Maymuun thoughts ❤️😊 @noqoxiddig Channel on Telegram

Maymuun thoughts ❤️😊

@noqoxiddig


Soo dhowoow is ku day inaad cid nagusoo biiriso hal qofna ha ahaatee adiga oo linkiga zhere gareynaya halkaan waxaad ka helaysaa fikrado ku cajabiya♥️

Wixii talo ah halkan igalasoo xidhiidh💚👇 @Maymuuncali

https://t.me/Audiobook2s

2021-5-24

Maymuun thoughts ❤️😊 (Somali)

Maymuun thoughts waxaa ah kanal ka faa'iideysiga ah inaad ku waddo fikrado ku cajabiya. Kanalkeyga waxaa ku jira fikrado dhab ah oo ka mid ah dareenka, maqaallo, iyo waxyaabo kale oo ka duwan. Haddii aad rabto inaad ku biiriso kanalkaas, markaad gareysid linkigan halkan: https://t.me/Audiobook2s. Maymuun thoughts waa meel wanaagsan oo ku soo dhawaada hal qof ama hal marxalad, haddiiba aad meesha ka saarto waxaa kuugu filan inaad la xidhiidhaa kanalka @Maymuuncali si aad u heli karto wixii talo ah. Aqri maqaallo cusub oo muujinaya fikradaha aad ku cajabaysid iyo waxaa ka horreysa maqaalada isla markaana aad kahelaysid warar, macluumaad, iyo mawduucaha kale ee aad ku aragtay. Aqri, fikirkaada aad ka filayo waa muhiim, haddii aad rabto inaad dib u dhigto iyo ka cabsi geli karto hal marxalad, ku biir Maymuun thoughts haddii aad rabto inaad ka heli karto waxyaabo cusub iyo dareenka wanaagsan. Markaad gareysid linkigan halkaan: https://t.me/Audiobook2s. Kaalintaanu waa mid ka mid ah kaalinta loo baahan yahay in lagu faa'iideysto saaxiibada iyo ehelkooda oo raali ahaada inay wax ku eegaan, maadaama oo waxaa la siin karaa wararkii ugu dambeeyay iyo macluumaadka dareenka. Xidhiidh la xidhiidh Maymuun thoughts kanalka @Maymuuncali si aad u heli karto wixii talo ah oo ka faa'iideysan. Dahabkan adiga ayaa loogu diyaariyaa inaad ka faa'iideysto hal marxalad, wixii aad rabto Maymuun thoughts waa meel wanaagsan oo aad ku heli karto waxyaabo cusub iyo dareenka wanaagsan. Aqri maqaallo cusub oo muujinaya fikradaha aad ku cajabaysid iyo waxaa ka horreysa maqaalada isla markaana aad kahelaysid warar, macluumaad, iyo mawduucaha kale ee aad ku aragtay. Haddii aad rabto inaad la xidhiidhaa kanalka @Maymuuncali si aad u heli karto wixii talo ah. Maymuun thoughts waxaa ku jira fikrado dhab ah oo ka mid ah dareenka, maqaallo, iyo waxyaabo kale oo ka duwan. Aqri, fikirkaada aad ka filayo waa muhiim, haddii aad rabto inaad dib u dhigto iyo ka cabsi geli karto hal marxalad. Si aad u joojiso iyo aad u aragto dareen wanaagsan, ka soo dhowoow Maymuun thoughts.

