๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ† @xulka Channel on Telegram

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

@xulka


Kusoo Biir oo Hel Noocyada Kala Duwan Ee Buugaagta Xulka Ah

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ† (Somali)

Xulka_Buugaagta is a Telegram channel dedicated to book lovers and writers. If you are passionate about reading and writing, this channel is the perfect place for you. The name 'Xulka_Buugaagta' translates to 'Book Collection' in English, and it signifies the diverse range of literary works that are discussed and shared on this platform. From classic novels to contemporary poetry, Xulka_Buugaagta offers a treasure trove of literary content for its members. The channel provides book recommendations, writing tips, and discussions on various literary topics. Whether you are an avid reader looking for your next favorite book or a budding writer seeking inspiration, Xulka_Buugaagta has something for everyone. The community on this channel is passionate about literature and eager to engage in meaningful conversations about books and writing. In addition to sharing literary content, Xulka_Buugaagta also hosts writing contests and book clubs, allowing members to showcase their writing skills and connect with like-minded individuals. The channel is a supportive and creative space where members can exchange ideas, feedback, and encouragement. Join Xulka_Buugaagta today and immerse yourself in a world of books, writing, and creativity. Expand your literary horizons and connect with fellow book enthusiasts in this vibrant and inspiring community. Let Xulka_Buugaagta be your go-to destination for all things related to books and writing. Happy reading and writing!

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

14 Feb, 04:03


๐Ÿง Xikmado Qiimo badan โœ๏ธ

Ha weydiinin qofka agoonka ah sida aabihii iyo hooyadii ugeeriyoodeen.

Halkaas waxaa ahaaday murugo aad uqoto dheer laakiin aysan arkeynin indhahaagu.

Ha weydiinin waalidiinta waayitaanka wiilkooda ,sababtoo ah waxaad taabaneysaa dhaawac daran oo aan bogsooneyn.


Haweydiin midka faqiir inuu Hanti baahi uqabo, taasi badelkeeda si sharaf leh usii.

Wuxuu leeyahay erayo ka dhigi kara inuu diido codsigeeda.

Haweydiinin gabadha aan caruur dhalin , sababta ay udhali weysay.
Sidoo.kale haweydiinin gabdha aan guursan Sababta ay uguursan weyday.

Haweydiinin martidaada in ay sheey ubaahan yihiin , taa badelkeeda si lama filaan oo karaamo iyo dedaal ah ugudoonsii.

Ka fogow jeesjeeska saaxiibka si aysan ugu maadeeysan uguna qoslin kuwa kale.

Kalmada wanaagsan waa ixtiraam igo sharfid.

Xasuusnow in ereyada qalbiyada ay uga tagaan Raad saameeyn leh oo aan tirmin.

Dhig naftaada booska dadka kale oo dareen waxa ay dareemayaan.

Waxyaabaha qaar waxay ku Haboon yihiin in laga Aamuso.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

13 Feb, 03:37


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

12 Feb, 12:27


Buugaan waa mid kamid ah buugaagta aan Qoray. Runtii waa buug ka hadlaayo sooyaalka Shaqsiyaad muslimiin ah. Waa buug kuu kala dhig dhigaayo Taariikhda qaar kamid ah kuwayowgii ugu mudnaa Taariikhda islaamka.
Buuga 100ka shaqsi runtii waa buug qaatey muddo 5 sano in ku dhow baaris, qoraal, iyo lafagurid.
Waa buug ka hadlaayo sida
โ—Culimo
โ—Taariikhyahano.
โ—Feylasuufyo.
โ—Madax
โ—Hal-abuurayaal
โ—Xirfadlayaal.
.โ—Dhul-mareeno.
โ—imaamyo.

Waa buug aad uga hadlaayo shaqsiyaad Noolaayeen qarniyo kala duwan kuwaas oo aduunka unoqday Dad indho u ah dadka.

Waxay qeyb ka qaateen qaar iyaga kamid ah ,faafinta diinta ,hal-abuurka bulshada, Hormar tiknolojiyada iyo Hogaanka ilbaximada islaamka.

Insha allaah in waqti lasoo bandhigaan ku howlanahay insha Allaah.

Casariyo suuban ๐Ÿค—.

โœ๏ธGureey_Xikmadle.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

12 Feb, 10:16


โœ๏ธ Xikmado qiimo badan ๐Ÿค—

Hadii uu qalbigu dhinto ,Naxariista wey tageeysaa.
Hadii uu Caqligu Dhinto Xikmada wey tageysaa.
Hadii uu Damiirka uu dhinto wax kasta wey tagayaan.
Intaasna waxaa fahmi karta qofka dadninada leh.

Dhalada wey jabeeysaa Codkeedana si. degdega ah ayuu ku dhamaadaa.

Laakiin waxaa baaqi ahaanaayo Dhalada qaruuraxeeda taas oo dhaawici karta qofkii udhawaada.

Sidaas oo kale hadalka Xanafta leh waa uu dhamaadaa Laakiin qalbiga ayuu baaqi kusii ahaadaa isaga oo Xanuujinaayo.

Qofna Hadalkaaga haku durin.


Qofkaan arinkaaga muhiim ka dhigin ,midkiisa Ha qiimeeyn.

Waa Sax jaceylka waa qurux badan yahay , laakiin sharfida Nafta ayaa ka qurux badan.

Dayacaada dayacaad.nabadgalyo korkeeda ha ahaato inta qiimaheena garaneeyso.

Ha ka caban maalmaha, ma haystaan โ€‹โ€‹beddel kale.

Ha u ooynin aduunka , maadaama aad Aakhiro ku dambeeyn doontid.

Kalsoonidaada Allena ka yeel mid aan la soo koobi karin.

Ilaahna u talo saaro sida ay ku habboon tahay.Waayo, isagu waa wakiil wax walba.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

11 Feb, 17:20


โœ๏ธXikmado Qiimo Badan //

Karaamadeyda iyo sharafta nafteyda waxay ka sareeysaa Dadka oo dhan.

Qof kasta oo aan aqoon shakhsiyaddeyda uma qalmo inuu xukumo ficilladayda.

Qofkii aan i qaddarin karin yuusan wax qaddarin ah iga sugin.

Qofna ma istaahilo inuu naftayda bahdilo, xataa daqiiqad isaga.

Haddii ixtiraamku dhaco, looma baahna xiriir aan lahayn Hadaf.si kasta uu uyahay mid sharaf leh.

Ma jiro jacayl aan ixtiraam lahayn iyo saaxiibtinimada oo aan qadarin lahayn.
Xitaa qaraabo aan garaneyn qiimahaaga.

Oo ha dareemin xanuun kuwa adiga kugu beddelay.

Waxay beddeleen dhaqankooda sababtoo ah waxaad ku qancisay raaxo iyo feejignaan ilaa ay ku qanacaan.

Ha lumin ixtiraamka aad u hayso, hana ka dhigin waxa kaliya ee aad aduunka ka qabto in uu noqdo jacaylka ay dadku kuu qabaan.

Dadka qalbiyadooda wey isbadbadelaan , maanta ayee ku jeclaanayaa ,beri ayee ku nacayaan.

Ogsoonow laakiin qofka joogteeya dulqaadka, ineysan noloshiisa burbureeynin.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

10 Feb, 12:43


๐—ฆ๐—ข๐—ข ๐—ž๐—ข๐—ข๐—•๐—œ๐—— ๐—•๐—จ๐—จ๐—š

Buugga: Neecawda Qur'aanka
Qoraa: Ibraahim cumar As-sakraan
Tarjume: Marwa Muuse
Bogagga: 131 bog

Ugu horayn mahad oo idil waxa ay u sugnaatay Allah S.W.T oo innaga yeelay ummad muslimiin ah, rumeysan Eebbe S.W.T, adeecsanna rasuulkii loo soo diray ee muxamed NNKH.

Intaas kadib; Buuggan waa buug kuu horseedi doona kaana caawin doona in aad si fiican u fahanto una dhuuxdo macnaha ay bixinayaan aayadaha qur'aanka kariimka ah.

Qur'aanku waa habka keliya ee lagu dabcin karo qalbiyada, lagu xasilin karo nafaha, lagu nadiifin karo laabaha, lagagana bixi karo cadhidhiiga nafeed, waa jidka kaliya ee lagu hago yoolalka, lagu gaadhi karo guulaha laguna hanan karo nolol isu dheeli tiran.

Aadamaha casrigaan nooli waa mid ku hawllan nolol maalmeedkiisa; wareeg shaqo oo adag, farriin taleefoon, baraha bulshada oo midba mid kuu dhiibo, hawlo bulsho oo isku kaa biirsaday, sii wad uun....

Buuggan waxa uu ka kooban yahay dhowr ciwaan kuwaas oo uu qoraagu si faahfaahsan uga hadlaayo Qur'aanka, isbaddalka nafaha iyo xaaladaha ay dadka ku sugan yihiin.

Waxaan bilaabay xilli xilliyada kamid ah in aan aad uga fekero oo u fiirsado arrin aad iiga yaabiyey, jecleystayna in aan ogaado; arrinkaasina wax kale ma aha ee waa dhibaatada dib u dhigista. Waxaan helay seddex siyaabood oo uu u sawiray qur'aanka arrinkaan, waxaadna ugu tagi doontaa buugga.

