗠𝗔𝗗𝗔𝗛𝗔 𝗠𝗔𝗔𝗡𝗧𝗔 ❤️


"لا تحلم بالنجاح فقط، بل اعمل بجد لتحقيقه." 𒊹︎︎︎
Ha ku riyoonin guusha oo kaliya, balse si adag ugu shaqee si aad u gaarto.

𒊹︎︎︎ "الحب هو أن ترى السعادة في عيون من تحب."
Jacaylku waa inaad aragto farxad ku dheehan indhaha qofka aad jeceshahay.

𒊹︎︎︎"لا تيأس، فكل بداية صعبة."
Ha niyad jabin, bilowga walba wuu adag yahay.


𒊹︎︎︎"الأحلام لا تتحقق بالكلام، بل بالعمل."
Riyooyinku ma rumoobaan hadal kaliya, laakiin waxay ku rumoobaan shaqo adag.

𒊹︎︎︎"لا تدع الماضي يسرق مستقبلك."
Ha u oggolaanin waayihii tagay inuu ka xado mustaqbalkaaga


𒊹︎︎︎"الأمل هو الحلم الذي يبقى مستيقظًا."
Rajadu waa riyada had iyo jeer soo jeedda.


𒊹︎︎︎"لا تخف من الفشل، فهو معلمك الأول."
Ha ka baqin guuldarrada, maxaa yeelay waa macallinkaaga ugu horreeya.

𒊹︎︎︎"الصبر هو مفتاح الفرج."
Samirka waa furaha dhibka lagaga baxo.

𒊹︎︎︎ "لا تنظر إلى الوراء، فأنت لست متجهًا إلى هناك."
Ha eegin gadaasha, maxaa yeelay halkaas ma u socotid


" Haddii aad u baahan tahay xikmado intaas ka sii badan, i Nagu Tageer ❤️🥳
𝗟𝗢𝗩𝗘  😆

Xikmado Soomaali

06 Dec, 18:03


Mar waliba fiiri Waxaad haysato!!

Waayitaanka shaqada ayaanu ku ogaanaa qiimaha shaqada⛹️

Waayitaanka saaxibka ayaan ku ogaahaynaa qiimaha saaxibka 😍

Dhimashada ubadkeenna mid kood ayaan ku fahmaynaa daryeelka kuwa kle ❤️😍😍
Allah umahad celi Waxaad haysato 🤲🤲

Xikmado Soomaali

05 Dec, 15:49


☀️Dadka wanagga utilmaam xitaa hadii aadan ku dhaqmin!
Axmed bin xambal ayaa dhihi jiray" allow unaxariiso🤲  Abul haysam".
Wiilkiisii cabdullahi ayaa waydiiyay waa kuma Abul haysam?🤷
Waxuu yiri"waa nin aanan garanaynin balse markaan xiranaa ayuu qolka mugdiga ah inta uu soo galay ayuu igu yiri "ma igaran"?
Waxaa ku iri"Maya"
Waxa uu yiri " waxaan ahay Abul haysam tuug ah,khamriga caba isbaaro dhigto,diiwanka poqorka waxaa iigu qoran in laygu dhiftay (18000) jeedal ah oo Kala,duwan
Anigoo jidkii xumaa EE shaydaanka kutaagnaa AA waan Adkaystay EE Samir adigu jidkii wanaagsanaa EE Allah baa kutaagan tahye maalinkii xiga markii layjeedlayay ayaa soo xasuusty hadalkiisa sidaas ayaan samirka U cuskaday.
@Xogside2❤️✌️
Jumco wanaagsan
Wanagga tilmaam hadii aadan ku dhaqmeen xitaa hadalka wanaagsan waa sadaqo😘😘

Xikmado Soomaali

21 Nov, 17:31


Dabaal dagga dhalashada boqorka ingiriiska
Somalia waxay maree heer quus ah
Allow dalkaan xornimo dhab ah sii
Ma ku dhaleecayhayno madaxwayne gaar ah balse allow Naga saar gumaysiga 😭

Xikmado Soomaali

17 Nov, 14:02


Waxa dhaca markasto salah uu u dabaal dago
Wax an Rabin inan magacooda sheego
Markasto uu salah saan sameeyo kooxdiisana
Hoos udhac ayaa ku imaado si walboo ay u shidan tahay, Muslim miintana sanad walbo waa caayan

