Philosophy فلسفه 🤔🧠. @baraarujiawoodahaaga Channel on Telegram

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

@baraarujiawoodahaaga


Halkaan waxaad ka heli Falanqaynta buugaagta Falsafada iyo soo bandhigida falsafada sare, Iyo Fahanka Falsafada.

Kusoo biir chanelkena kale .

https://t.me/cilminafsiga

Wixii su'al ama talo bixin ah👇

Owner : @mizki_maxamuud


15/5/2021 🥰Welcome.

Philosophy فلسفه 🤔🧠. (Somali)

Halkaan waxaad ka heli Falanqaynta buugaagta Falsafada iyo soo bandhigida falsafada sare, Iyo Fahanka Falsafada. Baraarujiawoodahaaga waa meel aad ka heli karto falanqaynta iyo wararka ugu danbeeya ee ku saabsan falsafada. Si aad ugu fahanto qawaaniinta falsafada iyo kala duwanidda mawduucyada, ka soo biir kanalka aan ku saleynayno cilmi iyo beddeliyooyin fiican. Haddii aad ka duwan tahay oo aad doonayso inaad wax ka barato ama ka dhigo faahfaahin, ka tag kanalka:

https://t.me/cilminafsiga

Haddii aad su'aal ama talo qabtid, fadlan soo wac si aad ula socoto kanalka. Ownerka kanalka waa @AASIYA_CASAYR, oo ku soo bandhigay 15/5/2021. Ka soo dhowow iyo ku mahadsanid 🥰.

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

15 Feb, 19:27


Bal iska dheh eeg fariintan 🙃

Dabeecaddaydu waa mid xasaasi ah, waan cafinayaa, laakiin waligay ma illoobo.
Waan jeclahay roobka iyo waddooyinka dhaadheer.
Ma garanayo sida aan wax u xusho!
Waan jeclahay xasilloonida si xad dhaaf ah.
Haddii aan xanaaqo oo aan aamuso, waa wax aan macquul ahayn in aan been ka sheego dareenkayga.
Wax walba waan garanayaa, balse waxaan jeclahay in aan iska indho tiro.
Haddii aan qof jeclaado, si buuxda ayaan qalbigayga u siiyaa.
Waan argagaxaa wax kasta, xitaa haddii ay caadi yihiin.
Si dhaqso ah ayaan u walwalaa haddii aan qof jeclaado.
Ma jecli in aan muujiyo in aan masayrsanahay, laakiin waan ka masayraa wax kasta oo aan jeclahay.

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

12 Feb, 05:28


📌XUSUUSIN📢📢📢``

Asc, Maalinta arbacada ee bisha Shacbaan ay tahay 13/ 1446 Hijri.oo ku beegan 13/02/25
Waxaa noo bilaaban doono, S𝐨𝐨𝐧𝐤𝐚 sunnada ahaa ee 𝐀𝐲𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥 𝐁𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚. aan ka faaiidaysano insha Allah.

Sadexda maalmood ee 𝐀𝐲𝐚𝐚𝐦𝐮𝐥 𝐁𝐢𝐢𝐝𝐤𝐚.

🌹Arbaco: 13 Shacbaan 1446 H
12 February 2025.

🌹Khamiis:14 Shacbaan 1446H
13 February 2025.

🌹Jimce: 15 Shacbaan1446 H
14 February 2025.

♦️𝐍𝐚𝐛𝐢𝐠𝐮 ❪ﷺ❫waxa uu ahaa mid aanan ka tagin Soonka Ayaamul Biidka.

Hadii aadan soomi karina 𝐬𝐡𝐚𝐫𝐞 dheh oo gaarsii walaalaha, si aad u hesho ajir lamid ah ajirka ruuxa sooman.

🌹الدالَ على الخيرِ كفاعلِه🌹

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

11 Feb, 13:22


Aan idinla wadaago xasuusin weyn oo aan naftayda ku ilaaliyo markay gafto cabsina galisa inay rabigeed u degdegto raaligalintiisa.

Anigu suaalahaan inta badan is waydiiyo bay ka mid tahay micnaha io nuxurka weyn ee ku jira suurada huud quraanka tafsiirkiisa badi ma aqaan runtii oo waxaan wadaa barashadiisa, hadana suurada huud maalin aan ku maqlay maxaadiro ay ku jirtay ereyadan.
Rasuulka (ﷺ) wuxuu yiri:

"Shay-yabatnii Huud wa akhawaatuhaa"
"Suuradda Huud iyo walaalaheed baa i cireeyey ."

Baan ogaal dheeri ah ku bixiyey inaan ogaado midnaha weyn ee ku jira io culayskay xanbaarsantahay huud ee ay nabiga u ciraysey,

Waa kuwan hadaba waxaan ka arkay kana fahmay huud ee ila dhugta,


Maxaay Suuradda Huud Nabiga (ﷺ) u u Ciraysay?

Suuradda Huud waxay xanbaarsan tahay fariimo culus oo qofkii si dhab ah u dhuuxaa dareemi karo cabsi, masuuliyad, iyo walbahaar. Waxaa jira dhowr sababood oo ay u ciraysay Nabigeenna (ﷺ):

1. Amar lagu faray inuu si toos ah ugu istaago diinta

Aayadda ugu culus ee suuraddan ku jirta waa:
"فَٱسْتَقِمْ كَمَآ أُمِرْتَ وَمَن تَابَ مَعَكَ وَلَا تَطْغَوْا۟ إِنَّهُۥ بِمَا تَعْمَلُونَ بَصِيرٌ"
("U istaag si toosan sida lagu faray, adiga iyo kuwa kula toobad keenay, hana xadgudbina, Illeen Eebbe wuxuu arkaa waxaad falaysaan." – Huud: 112)

Aayaddani waxay Nabiga (ﷺ) faraysaa inuu si toos ah ugu adkaysto dariiqa xaqa, isagoo aan marnaba ka leexan. Masuuliyadda culus ee hoggaaminta ummad iyo ilaalinta toosnaanta waa mid xambaarsan culays nafsiyadeed.

2. Xusuusin daran oo ku saabsan cadaabka ummadihii hore

Suuraddu waxay si faahfaahsan uga hadlaysaa sida qowmiyado kala duwan loogu halaagay dembigooda darteed:

Qoomkii Nabi Nuux

Qoomkii Caad (Nabi Huud)

Qoomkii Thamuud (Nabi Saalax)

Qoomkii Nabi Luudh

Fircoon iyo qoomkiisii


Dhamaantood waxaa la wadaaga hal sabab oo ah: Xaqa oo la diiday iyo dulmiga oo la badsaday. Nabiga (ﷺ) wuxuu dareemay culayska mas’uuliyadda isagoo og in haddii dadku ka dhega-adaygaan fariintiisa, ay la kulmi doonaan ciqaab lamid ah tii kuwii hore.

3. Aakhiro iyo xisaabta oo si qoto dheer loo xusay

Suuraddu waxay si xoog leh u xustaa maalinta qiyaamaha, caddaaladda Ilaahay, iyo abaal-marinta ama ciqaabta dadka sida ay camalkoodu yihiin.


---

Muxuu Huud Yahay?

Suuradda Huud waa suuradda 11aad ee Qur’aanka, waxaana la magacaabay iyadoo la raacay magaca Nabi Huud (عليه السلام), oo ka mid ahaa nabiyaasha loo diray ummadihii hore. Nabi Huud waxaa loo diray qoomkii Caad, kuwaas oo caan ku ahaa kibir iyo xoog ay la dumiyeen dhulka.

Nabi Huud wuxuu umaddiisa ugu yeeray tawxiid, balse way diideen, waxaana ku dhacay cadaab daran oo ah dabayl xoogleh oo ayan waxba ka harin.

Suuraddu waxay dadka xasuusinaysaa in Ilaahay awood buuxda u leeyahay inuu dadka u dhigo imtixaan, uusan cadaab u soo degin si la'aan ah, balse uu fursad siiyo kuwa toobad keeni kara.


---

Gunaanad:

Suuradda Huud waa suurad aad u culus xagga macnaha iyo fariinta ay xambaarsan tahay. Waa xasuusin qof kasta oo mas’uul ah, qof kasta oo nabiga (ﷺ) raacay, iyo qof kasta oo rajo ka qaba badbaado. Waa suurad ay tahay in si qoto dheer loo akhriyo oo laga fakaro.

Waxaa laga baranayaa:

Adkaysiga xilliyada adag

Xusuusinta ummadihii halaagsamay

Cadaaladda Ilaahay iyo maalinta xisaabta

Tawxiidka oo ah badbaadada kaliya


Marka la akhriyo suuraddan, waa in la fahmo culayska ay nabiga (ﷺ) saartay iyo sababta ay u ciraysay. Qofkii sida dhab ah u dhuuxa, wuu dareemi doonaa culayskeeda.

Ilaahay ha Ina sugo dhamaanteen aayaadkiisana ha inagu jiheeyo barashadooda io kudhaqankooda😭🤲


Share dheh ajar weyn baad ka heli ilaahay idankiise.

@mizki_maxamuud.

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

07 Feb, 18:50


🌻 Xeerar Muhiim ah oo Nolosha La Xiriira

🌼 1. Nolosha kuma helaysid wax walba oo aad rabto, laakiin raallinimada Allah ayaa noloshaada ka dhigaysa sidaad rabto.

🌼 2. Allah kuuma rido wax aadan xamili karin, sidaas darteed, adigu mar walba waad awoodaa.

🌼 3. U diyaargarow inaad kaligaa socoto, maxaa yeelay dad badan oo safarka kula bilaabay ma dhammeystiri doonaan.

🌼 4. Noqo sabab qof kale ku rumaysto in wanaagu wali ku jiro qalbiyada dadka.

🌼 5. Qof walba kuuma fahmi doono, waana wax caadi ah. Iyagu xaq bay u leeyihiin inay ra’yigooda dhiibtaan, adiguna xaq baad u leedahay inaadan ka dhegaysan.

🌼 6. Ha kala hormarin dadka qalbigaaga, ee u daa ficiladooda inay go’aamiyaan meelay istaahilan.

🌼 7. Ha murugoon adduunka iyo wixii ku jira, dhammaanteen marti baan nahay.

🌼 8. Wixii la soo dhaafay waxba kuguma yeeli karaan, haddii aadan adigu u oggolaanin.

🌼 9. Ha lumin waqtigaaga adigoo dib u eegaya wixii tagay, maxaa yeelay kuma soconaysid jihadaas la soo dhaafay.

@mizki_maxamuud

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

05 Feb, 17:03


Hab-dhaqanka qofka muslimka ah:

‎"احـــرص عـلـــى مـــاينـفـعـــك واســتـعن بالــــــله ولا تـعــجــــــز"
(Wixii ku anfacaya ku dadaal, Eebbana kaasho, hana caajisin)

– Mohammed, CSW

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

02 Feb, 20:21


Ereyadan uu Franz Kafka ku hadlayo waxay ka turjumayaan dareen ah inuu ka xishooday naftiisa markuu ogaaday in noloshu tahay sida xaflad dadku ay soo qaateen wejiyo been abuur ah (kuwa boonbalaha camal ah oo ay dadka soo xirtaan si ay u qariyaan wajigooda )
Halka  uu isagu  uu la yimid xafladaas wejigiisa dhabta ah.
(Dadka kale oo dhan waxa ay soo xirteen wajiyo aysan leheyn iyagu (

Kafka wuxuu sharxayaa sida dadku mararka qaar ula qabsadaan bulshadooda iyagoo isu ekaysiinaya ama daboolaya qofnimadooda dhabta ah si ay u helaan aqbalaad ama taageero. "Wejiga dhabta ah" ee uu xusay wuxuu matalayaa daacadnimo iyo qofka uu dhab ahaan yahay, laakiin wuxuu dareemay in bulshadu ay door biddo inay sameeyaan   muuqaallo iyo dabeecado aysan leheyn oo ay kaliya rabaan in ay ku qanciyaan bulshada ,ogoow dabeecadahaas ma aha kuwa ay leeyihiin kama turjumayo dabeecadooda iyo qofnimadooda shakhsiyeed .

Marka uu Kafka leeyahay inuu ka xishooday, waxa uu ula jeedaa dareenka ah inuu dareemay kelinimo ama ka duwan yahay  bulshadii ku hareeraysanayd oo isaga ay ula muuqatay inay ayagu labis ahaan iska dhigayeen waxyaabo aanay dhab ahaan ahayn. Hadalkan waxa uu iftiiminayaa in bulshooyinka badankoodu ay ka doorbidaan muuqaallo ama wajiyo been abuur ah halka ay ka aqbali lahaayeen qofka runta ah ay yihiin .

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

02 Feb, 17:42


Falsafada Waa martiqaad loo fidiyey qof kasta si uu naftiisa u beddelo.

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

02 Feb, 17:42


Falsafaddu waxay ahayd hab nololeed. Ma aha oo kaliya maadada daraasadda, falsafada waxaa loo tixgeliyey farshaxan nololeed, dhaqan ujeedadiisu tahay in la yareeyo dhibaatada iyo qaabeynta iyo dib u habeynta nafta si waafaqsan fikradda xigmadda Falsafada Waa martiqaad loo fidiyey qof kasta si uu naftiisa u beddelo.

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

02 Feb, 17:41


Mulxidiintaan Marka Aan arko Waxa Ay Isoo Xasuusiyaan Digaagaddii Uu Alle Swt Siiyey Garaad Ku Habboon oo u Dammaanad Qaadaya In ay Ku Dhugato Arrimaha Khuseeya Nolosheyda Ee ay Ka Midka Yihiin ;
Cuntada 'Cabbitaanka ,Dhisid Hoygeeda Iyo Ilaalinta Beedkeeda .
Digaagaddani Waxa Ay Ku adkaysanaysaa In ay Ku Garanayso Garaadkeeda Natiijada ka Dhalanaysa Marka Laba laba lugu dhufto 2*2.
Xilligii AY garaadkeeda ku Garanweyday Natiijadii Soo Baxday Ayey Go'aansatay In ay Dafirto Aqoonta Algebrada iyo Guud Ahaan Cilmiga Xisaabta.
Tusaalahan Waxa ka dhigan mulxidka Filaya Garaadkiisa Kooban iyo Aqoontiisa xaddidan in uu ku gaadhayo garashada Dhammaan arrimaha ka sarreeya Awooddiisa Haddiii uu Garan Waayana aamminaya In Aanay Jirin .

@MRXOOSH

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

02 Feb, 17:40


Faaidada Ay Leedahay Suaaleynta (Questioning).

Bari Waxaa Safar Wada Galay suufigii Weeynaa Rumi Iyo Mid Ka Mid Ah Culumada .
Safarkii inta Ay Dhexda kusii Jireen ayeey arkeen wabi .
Waxeey go,aan ku gaareen in ay Wabigaas ay biyo kasoo cabaan oo ay sahay ka dhigtaan .
Rumi ayaa wuxuu arkay suuf dhex sabeeynaya wabiga .
Markuu saa u arkay Suufkii ayuu Ninkii la socday ayuu ku yiri "war orod oo dhaxso soo qabo suufkaas ".
Caalimkii wuu ku booday wabigiii Si hunguri uu ku jiro wuuna dheh dabaashay .
Suufigii Rumi muusan u arki kareyn waxa meesha ka dhex dhacaya oo meeshii oo dhan waxa ay noqotay abuur sida in biyaha ay ku lagdamayaan labo qof .
Wuxuu Ku Qeeyliyey caalimkii oo waxa uu weeydiiyey "maxaad meesha ka dhex qaban soo Qabo suufka oo kasoo bax meesha ".

Wuu maqlay isagoo neeeftuuraya ayuu ku yiri " War Nacasyahow waxaani maaha suuf ee waa Yeey Oo ilaa hada weey iga Fuqi La,adahay .
Rumi Waxa uu ugu jawaabay
"Saxiib Haddii Aadan inta Aadan Ku boodin biyaha is weeydiin leheyd waxa muxuu yahay ? Maxaan Usoo Qaban ? .
Suaalahaan waxa ay kicin lahaayeen dood na dhex marta aniga iyo adiga doodaas waxa aynu ugu dambeyn gaari laheyn hubaasha waxaa inoo muuqda waxa uu yahay .

Runtii Suaalaha waxa ay inoo Furaan siraha , iyo wax kastoo qarsoon .
Ogoow weeydiinta wax kasta oo uu shaki ku jiro , maanka iyo rogrogida iyo baarida ayaa ka dhigi doona wax hubaal ah .
Dhalinyaro Waxa Loo baahan Yahay Inaad Joojisaan wax kasta oo aad iska Aqbalaysaan bilaa cadeyn , oo aad bilowdaan inaad wax iska Weeydiinsaan wax kasta .

@Mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

27 Jan, 10:18


Intaad ilaahay u jirtid ayaad u jirtaa waxaad nolosha rabtid.✅️

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

26 Jan, 16:00


https://t.me/cilminafsiga

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

25 Jan, 15:25


Marka ay dood ama muran ka dhex dhacdo laba qof, waxaa Halkaas ku Hirdamamaya abo aragti oo kala duwan. Mid kastaa wuxuu ku dadaalayaa inuu xaq ku taagnaado oo uu caddeeyo in kan kale uu qaldan yahay. Midkoodna ma doonayo inuu wax barto ama fahmo aragtida kale. Waxaan halkaa ka aragnaa laba maskaxood oo xiran oo aan furfurnayn . Tani waa hab khaldan oo ku dhisan islaweyni (is-moodsiisnimo), waana hab aan faa'iido lahayn oo xoojinaya maskaxda isku xiran ee is-difaacaysa, taasoo sii kordhinaysa jahwareerka iyo walwalka qofka.

*(Aan sii jilciyo oo sharaxo )*

Qoraalka wuxuu noo sheegayaa in marka labo qof isku qabtaan fikir ama aragti, ay maskaxdoodu ku mashquulsan tahay in mid waliba caddeeyo in isaga sax yahay, halkii ay furi lahaayeen maskaxdooda si ay u fahmaan midka kale. Labada dhinac midkoodna diyaar uma aha inuu wax ka barto qofka kale ama uu ka fahmo aragtidiisa. Maskaxda noocaas ah waxaa loo yaqaan maskax xiran, taas oo aan oggolaanayn is-fahan ama horumar.

Qoraalku wuxuu ka digayaa habkan, maadaama uu ku saleysan yahay islaweyni (is-moodsiisnimo), taas oo ah qofka oo is-moodsiiyo inuu isaga keliya saxan yahay. Tani waxay keenaysaa in maskaxdu noqoto mid xasaasi ah, wareersan, oo walwal badan leh, sababtoo ah qofka waxaa ku adkaata inuu aqbalo fikirka ama khaladaadkiisa, taasoo hor istaagaysa inuu wax ka barto Dadka ka aragti duwan .

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

25 Jan, 11:12


Dhalinyaro guushu waa sida adigoo soo galay keyn madoow ,taasoo aan leheyn wax wado ah oo la qaado .
Haddii ay Keyntaas ay ahaato wado ama dariiq ,waa jid uu Qof kale jeexday .
Haddii aad raacdidna Qof kale wadadiis ,waligaa ogaan meysid Awood aad leedahay .

Waxaa lagaa rabaa inaad jeexdid wado cusub ,oo ay ummadaadu ku guuleystaan .
Ha raacin oo haku dayan wax ay sameeyeeen dadkii hore ,wax ka baro ka dib ka wanaagsanoow .
@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

25 Jan, 11:11


Akhristow sheekaba sheekay keentaaye, sheekooyinka xishoodka Eebbe ka warrama waxaa ka mid ah qisada sheegaysa in haweenay ilmo la'aani ku dhacday ay maalin nebi Muuse u tagtay, ayna ka bariday in uu Alle ilmo u weydiiyo. Muuse wuxuu Alle ka tuugay in uu haweenaydaas ilmo siiyo, laakiin Eebbe Muuse wuxuu u sheegay in haweenaydu tahay dadka qaybtooda aan ilmaha loo qorin ee ma dhalayska ah.
Waa danbe, Muuse wuxuu arkay haweenaydii oo wiil yar koolkoolinaysa, oo hadba dhaban ka dhunkanaysa. Muuse haweenaydii wuxuu weydiiyey cidda ilmaha dhashay, waxayna u sheegtay in iyadu ay dhashay. Muuse oo shakiyey baa Eebbe weydiin kula noqday, oo wuxuu yiri: Eebbow see wax u jiraan sow adigii horay iigu sheegay in haweenaydaan aan ilmo loo qorin, mise haweenaydu been bay ii sheegtay oo wiilka iyadu ma aysan dhalin?
Eebbe Muuse wuxuu ku yiri: " Muusow sacabbada ayay ii hoorsatay, mar kasta oo aan ku iraahdo: Ma dhalays baad tahayna waxay iigu jawaabtay adiguna Raxmaan baad tahay, markaas baan ka xishooday in aan faro marnaan ku diro. Muusow adigu cid baahan oo wax aad awooddo ku weydiisatay ma qadin lahayd?

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

22 Jan, 05:41


Inaad la dooddo qof ka tanaasulay isticmaalka caqligiisa waa sida inaad dawo siiso qof dhintay."

Thomas Paine

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

20 Jan, 10:42


Hadii ilaahay nafta inoo daayo waxaa inaga xiga maalmo tirsan🤌
Ilaahay ha inagu simo inakoo caafimaad qabna nadna qabana ha I waafajiyo🤲

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

19 Jan, 14:35


Haddii aan ku dhagno fikradihii hore ee cilmi-baadhista sayniska ay diiday, markaas waxaan ku dhegannahay caqiido aan sal iyo raad lahayn.


--

Sharaxaad .

Qoraalkani wuxuu sheegayaa in haddii dadku ay ku sii dheggan yihiin fikradihii hore ee aan salka ku lahayn xaqiiqada sayniska, oo cilmi-baadhistu ay caddeysay inay khaldan yihiin, markaas waxay noqonayaan kuwo ku dhex wareegaya caqiido aan xaqiiqo ku salaysnayn.

Tusaale ahaan, haddii aan aqbalno waxyaabo hore loo rumeysnaa laakiin cilmi-baadhis casri ah ay muujisay inay qalad yihiin, waxaan noqonaynaa kuwo aan doonayn horumar iyo xaqiiqo raadis. Waxaa looga digayaa in qofka uu caqligiisa iyo cilmiga ku tiirsanaado halkii uu caqiido adag oo khaldan ku xirmi lahaa.

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

19 Jan, 14:03


David Hume wuxuu sheegayaa in dawladaha casriga ah iyo falsafadda casriga ah ay ka fiican yihiin kuwii hore ee qadiimiga ahaa. Wuxuu tilmaamayaa in horumarkan uu ku yimid si tartiib-tartiib ah, oo isbedello yar-yar oo joogto ah ay keeneen hagaajin weyn. Wuxuu kaloo rajaynayaa in horumarkaas uu sii socon doono mustaqbalka iyadoo la raacayo habkaas isbeddelka ah ee aan dag dag ku saleysneyn .



@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

18 Jan, 10:18


Niccolò Machiavelli wuxuu leeyahay dadku waa kuwo aad u fudud marka ay timaado fahamka iyo fikirka, gaar ahaan marka ay ku jiraan xaalad degdeg ah oo baahidoodu ay xooggan tahay. Taas macnaheedu waa qofka khiyaanada yaqaan, oo si fiican u og sida loo marin habaabiyo dadka, mar walba wuu heli doonaa dad uu si sahlan u khiyaaneeyo.

Wuxuu ka hadlayaa in dadku inta badan aysan si fiican u fiirsan, gaar ahaan marka ay wax doonayaan ama xaalad degdeg ah ku jiraan. Qofka khiyaano yaqaan wuxuu ka faa'iidaystaa dhibaatada dadkaas si uu uga dhaadhiciyo wax aan run ahayn ama uu ku qaldo. Tusaale ahaan, haddii qof dhibban yahay oo raadinayo caawimaad, qof khiyaano badan ayaa u sheegi kara inuu caawinayo, halka uu dhab ahaan doonayo inuu ka faa'iidaysto. Machiavelli wuxuu leeyahay tani waa sababta dadka khiyaanada yaqaan ay u helaan dad badan oo u nugul khiyaanadooda.


@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

18 Jan, 10:12


⚪️ ⚪️ ⚪️ ⚪️

Macnaha weedhani waa in derejo ama jago aysan qofka sharaf iyo qiimo siin karin haddii uusan qofka laftiisu ahayn mid wanaagsan oo anshax iyo karti leh. Tusaale ahaan, haddii qofka haysta darajo sare uu yahay mid dulmi badan oo aan dadkiisa u adeegayn, darajadiisu ma laha wax sharaf ah. Laakiin qof wanaagsan oo aan xitaa haysan jago sare, haddana dadku way qadariyaan, waayo sharafta qofku waxay ka timaadaa hab-dhaqankiisa iyo sida uu dadka u maamulo.

Haddaba, sharafta iyo qiimaha lagama helo jagada ama magaca, balse qofka ayaa ka dhiga jagada mid sharaf leh.


@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

14 Jan, 12:19


Buuga naftaydaay gacalo✍️

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

10 Jan, 06:55


Sheeko Falsafadeed: "Rag aan La Aqoon oo Xigmad Leh"

Tuulada fog ee buuraha hoostooda ku taallay, dadku waxay ku noolaayeen nolol daggan oo aan muran iyo dhibaato badan lahayn. Maalmo aan hore loo sii shaacinin ayaa waxaa tuulada soo galay saddex nin oo aan cidina aqoon. Labiskooda wuxuu u muuqday mid caadi ah, hadalladooduna ma aysan ahayn kuwo dheer, balse codkooda iyo dhaqankoodu wuxuu ahaa mid soo jiidasho leh oo dadku jeclaadeen.

Muddo kadib, raggaas waxaa bilaabay in lagu xanto tuulada. Dadku waxay is-weydiinayeen, “Yaa raggan ah? Maxay u yimaadeen? Maxay naga doonayaan?” Odayaasha tuulada oo doonaya in ay wax ka ogaadaan ayaa u tegay ragga, iyagoo su’aalo weydiinaya.

Odaygii ugu weynaa ayaa su’aalay mid ka mid ah ragga:
“Maxaa aad uga timaaddeen meelaha fog oo aad tuuladayada u soo gaadheen?”
Ninkii ayaa si deggan ugu jawaabay:
“Waxaan nahay mushaaxyo doonaya xikmad iyo aqoon; meel kasta oo aan tagno, waxaan ka raadinnaa wax naga maqan, waxaanan dadka la wadaagnaa wixii aan barannay.”

Odaygii oo yaaban ayaa yiri, “Sidee baad u ogaan kartaan waxa idinka maqan haddii aadan garanayn waxa aad dooneysaan?”
Ninkii ayaa qoslay oo yiri:
“Qofku mar walba wuxuu og yahay in waxa uu garanayo ay ka yar yihiin waxa uu weli ka maqan yahay. Waxa aan doonayno waa inaan baranno wixii aan weli aqoon u lahayn, iyo inaan dadka u sheegno in ay jiraan wax waligood u baahan yihiin in ay sii ogaadaan.”

Sheekadan ayaa si ballaaran u faafay, oo dadka tuulada waxay ka barteen xikmad weyn oo ahayd in qof kasta uu leeyahay casharro u gaar ah, oo wax-barashada iyo aqoonta ay yihiin wax aan waligood dhammaanin.


---

Xigmadaha laga baran karo:

1. Aqoonta dhabta ah waa ogaalka inaad wax badan garan weydo.


2. Qof kasta oo aad la kulanto, ha ahaado mid la yaqaan ama mid aan la aqoon, wuxuu kuu xambaarsan yahay cashar ama xikmad aad ka baran karto.


3. Noloshu waa safar aan dhammaad lahayn, halkaas oo qofka guuleystaa uu yahay kan had iyo jeer raadiya aqoon iyo faham cusub.

Jumca mubaarik akhyaarta.

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

07 Jan, 13:19


Qiso cajiiba

Saaxiibaday mid ka mid ah ma tukan jirin salaadda subax gabi ahaanba, laakiin si lama filaan ah ayuu ku noqday mid joogto ah, alxamdulillah. Markaa waxaan weydiiyay: "Sidee ku sameysay taas, xitaa maalmaha aad hurudid saacadaha 1 iyo 2 habeennimo, waxaad u kacdaa oo tukanaysaa adigoo firfircoon?" 😃
Wuxuu iiga sheekeeyay hab fiican oo qurux badan:

Marka aad seexanayso, ku seexo adigoo weyso qaatay. Wanaagsan tahay inaad ku darto laba rakcadood oo tukasho ah ka hor intaadan seexan, oo aad akhriso suuradda Al-Mulk. Dabcan, Shaydaanku wuxuu isku dayi doonaa inuu kaa hor istaago taas oo dhan. Haddii aad rabto inaad saddexdaas sameyso, wuxuu ku oran doonaa, "Weyso qaadasho kaliya waa ku filan, maxaad hadda ugu baahantahay inaad tukatid oo aad Qur'aan akhrido? Ma waxaad leedahay 100 shaqo oo sugaya berrito." Halka haddii aad fiirsanayso filim ilaa 3 subaxnimo aysan wax dhibaato ah ku qabin. 😃

Haddaba, sidee ugu guuleysan kartaa taas?
Si fudud: fulinta. Maxay tahay fulinta?
Wax kasta, go'aanka ugu horreeya wuu adag yahay, laakiin tallaabada koowaad ee aad qaado waa tan ugu adag. Tusaale ahaan, marka aad weyso qaadato, keligaa waxaad dareemi doontaa rabitaan ah inaad tukatid laba rakcadood oo aad akhriso suuradda Al-Mulk ka hor intaadan seexan, si malaa'iguhu kuu dembi dhaafaan inta aad huruddo. 😃

Maxaa xiga?
Haddii aan kuu sheego inaad safrayso, oo aad ka tagayso Masar, kuna aadayso waddanka aad rabto saacadda 4 subaxnimo, laakiin shuruuddu tahay inaadan seexanin ka hor saacadda 2 habeennimo, ma kici lahayd mise maya? 😃
Waa su'aal xasaasi ah, maxaa yeelay xitaa hurdo kuguma imaan lahayn, maadaama aad ka tagayso Masar! 😂 Hadda bal ka warran Kan ku abuuray adiga iyo caalamka oo dhan oo kuugu yeeraya waqtigaas quruxda badan? Ogow inaad u kacayso Rabbi dartiis, oo isagaa kuu fududeyn doona.

Waxa saddexaad: dhig saacaddaada alaarmiga waqtiga salaadda saxda ah si uu u dhaco isla waqtiga aadaanka. Tani waxay kuu sii dhiirrigelin doontaa inaad kacdo. 👌
Dhig moobilka meel fog si aad qasab ugu kacdo oo aad u damiso. 😁

Haddaba, waa dhowr tallaabo oo haddii aad samayso, Inshaa Allaah, way ku beddeli doontaa, waxaadna tukan doontaa salaadda subax maalin kasta.
Ha akhrin qoraalkan oo kaliya, u gudbi (share) si aad ugu hesho ajar qof kale Inshaa Allaah.

@mizki_maxamuud

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

05 Jan, 12:09


"Dadka oo dhan isku waqti waa la siiyay, Haddana way kala darajo sareeyaan, sababtoo ah Isku karti lama siin."

Burcaawi.🩷

@Balaashaan1

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

04 Jan, 04:30


كن سبب في كثرة الصلاة على النبي♥️
اللهم صِل وسلم وبارك على نبينا محمدﷺ.

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

03 Jan, 17:12


Tirooyinka Ayaa Xukuma Fekerrada (Baytagoras570-4951DCH)

Faylasuu Bavtagoras taariikhdiisa lagama oga wax aad u badan, maxaa yeelay lagama dhaxlin wax Qoraalo
ah oo uu isagu gacantiisa ku qoray,
waxaana suurtagal ah sida uu sheegay faylasuufkii reer Girig eeBoorfiri (Porphyry) in aan aanay jirin xataa wax Dardaaran ah o0 uu uga tagey ardaydiisiina.
Hase yeesgee sida ay faylasuufyada casriga ahi
aamminsan yihiin Baytagoras wuxuu ku dhashay
jasiisaradda seymaas samos oo ku taalla xeebaha
waddanka maanta loo yaqaanno Turkiga.
Haddaba, yaraantiisii waxa uu u socdaalay meelo
badan, waxaana laga yaabaa in uu dhigan jirey dugsi-
falsafaddeedkii Mayleeshiyaanka, waxaana aad u
Suurtoobi karta in uu Masar u tagey waxbarasho
ahaan, waayo waxa ay ahayd goob waxbarasheed
gadimi ah.
SIdoo kale, markii uu illaa 40 jir noqday waxa uu dad 300 oo qof gaadhaya isugu keenay magaalada korowtan ee ku taal koonfurta Talyaaniga ,wuxuuna
wuxuuna dadkan bari jirey culuum isku- Dhafan oo diini iyo maadiba ka kooban , wuxuuuna ahaa Hogaamiyahoooda .
Wuxuu faylasuufkaan sheegay in dhammaan Shay kasta Oo adduunkaan korkiiisa Yaallaa uu yahay Mid si uun u waadaqsan xeerarka -Xisaabta ama Qaaciidooyinka -Xisaabeed ee jira ,Wuxuuna ku soo Gunaanaday in tirooyinka ay yihiin kuwa xukuma wax kasta oo jira oo ay dareemayaasheennu gartaan .
Sidaas darteyd ,Wuxuu ku dooodayey in haddii si fiican loo fahmo xisaabaadka iyo xidhiidhka ay leeyihiin si fiican loo fahmi karo kooonka iyo Qaabka Dhismeedkiisa .
Wuxuuna Intaas ku daray , in xisaabtu ay tahay ta Hagta fekerrada falsafaddaydan oo dhan , Taas micnaheeduna Waa tirooyinka ayaa Xukuma fekerrada.


