MUFAKAR @mufakar1 Channel on Telegram

MUFAKAR

@mufakar1


╭══♡════════ღ❦ღ══╮
                    WAX-AKHRISKU
                           WAA
                     HAB NOLOLEED
                         القراءة منهج حٌاة
╰══ღ❦ღ════════♡══╯




Kala soco  Qormooyin sugan, afkaar, falsafad,  iyo xikmado.

MUFAKAR (Somali)

MUFAKAR waa Telegram channel cusub oo lagu xayuubinayo waxyaabo aad u aragtid, afkaar, falsafad, iyo xikmado. Kan waxaa loo yaqaan mufakar1 iyo waxaa la xiriira wax akhrisku iyo hab nololeed ee aad ka heshay waddankaaga. Waxaa la hir-geliyay qormooyin sugan oo kaas oo ka soo ururiyay isku dhac iyo taariikh, lagu daawado muuqaallooyin raqiisi ah oo ku saabsan taariikhda iyo dhaqanka. MUFAKAR waa meyl aan ku wanaagsanayn ah oo loo helaya dad ku nool dalkooda in ay ka faa'iideystaan waxyaabo cusub iyo aqoon leh. Haddii aad rabto in aad ku daydo afkaar iyo xikmado, fadlan booqo MUFAKAR iyo la soco qormoyin fara badan iyo wax su'aalo ah oo ka iman kara noloshaaga. Dib u eeg, ka soo qaad iyo aragti. Fadlan isticmaalaaga muqadis.

MUFAKAR

10 Feb, 03:58


https://t.me/addlist/GEbwy9wFelhkNjg0





Via @team_kordhis B2

Ma iska Joogtay Aalada telegram Oo wakhti badan makaaga baxay raadinta Kannaalo Faa'iido u leh Noloshaada. Jawabtaadu hadday tahay; haa ''Waxan halkan kuugu soo xulay aqristaha sharfanow channelskaad baadi goobka ugu jirtay mudada dheer oo nooc kastaba leh. 😇

𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗸𝗵𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼o 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻, 💙😘



▁ ▂ ▄ ▅ ▆ ▇ █ - █ ▇ ▆ ▅ ▄ ▂ 
➦ SPONSORED BY
  ❂✿❂✿❂ - ✿❂✿
↪️ @jaceylqore
↪️ @TAFSIIRKA_QURAANKA1
↪️ @learn_english012
↪️ @Hagaajinaftaada
↪️ @Wadada_Guusha
↪️ @Arabic023
↪️ @taladaqoyska
↪️ @Caafimaad7
↪️ @Xikmadle
↪️ @kadisaqoon
↪️ @kalandarka_Hijriyada
↪️ @mustaqbal7
↪️ @Suuqgeynta
↪️ @Global_learning1
↪️ @Iibiye_online
↪️ @samow_techonolgy
↪️ @OGAANSHAHANOLASHA67
↪️ @Hamzaatii0845
↪️ @hadasamee
↪️ @wadnojacayl
↪️ @Balaashaan
↪️ @xadiith_maalinle
╚═══════ - ════════╝
↪️ KURULUS OSMAN
↪️ @Abdirizakthoughts1
@udhawoow_allaah
♧Guddoomiyaha kooxda♧
http://t.me/Wll_musab

New friends
╚═══════ - ════════╝
⭐️ @Balaashaan
⭐️ @Murti_iyo_gabayo
⭐️ @Ur_amaley
⭐️ @hoygaxikmada7

MUFAKAR

09 Feb, 09:13


Tani waa xigmahada ka dambaysa hadalkii subanaheeni maxamed ahaa (SCW) isku Hadyadeeya waad isku jeclanaysane.

MUFAKAR

09 Feb, 09:11


Hadyad nafleh, weligay halmar baan bixiyey. Waxayna aheyd:

Gabadh aan aad iskugu wanaagsaneyn, abaal badanna ii sameysay, Wanaag farabadanina naga dhaxeeyay. Ayaa anaga oo habeen wada casheynayna, ka sheekeysanay waxyaabaha dookhayaga ah. Sidaan marba wax uga hadlaynay, bay iigu dhex dartey nooc kabo ah oo ay aad u jeceshahay. Sawirkooda i tus baana ku idhi, wayna i tustay, lacag qaaliyana way ahaayeen.

Habeenkii markaan kaala hooyaney, baan gostey kabahaa inaan hadyad ugu geeyo. Isla ubaxiisii baana hooyo la soo hadlay, una sheegay, in aan rabo heblaayo in aan kabo hadyad ugu geeyo, lacagna aanan heyn. Waxa ay igu tidhi, "ma hebla". Markii aan haa ku idhi, bay igu tidhi "gaadhaasi wax walba way kaa mudan tahaye, kabaha noocooda iyo qiimahooda ii soo sheg". Lacagta kabuhu 40$, bay aheyd. Markaan u sheegay lacagtii, sawirkiina aan u diray. Aniga oo sugaya, in ay i caydo-madama oo aan badanka kaftanno hooyo- ayaa ay igu tidhi, "waa qaali kabuhu, laakiin heblaayaa ka qaalisane, anna sad bacweynaha iyo garbo-saartiisii baan u soo raacin". Intaan farxay, baan u mahadceliyey. Madaama oo aan markaa hooyo, kala laba magaalo joogneyna, 3 casho kadib, bay ii timi alaabtii oo uunsina la socdo. Anna intaan suuqa tagay, baan box-yada hadyadaha la iskugu geeyo, ku soo xidhay alaabtii.

