Buugan waa waraysiyo laga qabtay Nacuum Jomaski, wuxuuna buug ahaan usoo baxay 1992,Jomaski waa aqoonyahayn American ah, isir ahaan Yuhuudi ah, dhashayna 1928, waa barafasoor cilmiga afafka ku takhasusay, faylasuuf iyo gorfeeye siyaasadeed. Wuxuu caan ku noqday naqdintisa siyaasdaha Maraykanka iyo Israa'il. Buuggani wuxuu gorfaynayaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, wuxuuna soo qaadanayaa dhacdooyinkii iyo dagaalladii dhacay dagaalkii labaad kadib ilaa iyo 1992. Wuxuu akhristaha hordhigayaa ujeeddooyinkii dagaalladaas ka dambeeyay, wuxuuna barayaa sida siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanku ay u shaqayso. Soojeedinta iyo gorfaynta Jomaski ma aha mid
mala'awaal ah ee wuxuu ku xoojinayaa tixraacyada iyo xogaha uu ilaha rasmiga ah ka soo dheeganayo. Waxaa suuragal ah in xogaha aad buugga ugu tagtaa ay wax ka beddelaan aragtidii aad ka haysatay dagaallada Bariga Dhexe, bariga fog iyo galbeedka shishaba, waxaana macquul ah in aad fahanto wax ka mid ah qaabka ay ushaqayso
siyaasadda dunidu.