Khalid Thoughts @sabiil40 Channel on Telegram

Khalid Thoughts

@sabiil40


Ku soo dhowoow Sabiil. โœ๏ธ

Halkan waxa aan ku soo gudbiyaa waxyaabaha aan is dhaho dheef ayey leeyihiin, hanoqoto war, maqaal ama muuqaal manfac leh courses-ka iyo suuqyada online-ka ah. ๐Ÿ”ฅ

@Khalidarif009

Khalid Thoughts (Somali)

Ku soo dhowoow Sabiil. Halkan waxa aan ku soo gudbiyaa waxyaabaha aan is dhaho dheef ayey leeyihiin, hanoqoto war, maqaal ama muuqaal manfac leh courses-ka iyo suuqyada online-ka ah. Khalid Thoughts waa qeyb ka mid ah Telegram channels-ka ugu caansan ee ku saabsan fikradooyinka iyo waxyaabaha ballanqaaday ee Khalid. Halkan, waxaad heli kartaa warar, maqaallo, ama muuqaalada ka faa'iideysanaya fikradooyinka iyo dabeecadaha Khalid. Sidaa darteed, haddii aad rabto inaad ka faa'iideystaan warar caafimaad, waxyaabaha diineed, iyo waxyaabaha ballanqaaday Khalid, Khalid Thoughts waa goobtaada ugu wanaagsan. Xusuusnow, xilkasan sabiil40 si aad ugu hesho wararka ugu dambeeyay. Dheefka dheefka iyo halkan haddii aad u baahantahay meelaha diineed iyo waxyaabaha ballanqaaday ee Khalid. Khalid Thoughts waa kan ugu wanaagsan ee aad ka heli kartid muhiimada fikradooyinka dabeecadaha iyo fursadaha online-ka ah. Ku soo dhowaada Khalid Thoughts haddii aad rabto inaad ka heli kartid dheefka dheefka ee fikradooyinka ballanqaaday ee Khalid!

Khalid Thoughts

21 Nov, 21:46


Bitcoin waxay maraysaa heer taariikhi ah, iyadoo qiimaheedu uu gaadhay caawa $99,014, taas oo dhowr tallaabo u jirta $100,000. Heerkan ayaa loo arkaa calaamad muhiim ah oo xagga koritaanka ah, iyadoo kor u kaca uu yahay mid ay taageerayaan maalgashiga hay'adaha, kororka isticmaalka ETFs, iyo rajada mustaqbal ee siyaasadaha lacageed ee isbadallada waawayni ku socdaan. Si kastaba ha ahaatee, khubaradu waxay tilmaamayaan in $100,000 uu noqon karo meel xasaasi ah oo keeni karta nasasho gaaban, ama meel ay dad badani profit ku qaadan kataan, maadaama ay tahay heer nafsiyan muhiim u ah suuqa.

Xilli ay jiraan calaamado badan oo muujinaya in koror dheeraad ah la filayo, oo ay gaari karto ilaa iyo $150k bilowga sannadka cusub waliba quarter-ka koowaad falanqeeyayaal badan ayaa qaba in Bitcoin ay u dhowdahay inay si rasmi ah u dhaafto xadka $100,000, ka hor sannadka cusub, taas oo noqon karta bilow wareeg cusub oo bull market ah.

Dhanka kale waxaa iyana inagu soo wajahan alcoin season oo ah halka ay wacdaraha badani ka dhici doonaan, waana meesha ay jeeb yarayaashu inta badan ka xamaashaan, waana halka dad badani 100x iyo ka dana ka sameeyaan, oo laga arko mucjisooyinka aadka u layaabka leh, waxaana suurtagal ah inay ishaadu qabato xiligaa qof $50 u badalaaya $500, qof $500 u badalaaya $50k, ama qof $50k u badalaaya $500k

Khalid Thoughts

21 Nov, 17:48


โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚
    ๐Ÿฆ‹KOOXDA MIDNIMO๐Ÿฆ‹