Maymuun thoughts ❤️😊

21 Nov, 18:02


🔰🔰𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶 𝗖𝗼𝗺𝗺𝘂𝗻𝗶𝘁𝘆 🔰🔰
𝗠𝗮 𝗷𝗲𝗰𝗲𝘀𝗵𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗶𝗻𝗮𝗮𝗱 𝗸𝘂 𝗯𝗶𝗶𝗿𝘁𝗼 𝗸𝗮𝗻𝗮𝗮𝗹𝗮𝗱𝗮 𝘂𝗴𝘂 𝗺𝘂𝗱𝗮𝗻 𝘁𝗲𝗹𝗲𝗴𝗿𝗮𝗺 𝗸𝗮 𝗸𝘂𝘄𝗮𝗮𝗮 𝗼𝗼 𝗺𝗮𝗿 𝘄𝗮𝗹𝗯𝗮 𝘂 𝗵𝗲𝗲𝗹𝗮𝗻 𝘀𝗶d𝗶𝗶 𝗮𝘆 𝘂𝘀𝗼𝗼 𝘀𝗮𝗮𝗿𝗶 𝗹𝗮𝗮𝗵𝗮𝗮𝘆𝗲𝗲𝗻 𝗰𝗼𝗻𝘁𝗲𝗻𝘁 𝗶d𝗶𝗻 𝗮𝗻𝗳𝗮𝗰𝗮.

☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️
☠️👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿👇🏿 ☠️
☠️👉🏿👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👇🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👇🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👇🏼👇🏼👇🏼👇🏼👇🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👉🏼👇🏻👇🏻👇🏻👈🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👉🏼👉🏻👇👈🏻👈🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿 👉🏾👉🏽 CLICK HERE 👈🏽👈🏾👈🏿 👈🏿☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👉🏼👉🏻 👆👈🏻👈🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👉🏼👆🏻👆🏻👆🏻👈🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👉🏽👆🏼👆🏼👆🏼👆🏼👆🏼👈🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👉🏾👆🏽👆🏽👆🏽👆🏽👆🏽👆🏽👆🏽👈🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👆🏾👈🏿 ☠️
☠️👉🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👆🏿👈🏿☠️
☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️☠️

🟫🟨🟡JOIN ALL🟩🟥JOIN ME🔵🟦⬜️

Maymuun thoughts ❤️😊

20 Nov, 14:25


Embracing Change.!❤️

Isbadalku wuu dhib badanyahay marmarkana qaarna aad ayuu u adag yahay lakiin inta aad nooshahay waa lagama maarmaan si aad hore ugu sii socoto una waayo aragtid.

Marka aad sameyso wax aanad hore u sameyn jirin waxa aad soo saaraysaa awoodaada waxaadna ogaanaysaa in markasta aad awoodo in ka badan inta aad u maleyneyso.

Sameyso hal caado oo cusub sida inaad maalin walba 3bage oo quraana akhriso ama caado kale oo aad adigu ogtahay in aad u baahantahay mar walbana waxa aad bilaabayso ha noqdan wax aad sameyn karto ka dibna joogtee hababka joogtaynta  haadad  u baahantahay YouTubeka waad ka heleysaa mar walba ogoow naftaadu adiga ayay ku sugaysaa ee hagaaji.!❤️

"Isbeddelku wuu adag yahay bilowga, wuu qalafsanyahy marka dhexda, laakiin wuu qurux badanyahay bar dhammaadka." — Robin Sharma

Ma jirtaa hal caado oo aad jeclaan lahayd in aad bilowdo.?


#Maymun

Maymuun thoughts ❤️😊

19 Nov, 18:49


Ads 🔺✖️ ka warhay 500,000+ Soomaali oo ku jira Telegram!

Star Tech waa shabakad hormuud u ah Midowga Telegramers-ka Soomaaliyeed oo ka kooban in ka badan 30+ channels oo ay ku xiran yihiin dad ka badan 500,000 oo Soomaali ah.

📢 Tani waa tiro sax ah oo hubo oo la isku halayn karo 100% 

ADDEEGYADA STAR TECH

➡️Xayaysiis digital oo beegsanaya Tirada Dadka somaliyeed ee aad u baahantahay.

➡️  Samaynta, qaabaynta iyo nashqadaynta sawiradda iyo muuqaalada xayeysiiska.

➡️Hal-abuur iyo xirfado ku suurtagelunaya inaad Ganacsigaaga ka dhigto hela macaamiil dhab ah.


Maxaad sugaysaa?

Ku xayaysii ganacsigaaga Star Tech oo hel macaamiil iyo subscribe xadi badan muddo kooban Gudaheed.! 1️⃣ 👍

📞 Nala soo xiriir maanta si aad u bilowdo!