Habeen baana ku casuumay gurigaygii, hadyadiina gudoonsiiyey. Markii hore way ku faraxday kaliya, laakiin sheekadii hooyo iyo aniga na dhex martay, iyadana ku saabsaneyd markay ogaatay, ilinta ayey cashan wayday. Madaama ay bilaa hooyo aheyd, hooyadeyna ay hooyo ku dhihi jirtey. Waa habeenka aan ogaadey, macnaha ay hadyaddu leedahay; iyo sababtii uu Nabigeennu(NNKH) uu inoogula dardaarmay, in aan wax isku hadyadeyno.

Yasir Ali.

MUFAKAR

08 Feb, 16:59


Via @Faaido_team T 1

Tᴏᴘ Fᴀ,ɪᴅᴏ Tᴇʟɢʀᴀᴍ ᴄʜᴀɴᴇʟs ᴡᴀᴀ ᴋᴀɴᴀʟᴏ ᴛᴇʟɢʀᴀᴍ ᴏ ᴀʏ ᴋᴜ ᴍɪᴅᴏʙᴇɴ ᴢᴀᴀxɪɪᴘᴏ sᴏᴍᴀʟɪʏᴇᴅ, ʜᴀᴅᴀғᴋᴏᴅᴜɴᴀ ʏᴀʜᴀʏ ɪɴ ᴀʏ sᴀxɪɪᴘᴀᴅᴀ ᴋᴜ xɪʀᴀɴ ᴜ sᴏᴏ ɢᴜᴅʙɪʏᴀɴ ᴍᴏᴡᴅᴜᴄʏᴏ ғᴀ,ɪᴅᴏ ᴜ ʟe🥇   

📍Ku biir📍

𝗦𝗣𝗢𝗡𝗦𝗢𝗥𝗘𝗗 📌

@halgnka
@Saxiibka_Nolosha
@wadnojacayl
@Hagaha_nolosha
@akramjibriil
@Cilmu_nafsi_10
@DABIIBE_JACAYL

Gᴜᴅᴏᴏᴍɪᴇ 👨‍💻: @CABDULLAHI_7💠

MUFAKAR

06 Feb, 17:05


Gaza from space.

MUFAKAR

06 Feb, 10:03


Fathi Abu al-Saeed, ” Soow ma aragtid dambaska iyo haraadiga aan waxba tarayn ee gurigeygii ka hadhay” Kaas ayaa Maraykanka iyo meelkstana ka qiimo badan”

MUFAKAR

04 Feb, 23:41


Xalku Kuma Jiro Falastiintu inay ku nooladan Gaza ee wa inay Helaan Meelo kafiican Oo lagu noolado
TRUMP. cawana Wuxuu ku celiyay Hanjabaadiisi Ahayd Gaza Halaga Xaaqo Dadka Dagan ama waxay noqonaysa Jaxiima Oo kale

Fiiro Gara:
Waa hadalo Handadaada Iyo cago juglayn Uu ku qarinayo Fashilka Israel haduu Hub Iyo saanad ku daabulo Yaa U isticmaalaya Ciidanka Israel ee Gaza Soo arkay Male Awood ay Ku noqdane wuxuu raba Dalalka Masar iyo Jordan Inay isdhiiban Oo ay Ka soo dabcan Goanka diidmada ah ee ay kala Hor tageen

Wase Tii Lagu kala bixi lahaa Ee Israel carab iyo cajamba isku baran lahaayen jidka Jihaadkana Lagu doonan lahaa

MUFAKAR

03 Feb, 17:44


"Hadafkeenu Waa Kobcinta Garaadka Bulshadeena Waxan Halkan Ku Kulminay Kanaalada Ugu Sareeya Uguna wanaagsan Iyo Qaar Kamid Ah Dhalinta Udiyaarsan Sidii Ay Bulshadooda U Dhiirigalin Lahaayen. add me @Timow1

Sponsored ⬇️
@QALINKA24
@HOYGAJACAYLKA
@Timow1

MUFAKAR

03 Feb, 13:26


Shacabka waara wax ma ilaawo, cadowgooda meel walbo uu ku jiro way kasoo saaran🩸

Erayadahaas kor ku xusan waxay ku qoran yihiin katiinada gacanta ugu xiran maxaabiista shacabka reer Falastiin.

Micnaha israael maxaabiista haday deyso way ka daba tagaan mar kale ama xabsiga ayey ku celiyaan amaba way dilaayan.

Axlam Tamimi waa saxafiyad, waxay ka tirsan tahay Xamaas, jinsiyada Urduna way wadataa oo waxay ku dhalatay Urdun, waxay ka dhalatay qoys wayn oo isir u leh halganka.

2001 dii ayey waxay dishay 11 Yahuud ah oo laba ka mid ah American ahaayeen, waxaa lagu xukumay waagaas xabsi daa’im.

Isla waagaas ninkeed oo lagu magacaabo Nazar Tamimi oo asigana ka tirsan kooxda Fatx qaybteeda askarta ah wuxuu dilay mid Yahuud ah asigana waxaa lagu xukumay waagaas 12 sano.

Labadoodba 10 sano ka dib 2011 kii ayey kusoo baxeen maxaabiis is waydaarsi.

Maraykanka waxay ku dartay Axlam liiska argagixisada 2017 kii ayaa hadana mar kale xabsi lagu celiyey. 7 sano ka dib haday ku soo baxday mar labaad maxaabiis is waydaarsi.

Mar walbo ay soo daayaan waxaa loo dhoofiyaa Urdun, hada Maraykanka iyo Israael waxay Urdun ka dalbadeen inay wadankooda ka saaraan Axlam.

