Iman Jama @imanjama Channel on Telegram

Iman Jama

@imanjama


Journalist

Iman Jama (English)

Are you interested in staying up-to-date with the latest news and trends in journalism? Look no further than the 'Iman Jama' Telegram channel! This channel is curated by Iman Jama, a seasoned journalist with years of experience in the field. She shares insightful articles, interviews with industry experts, and tips for aspiring journalists. Whether you are a professional in the industry or simply have a passion for journalism, this channel is for you. Stay informed, inspired, and connected with 'Iman Jama' on Telegram. Join today and become part of a community dedicated to excellence in journalism!

Iman Jama

21 Nov, 14:53


Waxaad is waydiinaysa ma hirgeli karaa go’aankan iyo maxuu macno leeyahay?

Dhab ahaantii waa go’aan soo dhaweyn leh in maxkamadda ICC oo muddo dheer la sugayay inay soo saarto cadaadis adag oo Mareykanka iyo qaar ka mid ah dalalka galbeedka ay ku cadaadiyeen inay ka fogaadaan inay warran u jaraan Netanyahu, balse ugu dambeyn maanta maxkamadda waxay ku dhawaaqday go’aankeeda ay ku caddeysay inay dambiyo dagaal galeen Netanyahu iyo Gallant, iyadoo maxkamadda ay cuskatay qodobbo halis ah sida inay cunada u adeegsadeen hoggaanka Israa’iil, sida hub dagaal, sabab la xiriirta inay dadka Qasa ka hor istaageen inay helaan gargaar, tan oo ah dambi aan laga baxsan karin.

Go’aanka ka soo baxay maxkamadda wuxuu ku qasbaya dalalka xubnaha ka ah ICC iyo saxiixayaashii heshiiskii Roma inay qabtaan oo ay xiraan Netanyahu iyo Gallant — waxa ugu yar ee labadan nin ay kala kulmayaan xukunkan waa inan arki doono dhaqdhaqaaqooda oo hoos u dhaca , waxayna geli doonaan go’doon.

Waxaa kale go’aanka maxkamadda uu ku qasbaya dalalka Yurub inay ka fogaadaan hubka ay siinayaan Israa’iil iyo la macaamiilka Netanyahu iyo Gallant ,tana waa caqabad kale oo ay wajihi doonto Israa’iil.

Sidee looga falceliyay go’aankan;

•Nederland ayaa diyaar u ah inay ku dhaqaaqdo amarka ICC ee lagu xirayo Netanyahu haddii loo baahdo, wakaalada wararka ee Nederland ee ANP ayaa werisay, iyadoo soo xiganeysa wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaas, Caspar Veldamp.

Haddii hoggaamiyaha Israa'iil yimaado ciidda Nederland, waa la xiri doonaa, Veldkamp ayaa u sheegtay Aqalka Wakiilada. Nederlaan waxay sidoo kale ka fogaan doontaa "xiriirka aan muhiimka ahayn" ee Netanyahu iyo Gallant.

•Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska, Christophe Lemoine ayaa sheegay in falcelinta Faransiiska ee go’aanka ICC ay noqon doonto mid waafaqsan shuruucda maxkamadda.

•Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa sheegay in go'aanka lagu soo saaray amarradan uusan ahayn "mid siyaasadeed", iyo in go'aanka maxkamadda ay tahay "in la ixtiraamo oo la fuliyo".

•Wasiirka arrimaha dibadda ee Jordan Ayman Safadi ayaa sheegay in go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee Dambiyada ay tahay in la ixtiraamo oo la fuliyo, isaga oo intaa ku daray in Falastiiniyiintu ay xaq u leeyihiin in ay helaan cadaalad , isagoo markaa caddeeyay inay Israa’iil dambiyo dagaal ka geysanayso Qasa.

•Ururka Xamaas oo sidoo kale maxkamadda ay ku xukuntay in la soo xiro hoggaamiyahooda militari, Maxamed Dayf, ayaa soo dhaweeyay xukunka maxkamadda oo ay dalbadeen in dalalku tixgeliyaan, si loo fuliyo.

124 waddan ayaa xubno ka ah maxkamadda ICC, kuwaasoo ay qasab ku tahay inay fuliyaan xukunka maxkamadda si ay u xiraan Netanyahu iyo Gallant. Haddii Netanyahu uu booqdo ama xitaa uu isticmaalo diyaaradiisa madaxweynaha hawada dalalkan, waa la xiri doonaa sida uu dhigayo sharciga maxkamadda ee ay dalalku saxiixeen.