Illaahay SW waxa uu inoo yaboohay in ay imaan doonto maallin la isxisaabin doonno, qur'aanka waa tilmaamay daqiiqadahan xanuunka badan iyada oo dad badani moogganaan kaga jiraan. Ha u maleynin in ilaahay mooggan yahay waxa ay sameynayaan dadka daalimiinta ah, balse waxa uu la sugayaa maallin indhuhu libiqsi deynayaan. Weynoow ama yarow wakhtigii laguu qoray dhaafi maysid.

Buuuga gudihiisa waxaa ku xusan dhawr faa'iido oo laga helo tasbiixda kuwaasi oo uu ilaahay inoogu tilmaamay qur'aankiisa. Ilaahay SW waxa uu leeyahay "Waanu ka warhaynaa in laabtaadu la cidhiidhiyoonayso waxa ay leeyihiin, ee rabbigaa u tasbiixso oo kamid noqo kuwa sujuuda".

Kaalmeysiga iyo talo saarashada rabbi waa ta addoonka awooddiisa siyaadisa una fududeysa arrimaha, sidaa darteed maxaynu Alle u talo saaranaa?, goorma ayaynu Alle talo saaranaa?. Su'aalahaas iyo mowduucyo kale oo muhiim ahba, waxaad ugu dhex tagi doontaa buugga.
..................
Soo koobe; Cabdi Yuusuf
Axad; 9-Feb-2025

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

10 Feb, 12:30


Xikmado Qiimo Badan ๐Ÿค—

Wax Alle ka xoog badana ma jiro, sidaas darteed ruuxii Ilaahay u gargaara ma hooseeynayo.

cidna ma waarto, haddaba baro sidaad adigu u xoogaysan lahayd, iyo halganka Nolosha.

Ha u oggolaanin in cabsidu ku jirto qalbigaaga, Ahow mid markasta udiyaarsan sheey kasta.

Nolosha Qofna u istaagi Meyso,noqo mid Naftiisa Sharfo. karaamadaadan haka sareeyso Dadka.
Dheh alxamdulilaah markasta ,xitaa hadii Noloshaada Ka buuxaan dhibaatooyin.

Ma jiro wax la mid ah caafimaadka.

Midkii u maleeya inaad dhammaatay, bar in tuhunnda qaar ay dembi yihiin.

dhammaan kuwa sugaya burburkeena.
Ha ogaa daan waxaa soconaa ilaalinta iyo xifdinta Alle hoosteed.

Awooda Dhabta ah waa inaad istaagto adiga oo ku sugan maalamaha adag.

Nabad galyo Korkooda Ha ahaato inta Qiimaha iyo Sharafka usaaxiibka ah.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

08 Feb, 06:58


"Uma maleyn inaan duqoobay jeer aan arkay ragg isugu yimid qorshe dagaal anigana aan ka qeyb galin".

Abii sufyaan Binu Xarbi Allaha ka raali noqdee kahor inta uusan soo islaamin wuxuu ahaa cadowga koowaad ee uu islaamka lahaa, waa ninkii badbaadiyay safarkii qureysheed ee duulaankii Beder, waa shakhsigii sababay in duulaankii Uxud gaalada gacanta sare yeeshaan maadaama uu abaanduulihii Qureysheed ahaa, waa qofkii soo kiciyay Huwantii gilgishay magaalada Madiina duulaankii Axzaab.

Mudo 20 sano ayuu islaamka dagaal nooc kasta kula jiray balse markuu soo islaamay duulaankii Fatxu-Makka wuxuu caqligiisii iyo khibradiisii dagaal u adeegsaday sidii gaalada loo jabin lahaa.

Abii Sufyaan wuxuu ahaa qof aragti dheer leh, xeeladaha dagaalka iyo qorshayaashiina si wayn u kala yaqaano hadaan si kale u dhahna wuxuu ahaa khabiir Milatari.

Duulaankii Yarmuuk markii ay maqaawiirtii iyo abaanduulayaashii muslimiinta isu yimaadeen sida Khaalid Binu Waliid, Camar binu Al-Caas, Abii Cubeyda binu Jarraax iyo saraakiishii kalaba si qorshaha dagaalka u dagaan waxaa goobta yimid Abii Sufyaan Binu Xarbi oo waayeel ahaa wuxuuna goobtii ka yiri hadal saameyn leh asigoona yiri; Ma aanan moodeynin inaan duqoobay jeer aan arkay ragg isugu yimid qorshe dagaal anigana aan ka qeyb galin.

Intaas kadibna wuxuu saraakiishii ciidanka la dajiyay qorshihii Roomaanka lagu jabin lahaa asigoona dagaalkiina ka qeyb qaatay ilaa ay guusha ka heleen muslimiinta, wuxuuna xiligaas ahaa 72 sano jir.

Abii Sufyaan ayaana geeriyooday khilaafadii Cuthmaan bin Caffaan sanadkii 31aad ee Hijriyada Allaha kawada raali noqdee.

Anteeno

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

04 Feb, 13:01


๐Ÿ“š JACAYL IYO NAXARIIS

Buuggan waxa uu ka hadlayaa mawduucyo kala duwan oo ku saabsan nolosha guurka, xiriirka labada is-qaba, iyo qaababka loo maamulo qoyska iyadoo la adeegsanayo aayaadka Quraanka iyo xadiithada Nabiga scw. Waxa uu sidoo kale ka hadlayaa muhiimadda jaceylka iyo naxariista ee u dhexeeya labada is-qaba, iyo sida ay u sahlan karto nolosha guurka iyo qoyska. Buuggu wuxuu sidoo kale faahfaahin ka bixiyaa arrimo la xiriira cibaadada, waajibaadka guurka, iyo sida loo dhaqmo xiriirka qoyska iyadoo la raacayo tilmaamaha diinta Islaamka.

โ”โ”โ”โ”โ”| ๐…๐š๐š๐ก ๐…๐š๐š๐ก๐ข๐ง |โ”โ”โ”โ”โ”
๐—•๐˜‚๐˜‚๐—ด๐—ฎ: โž  Jacayl iyo Naxariis
๐—ค๐—ผ๐—ฟ๐—ฎ: โž  Hadi Hassan Ahmed.
๐—ก๐—ผ๐—ผ๐—ฐ๐—ฎ: โž  PDF
๐—–๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐—ฟ: โž  0.7 MB
๐—•๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ: โž  54
๐—•๐˜‚๐˜‚๐—ด๐—ถ๐—ถ: โž  #B319

โ”โ”โ”โ”| @Xulka_Buugaagta |

ษดแด€ษขแดœ แด›แด€แด€ษขแด‡แด‡ส€ แด…สœษชษชส€ษชษขษชสŸษชษด แด€y ษดแดแด แด›แด€สœแด€y

โค๏ธ ๐—Ÿ๐—ผ๐˜ƒ๐—ฒ
๐Ÿ‘ ๐—Ÿ๐—ถ๐—ธ๐—ฒ
๐Ÿ’ฌ ๐—–๐—ผ๐—บ๐—บ๐—ฒ๐—ป๐˜๐˜€

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

03 Feb, 15:13


Isbarbardhigaan hoose eeg!

Shiinaha waxa uu ku bixiyay $6 milyan si uu sooro garaadka macmalka ah ee DeepSeek AI, qiimaha uu hada suuqa uu maantay kajoogane waa in ka badan 600 milyan, waliba hadal hayntiisa ayaa shirkadihii technology-ga galisay qasaaro $1 trillion kudhow.

Halka Sacuudigu uu ku bixiyay $90 milyan si ay usoo iibsadaan Neymar,

Marka la isku daro lacagihii lagu soo iibiyay, mushaarkiisa iyo lacagaha kale ee ay kooxdu ku bixisay, Al-Hilal ayaa ku qarashgaraysay Neymar qiyaastii $260 milyan oo doolar, isagoo u ciyaaray kaliya 7 kulan, waxa uuna caawiye ka noqday 3 gool, hal goolna waa uu u dhaliyay.

Cajiib Shiinaha technology-ga ayuu maal gashaday si uu dunida ula barad tamaam, halka wadamadii Carabta ee wax haystay ay meel kale ujeedaan.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

02 Feb, 17:41


Kulan aan kaga qeyb galay Suugaanta Afka soomaaliga oo aan ka dhiibanaayey aragti iyo su'aal weydiin.

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Garaad Kobac.

Kulan ka dhacay Maalintii jimcaha ahayd Jaamacada Ummada K4 magaalada Moqdisho.

Taarikhda 31 bisha janaayo 2025.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

30 Jan, 08:55


Magaca Buuga "RAAD SAAXAFADA MUUQAALKA AH.

Buuga Ka Hadlaayo mihanada Saxaafada uu qoray mid kamid ah rukcaadayada, iyo saxafiyiinta soonaaliyeed. Maxamed Cabdi Xaraare. Wariye idaacada Bbc.

Waa Buugii 2aad ee aan Sannadkaan akhriyo.

Buugii igu qaalisanaa aan soo iibsado 13$.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

29 Jan, 08:17


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

29 Jan, 08:17


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

29 Jan, 08:13


โœ๏ธ๐Ÿ”ŽXikmado Qiimo Badan.๐Ÿง ๐Ÿ“š

Waxaa igu filan inaan munaafaq ahayn, dadkana aan umujaamaleyn beenta.

Dadkana ma garto waqtiga aan ubaahanahay kaliya. Balse waxaan caawiyaa iyaga oo aan iga dalban.

Waxaa igu filan inaan ahay qof xaqiiqi ah, balse aan ahayn beenaale.

Malihi labo Carab iyo Labo waji, ma ahi qof dhameystiran, Laakiin anigu cidna kuma xad-gudbo.

