Matxafka Taariikhda @matxafkataariikhda Channel on Telegram

Matxafka Taariikhda

@matxafkataariikhda


ku raaxayso macluumaad walba, kobcina garaadkaaga adiga oo naga guntanaya macluumaad cuddoon ee aanu kuugu soo gudbinayno barteenna, innagu soo biir mahadsanid

Halkan igala so xiriir
For business: @iM_S_O_S

https://bio.site/Shacir.Osman

Matxafka Taariikhda (Somali)

Matxafka Taariikhda waa kanal lagu daabaco si aad u heli kartid macluumaad dhab ah oo ku saabsan taariikhda. Kanalkaani waa meel looga faa'iideysto dadka jecel taariikhda iyo arrimaha taariikhda ee Soomaaliya iyo adduunka. Halkan waxaad ka heli kartaa macluumaad la xiriira taariikhda, dhaqanka, iyo xagga siyaasadda.

Kanalka waxaa loogu talagalay inaad ka faa'iideystaan macluumaad walba oo ku saabsan taariikhda, si aad uugu hesho wararka ugu dambeeya ee dalka iyo adduunka. Xusuusnow, macluumaad cusub oo farabadan, iyo waxyaabaha aanu ka faa'idayno in badan.

Haddii aad rabto inaad garaadkaaga iyo macluumaad walba adiga oo naga guntanaya ku samaysid, si aad u helid macluumaad walba iyo warar ugu dambeeyay, waxaad si toos ah uga soo xiriir karta shakhsiyaadka ku faa'iideystay kanalka, ama fadlan booqo boggaas.

Kanalkaani waxaa laga heli karaa halkan: [https://bio.site/Shacir.Osman](https://bio.site/Shacir.Osman)

Mahadsanid.

Matxafka Taariikhda

22 Oct, 09:46


- - - - - - - - - ๐‚๐Ž๐ƒ๐’๐ˆ ๐’๐‡๐€๐๐Ž - - - - - - - - -

Aniga oo tixraacaya geerida Madaxii Farsamada ee shirkaddiinna, waxaan codsanayaa in la igu beddelo booskii uu marxuumku ka dhintay.

Mar kasta oo aan shaqo idinka soo codsado waxaa la ii sheegaa in uusan boos idanka bannaaneyn, balse markaan waan idinku qabtay oo marmarsiimo idinkama yeelayo, oo waxaan xitaa ka qeybgalay aaska marxuumka, si aan u hubsado in uu dhintay oo la duugay, ka hor intii aanan shaqadaan soo dalban.

Codsigaygaan shaqo waxaan ku soo lifaaqay CV-gayga iyo shahaadadii dhimashada ee marxuumka.

@MatxafkaTaariikhda

Matxafka Taariikhda

01 Oct, 07:55


#Part 2

Maxay yihiin Xeerarka Dhar xidhashadani ay ku dhisan tahay?

Sheekhii Buddhisku si uu Xertiisa uga saaro duruufka dhar la'aanta ee soo wajahday waxa uu ku waajibiyey inay dharkooda ka dhigaan Maro "saafi ah" gaar ahaan maryaha aan Midabkooda dadku aanay jeclayn iyo Maryaha aan la rabin ee Kudaafadaha iyo Qashinka lagu tuuray waana mida Tariikhdooda ugu jirta.

Maro kasta oo ay Kudaafadaha kala soo baxaxaan waxa ay ku samayn jireen in lagu dhaqo dheecaanka Khudradda, Ubaxa Caleentiisa iyo Dhir udgoon intasi wixii ka danbeeya Maro kastaa waxa ay isu bedeli jirtay midabka Huruuda ama Jaalaha,waana tan maanta wali ka muuqata astaantooda.

Waxa kaloo ay Maradani ka turjumaysaa sida ay Tarikhdooda ku qoraan,Tawaadic iyo is'hoosaysiin ay dadka u tusayaan in ay Kibirka iska ilaaliyaan,lakiin ogsonow Qofkasta oo Diintan haysta khasab maaha in uu Maradan xidho inta badan waxa ay gaar u tahay Xerta.