@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

03 Jan, 17:09


Meel fog Ha Fiirshaan Indhaha Xorta Ah .

Dogmatism iyo skepticism .

Waa Laba Falsafadood Oo Xaqiiqooyinka Ama Aragtiyaha Ula Macaamila Mid Walba Gaarkiis .
Dogmatism iyo skepticism Labadaba ,macno ahaan waa laba Falsafadood Oo Dhameystiran Oo Mid kasta ay muhiim u tahay Nolosha .
Dogmatism Waa Dadka Aaminsan Inuu Waxaas Hubo Inuu Garanayo , Haddii Aad Damacdid In Aad Ra,yi Usoo Bandhigto Weey Adagtahay Inuu Kaa Qaato .
Ereyga Dogma Horaantii Qarnigii 16aad ayuu kusoo biiray Afka Ingiriiska wuxuuna kaga soo biiray ereyga laatiinka ee micnihiisu yahay "philosophical tenet.”
Ereyga Dogma Micnihiisu Waa "feker".
Dadka Loogu Yeero Dogmatism Waa Dad Aaminsan in Kaliya Mowqifkooda Ama Aragtidooda Kaliya Ay Saxtahay Waana fikir Runtii Khatar ah .
Oo qofka Waxa Ay Ka Hor istaageysaa in uu barto run cusub iyo Fikir Cusub .
Fikirkaan wuxuu dadka ka hor istaagaa in ay noqdaan dad maanfur ah .
Waa isagii faylasuuufkii weeynaa bartand Russell uu lahaa
"Caqabada ugu Weyn ee Biniaadamka Ka Hortaagan Farxada Waa dogmatism".
Hadaba Mar kasta oo aad isku aragto inaad dhinaca aqlabiyadda ama raranta in aad ku jirto waa waqtigii Aad Dib u laaban leheyd oo aad joojin leheyd oo aad meel fog fiirin leheyd .
Waa lagama maarmaan in nolosha lagu wajaho maskax furanaan , annagoo qirsan in aynaan helin dhammaan jawaabaha.
U furnaanta ra'yiga iyo caqiidooyinka kala duwan waxay noo ogolaanaysaa inaan korno Caqli ahaan oo aan wax baranno, inaan noqono dad dulqaad badan oo fahama kuwa kale lana gorgortami kara .
Nolosha in aad meel isaga dhagnaatid wax ka xun ma leh kasoo daag daag afkaarta aad Aaminsan tahay ee qalafsan oo fur maankaaga wax kasta oo ahoow qof xor ah .
Dogmatism-ku waxay qofka ku keentaa dhibaato marka ay iska indhatiraan caddaymaha aan taageeraynin fikirkooda, marka ay shakhsiyaadku galaan eexda xaqiijinta ah (kala shaandhaynta caddaynta lidka ku ah caqiidada qofka), iyo marka ashkhaastu u adkaysan waayaan aragtiyaha iska soo horjeeda.
Aaminaaada Indhobeelnimada Ah Qofka Waxa Ay Ka Hor Istaagtaa Inuu Arko Xaqiiqda .
Ii Ogoloow in Aan Kaaga sheekeeyo Naag Ku Noolood New York sannadka Marka Uu Ahaa 1820 .
Haweeneydaan Waxa Ay Sheegatay Nabinimo Dad Badan Weey Aamineyn Oo Waxa ay heshay taageero badan .
Maalin maalmaha ka mid ah ayeey inta isugu yeertay dadka Taageeri jirey ayeey waxa ay ku tiri
"Bishaaro waxaan idinku bishaareeynayaa in aan ku Dul socon doono biri subixii 11:00 marka la joogo biyaha badda ".
kumanyaalkoodii ayaa kuwii rumaysnaa ayaa isugu soo ururay badda agteeda.
Oo waxa ay sugayaan in ay haweeneydaas ku dul socoto badda .

Inta aysan sameyn ayeey la hadashay tageeraheedii iyadoo ku leh: 'Dhammaantiin ma ku qanacsan tihiin inaan biyaha ku dul socon karo ?' Waxay ku jawaabeen hal cod oo dheer: "Haa, waanu nahay oo waan ku qanacsamahy inaad sameyn kartid saas ." Hadday sidaas tahay, ayay ku dhawaaqday, "Ma jirto baahi ii qabta inaan sameeyo sidaas ?

Dhammaantood waxay aadeen gurigooda iyagoon waxba ogaan "
Runta iyo beenta Naagtaas Waxa ka hor istaagay kaliya geesinmo iyo bareer ay ku dhahaan "may ".
Haddii ay dhihi lahaayeen may waxeey ogaan lahaayeen Xaqiiqda .

Ha ahaan dadkaas Oo Kale marna !!
Ahooow Qof Maanfuran .
Dhallinyaro, geesinimada waa arin dalbaysa tallaabada saxa ah xilliga saxa ah, in kabadan inta ay fuleynimada dalbayso tallaabada khaladka ah xilliga saxa ah.

@Mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

01 Jan, 19:07


Bisha Rajab waa mid ka mid ah bilaha barakeysan ee Islaamka, waxayna leedahay faa'iidooyin diimeed iyo muhiimad gaar ah oo ku qotonta cibaadada iyo dhowrista wanaagga. Waa mid ka mid ah Afarta Bilood ee Barakeysan ee Qur’aanku xusay (Suuradda At-Tawbah: 36). Waxaa jira dhowr faa'iido oo bisha Rajab la xiriirta:

1. Bil Barakeysan

Bisha Rajab waa bil ka mid ah bilaha loo yaqaan Al-Ash-hurul Xurum (bilaha sharafta leh), waana wakhti la faralyeeyay in la iska ilaaliyo dambiyada oo la kordhiyo cibaadada.

2. Fursad Lagu Soo Dhoweysto Alle

Bisha Rajab waxaa lagu tilmaamaa waqti fiican oo lagu bilaabo u diyaarinta nafta ee bisha Ramadan. Waa fursad lagu dar-dar galiyo cibaadada sida salaadda, soonka, iyo ducada si loogu dhawaado Alle.

3. Soonka Bisha Rajab

Waa mid aad nafta ku tarbiyadayn karto oo aad u ajar badan


4. Duco La Aqbalayo

Culimada qaarkood waxay ku sheegeen in bisha Rajab ay tahay waqti lagu nasto oo ducooyinku si fudud loo aqbalo, sidaas darteed waa muhiim in la badiyo ducada, tawbad keenka, iyo weydiista Alle cafis.

5. Xasuusta Isra Wal-Mi'raaj

Waxaa la aaminsan yahay in safarka barakeysan ee Isra Wal-Mi’raaj (markii Rasuulka (CSW) loo qaaday Samooyinka Sare) uu ka dhacay bisha Rajab. Waa dhacdo muhiim ah oo xasuus leh oo ku saabsan qiimaha salaadda iyo waxyaabaha cajiibka ah ee Alle siiyay Nabi Muxammad (CSW).

6. Iska ilaalinta Dambiyada

Bisha Rajab waa bil Alle si gaar ah ku amray in la dhowro, oo aysan dhicin dambiyo weyn, sidaas darteed waa fursad lagu wanaajiyo akhlaaqda iyo camalka.

Gunaanad:

Bisha Rajab waxay ina baraysaa in Alle laga cabsado, laga dhowrsado xumaan, lana kordhiyo camalada wanaagsan si loogu diyaar garoobo bisha barakeysan ee Ramadan. Waxay ahayd mid ka mid ah bilihii ay Muslimiintu ka faa'iideysan jireen si ay naftooda u nadiifiyaan.

Ilaahay ha inagu simo bilaha barakaysan io aqbalida camaladeena wanaagsan io ducooyinka khyrkana ha Ina waafajiyo🤲

@mizki_maxamuud 🥰

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

01 Jan, 14:59


Waxaan arkay inaad channel si fiicna ugu xiran Tihiin marka aan eegay statistics.
Inshallah new year ,wax yaalo cusub ayaan kusoo kordhin doonaa channel isla socod wanaagsan akhyaaarta .
Qore mulkiilaha channel @mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

31 Dec, 12:28


5. Samir iyo Tawaaduc: Ogow in sanadka cusub uu noqon karo mid naxariis iyo dhibaato isku dhex jira. Ka taxaddar oo la imow dulqaad.

6. Qorshee Wakhtigaaga: Samee jadwal ama qorshe kuu gaar ah oo sanadka cusub ah. Ku dar cibaadadaada, akhriska Qur’aanka, iyo barashada diintaada, si aad u sii xoojiso xiriirkaaga Alle.

7. Ka Shaqee Horumarinta Naftaada: Haddii aad leedahay xirfad ama aqoon aad rabto inaad horumariso, go'aanso inaad sanadkan cusub ku horumariso. Tusaale ahaan, barashada luuqad cusub ama xirfad farsamo.

8. Qoyska iyo Asxaabta: Ku dhawaada dadka aad jeceshahay, waayo waxay noqon karaan taageeradaada ugu weyn. Waqti la qaado qoyskaaga si aad ugu farxiso oo aad ugu muujiso jacaylkaaga.

9. Sadaqo Bixi: Samee sadaqo, xitaa haddii ay yar tahay, waayo waxay ka mid tahay waxyaabaha barakada kuu soo jiida sanadka cusub.

10. Rajada iyo Yaqiinta: Sanadka cusub kusoo gal qalbi furan iyo niyad wanaagsan. Ku kalsoonow in Alle kuu fududeyn doono caqabad kasta oo kaa hor timaada.

Ugu dambeyn, ku xirnaanshaha diinta iyo Alle waa hubaal inaad ka heli doonto xasillooni iyo barwaaqo.

اللهم إني أحمدك على السنة التي مضت وما أنعمت عليّ فيها. وأسألك أن تبارك لي في السنة الجديدة. ارزقني الصحة، والعبادة المستمرة، والقلب المطمئن. زدني علماً وفهماً في دينك، ويسر لي الأعمال الصالحة التي تقربني إليك. اللهم احفظ نقابي واجعله لي شرفاً وسبباً للنجاة في الآخرة. واغفر لي ذنوبي الماضية، وارحم نفسي وأهلي وجميع المسلمين. آمين يا رب العالمين.🤲

@Mizki_maxamuud ♥️

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

31 Dec, 12:28


Maanta waa maalin sanad u danbayse alx ilaahay inagu simay 31/12/2024😊

Maanta waa maalin ku habboon in lagu shukriyo Allah nimcooyinkiisa yadoo maalin waliba alleh inaga mudan yahay inaynu ku shukrino♥️, laguna fakaro sida aad uga faa’iideysatay sanadkan dhamaadka ku dhow. Waxaan kugula talin lahaa:

1. Shukri Alle: Samee ducada ugu dambeysa ee sanadka, kuna mahadi Allah nimcooyinkiisa adigoo ka codsanaya inuu ku siiyo sanad cusub oo barako iyo naxariis leh.

2. Xisaabtanka Naftaada: Eeg waxyaabaha aad sanadkan ka faa'iiday, khaladaadkaaga, iyo waxa aad rabto inaad hagaajiso. Samee niyad adag oo ku saabsan inaad wax badan ka barato wixii tagay.

3. Raali-gelin iyo Nabadeyn: Haddii ay jiraan dad aad isku xumaateen ama xiriir xumaaday, isku day inaad heshiis ka sameyso si qalbigaagu u fududaado.

4. Hadaf Cusub u samee Sanadka Cusub: Go'aanso inaad bilowdo waxyaabo wanaagsan oo kuu horseedi kara barwaaqo, mid diin iyo mid aduun.

Part 2👇

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

31 Dec, 03:58


Adiga oo qaadanaya caadooyinkiisa, sida curiosity ,observation , iyo pursuit of knowledge ee aan kor kusoo sharxnay waxaad kordhin kartaa hal-abuurnimadaada, waxaadna ku fiicnaan kartaa xalinta mushkiladaha, iyadoo aad ku heli karto noloshaada shaqsiyadeed iyo midda shaqaba qanacsanaan iyo farxad dheeraad ah.

la soco qeybta kale

Qore :@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

31 Dec, 03:58


the book of How to think like Leonardo de vinc

Qeybta 1aad
dhalinyaro manta waxaan isla akhri doonaa bug indhaweyd shelf(meesha buugaagta la saaro ) ii saarnaa oo magaciisu la yiraahdo "how to think like Leonardo de vinci .
Aqoonyahankaan de vinci wuxuu ahaa mid ay afkaartiisu ku dheehan tahay caqli badnaan , hal abuur , iyo karti iyo wxaad dareemi inuu aaad uGu horeeyo xiligiisa .
wuxuu ahaa qof isku darsaday farshaxan ,saynisyahan ,injineer . wuxuu sawiray sawirada uGu caansan wakhti xaadirkaan sida mona lisa ,the last supper , sawiradaasna marka aad fiirisid waxa ay ku tusayaan sida uu ahaa qof aad u yaqaan waxa uu qabanayo .
dhalinayaro kaliya kuma uusan ekaan farshaxanka wuxuu sidoo kale xiiseyn jiray wax kasta sida uu jirka biniaadamka u shaqeeyo , sida shimbiraha ay u duulaan xitaa wuxuu sawiray helicopter xiligaasna xitaa gaari ma jirin iska daa wax duulee .
aqoonyahankaan waxaa caado(habit) u lahaa inuu gacanta ku hayo buug yare (note book ) si uu uGu qoro fikradaha kusoo dhaca inta uu wadad socdo , wax kasta oo uu arko (ogoow dabeecada(nature) waa aqoon haddii aad loogu fiirfiirsado ) .
wuxuu rabay inuu adduunkaan u fahmo si qoto dheer , sida u shaqeeyo , yaaa maamula , ma awood tan aan u jeeedno ka baxsan ayaa jirta. iwm ayuu ah mid mar walba is weeydiin jiray
wuxuu ahaa mid aad u jecel inuu barto waxyaabo kala duwan taas oo ka caawisay inuu aragtiyooyinka isugu xiro qaab cusub taasna waxa ay ka dhigtay cabqari {genius ).
sahminta dhinacyo kala duwan iyo xiiseynta aqoonta dhinac kasta ha ahaatee oo cilmi ah waxa ay inoo horseedi kartaa ineynu helno afkaar cusub . daahfurnana wax ka qarsoonaa biniaadamka .
haddaba habit kasta waa la abuuri karaa . Bal ka fikir haddii hab-nololeedkii iyo habkii waxbarasho ee Leonardo da Vinci uusan ahayn wax waqti dheer soo maray oo laga tagay , balse uu yahay wax aad adiga noloshaada maanta ku isticmaali karto. Leonardo kuma uu dhalan , qoyskiisana ma aheyn kuwo caqli badan oo ximad badan , balse guushiisu waxay ku timid saddex caado oo muhiim ah
1:curiosity : Curiosity waa xiisaha iyo rabitaanka qofku u qabo inuu wax cusub ogaado ama fahmo. Marka qofku wax uu is weydiiyo ama uu doonayo inuu ogaado sida wax u shaqeeyaan ama sababta ay wax u dhacaan, waxaa la yiraahdaa waa qof curious ama xiiseeya waxbarashada iyo ogaalka.

Tusaale ahaan, haddii aad aragto shay cusub ama aad maqasho arrin aad horey u aqoonin, oo aad rabto inaad wax badan ka ogaato, waa astaanta curiosity. Qofka xiisaha badan waxa uu markasta raadiyaa jawaabo iyo faham cusub, wuxuuna ku dadaalaa inuu wax badan barto.
2:Observation :Observation waa daawashada iyo fiiro gaar ah u yeelashada waxa kugu hareeraysan si aad u barato ama aad u fahanto. Marka aad wax u fiirsato, waxaad arkeysaa faahfaahinta iyo qaabka ay wax u shaqeeyaan.

