Dunida wax akhriska @tiitoosfilmshd Channel on Telegram

Dunida wax akhriska

@tiitoosfilmshd


https://t.me/+zSQM856v93JjMDM0

Dunida wax akhriska (Somali)

Dunida wax akhriska is a fascinating Telegram channel that caters to all Somali-speaking individuals who have a passion for reading and literature. The title translates to 'World of Reading' in English, highlighting the channel's focus on promoting literacy and sharing a love for books. What sets this channel apart is its dedication to providing a wide range of reading materials, from classic novels to contemporary works, ensuring that there is something for everyone to enjoy. Whether you are a seasoned bookworm or just starting on your reading journey, Dunida wax akhriska has something to offer you

@tiitoosfilmshd is the username associated with this channel, and it serves as a gateway to a world of literary treasures waiting to be discovered. By joining this Telegram channel, you will have access to a vibrant community of readers who share recommendations, engage in discussions, and celebrate the joy of reading together. From fiction to non-fiction, poetry to prose, this channel covers a diverse array of genres to cater to different interests and tastes. Whether you are looking for a new book to dive into or eager to connect with fellow readers, Dunida wax akhriska is the perfect destination for you

If you are a Somali-speaking individual who loves to immerse yourself in the world of books, then look no further than @tiitoosfilmshd on Telegram. Join today and embark on a literary journey that will expand your horizons, spark your imagination, and connect you with like-minded individuals who share your passion for reading. Don't miss out on the opportunity to be part of this vibrant community and explore the endless possibilities that Dunida wax akhriska has to offer. Happy reading!

Dunida wax akhriska

07 Feb, 13:09


Akhristoow, alle hakuu barakeeyo maalintaada waa maalin jimco ah waa maalin alle dhexdeeda khayr farabadan dhigay, aan iskudayno in aan ka faa,iidaysano, Saliga Nabiga Scw badisayaa, istiqfaar badan latimaadayaa, ama qur’aanka ku dikrisayaaba waa in aan wax un khayr ah kala harnaa inta aysan dhamaan maalinteenu insha allah❤️🙌

Dunida wax akhriska

01 Feb, 11:37


Shalay waxaa bilatay bisha shacbaan taas oo kadhigan in hal bil oo kaliya ay ka hartay bishii barakada iyo khayrka ee Ramadaan, Eebow nagaarsii annaga oo caafimaad qabna sidoo kalana noo ogolow in aan khayrka dhexyaal inta ugu badan ka qaadano amiin yaa rabi❤️🤲

Dunida wax akhriska

27 Jan, 00:56


Sida ay taariikhyahannada Muslimiinta qayb kamida ahi aaminsan yihiin caawoo kale ayuu dhacay safarkii Nebigu SCW ee Israa Wal Miraaj, waa safarkii uu Nebigu ku gaadhay darajo uusan gaadhin hortii nebi lasoo diray iyo Malag Alle u dhowiba. Habeen barakaysan oo diinta qayb badan oo kamid ahi dhammaystirantay ayuu ahaa, waa habeenkii lasoo waajibiyay salaadaha shantaa ee aynu maalin walba shanta jeer tukano. Habeenkan barakaysan ayaan dhammaanteen inoogu duceenayaa in sidii uu Alle safarkaas intaas leeg nebiga ugu fududeeyay in Alle inana dhammaan safarradeena adduun iyo aakhiraba inoo fududeeyo. Alle ha inoo fududeeyo muraadyadeena san oo dhan gaadhitaankooda.