Fikrad kale ayaa waxa ay odhanaysaa ,madamaa waxa aynu u naqaano USKAGA uu leeyahay Midab markaasi uu kaga muuqdo shay kasta oo  aan nadiif ah,taas awadeed waxa laysku'sargooyey isu eekaanta  aragtidii USKAGA iyo Maradan Huruudahi in ay isla falgalayaan,waxbadana ay ka badbaadinayso Xerta in la arko USKAGA IYO HEERKA MARYAHOODA KU YAALA,durufii jiray wakhtigaasi awadii.

Waxkasta Ilahay ayaa og,isagaana ku mahadsan in uu inaga dhigay Muslim.

@matxafkaTaariikhda

Matxafka Taariikhda

01 Oct, 07:40


#Part One

BUDIISTHU MAXAY U XIDHAAN MARADAN HURUDDA/JALAHA??

Diintan Buddhista waxaay ka mid tahay Dimaha aan Samaawiga ahayn,waa Diin Dhulka korkisa lagu yagleelay, waxaa layidhaa wakhtigii la aasaasay waxa uu ahaa dabayaaqadii qarnigii 6aad ,waa Diin dadka ku tiirsani badankoodu ay degan yihiin dalalka Aasiya.

Diinta Budhiisku waxa ay soo martay isbadelo aad u farabadan ,fikrado iyo mabaadii marba lagu soo kordhinaayey iyo kuwa markaasi laga saaro ,waxa inta badan aasaas u ah Diintani in markasta fikradaha ay ka duulayso xisaabcelin iyo qiimayn joogta ah lagu sameeyo.

Duqii Buddha Charita waxaa lagu sheegaa in qarnigii 1aad ama 2aad in uu ku dhashay meel la yidhaahdo Lumbini oo u dhow buuraha Himalaya, wuxuuna bilaabay inuu dadka baro waxyaabo Caqligiisa uu ka helay kuna sargooyey hab nololeedka Bulshada uu la nool yahay.

Hadaba wax badan waxa aynu aragnaa in Dadka aaminsan Diinta Budhista ay ku labistaan Marada Midabkeedu uu Huruuda ama Orange yahay,taasi oo maanta Dunida oo dhan ay cid waliba ay ku taqaano ,su'aashu waxa ay tahay asalka Maradani halkee ayay ka timi? maxaa sabab u ahaa in ay astaan uga dhigtaan Diintooda?

Sida ay iyagu Tariikhaha asalka Maradan ay ku sheegaan ,waxa ay raad ku leedahay aasaaskii Diintan Budhista ,taas awadeed waxaa layidhaa Xirtii hal'abuurkan Diintan aasaaskeeda iska lahaa waxaa ka horyimi kacdoon lagu diidan yahay lagagana soo horjeedo fikrad Diineedan Bidhis ,waana mida keentay in ay ku noladaan nolol adag iyo quudhsi.

@MatxafkaTaariikhda

Matxafka Taariikhda

09 Sep, 20:28


MUCJISOOYINKA SIDA WAX LOO DHAXLO SHIINAHA.

Dadka Shiineeska ah ee usoo haajira Wadamada Dibada isla markaana inta ay Wadanka kasoo maqan yihiin Waalidkood uu Geeriyodo ,kuwaasi oo markaasi ka taga Hanti Guurto iyo ma guurta ah ,Sharciga Shiinahu waxa uu dhigayaa in aanay Hantida Dhaxalka ah ee Waalidku ka dhintay aanay waxba ku lahayn *waa hadii ay qaateen Dhalashooyinka Wadamadaasi ay joogaan.

Marka loo eego sharciyada la xidhiidha Dhaxalka Shiinaha, waxa si cad looga daalacan karaa ,haddii aad heshay Sharciyada Dalalka shisheeye (Kaadhka Cagaaran) way adkaan kartaa in aad dhaxasho ciddi aad dhaxalkeeda lahayd.

Sharcigu waxa uu Dhaxalka u ogolaanayaa oo kaliya Qofka isagu haysta Dardaaran ansax ah Maytida Dhimashadiisa ka hor, waxa uu Dhaxal doonahu xaq u yeelanayaa in uu Maytidaa dhaxlo Dardaarankaasi awadii .

