Shillaawe Cabdilaahi Xero 💪🇸🇴 @shillaawe22 Channel on Telegram

Shillaawe Cabdilaahi Xero 💪🇸🇴

@shillaawe22


Halkan kala Soco Muwaadin Xasuuqa Khawaarijta

Shillaawe Cabdilaahi Xero 💪🇸🇴 (Somali)

Shillaawe Cabdilaahi Xero 💪🇸🇴 kan waxaa la yiraahdo 'shillaawe22' waxaa ka soo baxay oo halkan kala socda Muwaadin Xasuuqa Khawaarijta. Kan waxaa lafaha siinayaa dadka Soomaaliyeed oo aad uga xorooba xasuuqyada iyo khawaarijta, waxaana looga faa'idaysan karaa dadka Soomaaliyeed ee rabta inay ka baraarugto xanuunada dadka ka soo jeeda khawaarijta. Kan waa go'aan muhiim ah oo ay ku imaan karaan qof kasta oo doonaya inay ka faa'ideystaan xaaladda siyaasadeed iyo bulshada Soomaaliyeed. Sidaa darteed, haddii aad rabto inaad ka faa'ideysid wax kasta oo ku saabsan xasuuqyada iyo khawaarijta, Shillaawe Cabdilaahi Xero waa doorkaaga ugu wanaagsan.

Shillaawe Cabdilaahi Xero 💪🇸🇴

31 Dec, 09:22


Dharjaalle : 31 December 2024: Ciidamada Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ku sugan deegaanka Dharjaalle ee Gobolka Bari, ayaa saaka fashiliyey isku dayga weerar argagixiso oo ay soo maleegeen Kooxda dhiigmiiratada Daacish, waxaana halkaasi Ciidanku ku dileen oo aysan cidi ka laaban dhammaan kooxdii weerarka soo qaaday oo u badan Ajaanib.

Geesiyaasha har iyo habeen u taagan Difaaca iyo in ay Argagixisada ka sifeeyan Puntland, ayaa soo bandhigay Ajaanibta weerarka lagu dilay oo ka badan 8xubnood, hubkoodii iyo jabka xooggaanna ee saaka lagaarsiiyey Argagixisada Daacish.

Ciidanka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland, ayaa Intaasi kadib hore ugu ruqaansaday qorshaha howlgal Ciribtirka Agragixisada.

-DHAMMAAD-

-HAWLGALKA CIRIBTIRKA ARGAGIXISADA EE PUNTLAND-

Shillaawe Cabdilaahi Xero 💪🇸🇴

25 Dec, 10:52


Deegaanka Kuunyabarrow ee gobolka Shabeellada Hoose waxaa lagu dilay guddoomiyihii gobollada iyo arrimaha siyaasadda ee Khawaarijta, Horjooge Maxamed Mire oo ahaa nin arxan daran.

Dhagarqabahan ayaa nafta ku dhibay dadka Soomaaliyeed, muddo dheer ayaa lagu raad-joogay, balse xalay ayaa ugu dambeyn la dilay, waxaana la dhintay Maleeshiyad dhagarqabayaal ah oo ilaalo u aheyd.

Shillaawe Cabdilaahi Xero 💪🇸🇴

03 Dec, 15:25


Mid Ka Mida bakhtigii khawaarijta

Shillaawe Cabdilaahi Xero 💪🇸🇴

20 Nov, 13:11


Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Jubbaland ayaa howlgal lagu baacsanayo Khawaarijta kawada degaano hoosyimaada degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada hoose.
Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed ayaa ku guuleeystay inay Miinooyin kasoo saaraan wadada xiriirisa Badhaadhe iyo Kismaayo kuwaasi oo Khawaarijta doonayeen inay ku dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed ee wadadaasi isticmaala.
Geesiyaasha XDS ayaa ku guuleeystay soo saarista iyo fashilinta miinooyinkaasi.

Shillaawe Cabdilaahi Xero 💪🇸🇴

09 Nov, 12:50


Waxaa maanta lagu Guuleystey Mid Kamid dhagar-qabayaasha Cadowga Khawaarijta Ah oo miino Aase ahaa in Badana miinooyin ku Aasey Gobolka Shabeelaha hoose Gaar ahaan Wadooyinka Xariiriya Buufow bacaad kmtr 50 Bariire illaa iyo Awdheegle

Ciidamada Amniga oo Ninkaan Xogtiisa Si toos ah ula Socodey ayaa Ku Guuleystay in khaarijiyaan halka Mid Kalana Gacanta lagu dhigey isagoo Nool Sidoo kale waxaa lala wareegey Miino Nooca dhulka lagu Aaso Ee uu wadey dhagar qabahaan la

Shillaawe Cabdilaahi Xero 💪🇸🇴

07 Nov, 08:31


Gobolka Jubbada Hoose,Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland ayaa howlgallo sifayn ah ka sameeyay dhulka howdka ee u dhaxeeyo deegaanka Cag Libaax iyo Orgiyoow oo ka Tirsan Gobolka jubada Hoose.