Xigasho, C/raxiin Ciideed

Dunida wax akhriska

23 Jan, 16:22


Maalin ayaa saxaabiga Abuu Dar (R.C) intuu fariistay yiri hadalladan "saaxiibkaygii aan jeclaa (waa Rasuulka s.c.w)
Rasuulka (N.N.K) ayaa wuxuu ii dardaarmay 7 waxyaabood in aan dhaqan galiyo qof walbo oo muslim ahna waa in uu ku dhaqmaa.,
Waxayna kala ahaayeen:-

1) wuxuu i faray jaceylka masaakiinta, iyo inaan iyaga ka mid noqdo
2) wuxuu i faray inaan eego qofka iga hooseeya, oo aanan eegin qofka iga sareeya
3) wuxuu i faray inaan qofna wax weydiisan
4*) wuxuu i faray inaan xiriiriyo qaraabada

5) wuxuu i faray inaan ku hadlo xaqa, haba qaraaraadee
6) wuxuu i faray inaan Alle dartii uga cabsan mid canaananaaya canaantiisa
7) iyo inaan badiyo oraahda: LAA XAWLA WA LAA QUWATA ILLAA BILLAAHI
Waa hubaal inuu Abuu Dar fuliyay dhammaan dardaarankaas wanaagsan ee uu siiyay macalinkii insaaniyadda ee dunidan soo mara. Cali Binu Abii Daalib Ilaah ha ka raalli noqdee ayaa isagoo ka sheekeenaya Abuu Dar yiri "maanta lama arko qof si Alle dartii aan ugu aaba-yeelin mid canaanaya canaantiisa aan ka ahayn Abuu Dar". Waa hubaal hadalkaas, oo wuxuu si bareero leh ugu nasteexeen jiray madaxda muslimiinta, isagoo aan ka cabsanaynin awoodda ay leeyihiin. Masaakiinta ayuu aad u jeclaan jiray, iyagana ayuu ka mid ahaa. Weligii qofna ma weydiisan maal ama hanti. Amiirka gobolka Shaam ayaa mar u soo diray lacag gaaraysa ilaa 300 diinaar, isagoo ku yiri "lacagtaan danahaaga ugu kaalmayso". Jawaabtii Abuu Dar waxay ahayd inuu lacagtii ku celiyay amiirkii, isagoo intaas daba dhigayna amiirka shaam ma wuxuu waayay qof anniga iga tabar daran.

XIGASHO, Abwaanka Soomaaliyeed

Dunida wax akhriska

22 Jan, 15:22


Alxamdulilaah, inkasta oo mashruuca galbeedka ee bariga dhexe (Yuh***du) ay ku bilaabeen dulaan kale oo gardaro ah daanta galbeed, haddana waxaa si fiican u socda Soo afjariddii duulaankii iyo xasuuqii Qaza kasocday wax kabadan 450 maalmood, ilaahay idankiis way kusoo jabayaan daan galbeed si lamid ah sidii ay ugu jabeen Qaza.

Dunida wax akhriska

11 Jan, 12:12


U kaalmayso istiqfaarta hawlahaaga aduun iyo kuwaaga aakhiraba, dhaba ahaantii waa kayd aan i lownay in aan adeegsano kana faa,iidaysano, in badan dambi dhaaf waydiiso alle, Eebe wuu jecelyahay kuwa dambi dhaaf waydiisiga badan, Towbadana u degdega. Alle ayaan waydiisanaynaa in uu noo dambi dhaafo Amiin Yaa allah🤲

Dunida wax akhriska

06 Jan, 20:50


https://www.samataryare.com/2025/01/maaraynta-wakhtiga-2025-horseedka-guusha.html

Dunida wax akhriska

06 Jan, 10:19


Salaamulaahi saaxiibayaal meel kasta oo aad joogtaan iyo wakhti kasta oo ay idiin tahay waxaan idiin rajaynayaa caafimaad iyo barwaaqo.

isla markiiba 5 maalmood ayaa tagtay sanadka cusub ee 2025 dhabtii waa arin cabsideeda leh sida uu wakhtigu u ordayo oo uu dhakhso noogu dhaafayo, waxaan u baahanahay in aan hal mid ogaano taas oo ah qofku sida uu u maareeyo wakhtigiisa oo kaliya ayaa kadhigi karta qofku guulaysta nolosha aduun iyo tan aakhiro ama caksigeeda qof ku guuldaraysta. Insha allah waxaan idinla wadaagayaa dhowr qaab oo loo maarayn karo wakhtiga, aniguna aan dhaqan galiyey iina shaqeeyey, si kasta oo uu ciriiri kuugu yahay wakhtigu waa la maarayn karaa waxa aan isleeyahay waxa ay wax wayn ka badali karaan noloshaada iyo sida aad uga faa,iidaysanid wakhtigaaga.

