Quluubta @quluubta Channel on Telegram

Quluubta

@quluubta


= Madashaan waxa aad ka heli doontaa
• Su'aalo iyo jawaabo kala duwan
• wax-yaabo ku saabsan quraanka kariimka ah
• qisooyin, sheekooyin, suugaan, iyo wixii nafci leh.

" Ku mahadsanid soo booqashadaada "

Wixii fariina ah noogu reeb
@Mr_ahmed_alta

Quluubta (Somali)

Quluubta waa madasha ay ka dhigan tahay inay kuu siin doonto fursado kala duwan oo ku saabsan quraanka kariimka ah. Halkan waxaad ka heli doontaa su'aalo iyo jawaabo kala duwan, wax-yaabo ku saabsan quraanka kariimka ah, qisooyin, sheekooyin, suugaan, iyo wixii nafci leh. Dhinaca kale, madashaani wuxuu kuu siin doonaa fariimo fara badan oo ku aadan inaad ka faa'iideysato. Haddii aad rabto inaad ogsoonto wax faahfaahsan oo ku saabsan quraanka kariimka ah iyo waxa uu ka hadlayo, Quluubta waa meesha loo qabo. Aqbal inaad ka soo booqato madashaan iyo ka faa'iideysto noloshadaaga. Waxaa madashaani la socda: @Mr_ahmed_alta

Quluubta

23 Nov, 17:24


-"Fariimahaad mar hore soo dirtaan ,sii dul taagnahay
-Berrigii codkaad duubtay baan ,dawo u haystaa
-Daawashada waxaan fiirsada ,degaladaadii
-Waxa runa inaan kuu darsadey waan dafirayaaye."

—Guuleed Raygal

Quluubta

23 Nov, 08:13


Waa sidee xidhiidhka Adiga iyo Waalidkaa gaar ahaan Hooyadda?

“Janada aad raadineeyso gurigaaga ayey taal. Waana hooyadaa. Kabcada ood aaadaa waxaa kaaga fadli badan raali galinta Hooyadaa”

“Xaqa uu ilaaheey kugu leeyahay kadib Hooyadaa waa qofka labaad ee xaqa kugu leh. Salaad tuko, sadaqo bixi, dadaal Lakin Hadii Hooyadaa qalbigeeda uusan kuu fiicneen waxaad ogaataa wey adag tahay inaad Janno aragto”

“Hadii aad todobo jeer aad kabcada aado adigoo dhabarka kusida hooyadaa xitaa waxyar abaalkeeda ma gudi kartid. Hooyadaa waa inaad ka hormarisaa bini’aadam kasto oo nool”.

Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil Haaruun.

Quluubta

22 Nov, 19:09


Maahmaah caanaa ahayd
Nin iyo naagtii col maaha
Caano iyo nabadna maaha. 😅❤️‍🩹

—Hees

Quluubta

21 Nov, 17:48


▁ ▂ ▄ ▅ ▆ ▇ █ - █ ▇ ▆ ▅ ▄ ▂
    🦋KOOXDA MIDNIMO🦋

Halkaan waxaa isugu keenay🧭
Kanaalada somalida ugu wanaagsan Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.⬇️

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 💔😢
@Lamaane24h 🫂💝
@Qalbitabat14 ❤️‍🩹
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1


Hadii aad xayeysiin ubahan tahay la xiriir. @Gud_Kooxda_Midnimo

⬇️KU BIIR ⬇️
https://t.me/addlist/O9KSBXYo8KFmYzU0

Quluubta

21 Nov, 06:08


In dhawayd ba waxba maynaan soo galin Yuutuubkeenii, idam alle dhawaan bay muqaalo heer sare ah oo wacyogoodu sareeyo soo galin doonaa Idam Alle.

Fadlan Subscribe-ta nalla ogow.

www.youtube.com/@dhaqan_wanaag

Quluubta

19 Nov, 15:16


-Noqo gabadh guulaysata oo aan la ilaawi karin, sida adigoo kali ah oo dumar ah oo aduunkani u baahan yahay 🤍.

Quluubta

16 Nov, 17:37


Haddii aad rabto nolol qurux badan salaad walba xilligeeda ku tuko. Haddii aad rabto aad caafimaad gudeed na soonka badso.
❤️

Quluubta

15 Nov, 18:19


Haddaad aragto qoom wada dhashoo ,kala qaloonaaya
Qormo gaabatiyo wow danbeyn, qoomamiyo ciile.🧑‍🤝‍🧑

—unknown

Quluubta

14 Nov, 18:13


Eebbe weyne risiqa wuxuu ugu qaybiyay addoomihiisa sida ku haboon qof kasta, maxaa yeelay waa aqoon badane falsan oo u ogaal badan addoon walba waxa ugu badan ee uu uga baahan yahay noloshiisa.Waxaa dhacda in uu dadka qaar siiyo hanti, caafimaad, jacayl, guul xirfadeed, ama qoys wanaagsan, waana qaybin ku sargo'an qorshihiisa iyo xikmaddiisa. Qaybinta quudku keliya ma aha lacag, balse waxay koobsanaysaa waaxyaha noloshan oo dhan, kuwaas oo qofka u horseedaya isku dheellitirnaan iyo raaxo nololeed. Sidaas awgeed, waa in aynu ku qanacno qaybteenna, isla jeerkaasna ku mahadinno Alle. Docda kale waxa innagu waajib ah in aynu ka shaqayno hagaajinta nafaheenna iyo hareer istaagga dadka baahan innaga oo adeegsanayna waayo'aragnimooyinkeenna.

