Waxa ay ugu jawaab celisay iyado cadhoonaysa: waan kuu sheegay kun jeer in aan lahayn xabiib!.
Wuxuu yidhi isago dholacadaynaya:Wayahaye yaad fariintan uxardhaysaa?!
Waxay tidhi iyadoo eegaysa indhihiisa: Waxaan uxardhayaa mid doqon ah!!
Isagoo yaaban ayuu waydiiyay;Maxaad ula jeeda?!
Waxay tidhi;Ma oga in aan jecel yahay, waxaan isku dayay inbadan inaad dareensiiyo se mafahmayo,ileen waa doqone.
Wuxuu yidhi:umalayn maayo inuu jiro wiil kaaso iska indha tiri gabadh sidaada ah!.
Waxay tidhi;Iyadoo quusatay kaas waa doqon!!!.
Wuxuu ku yidhi;udir fariin aan kala sooc lahayn oo is daba jooga ''fiicnaan lahayda inuu halkan joogo'e''wuu ku fahmi lahaa
Wayna socotay ilaa uu humaageedi ka dhamaaday
Dabadeed waxa uu maqlay dhawaqa fariinta tilifankiisa
Wuxuu naftiisi kula shawray; ileen doqonkuba waa adiga!!.
Nabaadino