Ilaahay hanaga dhigo kuwa wakhtigooda uga faa,iidaysta sida ugu wanaagsan, si anfacaysa aduun iyo aakhiro Amin.❤️🙌

Dunida wax akhriska

01 Jan, 17:35


السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
Aad baan idiin salaamayaa dhamaan walaalaha bartaan aan ka wada socono maalin cusub iyo sanad cusub, ilaahay hanooga dhigo mid barako badan, khayr oo dhamina uu kudhanyahay ilaahay idankiis waxaan rajaynyaa in qofkasta uu ilaahay riyooyinkiisa oo aan macsi ahayn u rumeeyo, in ilaahay dalkeena noo nabadeeyo, soomaalideena qurbaha joogtana in ilaahay meesheena nagu nabad yeelo inta dalkeena aan kusoo noqonayno, Fadlan haka qabyb qaadan colaadaha ee meelkasta oo dhulka soomaalidu degto ah ka oogan hadii aadan damintooda iyo dajintooda waxba ku darsan karin hurintooda wax haku darsan markale sanad cusub ayaan idiin rajaynayaa dhamaantiin

Dunida wax akhriska

29 Dec, 23:58


Salaamulaahi saaxiibayaal, aan idin xasuusiyo wakhti salaad hadaad joogtid tuko, dhab ahaan noloshaada way fududaanaysaa aduun iyo aakhiraba waad liibaanaysaa hadii aad shanta salaadood ee waajibka ah aad ilaalisid,

وَالَّذِينَ هُمْ عَلَى صَلَوَاتِهِمْ يُحَافِظُونَ
أُولَٰئِكَ هُمُ الْوَارِثُونَ

Alle hanaga dhigo kuwa salaadda ilaaliya, Maalinta qiyaamana jannada dhaxla amiin

Dunida wax akhriska

20 Dec, 11:15


Maalin wanaagsan, jimce wanaagsan walaalayaal, saaxiibayaal meel kasta oo aad joogaan waxaan rajaynayaa in maalintaan iyo maalmaha kooban ee aan dunidaab joognaba khayrkooda alle nasiiyo, sharkoodana dhinac naga mariyo, waxaan alle u waydiinayaa qofkasta oo dhibaataysan in alle u jid bixiyo qofkasta oo barwaaqaysana alle u siyaadiyo. Markale Jimce wanaagsan❤️🙌

Dunida wax akhriska

22 Nov, 10:13


Barakooyinka eebe korkiina ha ahaadaan wakhti kasta oo ay idiin tahay, 4:00Am subaxnimo ayey annaga noo tahay dad badan ayaa wakhtigaan hurdada ka kacay hawalahoodana u jihaystay waxaan rajaynayaa intiina ay habeenka u tahay in alle caafimaad qab idiinku dhameeyo sidoo kale inta ay subaxa u tahayna uu maalinkooda wanaag u galiyo bal aan fiirino xadiith kaan Nabiga Scw laga wariyey oo runtii ah dhiirin galin ka awood badan buug kasta oo aad akhridid, xadiith soo koobaya micnaha erayga “Dadaal” kuna boorinaya dadka in ay wax soo saar yeeshaan, Caajiska iyo iska fadhigana katagaan.

وعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ  قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ: المُؤْمِنُ الْقَوِيُّ خَيْرٌ وأَحَبُّ إِلَى اللَّهِ مِنَ الْمُؤْمِنِ الضَّعِيفِ، وفِي كُلٍّ خَيْرٌ، احْرِصْ عَلَى مَا يَنْفَعُكَ، واسْتَعِنْ بِاللَّهِ،
ولَا تَعْجَزْ،

“Mu’min ka xoogan ayaa ka khayr badan alle agtiisana looga jacayl badanyahay mu’minka daciifka ah, midka kasta oo ka mid ahna khayr waa uu leeyahay, kudadaal wixii ku anfacaya ilaahayna talo saaro hana caajisin”