Tusaale ahaan, haddii aad beerta u baxdo oo aad si taxaddar leh ugu fiirsato geedaha, dhirta, iyo xayawaanka ku nool, waxaad arkeysaa waxyaabo badan oo aad horey u ogaanin. Observation waa inaad waqtigaaga ku bixiso daawashada iyo barashada waxa ku hareeraysan adiga oo aan degdegin, si aad u fahanto sida wax u dhacayaan ama sababta ay u muuqdaan sidaas.
3:The pursuit of knowledge waa raadinta iyo dedaalka joogtada ah ee qofku ugu jiro inuu aqoon cusub kasbado ama uu ballaariyo fahamkiisa. Waa rabitaanka iyo u heellanaanta uu qofku ku doonayo inuu wax badan ka ogaado, fahmo aragtiyo kala duwan, iyo inuu barto waxyaabo uu hore u aqoonin.

Qofka ku jira "pursuit of knowledge" waxa uu mar walba xiisaynayaa waxbarashada iyo helitaanka aqoon cusub. Wuxuu is weydiiyaa su’aalo, buugaag buu akhriyaa, waayo-aragnimooyin cusub buu raadiyaa, wuxuuna isku dayaa inuu fahmo wax kasta oo cusub oo ku hareeraysan ama dunida guud ahaan. Waxaa la oran karaa waa jidka uu qofku ku kobciyo naftiisa, aqoontiisa, iyo xirfaddiisa, isaga oo aan marna ka daalin barashada.

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

30 Dec, 08:15


Sheeko Xigmad Leh: Doqonkii iyo Fardooleyda
Waxaa jiray maalin maalmaha ka mid ah doqon aad u weyn oo ku noolaa magaalo yar oo fog. Doqonkan wuxuu ahaa mid caqli yari, laakiin aad u naxariis badan oo dadka aad u jecel.

Maalin maalmaha ka mid ah, doqonkii wuxuu arkay fardoole ka mid ah dadka magaalada oo wadada maraaya. Fardoole wuxuu ku fekeray inuu ku cayaaro oo uu ku maadeysto doqonka. Wuxuu weydiiyay, "Doqonyahow, miyaad jeceshahay inaad barato sida loo kaxeeyo faras?"

Doqonkii ayaa ka jawaabay, "Haa, aad baan u jeclahay inaan barto!"

Fardoole ayaa ku yiri, "Marka, waxaad u baahan tahay inaad ogaato in faraska uu leeyahay afar lugood, markaad riixdo gadaal wuxuu dhaqaaqayaa hore, markaad riixdo hore wuxuu dhaqaaqayaa gadaal. Isku day inaad riixdo faraska gadaal si uu hore u socdo."

Doqonkii wuu ku farxay oo wuxuu u dhaqaaqay inuu faraska kaxeeyo, sida fardoole u sheegay. Laakiin wuxuu la yaabay markii farasku u dhaqaaqi waayay sidii fardoole u sheegay. Farasku wuxuu ka dhaqaaqay markii doqonku riixay dhinac kale oo aan ahayn hore ama gadaal.

Dadka kale ee magaalada waxay daawanayeen doqonka iyo fardooleyda oo ay ku maadsanayeen doqonka oo isku dayaya inuu faraska kaxeeyo sida loo sheegay. Laakiin waxaa jiray oday caaqil ah oo magaalada ku noolaa, oo arkayay waxa socda.

Odaygii caaqilka ahaa ayaa u tegay doqonkii oo ku yiri, "Wiilow, ha u dhigin erayada fardooleda inaad ka maqli karto waxay run tahay. Ka baro faraska sida uu u dhaqmo oo naftaada ku kalsoonow."

Doqonkii wuxuu maqlay talada odayga oo wuxuu bilaabay inuu iskiis u barto dhaqanka faraska. Wuxuu ogaaday in farasku leeyahay habab gaar ah oo uu ku dhaqaaqo, wuxuuna ku dhaqaaqi karaa si fudud marka la fahmo dabeecaddiisa.

Muddo yar kadib, doqonkii wuxuu noqday fardoole xirfad leh oo dadka oo dhan ay la yaabeen. Fardooleyda kale waxay ogaadeen in doqonku uu caqli badan yahay, waxaana ay ka barteen cashar muhiim ah oo ku saabsan in aysan qofna yasin aqoontiisa ama caqligiisa.

Xigmadda Sheekada
Sheekadani waxay xambaarsan tahay xigmad qoto dheer oo ah in qof walba uu leeyahay awood iyo karti uu ku baran karo wax cusub, xitaa haddii dadku yiraahdaan ma awoodid. Waxaa muhiim ah in la raaco talada dadka aqoonta leh oo naftaada ku kalsoonaato. Yaan laguu yeerin inaad tahay doqon ama aanad awoodin inaad wax baratid. Ku kalsoonow naftaada oo ku dadaal inaad horumar sameyso.

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

29 Dec, 15:37


𝐐𝐨𝐟𝐤𝐚𝐬 Dhulka lagu jidaayo waa Somali kuwa jiidayana Waa Somaali. Waxa Sidas u galaayo waa dadki duugi/Aasi laha ama hadu dhib Qabsado hanti u aruurin lahaa.

𝐃𝐚𝐝𝐤𝐞𝐧𝐚 waxey u badan yihiin dad xita ataxyaadka salaada ilahey aan aqoon Lakin Qabilada iyo Qabyalada si Fiican Loo baray.

𝐢𝐬𝐥𝐚𝐚𝐦 Diintena ma ahan ee Qabyalad ayaa diin inoo ah.

𝐖𝐚𝐱𝐚𝐚𝐧 nahay soomaali isku af iyo isku Diin ah sido kale ehel iyo xigta ah ee aan joojino colaada Dhexdeena ah.

𝐃𝐚𝐥𝐤𝐚 intiisa badan Waxaa socdaan dagaal beeleedyo khasaare nafeed sababay.


Langab majiro maan gaba bajira!

😭aynu ka qayb qaadano dadka sidii looga wacyi galin lahaa ficilada xunxun ee axmaqnimada io diin la'aantu ka muuqato😢

Soomaliya burbur bay soo martay yadoo kii ka soo kaban in hadana mid cusub la bilaabo waa caqli xumo wlhi😢inakaa dalka u hadhayna dadkan waaweyn io wixii inaga horeeyeyba way dhamaanayaan ee saamayn xun yeynaan u reebin jiilkeena danbe siday kuwii hore inoogu reebeen☝️

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

26 Dec, 16:58


Dadku waa labo jaad, mid kuu arka qof wanaagsan oo ku jeclaada, iyo mid kuu arka qof wanaagsan oo kugu danaysta.

George Bernard Shaw.

Xikmadan waxaa laga fahmi karaa fikrad aad u qoto dheer oo ku saabsan dabeecadda aadanaha iyo sida ay u kala duwan yihiin qaababka ay dadku u arkaan qofka wanaagsan. Fasir kooban hadii aynu ka bixinana waa sidan:

1. Kuwa kuu arka qof wanaagsan oo ku jeclaada: Dadkan waxay leeyihiin qalbi wanaagsan oo aqoonsada wanaagga iyo dabeecadda wanaagsan ee qofka kale. Marka ay arkaan qof wanaagsan, waxay dareemaan kalgacal, jacayl, iyo ixtiraam. Waxay ku farxaan inay la yeeshaan saaxiibtinimo iyo xiriir wanaagsan. Tusaale ahaan, qofka noocaan ah wuxuu la shaqeeyaa kuwa wanaagsan, wuxuuna isku dayaa inuu caawiyo oo taageero siiyo.

2. Kuwa ku arka qof wanaagsan oo ku isticmaala: Dadkan waxay leeyihiin dabeecad ka duwan oo laga yaabo inay yihiin kuwo ka faa'iideysta wanaagga dadka kale. Marka ay arkaan qof wanaagsan, waxay arkaan fursad ay ka faa'iidaysan karaan. Qofka noocaan ah wuxuu isku dayaa inuu isticmaalo qofka wanaagsan si uu uga faa'iideysto, mararka qaarna wuxuu ku samayn karaa dulmi ugana faa'iidaysan karaa si aan cadaalad ahayn ama xun. Waxay ka fekeraan kaliya danahooda gaarka ah.

Xikmadan waxaa qoray George Bernard Shaw, oo ahaa qoraa iyo falsafad yahan caan ah, waxaana uu isku dayayaa inuu dadka ka wacyigeliyo in aysan mar walba aamini karin qof kasta oo u muuqda inuu kuu arko qof wanaagsan, sababtoo ah dhammaan dadka isku si uma arkaan wanaagga. Waa muhiim in la fahmo dabeecadda dadka si loo ogaado kuwa runta ah iyo kuwa aan la aamini karin.

@balaashaan1

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

25 Dec, 10:11


"Ka bilow naftaada ka hor inta aad cid kale wax u sheegin".

Cumar binu khaddab (RC).🦋

@balaashaan1

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

24 Dec, 14:47


Waxaan hadda akhriyey Qoraalka uu leeyahay Khaled Hosseini ee ah, "Bulsho fursad uma laha inay guulaysato haddii haweenkeedu yihiin kuwa aan waxbaran,"
aqoonyahankaas wuxuu tilmaamayaa muhiimadda ay u leedahay waxbarashada haweenka si loo gaaro horumar iyo guul bulsho ahaan. Wuxuu soo jeedinayaa in waxbarashada haweenka ay tahay arrin fure u ah horumarka guud ka ummad ahaan iyo , wanaagga, iyo baraaruga bulshada ama qaranka.

Haddii haweenka, oo ah kala bar bulshada, aan la siinin fursado waxbarasho oo siman, fursadda bulshadu u leedahay horumar, hal-abuur, iyo guul si aad ah ayay hoos ugu dhacaysaa. Marka haweenka la waxbaro, bulshooyinku waxay awoodaan inay si buuxda uga qaybqaataan dhinacyada kala duwan ee dhaqaalaha, qoyska, iyo hoggaaminta, taas oo ka dhigta bulsho xoog badan oo guulaysata.


@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

24 Dec, 14:45


Doqomada Dabeecada ah ay leeyihiin waxaa ka mid ah ;
wax wax soo saar leh oo wax ku ool ah ummadooda kuma soo kordhiyaan
1:Wuxuu u hadlaa ama sameeyaa wax aan muhiim ahayn oo aan waxba ka tarin bulshada ama dadka uu la falgalo.
wax la dhegaystana uma sheego
2::wuuna ka xanaaqaa marka wax walba loo sheego

Intaas ilaa intee dabeecadood ayaad leedahay

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

24 Dec, 14:44


Do not seek to follow in the footsteps of the wise. Seek what they sought.

Weedhani waxay leedahay farriin muhiim ah oo ah, halkii aad ka raaci lahayd raadka ama ficilada dadka caqliga badan, waxaa fiican in aad diirada saarto ujeedooyinka iyo yoolalka ay raadinayeen. Taasi waa, halkii aad kaliya ka dayan lahayd waxay sameeyeen, waa inaad fahantaa sababta iyo himilada ka dambeysa ficiladooda, oo aad isku daydaa inaad hesho wixii iyagu doonayeen in ay gaaraan.

Marka loo soo koobo, weedhani waxay dhiirigelinaysaa in qofku u raadsado faham qoto dheer oo ku saabsan himilooyinka waaweyn ee ay lahaayeen kuwa caqliga leh, halkii uu ku koobnaan lahaa kaliya inuu raaco talaabooyinkooda.


@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

22 Dec, 08:56


Maalin uun waxaad noqon doontaa oo kaliya xusuus ku jirta qalbiyada dadka qaar. Hubi in xusuustaadu noqoto mid qurux badan.

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

21 Dec, 06:51


Waqtiga oo la lumiyaa waxa uu ka daran yahay geerida, maxaa yeelay luminta waqtigu ilaahay iyo maalinta qiyaame ayay kaa goyneysaa, balse dhimashada aduunyada iyo dadkeeda ayey kaa goyneysaa.

Ibnu Qayim.

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

18 Dec, 03:29


IMAAMU AL-SHAAFICI AYAA LA WEYDIIYEY.

Sideen ku aqoonsanaa dadka Ahlu Xaqa ah waqtiga dhibaatada iyo fidnadu jirto?

Wuxuu yiri imaamku "Raac falaaraha cadowga meeshay ujeedan, iyagu ayaa kugu toosinayo Ahlu Xaqa".


@balaashaan1

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

16 Dec, 15:20


Shaqo doon ma tahay oo ma xiiseynasaa inaa la shaqeysid haaydaha humanitaire sida WFP

Hadaba xirfadaan muhiimka ah ee Supply Chain Planning si aad shaqo uga hesho hay’adaha waaweyn sida WFP, UNICEF, iyo MSF? Koorsadeena 4 maalmood soconaysa ayaa kuu diyaarsan! Waxaad heli doontaa xirfadaha lagama maarmaanka ah iyo shahaado xirfadeed.

🕐 Wakhtiga: 4 maalmood oo online ah
🎓 Shahaadada: Shahaado xirfadeed oo kugu caawinaysa shaqo raadinta

👉 Click to WhatsApp with Message

Click here https://wa.me/252904502263

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

06 Dec, 05:36


دائمًا ما يحاول راعي الغنم أن يقنع الخِراف بأن مصالحَها ومصالحَه واحدةٌ.
ــ هنري ستندال، أديب فرنسي

"Adhi-jirku wuxuu had iyo jeer isku dayaa inuu idaha ku Qanciyo in dantooda iyo dantiisu ay isku mid yihiin."🦋

Henry stendal

oo ah Abwaan faransiis ah.


@Balaashaan1

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

03 Dec, 09:47


“Salaaddii jumce ayaa aan la tukadey Shiikhaygii Cabdicasiis Ibnu Baas AHN, waa Masjid Jaamica Malik Cabdilcasiis ee magaalada Riyaad, masjidka waxaa Khadiib ka ahaa Shiikh Cabdiwahaab Dariiri, khudbadduna maalintaas waxa ay ku saabsanayd ‘Bidcooyinka, shirkiyaatka iyo khuraafaadka lagu dhex saydhiyey Caalamul-islaam’.

Shiikh Ibnu Baas ayaa Masjidka yimi markii ay saacaddu ahayd 11-kii maalinnimo, waa khudbadda ka hor, Shiikhu waa uu sunnaystay waxana uu tukadey wax ku dhow 10-rakcadood, dabadeedna waa uu salaamad-naqsaday oo waa uu ka baxay salaaddii; aniguna dacalkiisa ayaa aan fadhiyey oo markiiba waxa aan kula degdegey salaanta. Waagaa waxa aan ku sugnaa cidhiidhi daran oo gaadhey in aanan awood u yeelan in aan khudbado jeediyo, in aan muxaadaraad qabto iyo in aan dacwadba faafiyo, caqabado jirey aawadood ayaa keensaday arrintaas.

Shiikh Ibnu Baas ayaa waxa uu igu yidhi:
“Adkayso oo samir, maxaa yeelay wax kastaaba waxa ay leeyihiin xad ay ku soo idlaadaan”. Hadalkiisii Shiikhu waxa uu ku soo koobay weedhaas kooban, laakiin kama aanu gaabin in uu ii diro dhambaallada yididiilada iyo saadaasha wanaagsan ee wada gaadhey qalbigayga iyo xubnahayga. Masjidkii waxa aan ka baxay iyada oo aad mooddo in aan illaaway hadalkii Shiikha oo dhan marka laga reebo weedhii ahayd:
“Adkayso oo samir, maxaa yeelay wax kastaaba waxa ay leeyihiin xad ay ku soo afmeermaan”.

Weedhaas ayaan mar walba xasuustaa, waxana aan yaqiinsadaa wax waliba in ay leeyihiin meel ay ku soo dhammaadaan, mushkiladuhu waxa ay leeyihiin xad ay ku soo dhamaadaan, gaajada, cudurka, caydha, qaanta/deynta, xabsiga, werwer kasta iyo walbahaar kasta oo noloshu leedahay waxa uu leeyahay xad uu ku soo idlaado.

Xadkaas marka la gaadho wax kastaa waxa ay isu rogi doonaan liddiga dhibta, farxad, ferej, naruuro, nayaayiro, fudayd, khayr iyo raxmad ayaa xigi doona.

Mahadi waxa ay u sugnaatay Allaha aan masiibada ka dhigin mid waaraysa, walbahaarkana aan ka dhigin mid joogto ah weligii, wax kastana u yeelay xad iyo meel aanu dhaafin.”

Turjumaad
وأخيراً إكتشفت السعادة، الدكتور عائض القرني.