Hadana waa arkeenaa sanadkaan inuu is badalo
Iyo inuu meshiisa ka wado

Xikmado Soomaali

16 Nov, 13:59


Sacuudi Carabiya waxay sharciyeysay filimada, heesaha iyo qoob ka ciyaarka, waana Halka kacbada kutaalo oo qof walba Muslim ku riyoodo inuuu maalin uun tago Arintan ayaa ka xumaaday muslimiin badan oo caalamka ku nool
Gaza waxa Ka socdaana waa Ka warqabnaa
😭

Xikmado Soomaali

16 Nov, 13:49


Muuji is hooseysiin!
Dhoola cadeyn aad umuujizo qof miskiin ah ma dhimayso maamuskaaga😎
Nebi suleymaan waxa uu udhoola cadeeynayay quraanjo.
Nebi muxamed SCW asagoo samada loo dheelmiyay dhulkana dib loogu soo celiyay ayuu dharkiisa,kobihiisa,tolanayay tawaaduc meesha uu kagaaray.
Gabar reer miyi ah oo xaabo wadaty ayuu nebiga madaxiisa ugu qaaday!
Cumar ayaa inta uu Rashin usoo qaday hooyo carmal ah & ilmeheeda,dabka ushidayay,oo U afuufayay ilaa qiiqa gerkiisa Ka soo dhex baxay kadibna ukariyay cuntadii diidayna inuu katago markay bislaaty ilaa uu arko qosolka caruurta sidii uu U arkay oohintooda 😭 markay gaajays naayeen!
Is hooseysii  gobol maamusleh,noqane
Hoos isu dhig Allah kor kuu
qaadaye👏
Is debci Allah haybad kugu hagoojine
#Book
#Thanks 🥰😘❤️✌️
"Waxa la idinku irsaaqay waa dadka taagta daran"

Xikmado Soomaali

15 Nov, 19:23


Alle haw naxariisto qabrigana haw nuuriyo su'aashana haw fududeeyo ehelki iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iiman saadiqa rabi haka siiyo🤲🤲🤲😢

Xikmado Soomaali

15 Nov, 19:23


إنا لله وإنا إليه راجعون
Geeri naxdin leh waxa hadeer geeryoday madaxwaynihii hore somaliland ( Siilaanyo)
Alle haunaxriisto😭

Xikmado Soomaali

29 Oct, 09:38


maalin maalmaha kamid ah Marka aad dhimato aduunyadu kuma tabayso, kuumana murugoonayso, caalamku sidiisa ayuu iskaga sii soconayaa. Shaqadaadi qof kale ayaa qabanaya xoolahaagi dad kale ayaa dhaxlaya, waxba kuuma tari doonan xoolahaaga, tolkaaga, ubadkaagu iyo Teetalkaagu.

Maxaa ka liita aduunyadaan! Maxaase ka weyn waxa soo socda! Qofkaaga iminka noolow marka aad dhimato saddex qof ayaa kaa murugoonaya:

1- Dadkii dusha kaa yaqaanay waxay oran doonaan ”maskiinka Allaha u naxariisto”

2- Saaxiibadaa dhowr maalmood ayay kaa murugoon doonaan kadib sheekadoodi ayey iskaga noqon doonaan iyo qosolkoodi.

3- Murugada ugu weyni waa qoyskaaaga waxay kuu murugoon doonaan toddobaad, laba toddobaad, bil ama sanad dhan laakiin aakhirka way iska kaa ilaawi doonaan oo xasuustooda waad ka hari doontaa.

Qisadii aduunyo sidaas ayay kudhamaanaysa

Quruxdaadi iyo dadkaagiba waad is nabad galyayseen😭waxaa kugu soo hadhi oo keliya waa camalkaag , mid xun iyo mid wanaagsan.

Maxaa kamudan in aan udiyaar garowno maalinkaan?

Xikmado Soomaali

22 Oct, 19:38


Waxay ka raadinayeen tunnel-ka, waxay u sheegeen adduunka oo dhan in uu gabaad ka dhiganayo maxaabiista si aan loo dilin!
Kadib sawirkiisi ugu dambeeyay ayaa runta iyo xaqiiqada u sheegay iyaga iyo dunida oo dhan ba!

Markii ay sawireen inuu yahay midka la ugaadhsanyo waxay ugu dambeyntii ogaadeen inuu ahaa ba ugaarsade !

Mrkii ay u maleynayen inay isaga raadinayaan, waxay ugu dambeyntii ogaadeen inuu isagu yahay kan raadinaya iyaga!