Mana kabaxi balamaha , Mana hilmaamo balanka.

Waxaa igu filan inaan ahay qof alle ka baqaayo.

Hadii aadan ku seexan daawooyin, aadna cunto noocyada kala duwan ee Cuntooyinka.aadan soo kacdo adiga oo aan xanuusaneyn, waxaad tahay midka ugu qanisan kuwa hantiilyaasha.


Alle uga mahadceli caafimaad iyo nolosha wanaagsan.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

28 Jan, 11:50


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

26 Jan, 07:06


Ragga aroortii ka soo baxa guryahooda oo aan soo laaban ilaa casho ka dib ayaa inta badan waxaa la arkaa in ay daal iyo shaqo adag usaaxiiby yihiin.

Si degdeg ah ayay u werweraan, ma aha in ay diidayaan wadahadalka ama ay maqlaan ra'yiga kale ee dadka , balse cadaadiska nolosha ayaa ka dhigay rag waxqabad iyo Ragganimo usaaxiib ah.ee ma ahan Ragga Hadalka iyo sheekada badan.

Mid kamid ah Ragga waxuu dhihi jiray.

Hooyaday waxay nagu odhan jirtay, Aabahaa markuu maqribka soo hoydo u dhoola caddee, maxaa yeelay, dunidii bannaanka ayaan Ragga unaxariisan .


Markaa Ragga waa in loo cudurdaaraa waa dad aan ku noolayn riyooyin iyo musalsalada sida dadka intooda badan ay yihiin, laakiin xaqiiqadu way ka sii adag tahay oo way ka xanuun badan tahay.


Ogowna in Raggaas yihiin kuwa u hiiliya reerkooda,

oo xataa haddii ay mararka qaarkood u muuqdaan kuwo aamusan ama kuwa ku mashquulsan howlahooda,

waa kuwa awoodda nolosha halgankeeda kuna soo kordhiya aamusnaan.

Xanuunkooda hoos bay u qariyaan, ka buuxiya noloshooda , kalgacal qaddarinta iyo jaceylka , waayo qallafsanaanta dibadda ka jirta ayaa iyaga ku filan, gurigooduna ha u ahaado meel ammaan ah oo ay usoo noqadaan xiliyada daalka iyo shaqada adag ka dib.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

26 Jan, 05:40


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

24 Jan, 07:22


Waa kuma Aabahu ?

suโ€™aal la weydiiyey koox ka mid ah ardayda Master-ka ee wax ka barata mid kamid ah jaamacadaha ,

jawaabihiina waxay ahaayeen kuwo gaaban oo aan micno lahayn.marka laga Reebo hal jawaab oo joojisay macalinkii taas oo keentey inuu ilmeeyo.

Jawaabtana waa tan:

Waxaad ka dalban jirtey shey kasta oo aad ubaahan tahay, wuuna kaa aqbali jiray, isaga oo kuugu siinaayo farxad iyo kalgaceyl aabanimo.


Aabe, markii aad yareyd  kabihiisa ayaad xidhatay jirtey  oo waad turunturoon jirtey  sababtoo ah kabihiisu way kaa waaweynaayeen, cagahaaguna way ka  yaraayeen.


Waxaad xidhan jirtey ookiyaalihiisa waxaadna dareemi jirtey sareeyn.

Waxaad xidhan jirtey khamiiskiisa  oo waxaad dareemaysay  sharaf iyo karaamo.
Waxa uu guri kusoo laaban jiray adiga oo saaran qeybtiisa sare ee jirka hadane aad qosleeyso.

Waxa uu kuugu soo xambaaray caruurnimadaada, miyaadan ku xambaareyn duqnimadiisa, iyo xanuunadiis.

Maalinta uu gabowbo, ma xidhan doontid  kabaha aabbahaa, waayo kuuma dhadhamayaan  waa ay duqoobeen. Mana ku cajab galinayaan.


Magaraneysid sida uu ku dhameeystey noloshiisa,

Intee in le'eg ayuu maalintaas ku dhibtooday shaqada?


Hadii aad soo daahdo oo uu kugu canaanto
Dib udhacaaga, waxaad dareemeeysaa,waxaadna jeclaan lahayd inuusan jirin ,sababtoo ah waxaad heli lahayd xuriyad,

Shalay markaad yareyd waxaad dhibsan jirtey canaantiisa, maanta markii uu gabowbana waxaad dhibsanaeysaa su'aalahiisa.

Isagoo dhoola cadeynaya ayuu kuu qosli jiray  oo gacmo furan ayuu kuugu qaabili jiray.

Laakiin maanta waxaa ciriiri ku galinaayo da'adiisa , xanaaneyntiisa, iyo la tacaalida xanuunadiisa.

Markii ay asiibtey awood yari dhanka jirka , iyo in ay haleeshay duqnimada.



Ma jeclaan doontid dharkiisa hore iyo agabkii uu isticmaali jiray. Sababtoo ah waxaad leedahay waa dhar laga soo gudbay.

Hadalkiisa iyo suโ€™aalahiisa uu kugu weydiinayo waxa ay ku noqonayaan culeys xagga rabitaankaaga , taasina kuma qancineysid.

Wey wanaagsanan lahyd inaad badasho hab fikirkaaga , una badasho mid cusub oo wanaagsan.

Xasuunow raali ahaanshaha labadaada waalid waa furaha guushaada aduun iyo Aakhiro.

Baari ahaanshahooda ma ahan waajib kaliya , balse waa nimco  Xagga alle ka ahaatey mudana inaad ku shukrido islamarkaasna ilaaliso.
.

โœ๏ธ Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

23 Jan, 06:30


Waa Kuma Walaalkaa ?

Waa mid Xoog badan oo u adag sida buurtii oo kale kaas oo aad isku kaalmeeysaan marka ay dhibaato jirto.

Sideen ujeclaaneyn walaakeyga isaga uu Alle uu dhahay

Walaalku wa tiir , iyo Mid Rafiiq kugu la noqdo nolosha, waa Saaxiibka ugu horeeyo iyo waxa ugu muhiimsan nolosha.

Jaceylka walaalka ma ahan wax la taaban karo ,balse dareen kaliya.

Hase yeeshe, waa xarig adag oo ah wax-siinta iyo daacadnimada.

Walaalku waa Xiriir dhab ah Wehel aan gacantaada ka bixin wax kasta oo dhaca.

Walaalku waa Derbiga adag oo aad ku tiirsan tahay wakhtiga dhibaatada

Walaalku waa aabbe badhkiis, badhna waa saaxiib, waana garabka wakhtiyada dhibka.

Waxaan Alle weydiisanyaa inuu kaa Xifdiyo shar idilkeeda, cimrigaagana kuu dheereeyo.

Sababtoo ah shaki la 'aan waxaan tahay nimco uu Alle Ku maneeystey Nolosheyda.

โœ๏ธ Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

22 Jan, 15:42


*Maxaa u dhahnaa*Markaan Salaada Ku Jirno
ูƒู…ุง ุตู„ูŠุช ุนู„ู‰ ุงุจุฑุงู‡ูŠู… ุŸ
In badan waxa aan is Waydiiyay Markaan Akhrinayno ataxiyaadka... maxaan u dhahnaa
" ูƒู…ุง ุตู„ูŠุช ุนู„ู‰ ุงุจุฑุงู‡ูŠู… " ุŒ " ูƒู…ุง ุจุงุฑูƒุช ุนู„ู‰ ุฅุจุฑุงู‡ูŠู… "
*Maxuu nabi ibraahiim cs uga duwan yahay nabiyada kale oo magaciisa muslimiintu ugu sheegaan salaada dhexdeeda ilaa qiyaamaha??*
*Laga yaabaa inaa tiraahdo waxa uu ka mid yahay uulul_casmiga !*
*Hadaa sidaa dhahdo su'aal baa ku hortaala: nabi muuse cs iyo ciise cs mawaysan uulul_casmiga kamid ahayn ?*

*Jawaabta waxaan ka helay suurada [Al_shucraa] nabi ibraahiim cs waxa uu ahaa mid ku ducaysta*
*ูˆูŽุงุฌู’ุนูŽู„ ู„ู‘ููŠ ู„ูุณูŽุงู†ูŽ ุตูุฏู’ู‚ู ูููŠ ุงู„ู’ุขุฎูุฑููŠู†ูŽ (84)*
*[ ilaahow carrab I xusa kuwa dambe iiga yeel ]*
*ู„ุณุงู† ุตุฏู‚*
*[ dad I sheeg-sheega oo igu amaana wanaag iyo qurux ilaa qiyaamaha allow ka yeel dadka dambe( umadda nabi muxamed ๏ทบ )*
*Alle swt waa uu ka aqbalay ducadiisa waxa uuna yiri*
*ูˆูŽุชูŽุฑูŽูƒู’ู†ูŽุง ุนูŽู„ูŽูŠู’ู‡ู ูููŠ ุงู„ู’ุขุฎูุฑููŠู†ูŽ*
*Yacnii waa baaqi yeelnay sheeg_sheegiisa nabi ibraahiim cs ilaa qiyaamaha dadku way xusi doonaan.

Casar wanagsanโ™ฅ๏ธ

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

21 Jan, 14:22


๐Ÿ”ŽXikmado Qiimo Badan ๐Ÿ“š๐Ÿง 

Waxaynu soo gaadhnay wakhti aan cidina cidna jeclayn, iyadoo qof kastaaba Uu hal shay ka daba ordo, oo ah dantiisa gaarka ah.