Muhiimada ugu wayn ee Shiinahu sharciyadan Dhaxalka ay sidan u dhigeen waxa aasaas u ah, xiliyadii Sharciyada la dejiyey waxaa loo arkaayey Qofka Dalka Dibada uga baxaa in uu yahay mid isagu Dalka ka maarmay Xuquuqna aan ku lahayn (aan Muwaadin ahayn)

Si kastaba ha ahaatee, marba-marka ka danbaysa kor u kaca heerka nololeed ee Dadka Shiinahu waxa uu yahay mid isbedal samaynaaya , Hantida Sharciga ah ee Dadka leeyihiina waxa ay noqotay mid sii kordhaysa maalinba-maalinta ka danbaysa, waxa isbedelo cusubi ku yimidaan qaab dhismeedka Qoyska Shiinaha ,sidaasi oo ay tahay fikradihii Sharci ee Dhaxalku waxa ay noqdeen kuwi markasta Baarlamaanka la geeyo oo wax laga bedalo.

Dhaxalka Islaamka wax ka cadaalad badani ma jirto,hadii aad maqan tahay iyo hadii aad joogtaba markasta waxa aad xaq u leedahay wixii Quraanku ku siiyey, helitaanka dhaxalka iyo in aad waydaana kuma xidhna Dibad iyo Gude midkaad joogto.

ูŠู‚ูˆู„ ุงู„ู„ู‡ ุชุนุงู„ู‰: (ูŠููˆุตููŠูƒูู…ู ุงู„ู„ู‘ู‡ู ูููŠ ุฃูŽูˆู’ู„ุงูŽุฏููƒูู…ู’ ู„ูู„ุฐู‘ูŽูƒูŽุฑู ู…ูุซู’ู„ู ุญูŽุธู‘ู ุงู„ุฃูู†ุซูŽูŠูŽูŠู’ู†ู ููŽุฅูู† ูƒูู†ู‘ูŽ ู†ูุณูŽุงุก ููŽูˆู’ู‚ูŽ ุงุซู’ู†ูŽุชูŽูŠู’ู†ู ููŽู„ูŽู‡ูู†ู‘ูŽ ุซูู„ูุซูŽุง ู…ูŽุง ุชูŽุฑูŽูƒูŽ ูˆูŽุฅูู† ูƒูŽุงู†ูŽุชู’ ูˆูŽุงุญูุฏูŽุฉู‹ ููŽู„ูŽู‡ูŽุง ุงู„ู†ู‘ูุตู’ูู...)[11: ุงู„ู†ุณุงุก]

@matxafkaTaariikhda

Matxafka Taariikhda

05 Sep, 15:43


Mid kamid ah dhaqamada ugu layaabka badan ee Afrika, waxaana inta badan ku dhaqma qabiilka [Chewa] ee Malawi.

Qofku markuu dhinto maydkiisa waxaa loo qaadaa meel ay ku sheegan inay tahay meel barakaysan kadib waxay ka jaraan hunguriga, Kolkaasay ku shubaan biyo, waxay tuujiyaan caloosha illaa ay ka baxaan biyihii xaga danbe (Meesha saxarada).

Nidaamkan waxaa loo sameeyaa si isdaba-joog ah illaa ay biyuhu ka soo baxaan (Meesha saxarada).  iyagoo nadiif ah. Waxa taas ka sii daran ayaa ah xaqiiqda ah in biyahan loo isticmaalo in lagu diyaariyo cuntada qabiilka oo dhan.

@MatxafkaTaariikhda

Matxafka Taariikhda

01 Sep, 07:51


Pakistantu maba baqaan, bacdaa waxa lagu Sito waa gaasta cuntada lagu karsato oo sidaas ayaa guriga lagu geynayaa kadibna tuunbada lagu xidhiidhinayaa๐Ÿ˜ฒ

One small hole and it is kaboom ๐Ÿ˜

Inagana ilaa hada tii biraha waaweyn kujirtay waxaan uga baqanaa saaid, systemkan bacda laakiin waa raqiis iyo bilaa culeys aayar baad iska soo qaadan