Ciidanka ayaa dilay maleeshiyaad Khawaarijta katirsan iyagoona kasoo furtay Mooto nooca Sadax lugooleeyda ah iyo saanad kale

Shillaawe Cabdilaahi Xero 💪🇸🇴

07 Nov, 08:30


Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabakad ka kooban labo xubnood oo khawaarijta u qaabilsanaa qeybta sahanka.

Sirdoonka dalka oo hayay xogta dhagar qabeyaashan isla markaana in muddo ah ku daba jiray ayaa ugu dambeyn ku guulaystay in la qabto iyaga oo ku jira sahminta goobo ay rabeen in ay Khawaarijtu ku dhibaateyso shacabka.

Labada dhagar qabe ee la qabtay ayaa kala ah dhagar-qabe Sakariye oo uu dhalay Saciid Cabdullahi Sulsul oo Khawaarijta u qaabilsan qaybta sahanka goobaha ay damacsan yihiin in ay shacabka ku dhibaateeyaan ee Gobalka Banaadir iyo Cabdullaahi Axmed Xasan oo ah Sargaal ka tirsanaa dowladda kaas oo qiyaanay dowladdiisa iyo shacabkiisa.

Xubnaha la qabtay ayaa qirtay fal dambiyeedka lagu soo qabtay iyo dhagaro kale oo ka horreeyay oo Khawaarijtu ay ku waxyeeleeyeen dad shacab ah.

Shillaawe Cabdilaahi Xero 💪🇸🇴

28 Oct, 09:44


Ciidanka booliska Gaarka ah Koonfur Galbeed  ee Degmada Buur-Hakaba Oo kaashanaya Ciidanka Hay'ada Nabad Sugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed  ayaa iska caabiyey  weerar fulaynimo ah Oo khawaarijta kusoo qaaday fariisin Ciidanka ay ku leeyhiin duleedka Magaalada.

Khawaarijta ayaa Dagaalka lagu gaarsiyey khasaaro  waxaana goobta kaga carareen meydad fara badan.

Ciidanka ayaa wali bacsanaya firxadkii Khawaarijta wareerka soo qaaday.

Shillaawe Cabdilaahi Xero 💪🇸🇴

25 Oct, 18:09


Khawaarijta Bariga gobolka Gal-guduud ayaa lagu cibaadaystay Geesiyaasha Xoogga Dalka iyo Ciidamadda degaanka.

Shillaawe Cabdilaahi Xero 💪🇸🇴

24 Oct, 14:22


Deg-deg:-
Horjooge Goobe oo khawaarijta u qaabilsana miinooyinka iyo maleeshiyaad kale oo Khawaarij ah ayay Ciidanka Xoogga Dalka iyo Kuwa Jubbaland Ku dileen howlgal ka dhacay waqooyiga gobolka Jubbada hoose.

Shillaawe Cabdilaahi Xero 💪🇸🇴

19 Oct, 18:02


Dhagarqabayaal katirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah ayaa ku geeriyooday duleedka degaanka Majabto ee goblka Shabeeladda hoose halkaasi oo ay doonayeen inay Miinoo ugu aasaan Shacabka isticmaala wadadaasi oo muhiim u ah isusocodka Gaadiidka iyo Dadka gobolkaasi.

Taliyaha Ururka 26-aad Guutada 6-aad Qeybta 60-aad CXDS G/le Faarax Xirsi Cabdulle ayaa Warbaahinta Ciidamadda u sheegay in Labo dhagarqabe iyo mootada nooca Fekonta oo miino aasayay ay ku geeriyoodeen duleedka degaanka Majabto ee gobolka Shabeeladda hoose.

Shillaawe Cabdilaahi Xero 💪🇸🇴

19 Oct, 18:01


Guulo ayaa

Shillaawe Cabdilaahi Xero 💪🇸🇴

24 Sep, 18:32


Waa Kuwan Geesiyaashii Manta Fuliyey Hawlgalkii Dhabo Galka ahaa ee Khawaarijta looga Gubay Gaarigii Cabdibilaha ahaa ee ay Booyada Saareen taas oo ay biyo ugu geeyaan Maleeshiyadkooda Duurka Ku Gabanaya.

Hadaba Kuwan Waxay Mudan yihiin Dhiirigalin Madama ay Fuliyeen Hawlgal Dhagar jab ku ah Khawaarijta.