Hadii ay dantu dhamaato jacaylku wuxuu noqdaa been iyo munaafaqnimo.

Waa zaman la iskula socdo daneysiga iyo muuqaalka, xidhiidh kasta oo bini' aadmi ah, waxa aad ka helaysaa dhagar iyo khiyaano.

Quluubtu waxay noqdeen kuwo qallafsan, oo leh dareen been ah, daacadnimada iyo runtana ay ku yartahay.

Jacaylkii hore wuxuu ahaa mid iska yimid oo daacad ah.

Laakiin maanta waa mid kudhisan dano gaar ah iyo ujeedoyin been ah.

Dad yar ayaa hela qof ku jecel shaqsiyadooda, isaga oo aan sugeyn in loo abaalgudo.

Waxaan ku jirnaa xilli aan sugayno qofka sharafta leh inuu qaldamo.

Ilaa uu dadka dhaxdooda ka ahaado qof aan la ixtiraameyn.

Dadka qaar waa sida cadarka oo kale.
Waxaa laga yaabaa inaad jeceshahay Caraftiisa , laakiin ma sii raago waqti dheer.

Allaha qalbiyada gadgadiyow ,qalbigeena kusug diintaada,

Qalbigayaga ka dhig mid daahir ah oo qumman, Oo u jeeda dhankaaga sharafta leh.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

21 Jan, 03:50


๐Ÿ“šโœ๏ธXikmado Qiimo Badan ๐Ÿ‘€๐Ÿง 

Nolosha raganimo waxay ina bartay hanti qaali ah. Mana garanayaan ilaa in yar mooyaane.

Dumarka oo dhan waxay dhalaan wiilal.Laakiin laakiin go'aamada iyo Dabeecadaha qaar ayaa Raganinada sameeya.Qof kasta oo nin la yiraahdo maaha Rag .  Sababtoo ah Erayga shimbir waxa uu  kulmiyaa gorgorka  iyo digaag.

Haddii aad ku dhalatay lab, taasi  waa qadarkaaga.laakiin inaad Rag noqoto waa midaa Kasban karto.

Si wanaagsan ii maqal Raganinadu waa inaad ixtiraam Dhamaan dumar dhulka guudkiisa saaran. Sida hooyadaa, walaashaa, iyo gabdhaada.

Inta u dhaxaysa hanashada quluubta iyo qalbi jabinta. Waa Xarig wanaagsan oo loo yaqaano usluub.

Nabadgelyo korkiisa ha ahaato inta qiimaha iyo Sharafka usaaxiibka ah.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

20 Jan, 10:10


๐Ÿ˜ฒ

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

20 Jan, 08:23


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

20 Jan, 04:30


Waxaynu soo gaadhnay wakhti aan cidina cidna jeclayn, iyadoo qof kastaaba hal shay ka daba ordo, oo ah dantiisa gaarka ah.

Hadii ay dantu dhamaato jacaylku wuxuu noqdaa been iyo munaafaqnimo.

Waa zaman la iskula socdo daneysiga iyo muuqaalka, xidhiidh kasta oo biniaadmi ah, waxa aad ka helaysaa dhagar iyo khiyaano.

Quluubtu waxay noqdeen kuwo qallafsan, oo leh dareen been ah, daacadnimada iyo runtana ay ku yartahay.

Jacaylkii hore wuxuu ahaa mid iska yimid oo daacad ah.

Laakiin maanta waa mid kudhisan dano gaar ah iyo ujeedoyin been ah.

Dad yar ayaa hela qof ku jecel shaqsiyadooda, isaga oo aan sugeyn in loo abaalgudo.

Waxaan ku jirnaa xilli aan sugayno qofka sharafta leh inuu qaldamo.

Ilaa uu dadka dhaxdooda ka ahaado qof aan la ixtiraameyn.

Dadka qaar waa sida cadarka oo kale.
Waxaa laga yaabaa inaad jeceshahay Caraftiisa , laakiin ma sii raago waqti dheer.

Allaha qalbiyada gadgadiyow ,qalbigeena kusug diintaada,

Qalbigayaga ka dhig mid daahir ah oo qumman, Oo u jeeda dhankaaga sharafta leh.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

19 Jan, 16:21


๐Ÿ“šWarbixin Cajiib ah ๐Ÿ”Ž๐Ÿ‘€

Saameynta Warbaahinta Bulshada Ku Leedahay Caafimaadka Nafsadeed

1. Waa Maxay Warbaahinta Bulshada?

Warbaahinta bulshada waa aaladaha isgaarsiinta sida Facebook, Instagram, TikTok, iyo Twitter oo u suurtogeliya dadka inay wadaagaan fikrado, muuqaal, iyo macluumaad. Waxay noqotay qayb muhiim ah oo ka mid ah nolosha casriga ah.



2. Saameynta Wanaagsan ee Warbaahinta Bulshada:
a) Isku Xirnaanta Bulshada:

Waxay u fududaysaa dadka inay xiriir la sameeyaan qoysaskooda iyo saaxiibadooda meel kasta oo ay joogaan.


b) Helitaanka Macluumaadka:

Warbaahinta bulshada waxay bixisaa warar degdeg ah iyo macluumaad faaโ€™iido leh oo ku saabsan dhacdooyinka caalamka iyo mowduucyada kala duwan.


c) Kobcinta Hal-abuurka:

Waxay dhiirrigelisaa dadka inay abuuraan waxyaabo cusub sida qoraallo, sawirro, iyo muuqaalada hal-abuurka leh.

d) Dhisidda Ganacsiyada:

Ganacsiyada yaryar waxay warbaahinta bulshada u adeegsadaan inay gaaraan macaamiil cusub oo ay kobciyaan ganacsigooda.



3. Saameynta Tabban ee Warbaahinta Bulshada:
a) Isbarbardhig Bulsho:

Dadka ayaa badanaa isku barbardhiga kuwa kale, taasoo keenta kalsooni darro iyo niyad jab.


b) Walwal iyo Walbahaarka:

Isticmaalka badan ee warbaahinta bulshada wuxuu kordhiyaa walwalka iyo walbahaarka, gaar ahaan marka qofku waqti badan ku bixiyo raโ€™yiga dadka kale.


c) Xadgudubka iyo Dhaleeceynta:

Dadka ayaa marar badan la kulma dhaleeceyn ama xadgudub, taasoo saameyn taban ku yeelata caafimaadka nafsadeed.


d) Isticmaalka Xad-dhaafka ah:

Isticmaalka badan ee warbaahinta bulshada wuxuu keenaa luminta waqti iyo dareen caajisnimo.

4. Sida Loo Yareeyo Saameynta Tabban:
a) Xakamee Waqtiga Isticmaalka:

U qoondee waqti cayiman oo aad warbaahinta bulshada ku isticmaasho, oo ku dadaal in aad xad u sameyso.


b) Ka Fogaaw Dadka Taban:

Iska jir dadka qoraalladooda ku keeni kara walwal ama xumaan. Raadi kuwa dhiirrigeliyo oo wax wanaagsan la wadaaga bulshada.


c) Diiradda Saar Horumarkaaga:

Halkii aad isku barbardhigi lahayd dadka kale, xoogga saar yoolalkaaga iyo horumarkaaga shaqsiyeed.


d) Samee Nasasho:

Qaado waqti aad ka maqnaato warbaahinta bulshada si aad maskaxdaada ugu nasiso. Isticmaal waqtigaas inaad wax akhriso ama dadka toos ula xiriirto.


e) Ka Faaโ€™iideyso Warbaahinta Bulshada Si Toosan:

U adeegso warbaahinta bulshada inaad barato xirfado cusub, aad kobciso ganacsigaaga, ama aad qeyb ka noqoto doodaha faaโ€™iido leh.



5. Gunaanad:
Warbaahinta bulshada waxay leedahay saameyn labadaba togan iyo taban. Waa muhiim in qofku si miyir leh u isticmaalo, isagoo xoogga saaraya dhinacyada wanaagsan oo iska ilaaliya kuwa taban. Qof walba waa inuu bartaa in warbaahinta bulshada ay tahay qalab u adeegaya, balse aysan noqon qalab qofka isaga xukuma. Iska xakamee, oo u isticmaal si faaโ€™iido leh si aad ugu noolaato nolol caafimaad leh oo deggan.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

19 Jan, 14:10


War Degdeg ah: Waxaa bilaabatay hawlgalkii lagu wareejinayay maxaabiista dumarka ah ee ay xam""s soo daynaysay waxa ayna ku wareejisay hayโ€™adda Laanqeyrta Cas.

Aag nabdoon oo maxaabiista lagula kala wareegayo ayaa laga sameeyay meel u dhow xadka u dhexeeya Gazza iyo Isra4l, gaar ahaan marinka Rafah (xadka Masar iyo Gazza), Goobtaan ayaana la isla gartay in ay noqoto meel amni ahaan la isku halleyn karo taas oo fududeyn karta labada dhinac inay maxaabiista si nabdoon ula kala wareegaan.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

18 Jan, 10:33


https://vm.tiktok.com/ZMkHBWpfT

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

16 Jan, 05:22


https://vm.tiktok.com/ZMkuRmQJg

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

15 Jan, 14:08


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

15 Jan, 04:56


๐Ÿ”

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

14 Jan, 17:48


Dib u Turjumidda Buugga "Ha Ka Walwalin Waxyaabaha Yar-Yar, Waayo Wax Walba Waa Yar-Yar"

Buuggani, oo uu qoray Richard Carlson, wuxuu bixiyaa tilmaamo muhiim ah oo kaa caawinaya inaad ka takhalusto walbahaarka iyo cadaadiska ku dhasha waxyaabaha yaryar ee nolol-maalmeedka. Waa hagitaan fudud oo ku jihaynaya sidii aad u heli lahayd xasillooni maskaxeed iyo farxad dhab ah.

