Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ @hano_quluuptooda Channel on Telegram

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

@hano_quluuptooda


Qudhayda mar uun udaaa
Qudhaada ha daawatee๐Ÿ˜’

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ (Somali)

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ waa kanal la wadaagaya hadalada xiiso leh iyo su'aalooyin kala duwan oo isla markaana ka turjumaya luqadaha kala duwan. Kanalka waxaa looga faa'iidayn karaa dadka la wadaaga macluumaad xiisaha ah iyo su'aalooyinka ay ka turjumayaan. Hano Quluubtooda waxaa loo yaqaan 'Afkayada Kala Duwan', waxaanu ku bilaabmaynaa siinay macluumaad xiiso leh oo ku saabsan turjumidda luqadaha, farriinta kala duwan, iyo waxyaabaha kale ee kala duwan ee kuu soo bandhigaya kanalkaas

Hano Quluubtooda waxaa loogu talagalay in dadka la wadaaga fikradooyinka iyo xaaladda ku saabsan luqadaha kala duwan, si ay u fahmaan kala duwan iyo in ay ka faa'iideystaan dhammaan dadka ka turjumaya luqadaha kala duwan. Kanalka waxaa sidoo kale loo yaqaan 'Layla' oo ah magaceeda Af-soomaaliga ee ah 'Dhismo Kala-duwan' oo ay u baahan tahay dadka ku guuleysta luqadaha kala duwan

Hadii aad rabto inaad ka faa'ideysato turjumidda luqadaha kala duwan iyo inaad wax ka barato fahamka suugaanta iyo dabeecadda kala duwan, halkan ku dhaqso kanalka Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ iyo ku xiriirta luqada aad rabto inaad wax ka barato. Waxaad kaloo si toos ah ula socotaan kanalka si aad u hesho macluumaad xiiso leh oo ku saabsan turjumidda luqadaha kala duwan iyo farriimo kala duwan. Mahadsanid!

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

03 Jan, 17:43


Laba wax oo aanad waligaa ilaawayn.
Siduu qof kuula dhaqmay.
iyo qofkii uu ahaa.

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

01 Jan, 09:10


Bal ufiirso Noloshan yar wax walba bilawgay dhadhan leeyihiin,

dharka, Jacaylada, saaxiibada cusub, guurka, waxbarashada, safarka dhadhankiisu xitaa waa saacadaha hore inta dambe waa daal iyo diif.

Adigu wad uun..

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

28 Dec, 08:58


Hadii fariimuhu istaagaan aadna garan waydo saad usoo noqoto, iisoo dir hees.๐Ÿฅบ

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

27 Dec, 13:03


โ€œMarkii dagaalku dhammaado, waan is guursan doonaa, dhulkuna wuxuu magooli doonaa ubax sidaada oo kale u qurux badan, uurkaaguna waxa uu qaadi doonaa gabadha ugu quruxda badan caalamkaโ€.

~Warqadaan waxaa laga helay jeebka mid ka mid ah ASKAR dhimatay, 1939kii.

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

26 Dec, 14:44


Ugu dambeyn waan soo oogaaday.

2 sano oo aan raadinayay muraayadan yaree habluhu isku hor duubaan halkay utaal taallo ee ay ka helaan.

Wuxuba ileen ta suuliyaasha halka faradhaqa ku taallay ahayd ๐Ÿ˜’

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

24 Dec, 15:44


Ma tahay qofkii aad rabtay inaad ahaato?

Faallada๐Ÿ‘‡

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

24 Dec, 07:42


โ€”Haa, walaal. Waa 991; gargaarka degdegga ah, maxaan kaa caawiyaa?

โ€”Qalbigayga ayaa la waxyeelleeyay.

โ€”Marwo, taasi dambi maaha.

โ€”Laakiin, maxay u noqon waysay? Sidee ayaysan dambi u noqonayn inta qof dhan qalbigiisa la dhaawaco in la iska dhaqaaqo? Sidee?

โ€”Ma aqaan, laakiin taasi maaha arrin aan kaa caawin karo.