Dowlada Urdun waxay xafiiska Xamaas ee Qatar ku yaalo u sheegeen Axlam wadanka Urdun inay joogi karin oo laga eryi doono.

Sawirada waa Axlam iyo ninkeeda💔.

Xigasho.

MUFAKAR

02 Feb, 18:36


Weligaa inkaarta afkaada ka ilaali dhab iyo si dheel ahba, dadka qaar habaarka carabku u saaran yahay
Allaha u naxariisto daaciga Sacuudiyanka ahaa ee lagu magacaabi jiray Cabdalla Baa Nicmah asigoo 17 jir ayaa aabahiisa maalin wuxuu arkay jeebkiisa oo ligther kasoo dhacay.
Muxuu yahay bahalka sigaarka lagu shido oo jeebkaada kasoo dhacay uu yiri aabihii?

Markaasu yiri asigana saaxiibkey ayaa sigaar cabo.

Aabahana wuxuu yiri saaxibkaa maa sigaarka cabo dabkana agtaada muu yaalaa? Been ayaad sheegtay.

Wuu dhaartay asigana inuu sigaar cabin, been ayuu ku dhaartay.

Markaasu yiri aabihii qoorta hakaa jabto, dhaartaada haday been tahay.

Maalintii ku xigtay iskoolka ayuu u gembiyey asiga iyo asxaabtiisa waxay isu raaceen meel barkad lagu dabaasho. Barkadii ayuu si xoog leh isugu tuuray, wuxuu gaaray oo uu ku dhacay dhulkeeda, qoortaa jabtay sidii ayuu dhabarka ku beelay oo curyaan ku noqday.

Asigaa ka sheekeeyey qisadaan Allaha u naxariisto wuxuu yiri inkaartii aabahey waxay kusoo aaday saacadii istajaabada.

MUFAKAR

30 Jan, 09:37


Warbaahinta Sweden , ayaa xaqiijisay in lagu dilay toogasho ka dhacday guriga uu degganaa Salwan Momika oo ah qaxooti ka soo jeeda Ciraaq oo marar kala duwan gubay kitaabka Qur’aanka kariimka ah. Toogashada ayaa ka dhacday magaalada Sodertalje ee dalka Sweden, xilli Momika oo nacayb badan ku abuuray bulshada Islaamka uu ku jiray muuqaalka tooska ah ee TikTok , markaa oo rag hubaysan ay guriga ugu galeen iyagoo ku furay rasaas uu markii dambe u dhintay, sida ay booliiska sheegeen.

MUFAKAR

28 Jan, 18:05


Caawa war farxad leh ayan kuu hayaa waa hadii aad ka mid tahay dadka jecel daawashada xidigaha.

Inta badan ma dhacdo in hal mar aad cirka ku aragto afar meerayaal balse Caawa waxad arki kartaa afar meerayaal.

Aan kuu kala tilmaamo .

Hadaad eegto dhanka qorax dhaca xidiga aadka u wayn ee iftiinka badan waa VENUS .

bartanka cirka balse xoogaa xiga dhanka qorax soo bax waxaa ka muuqda xidiga JUPITER.

Waxaa u yara dhow xidiga MARS.

waxaa kaloo kuu muuqan kara xidiga SATURN.

Waxaa kaloo caawa safka ku jira Xidigaha NEPTUNE iyo URANUS balse waxad u baahan tahay waynayso ama qalabka fogaan araga si aad u aragto.

Dhamaadka bishan waxaa bandhigan meerayaasha sidoo kale gadaal kaga soo biiri doono xidiga MERCURY.

Dadka ku nool baadiyaha ama miyiga ayaa haysta fursad fiican caawa, si ka duwan dadka ku nool magaalada maadaama iftiinka magaalka habeenkii ay yareen karaan muuqashadooda.

Illaahay wuu noo qurxiyay cirka , waxaa sidoo kale daawashadooda ku jirto ku cibro qaadasho, maadaama ay nasoo xasuusiyaan awooda iyo jiriraanka Alle .

Qr, Burhan ja'far Gaameedl

MUFAKAR

26 Jan, 14:54


Trump ayaa soojeediyey in la xaaqo dadka Gaza ku dhaqan oo lagu kala daro Urdun iyo Masar.

Wuxuu sheegay in Gaza tahay meel la dudumiyey, aysana nolol oolin. Durbaba hadalkan Trump waxa soo dhaweeyey kooxda cunsuriyiinta ah ee Talabiib.

Qorshahani waa khatar weyn oo baneenaysa in la boobo waxa ka hadhay dhulka Falistiin.

MUFAKAR

25 Jan, 14:44


Fiiri, waxaa la siidayay iyaga oo faraxsan, caafimaad qaba oo war dhafoorbuu ku yaallaaye aan qabin jidh-dil iyo maskax-dil midna. Tani waa akhlaaqda sarraysa iyo anshaxa miidda ah ee Islaamku leeyahay. Sidoo kale, waa bisaylka iyo korranaanta afkaareed ee kooxda wax-iska-caabbinta islaamiga ee reer Falastiin.

Gabdhahan sida quruxda badan loola dhaqmay waa askar. Ciidankii ay ka tirsanaayeen iyo dawladdoodiina waxay Qasa ka samaysay wax aan meela laga samayn taariikhda casriga ah iyo tan duugga ah. Laakiin, iyaga lama ciilin, laguma cadha furfuran, lama gaajaysiin ee waxaa loola dhaqmay si gobnimo leh. Halka ay Israaiil maxaabiista ay hayso ku samayso bahdilaad, kufsi, jidh-dil, iyo darxumayn oo idil.