Cutubka 1: Ha U Ogolaan Waxyaabaha Yar-Yar Inay Noloshaada Xukumaan

Dareemidda Walbahaarka Waxyaabaha Fudud

Qoraagu wuxuu sharaxayaa in inta badan walbahaarka nolol-maalmeedka uu ka yimaado diiradda saaridda waxyaabo yar-yar oo aan muhiim ahayn. Waxa uu dhiirrigelinayaa in la kala garto waxa waaweyn iyo kuwa yaryar, si aan waqtiga iyo tamarta looga lumin arrimo aan mudneyn.

Tusaale: Haddii qaxwo ku shubmo dharkaaga subax, halkii aad maalintaada uga bilaabi lahayd walbahaar, xusuusnow in tani tahay dhacdo yar oo aan mudnayn inay saameyn ku yeesho maalintaada oo dhan.


---

Cutubka 2: Ku Noolow Waqtiga Hadda

Muhiimadda Waqtiga Hadda

Cutubkan wuxuu kugu dhiirrigelinayaa inaad diiradda saarto waxa hadda dhacaya halkii aad ka werweri lahayd wixii la soo dhaafay ama waxa iman kara mustaqbalka. Marka aan ku mashquulno fikrado hore ama kuwo mustaqbal, waxaan luminaynaa awoodda aan ugu raaxaysan lahayn waqtiga hadda.

Tusaale: Marka aad wax cunayso, isku day inaad diiradda saarto dhadhanka iyo urta cuntada halkii aad ka fikiri lahayd hawlaha ku sugaya mustaqbalka.


---

Cutubka 3: Dulqaad Ka Yeesho Naftaada iyo Dadka Kale

Muhiimadda Dulqaadka

Qoraagu wuxuu sharaxayaa sida cafinta dadka kale iyo naftaada ay muhiim ugu tahay helidda xasilloonida maskaxeed. Cadaawadda iyo eedda nafta loo jeediyo waxay keenaan walbahaarka iyo werwerka sii socda. Cafintu waa hab aad uga guuri karto niyad-xumada una dhaqaaqi karto dhanka xasilloonida.

Tusaale: Haddii qof shaqada kula jooga uu ku xumeeyo, halkii aad xanaaqi lahayd, isku day inaad fahanto in qof walba uu halgan ku jiro oo ficilladooda ay u badnaan karaan natiijooyin culeysyo kale.


---

Cutubka 4: Raadinta Xasilloonida Maskaxeed

Maxay Tahay Xasilloonida Maskaxeed?

Cutubkan wuxuu ka hadlayaa muhiimadda ah in xasilloonida maskaxeed ay tahay udub-dhexaadka nolol caafimaad qabta. Xasilloonida maskaxeed waxay la micno tahay inaad dareento deggenaansho iyo kalsooni xitaa marka xaaladuhu adag yihiin.

Tusaale: Marka aad wajahdo mushkilad adag, halkii aad degdegi lahayd, qaado neefsasho qoto dheer oo fikir si deggen. Waxaad arki doontaa in xalalka mushkiladda ay si fiican kuu muuqanayaan marka aad tahay mid daggan.


---

Cutubka 5: Ha U Dadaalin Wax Walba Inay Kaamil Noqdaan

Kaamilnimo Maaha Suurtogal

Raadinta kaamilnimada waxay dhalisaa walbahaarka iyo niyad-jabka joogtada ah. Buuggu wuxuu tilmaamayaa in ku qanacsanaanta waxa โ€œku filanโ€ ay fure u tahay farxad iyo nafis maskaxeed.

Tusaale: Marka aad mashruuc shaqo qabanayso, ha isku dayin inaad ka dhigto mid dhammaystiran ilaa heer aad tamartaada oo dhan ku dhammayso. Halkii aad ka samayn lahayd, ku raaxayso wixii aad qabatay oo baro casharrada qaladaadka.


---

Gunaanad

Buugga "Ha Ka Walwalin Waxyaabaha Yar-Yar" wuxuu bixiyaa casharro nolosha kaa caawinaya inaad la tacaasho cadaadiska si daggan oo dheelli-tiran. Adigoo diiradda saaraya waqtiga hadda, dulqaadka, iyo ogolaanshaha khaladaadka, waxaad heli kartaa farxad iyo xasillooni nololeed oo dhab ah.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

14 Jan, 17:39


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

14 Jan, 11:39


https://vm.tiktok.com/ZNeKVyFaf/

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

13 Jan, 11:44


๐Ÿ“šXikmado Qiimo Badan ๐Ÿง  :-

1. Umad jiifta inaad toosiso ayaa ka fudud inaad toosiso umad iney sii jiifto rabta.
2. Hadii aad mabda'yadaada gaadhi waydo badal hababka aad umareyso ee mabda'a habadalin geeduhu caleemaha wax tari waaya way iska badalaan jiridoodase ma badalaane.
3. Nabi nuux hal mara ayuu xayawaanka uyeedhey dagdag ayeyna doontii ku fuuleen, 950 sanona dadka ayuu uyeedhayey qarqoonka ayeyna doorteen, dareenka saliimka ah ayaa ka wanaagsan caqliga buka.
3. Markii nabi ibraahim CS aad ujeclaadey nabi ismaaciil CS inuu gawraco ayaa lagu amrey, markuu nabi yacquub nabi yuusuf jeclaadeyna waalaga qaadey, mararka qaar alle SW kuwa uu jecel yahay wax ay jecel yihiin ayuu ku imtixaanaa si uu kuwo jaceylka ubadhax tira uga dhigo.
4. Hadhagaysanin nin naftiisa ka sheekaynaya iyo gabadh gabadh kale ka sheekaynaysa.
5. Kuwa sugitaanka badan een howl durba udhaqaaqin waa sida madaarada ookale, dadka kale salaanka diyaarada ayey gaadhsiiyaan laakiin iyagu waa kuwo kuxun iney duulaan.
6. Islaamku wuu ictiraafsan yahay muhiimada awoodu leedahay laakiin wuu edbinayaa oo jihaynayaa, waa isaga midka carabtii biyaha iyo daaqa iskulaynaysey ubaley faatixiin udagaalanta kowkan siduu alle oo qudha ucaabudi lahaa.
7. Qaar ayaa ku wanaagsan fogaanta ee ilaasho masaafada inii dhaxeysa, waa masaafada mida qoraxda fogaanteeda dhulka uga dhigtey diirimaad iyo iftiin hadaysan masaafadaas jirteena laguban lahaa, dhulku waxa uu ina barayaa in dhawaanshaha qaari gubasho yahay.
8. Farqiga udhaxeeya tuugta iyo siyaasiga daneystaha ahi waa in tuugu wax xado isagoon qanuunka waxba kaga xisaabtamin, siyaasigaasiguna qanuunka dajinayo kadibna qanuunka wax ku xadayo.
9. Yuhuudu horey waxay u ahaayeen kuwo kitaabkooda akhriya si ay ugu qancaan in ay xaq ku sugan yihiin maantase waxaa ku filan in ay eegaan un kanaalada carabiga ah, yacni markey arkaan carabtii oo wax kale yuhuuda u aragta dabana socoto in ay quman yihiin ayey isusii arkayaan.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

12 Jan, 16:11


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

11 Jan, 10:26


https://chat.whatsapp.com/K306y4DHjP788Ra4Npe8Gg.


Groubkeena what's app ka ee buugaagta.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

10 Jan, 15:37


Fanka Qancinta

Fanka qancinta waa xirfad muhiim ah oo si weyn u saameyn karta noloshaada gaarka ah iyo tan xirfadeed. Si aad u qanciso dadka fikradahaaga ama aragtidaada, waxaad u baahan tahay is-dhexgal kaamil ah oo ka kooban isgaarsiinta waxtarka leh, faham qoto dheer oo nafsiga ah, iyo istaraatiijiyad wax ku ool ah. Halkan waxaa ku qoran talooyin dhammaystiran oo ku saabsan sida loo barto fanka qancinta:

Faham qoto dheer oo ku saabsan dhagaystayaasha

Ogow dhagaystayaashaada: Si aad u fahanto sida loo qanciyo qof, waa inaad marka hore ogaataa cidda uu yahay. Maxay ka helayaan? Maxay yihiin qiimahooda iyo yoolalkooda? Macluumaadkan ayaa kaa caawin kara inaad fariintaada u qaabeyso si ay ugu habboonaato xiisahooda.

Aqoonsiga daciifnimada iyo xoogga: Qof kasta wuxuu leeyahay daciifnimo iyo xoog. Isticmaal aqoontaada ee ku saabsan qodobbadan si aad u sameyso doodaha si toos ah uga hadlaya baahiyahooda iyo welwelkooda.


Dhismaya kalsooni iyo sumcad

Daacadnimo: Noqo mid daacad ah oo hufan markaad ka hadleyso ujeedooyinkaaga iyo xogtaada. Dadku waxay u badan tahay inay aaminaan kuwa muujinaya daacadnimo iyo run.

Aqoon iyo waayo-aragnimo: Muujin in aad si fiican u taqaan mawduuca. Isticmaal xogta iyo cadeymaha si aad u taageerto doodahaaga iyo inaad muujiso inaad si fiican uga xog-ogaato meelaha aad ka hadleyso.

