Puntland State House @puntlandstatehouse Channel on Telegram

Puntland State House

@puntlandstatehouse


MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Puntland State House (English)

Welcome to the official Telegram channel of Puntland State House! If you're looking for the latest news, updates, and announcements from the heart of Puntland, then you've come to the right place. Puntland State House is the administrative hub of Puntland, a region in Somalia known for its rich history, vibrant culture, and dynamic economy. On this channel, you'll find exclusive insights into the workings of the state house, as well as interviews with key officials, behind-the-scenes footage, and live coverage of important events. Stay informed about key policy decisions, development projects, and initiatives that are shaping the future of Puntland. Whether you're a resident of Puntland, a diaspora member keeping in touch with your roots, or simply someone interested in learning more about this dynamic region, Puntland State House has something for everyone. Join our growing community of followers and be part of the conversation about the future of Puntland. Don't miss out on important announcements, press releases, and official statements from the state house. Get a firsthand look at the leadership, vision, and achievements that are driving Puntland forward. Follow us on Telegram and stay connected to the pulse of Puntland State House!

Puntland State House

11 Feb, 13:37


Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor, oo safar shaqo ugu maqnaa dalka dibediisa ayaa maanta kusoo laabtay Caasimada Puntland ee Garoowe.

Madaxweyne Ku-xigeenka waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Gen. Maxamed Abshir kusoo dhoweeyey Goleyaasha dowladda, Maamulka Gobolka Nugaal, Saraakiisha Ciidamada iyo masuuliyiin kale.

Puntland State House

10 Feb, 09:31


Channel photo updated

Puntland State House

10 Feb, 09:31


Channel photo removed

Puntland State House

06 Feb, 15:53


“Puntland waxay go’aansatay iyada iyo dadkeedu in ay isku tashadaan” Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni

https://t.me/puntlandstatehouse

Puntland State House

06 Feb, 15:43


Madaxweyne H.E Said Abdullahi Deni oo ka tacsiyeeyay Ciidanka geesiyaasha ah ee ku shahiiday intuu socday Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada Daacish ee ka socda buuralayda Cal-miskaad.

https://t.me/dabaraani

Puntland State House

06 Feb, 15:29


Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Isbitaalka ku booqday Ciidamada geesiyaasha ah ee kusoo dhaawacmay hawlgalka Argagixisada looga sifeynayo buuralayda, Calmiskaad ee Gobolka Bari.

https://t.me/dabaraani

Puntland State House

06 Feb, 15:17


Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey dadaalka bulshada , hawlwadeennada Caafimaadka , Warbaahinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Wuxuu ku baaqay Madaxweynuhu in sidaasi loo sii wado isku duubnimada iyo wadajirka Dowlad iyo shacab taasi oo ah mid ay si gaar ah ugu amaananyihiin dadka reer Puntland.

https://www.facebook.com/share/p/1BYNsnKtsc/?

Puntland State House

06 Feb, 15:16


MADAXWEYNAHA OO ISBITAALKA KU BOOQDAY GEESIYAASHEENA CIIDANKA KUSOO DHAAWACMAY HAWLGALKA ARGAGIXISADA LOOGA SIFEYNAYO CALMISKAAD.

Boosaaso: 06 February 2025: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Isbitaalka ku booqday Ciidamada geesiyaasha ah ee kusoo dhaawacmay hawlgalka Argagixisada looga sifeynayo buuralayda, Calmiskaad ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha ayaa garab istaag u muujiyay Ciidamada wuxuuna warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Caafimaadka iyo guddiga taakulaynta Ciidamada, wuxuuna faray in la dardargeliyo daaweyntooda si dhameystiran dalka iyo Hadii loo baahdoba dibadda .

Madaxweynaha ayaa ka tacsiyeeyay geeesiyaasha Ciidanka Dowladda Puntland ee ku shahiiday hawlgalka , kuwaasi oo dhiigooda ku daahiriyey deegaanadii iyo dhulkii Argagixisada Daacish ku dhuumaalaysanaysay. Inta dhaawacantayna wuxuu Allaah uga baryaya in uu u boogga dhayo.

Puntland State House

24 Jul, 08:48


Channel photo updated

Puntland State House

17 Jul, 10:45


Doorashada Guddoonka Ururka dhakhaatiirta Xoolaha ee Puntland, waxaa ka qeybgalay
185 dhakhtar oo leh rag iyo dumar oo isaga kala yimi Gobollada Puntland, kuwaasi oo ku takhasusay daaweynta Xoolaha, waxaana ay Shirka ku dooranayaan Guddoomiyaha Iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka dhakhaatiirta Xoolaha (PULPA) iyo Guddiga Sarre ee Dhakhaatiirta Xoolaha Puntland ( Vet Board).

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda sida Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Ganacsiga, Wasaaradda Haweenka, Dhakhaatiirta iyo khuburada Caafimaadka ee Puntland iyo marti sharaf kale.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-

Puntland State House

17 Jul, 10:45


MADAXWEYNE KU-XIGEENKA DOWLADDA PUNTLAND OO GOOBJOOG KA NOQDAY DOORASHADA URURKA DHAKHAATIIRTA XOOLAHA PUNTLAND.

Garoowe: 17 July 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane H.E Ilyas Osman Lugatoor, ayaa maanta ka qeybgalay oo goobjoog ka noqday Doorashada Guddoomiyaha Iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Ururka dhakhaatiirta Xoolaha (PULPA) iyo Guddiga Sarre ee Dhakhaatiirta Xoolaha Puntland ( Vet Board) oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dowladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa boggaadiyey in Dhakhaatiirta Xoolaha ee Puntland ay yeeshaan Urur iyo hoggaankiisa, isagoo sheegay in ay tahay tallaabo horumarinaysa daaweynta Xoolaheenna oo laf-dhabar u ah Nolosha dadka Dadka reer Puntland iyo guud dadka Soomaaliyeed oo dhan.

Puntland State House

16 Jul, 20:32


Garoowe: 16 July 2024: Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland H.E Ilyas Osman Lugatoor ayaa Beerta Arlo ee duleedka Caasimada kulan Affur iyo Casho ah ugu sameeyey qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo Nadwo Cilmiyeed u yimi Puntland.

Kulanka waxa ka qayb galay Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Guddoomiyaha dallada PUNSAA iyo marti sharaf kale.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-