@Matxafkataariikhda

Matxafka Taariikhda

30 Aug, 10:35


Ninkan odayga ah waa 23 sano jir u dhashay Taiwan, wuxuu sameeyay suuq madoow oo daroogada lagu iibiyo oo la odhan jiray Incognito, xariifkan wuxuu u shaqeyn jiray dawlada Taiwan mana la ogeyn 4 sano la raadinayay suuqiisa ilaa 100 Milyan ayuu gaaray iibka, ugu dambeyn doqonimadiisa wuxuu sameeyay domain name ayuu ku iibsaday akoonkii adminka ee uu lacagta bitcoinka ku qaban jiray oo markii dambe lagu soo ogaaday!

Sidoo kale nasiib xumadiisa wuxuu ahaa dadka ku faano kiribtada iyo inuu lacag heysto, kadib qaar hackers ah arkay oo computerkiisa u daatay oo lacagtii dhan ka dhacay mudo kooban kahor intaan la xirin.

Hadda waxaa laga yaabaa in xabsi daain lagu xakumo.

@MatxafkaTaariikhda

Matxafka Taariikhda

10 Aug, 14:56


14 MEELOOD OO DUNIDA KU TAAL OON LAGUU OGGOLAYN IN AAD BOOQATID

1- RAF Menwith Hill Waa saldhig sirdoon oo ku yaal Ingiriiska.

2- The Bohemian Groove Waa meel ku taal Kalifoorniya oo dadka koonkaan hoggaamiyaa ay sanadkiiba mar isugu yimaadaan. Dumarka looma oggola.

3- Snake Island Waxay ku taal Baraasiil. Masaska adduunka ugu qatarta badan baa ku nool.

4- The Coca-Cola Vault Waa halka lagu diyaariyo isku jirka laga sameeyo Coca-Cola. Dad fara-ku-tiris ah baa garanaya.

5- The Vatican Secret Archives Halka lagu keydiyo macluumaadka sirta ah ee Vatican-ka.

6- Aagga 51 Waa xarunta Ciidanka Cirka ee Maraykanka (USAF) oo si heer sare ah loo soocay, kuna jirta xanydaabka aagga Tijaabada iyo Tababbarrada, gobolka Nevada.

7- The Seed Vault safeguards Waxa uu ilaaliyaa nuqulka asalka ahe abuurka beeraha oo laga keenay ku dhawaad โ€‹โ€‹waddan kasta oo adduunka ah. Ujeeddadeedu waa in lagu ururiyo kaydka hidde-sideyaasha si loo sugo aasaaska saadka cunto ee mustaqbalka. Waxay ku taal dalka Norway. Dad fara-ku-tiris ah baa loo oggolyahay inay galaan.

8- Pine Gap Australia Waa saldhig sir ah oo xitaa diyaaraduhu inay dul maraan aan loo oggolayn.

9- Room 39 Waa xarun sir ah oo lacagaha qalaad iyo daroogada ku lug leh oo ku taal Waqooyiga Kuuriya.

10- The Lascaux Caves, France God 17,000 sano jira.

11- The Mormon Church Secret Vault Waxa la sheegaa in xarun diimeeddaas sirta ah ay ku keydsan yihiin wax ka badan saddex bilyan oo bog oo macluumaad qoysaska iyo isirrada dadka Maraykanka ah.

12- Google Datacenter Halka lagu keydiyo macluumaadka shirkadda google.

13- Church of Our Lady Mary of Zion Waa Kaniisad aan cidna loo oggolayn oo Itoobiya ku taal.

14- White Gentlemanโ€™s Club Waa naadi ku yaal Ingiriiska loona oggolahay inay galaan, oo keliya, reer boqor, dadka dunida ugu hantida badan, iyo dadka dunida ugu awoodda badan.

@MatxafkaTaariikhda

Matxafka Taariikhda

30 Jul, 05:03


PART TWO

3. Xisaabta :
Xisaabiyeyaasha Islaamka, sida Al-Khwarizmi iyo Omar Khayyam, waxay horumar la taaban karo ka sameeyeen aljabra, joomatari, iyo trigonometry. Buugga Al-Khwarizmi ee aljabra, "Kitaab al-Jabr wa al-Muqabala," ุงู„ุฌุจุฑ ูˆุงู„ู…ู‚ุงุจู„ุฉ ) waxa uu soo bandhigay habab nidaamsan oo lagu xalliyo isla'egta.

