Waxaana taariikhda Hijriga soo bilaabatay ka dib hijradii Nabiga ﷺ iyo Saxaabadiisa ay u hijroodeen Magaalada Madiina iyaga oo kasoo hijroodeen magaaladii Maka Al-Mukarrama, halkaas oo ay diintooda kala soo carareen ka dib markii culeysyo kala duwan iyo dhibaatooyin fara badan ay kala kulmeen Mushrikiintii Qureysh isaga iyo Saxaabada Allaah ka raali noqdee. Wixii maalintaas ka danbeeyey waxaa bilowday Taariikhda Hijriga, waxaana si rasmi ah u qoray taariikhda Hijriga Allaah ka raali noqdee Saxaabigii jaliilka ahaa ee Cumar Binu Khadhaab. Waxaana Tan iyo waagaas Taariikhda Hijriga ahayd Taariikhda kaliya ee ay Muslimiintu xisaabsadaan.
Waxaan Allaah weydiisanaynaa in sanadkaan Cusub ee 1446-Hijri inooga dhigo sanad Barwaaqa badan, dalkeenana amni iyo xasilooni ku dhisan Shareecada Islaamka ina siiyo hadaan nahay umadda muslimka ah ee Soomaaliyeed, Allaah sidoo kale waxaan weydiisanaynaa in dadkeena kala dhex dhigo quluubtooda maxabo iyo Jacaylka Diintiisa.
✍ Ibnu Joseph