Shucuur: Muujin inaad ka warqabto dadka kale iyo dhibaatooyinkooda. Shucuurta waxay dhistaa isfahan iyo ixtiraam.


Isgaarsiinta waxtarka leh

Caddeynta fariinta: Hubi in fariintaadu ay cadahay oo la fahmi karo. Isticmaal luqad fudud iyo mid toos ah si looga fogaado fahamka qaldan.

Dhageysi waxtar leh: Dhageysiga qof kale wuxuu kuu oggolaanayaa inaad fahanto caqabadahooda iyo baahiyahooda, taasoo kuu oggolaanaysa inaad fariintaada wax ka beddesho si waafaqsan.

Luqadda jidhka: Si fiican u fiirso luqaddaada jidhka; waa in ay noqotaa mid furan oo saaxiibtinimo leh si ay u taageerto fariintaada afka ah.


Isticmaalka cadeymaha iyo markhaatiyaasha

Hagaha Waxtarka leh: Isticmaal cadeymo dhab ah iyo tusaalooyin nolosha ah si aad u taageerto doodahaaga. Xogta iyo tirakoobka ayaa noqon kara qalab awood leh oo qancin ah.

Markhaatiyaasha iyo Talooyin: Isticmaal markhaatiyaal ka yimid dad la aamini karo si aad u taageerto xaaladdaada. Dadku waxay u badan tahay inay aaminaan ra'yiga iyo waayo-aragnimada dadka kale.


Heshiiska iyo dabacsanaanta

Awoodda wada-hadalka: Noqo diyaar inaad gasho wada-hadal oo aad sameyso isfaham. Mararka qaar waa inaad dabacsan tahay si aad u gaadho heshiis ku qanciya dhinacyada oo dhan.

Xulashooyinka iyo xalalka: Soo bandhig xulashooyin badan oo xal ah. Muujinta inaad tahay mid adkeysi leh oo diyaar u ah inaad ka shaqeyso xalal waxay kordhisaa fursadaha aad ku qancin karto dhinaca kale.


Adigoo raacaya talooyinkan, waxaad si weyn u horumarin kartaa xirfadahaaga qancinta, taasoo kuu oggolaanaysa inaad si hufan u saameyso dadka kale oo aad si guul leh u gaarto yoolalkaaga.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

10 Jan, 14:55


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

10 Jan, 12:17


Buugga Kooban "Arrange Tomorrow Today" (Ku Qorshee Berri Maanta)

Buuggan wuxuu ku barayaa sida aad u bilaabi karto maalintaada adigoo leh fiiro dheeri ah, kalsooni, iyo tamar, adoo baranaya habka loo kala hormariyo mudnaantaada. Waxaa ku jira 8 siyaabood oo maskaxda dib loogu habeeyo si loo kordhiyo waxqabadka shaqada iyo nolosha.

Qorsheynta iyo maaraynta waqtiga waxay ku saabsan tahay dhacdo muhiim ah oo la yiraahdo "Ku Qorshee Berri Maanta" taasoo la sameeyo 24 saacadood ka hor, oo ay ku jiraan ilbiriqsiyada. Qorshe wanaagsan oo berri loogu talagalayo wuxuu ku xirnaanayaa istiraatiijiyad sax ah oo mudnaanta lagu kala hormariyo, taas oo horseedaysa natiijooyin wanaagsan iyo guulo la gaaro.

Buuggan wuxuu sharxayaa sababaha dadka qaarkood u fashilmaan marka ay isku dayaan inay waqtigooda si habsami leh u maareeyaan, waxaana lagu talinayaa in la iska ilaaliyo in hawlo badan hal mar la isku dayo. Maskaxda biniโ€™aadamka ma qaban karto waxyaabo fara badan hal mar, sida uu caddaynayo cilmi-baadhistii George Miller ee sannadkii 1950-meeyadii.

Fikradaha Muhiimka ah ee Buugga

Hawlaha Badan Hal Mar Laguma Guulaysto: Hawlaha badan ee isku mar la qabto waxay horseedi karaan daal maskaxeed iyo waxqabad hooseeya.

Mudnaanta kala hormarinta: Marka la qorsheynayo waqtiga, waxaa muhiim ah in la doorto hal hawl oo muhiim ah oo ugu horreysa, kadibna lagu daro 3 hawlood oo yar-yar oo mudnaanta labaad ah.

Fiiro gaar ah u yeelo Guushaada: Inaad joogteyso is qiimayn naftaada ah waxay kaa caawin kartaa inaad si habsami leh u gaarto hadafyadaada.


Tallaabooyinka Maareynta Waqtiga

1. Ku Qorshee Hawlahaaga Berri Maanta: Hawlaha u qaybi mid muhiim ah iyo 3 hawlood oo hoose oo la kala hormariyo.


2. Dooro Hawlaha Si Caqligal ah: Ka taxaddar inaad si xikmad leh u doorato hawlaha, si aysan u carqaladeyn hawsha ugu muhiimsan.


3. Xasuuso Ahmiyadda Guusha: Is xasuusi muhiimada guusha hawsha aad qabato si ay kugu dhiirrigeliso.


4. Waqtiga Ballaari: Kala qaybi hawlahaaga si ay kuu fududaato oo u ekaato waqti badan.


5. Baadh Dhibaatada: Baro caqabadaha hortaagan hawshaada si aad uga hortagto mustaqbalka.



Buuggan wuxuu kuu horseedaya inaad waqtigaaga si hufan u maareyso, adoo mudnaanta siinaya hawlo yaryar oo si tartiib ah loo dhammaystirayo.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

10 Jan, 11:01


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

09 Jan, 06:01


Saakay oo khamiis ah iyo Buuga Dawan.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

09 Jan, 05:17


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

08 Jan, 05:19


Buuga Dawan

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

07 Jan, 15:08


Buug Kooban: โ€œKa bilow waxa ugu muhiimsan, xitaa haddii ay adag tahayโ€

21 Hab oo Wax ku ool ah oo Lagaga Takhaluso Dib-u-dhigista Hawlaha loogana Soo Baxo Hawlaha Waqtiga Ugu Gaaban

Buugga waxa ku jira:

Buuggan waxa uu barayaa dadka shaqaalaha ah iyo kuwa maamulayaasha ah sida loo maareeyo waqtiga si wax ku ool ah oo loogu guuleysto shaqada iyadoo si hufan loo qabto.


---

1. Diyaarinta Jadwalka

Waa inaad goโ€™aansato waxaad rabto.

U qor yoolkaaga si uu u noqdo mid cad oo muuqda, waayo yool aan la qorin waa rajo kaliya oo keenta jahwareer.

Yoolka u samee waqti gaar ah oo lagu dhammeeyo.

Samee liis hawleed la xiriira yoolkaas.

Liiska u kala hormari muhiimadda.

Ku bilow fulinta iyo shaqada.

Qor guulaha aad gaartay buug.



---

2. Qorshee Maalin Walba Hore

Qorsheynta waxay mustaqbalka ka dhigtaa mid hadda ah.

Waxaad u baahan tahay inaad qorshaysato shaqada maalin walba, toddobaad, bil, iyo sanadka oo dhan.

Ku qor mudnaan iyo muhiimad, adigoo adeegsanaya xeerka 10/90, oo macnaheedu yahay in 10% qorsheynta ay badbaadiso 90% waqtigaaga lumay.



---

3. Ku Dhaqan Xeerka 80/20 (Mabaadiโ€™da Pareto)

Waqtiga waxa ku filan haddii si wanaagsan loo isticmaalo.

Hawlaha muhiimka ah waa 20%, inta kale waa 80%.

Ku bilow shaqooyinka muhiimka ah xitaa haddii ay adag yihiin.

Yool weyn waxaa lagu gaaraa adiga oo ka bilaabaya hawl yar oo ku celcelisa.



---

4. Ka Fikrada Natiijooyinka Mustaqbalka

Dadka qorsheeya noloshooda oo saadaaliya natiijooyinka mustaqbalka waxay awoodaan inay mudnaanta siiyaan hawlaha muhiimka ah.

Waxaad dib u habayn kartaa hawlahaaga oo ku billaabi kartaa waxa ugu mudan.



---

5. Ku Dhaqan Habka (A, B, C, D, E)

Xeerka ugu horreeya ee guusha waa inaad xoogga saarato hawlaha muhiimka ah.

U kala hormari hawlaha sida A (midka ugu muhiimsan) illaa E (midka ugu yar).



---

6. Xoogga Saar Natiijooyinka Muhiimka ah

Aqoonso meelaha muhiimka ah ee shaqadaada.

Qiimee naftaada (1 ilaa 10) meelaha aad uga baahan tahay horumar.

Diiradda saar hal xirfad oo lagama maarmaan ah si aad u wanaajiso guud ahaan waxqabadka.



---

7. Ku Dhaqan Sharciga Kartida

Ma haysatid waqti ku filan oo aad wax walba ku qabato, laakiin waqti ku filan oo aad hawl muhiim ah ku qabato ayaad leedahay.

Bilow hawsha muhiimka ah adigoon dib u dhigin.



---

8. Si Buuxda U Diyaargarow Kahor Intaadan Bilowgin

Nadiifi deegaankaaga shaqo, oo meesha ka saar waxyaabaha kaa mashquulin kara.

Diyaarso agabyada lagama maarmaanka ah ee shaqada si aad isla markiiba u bilowdo.



---

9. Horumari Oo Kobci Xirfadahaaga

Guusha dhabta ah waxay ku timaadaa adigoo maalin walba wax baranaya.