Cajiib dhiiri galin kasta oo aad daawatid iyo buug kasta oo wax soo saar kahadlaya oo aad akhridid intaas un ayuu ka hadlayaa oo uu kugusoo celcelinayaa, ilaahay hana waafajiyo in aan ku dadaalno waxii na anfacaya sidoo kalana aan ka tagno wixii dan aduun iyo mid aakhiro toona aysan noogu jirin

Dunida wax akhriska

12 Nov, 02:37


إِنَّهُمْ يَكِيدُونَ كَيْدًا ﴿ 15 ﴾وَأَكِيدُ كَيْدًا ﴿ 16 ﴾ فَمَهِّلِ الْكَافِرِينَ أَمْهِلْهُمْ رُوَيْدًا ﴿ 17 ﴾

15) (Dhabtii ayagu waxa ay maleegayaan dhagarro (shirqool), 16) Aniguna (Eebe) waxaan u maleegayaa dhagar 17) U kaadi Nabi Muxamadow in yar (muddo kooban)

Marka la fiiriyo dhacdooyinka ka dhacaya Marinka Qaza iyo guud ahaan (Bariga dhexe) iyo xaalka ay maanta ummadu ku sugantahay
waa dabiici in laga murugoodo runtiina aad looga walwalo mustaqbalka Ummada islaamka, balse hadii aad taariikhda kulaabatid ma ahan markii koobaad oo sidaan oo kale ay dhacayso, in reer galbeed oo dhan ay magaaladaas yartaa isku bahaystaan oo duqaynayaan muddo 1 sano kabadan waxa ay noqonaysaa wax un aan sii wayneen marka la eego taariikhda iyo sidii koox muslim ah wakhtiyo kala duwan loo dulmiyey la iskuguna dayey in xaqqa la afqabto dadkiisana la dulaysto.

Dunida wax akhriska

06 Nov, 10:47


Hambalyo Trump oo kulaabtay aqalka cad, maxeey kadhigantahay dib u doorashadiisu marbaan ka hadli doonnaa I.A

Dunida wax akhriska

19 Oct, 21:45


Mid kamid ah sawirada ugu cajiibsan ee laga sameeyey qisada la xiriirta shahiidnimadii hogaamiyihii muqaawamada Xamaas Mujaahid "Yaxye sinwaar" alle ayaan u waydiinaynaa in janooyinkiisa kusoo dhaweeyo Amiin

Dunida wax akhriska

03 Oct, 23:29


Asalaamu calaykum, salaamulahi dhamaantiin saaxibayaal muddo labo asbuuc ah halkaan wax qoraal/maqaal ah kuma aynaan wadaagin, dhib waynse majirin alhamxulilaah waxaan la iga xaday mobile kaygii oo noociisu ahaa Iphone 13 ah nasiib daro Icloud ka aan ku isticmaalayey muddo 3 sano ah oo aan haystay ma ahayn Gmail kayga caadiga ah taas oo adkaysay in lahelo ayada oo lagu baarayo Find my iphone, shirkada apple oo aan la xiriiray waxa ay iisheegeen in ay badali karaan passaworkda muddo bil kudhow, kahorna aysan macquul ahyn in labadalo. Waxaan go,aansaday in aan iphone 16 iska gato balse waan ka waayey store ka oo waa la dhamaystay ugu yaraan laba asbuuc kadib ayaa la heli karaa sidaas daraadeed sumsung ayaan soo qaatay yar bal si aan mobile kaygii ugu sugo. Insha allah halkaan ayaan kawada socon doonnaa, waxaan rajaynayaa dhamaantiin in aax caafimaad qabtaan❤️🙌

Dunida wax akhriska

13 Sep, 14:30


Hadii dhiig nin un laga mutaa rag u macaanaado
Malabsiga ayaamaad haduu mahad ku noolaado
Magool suna mar waa cuni jiray iyo midho dhunkaaleede.
Wuxuu xayle meehaday iyo malihii beenowye.
(Abdullahi suldaan timo Cade)

وعند الله تجتمع الخصوم
Alle agtiisa ayey dooduhu isku arki doonaan dhab ahaantiina si cadaalad ah ayuu alle ugu garnaqi doonaa. لا ظلم اليوم

Nabsi daalay baan kula sugiye duugga bal aan dhowrno.