Waxay ka arken safka hore ee dagaalka isagoo taagan hortooda, aan ka baqaynin dhimashada iyo waxyaabaha ka dhacaya adduunka oo dhan!
Sawirka dhimashadiisa wuxuu ahaan doonaa mid yaab leh sida sawirka noloshiisa!

Xikmado Soomaali

21 Oct, 11:05


Waa hooyo 🥰😍
Caruur ayeey hooyadii dhimatay asagoo 8 jir ah markaasuu aabihi ugeeyay gabadhii 2aad uu qabay markaas maalin waydiiday "Aabo labadan hooyo maxaa farqi udhexeeeya "?!
Caruurka" Hooyadii hore been iishegi jirty! Balse hoyadan been ima sheegto Aabihi "sidee"?
Caruurka " Markaan ciyaarayo oo dhibo waxay hooyadey dhihi jirtay cunto kuma siinayo wayna isiin jirty 🥰balse hoyadan haday dhahdo cunto kuma siinayo ima siiso😭
"Hooyadu Kan ugu yar waxay utahy cunto iyo caano uu dheefsado Kan xanuunsano daawo & daryeel uu dabiibsado Kan maqna duco  iyo xiiso 🥰balaayada Ka xijaabta
Hooyo is every thing
#casariyebook
@Xogside2

Xikmado Soomaali

20 Oct, 20:08


Waxaa la sheegaa in nin yahuudi ah uu soo maray tuulo ay degenyihiin dad muslimiin ah wuxuuna go'aansaday in uu diinkooda ka shakisiiyo ,inta uusan tuulada gelin ayuu arkay nin xoolo dhaqato ah oo muslim ah ,deedna ninkii yahuudiga ahaa oo muslim iska dhigaya ayaa ku yiri ninkii muslimka xoola dhaqatada ahaa "ka muslimiin ahaan xifdinta qur'aanka dhib ayey nagu tahay sababtoo ah wuxuu ka koobanyahay 30 jus,waxaa ku jira aayado iskuwada eg ee kawaran hadii aan aayadahaas isku eg aan hal xabo kasoo reebno inta kalana aan iska tuurno"

Ninkii xoola dhaqatada muslimka ahaa ayaa yiri hadalkaadu waa qurxoonyahay balse su'aal ayaan kuwaydiinayaa , adiga jirkaada soo malahn waxyaabo isku eg sida:laba indhood,laba lugood,laba gacmood,laba dhagood , maxaad isaga goyn weysay kuwaas Laba labada ah maxaa yeelay hal xabaa kugu filan

Ninkii yahuudiga ahaa islamarkiiba alaabtiisa ayuu gurtay wuxuuna yiri hadii kii reer miyiga ahaa sidaan yahay culimada iyo dadka magaalada joogo waxaba kama qaban karo wuuna iska noqday isagoo dulaysan oo niyad jabsan.

Ujeedku waxaa weeye in qofka meel walba uu joogo uu wax ka barto diintiisa si aan looga fidneyn ama aan shaki looga gelin,inaad magaalo joogto oo wax walba ay sahlanyihiin barashadooda hadana inaad jaahil ka ahaato diintaada waa dhibaato.

Wll follow isaar mahadasanid

Xikmado Soomaali

20 Oct, 17:47


Markii lagu gudo jiray shirkii lagu iibinayey shirkadii kacday ee Nokia, iyadoo 7Bilyan

Oo dollar ay ku iibsaday shirkada kale ee Microsoft, ayaa waxa kelmad qalbi taabad leh ka jeediyey CEO shirkadii Nokia Steve Ballmer isagoo yidhi " maanu samayn wax khalad ah, laakiin si kasto ay ahaatoba waanu khasaarnay ".

Kelmadiisi waxa ka murugooday dhamaan dadkii meesha joogay, maamulkii shirkada iyo Steve laftiisa.

Nokia waxay ahayd shirkada sumcad ku leh dunida, wax khalad ahna may samayn, laakiin waxa si degdeg ah isku isbedelay caalamkii, waxay ka gaabiyeen la socodka wakhtiga, waxaana gaabiyey isbedelkoodii, waxay wayday fursadii ay suuqyada ugu sii jiri lahayd, may waayin oo keliya in ay lacag badan hesho, waxay se wayday xataa noloshii jiritaankeeda.

Ogow haddii aanad isbedelin waxaad ka fogaanaysaa tartanka, haddii aanad mar kasta wax cusub baran, waxa ku reebi doona wakhtiga iyo waayaha.