MUFAKAR

23 Jan, 19:53


Maxkamada aduunka , WHO , Qaramada midoobay ,xeerka caalamiga , xuuqul insaanka , maxayga haweenka halkaas uun ka wad waxaas markaa arko waa qoslaa wllhi kuwa aaminsan markaan arkana waan iska aamusaa.

MUFAKAR

23 Jan, 19:47


Trum : si aan usoo booqdo riyaad waxan idinka rabaa inaad bixisaan sucuudigow 1 Trillion oo dollar.

Kuna darsoo waa in aad hoos u dhigtaan qiimaha shidaal.

Ilingumeedkaas Trum waxa uu lacag iyo wax kale ku rabaa si uu u booqdo dhulkaas sharfan odayga muslimka ahina xajka si uu u gaadho sanadduu u shaqeeya qaarna maba awoodaan .

Waar waxa meesha haysta waa caynma ?!😂

MUFAKAR

23 Jan, 09:18


Mar labaad iyo kaymihii waqooyi ee LOS ANGELES😁

MUFAKAR

22 Jan, 13:35


Aniguna kumaan gabin
Adna imaad goynine
Waaayaha Ina gaabshee
Haddii aad guur leedahay
Oo lagula aqal galay
Geel iyo gamaan faras
Ayaan kugu galbinayaa.

MUFAKAR

22 Jan, 11:23


Inkastoo daruurtiyo
Xidigaha dushoodiyo
dayax gaar isleeyhy
mayarayn dadaalkee
Danbaa maha igu tiri .

MUFAKAR

16 Jan, 20:21


Hadalka caadiga ah “ waan ku jeclahay "

Afka sugaanta
‘‘ Hooyadayna Kuma dhalin
Naasna maynu wada habin
Halka aad ku taaleed
Qalbigayga hurudana
Qof hawysta maan arag ”.

MUFAKAR

06 Dec, 07:26


Fadliga maalinta Jimcaha, Waa maalinta Barakaysan ee Muslimiinta:

Jimcaha waa maalinta ugu fadliga badan todobaadka, waana maalinta Muslimiinta loogu yeeray inay isugu yimaadaan salaadda Jimcaha. Waa maalin muhiim ah oo camal wanaagsan la sameeyo, ducada la aqbalo, barakada lagu sii xoojiyo. Halkan ka akhri dhowr arrimood oo muhiim ah oo la sameeyo Jimcaha:

1. Akhri Suuratul Kahf
Nabiga (NNKH) wuxuu yiri:
Qofkii akhriya Suuratul Kahf maalinta Jimcaha, waxaa u nuura iftiin u dhexeeya labada Jimco.”
[Xadiis saxiix ah, Sunan Al-Daarimi]
2. Badi Saliga Nabiga (NNKH)
Nabiga (NNKH) wuxuu yiri:
Badiya saliga maalinta Jimcaha, maxaa yeelay salaantiinna waa la ii soo bandhigaa.
[Abu Dawood, 1047]
3. Ducada La Aqbalo
Nabiga (NNKH) wuxuu sheegay in maalinta Jimcaha ay jirto saacad, haddii qofka Muslimka ahi uu Alle wax wanaag ah weydiisto, ducadiisu waa la aqbalayaa.
[Sahih Al-Bukhari, 935; Sahih Muslim, 852]
4. Salaadda Jimcaha
Salaadda Jimcaha waxaa waajib ku ah ragga Muslimiinta haddii aysan jirin cudur ama caqabad kale. Alle wuxuu Qur’aanka ku yiri:
Kuwa iimaanka lehow, marka laguugu yeero salaadda Jimcaha, u soo degdega xuska Alle oo ka taga ganacsiga, taasina waa idiin khayr haddii aad garanaysaan.
[Qur’aanka, Suuratul Jumu’ah, 62:9]
5. Nadiifinta Iyo Qurxinta Nafta
Nabiga (NNKH) wuxuu Muslimiinta ku dhiirrigeliyay inay isku qurxiyaan maalinta Jimcaha, ay qubaystaan, sido kalana cadaystaan.
[Sahih Bukhari, 880]

Jimcaha waa fursad dahabi ah!
Jimcaha waa maalin ku habboon in Alle loo soo noqdo, cibaadada iyo ducada la badiyo, iyo in la xoojiyo xiriirka qoyska iyo asxaabta. Maanta oo kale, isku day inaad noqoto qof ka faa’iidaysta maalintaan qaaliga ah!.



W/Q: Mohamud A Ali

MUFAKAR

04 Dec, 16:44


Waa barnaamij taariikheed oo aynnu ka samaynay waddanka Singpore. Subscribe-tana yaan la illaawin. Daawasho wacan.

https://youtu.be/zdIC8qY8ZCo?si=Sx6OsJ2_4bnj9DBZ

MUFAKAR

30 Nov, 07:20


Charlie chaplin. Jilaagii hibada u lahaa, inuu aamusnaanta wax ku jilo. Subscribe-tad saaxiibayaal ha inaga illaawina.

https://youtu.be/CsNHWuOwG1U?si=JkoCOZTt5Fr8wUOq

MUFAKAR

27 Nov, 11:18


Maalku aduunkan waa muhiim , waxba yaan been laguu sheegin.

Raaxada aduunka oo ah Guurka xallaasha ah , haddii aadan ugu yaraan maal aad isku maarayso lahayn xaaladu waa kugu jiq.
In aad xata sadaqayso wax waxa ay kaaga baahan tahay maal .