Sawir kayimid marinka Qaza

Dunida wax akhriska

05 Sep, 11:07


Dadkeena waqooyiga America jooga hadda ayaan tukanay salaadii subax alxamdulilaah waxaa mahad oo dhan iska leh allaah oo noo ogolaaday sidoo kalana na waafajiyey Halka kuwa badan ay wali jiifaan runtii waa nimco wayn❤️🤲.
ilaahay khayrka hanawaafajiyo dhamaanteen. Subax wanaagsan

Dunida wax akhriska

28 Aug, 11:14


Caadayso in aad kutiraahdid mahadaanid dadka kucaawiya, waxa ay kaa caawiyeen haba yaraadaan,e ❤️ Subax wanaagsan walaalayaal/saaxiibayaal

Dunida wax akhriska

25 Aug, 03:36


https://www.samataryare.com/2024/08/aljaziira-isku-xirka-dagaalkii-yarmuuk.html

Dunida wax akhriska

14 Aug, 19:40


Salaamulaahi dhamaantiin walaalayaal/ saaxiibayaal waxaan rajaynayaa in aad caafimaad qabtaan labadii asbuuc ee u dambaysay halkaan wax maqaal ah oo la xiriira maqaaladeenii aan kusoo daabici jirnay ma aynaan daabicin sabab la xiriirta in website kii aan wax kuqori jirnay ay cillad kutimid, Insha allah laga bilaabo berri si caadi ah ayaan hawada ugusoo noqon doonnaa waxaana meeshii kasii wadi doonaa in aan idinla wadaagno maqaalo iyo buugaag faa,iido annaga iyo adinkaba u leh hadii alle subhaana watacaalaa noo ogolaado. Marlabaad adinka iyo kuwa aad jeceshihiinba caafimaad iyo barwaaqo ayaan u rajaynayaa❤️🙏

Dunida wax akhriska

21 Jul, 03:25


Asallaamu alaykum, dhamaan walaalaha halkaan kuxiran waxaan rajynaynaa in aad fiicantihiin, asbuucii meeshaan waxaan idinkula wadaagnaa 1 ama 2 maqaal oo aan kasoo diyaarinay mawduuc gaar ah, buug lasoo koobo hanqodo ama maqaal kusaabsan mawduuc kabaxsan buug, haddaba maqaaladaas waxaa nooga baxa wakhti aad u badan, marka koobaad in aan buuggii akhrino kadib aan si gaar ah u daraasayno mawdiicii aan rabtay in aan idinla wadaagno, kadibna aan eray bixin ama turjumid ku haboon aan u raadino eray kasta runtii waa shaqo aad u badan. Ayada oo ay saas tahay haddana dadka akhrista oo ka faa,iidaysta iyo dadka nagu xiran farqi ayaa u dhaxeeya, in maqaalkii wakhtiga badan aan galinay aan aragno dad badan oo akhrisanaya dhiiri galin iyo in aan hawsha halkaas kasii wadno ayey noo tahay. Fadlan asbuucaan maqaaladii horay aan u qornay bal kulaabta intiina aan akhrin. Ilaahay dambigeena hadhaafo dhamaanteen Amiin

Dunida wax akhriska

15 Jul, 04:08


https://www.samataryare.com/2024/07/a-aha-ayaa-dhaqan-galinay-qodobkii-aan.html

Dunida wax akhriska

14 Jul, 03:21


Sawir muujinaya sida wax u dhaceen

Dunida wax akhriska

14 Jul, 03:20


Madaxwaynihii hore ee maraykanka Donald trump ayaa sida muuqaal laduubay laga arki karo asaga oo taageerayaashiisa meel banaan ah kula hadlaya la kulmay iskuday dil, muuqaal waxaa laga dhex maqlay 3 xabadood oo laqiyaasi karo in ay hal qori kawada dhaceen, sidoo kale waxaa lamaqlay Xabado kale oo sida iska cad ilaaladiisu ay rideen, wax wayni magaarin laakiin sanka dhinaca bidix ayaa u muuqday in dhiig kasocday