Halkaan waxaa isugu keenay๐Ÿงญ
Kanaalada somalida ugu wanaagsan Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.โฌ‡๏ธ

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข
@Lamaane24h ๐Ÿซ‚๐Ÿ’
@Qalbitabat14 โค๏ธโ€๐Ÿฉน
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1


Hadii aad xayeysiin ubahan tahay la xiriir. @Gud_Kooxda_Midnimo

โฌ‡๏ธKU BIIR โฌ‡๏ธ
https://t.me/addlist/O9KSBXYo8KFmYzU0

Khalid Thoughts

21 Nov, 13:31


BTC $98,000

Khalid Thoughts

21 Nov, 13:31


BTC $97,000

Khalid Thoughts

20 Nov, 19:47


BTC $94,000

Khalid Thoughts

20 Nov, 19:44


Embracing Change.!โค๏ธ

Isbadalku wuu dhib badanyahay marmarkana qaarna aad ayuu u adag yahay lakiin inta aad nooshahay waa lagama maarmaan si aad hore ugu sii socoto una waayo aragtid.

Marka aad sameyso wax aanad hore u sameyn jirin waxa aad soo saaraysaa awoodaada waxaadna ogaanaysaa in markasta aad awoodo in ka badan inta aad u maleyneyso.

Sameyso hal caado oo cusub sida inaad maalin walba 3bage oo quraana akhriso ama caado kale oo aad adigu ogtahay in aad u baahantahay mar walbana waxa aad bilaabayso ha noqdan wax aad sameyn karto ka dibna joogtee hababka joogtaynta  haadad  u baahantahay YouTubeka waad ka heleysaa mar walba ogoow naftaadu adiga ayay ku sugaysaa ee hagaaji.!โค๏ธ

"Isbeddelku wuu adag yahay bilowga, wuu qalafsanyahy marka dhexda, laakiin wuu qurux badanyahay bar dhammaadka." โ€” Robin Sharma

Ma jirtaa hal caado oo aad jeclaan lahayd in aad bilowdo.?


#Maymun

Khalid Thoughts

19 Nov, 19:47


https://t.me/PAWSOG_bot/PAWS?startapp=o8e0ptak
LFG!
PAWS is the new top dog! ๐Ÿพ

Khalid Thoughts

18 Nov, 19:49


21 berri ka dib waxaa ๐Ÿ‡ฆ๐Ÿ‡ช Abu Dhabi lagu qaban doonaa ๐Ÿ’ฐ Bitcoin conference-gii ugu waynaa ๐Ÿš€

Khalid Thoughts

18 Nov, 19:49


๐Ÿ‡บ๐Ÿ‡ธ MicroStrategy waxay hadda haysataa ๐Ÿ’ฐ u dhiganta $30 bilyan.

Khalid Thoughts

18 Nov, 18:27


10 Faaโ€™iido oo Gym-ka Laga Helo

1. Xoogga Jirka: Gym-ka wuxuu xoojiyaa murqaha iyo lafaha jirka.

2. Culayska Dhimista: Wuxuu kaa caawinayaa inaad gubto kalooriyada dheeraadka ah.

3. Caafimaadka Wadnaha: Jimicsiga joogtada ah wuxuu yareeyaa khatarta cudurrada wadnaha.

4. Tamarta Korodhsiga: Wuxuu kordhiyaa tamarta jirka oo kaa dhiga mid firfircoon.

5. Hurdo Fiican: Jimicsigu wuxuu hagaajiyaa tayada hurdadaada.

6. Xasilloonida Maskaxda: Wuxuu yareeyaa walbahaarka iyo niyad-jabka.

7. Qaabka Jirka: Wuxuu kaa caawinayaa inaad qaab fiican u yeelato jirkaaga.

8. Difaaca Jirka: Wuxuu xoojiyaa hab-dhiska difaaca jirka.

9. Dulqaadka: Wuxuu kordhiyaa dulqaadka iyo awoodda maskaxda.

10. Saaxiibtinimo: Gym-ka waxaa laga heli karaa fursado bulsho oo cusub.
https://t.me/Sabiil40

Khalid Thoughts

18 Nov, 10:31


Akhyaareey barnaamijkaa halka sare ๐Ÿ‘†ku xusan waa muhiim qof walba oo danaynayaa haka faa'idaysto barashada diinta. ๐Ÿ™