HALKAN TAABO

Maymuun thoughts ❤️😊

15 Nov, 13:03


Aamusnaatu waa astaan lagu garto dadka aqoonta u saaxiibka ah hadii aad aragto qof aad u hadal badan waxba kuma dhex jiraan dhalinyaro waligiin waxaad isku daydaan meel kasta oo aad joogto in hadalkaagu koobnaado mahamaah carabiya ayaa waxay tidhaahdaa qofka aamusani wuu fikirayaa halka ha hadalka badani uu  dhacdhac badanyahay waligaa ku dadaal in hadalkaagu uu koobnaado marka aad hadashana wax macne leh aad ku hadasho.❤️



#Maymun

Maymuun thoughts ❤️😊

08 Nov, 20:08


TALO WALAALNIMO.

Hadii aad tahay wiil ama gabar ka yar 25 sano noloshana hadaf iyo hididiilo wanaagsan kaleh qoraalkan waa kaagi.

{Nolosha dhalinyaranimada}

Waxaan dareensanahay adiga qoraalkan akhrisanaya inaa tahay qof da’yar oo nolosha hami sare ka leh doonayana inuu wax uun guul ah xaqiijiyo oo hadafkiisa ka miro dhaliyo lehna riyo qurux badan inuu rumeeyana dadaal ugu jira.

Walaalkay/Walaashayda Curdanka ah ee noloshu u jilcaysoow dhalinyaranimadu waa wakhti aad dib usoo jaleeci doontid adigoo jeclaysanaya waa wakhti aan xasuustaada Ka go’i doonin waa xiliga aad noloshaada qaabayn kartid si taban iyo si togonba
Waa wakhti hadii ciyaar ciyaar kaaga lumo aadan dib dambe ooga soo kaban karin aadna Ka shalayn doontid intaad dunida guudkeeda saarantahay.

Hadaba akhristahan sharafta lahoow iga qaado talooyinkaan aan u arkay inay ku anfacayaan idam alle.

• Gudo waajibaadka ale sida salaada soonka iyo dhamaan acmaasha khayrka ah waad ku liibaanaysan aduun iyo aakhiraba arimahaagana ilaahay ayaa kuu fududayn doona.
• waxba ha shukaansan adiga oo aanay noloshaaduba guur diyaar u ahayn Ka faaidi maysid wax aan Ka ahayn wakhti dhumis khasaare iyo dib udhac.
• ugaara gabdhaha:gabareey raga u jirso intii uu alle amray inaad u jirsato,
_hadii aad nin saaxib moodo dareenkaaga,qalbi furnaantaada iyo quruxdaaduba waxay noqonayaan mindi lagu isticmaalo si laguu gawraco,ilaa Kuwa ale u naxariistay mooyane.
• Ka dheerow daawashada aflaanta xun xun mukhaadaraadka iyo wax walbe oo La halmaala,waxay dilayaan awoodaada jireed iyo midaada maskaxeedba.
• Jooji iska daba socodka shahwaadka nafta ama waxa naftu jeceshahay oo mar walbe Ka hormari waxa Muhiimka ah.
• dhiso oo ku dhaqan caadooyin wanaagsan haba yaraadeen eh waxay qaabaynayan hab dhaqankaaga dhanka wanaagsan ayayna kuu jiidayaan.
• Ka dheerow waxa loo yaqaan amraadul qalbi ama cudurada qalbiga sida kibirka,istustuska,faanka bilaa micnaha ah iyo isla waynida,Noloshaada ayay dabar aadan Ka baxsan karin ku noqonayaane.
• ugu yaraan ku bixi 30 daqiiqo maalinkii Akhrinta,qorida iyo baarida waxa aad jeceshahay waxaa kobcaya Aqoontaada si tartiib tartiib ah.
• baro xirfado aad Ka heli karto dakhli aad noloshaada ku maarayso.
• baro sida dadka looga hor hadlo sida xogaha loo baaro loona gudbiyo waxay Kaa saacidaysa gaarida hadafkaaga kuuna sahlaysaa.
• wakhtigaaga ilaali kana dheerow danaystayaasha iyo saaxibada xun waa waxa dhalinyaro badan marin habaabiyaye.
• ugu yaraan samee 30 daqiiqo oo jimicsi ah maalinkii si aad Kor ugu qaado caafimaadkaga jireed iyo maskaxeedba.