โ€”Waayahee, yaa i caawin kara? Waxaan dareemayaa in aan maaxdumayoโ€”falling apartโ€” oo aan si culus u burburayo adiguna waxaad i leedahay "waxaasi dambi maaha" maadaama aanad u jeedin waxyeello muuqata. Eeg, haddii aan ku tusi lahaa waxyeello muuqata oo jidhkayga ku taalla waad ka garaabi lahayd miyaa? Laakiin marka aan kaaga warramo wajaqanka gudahayga ka socda iyo maskaxdayda tallansan ayaad aadyar isaga kay leedahay waxaasi wax ashtako ka furan tahay maaha? Waxaan ku idhi waa la i waxyeelleeyay. Taasi ashtako kuugu ma filna miyaa? Dhuudh...dhuudh.

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

22 Dec, 14:14


Ma og tahay in sababta geeridaada loo ga naxaa ay tahay in la ga wahsanayo xambaarista maydkaaga๐Ÿ’”๐Ÿ˜”

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

13 Dec, 13:42


"Waxaa laga yabaa ugu danbayn inaad gaadho marxallad aanay Fariin, Wicitaan iyo waxyaabo lamida ku farxad galin karin, Sidaa si lamida aanay jawiga, maalinta iyo dareenadaada qasi karin!"๐Ÿ’”

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

10 Dec, 10:40


Xaqiiqadu waa in ay wax waliba ku dilayaan, markaa wax aad ku faraxsantahay haku dilaan.

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

05 Dec, 17:22


Qancinta dumarka ayuu farxad ka helaa, xilligii balanta waa ka soo hormaraa, hadyadaha iyo casha gayntu waxa ay u tahay waajib isaga oon cidna dirsan, waa midka gabadhu haday marka qaban waydo ku cel celiya ku dhawaad toban jeer, xilliga uu la hadlayo waxa uu ku meeraystaa xaafadii iyo saxaabadii ka sheekayntooda, waa ninka dumarka ay u yaqaanan sharaf.

midka telka markay toban jeer so wacdo marka qabta, midka isaga la raali galiyo een wax raali galin, midka xili walba la soo raadsho isaga, midka gabadha xilliga uu lahadlayo kala hadla ajandihiisa iyo qorshihiisa, waa ninka dumarku u yaqaanaan nin rag ah.

Labadaas nin, dumarku midna wa jecelyahiin midna waa ku wiswisaan, adigay kuu taal kaad ahaanayso inan ragoow.


~Cilmi aziz cilmi

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

28 Nov, 20:52


"Codkaaga naftii u xiistay
Cidlay kali ooyaysaaye
Isoowac hadaad awoodo"๐Ÿ’”

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

22 Nov, 07:01


Ilaali siraha lagugu aaminay, xataa hadii lagugu khaldamo aarsiga meelo kale ka raadi.




~dafle

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

21 Nov, 07:16


mulkiilaha meheraddan oohinta iyo calaacalku sal dhigtay๐Ÿ˜„

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

10 Nov, 18:37


Wajiyada is dhaafee kalageeyeen waayuhu
Kollay ay ahaataba marunbay is weheshani.
Qalbiyada iswaayee iswaydaartay baa daran๐Ÿ˜ข๐Ÿ’”

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

05 Nov, 05:36


Waxaan go'aansaday in aan iska baxo. Ma aha in aanan ku jeclayn, laakiin sababtoo ah waan ka daalay in aan kaa baryo in aad si wanaagsan iila dhaqanto. Waan ka daalay in aan kuu sheego sida aan ku jeclahay in aad ii jeclaato; aad ayaan ugu daalay in aan dareemo dareel iyo kalgacal dhankaga. Waan ogahay in aadan adigu i jeclayn. Sababtoo ah xitaa waligaa kama aadan baqin in aad mar qudha i weydo. Xataa ma danaysid haddaan kaa fogaado. Waad dhoollacadaysay markaan ku macsalaameeyay. Xitaa ma aadan isku dayin in aad wax iga weyddiiso bixitaankayga. Xataa indhahaaga murugo kuma arag markaan ku idhi waan ku fasaxayaa. Malaha waxaad sugaysay in aan kaa quusto. Oo malaha, waxaad sugaysay muddo dheer!

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

29 Oct, 15:30


Waxa uu yiri:
โ€œAniga iyo qoftii aan ugu jeclaa adduunka waxa guud saaran ayaa habeen khilaaf yar nasoo kala dhex galay, Isla subaxdiiba waxa aan sugayay in aan heshiino, iyana waxa ayba sugaysay fursad ay ku baxdo, oo aanay mar danbe soo laabaninโ€.๐Ÿ’”

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

27 Oct, 18:23


Dhaqan rag ma aha nin weyn oo afka buuraya, xeerka raggana kuma jirto in ninku afka u buuro innanta uu la haasaawo.