Dhalin yarooy shaqaysta oo maal tabcada.

MUFAKAR

27 Nov, 08:43


https://youtu.be/BeIVqZN5nNc?si=e_wmoEb-mqujjlbU

Nagu soo biir walaal, oo subscribe inoo saar.

MUFAKAR

24 Nov, 17:10


https://t.me/addlist/BGIHlEdhczhkYThk





Via @team_kordhis B2

Ma iska Joogtay Aalada telegram Oo wakhti badan makaaga baxay raadinta Kannaalo Faa'iido u leh Noloshaada. Jawabtaadu hadday tahay; haa ''Waxan halkan kuugu soo xulay aqristaha sharfanow channelskaad baadi goobka ugu jirtay mudada dheer oo nooc kastaba leh. 😇

𝗦𝗵𝗮𝗿𝗮𝗳 𝗶𝘆𝗼 𝗸𝗮𝗿𝗮𝗮𝗺𝗼 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘀𝗼𝗼 𝗯𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗸𝗵𝗿𝗶𝘀𝘁𝗲 𝗼o 𝗸𝗮𝗺𝗶𝗱 𝗻𝗼𝗾𝗼 𝗯𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮 𝘄𝗲𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗻𝗮𝗴𝘂 𝘅𝗶𝗿𝗮𝗻, 💙😘



▁ ▂ ▄ ▅ ▆ ▇ █ - █ ▇ ▆ ▅ ▄ ▂ 
➦ SPONSORED BY
  ❂✿❂✿❂ - ✿❂✿
↪️ @jaceylqore
↪️ @TAFSIIRKA_QURAANKA1
↪️ @learn_english012
↪️ @Hagaajinaftaada
↪️ @Wadada_Guusha
↪️ @Arabic023
↪️ @taladaqoyska
↪️ @Caafimaad7
↪️ @Xikmadle
↪️ @kadisaqoon
↪️ @kalandarka_Hijriyada
↪️ @mustaqbal7
↪️ @Suuqgeynta
↪️ @Global_learning1
↪️ @Iibiye_online
↪️ @samow_techonolgy
↪️ @OGAANSHAHANOLASHA67
↪️ @Hamzaatii0845
↪️ @hadasamee
↪️ @wadnojacayl
↪️ @Balaashaan
╚═══════ - ════════╝
↪️ KURULUS OSMAN
↪️ @Abdirizakthoughts1
@udhawoow_allaah
♧Guddoomiyaha kooxda♧
http://t.me/Wll_musab


QORAALKAN TAABO COUSE FREE AH DHAWAAN I.A

MUFAKAR

24 Nov, 17:02


وقل رب زدني علما


Linkiyadaa hoose ku dhufo 👇👇👇

MUFAKAR

23 Nov, 17:23


Via @Faaido_team T 1

Tᴏᴘ Fᴀ,ɪᴅᴏ Tᴇʟɢʀᴀᴍ ᴄʜᴀɴᴇʟs ᴡᴀᴀ ᴋᴀɴᴀʟᴏ ᴛᴇʟɢʀᴀᴍ ᴏ ᴀʏ ᴋᴜ ᴍɪᴅᴏʙᴇɴ ᴢᴀᴀxɪɪᴘᴏ sᴏᴍᴀʟɪʏᴇᴅ, ʜᴀᴅᴀғᴋᴏᴅᴜɴᴀ ʏᴀʜᴀʏ ɪɴ ᴀʏ sᴀxɪɪᴘᴀᴅᴀ ᴋᴜ xɪʀᴀɴ ᴜ sᴏᴏ ɢᴜᴅʙɪʏᴀɴ ᴍᴏᴡᴅᴜᴄʏᴏ ғᴀ,ɪᴅᴏ ᴜ ʟe🥇   

📍Ku biir📍

𝗦𝗣𝗢𝗡𝗦𝗢𝗥𝗘𝗗 📌

@halgnka
@qoraal09
@Maskax_maaal
@Saxiibka_Nolosha
@wadnojacayl
@Hagaha_nolosha
@Dabiibe_Jacayl
@Cilmu_nafsi_10

Gᴜᴅᴏᴏᴍɪᴇ 👨‍💻: @Cabdullahi_7

MUFAKAR

22 Nov, 18:57


https://vm.tiktok.com/ZMh7wA4MQ/

Asxaabta bal tiktoktaydaa soo booqda gaalkina waa ku dhagan yahee copy link la dhaca

MUFAKAR

20 Nov, 19:00


●Noloshu ma ahan mid taagan oo meel ku dabran , awooda aad ku aqbalayso isbadalka kulana jaanqaadayso ayaa ka waxtar badan iska caabintiisa.

MUFAKAR

20 Nov, 18:20


Haddii aad jirto inta u dhaxaysa 20 jir ilaa 30 jir , waxa ku sugaysa hawl aan sugayn qofka ka weyn 30 jir iyo ka ka yar 20 jir.

Haddii aad tahay qof u dhaxeeyay d'a daas , fadhi kuma yaalo è kac oo ku dadaal sidii aad noloshada u maal gashan lahayd .

Xirfad baro.
Luqad cusub baro.
Sidoo kale isku day in aad kaysatid waxoga il dhaqaalo ah( haddii ayna kuba soo galina samayso meel yar oo waxoga kaga soo xarroodaan bishii ).
Baro wax cusub oo naftada anfacaya.

D'adaan waa waqtiga haddii aad ka faaìdaysato wax badan noloshada aad qabsatay haddii uu kaa qasaarana noloshada kala badh way qasaartay.