Ugu danbayn waxaan filayaa inaad wax uun ka Faa,iday waxaan kuu rajaynayah hadaf iyo yool walbe oo wanaagsan oo aad leedahay inaad sida ugu quruxda badan u gaadhid.


Mohammed suldaan

Maymuun thoughts ❤️😊

29 Oct, 15:16


Chanalka buugta Waan idiin soo dhigay soo koobistiisa iyo pdfkiisaba akhris iyo dhagaysi wacan ❤️

Maymuun thoughts ❤️😊

29 Oct, 15:16


https://t.me/Audiobook2s

Maymuun thoughts ❤️😊

29 Oct, 15:15


Buugga The 7 Habits of Highly Effective People wuxuu mudan yahay in la akhriyo sababahan awgood:

1. Horumar Shaqsiyadeed: Wuxuu bixiyaa tilmaamo waxtar leh oo ku saabsan sidii qofku u horumarin lahaa naftiisa.

2. Xoojinta Xiriirrada: Wuxuu ku barayaa fahamka, wada shaqaynta, iyo ixtiraamka dadka kale.

3. Guul Waarta: Wuxuu diiradda saarayaa caadooyin kuu sabababya guul waarta oo nolosha isku dheelli tiran.

4. Kordhinta Is-Aqoonsiga: Wuxuu kaa caawinayaa inaad barato naftaada oo aad badasho caadooyinka kaa hor taagan hormarka.

5. Wuxuu Xoogga Saar Habab La Qaadan Karo: Wuxuu bixiyaa caadooyin si cad loogu isticmaali karo nolol maalmeedkeena.

6. Xigmad aan Lumin: Wuxuu ku salaysan yahay mabaadi'da caalamiga ah ee had iyo jeer shaqeeya.❤️

Maymuun thoughts ❤️😊

16 Oct, 20:44


Waa sidee caqliyadda dhalinyarada Soomaaliyda ee qarnigan 21aad nool?
Qaab sidee ah ayey u fikiraan? Waa maxay maanhagahooda ay ku halbeegaan wax kasta?

Weydiimahani waxay bud-dhig u yihiin dood muhiim ah oo ka qabsoomi doonta telegram-ka

Goobta: kanaalka Dareenbulsho
Goorta: habeenimada Axadu soo galayso 9:00 xiliga Geeska Afrika

Maymuun thoughts ❤️😊

16 Oct, 15:33


Ogsoonoow.❤️🥀

Ogsoonoow inay qanaacadu tahay waxa nolosha qurxiya markasta oo aad ku qanacdo waxa ilaahay ku siiyo waxa aad ku noolaanaysaa nolol xasiloon oo dagan.❤️


Ogsoonoow inaad heleyso wax walba oo ilaahay kuu qorey wixii ku seegana ay yihiin wax aan khayr kuugu jirin.❤️


Ogsoonoow inay mar walba jiraan dad ku riyoonaya inay ku noolaadaan nolosha aad ku nooshahay, dhib kasta oo ku haystana inay jiraan dad adiga kaa daran.


Ogsoonoow inaad haysato nimcada ugu weyn ee ilaahay bixiyo taas oo ah islaamnimada sidaa darteed markasta oo aad is tidhaahdo waxbaa kaa maqan dib u xasuuso ina aanuu jirin qof adiga kaa qanisan aduunkanna aanuu ahayn wax weyn oo lagusii nagaanayo gurigii dhabta ta ahaana hadhsanayahy lagaana rabo in aad u shaqaysato.!❤️



#Maymun

Maymuun thoughts ❤️😊

11 Oct, 11:48


Talo;

1: waa in aanad ka cabsan waxa aad is leedahay qabso oo aad isku daydaa, waa intaas oo ay kuu hirgashaa oo aad ku guulaysataaye.