Khalid Thoughts

18 Nov, 10:30


ู‚ุฑูŠุจุง ุฅู† ุดุงุก ุงู„ู„ู‡

ุงู„ุฏูˆุฑุฉ ุงู„ูู‚ู‡ูŠุฉ ุงู„ุชุฃุตูŠู„ูŠุฉ
โ—‹ โ—‹ ุงู„ุฏูุนุฉ ุงู„ุฃูˆู„ู‰ โ—‹ โ—‹

Khalid Thoughts

16 Nov, 04:37


ุฅู†ุง ู„ู„ู‡ ูˆุฅู†ุง ุฅู„ูŠู‡ ุฑุงุฌุนูˆู†..๐Ÿ’”

Ilaahay naxariistii janno haka waraabiyo madaxwayne hore Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo ).
Waxa uu ahaa aabihii jamhuuriyadda Somaliland iyo hogaamiyeheedii ruuxiga ahaa.

Baro jannaad idam Alle, aabbe qaran ayaad ahayde. ๐Ÿคฒ
https://t.me/Sabiil40

Khalid Thoughts

15 Nov, 16:11


Maanta iyo waayahan aynu noolahay waxa uu u baahanyahay feejignaan iyo feker badan in lagu wajaho. Sababta oo ah, qofka in yar oo wacyi la'aan ah laga dareemo waxa lagu dedaalayaa in la duufsado. Haddaba, waxa aan ku ogaysiin lahaa saddexdan qodob oo aad ku baraarugsantahay, se aan uga goleeyahay isxusuusin:

1. Diintu waa halka u horraysa ee shaqsiga laga weeraro, waana midda haddii qofku uu saldhig u sameeyo ka guulaysanayo arrimo badan, ee si aan laguu harawsan af Carabiga ka baro in aad diintaada ku raacan karto ama ka baro in aad ku dhex geli karto badweyntiisa aan laga gayoon karin.

2. Marka aad afkaaga barato ayuu wax kasta fududaadaa ee afkaaga gundhigiisa iyo barashadiisa ku dedaal. Sababta oo ah, luuqaddaha adduunka inta aad afkaaga ka taqaan un baad ka baran.

3. Ha moogaanin, maanta luuqadda adduunka ka talisaa, laguna hadlo inta u badani waa luuqadda Ingriiska, ee waxa aad ku dedaashaa in aad caalamka Galbeedka siyaasad ahaan iyo aqoon ahaanba ula socoto. Af Ingriiska ku dedaal oo u baro si aadan u anban, aqoonta lagu qorayna waa bad e, ha moogaanin.

Haddii aadan sidaa samayn waxa laga yaabaa in maalinba meesha dameeraha loo dhaan dirayo aad daba socoto, se haddii aad ahaato qof luuqaddaha iyo aqoomaha adduunka yaal wax kala socoda, waxa hubaal ah in aad noqonayso qof leh mad-had iyo aragti u gaar ah.

โ€”Muxammed Khaliif

Khalid Thoughts

14 Nov, 07:56


Bitcoin waa ay kacsan tahay halka dahabku uu dhacsan yahay. Maalgashigii ayaa usoo qulqulaya dhanka Bitcoin. Dahabku wuxuu qaaliyoobaa marka ay dagaaladu jiraan hadase waxay u muuqataa in ay sii yaraanayaan. Marketcapka dahabku wuxuu 9.4 jeer ka badan yahay kan Bitcoin.