Iman Jama

21 Nov, 14:53


Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada (ICC), ka dib bilo wada tashi ah, ayaa maanta ku dhawaaqday in ay soo saartay amarro caalami ah oo lagu soo xirayo ra'iisul wasaaraha Israa'iil, Netanyahu iyo wasiirkii hore ee difaaca, Yoav Gallant oo lagu helay inay geysteen dambiyo dagaal. Si dhaqso leh Netanyahu, ayaa diidday go’aanka maxkamadda, isagoo ku sheegay ICC inay ka soo horjeedo YH.

Iman Jama

21 Nov, 10:49


Dawladda Finland ayaa si rasmi ah u shaacisay inay joojisay taageerrada dhaqaale ee ay ku bixin jirtay mashaariicda horumarinta Soomaaliya, sabab la xiriirta inay Soomaaliya diidday in muwaadiniinteeda lagasoo masaafuriyo Finland, iyadoo la sheegay inaysan jiri doonin dhaqaale dambe oo Finland ay siinayso Soomaaliya illaa ay ka oggolaato in la soo tarxiili karo Soomaalida aan sharciyada heysan ee ku nool Finland, sida uu sheegay wasiirka ganacsiga iyo horumarinta Finland, Ville Tavio.

Fiiro gaar ah;

Go’aanka Finland ayaa soo baxay , xilli ilo kala duwan ay xaqiijinayaan in waddamada Yurub ay ku xireen dhaqaalihii ay ku bixin jireen mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya inay oggolaato dawladda in la soo tarxiili karo Soomaalida aan sharciyada ka helin , kuwa dambiyada gala iyo kuwa loo arkayo inaysan u qalmin joogitaanka Yurub.

Iman Jama

21 Nov, 10:17


Ruushka ayaa sheegay inuu oggaaday bartamihii bishan inuu Mareykanka ka furtay waqooyiga dhulka Poland saldhig cusub oo la geeyay gantaallada ballistic-ga ah, iyadoo tallaabadan ay Moscow maanta ku sheegtay inay sare u qaadayso khatarta nukliyeerka.

Poland ayaa dhankeeda xaqiijisay jiritaanka saldhigan, kaddib markii Pawel Wronski, oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Poland uu ku sheegay saldhigga inuu yahay mid difaac oo aan loogu talagalin in weerarro laga qaado, isagoo markaa furitaankiisa ku sheegay inay ka dhalatay hanjabaada sii kordhaysa ee Ruushka.

Iman Jama

21 Nov, 10:02


Qorshaha dilka wasiirka amniga Israa’iil, maxaa ku dhacay cilmi-baarihii Israa’iil ee tagay koonfurta Lubnaan? Turkiga oo sheegay inuu qaadayo tallaabo, kaddib weerarkii Xuutiyiinta ee markabka Turkiga! Khudbada la sugayo ee Putin, xogta sirta ah ee laga soo bandhigay diyaargarowga Jarmalka ee dagaalka saddexaad iyo wararkii u dambeeyay;

https://youtu.be/ryesimklgN8

Iman Jama

21 Nov, 09:34


Ruushka ayaa lagu warramaya in markii u horreysay uu maanta ku weerarray Ukraine gantaal ballistic-ga ah ee qaaradaha isaga gudba, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters, ka soo xigatay taliska ciidanka cirka Ukraine.

Lama sheegin goobta uu gantaalka ku dhacay iyo haddii ay jirto khasaare uu geystay, balse tani waxay ku soo aaday xilli ay Ukraine sare u qaaday daandaansiga Ruushka, kaddib markii gantaallada riddada dheer ee reer galbeedka ay ku weerartay dhulka Ruushka.

Iman Jama

21 Nov, 07:10


Madaxa hay’adda sirdoonka Turkiga ee MİT ,İbrahim Kalın ayaa warbaahinta Turkiga ku warrantay inuu muddo saddex saacadood ah shalay ku sugnaa xarunta ururka ugu weyn mucaaraadka Turkiga ee CHP oo hadda maamulla inta badan magaalooyinka Turkiga.

Lama soo bandhigin waxyaabaha uu quseeyay kulanka, balse warbaahinta Turkiga iyo fallanqeeyaasha ayaa ku sheegay suratagalnimada in madaxa sirdoonka uu la wadaagay mucaaraadka caddeymo la xiriira halista amniga qaranka Turkiga iyo marxalada dagaal ee dunidda ay gashay.