4. Daawooyinka iyo Farmashiistaha :
Culimadii Islaamku waxay gacan weyn ka geysteen daawaynta, iyaga oo ka duulaya hawlihii dhakhaatiirtii Giriigii hore iyo Roomaanka. Culimo ay ka mid yihiin Al-Razi (Rhazes) iyo Ibn Sina (Avicenna) ayaa qoray qoraallo caafimaad oo saameyn leh, iyaga oo ka hadlaya mowduucyo kala duwan

5. Falsafadda iyo Is-dhaafsiga Caqliga :
Filosoofyada Islaamka, sida Al-Farabi, Ibn Sina, iyo Ibn Rushd, waxa ay si qoto dheer wax ugu biiriyeen qaybaha falsafadda sida falsafada anshaxa, iyo metaphysics-ka. Waxay ku soo kordhiyeen fikrado falsafadeed oo Giriig ah oo ay la socdaan fikrado Islaami ah, iyaga oo fududeynaya is-weydaarsiga caqliga ee u dhexeeya dhaqamada iyo ilbaxnimada kala duwan.

Xilligii dahabiga ahaa ee Islaamka waxa lagu tilmaami jiray xiise maskaxeed, dulqaad, iyo u hiilinta culimo ee ay maamuli jireen madaxda Islaamku. Aqoonyahanada ayaa lagu dhiiri galiyay in ay ku dadaalaan aqoonta iyo in ay sameeyaan cilmi baaris, taasoo keentay guulo la taaban karo oo dhinacyo kala duwan ah. Muddadani kamay faaโ€™iidaysan oo keliya dunida Islaamka ee waxay sidoo kale saamayn joogto ah ku yeelatay muuqaalka garaadka casrigan caalamiga.

@MatxafkaTaariikhda

Matxafka Taariikhda

29 Jul, 13:30


PART ONE

ISLAMIC GOLDEN AGE ( during 8th to the beginning of 14th ).

Xilligii dahabiga ahaa ee Islaamku waxa u tilmamayaa xilli garaad iyo dhaqameed si mug leh u kobcay oo ka dhacay dunida Islaamka qarniyadii 8aad ilaa 14aad. Muddadaas, culimadii dunida Islaamku waxay wax badan ku soo kordhiyeen qaybo kala duwan oo ay ka mid yihiin cilmiga sayniska, xisaabta, caafimaadka, cilmiga xiddigiska, falsafada iyo suugaanta. Xilligii dahabiga ahaa ee Islaamku waxa u saamayn weyn ku yeeshay kobcinta aqoonta iyo gudbinta fikradaha adduunka oo dhan.

Qaar ka mid ah dhinacyada muhiimka ah iyo wax ku biirinta Xilligii Dahabiga ahaa ee Islaamka:

1. Ilaalinta iyo Turjumidda Aqoonta :
Culimadii Islaamku muddadaas waxay door muhiim ah ka ciyaareen ilaalinta iyo tarjumidda shuqulladii culimadii hore ee Giriigga, Roomaanka, Faaris iyo Hindida. Turjumaadahani waxay gacan ka geysteen in la xakameeyo farqiga u dhexeeya ilbaxnimooyinka kala duwan waxayna xafideen aqoonta qiimaha leh ee u socon doonta inay saameyn ku yeelato Galbeedka Yurub inta lagu jiro Renaissance,ga

2. Horumarka Xiddigiska :
Cilmiga xiddigiska Al-Farabi, Al-Battani, iyo Ibn Al-Haytham ayaa muddadaas wax weyn ku soo kordhiyey cilmigaas Waxay sifeeyeen Aaladaha cir-bixiyeenada, waxay hagaajiyeen miisaska xidigiska, waxayna sameeyeen cilmi-baaris muhiim ah oo ku saabsan jidadka samada, sida wareegga dhulka iyo daraasadda dayax-madoobaadyada.