Khalid Thoughts

11 Nov, 13:45


Heerka kala saraynta hantiyaha adduunka marka loo eego marketcap-kooda:

1. Gold (dahabka) - Market Cap: $18.475 trillion.
2. Apple (Shirkada apple) - Market Cap: $3.369 trillion.
3. NVIDIA (Mid kamid ah campanyada ugu waaweyn caalamka xaga technologyada fadhigiisu yahay Santa Clara, California) - Market Cap: $3.320 trillion.
4. Microsoft (Companyga caanka ah ee soo saara softwarada computersku ku shaqeeyaan ) - Market Cap: $3.051 trillion.
5. Google (Searching machine ee adduunka ugu wayn) - Market Cap: $2.104 trillion.
6. Amazon ( Company caan ah ) - Market Cap: $2.081 trillion.
7. Silver (macdanka silverka Ag ) - Market Cap: $1.849 trillion.
8. Saudi Aramco ( Shirkadda shidaalka ee Saudi Arabia) - Market Cap: $1.772 trillion.
9. Meta Platforms (Facebook, Instagram, snap chat ..) - Market Cap: $1.431 trillion
10.Bitcoin (BTC) - Market Cap: $1.366 trillion.

https://t.me/Sabiil40
Khaalid M. Cabdisamed

Khalid Thoughts

11 Nov, 08:29


Qaybaha sannadka (Quarter-yada) iyo doorkooda dhaqaalaha

Qeybaha quarters-ka ee Quarter 1 (Q1) Quarter 2 (2), Quarter 3 (Q3) waxay qayb ka yihiin habtirsiga sannadka gaar ahaan dhanka dhanka dhaqaalaha (fiscal year). Sannadku waxa uu ka kooban yahay afar quarter oo kala ah:

1. Quarter 1 (Q1): January โ€“ March (3 bilood ugu horeeya)

2. Quarter 2 (Q2): April โ€“ June (3 bilood labaad)

3. Quarter 3 (Q3): July โ€“ September (3 bilood ee saddexaad)

4. Quarter 4 (Q4): October โ€“ December (3 bilood ee u dambeeya)

Xiriirka u dhexeeya Quarter-yada iyo dhaqaalaha ama financial markets:

1. Warbixinta dhaqaalaha: Shirkadaha iyo dawladaha waxay soo bandhigaan warbixinno dhaqaale (financial reports) mar kasta oo quarter dhammaado. Warbixinnadan waxay bixiyaan aragti ku saabsan waxqabadka shirkad ama dalkaas, taas oo muhiim u ah maalgashadayaasha, ganacsatada, iyo go'aan qaadayaasha.

2. Maalgashiga iyo suuqyada: Suuqyada saamiyada iyo kuwa kale ee maaliyadeed waxay si dhow ula socdaan warbixinada dhaqaale ee quarter-yada, sida dakhliga, faa'iidada, iyo khasaaraha shirkadaha. Warbixinnadan waxay saameyn karaan qiimaha saamiyada iyo xaaladda guud ee suuqa.

3. Bilowga sannadka Q1 iyo Q2: Suuqyada waxay inta badan la socdaan heerka kobaca dhaqaale ee quarter-yada hore, oo ay tahay mid muhim ah in la fahmo sida dhaqaalaha iyo shirkadaha ay u hormarayaan, iyadoo la tixgelinayo culeysyada ama horumarka ku dhici kara shirkadahaas.

4. Dhaqaalaha guud iyo saadaasha: Xogta laga helo quarter-yada waxay caawin kartaa saadaasha dhaqaalaha, gaar ahaan marka la eego heerka kobaca, shaqo la'aanta, sicir bararka, iyo heerarka dulsaarada, kuwaas oo saameyn ku yeelan kara xaalada guud ee suuqa.

Sidaas darteed, Quarter-yadu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah dhaqaalaha guud ee suuqyada maaliyadeed, iyadoo xogta laga helo quarter-yadaasi ay saameyn ku yeelan karto qorsheynta maaliyadeed, maalgashiga, iyo go'aan qaadashada ganacsi.

5,661

subscribers

271

photos

28

videos