Dunida wax akhriska

08 Jul, 11:32


https://www.samataryare.com/2024/07/maalin-masha-ku-ekow-buugga-sidee-loo.html

Dunida wax akhriska

04 Jul, 03:34


https://www.samataryare.com/2024/07/sida-loo-joojiyo-walwalka-marlabaadna.html

Dunida wax akhriska

30 Jun, 23:33


Asalaamu Calaykum, Walaalaha nagu Xiran waxaan rajaynayaa in aad Caafimaad qabtaan wax walba idiin wacanyihiin, Insha Allah Asbuucaan waxaa miiska noo saaran buugaan “How to stop worrying and start living” waxaa qoray qoraa maraykan ah oo lagu magacaabo Dale Carnegie, arinta xiisaha leh waa qoraa kasoo jeeda gobolka aan hadda kaga suganahay dalka maraykanka, buuggaan runtii waa buug cajiib ah casharo badan oo muhiim ahna ay kujiraan, Insha Allah inta ugu muhiimsan ayaan kala soo bixi doonaa anagga oo iskudayi doona in fikradaha aan kala soo baxayno ay noqdaan fikrado diinteena islaamka aan kabaxsanayn, maadaama inta badan qoraayada ay isku dayaan in ay fikrad un kugudbiyaan buugga ay qorayaan. Waa wax iska caadi ah in qoraa kasta muslim ama gaal waxa uu ahaadaba in waxa uu aaminsanyahay uu dhex mariyo fikaradda uu gudbinayo. Buuggaan waxaa kutaliyey in la akhriyo Midkamid ah culimada soomaaliyeed oo lagu magacaabo shiikh Abdirahman bashiir. Insha Allah iskuday in buuggii hore aad soo dhamaystirtan ilaa caawa.

Dunida wax akhriska

29 Jun, 03:49


https://www.samataryare.com/2024/06/mxaan-kala-soconaa-qaabkii-loo-dilay.html

Dunida wax akhriska

23 Jun, 11:01


Waxaa jiray buug aan rabay in aan ku xiriirino dhamaystirna aan uga dhigno buuggii aan hadda soo gabagabynay Ee Al faaruuq-Sannadihii hore. Buuggaas oo gebi ahaantiisba kawaramayey shahiidnimadii Cumar binu khadaab Rc, waxa uu kuqornaa luuqada English ka balse nasiib darro kaydkayga bugaagta waan ka la,ahay. Dhibse maleh maadaama buugga uu kusaabsanaa un sidii loo dilay oo loo shirqoolay Cumar waxaan isku dayindoonaa alle idamkiis in aynu si baaritaan guud kusamayno oo aan soo aruurino xogta ku saabsan dilkii khaliifkii labaad ee muslimiinta Cumar binu alkhadaab, kadib ayaan idinla soo wadaagaynaa Insha Allah.

Dunida wax akhriska

21 Jun, 03:11


https://www.samataryare.com/2024/06/gabagabo-buugga-al-faaruuq-sannadihii.html

Dunida wax akhriska

16 Jun, 14:05


Ciid wanaagsan walaalaha somaaliyeed meel kasta oo aad joogtaan, hadda ayaan soo tukanay salaaddii Ciida, alle ha innaga aqbalo dhamaanteen acmaasha wanaagsan

Dunida wax akhriska

15 Jun, 17:13


Ciid Wanaagsan dhamaantiin walaalayaal, waxaan rajaynayaa farxad iyo caafimaad in aad kuciidaan gaar ahaan kuwiina bariga afrika jooga ee xoogaa kahor afuray, ilaahay hanaga aqbalo dhamaanteen acmaasha wanaagsan.

Dunida wax akhriska

14 Jun, 17:14


https://www.samataryare.com/2024/06/maxaan-ugu-baahanahay-in-wax-akhrino.html