Sidoo kale xeerka haasaawaha kama mid aha in aad yeelato dabeecad ka duwan kolkii ugu horreysay ee aad qofta isbaranayseen. Waa waxa 80% xidhiidhka burburiya in aad u dhaqanto qaab ka duwan sidii aad markii hore qofka isku barateen.

Ma garan karo ragga aadka ugu dadaala sidii ay u heli lahaayeen gabadha ay rabaan bilowga hore, ka dibna marka ay helaan, joojiya wax walba ama samaynta waxyaabaha ay sameeyeen si ay u helaan.

Ha noqon nin marka hore wanaagsan, marka hore macaan, baashaal iyo xamaasad leh, dabadeedna waji kale yeesha. Sidaa waxa aad ku niyadjabin ama ku waayin cidda aad xidhiidhka la leedahay. Haddaad hadal badan tahay, iyo haddaad xanaaq badan tahay, iyo haddaad naxariis badan tahay, iyo haddaad dabeecad xun tahay, iyo haddaad deeqsi tahay - sidaa uun ahow. Ha isbedbeddelin.

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

25 Oct, 19:06


Caawa hablaha laba qodob baan leeyahay. Hadda ka hor Aabbe ayaa gabadhiisa kula dardaarmay talo aad u qurux badan. Waxa uu had iyo jeer xasuusin jiray: "Aabbe waa in aad mar walba ahaataa qof maskax furan markaad dooranayso lammaanaha nolosha. Dhib malaha da'daada, ama waxay dadka kale kaa sheegaan, ha ku degdegin guurka. Haddii aad doonayso in aad faraxsanaato, weligaa ha guursan nin afartan qoys ka soo jeeda, haddii kale waxaad ku dambayn doontaa in aad naftaada dhaawacdo.

Marka hore, qoys magac xumo leh. Midda labaad, qoys ay waalidiintu si xad dhaaf ah u farageliyaan nolosha carruurtooda, carruurtuna aanay go'aankooda qaadan karin. Saddex, qoys qiimeeya hantida maadiga ah, jecelna in ay ku faanaan iyo tan afraad, qoys inta badan isku dhacyo iyo muran ka dhexeeyo qaraabada iyo walaalaha."

Sidaa darteed, gabdhuhu waa in ay ka fiirsadaan waalidiinta iyo qoyska innanka ay nolosha la wadaaggayaan. Waa muhiim in aad la tashato dadka waaweyn markaad dooranayso lammaanaha nolosha, laakiin sidoo kale waa in aad kala saari kartaa saxa iyo khaladka, maadaama go'aanka ugu dambeeya uu ku jiro gacmahaaga, farxaddaaduna adiga ay kugu xiran tahay.

Qodobka labaad oo aad u mihiim ah waa fal maalmahan dambe baraha bulshada qabsaday. Waxa baryahan aad u badan hablo hal wiil isku haysta. Haddii ay naag kale awooddo in ay u soo dhawaato ninkaaga, dhibku maaha gabadha, cadowga dumarkuna maaha dumar kale, ee waa nin weyn oo aan lahayn is-xakameyn iyo ixtiraam. Waa liidnimo in aad naag kula tartanto nin. Waligaa ha kula tartamin naag kale nin. Haddii uu ninku qoftaa kale dareensiiyo in ay fursad ka bannaan tahay, ha haysato. Waayo, ma doonaysid qof uu QOF WALBA yeelan karo.

Adigoon qiimahaaga dhumin, NIN WANAAGSAN ayaa kaa sare marin doona dumarka kale. Ninka dareen ahaan caqliga badan waxa uu ixtiraami doonaa dareenkaaga oo wuxuu samayn doonaa xudduud. Weligaa ha eryan nin aan ku eryan; haddii kale waxaad ku dambayn doontaa in aad naftaada u quudhsato nin aan qiimaynayn jiritaankaaga oo dhan. Sidaa darteed, jooji dulqaadashada, khiyaamada, xadgudubka iyo xushmad la'aanta si aad ninka u ilaashato. In aad ninka yeelato guul maahan, ilaa la helo nin ku ixtiraama, ku mahadiya, oo ku qiimeeya. Haddii ninku uusan caqli ahaan iyo dareen ahaan ku filneyn inuu fahmo sida aad dareemeyso, ma mudna in aad eryato. Sidoo kale haddii ay naag kale kaa qaado ninkaaga/saaxiibkaa, ma jirto aargudasho ka wanaagsan in aad u oggolaato inay isaga haysato.

