"Ku odgoonaysiiya oo ku wanaajiya Afafkiinna Caday, Maxaa yeellay Afafkiinnu waa Waddooyinkii uu marayay Qur'aanku marka aad akhriyaysaan"
Waayadan Dambe Sunnahaa Cadayashadu aad ayay innoogu yaraatay, oo waxa aad arkaysaa Qof Weyn oo dhowr Cisho usoo wareegayso oo aan cadayanayn, Nabiguna (ANKH) aad ayuu u adkeeyay arrinka Cadayga illaa uu ka yidhi:
"لولا أن أشقّ على أمتي لأمرتهم بالسواك عند كل صلاة"
Haddii aanan ka baqanayn In Ummaddaydu ku dhib Mudanayso Cadayasha, waxa aan amri lahaa (amar hadday ka taggaan ay ku dambi ku mudanayaan) in ay Cadaydaan Salaad kaste marka ay rabaan inay tukadaan.
@ WACDI IYO WAANO DIINI 👈