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

02 Dec, 13:59


Waxaa jira dad badan oo ilaahay u arka wuxuu yahay wax ka yar🥲

Yaanuu ilaahay kula noqon sida badbaadada gargaarka degdega ah uun loo yeedho, een aan marka ay masiibo dhacdo mooyee mararkale la xasuusanin,

Ilaahay Wayne agtaada mar walba haka joogo kaalinta koobaad❤️, adiguna ilaahay agtiisa ayaad mudnaanta koowaad ka yeelanaysaa

Casar wanaagsan 🦋

@AASIYA_CASAYR

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

02 Dec, 05:18


"Sida ay carruurtu ugu bahan yihiin in la tallaalo marka ay yaryar yihiin si ay difaac ugu yeeshaan cudurada, ayaan ugu baahannahay inaan u dhisno ilmaha caqiidadooda si ay difaac ugu helaan weerarada shayaadiinta iyo cadow walba oo doonaya inuu ka fidneeyo diintooda "........


Sheekh Mustafa Xaaji
..🩷

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

28 Nov, 15:00


Garaadka sare iyo Caqli badnida waxa saaxiib la' ah Naf hoosaysa oo Xumaanta iyo Shahwaadka Faraysa Qofkasta da'duu doono Ha-ahaadee, waa sababta kala dhantaashay Dhamaystirka bini Aadamka. Waana kii Ahun Hadraawi lahaa ,

"Naf-baan isla doonayaa,😌 Isdiido Dhexdeeda taal." 🙅‍♂


Sidaa daraadeed Alle wuxuu ina leeyahay

۞ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ أَنتُمُ ٱلْفُقَرَآءُ إِلَى ٱللَّهِ ۖ وَٱللَّهُ هُوَ ٱلْغَنِىُّ ٱلْحَمِيدُ,
Dadow idinka unbaa fuqara ah (u baahan) Eebe, Eebena waa hodan amaanan.🥰

Si aad unoqoto bini aadam dhammaystiran ilaahay ku xidhnow amarkiisana qaado waxaad noqoni basharka ka ugu badhaadhaha badan, sharafta badan, cilmiga badan, barakada badan, ugu boqran, ugu bilan, ugu baaxeersan, ugu bidhaaman, ugu bilwaaqsan, ugu Baawar badan uguna Bil-khayraan.🦋🩷

@balaashaan1

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

26 Nov, 16:09


Horta waa suaale Is waydii⁉️

Qof nooceeya isku aragtaa

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

24 Nov, 07:17


Qodobbada Guusha:

1. Horumarka diiradda saar: Ha ka fikirin xilal ama boosas; muhiimadu waa inaan dib loo noqon ee horay loo socdo.


2. Waqtiga ilaali: Waqtigaaga ma ahan mid la lumin karo; nolol nidaamsan ku noolow oo ku xir nidaam maalinle ah.


3. Fursadaha abuuro: Ha sugin mucjisooyin ama fursado ay iska yimaadaan; adiga ayaa ku dhiirran kara inaad abuurtid fursadaha aad rabto.


4. Sabir iyo la qabsasho yeesho: Caqabadaha nolosha la qabo oo ka adkow, adiga oo aan cabanin xaaladaha adag.


5. Mar walba dib u kac: Guuldarradu ha noqon dhamaadka; guulo ka dhex samee waayo-aragnimadaada.


6. Xiriirada bulsho xaddid: Is dhexgal bulshada, laakiin iska ilaali in aad waqti badan ku lumiso; maskaxdaadu waxay u baahan tahay waqti hal-abuur leh.


7. Ku tiirsanaan iska ilaali: Qof kasta oo aad la joogto, maskaxda ku hay in maalin uun uu kaa maqnaan karo; diyaarso naftaada mar walba.


8. Naftaada ku kalsoonow: Ha noqon sida dadka kale doonayaan inaad noqoto; u noqo sida adiga kula wanaagsan.

@balaashaan1

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

23 Nov, 15:45


Inaad Qur’aanka u soo dhowaato iyadoo qalbigaagu mashquulsan yahay, iyo dadaalkaagu uu yahay mid daciif ah, micnaheedu waa inaadan dhab ahaan u rabin.
Miyaadan maqlin hadalkiisa sareeye ee oranaya:
﴿ يَا يَحْيَىٰ خُذِ الْكِتَابَ بِقُوَّةٍ ۖ ﴾
(Yaxyow , Qabo Kitaabka si adag).

Waxaad ku mashquulsan tahay arrimaha aduunyada, oo aad Qur’aanka u hurtaa wakhtigaaga hadhaaga ah!
Sidee bay kuu suurtoobaysaa inaad ku xifdiso qalbigaaga quraanka ?!!
Miyaadan maqlin hadalkiisa sareeye ee oranaya:
﴿ وَإِنَّهُ لَكِتَابٌ عَزِيزٌ ﴾
Kitaabkan waa mid sharaf leh, oo aan aqbalayn wax aan ahayn wakhtigaaga ugu sharafta badan iyo rabitaankaaga ugu qiimaha badan.

Haddii aad rabto sharaftiisa si dhab ah oo daacad ah, sii wakhtigaaga ugu qaalisan.


@AASIYA_CASAYR

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

22 Nov, 16:35


Runtii waxay mudan tahay in la akhriyo 🌹

Markii Ibliis diiday inuu u sujuudo Aadam, ma jirin shaydaan markaa, haddaba yaa waswasiyey?
Su’aal muhiim ah qof kasta ha ka jawaabo:
Shaydaanku markii uu caasiyey Alle, yaa ahaa shaydaankiisa?
Akhriya erayadan si aad u ogaataan cadowga dhabta ah ee nagu dhex jira!

Ereyga "nafta" waa mid aad u halis badan, waxaana lagu xusay Qur’aanka in badan.
Alle wuxuu yiri:
"وَلَقَدْ خَلَقْنَا الْإِنسَانَ وَنَعْلَمُ مَا تُوَسْوِسُ بِهِ نَفْسُهُ وَنَحْنُ أَقْرَبُ إِلَيْهِ مِنْ حَبْلِ الْوَرِيدِ" (Qaaf: 16)

Inagoo rumaysan Alle, xusa, tukana, Qur’aanka akhrisana, oo sadaqo bixinana… weli maxaynu dambi ugu dhacnaa?

Maxaa Sabab u ah?
Sababta ugu weyn waa inaan iska dayacnay cadowga dhabta ah (nafta), oo aan u jeedsanay cadow daciif ah (shaydaanka). Alle wuxuu yiri:
"إِنَّ كَيْدَ الشَّيْطَانِ كَانَ ضَعِيفًا" (Nisaa: 76)

Nafta waa cadowga ugu weyn, waa qarax qarsoon oo qofka ka dhex jira.
Alle wuxuu yiri:
"اقْرَأْ كِتَابَكَ كَفَىٰ بِنَفْسِكَ الْيَوْمَ عَلَيْكَ حَسِيبًا" (Israa: 14)
Iyo sidoo kale:
"الْيَوْمَ تُجْزَىٰ كُلُّ نَفْسٍ بِمَا كَسَبَتْ لَا ظُلْمَ الْيَوْمَ إِنَّ اللَّهَ سَرِيعُ الْحِسَابِ" (Ghaafir: 17)
Iyo:
"كُلُّ نَفْسٍ بِمَا كَسَبَتْ رَهِينَةٌ" (Mudathir: 38)
Iyo:
"وَأَمَّا مَنْ خَافَ مَقَامَ رَبِّهِ وَنَهَى النَّفْسَ عَنِ الْهَوَىٰ" (Naazi’aat: 40)
Iyo:
"عَلِمَتْ نَفْسٌ مَّا أَحْضَرَتْ" (Takwiir: 14)

Haddaba Waa Maxay Nafta?
Culimada waxay yiraahdaan: Sanamyadii la caabudi jiray sida Laat, Cuzza, iyo Manaat waa la burburiyey, laakiin wali waxaa jira sanam kale oo dadku caabudaan, waana hawada nafta.
Alle wuxuu yiri:
"أَفَرَأَيْتَ مَنِ اتَّخَذَ إِلَٰهَهُ هَوَاهُ" (Furqaan: 43)

Haddii hawada naftu qofka ku adkaato, ma dhegeysto sharciga ama wax kale.
Al-Basri wuxuu yiri:
"Khilaaf naftaada iyo shaydaanka, oo ha adeecin midkoodna."

Tusaale:
Markii Qaabiil uu dilay walaalkiis Haabiil, Alle wuxuu yiri:
"فَطَوَّعَتْ لَهُ نَفْسُهُ قَتْلَ أَخِيهِ" (Maa’idah: 30)

Haddii aad weydiiso qof sameeyey dambi oo uu qoomameeyey, wuxuu kuu sheegi doonaa:
"Shaydaanka ayaa I khiyaameeyey."
Runta ayaa ah in dambiyada ka yimaaddaan:

1. Shaydaanka.


2. Nafta amarta sharka.



Nafta waa mid aad uga khatar badan shaydaanka!
Sababtoo ah shaydaanku wuxuu iloowsiiyaa abaalmarinta iyo ciqaabta. Alle wuxuu yiri:
"وَمَا أُبَرِّئُ نَفْسِي إِنَّ النَّفْسَ لَأَمَّارَةٌ بِالسُّوءِ" (Yuusuf: 53)

Ducada Ugu Dambeysa:
"Ilaahow, nafteyda ayaan dulmiyey dulmi badan, cid kale mooyee adiga ayaa dambi dhaafi kara. Ii dambi dhaaf oo ii naxariiso, maxaa yeelay adiga ayaa ah kan dambi dhaafka badan ee naxariista badan."

Waxaa jirta kiimiko jirka ka timaadda marka qofku ka mashquulo xuska Alle, taasoo qalbiga ku sameysata dabool la yiraahdo raan (daboolkan wuxuu keenaa walwal, murugo, iyo qalbi engegan).
Alle wuxuu yiri:
"كَلَّا بَلْ رَانَ عَلَىٰ قُلُوبِهِم مَّا كَانُوا يَكْسِبُونَ" (Mutaffifiin: 14)

Wixii aan khalday xag alleh bay ka qoran yihiin qoraalkan waxaan ku dedaalay sida ugu wacan uguna saxsan inaan u qoro hadana aadane Baan ahay wax uun waan khaldi karaa ii soo sheega👍


@AASIYA_CASAYR.

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

22 Nov, 11:11


Indeed.👍

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

20 Nov, 17:32


Dhalinyaro, haddii aynu Soomaali nahay, waxa aynu wali ku dhagnahay taariikhdii hore. Marka ay dhib na taabato ama aynu dareenno in aynu dadka iyo ummadaha ugu hooseyno, waxa aynu qalbiga isugu dajinnaa, "Beri ayaynu ahaan jirnay boqorrada Afrika."

Laakiin, runtii, waayihii hore ee aan ku faaneyno inta badan waxaa ka buuxa halxiraale iyo sheekooyin aan dhab ahayn (waqti lumis maaha ee faa’iido kale malahan).

Waqtiga oo dhan waxaan dib ugu laabannaa taariikhda, halkii aan ka eegi lahayn xaaladda maanta iyo mustaqbalka. Tani waxay naga hor istaagtaa in aan fursadaha maanta ka faa’iidaysanno.

Qoraalkani wuxuu kugu dhiirrigelinayaa inaad diiradda saarto xaqiiqda, wax ka barato taariikhda, laakiin aanad ku xannibnaan waqtiyadii hore. Horumarka dhabta ah wuxuu ka yimaadaa inaad mustaqbal dhisto, maaha inaad ku noolaato xusuusta waayihii hore.

Wax ka baro!!
@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

20 Nov, 17:23


Ali Shariati wuxuu leeyahay dhibaatooyinka ugu waaweyn ee dunida sababtooda maaha kelitalisnimo, gumeysi, ama faaiideysi, balse waa "استحمار", oo loola jeedo jahli iyo ka caajisidda qofka inuu xaqiiqda ka fikiro.

Wuxuu aaminsan yahay in:

1. Dulmiga iyo gumeysiga ay guuleystaan marka dadka aysan isticmaalin maskaxdooda oo ay raacaan indho la'aan.


2. Dadka oo ku mashquulsan waxyaabo aan micno lahayn ay ka dhigto kuwo si fudud loo xukumo.



Farriinta ugu weyn: Dadku waa inay ka baxaan jahliga ay ku jiraan oo awood u yeeshaan in ay u fakaraan si xor oo ah oo ka dheer baqdin iyo caajisnimo maskaxeed, si ay u fahmaan xaqiiqda, ugana hortagaan dulmiga iyo marin-habaabinta.

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

20 Nov, 08:37


Waxaa jira xikmado iyo tilmaamo badan oo ka yimaadda Kitaabka iyo Sunnaha kuwaas oo dhiirrigelinaya barashada cilmiga iyo raadinta aqoonta. Qaar ka mid ah waa kuwa soo socda:

1. Quraanka Kariimka ah

"اقرأ باسم ربك الذي خلق"
(Suuradda Al-Calaq: 1)
Aayaddani waa amarka ugu horreeya ee uu Allah SWT siiyay Nebi Muxammed ﷺ, kaas oo xoojinaya muhiimadda akhriska, waxbarashada, iyo helidda aqoon.

"قل هل يستوي الذين يعلمون والذين لا يعلمون" (Suuradda Az-Zumar: 9)
Allah SWT wuxuu caddeynayaa in dadka aqoonta leh ay ka sarreeyaan kuwa aan waxba aqoonin.


2. Sunnaha Nabiga ﷺ

"طلب العلم فريضة على كل مسلم"

Raadinta cilmigu waa waajib saaran Muslim kasta, lab iyo dhedigba.

"من سلك طريقاً يلتمس فيه علماً سهّل الله له به طريقاً إلى الجنة"

Qofkii qaada waddo uu ku raadinayo aqoon, Allah SWT wuxuu u fududeeyaa jidka uu ku gelayo Jannada.


Tilmaamahan waxay caddeynayaan qiimaha ardayga oo ah mid ku dadaalaya raadinta aqoonta si uu u gaaro guul aduun iyo mid aakhiro.

@AASIYA_CASAYR

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

19 Nov, 18:08


Dumarka waxaa ugu xun ,oo ugu doqonsan mida akhrida buugaagta xoriyada qoolka (freedom of speech )
Ka dibna xoorta dharkeyda .
Oo iska dhigta Xijaabkeyda .

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

19 Nov, 08:05


“Whenever you find yourself on the side of the majority, it is time to pause and reflect.”

— Mark Twain

“Marka aad isku aragto inaad dhinaca loo badanyahay inaad ku jirto, waa wakhti aad joojinlayd oo aad is-celinlahayd.”

:-Marka aad aragto in aad raacdo fikradda ama dhinaca dadka intooda badan, waxaa fiican inaad dib u eegis sameyso oo aad ka fikirto sababta aad u dooratay dariiqaas.

Qoraalkan uu qoray Mark Twain wuxuu tilmaamayaa in marar badan Dadka badankoodu ay raacaan dariiqo ama fikrado loo baahnaa in si qoto dheer loo baaro. Had iyo jeer raacista badankooda ma ahan inay sax tahay, waayo, dariiqyada saxda ah ama horumarka badanaa waxaa hela oo qaada dad yar oo ku dhiirada falanqaynta iyo fikir madax-bannaani leh. Taasina Waxay dhiirrigelinaysaa in qofku noqdo mid is-barbar dhiga xaaladaha, si xalka saxda ah loo gaaro, halkii laga noqon lahaa qof la socdo dadka oo dhan.🦋

Xikmaddu waxay leedahay qofka hogaamiyaha noqonaya wuxuu ka fikiraa meel ka baxsan xayndaabka caadiga ah.

@balaashaan1

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

18 Nov, 10:12


"Ka hor intaadan raadin dhiirigelin sheekooyinka dadka kale, dib ugu fiirso noloshaada. Shaki kuma jiro inaad kasoo gudubtay dhibaatooyin iyo imtixaano adag, sidoo kalena aad gaartay guulo badan iyo horumar. Naf-taadu waa tii ugu horreysay ee mudan inaad dhiirrigeliso."

@AASIYA_CASAYR

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

17 Nov, 18:59


Talo yar lkin wax tar u leh rag io dumarba siiba gaar ahaan dumarka

Lacagta aad haysto ama shaqaysato wllo iska ilaali yaaney naar ku gayne oo ha u isticmaali qaab khaldan ka bixiso sadaqo kucaawi dadka caafimaadka haysan gasho meelaha khyrka leh ee ilaa maalintaa dhimato kuu soconayo ajarkoodu tusaale ceel ama meel biyo dadku ka isticmaalaan inaad samayso waqaf ahaan inaad masjid ku darto la dhisayo ama wax masjidka loogu qabanayo inaad wado dhisto iyo inaad dadka isbitaalada ku caawiso io caruurta agoonta intaasba waa wax kuu soo kordhinaya faaiido aduunka io aakhiro.