@MatxafkaTaariikhda

Matxafka Taariikhda

23 Jul, 08:28


Tariikhdda la yaabka leh e diinta kirishtanka so martay waxaa kamid ah wadaadadodda inay billaabeen dadka inay ka gadaan warqado loogu dambi dhaafayo sanadku markuu ahaa1500 miilaadiga.

Qofka danbi walbo uu soo galo waxoo u imaanaya wadaad kaniisadda joogo kadibna lacag ayuu bixinaya waxa la siinaya warqad caddeynaysa in dambigisa la dhaafay(Indulgence)

Arintaas waxaa ka xumaaday nin la yiraahdo Martin Luthar oo Jarmal u dhashay, asago dareemay inuu cibaado u baahanyahay ayuu yimid wadanka Talyaaniga kadibna wuxu arkay xumaanti oo faaftay iyo wadadaddii oo diintii ka dhigtay ganacsi iyo lacag in laga sameeyo dadkana ay sameynayaan waxa ay rabaan kadibna danbi dhaaf gadanayaan

Wuxuu go'aansaday inuu diido waxaas uu ku tilmaamo dhaqankii Masiixu dajaaal oo loo soo diray diinta kirishtanka inuu bur buriyo, wuxuuna Aasaasay
Madhab la yiraahdo Protestant kaaso macno ahaan noqon karo kuwa kasoo horjeedo ama diiddan aragtida Catholica oo ahaa Madhabka ay haysteen kaniisadaha kirishtaanka oo dhan.

Waxyaabaha qosolka leh waxaa ka mid ah markaad wadaad u taktid wuxuu ku siinayaa warqad ay ku qorantahay booska aad janada ka galaysid iyo danbigaaga in la dhaafay.

Nin ayaa u yimid wadadd wayn oo howshaasi ka ganacsado wuxuuna ku yiri Naarta inaan wada gataan rabaa meeqaa iga siinaysaa ?

Dood dheer kadib lacag badan ayuu sheegtay wadaadki hase yeeshee ninkii lacag fiican ayuu haystay wuuna bixiyay , kadibna banaanka ayuu usoo baxay wuxuuna dadka ku yiri maanta kadib waxaad rabtaan sameeya oo xumaan ah, naarta anigaa gatay qof galayo danbe malahan.

Taasoo wadadaddii kirishtaanka ka nixisay waxayna ku qasbanaadeen lacag laba jibbaar ama 5 jibbaar inay bixiyaan si ninka uga soo ceshtaan naartii ay dadka ku cabsiin jireen.

@MatxafkaTaariikhda

Matxafka Taariikhda

20 Jul, 07:36


Boqortooyadii Ghana Empire/ู…ู…ู„ูƒุฉ ุบุงู†ุง

Badhtamaha qarnigii Afraad ee Miilaadiyada ayey ka soo ifbaxday dhulka u dhaxeeya lamadegaanka Saxaraha & dhul kaymeedka koonfur-bari ee waddanka Muriitaaniya.

Imbiraadoorkii ugu horreeyey ee xukunka qabta waxaa la odhan jirey "Kaz" boqortooyadan ayaa ka talin jirtey dhul baaxad leh laga soo bilaabo webiga Niger ilaa xeebta Atlaantigga intii u dhexaysay qarniyadii 4aadโ€“8aad iyadoo ay isaga kala dambeeyeen 20 boqor.

Boqortooyada Gaana waxay ka mid ahayd ilbaxnimadii hore ee Afrika weli ku faanto, ujeedadii loo aasaasay ayaa ahayd ka ganacsiga dahabka iyo milixda, waxay soo martay marxalado kala geddisan mid siyaasadeed iyo dhaqaalaba oo ay ugu muhiimsanayd xidhiidhkii ganacsiyeed ee ay la lahayd muslimiinta waqooyiga Qaaradda dagnaa.

Juquraafi ahaan dhulkii ay ku fidsanayd Boqortooyadii Gaana maanta wuxuu dhacaa dalalka; Maali, Muriitaaniya Gini, & Sinigaal, qarnigii 9aad waxaa xoogaystay faafitaanka Diinta Islaamka ee galbeedka qaaradda qaab ganacsi ah, muddo badan ka dib ciidamadii Muraabdiinta ayaa furtay xaruntii Gaana sannadkii 1076M. Ugu dambaynna ciidamadii qabiilka "Sosso" ayaa gugii 1203M xoog kula wareegey caasimadda "Kumbi Saleh".