U akhri hal saac maalintii shaqadaada oo ku lug leh si aad u noqoto mid ka duwan.

Ka qeybgal shirarka iyo tababarada ku saabsan shaqadaada.



---

10. Xooji Awoodahaaga Gaarka ah

Kobci xirfadahaaga gaarka ah si aad uga dheeraato dadka kale oo aad u dhamaystirto hawlaha si xirfad leh.



---

11. Xoogga Saar Hal Shaqo Markaas Qabo

Ku bilow shaqadaada muhiimka ah oo naftaada weydii waxa aad ku guulaysan karto marka ugu horreysa.

Bilow adigoo kalsooni leh.



---

12. Qaado Mid Hal Mar ah

U kala qeybso hawsha qaybo yar oo fuliso mid kasta hal mar.

Marka mid dhammaato, u gudub qaybta xigta.



---

13. Isku Kalsoonow Oo Naftaada Riix

Isku day inaad shaqada ku dhammayso waqti ka hor jadwalka.

Naftaada maamul, adigoon cid kale sugaynin.



---

14. Balaadhi Awooddaada Shakhsiyeed

U daryeel caafimaadkaaga, cuntadaada, iyo hurdadaada si aad u noqoto mid firfircoon.



---

15. Isku Dhiiri-geli

Naftaada u qiimee oo isku kalsoonow.

Had iyo jeer sheeg ereyo dhiirigelin leh sida "Waan fiicnahay," si aad isugu dhiirrigeliso inaad hawlaha dhamayso.



---

16. Dib-u-dhigista Tooska ah

Shaqooyinka yar yar ee aan muhiimka ahayn u dhig waqti kale.

Ku bilow hawlaha waaweyn ee muhiimka ah.



---

17. Ugu Horeyn Qabo Hawsha Ugu Adag

Ku dhaq habka 80/20 iyo nidaamka A, B, C, D, E.

Ka saar waxyaabaha mashquulinaya.



---

18. U Qaybi Hawsha Qaybo Yar

Si shaqo weyn loo dhammeeyo, waa inaad u kala jebisaa qaybo yaryar oo wax ka qabataa mid kasta.



---

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

07 Jan, 15:08


19. U Qoondee Waqti Dheer

Maalin walba u qoondee saacado goโ€™an si aad hawlo waaweyn u qabato adigoon wax kale ku mashquulin.



---

20. Kobci Dareenka Degdegga ah

Ku dhaqaaq hadda, kuna celceli ereyada "Waan qabanayaa hadda."



---

21. Madaxbanaanow oo Shaqada Isku Filnow

Aqoonsado shaqooyinka muhiimka ah, oo ku bilow kuwa ugu adag.

Waxaad dareemi doontaa guul, taasoo kuu horseedi doonta inaad dhamaystirto hawlaha kale.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

07 Jan, 13:24


"Four Thousand Weeks" ma aha oo kaliya hagaha maaraynta waqtiga, balse waa baaq loogu talagalay in dib loogu soo ceshado gacantaada xakamaha nolosha iyadoo la ogaanayo xaddidaadda waqtiga. Halkii aad isku dayi lahayd inaad wax walba qabato, buuggu wuxuu kugula talinayaa inaad doorato waxa muhiimka ah, ku noolaato hadda, oo aad ku raaxaysato daqiiqadaha yaryar ee farxadda leh.

Marka aad akhriso buuggan, waxaad ogaan doontaa in sirta nolosha aysan ku jirin wax badan oo lagu daro, balse ay tahay fududaynta si nolosha si qoto dheer oo farxad leh loo noolaado.

La wadaag kooban kan asxaabtaada! Waxaa laga yaabaa inay tahay waxa ay u baahan yihiin si ay aragtidooda uga beddelaan nolosha iyo waqtiga!

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

07 Jan, 13:24


๐Ÿ“• Buugga Kooban |

"Four Thousand Weeks: Managing Our Limited Time in Life"
Buqeed: 4,000 toddobaad oo nolol ah

Ma dareentay waligaa in waqti si dhib yar ugaaga lumayo, inkastoo aad mar kasta shaqo ku mashquulsan tahay? Mise waxaad ku jirtaa tartan joogto ah si aad wax walba u qabato ka hor inta aysan daahiin? Dareenkan caanka ah wuxuu ka dhashay xaqiiqo fudud oo inta badan naga qarsoon: nolosheenna waa mid aad u kooban.

Ka fikir nolol dhan oo aan ka badneyn 4,000 toddobaad! Tiro yaab leh laakiin run ah oo uu Oliver Burkeman si geesinimo leh ugu soo bandhigay buuggiisa. Ujeeddadu ma aha in laga cabsado xaqiiqadan, balse waa in dib loo qiimeeyo sida loo noolaado maalmaheenna iyo toddobaadyadeenna haray si miyir leh oo qiimo leh.


---

Nolosha ma aha tartan: Maxaan had iyo jeer mashquul u nahay?

โ€œWaan mashquulsanahayโ€ waa jawaabta ugu badan ee dadku bixiyaan marka la weydiiyo xaaladdooda. Burkeman wuxuu sharxayaa in aan u dhacnay dabinka bulshada casriga ah oo qiimeysa qofka marka uu mashquul yahay. Waxaan ku dhex wareegaynaa liisyo aan dhammaanayn oo shaqooyin ah, annagoo raadineyna yoolal cusub ka hor inta aan xitaa u dabaaldegin wixii aan gaarnay. Mushkiladda? Raadinta joogtada ah waxay naga hilmaansiisaa waxa muhiimka ah: tayada waqtiga aan qaadaneyno iyo cidda aan la qaadaneyno.

Buuggu wuxuu naga codsanayaa inaan hakanno oo is-weydiino: Waxaynu hadda sameyneyno ma muujinayaan qiyamka aynu nolosha u hayno?


---

Inaad aqbasho xadidaadda waqtiga: Sirta nabadda gudaha

Dadka oo dhan waxay isku dayayaan inay waqti maareeyaan, iyagoo adeegsanaya apps-ka qorshaynta iyo wax-soo-saarka, iyagoo rumeysan in haddii ay dadaalaan wax walba la qaban karo. Laakiin xaqiiqada adag ee Burkeman waa: Weligaa waqti ku filan wax walba ma heli doontid, dadaal kasta oo aad sameyso.
Xalka? Ogolow in noloshaada ay gaaban tahay oo diiradda saar waxyaabaha dhabta ah ee kuu muhiimka ah. Aqbalaaddu ma aha is-dhiibid, balse waa furaha nolosha deggen.


---

Macaanka wax-soo-saarka: Raadinta aan dhammaadka lahayn

Intee jeer ayaad u baahneyd inaad wax badan qabato si aad u dareento qanacsanaan? Mushkiladda, sida uu sheegay Burkeman, waa in raadinta wax-soo-saarka ay tahay wareeg xun. Marka aad wax-qabadkaaga kordhiso, waxaad ku darsataa hawlo cusub oo liiskaaga ah.
Xalka? Ma ahan inaad wax badan qabato, balse inaad si fiican wax u qabato. Diiradda saar waxa noloshaada qiime u leh oo iska dhaaf inta kale.


---

Diiradda saarista wax yar: Farshaxanka doorashada xikmad leh

Waan isku dayeynaa inaan isu dheellitirno shaqada iyo nolosha, himilada iyo raaxada, laakiin Burkeman wuxuu caddeeyaa in isku dayga dheelitirka saxda ahi uu yahay wax aan macquul ahayn. Halkii, diiradda saar tirada yar ee mashaariic ama xiriirro nolosha macno u yeesha. Ha ka cabsan inaad โ€œmayaโ€ tiraahdo waxyaabaha aan kaa tarayn yoolalkaaga dhabta ah.


---

Qiimaha waqtiga maaha faa'iido lacageed

Dunida ku xiran wax-soo-saarka, ku bixinta waqti dhammeysi ah sidii inaad ku fekerayso, ku socotid, ama iska nasato waxay u muuqdaan raaxo aysan dadka qaarkood haysan. Laakiin xaqiiqada, hawlahaas โ€œaan faaโ€™iido lahaynโ€ waa waxa nolosheena qiimaha siiya. Buuggu wuxuu xasuusinayaa in nolosha aysan ahayn wax-qabad oo kaliya, balse ay tahay ku raaxeysiga daqiiqadaha yaryar ee xusuus abuuraya.


---

Xiriirkaaga waqtiga: Cadow mise saaxiib?

Waqtiga waxaan ula dhaqannaa sidii cadow aan rabno inaan ka guuleysanno, laakiin Burkeman wuxuu soo bandhigayaa aragti kale. Waqtiga waa saaxiib haddii aad barato inaad ku noolaato hadda. Halkii aad ka walwali lahayd mustaqbalka ama aad ka shallayn lahayd wixii dhacay, diiradda saar hadda. Waqtiga kaliya ee aad dhab ahaantii haysato waa hadda.


---

Mashaariic waaweyn: Sidee u doorataa?

Qoraagu wuxuu inaga codsanayaa inaan nolosheenna u aragno sidii ururin mashaariic waaweyn oo u baahan in si xikmad leh loo doorto. Haddii aad isku daydo inaad wax walba qabato, waxaad ogaaneeysaa inaadan qabanin wax qiimo leh. Haddaba, dooro hal ama labo mashruuc oo ku dhiirigeliya oo u huri waqti iyo dadaal buuxa.