Midna hablaha sanadadan waxaan aad ugu fiirsaday inay lacagtoodu qaawiso oo dharkii kuwii u xumaa la xidhanayo sidoo kale qaarkood naftooda halis u galinayaa qaar kalena maqaarkoodii io abuurtii alleh ku badaleen🥹ka digtoonaada ayaamaha tirsan aad joogto aduunka ku ahow mid ka safraya oo wax xun hakaga tagin👍

Ilaahay ha inagu sugo diintiisa io daacadiisaba🤲

@AASIYA_CASAYR.

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

16 Nov, 13:22


lix (6) oraah oo dhiirigelin ah oo ay dad kala duwan yidhaahdeen:

1. "Guushu ma aha inay ku xirnaato meesha aad joogto, balse waxay ku xirnaataa halka aad rabto inaad tagto." – Zig Ziglar


2. "Haddii aad rabto inaad gaadho wax weyn, ha ka baqin inaad sameyso waxyaabo aan caadi ahayn." – Anonymous


3. "Noloshaadu waa sida buug, haddii aad isku daydo inaad qorto si fudud oo qalad ah, natiijooyinkaagu ma noqon doonaan kuwa qiimo leh." – Maya Angelou

4. "Caqabadaha iyo dhibaatada kugu imaanaysa waa qeyb ka mid ah socdaalkaaga, sidaas darteed waa inaad u aragto inay yihiin fursado lagu baranayo." – Nelson Mandela

5. "Waxa ugu muhiimsan ee nolosha ah waa inaad noqoto qof aad is jeceshahay, waana inaad aragto inaad tahay qof qiimo leh, xitaa haddii dadka kale aysan kuu arkin sidaa." – Steve Jobs

6. "Haddii aad rabto inaad hesho natiijooyin cusub, waxaad u baahan tahay inaad tijaabiso habab cusub." – Albert Einstein

@balaashaan1🦋

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

14 Nov, 12:47


Adiga oo qaadanaya caadooyinkiisa, sida curiosity ,observation , iyo pursuit of knowledge ee aan kor kusoo sharxnay waxaad kordhin kartaa hal-abuurnimadaada, waxaadna ku fiicnaan kartaa xalinta mushkiladaha, iyadoo aad ku heli karto noloshaada shaqsiyadeed iyo midda shaqaba qanacsanaan iyo farxad dheeraad ah.

la soco qeybta kale

Qore : @mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

14 Nov, 12:47


the book of How to think like Leonardo de vinc

Qeybta 1aad
dhalinyaro manta waxaan isla akhri doonaa bug indhaweyd shelf(meesha buugaagta la saaro ) ii saarnaa oo magaciisu la yiraahdo "how to think like Leonardo de vinci .
Aqoonyahankaan de vinci wuxuu ahaa mid ay afkaartiisu ku dheehan tahay caqli badnaan , hal abuur , iyo karti iyo wxaad dareemi inuu aaad uGu horeeyo xiligiisa .
wuxuu ahaa qof isku darsaday farshaxan ,saynisyahan ,injineer . wuxuu sawiray sawirada uGu caansan wakhti xaadirkaan sida mona lisa ,the last supper , sawiradaasna marka aad fiirisid waxa ay ku tusayaan sida uu ahaa qof aad u yaqaan waxa uu qabanayo .
dhalinayaro kaliya kuma uusan ekaan farshaxanka wuxuu sidoo kale xiiseyn jiray wax kasta sida uu jirka biniaadamka u shaqeeyo , sida shimbiraha ay u duulaan xitaa wuxuu sawiray helicopter xiligaasna xitaa gaari ma jirin iska daa wax duulee .
aqoonyahankaan waxaa caado(habit) u lahaa inuu gacanta ku hayo buug yare (note book ) si uu uGu qoro fikradaha kusoo dhaca inta uu wadad socdo , wax kasta oo uu arko (ogoow dabeecada(nature) waa aqoon haddii aad loogu fiirfiirsado ) .
wuxuu rabay inuu adduunkaan u fahmo si qoto dheer , sida u shaqeeyo , yaaa maamula , ma awood tan aan u jeeedno ka baxsan ayaa jirta. iwm ayuu ah mid mar walba is weeydiin jiray
wuxuu ahaa mid aad u jecel inuu barto waxyaabo kala duwan taas oo ka caawisay inuu aragtiyooyinka isugu xiro qaab cusub taasna waxa ay ka dhigtay cabqari {genius ).
sahminta dhinacyo kala duwan iyo xiiseynta aqoonta dhinac kasta ha ahaatee oo cilmi ah waxa ay inoo horseedi kartaa ineynu helno afkaar cusub . daahfurnana wax ka qarsoonaa biniaadamka .
haddaba habit kasta waa la abuuri karaa . Bal ka fikir haddii hab-nololeedkii iyo habkii waxbarasho ee Leonardo da Vinci uusan ahayn wax waqti dheer soo maray oo laga tagay , balse uu yahay wax aad adiga noloshaada maanta ku isticmaali karto. Leonardo kuma uu dhalan , qoyskiisana ma aheyn kuwo caqli badan oo ximad badan , balse guushiisu waxay ku timid saddex caado oo muhiim ah
1:curiosity : Curiosity waa xiisaha iyo rabitaanka qofku u qabo inuu wax cusub ogaado ama fahmo. Marka qofku wax uu is weydiiyo ama uu doonayo inuu ogaado sida wax u shaqeeyaan ama sababta ay wax u dhacaan, waxaa la yiraahdaa waa qof curious ama xiiseeya waxbarashada iyo ogaalka.

Tusaale ahaan, haddii aad aragto shay cusub ama aad maqasho arrin aad horey u aqoonin, oo aad rabto inaad wax badan ka ogaato, waa astaanta curiosity. Qofka xiisaha badan waxa uu markasta raadiyaa jawaabo iyo faham cusub, wuxuuna ku dadaalaa inuu wax badan barto.
2:Observation :Observation waa daawashada iyo fiiro gaar ah u yeelashada waxa kugu hareeraysan si aad u barato ama aad u fahanto. Marka aad wax u fiirsato, waxaad arkeysaa faahfaahinta iyo qaabka ay wax u shaqeeyaan.

Tusaale ahaan, haddii aad beerta u baxdo oo aad si taxaddar leh ugu fiirsato geedaha, dhirta, iyo xayawaanka ku nool, waxaad arkeysaa waxyaabo badan oo aad horey u ogaanin. Observation waa inaad waqtigaaga ku bixiso daawashada iyo barashada waxa ku hareeraysan adiga oo aan degdegin, si aad u fahanto sida wax u dhacayaan ama sababta ay u muuqdaan sidaas.
3:The pursuit of knowledge waa raadinta iyo dedaalka joogtada ah ee qofku ugu jiro inuu aqoon cusub kasbado ama uu ballaariyo fahamkiisa. Waa rabitaanka iyo u heellanaanta uu qofku ku doonayo inuu wax badan ka ogaado, fahmo aragtiyo kala duwan, iyo inuu barto waxyaabo uu hore u aqoonin.

Qofka ku jira "pursuit of knowledge" waxa uu mar walba xiisaynayaa waxbarashada iyo helitaanka aqoon cusub. Wuxuu is weydiiyaa su’aalo, buugaag buu akhriyaa, waayo-aragnimooyin cusub buu raadiyaa, wuxuuna isku dayaa inuu fahmo wax kasta oo cusub oo ku hareeraysan ama dunida guud ahaan. Waxaa la oran karaa waa jidka uu qofku ku kobciyo naftiisa, aqoontiisa, iyo xirfaddiisa, isaga oo aan marna ka daalin barashada.

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

14 Nov, 12:40


Boqorka hadii qanaaco laga
waayo, Adoon buu noqdaa.
Adoonkiina hadii qanaaco laga
helo boqor ayuu noqdaa.
Qanaacadu maaha sida eey So
Samalida ey badankood
udhigaan, oo ah in faqriga lagu
qanco farqiga, Nabiga ilahey
ayuu ka magan gali jiray isagoo
ka hor marinaya Gaalnimo,
ilahoow waxaanka magan galay
gaalnimada iyo faqriga

C-C {ila joog} (89)

@balaashaan1

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

14 Nov, 09:06


Halyeey baa jiray oo magaciisa la oran jiray Axmed. Wuxuu ahaa nin aad u caqli badan oo dadka deegaankiisa caawiya. Maalin maalmaha ka mid ah, Axmed ayaa arkay wiil yar oo aad ugu dadaalaya inuu buur dheer fuulo, laakiin markasta oo uu isku dayo, wuu soo dhacayaa oo daal badan ayuu dareemi jiray wuuna ku fashilmu jiray Wiilkii yaraa ayaa yidhi, "Waxaan rabaa inaan gaaro dusha buurta, laakiin markasta oo aan isku dayo, waan soo dhacayaa."

Axmed ayaa wiilkii ugu jawaabay, "Haddii aad rabto inaad dusha buurta gaadho, ma aha inaad isku daydo inaad hal mar kor ugu booddo. Halkii, waxaad u baahan tahay inaad tillaabo yar-yar qaaddo oo naftaada nasiso inta u dhexaysa."

Wiilkii yar ayaa tillaabo yar-yar ku bilaabay sidii Axmed uu ku taliyay, dabadeedna, ugu dambayntii wuxuu gaaray dusha buurta isagoo faraxsan. Axmed ayaa markaas ku yidhi, "Noloshu waa sida buurta aad hadda fuushay oo kale ;waxay u baahan tahay dulqaad, dadaal yar-yar oo joogta ah iyo inaad naftaada u oggolaato nasasho. Guusha ma timaado hal mar; waxay u timaadaa kuwa og dulqaadka iyo dadaalka joogtada ah."

Sheekadan waxay ina xasuusinaysaa in aanan degdegin ama aanan quusan; halkii, waa inaan nafteena Barto Dulqaadka oo aan dadaal joogto ah ku sii wadno meesha aan rabno .

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

14 Nov, 08:47


https://t.me/Balaashaan

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

13 Nov, 14:11


5 SHAY OO DILA HADAFYADAADA.


1. Cabsi
Cabsi waa caqabad weyn oo caqabad ku noqota dadka riyooyinkooda raadinaya. Cabsi guuldarro, cabsi aan la aqoon, cabsi la kulanka diidmada, iyo cabsi waxa ay dadka kale ka yeeli karaan ayaa dhammaan kaa hor istaagi kara inaad qaaddo khataraha ama ka baxdo raaxadaada.


2. Diiradd la'aan
Haddii aanad lahayn fikrad cad oo ah waxa aad rabto inaad gaadho, waxaa adag in aad ku shaqeyso himilo gaar ah. Haddii aanad haysan bartilmaameed gaar ah, waxaad isugu dari kartaa hawlo kala duwan oo aan waxba ka tarayn hadafkaaga.


3. Is-dhex-dhigid Xun
Sidee baad naftaada ula hadashaa ayaa saameyn weyn ku yeelan karta awoodaada inaad raacdo riyooyinkaaga. Haddii aad naftaada si joogto ah ugu sheegto inaad tahay qof aan ku filnayn, ama inaad guuldareysan doonto, waxaa laga yaabaa inaad lumiso dhiirigelinta oo aad ka tagto riyooyinkaaga.


4. Adkaysi la’aan
Gaadhista riyooyinkaaga badanaa waxay u baahan tahay shaqo adag, go’aan qaadasho, iyo adkaysi. Haddii aad si fudud u quusato marka aad wajahdo caqabadaha ama dhibaatooyinka, waxaa laga yaabaa inaad ku adkaato inaad horumar ka samayso hadafkaaga.


5. Taageero la’aan
Haysashada nidaam taageero oo xooggan ayaa ka dhigi karta farqi weyn awooddaada inaad gaadho riyooyinkaaga. Haddii aad naftaada ku hareeraysato dadka ku dhiirigeliya oo aaminsan, waxay kaa caawin kartaa inaad heshid kalsooni iyo dhiirigelin si aad ugu sii socoto hadafkaaga, xitaa marka ay xaaladuhu adag yihiin.


@balaashaan1

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

11 Nov, 19:18


Mawduuc xaasaasiya.🦋🥰

Ku=AKHLAAQDA |FALSAFADDA| DIINTA.

"La Dagaalanka akhlaaqda."

@balaashaan1.

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

11 Nov, 09:40


Tani waa mid ka mid ah maahmaahyada ajnabiga ah ee oranaysa:

"A watched pot never boils"

"Digsi la fiirinayaa waligii ma karkarayo."


Macnaha laga wado waa in marka aad sugayso wax aad rabto inay dhacaan, inta badan wakhtigu wuxuu ka dheeraanayaa wakhtigiisa dhabta ah marka aad kormeerayso. Waxaa laga yaabaa inaysanba dhicin iyadoo aad joogto kuna kormeereyso sidaas. Haddaba waxa ka fiican inaad mashquuliso naftaada oo aad uga tagto waxaas inay qaataan wakhtigooda dabiiciga ah. Sababtana waxaa loo yidhaahdaa, "Samirku waa farshaxanka helidda wax kale oo aad qabato."

Samirku ma aha inaad uun dulqaadato oo aad sugto waqtiga. Waxay ka sii wanaagsan tahay inaad ku mashquusho hawlo kale, taasoo noqonaysa nooca ugu wanaagsan ee samirka waara oo guuleysta.

@AASIYA_CASAYR

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

10 Nov, 16:11


Sidee u faa'iideysan kartaa sanadahaaga labaatanaad?
Dada 20 ilaa 30inta u dhaxaysa .

Ku noolow daqiiqad walba, maxaa yeelay labaatanaadka waa lama soo celin karo!


🔭 1. Naftaada iyo hiigsigaaga ogow:

• Tijaabi waxyaabo cusub oo ogaaw waxaad ku fiican tahay iyo waxa kugu abuura xiisaha. • Ha ka baqin guuldarrada, maxaa yeelay khibrad walba waa fursad waxbarasho iyo horumarineed. • Waqti u qoondee inaad ka fikirto himilooyinkaaga iyo hadafkaaga.

💪 2. Ku dadaal caafimaadkaaga jismi iyo maskax ahaan:

• Si joogto ah u samee jimicsi oo cun cunto caafimaad leh. • Seexo si fiican oo ku filan. • Baro xirfadaha maaraynta culeyska iyo walbahaarka.

🤝3. Samee xiriirro wanaagsan:

• La xiriir dad wadaaga qiyamkaaga iyo danahaaga. • Xiriir wanaagsan la yeelo qoyskaaga iyo saaxiibbadaada. • Baro sida loo dhiso xiriir caafimaad leh oo la wadaago dadka kale.

👨‍💻 4. Horumari xirfadahaaga iyo khibradahaaga:

• Ku dadaal inaad baratid oo aad hormariso naftaada si joogto ah. • Ka raadi fursado iskaa wax u qabso ama shaqo tabaruc ah. • Baro xirfado cusub adoo ka qayb qaadanaya koorsooyin iyo barnaamijyo waxbarasho.

💰 5. Lacag keydi oo si caqli leh ugu maal gasho:

• Bilow inaad yeelato qorshe maaliyadeed. • Bil walba wax yar ka kaydi mushaharkaaga. • Baro sida caqli leh loogu maalgashado.

🧳 6. Safar ku bixi oo adduunka soo arag:

• U safar meelaha cusub oo soo baro dhaqamo kala duwan. • Baro luqad cusub. • Balaari aragtidaada iyo fahamkaaga adduunka.

😎 7. Noloshaada ku raaxayso:

• Waqti u qoondee hawlaha kugu farxad geliya. • Ku noolow daqiiqadda oo ku raaxayso waxa noloshu kuu keento. • Ha u oggolaan cadaadisyada nolosha inay kaa hor istaagaan inaad nolol farxad leh ku noolaato.

8.aakhiradaada xooga saar sanad waliba oo intaad yartahay dhalintana tahay cibaadadaadu ha badato👍
Siday kayd kuugu noqoto markaad duqowdo ama awood gabtid cibaado badan aad yaraantaadii samayn jirtay .


🚨 Talooyin dheeri ah:

• Naftaada ha barbar dhigin dadka kale, qof walba waxa uu leeyahay jidkiisa.

• Naftaada iyo awoodahaaga ku kalsoonow.

• Noqo qof rajo iyo farxad leh.

• Ha ka quusan, oo sii wad shaqada si aad u gaarto hadafkaaga.

• Noqo qof wanaagsan, hana iloobin inaad ila socoto oo aad fariinta la wadaagto kuwa aad jeceshahay 💜


@AASIYA_CASAYR.

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

09 Nov, 18:22


"Xaaskaaga guriga ku canaano, qaraabada hortooda a ugu mahadceli, dadka hortoodana ku amaan, kuna faan Carruurtaada hortooda, si qarsoodi ahna ula guurso"😅.

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

07 Nov, 09:51


Faylasuufkii warwarka badnaa ee reer Jarmal (Germany) Aartoor Shoobinhawar(Arthur Schopenhauer) ayaa waxa uu yidhi: "Haddii aanu warwar i hayn, iyada lafteeda ayaa warwar igu ah."!