2: waa in aad naftaada ka ilaalisaa dib u dhigashadda, wax kasta oo aad dib u dhigataa guul kama gaadhaysid.

3: waa in aad u fiirsan hadal oo aanay saamayn kugu yeelan hadal qof kugu yidhi.

4: waa in aad bulshada kugu hareeraysan ay afkaaga iyo adinkaaga ka amaan helaan.

5: waa in aad noqotaa qof urursan meel kasta oo aad tagtid.

6: waa in aad sirahaaga aanad bannaanka keenin.

7: waa in aad ka ag dhawaataa dad adiga kaa sarreeya si aad wax uga faa’iiddid.

8: waa in aad tahay qof lagu soo hiran karo oo marti-soorka yaqaanna.

9: waa in aad iska ilaalisa dulmiga, adiguna aad diiddaa in naftaada dulmi lagu sameeyo.

10: waa in aad naftaada ixtiraamtaa oo qiimaha ugu weyn iyada siisaa.

Maymuun thoughts ❤️😊

10 Oct, 14:51


Qanaacada nafta waa mid kamid ah dabeecadaha ugu wanaagsan ee qofku yeelan karo, iyadoo qofka ka dhigeysa mid raalli ah oo ku qanacsan wixii uu Ilaahay u qoray. Quraanka iyo axaadiista ayaa inoo sheegaya qiimaha ay leedahay qanaacada iyo raalli ahaanshaha rabitaanka Ilaahay.

Quraanka Kariimka ah waxaa lagu yiri:

"Haddii aad ku sugnaato dabeecad wanaagsan oo sabir iyo shukri ah, waxaad heli doontaa abaalgud weyn"


لَا يُكَلِّفُ اللّٰهُ نَفْسًا اِلَّا وُسْعَهَا ۗ لَهَا مَا كَسَبَتْ وَعَلَيْهَا مَا اكْتَسَبَتْ ۗ رَبَّنَا لَا تُؤَاخِذْنَآ اِنْ نَّسِيْنَآ اَوْ اَخْطَأْنَا ۚ رَبَّنَا وَلَا تَحْمِلْ عَلَيْنَآ اِصْرًا كَمَا حَمَلْتَهٗ عَلَى الَّذِيْنَ مِنْ قَبْلِنَا ۚ رَبَّنَا وَلَا تُحَمِّلْنَا مَا لَا طَاقَةَ لَنَا بِهٖۚ وَاعْفُ عَنَّاۗ وَاغْفِرْ لَنَاۗ وَارْحَمْنَا ۗ اَنْتَ مَوْلٰىنَا فَانْصُرْنَا عَلَى الْقَوْمِ الْكٰفِرِيْنَ
(Suuradda Al-Baqara: 286).



Sidoo kale waxaa ku jirta aayad kale oo tilmaamaysa in ruuxa qanaaco qaba uu yahay kan ugu liibaan badan:

"Qof kasta oo camal wanaagsan sameeya isaga oo mu'min ah, ha ahaado lab ama dhedig, waxaan ku siin doonaa nolol wanaagsan".


مَنْ عَمِلَ صَالِحًا مِّنْ ذَكَرٍ اَوْ اُنْثٰى وَهُوَ مُؤْمِنٌ فَلَنُحْيِيَنَّهٗ حَيٰوةً طَيِّبَةًۚ وَلَنَجْزِيَنَّهُمْ اَجْرَهُمْ بِاَحْسَنِ مَا كَانُوْا يَعْمَلُوْنَ
(Suuradda An-Nahl: 97)
.


Xadiiska Nabiga (SCW) wuxuu yiri: "Loo arzaaqay ruuxii qanaaco qabaa, nasiib wacnaan lehna wuxuu ka helay aduunka." (Bukhaari iyo Muslim). Xadiiskan wuxuu tilmaamayaa in qofka raalli ka noqda wixii Ilaahay siiyey uu yahay qof nasiib badan oo barako ku jira.

