Qalbiyada la daayacay.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข

@dhaawac


Chenalkani waa mid public ah oo aanu ugu talo galnay dadka qalbiyadoodu jabeen bal in un inay dhaymo ka helaan.

Qalbiyada la daayacay.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข

15 Sep, 23:06


"Anoo ku caleemo saartay
Anoo caashaqa dhankayga
Mar qudha calankiisa liicin
Anoo ku ciseeya huunno
Adaa cidla iga dhaqaaqay.

Naftayda addaa ciqaabay
Adaa casharadda jacaylka
Caqliga iyo baray xiskayga
Badeedna cadaab marsiiyay."

Qalbiyada la daayacay.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข

28 May, 21:42


"Naftan lala jiciirtee
Aan joogin dunidaan
Kaa joojin waayee.

Sidaad tahay jiidhkaygiyo
Jeex wadnaha kuyaalaa
Laykaa jaxaasee
Nacabkay ha ii jabin"๐Ÿ’”๐Ÿฅบ

-Saynab Cigge.

Qalbiyada la daayacay.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข

27 May, 17:30


Hanbalyo dhamaantiin, caawa waxaynu gaadhnay Hal Kun oo qof, waan idiin mahadcelinayaa Dhamaantiin saaxiibayaal, guusha aynu caawa gaadhnay idinka ayaa u sabab ah.

Qalbiyada la daayacay.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข

27 May, 13:50


"Haka shalaynin qof aad jeclaatay oo ku gooyay ee kashalaay qof ku jeclaaday oo aad goysay."๐Ÿ’”๐Ÿฅบ

Qalbiyada la daayacay.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข

07 May, 21:12


Maxaa ka qadhaadh hadallada sagootinta ah, Maxaa ka qadhaadh bilowga colaadaha, Maxaa ka qadhaadh geerida ugu timiday kediso ruux aad jeclayd, Maxaa ka qadhaadh hilowga aad u hilowgid qof aanad dib u heli karin, intaas oo dhan waa qadhaadh waxa ayna ka qadhaadh yihiin wax kasta oo qadhaadh.

- Sekerie Haldoor

Qalbiyada la daayacay.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข

05 May, 21:08


Waan ku tabay oo waan kui xiisay dushayda waad ka aragtaa isbaddalka nololeed ee la'aantaa aan la darsay.

"Haddaan idhi bidhaantaada
Uma xiisin waa beene
Ma anaa qof booskaaga
Heli karaya ii buuxsha?
Ma anaan u boholyoobin
Kulankiyo bilkheyrtaada?

Waxa igu bannaanaatay
Halkii aad ku beegnayde
Sida eeg bal muuqayga
U bedelay iswaageenu
Kaalay arag buseelkaagu
Siduu iiga dhigay beylah.

Illintaydu baaq weeye
Bog ku jeceli hayn waayay,
I dareen bal ii fiirso
Oo billaahi way guule
Ii fur buugga naxariista! "_Aamiin Samaddoon

Fu'aad Xaruur

Qalbiyada la daayacay.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข

05 May, 21:08


"II FUR BUUGGA NAXARIISTA"

Waan kuu xiisay. Xiiso ka xeel fog inta aan afka ka leeyahay. Kala dheeraanteennu waxa ay igu abuurtay dhibaato aanan ka soo kabsan karin illaa aad iga kabto mooyaan e. Maalmihii quruxda badnaa miyaanay dabar kuu noqonayn in aad dhinacahayga u soo jalleecdo? Miyaynnu xabaalnaa xidhiidhkii aynnu ku tacab iyo tiirba beelnay ee sannadaha soo taxna? Rejadii aan ka lahaa la jooggaaga iyo la jirkaagaba ma dhado meel ku da'ayda ayaan ka soo qadaa? Naf qaybsigii aan shuruudda lahayn, riyo aan ka toosay miyaan ku xisaabiyaa? Farxaddeenniina miyaan u arkaa waddo aan u soo marayay xanuunka murugtan? Waa su'aalo aanan rabin dhammaantood in aad kaga jawaabto HAA balse u baahan ereyga MAYA. Waan dareemayaa muddada aynnu kala maqnayn in ay badan tahay balse anigu waan yeelan waayay awoodda maaranka. Waa run oo waan maarmi kari wayaay!