Waxa uu ahaa baasayste weyn, illaa uu tima jaridda iska ilaalin jiray, waayo waxa uu ka baqayay in ay dhibi ka soo gaadho. Sidoo kale waxa uu ahaa akhriste akhriska u hamuun qaba oo saacado badan oo xidhiidh ah ayuu buugta dul fahdhiyi jiray, gaar ahaan buug dhif iyo naadir ah oo ka mid ah kuwii hore.

Waxa uu buug ka qoray Falsafadda Nolosha, kaasi oo gaadhayay illaa 800 oo bog, hase ahaatee ma uu faafin, sababta oo ah waxa uu ku andacooday in aanu cajabin!

Nin ayaa maalin sheegay in aanu jeclaysan mid ka mid ah buugta faylasuufka, nasiib wanaag Aartoor meesha ayuuba fadhiyay, inta uu u jawaabay ninkii ayuu ku yidhi: "Buugtani waa sida muraayadda oo kale, haddii uu dameer isku fiiriyo ama isku daawado yaanu sugin in uu arko weji malag"!

@balaashaan1

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

06 Nov, 18:55


Haddiii aad ku nooshahay Caalam aan kugu caawinayn kuguna dhiirigelinayn guushaada ha is taagin adigoo daawanayaj guuldaradaada Sameyso caalam adiga kuu gaara iyo waliba mustaqbal naftaada ugaara mustaqbal adiga kugu bilowda kuna dhamaada guullahaaga.😊

@balaashaan1

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

05 Nov, 20:12


💖

Marka aad iska indhatirto wicitaan ku dhibaya, ma tihid qof xun.
Marka aad tidhaahdo "Maya" arrin aadan jeclayn, ma tihid qof xun.
Marka aad ka go'do xiriir kuu keenay murugo, ma tihid qof xun.
Marka aad ka baxdo meel adigoon sheegin sababta, kaliya maxaa yeelay meel kale ku habboon tahay, ma tihid qof xun.

Had iyo jeer xasuuso inaadan noqon doonin qof xun marka aad doorato raaxadaada, farxaddaada, iyo xasilloonidaada maskaxeed.
Ujeedka xiriirradu waa inay kordhiyaan farxadda oo ay kuu keenaan nabadgelyo maskaxeed, xiriir kasta oo aan sidaas kuu siin karin ka fogow, ama ka dhig mid aan qoto dheerayn. Had iyo jeer xasuuso in naftaadu ay kugu leedahay xaq, oo mid ka mid ah xuquuqda ugu fudud ee aad naftaada ku leedahay waa inaad ku wareejiso dad ku farxad geliya, oo aad ka hesho nabaddaada.

Ilaahay ha inoo siiyo raaxo iyo nabad maskaxeed 💜🦋

@AASIYA_CASAYR...

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

05 Nov, 15:25


qabiilku waa u dowladd dadka aan dowladda lahayn.


@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

04 Nov, 19:19


"Ka wax badan haysta ayaa ugu iimaan xun." 404-323DCH.👍

Diogenes .. Qisada Ninkii Subaxa faynuuska qaadan jiray Ee baadhi jiray Qof daacada.❤️😁

@balaashaan1

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

04 Nov, 11:35


Hadaad ilaahay ka qabto rajo wayn oo ah wax waliba inaad isaga uun ka helayso ku kalsoontahay inuu ku siinayo waxaad tahay qof iimankiisu qani yahay wlhi👍


"أَلَيْسَ اللَّهُ بِكَافٍ عَبْدَهُ"

"Miyuusan Allah ku filnayn adoonkiisa?"

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

01 Nov, 13:23


Waxaan joojiyey inaan share u sameeyo labada channel ba saas ay tahay mashallah we still growing.

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

01 Nov, 11:11


Hello November! 🩷

🖇️Halkan waxaa ku yaal qodobo kugu dhiirigalinaya ka faaiidaysiga wakhtiga.

1. U samee yoolal cad: Qor waxaad dooneyso inaad ku gaaro bishan, haddii ay tahay shaqadaada ama noloshaada gaarka ah. Hubi in yoolalkaagu ay yihiin kuwo dhab ah oo aad si dhab ah ugu dhegganaan karto.

2. Kala qaybso waqtigaaga sida mudnaantaadu tahay: Isku day habka maareynta waqtiga sida “Pomodoro” (25 daqiiqo shaqo iyo 5 daqiiqo nasasho) si aad u diiradda saarto oo shaqada u qabato si dhaqso leh. 📝

3. Ka saar waxyaabaha isbiirsaday: Ha u oggolaan in hawlaha yar-yar isbiirsadaan;U dhammee mid-mid si aysan culays kuugu noqon.

4. Daryeel caafimaadkaaga maskaxda iyo jirka: Jimicsiga, hurdo ku filan, iyo nasasho mar walba waxay si weyn u kordhiyaan firfircoonidaada iyo feejignaantaada.

5. U dabaaldeg tillaabooyinka yaryar: Guul kasta, xitaa mid yar, waa tillaabo horey loo qaaday. Ha iloobin inaad ku faraxdo horumar kasta oo aad gaarto. 📝


GO'AANADAAD SAMAYNAYSONA ALLEH U DHIIBO OO TALO SAARO💛

@AASIYA_CASAYR.

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

31 Oct, 18:48


Laba maalmood ka hor ayaan dhegeystay podcast-kan ka dib markii Dr. Axmed Samir uu kaga hadlay akoonkiisa gaarka ah, run ahaantii waan seexan kari waayay ilaa aan ka dhammaystiray oo aan qoray faa’iidooyinkii ugu muhiimsanaa ee aan ka faa’iiday. 💗🫣

Markii ugu horreysay ayaan si dhab ah u dhegaystay podcast qof leh aqoon diimeed weyn, waxaana jeclaan lahaa inaanan dhammaanin! Podcast-ka si dhab ah ayuu u dib u habaynayaa fikirkaaga, isagoo hadalkiisa cilmi ah ku xiriirinaya diinta 💗✅️.

Markaa haddii uu jiro podcast gaar ah oo kugu dhiirrigaliyay fikir ama aad u aragtay inuu taabtay dhinacyo cusub oo kuu gaar ah, nala wadaag oo noo soo sheeg 💗

Waxaan jeclahay wixii aan wax ka faaiido inaan soo gudbiyo👍



HABEEN JIMCE BARAKAYSAN 🫡

@AASIYA_CASAYR.

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

31 Oct, 08:56


"Noloshaada oodhan waxaad ahayd Qof kale, Ujeedada Noloshu waa inaad Noqoto Qofka dhabta ah Ee aad tahay."

.Carl jung...👍

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

29 Oct, 17:33


6- Aayadda Istaajisay 💛
Waxay kaa caawinaysaa inaad si fiican u fahanto oo aad ka fekerto aayadaha Qur’aanka 💛.

7- Barnaamijka Gharibu Al-Qur’an 💛
Wuxuu kuu sharxayaa erayada aan caadiga ahayn ee ku jira Qur’aanka, isagoo leh ogeysiin maalinle ah 💛.

8- Barnaamijka Nakhtim 💛
Markasta oo aad furto taleefankaaga, wuxuu kuu soo bandhigaa aayad Qur’aan ah 💛.

9- Barnaamijka Athkaari 💛
Wuxuu kuu soo bandhigaa xadiisyo maalinle ah iyo fariimo qalbigaaga ku xiran. Wuxuu ku waydiinayaa xaaladdaada nafsiga ah, isagoo kuu soo diraya fariimo ku saleysan xaaladdaada 💛.

10- Barnaamijka Ayat 💛
Waxay leedahay tafsiirka Qur’aanka, dhegeysi, imtixaano, iyo soo celin, iyadoo leh qaabyo kale oo badan oo faa’iido leh 💛.

@AASIYA_CASAYR...

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

29 Oct, 17:32


Qaar ka mid ah barnaamijyada waa in aad ku haysato taleefankaaga 💛:

1- Barnaamijka Tamkeen 💛
Wuxuu ku caawinayaa xifdinta Qur’aanka, isagoo kuu soo bandhigaya bog Qur’aan ah oo madhan markaad xifdineyso. Haddii aad khalad sameyso, taleefanka ayaa gariiraya si uu kuu ogeysiiyo inaad saxdo khaladka 💛.

2- Barnaamijka Tasmii’ 💛
Ku habboon dadka kaligood Qur’aanka xifdinaya. Waxaad la maqashiin kartaa qaybta aad xifdisay, wuxuuna kuu tilmaamayaa khaladaadkaaga xagga akhrinta iyo tajwiidka 💛.

3- Barnaamijka Alf Sunna 💛
Wuxuu ku tusi doonaa sunnooyinka Nabiga ﷺ iyo ducooyinka, wuxuuna ku xusuusin doonaa wakhtiyada salaadda 💛.

4- Barnaamijka Nadkur 💛
Wuxuu kaa caawinayaa inaad xasuusato in aad adkaarta Ilaahay dhahdo. Wuxuu kugu xusuusinayaa wakhtiyada ducooyinka iyada oo si sahlan u shaqeynaysa 💛.

5- Barnaamijka Nadhr 💛
Wuxuu kuu soo bandhigayaa xadiis maalinle ah oo wata sharaxaadiisa, ereyada muhiimka ah, iyo faaiidooyinka laga soo qaatay, iyo sharaxaada Ingiriisiga 💛.


Part 2👇

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

29 Oct, 17:25


"Haddii aad xanuunsan tahay ama dhibaato la kulanto, ogow in Alle uu og yahay xaalkaaga oo uu og yahay adiga waxa aad u baahan tahay. Baryo Alle oo ku kalsoonow samafalka iyo naxariista uu leeyahay. Qalbi sabur leh ayaa ugu dhow nolosha wanaagsan iyo ajarka Alle. Weligaa ha quusan, sababtoo ah Alle ma illoobo addoomihiisa samra."

Ku soo biir wllo channel wax badan ka faaideysaa
👇👇👇👇👇
https://t.me/xakamenaftaada

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

29 Oct, 15:44


Xidhiidhka  ka dhasha wax akhrisku ma dhamaado.
Saaxiibada wax akhrisku kulmiyana ma kala go'aan.
Guryaha lagu camiro kutubtuna way ka daganyihiin kana xasilooni badanyihiin Guryaha kale.
Qofka wax akhriyana wuu ka ogaal badanyahay dadka kale.
------------Xusni-----------
https://t.me/xusn9

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

28 Oct, 20:27


Ma ogtahay marka qofku yahay "Addoon wanaagsan"? Waxaa laga yaabaa in maskaxdaada ay ku soo dhacayso in qofku uu salaadaha habeenka ku tukado oo uu Qur'aanka dhammeeyo habeen walba ama wax badan oo wanaagsan sameeyo.

Laakiin Subxaanallaah, "Addoon wanaagsan" waxay ka dhigan tahay in mid ka mid ah astaamihiisu yahay "Awab." Ma taqaan waxa "Awab" loola jeedo?!

Waxay ka dhigan tahay qof u laablaabta rabigii. oo ah addoon qalad sameeya laakiin badanaa u laabto Rabbiga Azza wa Jalla.

Mid ka mid ah waxyaabaha shaydaanku kugu khiyaanayo waa inuu ku dhaho, laguma cafinayo maxaa yeelay waxaad samaysay dambi badan."(waa beentii lkin ilaahay waa danbi dhaafe)

Waxaan doonayaa inaan kuu sheego in danbi kasta ilaahay kuu dhaafayo hadaad u laabato.
Sidaas darteed, wax kasta oo dhacdo markasta oo aad ku dhacdo oo aad dambiyo gasho, ulaabo Rabbiga Azza wa Jalla, ku cafin doona, oo kuu dembi dhaafi doona kaliya laabo oo Xasuuso in adiga oo sidan ah, waxaad noqon kartaa "Addoon wanaagsan."

@AASIYA_CASAYR

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

28 Oct, 09:33


Immanuel Kant wuxuu sheegayaa in dadka ay u janjeeraan inay raacaan fikradaha iyo caqiidooyinka aan u baahnayn dadaal weyn ama fikir qoto dheer. Halkii ay ku dhiirran lahaayeen inay raacaan aragtiyo ku riixaya inay si dhab ah u fekeraan ama isbeddel ku sameeyaan naftooda, waxay doorbidaan caqiidooyin u fudud oo la jaanqaadaya rabitaankooda iyo raaxadooda.

Kant wuxuu tilmaamayaa in dadka badiyaa ay ka doorbidaan raaxada iyo fudaydka wax kasta oo kale, halkii ay ka dooran lahaayeen in maskaxdooda ka shaqaysiiyaan ama ay sameeyaan is-eegid dhab ah. Tani waxay quseysaa dhinacyo badan oo nolosha ka mid ah sida diinta, falsafada, iyo qiyamka, halkaas oo dadku ay raaci karaan waxyaabo u sahlan oo aan kaaga baahnayn naf-hurnimo ama dadaal shaqsiyeed oo weyn.

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

28 Oct, 05:42


John Locke wuxuu leeyahay akhriska kaliya maaha mid ku filan in aan aqoonta dhab ah ku helno. Akhrisku wuxuu na siinayaa macluumaad iyo xog asaasi ah, balse waa inaan marka hore si qotodheer uga fikirno waxa aan akhrinay si aan u fahamno una qaadanno. Tusaale ahaan, marka aan wax akhrino, waa inaan is weydiinno su’aalo kala duwan, aan falanqeyno, oo aan maskaxdeena ku shiilno waxa aan baranay. Tani waxay keenaysaa in aqoontaas ay noqoto mid aan si dhab ah u fahamsanahay oo aan maskaxdeenna iyo nolosheena u beddeshay. Sidaas darteed, akhrisku waa bilowga aqoonta, balse fikirka iyo falanqayntu waa waxa ka dhiga aqoontaas mid naga mid ah oo noo gaar ah.


@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

25 Oct, 16:52


Hadii aad joogtayso qodobadan waxaad heli jano aduun io mid aakhiro❤️

1. Tukada habeenka qiyaam laylka : U qaado sidii waajibka lixaad marka laga yimaado 5ta faralka . Ilaah swt ayaa kuu muujin doona mucjisooyin, ma jirto ducada aad ducaysato oo aan Ilaah ka jawaabin, wuxuuna ku raalli galin doonaa, wuxuu ku siin doonaa meel aad ku aragto inaysan suurtagal ahayn inaad gaarto. 💛

2. Akhri Qur’aan maalinle ah, ugu yaraan laba aayadood: Waqti kadib, Ilaah ayaa kaa caawin doona inaad akhrido wax badan. Qur’aanku wuxuu ka dhigi doonaa noloshaada mid barako leh, farxad, raaxo, kalsooni, iyo nabad. Qur’aanku waa saaxiibkaaga oo ku sugi doona qabriga, wuxuu iftiimin doonaa, wuxuuna kugu raaci doonaa maalinta qiyaame ilaa uu ka shafaacaayo kuna geynayo jannada.

3. Inaad nabiga ku saliso 1000mar maalin waliba.

4.samee istigfaarta maalinle ah ugu yaraan 1000 jeer: Istigfaarku wuxuu kuu furayaa dhammaan albaabada wanaagga iyo rizqiga, Ilaah swt ayaa runti kuu furaya.



HABEEN WANAAGSAN

@AASIYA_CASAYR

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

24 Oct, 18:02


https://youtu.be/Yxfk9y7LOIA?si=eshgk3OWknrAKEc_

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

23 Oct, 10:08


Labadan aayadood waxay ka hadlayaan hadafka aduunka loo yimi,

Aayada koobaad waxay Ina leedahay,,,ilaahay u laabta isku dhiiba si aan cadaab idiinku imaan.

Aayada ku xigtaa inooga jawaabaysa sida ilaahay loogu laabanayo oo ah,,,raaca waxa ugu wanaagsan oo laydiin soo diray micnaha kitaabka quraanka raaca sunada rasuulka raaca taas baad ku badbaadaysaane.hadii aad samayn waydaana cadaab ka dis ah baa idiin imaan doonta idinkoo maahsan .


Runtii labadaa aayadood waa digniin cad oo lagugu tusayo jidka saxda ah hadaad ka leexatona cadaab kuu danbayn doonto😢


@AASIYA_CASAYR.

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

20 Oct, 08:45


All of us, whether or not we are warriors, have a cubic centimeter of chance that pops out in front of our eyes from time to time. The difference between the average person and a warrior is that the warrior is aware of this and stays alert, deliberately waiting so that when this cubic centimeter of chance pops out in front of our eyes, it is picked up .