— Cabdixakiim Obsiiye

Quluubta

14 Nov, 09:52


💫jacaylka halka dhinac ah ugu danabyn wuxu isku badalaa cadaawad💐

Quluubta

10 Nov, 17:49


Wuxu yidhi :
" Nacas iyo nin liitaa
Naafada ka raadshee
Neecawda dunnidiyo
Naxariistu waa dumar ."

🤍

Quluubta

08 Nov, 18:39


Mindset.

Quluubta

08 Nov, 18:34


intaad adigu ii joogsataan ,kuu jirsanayaa!".

–Maxammed Galleydh

Quluubta

06 Nov, 18:43


Wuxu yidhi :

" Qaraabadu gun weeyo
Kolkii aad gar-gar iyo
Garab siin u baahneyd
Gacan kuuma fidiyaan
Kolkaad geeriyootee
Godka ay ku geeyaan
Geel baa la qalayaa.!" 💔

Cajaa'ib sheekhow.

Quluubta

06 Nov, 04:03


💫Kiina caqliga badan maaha
Kan muranka ama dooda ku guulaysta
Ee waa kan kaba fogaada marka horaba meesha lagu murmaayo


Subax san🌼😊🤞

Quluubta

05 Nov, 18:12


Inaad hesho saaxiib iyo rafiiq wanaagsan waa nimco Rabbi ,dadku ma ogsoona midaas.🫂🫶🏼

Quluubta

04 Nov, 10:03


https://t.me/Hamda_Nour

Quluubta

04 Nov, 06:29


💫Qabriyada waxaa ka buuxa
Dad ku fikiri jiray
Markaad waynaato ayaad waxan samayn
ha sugin fursad kale hadii saaka waagu kuu baryay🌸

Quluubta

03 Nov, 17:38


Weydiintaada Iyo Warcelintayda!

1: Haddii aad I weydiiso waa maxay sharaf? Waxaan ku odhanayaa waa in’aad qiyam lahaatid. Haddaad I weydiiso waa maxay qiyamka ugu sarreeyaana waa in’aan ku idhaahdo in’aad naftaada lahaatid! Dadka qaari afkooda iyo naftooda ma laha, waxay ka hadlaan waxweliba waxayna iska dhex arkaan cid weliba. Ma jiro wax ka caagan oo aanu ka hadalkooda jeclayn, wax weliba waa u hadal, hadal welibana waa u bilaa macne! Inaadeer gacalliye caalamka oo dhami hadalkaaga sugi maayo, hadalkaaguna wax kasta wax ka tari maayo ee wax kasta haka hadlin, saa waxkasta ma taqaannid’e.

2: Haddaad I weydiiso waa maxay xilkasnimadu? Waxaan ku odhanayaa waa in’aad qaadato go’aanno tudhaale leh. Nolosha cidna caddibaad haku noqon, dadka kuu damqanayana haku dirqin wax dacar kaga qadhaadh. Deyn ha gelin iyaga oo dibindaabyo ha badin. Haka sugin wax ka badan intay karaan. Waxaad gaadhay xilligii aad iyaga noloshooda dhisi lahayd. Ha dhibin waalidkaa walaalkaa iyo cid kasta oo dhibaatadaada ka damqanaysa!

3: Haddaad I weydiiso waa maxay fariidnimadu? Waxaan ku odhanayaa waa in’aad dantaada garatid. Cidna kuma colaadin kartid garasho la’aanta dantaada. Ma jiro koonka qof u kaca qof aan rabin in’uu kaco. Tala-saarashada Eebbe si ay natiijo u yeelato waa in’aad adigu duusho sida shinbirta. Rasuulku wuxuu inna baray in’aynu hasha dabarno kadib Eebbe tala-saaranno. Dabarka hashu maanta waa garashada dantaada!

4: Haddaad I weydiiso waa maxay jacaylku? Waxaan ku odhanayaa waa in’aad qoyskaaga u noolaatid. Dardaarannada waalidnimo ee fulintoodu ina saaran tahay waa ilaalinta jacaylka walaaltinnimo iyo dunta qoyseed. Qoyska is jecel ayaa jeclaan kara qofka kusoo biiraya.

5: Haddaad i weydiiso waa maxay dhammeystirnaan? Waa in’aan ku idhaahdo fulinta ballanqaadyadii wanaagsanaa ee lamaanahaaga! Haasaawuhu ma aha yoolka u danbeeya ee guurkaa ah yoolka. Ku wanaagsanaanta haasaawaha kadib ku xumaanta guurku waa guul-darro iyo bilaa qiime. Ogoosonow xaasku waa wehel, sayguna waa garab. Qofka ku guuleystay qoyska aanu dooran ka dhalashadiisa ayuunbaa ku guuleysan kara qoyska uu doortay sameyntiisa. Sayga wanaagsan ka hor intaanu noqon say wanaagsan wuxuu ahaa walad iyo walaal wanaagsan, isaga uunbaa hadhawna noqon kara waalid wanaagsan. Fadlan iska hubso meeshaad rarka dhigan doonto, meelaha qaari waa lagama soo noqdaan.

—Sakariye Anshax

Quluubta

31 Oct, 11:43


Illaahayow waxaan ku waydiisanayaa jaceylkaaga iyo jaceylka qofkasta oo ku jecel iyo jaceylka camal kasta oo ii dhaweynaya jacaylkaaga. 💞🫂

—Duco