Xikmado Soomaali

20 Oct, 15:21


DIGITAL MARKETING WORKSHOP
CAAWA 9:00PM INSHA ALLAH
Wuxuu Ka dhici doonaa Telegram
👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾
https://t.me/samewade

Xikmado Soomaali

19 Oct, 16:17


ASC muddo dheer oo aan Mashquulay Kadib waan soo laabtay waxaan halkaan qoraa Ka ah muddo sanad ah 5 uhureysay waan so gudbiyay
Cilmi baaris,buugaag soo koobid live ah iwm.hadda waa soo laabty alx mashquul Kadib maxaan qorshaysan
1: Bisha soo socoto falanqaynta buugga casariye live ah Insha
2:Soo gudbinta Cilmi baaris Lecture ,iyo course management Insha Allah
Nabadiinoh❤️✌️❤️✌️

Xikmado Soomaali

18 Oct, 05:35


Waa sidaan xaalada geesiyada reer falastiin ma istaagaan ilaa xaalada ugu dambeyso , waxay difaacayaan dhulkooda iyo shacabkooda sidee ugu taqalusaan Yahuuda xad-gudubtay .
@cadceed38

Xikmado Soomaali

18 Oct, 05:06


Dagaal toos ah ayuu ku jiray xaafad kamid ah rafax koonfurta marinka oo ah jiid khatar ah wuxuu xirnaa booshkiisa ma uuna dhuumanin god ma uuna galin furanta ayuu joogay

Xikmado Soomaali

16 Oct, 17:55


Dadku ma gaadhaan beerta guusha iyaga oo aan soo marin saldhigyada daalka, fashilka iyo rajo-xumada, qofka rabitaanka xooga leh wakhti dheer kuma sii jiro saldhigyadaas.

@cadceed38

Xikmado Soomaali

08 Oct, 18:22


Xuska 7 Oct oo ah maalinkii uu bilaabmay dagaalka Israël & Palestine, ayaa Calanka Israël lagu xusay Albaabka Berlin ee caanka ah (Brandenburg Gate) loo yaqaan,

Halka Calanka Falastiin lagu xusay (Galata Tower) Istanbul, oo ay isugu yimaadaan, kumannaan qof oo dunida ka kala yimid.

Turkidu Ha isaga badnaadaan cilmaaniyiine, dhanka Ficilka lagama maro, Halka imaaraatku Burj Khalifa uu ku xusayo Cristiano Ronaldo 😁

Carab waa bahdilantay, ka wax ka sugaya se ka sii bahdilan.

Xikmado Soomaali

08 Oct, 10:13


📩📮
┄┄┄༻༺┄┄┄
U dhoola cadee noloshaada, u dhoola cadee wax kasta oo kugu xeeran, kana fikir wax walba oo ku farxad galinaya, hana ka fikirin wax walba oo ku werwergeliya waayo rajadu waa dawo, welwelkuna waa dhib, yididiiloduna waa rajo 🥀🔕....

🎀 💭

Xikmado Soomaali

08 Oct, 10:12


📩📮
┄┄┄༻༺┄┄┄
Wajigaad doonto waad ku dhaqami kartaa , laakiin ficilkaagu wuxuu mar walba sheegi doonaa qofka aad tahay...
#Zxp Geedkaba waxaa lagu gartaa midhihiisa🥀🔕 ...........

🎀 💭

Xikmado Soomaali

08 Oct, 10:07


📩📮
┄┄┄༻༺┄┄┄
_ Nololna ka qaado waxii ku farax geliya wixii Alle raali ka ahaado, inta kalena faraha ka qaad ha ku yimaadaan siduu Ilaahay kuugu qoray, waayo waxuu kheyrku kuugu jiraa wixii Alle kuu doortay 🥀🔕 ....... .....

🎀 💭

Xikmado Soomaali

08 Oct, 10:07


📩📮
┄┄┄༻༺┄┄┄
Noloshu aad bay u gaaban tahay inaad ku khasaariso in aad dadka kale u caddayso niyadaada wanaagsan,waayo aakhirka waxay kugu xukumayaan uun siday niyadoodu tahay 🥀🔕 ...........

🎀 💭

Xikmado Soomaali

03 Oct, 17:12


Waxaan qaaday dhagaxyo , biro iyo waxwalbo culus , lkn ma arag wax ka culus dariska xun .

Luqmaan Alxakiim

@cadceed38

Xikmado Soomaali

03 Oct, 14:51


Saaxiibayaal aynu badino saliga nabiga scw

@cadceed38