Iyada oo lugu fasiray Somali wa tan 👇👇👇

Qoraalkan wuxuu leeyahay qof kasta, ha ahaado geesi ama aan ahayn, waxaa mararka qaar noloshiisa ku soo baxa fursado yar yar (oo halkan lagu tilmaamay "cubic centimeter of chance"). Fursadahani si lama filaan ah ayay nolosha uga soo muuqdaan. Waxa kala saara qofka caadiga ah iyo geesiga waa in geesigu fursadahaas si fiican u ogyahay oo si taxaddar leh u sugaya. Geesigu wuxuu mar walba diyaar u yahay inuu fursadahaas ka faa'iidaysto marka ay soo muuqdaan, halka qofka caadiga ahi laga yaabo inuu iska indho-tiro.

Si fudud haddii loo dhigo, qoraalku wuxuu kugula talinayaa inaad had iyo jeer noqoto qof firfircoon oo diyaar u ah fursadaha nolosha, maxaa yeelay fursaduhu waxay yimaadaan oo mararka qaar si dhaqso ah u libdhaan. Maskaxda geesiga waa inuu diyaar u yahay inuu ka faa'iideysto fursadahaas marka ay soo baxaan, halkii uu uga tagi lahaa iyaga oo aan la qaban.

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

19 Oct, 06:50


Socrates wuxuu kaftan xigmadeysan ka bixinayaa guurka:

Haddii aad hesho xaas wanaagsan, waxaad heli doontaa farxad.

Haddii aad hesho xaaas xun, dhibaatooyinka kaaga imaanaya waxay kugu khasbi doonaan inaad si qoto dheer uga fakarto nolosha, taas oo kugu dari doonta dadka faylasuufyada ah.


Wuxuu ula jeedaa, in khibradaha wanaagsan iyo kuwa adag ee guurka labaduba ay wax kaa bari karaan, inkastoo siyaabo kala duwan ay ugu imaan karaan.

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

18 Oct, 10:52


اللَّهُ لَا إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ ۚ لَا تَأْخُذُهُ سِنَةٌ وَلَا نَوْمٌ ۚ لَهُ مَا فِي السَّمَاوَاتِ وَمَا فِي الْأَرْضِ ۗ مَنْ ذَا الَّذِي يَشْفَعُ عِندَهُ إِلَّا بِإِذْنِهِ ۚ يَعْلَمُ مَا بَيْنَ أَيْدِيهِمْ وَمَا خَلْفَهُمْ وَلَا يُحِيطُونَ بِشَيْءٍ مِنْ عِلْمِهِ إِلَّا بِمَا شَاءَ ۚ وَسِعَ كُرْسِيُّهُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَلَا يَئُودُهُ حِفْظُهُمَا ۚ وَهُوَ الْعَلِيُّ الْعَظِيمُ
(سورة البقرة، الآية 255)
Nabiga waxaa laga soo wariyey inuu dhahay."Qofkii akhriya Aayatul Kursi salaad walba kadib, ma jiro wax ka hor istaagaya inuu Jannada galo, marka laga reebo geerida."


Aayaddu waxay leedahay awood weyn oo ilaalin iyo barako leh, waxayna tahay mid la akhristo si loo helo badbaado iyo xasillooni.❤️

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

16 Oct, 11:12


𝑻𝒂𝒍𝒐𝒐𝒚𝒊𝒏 𝑸𝒊𝒊𝒎𝒂 𝑩𝒂𝒅𝒂𝒏👇👇
1: labo naftaada ayay u darantahay:
• Xuduudka Rabbi (SWT) oo aad dhaafto.
• iyo daryeel la'aanta naftaada.

2: Labo shay waa lama huraan:
• Calafka
• iyo geerida

3: Labo cudur way kuu daranyihiin:
•is tuska
• iyo qabweynida ( isla weynida)

4: laba ka ducayso:
• waalidkaaga
• iyo Shiikhaaga/macalinkaaga.

5: labo ha kala reebin:
• Waajibka
• iyo Sunnada ka danbaysa.

6: labo dhaqan ha yeelan:
• dhaqan duur joog
• iyo dhaqan dugaag.

7: Labo dadka haka xasdin:
• Cilmi aad taqaano
• iyo caano aad hayso.

8: Laba ha dhayalsan:
• Ballan qaadka Rabbi ( SWT)
• Habaar waalid.

9: Labo meel oo cidlo ah xasuuso:
• Qabriga
• iyo Maalinta qiyaame.

10: labo adduunyada ku reeb:
• caruur wanaagsan
•  ama waxtar wanaagsan.


@AASIYA_CASAYR.

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

15 Oct, 05:06


5 Oraah oo caan ah oo dhiirigelin ah:👇

💕 "Naftaada ha barbar dhigin dadka kale, waxaad barbar dhigtaa naftaada shalay. "

🔸 "Waligaa ha is dhiibin, xitaa haddii aad la kulanto dhibaatooyin waaweyn. " - Thomas Edison

💕 "Maskaxdu waa qalabka ugu awooda badan ee aad haysato, u isticmaal si xikmadaysan. "
- Dale Carnegie

🔸“Weligaa ha joojin inaad waxbarato, xitaa haddii aad weynaato. " - Benjamin Franklin

💕 "Noqo mid wanaagsan, xitaa waqtiyada ugu adag. " - Dalai Lama oo

@balaashaan1

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

12 Oct, 17:48


Xigmada Maxamuud Darwiish ee ah “Maalin uun waxaad noqon doontaa oo kaliya xusuus ku jirta qalbiyada dadka qaar. Hubi in xusuustaadu noqoto mid qurux badan.”
wuxuu leeyahay macne qoto dheer oo ka tarjumaya sida aan u noolaano nolosheena iyo raadadka aan ka tagno.

Sharaxaadda: Nolosha waa safar kooban oo dhammaanaysa, waxaana ku noolnahay bulsho ay dadka badankooda inaga dambeeyaan marka aan ka tagno. Dadku waxay ina xasuustaan oo kaliya marka aan nahay xusuus ku hadhay qalbiyadooda. Darwiish wuxuu inoo sheegayaa in aan ka shaqeyno inaan raad wanaagsan ka tagno nolosheena si marka aan baxno, dadku u xusuustaan dabeecadaheena iyo ficiladeena wanaagsan.

Wuxuu kugu dhiirrigelinayaa inaad noloshaada ku dhaqanto hab wanaagsan, adigoo ka tagaya saameyn togan oo dadka kugu xusuusan karaan. Taasi waxay noqon kartaa qaab kasta—inaad dadka si naxariis leh ula dhaqanto, ficillo wanaagsan samayso, iyo inaad bulsho ahaan u horseedo wanaag.

Fariinta ugu weyn waa in xusuustaada ka dib marka aad dunida ka tagto ay noqoto mid la jecel yahay oo dadka farxad galisa marka ay kugu xusuustaan.

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

12 Oct, 16:45


Ha dhigin heeso ama muusig story-gaaga, haddii qof story soo dhigo oo uu ku jiro hees, ha fiirin, waayo waxaad kasbanaysaa dembi, qofka soo dhigayna dembi ayuu kasbanayaa.

Arrintu way ka weyntahay intaad malaynayso, Ilaahay baan ku dhaartaye!!

Markaad hees dhigto oo qof maqlo, waxaad qaadanaysaa dembiga qof walba oo arkay story-gaaga, haddii uu qofkaas ka helo heesta, wuxuu si degdeg ah u soo dagsan doonaa ama kaaga soo qaadan doonaa, kadibna wuxuu dhigtaa story-giisa, dadka saaxiibbadiisana waxay sameyn doonaan isla waxaas oo kale, dhammaantoodna dembigooda ayaa kuugu kordhaya, ma malayn kartaa? 💔

Anagu waxaan u halgameynaa intii karaankeen ah si aan u ilaalino camalka wanaagsan, waxaan ku dadaaleynaa inaan ka fogaano dunuubta. Arrin sidan oo kale ah waxay burburinaysaa dadaalkaas iyo juhdigii aad gelisay!!

Ha fududaysan arrinta, ha noqon sabab dadka ay ku maqlaan heeso ama qof toobad keenay inuu ku laabto heesaha adiga dartaa!!

Taas beddelkeeda, dhig story Qur'aan, qof walba oo maqla, waxaad heli doontaa ajar badan. Soo dhig macluumaad diini ah, qof walba oo camal ka dhigo waxaad helaysaa ajar. Tusaale ahaan, haddii aad qorto in qof walba oo yiraahda "La hawla wala quwwata illa billah" uu helayo hanti janno ah, ma malayn kartaa inta qof ee ku dhihi doonta, iyo inta hanti oo janno ah ee adiga kuu kordhi doonta? 💛

WAA IGA TALO WLLO

@AASIYA_CASAYR

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

11 Oct, 18:53


{وإني لغفار لمن تابه وأمن وعمل صالحا ثم اهتدى}
Ilaahay wuxu yiri

{Wan udanbi dhaafa qofka towbad kena rumeeya lana yimaada camal wanaagsan kuna tosnaada}
Towbada anku dadaalo

@AASIYA_CASAYR

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

10 Oct, 12:33


Marka qoraaal usoo jeesto ,idinkana love iyo like ta ayaad ka mushquushaan .

Waxa nagu dhiirigaliya in aynu wax qorno waa Like ta ,love iyo comment aad ka dhiibataan .

Marka ha naga ilaawina ,kuwaasi waa shidaalkaan ku shaqeyno ileyn wax kale idinkama rabno.
@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

10 Oct, 12:19


Epictetus, oo ahaa faylasuuf rumaysan falsafadda Stoicism.

1. Waxa Waxbarashadu Kuu Keeni Karto: Epictetus wuxuu aaminsan yahay in guusha dhabta ah ee waxbarashadu aysan ahayn kaliya in la barto xog badan ama in qofku u muuqdo mid aqoon leh. Faa'iidooyinka runta ah waa helitaanka deganaansho, geesinimo, iyo xorriyad uu qofku ku gaaro go'aannadiisa.


2. Ujeeddada Waxbarashada: Qoraalku wuxuu sheegayaa in waxbarashada loo baahan yahay inaysan noqon kaliya si loo soo bandhigo xirfadle ama aqoon yahan. Halkii, waxbarashada, gaar ahaan akhriska buugaagta iyo ka fikirka fikradaha dadka xikmadda leh, waa in loo isticmaalo sidii qalab lagu fahmo sida nolol wanaagsan loo noolaado. Waxay ku saabsan tahay barashada sida loo maareeyo nolosha iyo in la helo nabad gudaha ah.


3. La Dagaallanka Carqaladaha: Waxaa jira waxyaabo badan sida daawashada TV-ga ama cunista cuntooyinka fudud oo laga yaabo inay ka jeediyaan barashada. Laakiin, qoraagu wuxuu tilmaamayaa in xorriyadda dhabta ah ay ka timaaddo aqoonta naftaada, taas oo si gaar ah looga helo barashada falsafadda.


4. Xorriyadda Ay Waxbarashadu Siiso: Barashada waxyaabo cusub waxay kaa caawinaysaa inaad xor u noqoto, ma aha oo kaliya bannaanka balse gudaha naftaada. Waxay kaa caawineysaa inaad yareyso walbahaarkaaga oo aad gaarto go'aanno ku dhisan xikmad iyo faham.



Guud ahaan, qoraalku wuxuu ku dhiirigelinayaa inaad qaddariso waxbarashada iyo is-milicsiga maadaama ay kaa caawinayaan inaad ku noolaato nolol xor ah oo nabadgelyo leh.

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

10 Oct, 11:54


Ku Faraxsanaanta Nolosha: Iyagoo si wanaagsan uga faa'idaysanaya waqtigooda oo mar kasta isku dayaya inay wax cusub bartaan, dadkani way ku qanacsan yihiin noloshoodii hore waxayna rajo wanaagsan ka qabaan mustaqbalkooda. Waxay sii wadaan inay kor u qaadaan aqoontooda, taasoo u sahlaysa inay rajo fiican ka qabaan waxa soo socda.

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

10 Oct, 11:54


Ka Barashada Waayihii Tagay: hal abuurada ma eegaan oo kaliya maanta. Waxay wax ka bartaan taariikhda iyo fikradaha waayihii hore, taasoo u oggolaaneysa inay helaan aqoon iyo xigmad dheeraad ah.

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

10 Oct, 11:53


Qiimaynta Daqiiqad Kasta: Sida uu qabo Seneca, kuwa jecel barashada waxay aad ugu fiican yihiin ka faa'iidaysiga waqtigooda. Waxay xasuustaan waqtiyadii wanaagsanaa waxayna si taxaddar leh u maareeyaan daqiiqad kasta oo ka mid ah waqtigooda.

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

10 Oct, 08:48


Dhalinyaro Sawirkaan  aad u jeedaan  wuxuu muujinayaa oraah uu leeyahay Ikkyu, oo ah wadaad reer Japan ah oo diinta Buddha ee Zenka aaminsan. Oraahdaas waxay leedahay: "Maadaama aanan lahayn meel aan u socdo, marnaba ma lumayo" Oraahdan waxay xambaarsan tahay aragti qoto dheer oo ka tirsan falsafadda Zen, taas oo xoogga saareysa muhiimadda ah in qofku ku noolaado xilliga xaadirka ah isagoo aan ku tiirsaneyn ujeeddooyin gaar ah ama meelo cayiman oo la gaaro. Fikraddani waxay soo jeedinaysaa in marka qofku aanu si gooni ah ugu xirneyn dhammaad gaar ah, uu weligiis ma lumi karo, sababtoo ah waddadiisa waxaa qeexaya safarka laftiisa intii uu ka ahaan lahaa meel hore loo sii qorsheeyay.

Farshaxanku wuxuu u badan tahay inuu soo bandhigo qof si deggan u socda, isagoo muujinaya in iyada oo aan jirin culays ka saaran inuu gaaro meel gaar ah, qofku ku raaxeysan karo xorriyadda iyo nabadgelyada oo keliya jiritaanka. Tani waxay waafaqsan tahay baridda Zenka oo mudnaanta siisa fiiro gaar ah u yeelashada iyo helidda nabadgelyo waqtiga hadda jira, halkii laga walwali lahaa natiijooyinka mustaqbalka.

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

10 Oct, 03:38


🌕- 5 talo oo ku saabsan horumarka nafta:

1️⃣- Xusuusnow in maalin kasta ay tahay fursad cusub oo aad naftaada kaga fiicnaan karto. Ka faa'iidayso oo dadka kale u noqo dhiirigelin.

2️⃣- Guushu waxay bilaabataa marka aad ka gudubto xadkaaga shakhsi ahaaneed oo aad ka baxdo aagga raaxada. Ka dhig caqabadaha qayb ka mid ah safarkaaga guusha.

3️⃣- Ha u ogolaan dadka kale inay qiimeeyaan qiimahaaga. Waxaad leedahay awood iyo karti aad ku gaarto weynaanta Naftaadu.

4️⃣- Ku raaxayso safarka oo ha saarin oo kaliya meesha ugu dambeysa. Tallaabo kasta oo aad qaado waxay kuu soo dhawaynaysaa riyadaada.

5️⃣- Xusuusnow in aad awood u leedahay in aad wax ka beddesho oo aad ku guulaysato noloshaada iyo nolosha dadka kale. Ha dhayalsan awoodaada iyo saamayntaada

@balaashaan1

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

09 Oct, 05:26


"Calaamadda Caqli badnaanta lagu garto waxa weeye, inaad ka war qabto Garanaysona Qofka kale jaahilnimadiisa, iyo xadka aqoontiisu le'egtahay "

Niccolo Machiavelli.

@Balaashaan1

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

05 Oct, 07:11


Saxiib waxba Ha ka murugoon qofka si kedis ah isku beddelay .
Qof aad wanaag ku baratay oo waji kale lasoo baxay oo xanaaq iyo dhaqamo kale oo aadan ku aqoon aad ku aragtay .
Waxaa dhici karta in uu joojiyay inuu isku ekeysiinya wuxuu uusan eheyn (wanaagii oo kuu muujin jiray marka aad is baraneyseen ) wax uu dib ugu noqday naftiisa dhabta ah(shakhsiyadiisa dhabta eheyd ).
Qof wuxuu ahaa inaad ugu carootana waa kuu caqli xumo ,ku dheh aad baad u mahadsan tahay wajigaaga saxda ah ee aad i tustay 😘


@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

05 Oct, 07:03


Mar kasta oo bulshada ay ka sii fogaanayso runta iyo waxa saxda ah ee aynu aaminsanahay, waa mar kasta oo ay sii nacayaan kuwa tilmaamaya runta.

@mrxoosh

Philosophy فلسفه 🤔🧠.

03 Oct, 16:42


Jaahilka isaga cadow isku ah sidee Ayuu saaxiib ula noqon Dadka kale ?