Fiiro gaar ah;

Xisbiga talada haya ee AK Party , ayaa toddobaadkii hore afhayeen u hadlay waxaa laga soo xigtay in ciidanka Turkiga uu ku jiro heegan buuxo, waxaana suragal ah inay gudaha u galaan dalka Suuriya, halkaa oo ay u arkayaan inay tahay goobta lagu soo gaarsiin karo colaadda ka taagan bariga dhexe.

Iman Jama

21 Nov, 07:00


FBI-da Mareykanka ayaa xirtay nin lagu magacaabo Harun Abdul-Malik Yener, oo 30 jir ah , kaasoo lagu eedeyay inuu diyaarinayay howlgal uu ku qarxinayo suuqa ganacsiga New York, inta uu socdo dabaal-degga Thanksgiving oo la qabto 28 bisha November.

Iman Jama

21 Nov, 06:17


Waxaan u maleynaya in ka badan inta uu Ruushka doonayay, reer galbeedka ayaa qorsheeyay inay wiiqaan Moscow!

Iman Jama

21 Nov, 06:12


Diyaaradda Mareykanka ee bambooyinka xambaarta B-52 oo ay galbinayaan diyaaradaha dagaalka ee Finland iyo Sweden ayaa ku duulay hawada Greenland, Barents illaa badda Baltic.

Muuqaalka oo lagu baahiyay bogga NATO, wuxuu ina tusaya sida ay kooxdan ugu fakarayaan hab istiraatiji ah , sababtoo ah haddii uusan jiri lahayn dadaalka Ruushka , laguma qanciyeen Finland iyo Sweden inay ku soo biiraan NATO, xaaladan waxay u suuragelisay Greenland, Barents illaa badda Baltic inay ka dhigeen kuwa isku xiran, hawadaa oo xad la leh Ruushka , waxay awood u siinaysa inay si fudud u garaacaan.

Waa maxay fikradaada juquraafiga muuqaalkan?

Iman Jama

20 Nov, 20:00


Mid ka mid ah ujeeddooyinka dagaal ka qarxa gudaha Belarus, waa tallaabo lagu curyaaminayo Ruushka, sababtoo ah haddii uu dhaco dagaal Ruushka iyo NATO, wuxuu doonaya Ruushka inuu hubkiisa geeyo xadka Poland , isagoo adeegsanaya dhulka Belarus, taa oo u sahlaysa Ruushka si fudud in hubka iyo ciidankiisa ay ku gali karaan Poland, iyagoo taa ka fogaanayaan waxay u muuqata inay NATO doonayso inay qabsato gobollada koonfur-galbeedka Belarus.

Iman Jama

20 Nov, 20:00


Wakaaladaha wararka Ruushka ee RIA Novosti,Sputnik iyo telefishinka RT oo xiganaya war laga sii daayay telefishinka dawladda Belarus, ayaa sheegay afar gobol oo ku yaalla koonfur-galbeed dalka Belarus inay wajahayaan khatar uga imaanaysa dagaalyahanno mucaaraad ah oo u dhashay Belarus, kuwaasoo doonaya inay gobolladaa weerarraan.

Kooxda weerarka fulinaysa ayaa la sheegay in lagu tababaray Poland, waxaana duullaankaa gacan ku siinaya calooshood u shaqeystayaal ay taageerrayaan NATO iyo Ukraine.

Fiiro gaar ah;

Madaxweynaha Belarus, Alexander Lukashenko waa saaxiibka koowaad ee Putin, iyadoo wax ka beddelka siyaasadda nukliyeerka Ruushka lagu soo daray weerar kasta oo ka dhaca dhulka Belarus inay la mid tahay weerar ka dhacay dhulka Ruushka oo loo adeegsan karo dhinacyada soo weerarra hubka Ruushka oo nukliyeerka ku jiro.

Iman Jama

20 Nov, 19:34


Xamaas ayaa soo bandhigtay muuqaalka Qassam oo weerar ku qaaday ciidanka Israa’iil, kuwaasoo galaya xaalad aragagax ah , waxay garan weynayaan meel laga jiro, mana awoodaan cabsi darteed inay xabbad ridaan!

