Nasra Bashir Ali @nasrabashir Channel on Telegram

Nasra Bashir Ali

@nasrabashir


Deputy Director of Media & Communication Office of the Prime Minister. & correspondent to OPM Somalia

Nasra Bashir Ali (English)

Are you looking to stay informed about the latest news and updates from the Prime Minister's Office in Somalia? Look no further than the Nasra Bashir Ali Telegram channel! Run by the Deputy Director of Media & Communication Office of the Prime Minister, Nasra Bashir Ali, this channel provides exclusive insights and behind-the-scenes content straight from the heart of the government. As a correspondent to the Office of the Prime Minister in Somalia, Nasra Bashir Ali offers a unique perspective on the political landscape and current affairs in the country. Stay up to date on important announcements, press releases, and official statements by joining this channel today. Whether you're a journalist, government official, or simply interested in Somali politics, Nasra Bashir Ali is the go-to source for reliable and timely information. Don't miss out on this opportunity to connect with one of the key figures shaping the future of Somalia. Join Nasra Bashir Ali on Telegram now!

Nasra Bashir Ali

23 Nov, 16:12


"Tarabuunka" Rasaas Toos ah oo ay duubtay Camera-da Amniga & Dagaalka Safeyn ah - Garmaqalka Maanta.

Nasra Bashir Ali

19 Nov, 08:33


MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY MADAXWEYNAHA LA DOORTAY EE MAAMULKA SOMALILAND.

Muqdisho, Nofeembar 19, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si dhow ula socday doorashada dadweynaha Maamulka Soomaaliland ay codkooda ku dhiibanayeen ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey xisbiyada kala ah; Waddani, Kaah iyo Kulmiye natiijada ay ka gaareen doorashada, waxa uuna bogaadiyey bisaylka iyo fahanka dowladnimada ee ay muujiyeen bulshada Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u xaqiijiyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cirro in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go'an tahay dhammaystirka wada-xaajoodyada dib u heshiisiinta labo geesoodka ah, taas oo muhiim u ah horumarka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey Madaxweynaha, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Xisbiyada la doortay in Alle uu u fududeeyo qorsheyaasha horumarinta nolasha iyo kobcinta dhaqaalaha ee bulshada deegaannada Soomaaliland ay u doorteen.

DHAMMAAD

Nasra Bashir Ali

18 Nov, 16:33


Caasho Waxa ay gurigeed ku haysay qaraxyo ay khawaarijtu doonaysay in ay ku qarxiyaan goob dhallinyaraddu ku galaan dhallin yaro,

Nasra Bashir Ali

18 Nov, 16:07


Xaasaska Khawaarijta ee maanta ka soo muuqday Maxkamadda Ciidamadda

Nasra Bashir Ali

18 Nov, 16:04


“Waxaan u socday jowle ,ninka aan u socdayna ma’aqaan” xaaska Khawaarij.

Nasra Bashir Ali

12 Nov, 15:33


Guddoomiye ku xigeenka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug Mudane Maxamed Abshir Jiirow ayaa Warabaahinta Qaranka u sheegay in 7 kamid ah Khawaarijta ay maanta isku soo dhibeen Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere.

Dhallinyaradaan ayaa markii la wareystay waxay sheegeen inay u adkeysa waayeen duqeymaha iyo weerarrada tooska ah ee Ciidamada Xoogga Dalka iyo shacabka deegaanada Galmudug ay kala kulmeen, isla markaana ay go'aansadeen inay isku soo dhiibaan dowladda.

Nasra Bashir Ali

10 Nov, 17:56


Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, oo caawa yeeshay kulan degdeg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

Nasra Bashir Ali

10 Nov, 08:43


Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh "Waxaa loo socdaa doorasho qof iyo cod ah, ku daneysa meyno, waana gaarsiineynaa dalka."

Nasra Bashir Ali

09 Nov, 11:00


HEESTA HA DHEGAYSAN BEENAHA | ERAYADA ABWAAN BASHIIR MAXAMED XIRSI | KOOXDA HIDDO.

Nasra Bashir Ali

09 Nov, 09:14


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo saaray dikreeto magaca looga beddelayo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, oo hadda laga dhigay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

Nasra Bashir Ali

08 Nov, 10:43


Ugu yaraan 19 Dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan oo Ciidanka NISA ay ka fuliyeen goob qarsoodi ah oo cadowgu ay doonayeen inay isku aruursadaan oo u dhow deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Nasra Bashir Ali

07 Nov, 19:02


Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya oo Daah-furey Kulanka Kor u qaadida Arrimaha Xalka Waara ee Soomaaliya

Qaahira, Nofeembar 07, 2024 – Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Labaad ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali (Dhaay), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furey shir looga hadlayay Kor u Qaadida Arrimaha Xalka Waara ee Soomaaliya, oo ka dhacay Magaalada Qaahira.

Kulankani oo si gaar ah diiradda u saarayaa sidii loo maalgelin lahaa horumarka magaalooyinka, ayaa Mudane Cabdisalaam oo ka hadlay madasha waxa uu sheegey in mashruucan uu si gaar ah u xoojinayo guryeynta dadka barakacayaasha ah iyo sidii loo siin lahaa taageero dhaqaale iyo mid farsamo oo ay kaga bixi karaan xaaladaha adag ee ay ku nool yihiin.