Ahmed. Qaydare

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

22 Oct, 17:22


Ha badin ee ila joog uun malinkasta 23:59:59 bas inta kale halkaad rabto aad

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

18 Oct, 19:28


Farriin ay kuwo badani ku niyad qabowsadan.

"Maalin ayaad heli qof ku fahma oo ku jecel"

Waligiin waad sugeysaan.๐Ÿ˜’๐Ÿ˜‚

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

18 Oct, 19:08


Bulshadeenna dhexdeeda ninka sigaarka caba sambabadiisa ayuu wax yeeleeyaa; halka haweeneyda cabta uu sharafteeda iyo akhlaaqdeeda baabi'iyo. Ma ogi, ma waxa ay ula jeedaan in ay haweeneydu bilaa sambabo tahay, ninkuna bilaa sharaf iyo akhlaaq yahay?

-Tarjumid

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

08 Oct, 06:32


Waan seexday, waliba hurdo culus si aan ogaalkayga u damiyo, balse riyaad iigu timid. Markale, waan cabay, dhalo Grover zampa red wine ah oo kamida shanta khamri ee ugu culculus caalamka ayaan gabigeedaba qudhqudhiyay si ay maskaxdaydu utagto, balse dunida sakhraanka ayaan kugu sawirtay, markale maryaha ayaan dhigtay si uu miyirkayga utago, balse waalidaydii ayaad iigu timid.

Gacalo, dariiq kasta dhankaaga ayuu i keenayaa, xataa dariiqa ilawshaha

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

29 Sep, 06:40


Wiilow, haddii aad isku dhacdaan gabadha xiriirku idinka dhexeeyo, oo aad kala aamustaan, deeto ay muddo ka dib kula soo xiriirto, oo ay ku raalligeliso, kuuna sheegto in ay kaa khaldaneyd, oo ay cafis rabto, qoftaas cafi, oo soo dhawee, aad bey kuu jeceshahaye.

Waayo, wey adag tahay in la arko gabar khaladkeeda qiranaysa, haddii la arkona, waxaa la arkaa maalintii tuke cad la arko (marmar dhif ah).

Hablaha intooda badani, waxa ay doorbidaan in ay dhumiyaan qofka ay jecel yihiin, halkii ay ka qiran lahaayeen khaladkooda. Marka, gabadha dabarkaas jebisaa waa qof geesiyad ah, ama waa qof jaceylku la fogaaday, oo ka baqaysa in ay ku dhumiso.

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

28 Sep, 07:52


Ninku kolka uu naag jeclaado wuu qarsadaa oo cidna uma sheego. Laakiin gabadhu kolka ay nin jeclaato haweenka kale ayey la wadaagtaa oo ma qariso yaallaa..

Sidoo kale, dumarku hal mar ayey laba qof wada jeclaan karaan. Mid qalbigeeda ayaa jecel oo waa qof dunwacan ase danyar ah. Midna caqligeeda ayaa jecel oo waa qof xoolo haysta ama lacag leh. Dabadeed isdiiddooyinkaas ayey muddo dhex dabbaashaan, oo ugu danbeyn ama caqligaa hoggaamiya ama qalbigooda.

Dhanka kale, kolka ugu horreysa ee ay ku aragto, ama aad meel iskaga hortimaaddaan kabahaaga ayay eegmada ka soo bilaabaysaa illaa madaxaaga ayey wadeysaa. Halka ninku keliya isha qac ku siinauo wajigaaga uun. Dumarku qof ka ay hal mar arkaan ma hilmaamaan. Labku se wey hilmaan badan yihiin. Laakiin wax ey xusuustaan erayga oo qalbigooda ay ku guntaan....

Naagtu inta ay ninkeeda ka taqaanno, ninku kama yaqaanno...

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

23 Sep, 05:59


Moonbix waa Airdrop cusub sida hamastar combat okale waxa iska leh shirkada ugu wayn ee suuqa exchange ee BINANCE.
Maaha sida airdrops kale ee beenta ah fake ah ee la isku qaldo balse binance ayaa shaaca ka qaaday airdropkan.
Wakana link moonbix.

https://t.me/Binance_Moonbix_bot/start?startApp=ref_6068189614&startapp=ref_6068189614&utm_medium=web_share_copy

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

19 Sep, 10:15


Istaagitaanka wadnuhu ma aha keligiis dhimasho. Sugitaanku waa geeri. Quustu waa geeri. Rajo la'aantu waa geeri. Mugdi mustaqbaleedku waa geeri.