Iman Jama

20 Nov, 18:54


Weerarradan waxay ka dhaceen saldhigyo militari oo ka tirsan aaggaga ay ka socdaan duullaanka uu Ruushka diyaarinayo inuu ku qaado gobolka laga qabsaday ee Kursk, taa oo suragal ka dhigi karta inay Ukraine beegsatay saldhigyada ay ku suganyihiin ciidanka Kuuriya Waqooyi!

Iman Jama

20 Nov, 18:50


Ukraine ayaa ku weerartay dhulka Ruushka gantaallada riddada dheer ee Ingiriiska iyo Faransiiska ee Storm Shadow, tani oo ka dhigan 48 saac gudahood inay labo mar jabisay Ukraine caqiiqadada uu Ruushka u adeegsan karo hubka nukliyeerka.

Iman Jama

20 Nov, 18:44


Mareykanka ayaa diidmada qayaxan u adeegsaday qaraar la horgeeyay golaha ammaanka oo ku baaqaya xabbad-joojin degdeg ah, shuruud la’aan ah, oo ka dhacda Qasa.

Iman Jama

20 Nov, 10:53


Howlgal gaar ah oo iska caabinta ay ka fulisay Qasa, Ruushka oo qabtay nin Jarmal ah oo iskudayay inuu qarxiyo xarumaha gaaska Ruushka, safaaraddii Mareykanka ee Ukraine oo loo xiray cabsi weerar, Jarmalka oo faray warshadaha iyo xarumaha militariga inay isku diyaariyaan dagaal, documentiga goobaha sida weyn loo ilaalinayo ee Jarmalka iyo wararkii u dambeeyay;
https://youtu.be/KlS25AiQ9fY

Iman Jama

20 Nov, 09:08


Fiiro gaar ah;

Ka bixitaanka hoggaanka Xamaas ee Qatar, ayaa tilmaam u ah inaysan jirin surtagalnimada dhow ee xabbad-joojinta Qasa — dagaalka bariga dhexe dhankiisa ma jirto wax aan sare mar ahayn oo laga filayo .

Waxaa kalo loo qaadanayana ficilka Qatar , calaam inay jirto surtagalnimada ay Israa’iil ku doonayso inay beegsato xubnaha Xamaas, arrintan oo uu ballanqaaday Netanyahu.

Sida laga maqlay sarkaal ka tirsan Xamaas oo la hadlay Al Jazeera, xubnaha Xamaas waxay tageen dalal kale duwan, wallow aan si rasmi ah loo sheegin, iyadoo sarkaal kale oo Falastiini ah oo ay xigatay BBC-da uu sheegay inay Xamaas ka fogeynayso cadaadis dalalka ay tageen saraakiishooda ka baxay Qatar, mana ay sheegi doonaan, sabab la xiriirta Mareykanka iyo Israa’iil inaysan dooneyn inay helaan gabaad hoggaanka Xamaas.

Turkiga oo ay inta badan tagaan xubnaha Xamaas ayaa dhowaan beeniyay in xafiiska ururka loo raray halkaa , wallow Turkiga uu yahay goobta la fahansan yahay inay xubnaha sare ee Xamaas ku suganyihiin, taa oo jirta Mareykanka ayaa si cad u sheegay inay la wadaagi doonaan Turkiga inaysan dooneyn sidii hore in loola macaamilo Xamaas.

Iman Jama

20 Nov, 09:08


Hoggaamiyayaasha Xamaas ee ku sugnaa Dooxa ayaa ka baxay dalka Qatar , iyadoo ururka uusan dooneyn inuu sheego halka ay xubnahan ku sugan yihiin, sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan ururka Xamaas.

Tani waxay timid, kaddib markii shalay ay dawladda Qatar si rasmi ah u xaqiijisay bixitaanka saraakiisha Xamaas iyo in uusan shaqeyneyn xafiiskii Xamaas ee Dooxa, sida uu sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Qatar, oo sheegay inaysan tan ahayn in la xiray xafiiska, balse ay la xiriirto inay Qatar hakisay dhex dhexaadinta heshiiska maxaabiista iyo xabbad-joojinta Qasa.

Mareykanka ayaa dhankiisa maalin ka hor ka digay dalalka caalamka iyo xulafadiisa inay marti-geliyaan xubnaha ururka Xamaas ee ka baxaya Qatar.

Iman Jama

20 Nov, 08:21


Safaaradda Mareykanka ee Ukraine ayaa waxyar ka hor baahisay inay heleen calaamado muujinaya inuu Ruushka waqti dhow weerar ballaaran ku qaadayo Ukraine.