Dhammaan xusuusaha aad agtayda kaga tagtay midhmidh ayay iigu leeyihiin micno khaas ah. Xusuustu waxa ay ii furtaa dareen anaan ka soo gayoon karin. Daqiiqad walba oo aan u baahdo in aan nolol cusub abuurto waa dabarka i xidha ee aanan ka tallaabsan karin anigu. Haa ma jirto cid aan dunida ka fahmayo oo aan adiga ahayn. Kumannaan qof oo kale ayaa si fudud ugu soo biiray noloshayda, dhammaanse waxa aan saaray halbeegga qofeed ee aad ii dhiibtay adigu. Dabeecadaadii, farxaddaadii iyo dhaqankaagii intaba waan ka raadiyaa, xataa xanaqaagii. Hal sifo oo aad lahayd marka aan ka waayo gabi ahaanba boos iima buuxin karo oo noloshayda daqiiqad kuma sii raago. Aniga ayaan rabinba cid aan adiga ahayn.

Sida caadiga dadku way is wayaan, wayna isaseegaan, laakiin kala tageennu wuu ka duwan yahay is waaga dadka kale sababta oo ah jacaylkeennu wuu ka duwanaya ka dadka kale. Adiga ayaa markhaati ka ah noloshii aynnu soo wada qaadanay iyo maalmihii quruxda badnaa ee aynnu wadaagnay. Si aad iigu marag furto qiimaha jacaylkeenna inna mari aan dib kuu celiyo oo aynnu tagno habeenkii Khamiista ahaa ee aynnu joognay magaaladii aynnu kusoo barbaarnay labadeenuba. Waxa aan xasuustaa dharkii aan xidhnaa iyo kuwii aad ku lebbisnayd habeenkaa. Shaadh midab caddaan xigeen ah, iyo surwaal bunni ah waxa ii raacayay jaakeed suudh oo madow. Kabaha midabkooga saxda aqoon fiican uma lihi, laakiin hummaagga madow ayay u muuqdeen. Gacantayda bidix waxa ku jirtay saacaddii aad hadiyadda iigu keentay oo uu ka horreeyo fargalkii xarafka magacaaga ugu horreeya ku xardhanaa. Haa si fiican ayaan u xasuustaa. Xasuus aan marnaba iga go'ayn.

Daqiiqado kooban ayaan kugu sugayay halkii aynnu ku ballansanayn. Cirka laguma oga midh daruur ah, umase ciil qabine waxa uu ku xinnaystay safaf ceeryaan ah oo dayaxu narba mid u gudbayo. Xidiguhuna waxa aad moodaysay in ay ka badnaayeen sidii hore. Laydh qabow oo aan dhaxan ahayn jawigana saxaysa ayaa la dareemayay. Miyaad ilowday wadigii kasoo baxay albaabkiinna adiga oo lagu moodo xuuralcayn. Dharka gabigiisuba wada madow ayaad ku labisnayd. Quruxda dabiiciga ah marka lagu daro ta dad sameega ah waa ashqaraar dabiciici ah.

Wada jir ayaynnu u tagnay bannaanka magaalada. Kalsoonidaada dheddignimo ee aad igu qabay ayaa sabab u ahayd in aynnu jewi qurux badan qaadanno. Saacadihii iga yaraa daqiiqaduhu waxa ay ku dhammaadeen innaga oo gacmaha wada jir isku haysanna. Kaftan iyo sheeko naxariis goosgoos ahna wadaagayna. "Gacaliye saw weligeen sidaa uma faraxsanaan doonno?" Waaa su'aashii aad i waydiisay ee aan sida kafiirsasho la'aanta ah aan ugaga jawaabay HAA waynnu wada faraxsanaan doonnaa. Laakiin way beenowday ee oo farxad badan innagamay dambayn habeenkaa. Malaha intii innoo dhinnayd habeenkaa ayaynnu laacnay oo aynnu laasannay. May wali rejo weyn ayaan ka qabaa in aynnu markale wax badan wadaagi doonno.

Intaasi miyaanay kuugu filnayn si aan u midowno markale? Haa, oo keliya ayaa innaga xigta in aynnu hore u sii dhaqaaqno, oo jacaylka xididkiisa oo qudhi nolol yar haysto aynnu dib u abqaalno, kaddibna aynnu ka dhigno geed midho dhala. Fadlan ila dareen oo si deeqsinimo leh ii qabso gacanta. Buslaylkan iyo xiisahan aan kuu qabo.

Qalbiyada la daayacay.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข

04 May, 08:26


"Walow Axdigii dhamaaday
Walow Dhowr sanno lajoogo
Kolkaad wacadkii dhantaashay
Dharaar qudha Kuma hilmaamin.

Dhibaatadda aan la noolay
Xusuuso I dhallan rogaaya
Aduunyo Dhir baaxadeedda
Qof Dhaawici uusan qaadin
Ayay ku dhamaatay Ruuxdu."