MUFAKAR

20 Nov, 12:17


Wiilasha : waar hoy gabdhaha haloo naxariiso way qalbi jilcan yahiin waa niyad san yihiin umana adkaysan karaan dulmi ,handadaad iyo culays kaleba e.

Inay ku cafiso waa laga yaaba , se in ay hilmaamto waxa aad yeeshay ma awoodo.

Gabdhaha u naxarista .

Xata gabadha aad xidhiidh wadaaga tihiin haddii ay yeelato dan adiga aan ahayn u sameeya cudur daaro ay ku gaadhi karto dantaas , ma jecla inay xumaan muujiyaan e.

MUFAKAR

20 Nov, 11:26


Awoowgii nimuu awr ahaa raaca adhigiisa,
Isaguna adoonnimo cid kale ugu adeegaya,
Albaabada Siyaasiga ma furo idil ahaantoode'
Aqoonyahan igadaa midhkaa samar uu eeday,.

MUFAKAR

18 Nov, 18:12


Nabiga haddaad tariikhdiisa daraasayso , noloshoo dhanbaad waayo arag u noqonaysaa .

Sheekh mustafe x . Ismacil.

MUFAKAR

18 Nov, 14:19


Waxaa jiro qolo Somalida ka mid ah waana la ogyahay qaybta ay yihiin qoladaas, waa ka xumahay qoladaas waxay kasoo hor jeedaan Xamaas, waxayna garta siiyan Israel, ayagoo cudur daar ka dhigaayo israel ayaa nabad rabto iyo in la is dhinac dego, laakiin Xamaas ayaa fidnada bilowday ee nabada diidan.

بسم الله الرحمن الرحيم.

Waxaa jiro marka hore maahmaah dheheyso.

أهل مكة ادرى بشعابها.

Micnaha waxaa laga wadaa wadan walbo shacabkiisa ayagaa kaa og daruuftooda, ahlu Gazana dhibka ayaguu haayaa oo ayagaa la gumeysanaayaa oo kaa og xaaladooda, wadankaada oo lagugu gumeystana in lawada dhinto oo Ilaah agtiisa la aado ayaa ka raaxo iyo sharaf badan.

Wadamada oo idil waxa la isku haystana waa dhul, dhulka Falastina mala mid aha dhulalka kale ee waa dhul barakaysan oo Anbiyada sidey u badan yihiin kasoo jeedaan kuna aasan yihiin waa dhulka uu ku yaalo أولى ألقبلتين micnaha saqiirka muslimka ah oo aan cilmiga lahayn xataa wuu fahmi karaa dhulkaas inuu Ilaah ugu talo gelin inay la wareegan israel oo ay maamulaan.

Waxaad tiraahdeen israel waxay ogoshahay in la dhinac noolaado.

1- ma ogola oo waxay rabaan inay baabi’iyaan hawiyada Falastin, waxay rabaan reer Falastin oo idil hawiyadooda iyo baasaboorkooda inuu noqdo Israel.

2- dhulka 70% ayagaa la wareegay, 30 ka soo haray ee reer Falastin ay ku nool yihina xornimo uguma noola oo waa lasii gumeystaa

3- dagaal ha socdo yuu soconin waa la laayaa oo waa la xiraa maalin walbo, xabsiga waxaa ku xareysan kumanaan rag, dumar iyo caruur ah, rag ayaa 40 sano iyo dheeraad xabsi iska jiifo, dumarka waa la fara xumeeya waa la xoogaa💔

Adigaas Israel difaacaayow hadii adiga iyo familkaada guryihiinii dhawrka boqol sano milkigiina ahaa hadii kooxo hubeysan intay kuu yimaadaan anagaa iska leh ku yiraahdaan adiga iyo reerkaada la idiinka soo saaro oo la idiin eryo maxaad sameyn lahay?
( midaas ayaa ka socoto Falastin mudo 75 sano ah)

Kuwaan banii Israel ma ahan ee waa koox lasoo abaabulay oo reer yurub ah daliilo badan ayaa jiro oo daliilka ugu culusna uu yahay Israel ma lahan baaritaanka asliga jiritaanka iyo meeshaad kasoo jeedid cadayn karo DNA nooca loo yaqaan ancestry test, baaritaankaan dowladaha waaweyn oo idil way leeyihiin aan ka ahayn ayaga, waaba mamnuuc hadii lagugu maqlo waa mushkilo, ma ogtihiin sababta? Anigaa idiin sheegaayo mala ogola oo shacabka ayaa laga baqaa inay ogaadaan oo ay fahmaan inuu asligooda ahayn banii’israel iyo inay kasoo jeedin dhulkaas ay ku nool yihiin.

1- Walaal haday reer galbeedka kuwa damiirka leh oo taariikhda Falastin iyo banii’israelna yaqaan ay kasoo hor jeedaan waxa la leeyahay dowlada israel, adigaas muslimka isku tilmaamayo sideed ku taageertay kuwan isku sheegay bani’israel?

2- Walaal haday Yahuudii asliga ahaa banaan baxyo ay sameynaayan maalin walbo oo ay leeyihiin anaga dhul ma lihin tawraatka kuma qorno inaan dhul lahaano ee waxaa naloogu talo galay inaan shacabka Falastin la noolaano waana kasoo horjeednaa kuwan isku tilmaamay bani’israel ee bariii ayaan ka nahay haday dheheen ayagoo Yahuud ah, adigaan muslimka isku tilmaamayo sideed ku taageertay oo aad eeda ku saartay xamaas?