---

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

07 Jan, 09:54


https://vm.tiktok.com/ZNeKFWy2R

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

06 Jan, 09:58


https://vm.tiktok.com/ZMky6Jwg6/

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

06 Jan, 06:19


Tiktok gaan waa iska iibinayaa ,qofkii baahi uqabo ha isoo qabto , saaxiibayaal. $$$$

Waa account muuqaalada turjumida soo dhigi jiray, muuqalo milyan gaaray ayaa ku jiraan.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

02 Dec, 03:52


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

28 Nov, 04:57


SABIR XAALADA AAD MAANTA KU JIRTO BARI KUMA SII JIRI DOONTIDE

QIIMAHA SAMIRKA LEEYAHAY


QISO

-Taabici aad u waynaa curwa ibnu zubayr allaha ka raali noqdee ayaa lugtiisa waxa kaga dhacay cudur aad u xun, waxana la dhahay waa lagaa Jari wuu ogolaaday saliid karkarayso ayaana lugta loo galiyay minshaar ayaana looga jaray ilaa xanuun uu suuxay, isla markii uu soo miyirsadayna waxaa loo sheegay in wiilkiisii isaga la socday uu awr ku tuntay oo uu geeriyooday, waxaa loo keenay isaaga oo aan kici karin, lugtisii oo go,an iyo ilmihiisii oo dhintay

Wuxuu yiri alx allah ayaa mahadaas iska leh isiiayay labo lugood oo mid ka mid ah iga qaatay, isiiyay 6ilmood oo mid ka mid ah iga qaatay

Nolasha. Aduunka ma jirto qof nool maanta oo aan wax kac cabanaynin haba laka mushkilad waynadee


Lkn waxaa cidhibta danbe iyo guusha maantaba leh kuwa sabra dadaalkana joogteeya


Sadaamabdisadaam.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

27 Nov, 03:47


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

24 Nov, 19:15


Dhagaha Ka Xiro Dhaliilaha Aan Waxba
Dhisayn,Aqoontu Waa Mida Wax Dhista ,Ma ahan
Mida Wax Dumisa.
๏ƒ˜ Ula Dhaqan Dadka Si Dhexe oo Aan Midkiina Dhib
idiin Keeneynin.
๏ƒ˜ Ha isku Dhiibin Naftaada iskadaa inaad Naf Kale isku
Dhiibto,Maxaa Yeelay is Dhul Dhigidu Waa Fursada
Kaliya Ee Uu Qofku Kuugu Sameyn Karo Waxa Uu
Doono.
๏ƒ˜ Khaladaadkaaga Dib usax Ee Hasugin, in Lagaa
Waaniyo Waxii Shalay.
๏ƒ˜ Ha Lumin Qofna Farxadiisa ,Adiga oo Awoodo in aad u
Abuurto,Qofkasta Kuma Qancaaya Qiimahaaga
,Adigase uquur Dadka Qaayahooda,
๏ƒ˜ Tixgali Aragtida Dadka Kale,Hana Ka Tagin Midaada
๏ƒ˜ Marabtaa in Aad Xur Ahaato,Waligaaga Cidna
Caloosha Waxba Ha Ugu Qaban.
๏ƒ˜ Hasugin in Ay Dadka Si Sax Ah Kuuwada Fahmaan Ee
Ku Dadaal in Aad isfahamtaan
๏ƒ˜ Yeelo Dhaqan Laguugu jeclaado , Ama Laguugu Xiiso
Haba Yaraadee.
๏ƒ˜ Wax utar Dadkaada ,iyo Dalkaada ,Adiga oo Aan
Dowlad, iyo Dad Gaar Ah Ku Haleeyneynin.

@Xigasho_buuga_Tusmada_Xikmadaha.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

20 Nov, 19:40


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

18 Nov, 18:43


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

15 Nov, 18:48


Buuga dhufeyska Aradayga waa Diyaar waad Soo dalban Kartaa

Pdf ama Asiga Oo daabacn

Kala soo Xiriir 619525948.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

09 Nov, 20:22


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

01 Nov, 05:47


Waxbadan baad ka faa'iidi doontaan ciwaankaa kamid noqda saaxiibayaal asxaabta wax ka faa'iido.

https://t.me/qulaasadabugaagta

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

31 Oct, 13:18


Buuga dhufeyska Aradayga waa Diyaar waad Soo dalban Kartaa

Pdf ama Asiga Oo daabacn

Kala soo Xiriir 619525948.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

31 Oct, 06:01


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

24 Oct, 05:48


Labadan aayadood waxay ka hadlayaan hadafka aduunka loo yimi,

Aayada koobaad waxay Ina leedahay,,,ilaahay u laabta isku dhiiba si aan cadaab idiinku imaan.

Aayada ku xigtaa inooga jawaabaysa sida ilaahay loogu laabanayo oo ah,,,raaca waxa ugu wanaagsan oo laydiin soo diray micnaha kitaabka quraanka raaca sunada rasuulka raaca taas baad ku badbaadaysaane.hadii aad samayn waydaana cadaab ka dis ah baa idiin imaan doonta idinkoo maahsan .


Runtii labadaa aayadood waa digniin cad oo lagugu tusayo jidka saxda ah hadaad ka leexatona cadaab kuu danbayn doonto๐Ÿ˜ข

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

22 Oct, 16:18


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

18 Oct, 05:17


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

11 Oct, 18:54


Dalabka buuga dhufeyfka ardayga

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

11 Oct, 04:03


Audio from Gureey Xikmadle

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

10 Oct, 05:23


Buuga dhufeyska Aradayga waa Diyaar waad Soo dalban Kartaa

Pdf ama Asiga Oo daabacn

Kala soo Xiriir 619525948.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

04 Oct, 16:02


Ragu garaadkeey is dheeryihiin waxaqabadkana wey kukala tartamaan,asaagaaga Ha uliidan,fikrad ahaana usareey.

๐Ÿ—ฃgureey xikmadle

Mid kamid ah xikmadaha aan hal abuurkooda sheegan karo.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

04 Oct, 06:02


Challenge gaan saaxiibayaal waa soo qaabeyey waxaana ku saleeyey :
โ—cibaado
โ—Caafimaad.
โ—Hormarin Nafsadeed.
โ—barasho Xirafad
โ—iyo qodobo Kale oo Muhiim ah.

Aragtidiin ayaan idiin weydiinaa ,ee ma ahan aragtideyda Kaliya , waan soo bandhigay, wax ka badalkana waa furan yahay Sidee u aragtaan ma waxbaan ka badelnaa mise ?

Waxa uu Socon doonaa 2 bilood , maalin kasta waan is xisaabineynaa.

Qofkii ubaahan groubka challenge ga

ha igala soo xiriiro.
619525948.

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

03 Oct, 07:26


Dunido waa bilaaw
Balse waa dhaamd ๐Ÿ‘ฉโ€๐ŸŽค
Noolashu waa macan
Balse waa geeri .โšฐ๏ธ
Geeridu waa xanun
Basle waa dhimsho ๐Ÿฅบ
Qabrigu waa madow
Balse waa su.aal ?
Su.aashu waa jawaab
balse wax aad shaqeysato ๐Ÿ‘

#Dr__Ak

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

03 Oct, 06:03


Macalinka ardaydiisa wey raali galiyaan si uu ugu deeqo tamartiisa, Laakiinse macalinka ma raali gashado si ay udhageystaan aqoontiisa.

Imaamu qasaali

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

03 Oct, 05:31


https://vm.tiktok.com/ZMhhsKKJN/

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

02 Oct, 19:17


https://vm.tiktok.com/ZGd1TbB9N/

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

01 Oct, 10:01


https://youtu.be/EQF0YBejZ0U?si=E6h7Gyxi9ecVvsku

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

01 Oct, 03:47


Buuga 100ka shaqsi

๐Ÿ“š๐Ÿ“Xulka_Buugaagta ๐Ÿ“š๐Ÿ–‹๐Ÿ“Œ๐Ÿ†

01 Oct, 03:46


Sadax Ka mid ah Camalka Dadka Miizaanka Qiyaamaha Ma qaadi karo Weynikooda darteed.

1-Dadka Oo leyska Cafiyo: "Lama Soo Koobi karo Ajarka laga helo is cafinta ; Allah Wuxuu yiri.
[ูู…ู† ุนูุง ูˆุงุตู„ุญ ูุฃุฌุฑู‡ ุนู„ูŠ ุงู„ู„ู‡].

2-Sabarka badan: "isna lama soo koobi karo ajarka laga helo Sabarka , Rabbi Wuxuu yiri
[ุงู†ู…ุง ูŠูˆููŠ ุงู„ุตุงุจุฑูˆู† ุงุฌุฑู‡ู… ุจุบูŠุฑ ุญุณุงุจ].

3 -Soonka badan: "isagane lama soo koobi karo ajarka laga helo Soonka .
allah ayaa xadiisul qudsi ku yiri:

[ูƒู„ ุนู…ู„ ุงุจู†ุกุงุฏู… ู„ู‡ ุงู„ุงุงู„ุตูˆู… ูุงู†ู‡ ู„ูŠ ูˆุงู†ุง ุงุฌุฒูŠ ุจู‡ ].

"Banko Carafo Waxaa la oranayaa
"Aaway kuwii ajarka allaah ku laahay .?
Waxaa soo bixi doono Kuwii soonka badnaa , Sabarka badnaa, Cafiska badnaa.

๐ŸŒฟAllow naga dhigo Kuwa maalintaa loo yeeri doono

5,377

subscribers

850

photos

186

videos