Telefishinka Qaranka @sntvnews Channel on Telegram

Telefishinka Qaranka

@sntvnews


Somali National Television is the principal public service broadcaster in Somalia.

Headquartered in Mogadishu.

Telefishinka Qaranka (Somali)

Telefishinka Qaranka waa telefishan caalami ah oo ku taal dalka Soomaaliya. Telefishinka waxaa kaa hirgelinayaa wararka caalamiga ah ee ugu dambeeya, warar bulsho, iyo warar kale oo ku saabsan dalka iyo adduunka. Telefishinka Qaranka waxaa tababare u ah in lagu daawo xulka qarsoon ee Soomaaliyeed, si loo ogaado waxa ka dhacay muhiimka iyo xogta ugu dambeeyey. Telefishinka waxaa qalabka caanka ah ee teknoolajiyada adeegsada si loo gudbiyo wararka si caadi ah. Telefishinka Qaranka waa meesha ugu wanaagsan ee ku xog waraysi lagu gudo. Joojinta iyo fikrada baahidaada waxaa ku jirtaa Telefishinka Qaranka. Mahadsanid.

Telefishinka Qaranka

19 Nov, 19:22


Amniga iyo kalsoonida ka jirta degmada Hodan oo muujinaya isbadalka magaalada Muqdisho ka hana qaaday | Warbixin.

Telefishinka Qaranka

19 Nov, 16:53


Riwaayadii quusta aheed ee ugu dambeysay Tiyaatarka Qaranka markii wadanku burburay.!

Telefishinka Qaranka

19 Nov, 08:33


MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY MADAXWEYNAHA LA DOORTAY EE MAAMULKA SOMALILAND.

Muqdisho, Nofeembar 19, 2024; Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si dhow ula socday doorashada dadweynaha Maamulka Soomaaliland ay codkooda ku dhiibanayeen ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo ku xigeenkiisa Mudane Maxamed Aw-Cali Cabdi.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyey xisbiyada kala ah; Waddani, Kaah iyo Kulmiye natiijada ay ka gaareen doorashada, waxa uuna bogaadiyey bisaylka iyo fahanka dowladnimada ee ay muujiyeen bulshada Somaliland.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u xaqiijiyey Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cirro in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go'an tahay dhammaystirka wada-xaajoodyada dib u heshiisiinta labo geesoodka ah, taas oo muhiim u ah horumarka iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey Madaxweynaha, Madaxweyne Kuxigeenka iyo Xisbiyada la doortay in Alle uu u fududeeyo qorsheyaasha horumarinta nolasha iyo kobcinta dhaqaalaha ee bulshada deegaannada Soomaaliland ay u doorteen.

DHAMMAAD

Telefishinka Qaranka

18 Nov, 16:32


Caasho Waxa ay gurigeed ku haysay qaraxyo ay khawaarijtu doonaysay in ay ku qarxiyaan goob dhallinyaraddu ku galaan dhallin yaro,

Telefishinka Qaranka

18 Nov, 16:07


Xaasaska Khawaarijta ee maanta ka soo muuqday Maxkamadda Ciidamadda

Telefishinka Qaranka

18 Nov, 16:03


“Waxaan u socday jowle ,ninka aan u socdayna ma’aqaan” xaaska Khawaarij.

Telefishinka Qaranka

12 Nov, 15:33


Guddoomiye ku xigeenka degmada Xarardheere ee gobolka Mudug Mudane Maxamed Abshir Jiirow ayaa Warabaahinta Qaranka u sheegay in 7 kamid ah Khawaarijta ay maanta isku soo dhibeen Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere.

Dhallinyaradaan ayaa markii la wareystay waxay sheegeen inay u adkeysa waayeen duqeymaha iyo weerarrada tooska ah ee Ciidamada Xoogga Dalka iyo shacabka deegaanada Galmudug ay kala kulmeen, isla markaana ay go'aansadeen inay isku soo dhiibaan dowladda.

Telefishinka Qaranka

10 Nov, 17:55


Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, oo caawa yeeshay kulan degdeg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah.

Telefishinka Qaranka

10 Nov, 08:38


Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Xoosh "Waxaa loo socdaa doorasho qof iyo cod ah, ku daneysa meyno, waana gaarsiineynaa dalka."

Telefishinka Qaranka

09 Nov, 10:58


HEESTA HA DHEGAYSAN BEENAHA | ERAYADA ABWAAN BASHIIR MAXAMED XIRSI | KOOXDA HIDDO.

Telefishinka Qaranka

09 Nov, 09:14


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa soo saaray dikreeto magaca looga beddelayo Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, oo hadda laga dhigay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka.

Telefishinka Qaranka

08 Nov, 10:43


Ugu yaraan 19 Dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal qorsheysan oo Ciidanka NISA ay ka fuliyeen goob qarsoodi ah oo cadowgu ay doonayeen inay isku aruursadaan oo u dhow deegaanka Yaaqle ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Telefishinka Qaranka

05 Nov, 07:18


https://youtu.be/zCb61jLP5lg

Telefishinka Qaranka

04 Nov, 17:54


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Axmednur Shiikh Maxamed Loxos, Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Telefishinka Qaranka

04 Nov, 17:40


Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa u magacaabay Mudane Cabdirashiid Maxamed Ducaale, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Telefishinka Qaranka

04 Nov, 10:58


Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025-ka ayaa noqonaysa tii ugu badneyd ee Dowladda Soomaaliya ay yeelato, tan iyo sanadkii 1991-kii.

Waxaan idinla wadaageynaa jaantus kooban oo muujinaya kororka miisaaniyadda dowladda ee 3-dii sano ee la soo dhaafay.

Telefishinka Qaranka

04 Nov, 09:00


Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay Qoondada miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025 oo gaaraysa $1,359,714,328, waxaa ogolaatay in la ansixiyo 172-Xildhibaan, laba Xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaanna waa uu ka aamusay.