Qofkii Xamaas kasoo horjeedo ha akhriyo kutubka Qur’aanka. Hadaad u baahan tahayna google baaritaan ku sameey raadi taariikhda Falastin iyo Banii’israel hana akhrinin kuwa reer galbeedka soo dhigay ee akhri maqaalada kasoo baxay dowladaha islamka.

Sawirkan waa dhakhtar Falastini ahaa oo lagu magacaabi jiray Dr Tawfiq Kancan, halagamana wuu ahaan jiray oo wuxuu kasoo hor jeeday Yahuuda laga soo kaxeyn jiray Yurubta oo la keeni jiray Falastin, asiga iyo reerkiisa waxaa laga eryay wadankooda iyo gurigooda, sanadkii 1948kii ayaa waxaa gurigooda la wareegay Nitinyaho aabihiisa waana midka uu hada ku nool yahay Nitinyaho.
X : sadia ali✍🏽

MUFAKAR

16 Nov, 08:37


In aad ka gudub tid hab dhaliisha  oo aad u gudubtid hab qadarinta   wanaagyadu , waxa ay si guud u qurxinaysaa noloshada iyo guud ahaan dadka kugu xeeran waxa kaala dhaxeeya.

MUFAKAR

15 Nov, 19:28


Allah haw naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo caawa ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

MUFAKAR

15 Nov, 17:20


Muhiim mahan tirada uu ka koobanyahay qoysku , balse
Waxaa Muhiim ah xidhiidhka ka dhaxeeya xubanaha qoysa.

H.

MUFAKAR

15 Nov, 16:23


M/m : Fadlan intan yar ila aqri 😢.

" Waxan ahaa  shakhsi aan bulshada ku dhex jirin , waxa aan ahaa qof ka  takooran dadka intiisa kale oo lahayb sooco ,  markii la i arko ama aan isku dayo in aan bulshadayda  u dhawaado  waa la  iga sii durki jiray  geedi dhan iska daa wada sheekaysi e  xata fursad uma heli jirin   bulshada aan ku dhex noola .
Madalaha ay ka jiraan hafladuhu sida aroosyada , munaasibadaha , bandhigyada IWM , marka aan tago ama aan jeclaysto in aan kasoo hor muuqdo  waxa xaga danbe i dhiga  cida markaas hawsha wada , si aanan uga soo hor muuqan  safka hore ee madasha ama ayna ii qabin camera du  , iyagoo ka duulaya in ay masuuliyiinta goobta jooga iyo anagu  sawir ku nagu wada dhicin.

Waxa kaliya ee laygu takoori jirayna waa naafa nimadayda ."

Waa hadal uu qoray wiil ka mid ah bahda naafada ah  ,  waxayna muujinaysa  in aan wax ixtiraam  ah aan loo muujin dadka qaba baahiyaha gaarka ah iskaba daa in loo naxariisto e.

Waxan idinku boorinaya oon idinku boorinayaa in aad u naxariisataan , caawisaan  , niyada u dhistaan ,  sidoo kale garabsiisan dadka qaba baahiyaha gaarka ah.

MUFAKAR

15 Nov, 15:45


Waqti bay ahayd ......................! 😆

MUFAKAR

14 Nov, 20:17


CULEYS KASTA DABADII FUDEYD AYAA LA FISHAA.

Ilaahay wuxuu si adag u damaanad qaaday in Culeys kasta oo dadka Iimaanka lihi ku yimaada uu uga dambeyn doono fudeyd.

فَإِنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا (5) إِنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا (6)
“Dhab ahaantii Culeys walba fudeyd ayaa la jira,xaqiiqdii Culeys walba Fudeyd ayaa la jira”.

Fudeydka Culeyska la jiro waa mid ka dambeeya Culeyska sida ay Aayadan kale sheegtay.

سَيَجْعَلُ اللَّهُ بَعْدَ عُسْرٍ يُسْرًا (7)
“Eebe wuxuu Culeyska dabadii yeelayaa Fudeyd”.

Athar saxiix ah oo Imaam Cumar ka sugnaatay ayaa ahayd:-

قال عمر ابن خطاب رضي الله عنه:-
"فإنه ما ينزل بعبد مؤمن من منزلة شدة إلا يجعل الله له بعدها فرجا ، ولن يغلب عسر يسرين ".
رواه الحاكم في "المستدرك" (2/329) بسند صحيح ، قال فيه الحاكم : صحيح على شرط مسلم . ووافقه الذهبي في "التلخيص" ،

“Ilaahay Addoon Mu’min ah Dhibaato kuma rido illaa haday dhacdo oo uu u qadaro,dhibaatadaa dabadeed Faraj ayuu u furaa,mana dhacdo in uu Culeys qura ka qaalib noqdo laba fudeyd”.

Atharkaa Saxiixa ah waxaa waafaqaya Xadiis sanad ahaan daciif ah laakiin macno ahaan saxiix ah oo Nabiga scw laga wariyay:-

لما نزلت إن مع العسر يسراً : خرج النبي صلي الله عليه وسلم يوماً مسروراً فرحاً ، وهو يضحك وهو يقول : (لن يغلب عسر يسرين) أخرجه الحاكم (2/ 528) وقال هو والذهبي : مرسل ضعيف.

“Markay soo dagtay Aayadda oranaysa (Culeys kasta Fudeyd baa la jira) ayuu Nabiga scw soo baxay maalin isaga oo faraxsan oo qoslaya oo wuxuu yiri:-ma dhici karto in culeys qura uu laba fudeyd ka qaalib noqdo”.