~Ghassan Kanafani.

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

17 Sep, 17:24


Wixii qaali ah waa dumar, wixii gooyaanna waa dumar. Waa run, oo dumarka ayaa lagaga arooraa ililaha naxariista. Jannada xuuralcayn baa la isku abaal marinayaa, mooji waxa ay galab saddeen, ase wax naftu ay ku degto waa tahay laabta haweennaydu. Waa naxariis oo waa nabad. Laba jeerraalaba waa nolol. Abuurteennu waxa ay magan u tahay haweenay. Mid iyo labo: Hooyaddii ku dhashay ee naaskeeda kuu dhigtay, iyadaa loo gabbaad dhigtaa oo laga helaa galaha heemaale. Ooridda aad wehel isaga doorataan dunnida iyaduna waa irridahaad ku aroortiyo halkuu ubaxa saarnaa.

~turjumaad.

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

16 Sep, 04:55


Qofka wanaagga badan naftiisa ayuu u daranyahay.

In aad noqoto qof macaan, khilaafka neceb, wax kasta aqbala, cid kasta raalligeliya, oo markasta dadka farxadooda ka shaqeeyaa waxa ay halis ku tahay naftaada, akhlaaqdaada iyo waaritaankaaga. Haddii aad waxba diidi weydo, waxba ka dhiidhin weydo, oo waxba ka diiri weydo waxa aad cadaadis iyo culeys ku haysaa shakhsiyaddaada iyo qiyamkaaga.

Marwalba adigu ha tanaasulin, wax walba ha yeelin, arrimaha qaar ha ka dulqaadan. Ha noqon qof haddii gacanta afka laga geliyo aan qaniininโ€”markasta oo aad noqoto qof aan halis ba laga filan waa markasta oo laguu soo kaadi tegi doono, qiimahaaga iyo qiyamkaagu na burburi doonaan.

"Haddii aad cid walba saaxiib la tahay waxa aad cadow ku tahay naftaada" โ€” Mike Tyson

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

12 Sep, 19:11


Hablaha hal baan leeyahay. In aad xiriir la yeelato nin dadaal badan ma aha hawl sahlan.

Inaad xiriir la yeelato nimanka hawl-karka ah oo subax walba kaca oo maalin walba u dadaala sidii ay ugu noolaan lahaayeen nolol ay ku hammiyaan, waa in aad fahanto inuusan ahayn nin saacad walba la heli karo ama mar walba kaa qabanaya telka, oo waqti kula qaadanaya.

Tani waa sababta dumarka qaarkood ay maalmahan u xiiseynayaan ragga aan lahayn aragti nololeed. Waxaa laga yaabaa in aad u maleyneyso in uu yahay nin aan dan iyo heello ka lahayn xidhiidhkaga, waayo waxaa jira waqtiyo uusan had iyo jeer u muuqan nin wax kula wada, laakiin arrinku sidaa ma aha, waa cagsiga.

Waxa uu subax kasta u kallahaa oo uu u baxaa sidii uu nolol qurux badan ugu raadin lahaa adiga, isaga iyo ehelkiisa. Waxa uu raadinayaa fursad kasta oo uu ku abuuri karo mustaqbal. Waxaad u baahan tahay in aad fahamto in ay jiri doonaan habeenno iyo maalmo badan oo uu heli doono waqti uu ku siiyo shumis iyo wadahadal qotodheer.

Ninka caynkaas oo kale ah waxa laga yaabaa in uu yara qallafsan yahay, laakiin waxa xaqiiq ah ninkani waxa uu ku jeclaan doonaa nooc jacayl aanad hore u arag. Sidaa darteed ka daaya buuqa iyo doodda ragga idin maqan; bal ku dhiirrigeli ninka aad xidhiidhka leedihiin in uu nolosha eryado in ka badan inta uu adiga kugu mashquulsan yahay.

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

08 Sep, 21:50


Muuqaagii i dhayi jiray
Hadda wuu i dhibaya๐Ÿ’”

Hano Quluubtooda ๐Ÿฅบ

18 Aug, 13:35


Jawiga aan rabo inaan ku noolaado inta noloshayda ka dhiman๐Ÿฅบ

5,304

subscribers

661

photos

33

videos