Qalbiyada la daayacay.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข

03 May, 20:42


"Nafkuu boholyow day oo
Dartaa u busayshay oo
Bukaan kuu noqotay baan
Adkaysiga aan baraa"๐Ÿ˜ญ๐Ÿ’”

Qalbiyada la daayacay.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข

30 Apr, 19:42


"Rugtii aad u guurtay
Haday raasqabow tahay
Ka durduuro raaxada
Kaa raali baan ahay.

Rajadii aan kuu qabay
Iyo rubad go'aagii
Ruuneey habeen hore
Inta layga raray baa
Raadkiina iga lumay

Raasamaal aduunyiyo
Hadaad raacday xiisaha
Rixin goys inaad tahay
Inan yahay ra'yiga gali
Hana soo rogaal celin
Rayn rayn ku nooloow"๐Ÿ˜ญ

Qalbiyada la daayacay.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข

28 Apr, 23:46


โ€œMa tihid mid iga fog, siโ€™aan kuu arko. Mana tihid mid ii dhaw, siโ€™aan kuula kulmo. Mana tihid qofkaygii siโ€™aan u xasilo. Mana tihid mid la iga xaraantimeeyay, siโ€™aan kuu ilaawo. Adigu wax kasta waxa aad kaga jirtaa badhtamaha.โ€

-Mahmoud Darwiish๐Ÿ’”

Qalbiyada la daayacay.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข

21 Apr, 23:23


โ€œMaxay noloshu macno leedahay haddii aynu kala tagnayba๐Ÿ’”.โ€

Qalbiyada la daayacay.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข

20 Apr, 22:02


โ€œWaxaan kuu jeclaaday hab aan jeclaan lahaa in qofi ii jeclaado.โ€

- Maxamed Darwiish๐Ÿ’”

Qalbiyada la daayacay.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข

20 Apr, 22:00


"Ilintaydu baaq weeye
Bog ku jeceli hayn waayay
I dareen bal ii fiirso
Oo bilaahi way guulle
Iifur buuga naxariista"๐Ÿ’”

Qalbiyada la daayacay.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข

19 Apr, 02:46


โ€œMaxay faaโ€™ido leedahay in aad i jeclaato haddana aanad i fahmayn, aad ii xiisto haddana aanad isoo raadin, aan ka mid noqdo noloshada waxyaabaha ku jira balse aanan ahayn ta ugu muhiimsan.โ€

- Nizaar qabbaani.๐Ÿ’”

Qalbiyada la daayacay.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข

10 Apr, 01:15


"Iid wanaagsan boqortooyo
Si balaadhan waxa kuu leh
Niyad aad ka bixi wayday

Hase moodin boholyowga
Bariidadda ku hoos duugan
Mid badhaadhe keenaaya

Xidhiidhkeeni beennoobay
Go'aankaan ku kala baadnay
Barbarkayga kama laaban

Qalbigayga kuu baahan
Waxa baqasho galinaaya
Burburkii shalay gaadhay

Boqol sano hadaan joogo
Kuuma soo bandhigi doono
Dib u baano ruuxdaydda

Bog cusayb ah ila soo rog
Iyo hadalo beer qaad ah
Kuma nicinse badankaygu

Cishqigaygu waa buurre
Waa mid baaxadiisii leh
Waa mid aan ahayn baylah

Boggaygaan ku kaydshaaye
Bil khayrtaadda iyo guushu
Igu filan bidhaantaaddu

Iid wanaagsan boqortooyo
Si balaadhan waxa kuu leh
Niyad aad ka bixi wayday"

Fadxi cabdi Xasan.

Qalbiyada la daayacay.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข

10 Apr, 01:12


"Ciid wanaagsan Saaxiibayaal, Jaalleyaal iyo Walaaleyaal-ba.
Nabad qab iyo caafimaad Ku ciida Dhamaantiin.
Ilaahay tan teeda kale nabad qab iyo caafimaad haydinku gaadhsiiyo.

Bishii barakaysnayd ee aad soo soonteena mid acmaasheeda laydinka aqbalo alle haka yeelo.
Kulu caam Wa antum Bil-khayr"โค๏ธ

Qalbiyada la daayacay.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข

02 Apr, 02:37


โ€œHaddii ay ahaan layayd warqad waan jeex jeexi lahaa, haddii ay ahaan lahayd quraarad waan jebin lahaa, haddii uu ahaan lahaa gidaar waan dumin lahaa, laakiin wuxuu ahaa qalbigayga.โ€

- Mahmoud Darwiish.๐Ÿ’”

Qalbiyada la daayacay.๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข

26 Mar, 21:47


Haddii ay taydii noqoto oo aynaan weligeen kulmin, ha iloobin in aan aad u jeclaa in aan kula kulmo.

- Maxamuud Darwiish.๐Ÿ’”

1,529

subscribers

408

photos

16

videos