"وثبت عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال : (وَاعْلَمْ أَنَّ فِي الصَّبْرِ عَلَى مَا تَكْرَهُ خَيْرًا كَثِيرًا ، وَأَنَّ النَّصْرَ مَعَ الصَّبْرِ ، وَأَنَّ الْفَرَجَ مَعَ الْكَرْبِ ، وَأَنَّ مَعَ الْعُسْرِ يُسْرًا) رواه أحمد (5/19) طبعة مؤسسة الرسالة وصححه المحققون ، وقال ابن رجب : حسن جيد . " جامع العلوم والحكم " (1/459) .

“Rasuulka scw wuxuu yiri:-“Ogow in ku Sabridda waxa aad kahanayso uu khayr badani ku jiro,guushana ay Sabarka la socoto,farajkana uu kurbada la socdo,oo uu sideedaba culays kasta fudeyd ka dambeeyo.

Tacaaliimtan Diiniga ahi waa Bishaarada Muslimiinta,waayo waxay ku baaqaysaa in aan dhibaato lagu waareynin oo ay dhibaato walbaa dheefi ka dambayso,lkn waa in aysan dadku is dhigan oo ay la yimaadaan dadaalkii Eebe u barakayn lahaa si ay dhibaatada oga baxaan.

MUFAKAR

12 Nov, 18:10


Maku daaray caashaqu
Mase wayska doonta
Dul ka muuji maahe
Ma ku helay dareen dhabi
Dadka ruuxa kuu daran
Ee dookhu kugu xidhay
Door qudha la hadalkii
Dhakhtar lagu dawoobiyo
Dabiib maad ka dhigataa .

MUFAKAR

11 Nov, 10:07


Ilaah dumarka guud ahaan calool xumada badan uma ogola,dumarka way qalbi jilcan yihiin calool xumada haday badato cuduro ayey ka qaadaan, way tabar beelaan, quruxdoodana way luntaa.

Cilmi ahaan waxaana lagu ogaaday in calool xumada badan ay ku dhaawacmaan qanjirada hormonka dumarnimada, qaar calool xumadooda badan waxay sabab u noqotaa inay uur qaadi waayaan, qaarna waxay u sabab noqoneysaa inay mar walbo carurta kasoo daatan, qaarna timaha inay ka daataan, qaar kalena markii la arko da’dooda inay ka wayn yihiin ayey u ekaadan, saas darteed ayuu Ilaah dumarka ugu diiday calool xumada.

Rasuulkeenana ﷺ wuxuu yiri : رفقاً بالقوارير micnaha dumarka waa khafiif sidii dhalada oo kale dhalana inay jabto ayaa looga baqa ee si tartib ah ayaa loola dhaqmaa😍
Wuxuu yiri xabiibkeena ﷺ midka kariimka ah ayaa dumarka karaameyo….kan xuna wuu xumeeya.

Sadia ali.

MUFAKAR

11 Nov, 09:07


https://youtu.be/Ltlh3Gmjc0I?si=coV6-0U80ZDeLnDB

Mawduuc ka hadlaya, lacagaha Crypto. Subacribe inoo saara.

MUFAKAR

07 Nov, 18:06


Asc .

In mudo ah oo aan ka maqnaa guud ahaan madashan boqran , waxa aan si rasmi ah ugu soo laabtay caawa.

Insha Allah qormooyinkeenii iyo mawduucyo kale oo aan idinku tala galay ayaan idinla wadaagi dona haddii Eebe idmo.

MUFAKAR

26 Oct, 02:11


{ Macluumad Muhim Ah }

Jirka insaanka wuxuu leeyahay khasnado badan oo wax kaydiyo :

Indhaha : farxad ama calool xumo, wax wanaagsan iyo waxaan wanaagsanayn wax walboo ay maalintii arkaan waxay u gudbiyaan maskaxda. Habeenkii markii barkinta madaxa la saaro waxaa bilaabmaayo filim, maskaxdii wixii maalintii loo soo gudbiyey oo ay keydisay ayey dib ayagoo filim ah usoo celisaa oo ay dad tustaa.
Insaanka markaasu marba dhinac isu rogaa hurdadii ayaa dhib ku noqoneyso, saas darteed Rasuulka ﷺ wuxuu nagu amray inaan 100 jeer istiqfaarsano intaan la seexanin.

Waxaa cajiib ah in gadaal laga ogaaday cilmi ahaan markii la istiqfaarsanayo oo afka uu dhaqaaqayo in carabka kor uu aadaayo ilkaha kore qaybta gadaal wuxuuna garaacaa qanjirka pituitary ga loo yaqaan, qanjirkaas wuxuu mas’uul ka yahay afkaarta. Carabkana intaas jeer uu garaacaayo waxaa la yiri wuxuu ka nadiifinaa qanjirka afkaarta aan wanaagsanayn iyo waswaaska xanuunka isu bedelo, meeshii ayuu insaanka wuxuu ku dareemaa raaxo iyo deganaan maskaxda, jirkii ayaa oxygen ku filan helaayo, ibliis wuxuu yiri :

وعزتك وجلالك لأغوينهم أجمعين

Ilaah caza wajalna wuxuu yiri.

وعزتي وجلالي لأغفرن لهم ماداموا يستغفرونني

Sadia ali.

MUFAKAR

22 Oct, 19:26


Walaasheed oo dhaawacan ayay hal saac la lugaynaysay oo ay dusha kuwadaa, waa ay kabo la’dahay.

Waxayna raadinaysaa meesha ugu dhow ee dawo laga helikaro .

Ilaahay haw gar gaaro wallaleeh falastiin.