Qormo Gaaban: Qanaacada iyo Macaanka Nolosha

Qanaacadu waa awoodda uu qofku ku qanco xaalada uu ku sugan yahay. Waa farxad iyo raaxo qalbiga ah oo aan lagu iibsan karin maal, hadiyad iyo aduunyo midna. Marka qofku yeesho qanaaco, wuxuu ka fogaadaa murugada iyo danaynta badan ee dunida.

Waxaa muhiim ah inaan mar walba xusuusnaano in qanaacadu tahay qeyb kamid ah imaanaka, qofka Allaah ku kalsoon oo ku qanacsan in wixii loo qoray uu yahay waxa ugu khayr badan, ma dareemo walbahaar iyo niyad jab.

Dhiirigelin: Ha ku noolaan walbahaar iyo doon-doon aan dhammaad lahayn. Ogoow in Ilaahay ku siiyay wixii ugu wanaagsan ee ku anfaca adiga, iyo haddii aad wax ka weydiiso, u yeel sabir oo ka yeelnaado qalbigaaga mid raalli ah. Qanaacadu waa furaha farxadda iyo deganaanshaha nafta.

Rabbi ha inawada siiyo qanaaco iyo nolol barakaysan!❤️🤲

Maymuun thoughts ❤️😊

08 Oct, 09:42


Waxaan urajaynaya gabdhaha.🎀🩷

1. Hami waliba , dadaal waliba oo maankaaga ahaaday , riyo kasta oo aad rajaynayso inay maalin dhabawdo in ebbe ku tuso rajaynta iyo riyadii aad doonaysay.
2. Nolosha waxaad uqalantaa jacayl , naxariis iyo wax walba oo wanaagsan fadlan ka raadi meelaha munaasibka ah ee lagaa ixtiraamayo , lagu dareensiinayo inaad shay walba ka koraysid aduu .
3. Noloshu way balaadhan tahay , dhis maankaaga Hubka keliya ee aad maanta hayso inaad ku dagaal dagta waa wacyigaaga oo dhisan , fadlan is qaabe oo noloshada qaabe ,  qof aragti fog noqo meelaha dhawdhaw weligaa yaysan wax sare kula ahaan .
4 . Noqo indheer garad keligeed wax qabsan karaysa, wax raadsan karaysa , nolosheeda dabaran karaysa oo xaqeeda dhacsan karaysa.
5. Noloshu way wajiyo badan tahay marka ay kuu toosi waydo maalin noloshu fadlan caawimo dalbo basharku makala maarmaan oo ilaahay wuxuu isugu abuuray in qofba qofka kale caawiyo , garab qabto ee ha qarsan culaysyada Nolosha .
6. Yeelo saaxiibo hankoodu sareeyo , midkiinba ka kale xasuusiyo ahdaafta iyo ujeedoyinka nolosha inaad wada dhistaan ,is dhiirigelisaan , marxaladaha iyo caqabadaha Noloshana yaga oo gacanta ishaysta kawada gudbi kara.
7.  Xidhiidh samayso , oo xidhiidhka aad samaynaysa ha noqdo mid ka madhan isxagxagashooyinka ,iyo weliba naaqusnaanta almacnow xidhiidh caafimaad qaba la samee qofka aad jamato , qof aad iska caawinkaraysan wax walba , agtiisa aanad ka cabsoonayn inaad wax la share garayso , qof aan kuu arkayn inaad ka liidato ee isagu kuuba arkaya inaad tahay boqorad han sare leh oo meel kasoo bixi karaysa , xulo dookhaaga ka ugu wanaagsan , dooro ruux bilaa shuruud ku jecel , jacaylkaasba waare .
8. Ha ilaawin noloshada inaad ka dhigto ahmiyadada koowad , cunto nafaqo leh cun , is qurxi , maqaarkaaga qurxiso waliba adoo ka fogaanaya waxyaabaha ka halaynaya quruxdaada ee waxyeelada ugaysanaya , timahaga qurxiso usamee week kasta routine faaido uleh , biyo badan cab , wax akhri , wax cusub baadh , salaada iyo cabsida ilaahay aad ugu dadaal , quraan akhri , tasbiixso oo dikri .