@MatxafkaTaariikhda

Matxafka Taariikhda

14 Jul, 09:42


Marie curie waa Haweyneydii ugu horeysay ee ku guuleysata abaalmarinta Nobel prize ahna Qofka kaliya ee ku guuleystay Abaalmarinta Nobel prize labo field ama laba maado oo kala duwan oo science ah ( physics 1903 and Chemistry 1911) .

Waa haweyneydii ugu horeysay ee bare ka noqota jaamacadda Paris.
Iyada iyo seygeeda pierre curie oo ahaa fiisigisyahan faransiis ah ayaa si wada jir ah ugu guuleystay Nobel prize 1903 .
Waxay aheed ikhtiraacihii curiyayaasha polonium iyo radium oo ay ku mutaysatay Nobel prize 1911 .

@MatxafkaTaariikhda

Matxafka Taariikhda

21 Jun, 06:36


Komodo dragon waa xayawaan laga helo qeybo kamid ah jaziiradaha Indonesia, xayawaankan kiisa labka ah wuxuu gaaraa culeeskiisa 79-91kg, dhererkiisana wuxuu gaaraa 2.6m, halka dhedigiisa ay gaarto 68-73 kg, dhererkeedana yahay 2.3m.

Xayawaankaan ilkaha hoose ayuu sun kuleeyahay marka uu noole qaniino wuxuu ku fasaxaa jirka noolaha suntiisa taas oo baabi'iso xinjirowga dhiiga, sidaas darteed noolaha la qaniinay waxaa ka baxo dhiig faro badan maadaama uusan leheen xinjiro daariyo halka dhaawaca kasoo gaaraay sidoo kale noolaha wuxuu noqdaa curyaan aan dhaqaaqi karin, ugu danbeen xayawaanka la qaniinay oo dhintay ama aan dhaqaaqi karin ayaa waxaa u imaado komodo dragon sidaas ayuuna ku cunaa.

@MatxafkaTaariikhda

Matxafka Taariikhda

18 Jun, 15:51


Romanka marka ay xisaabta qorayeen wexey isticmaali jireen xarfo halka maanta tirada laga isticmaalo.

Tusaale 200 marka ay qorayaan wexey u qori jireen CC, marka ay xisaabta ku dar tahay ne 11+20+9=40 waxaa loo qori jiray XI+XX+IX=XL, taas oo qeyb weyn ka qaadatay qarniyaddi mugdiga ee reer yurub ugu danbeen saliibiyiinti reer yurub markii andalus ay (isbeyn, bortuqaal, gilbraltar oo ah qeyb ingiriiska kamid ah iyo koonfurta faransiiska) ay qabsadeen ayee luqadahooda ubadaleen xisaabti afcarabiga eheed ee muslimiinta isticmaali jireen.

Hadda qaab qoraalka xisaabta romanka waxaa inta badan loo isticmaalaa dharka sida shaatiyada oo marka aad aragtid shaati ay ku qoran tahay XL waa 40 cabirkiisa, marka aad aragtid mid ay ku qoran tahay L waa 50 cabirkiisa, iyo saacadaha qaar.

@MatxafkaTaariikhda

Matxafka Taariikhda

16 Jun, 05:47


ุชู‚ุจู„ ุงู„ู„ู‡ ู…ู†ุง ูˆู…ู†ูƒู… ุตุงู„ุญ ุงู„ุงุนู…ุงู„

Ciid wanaagsan dhamaan Asxaabta inagu xiran iyo Muslimiinta Meel walba aad joogtaanba alle ha idin xifdiyo,farxad kuciida.

Eid mubarak โœจ๏ธ ๐ŸŽŠ๐ŸŽ‰๐ŸŽ๐Ÿฅณ

@MatxafkaTaariikhda

Matxafka Taariikhda

21 May, 16:39


Rakahaan waxaa la dhahaa 'golden poison frog' waa rake sumeesan wuxuu ku nool yahay keymo roobaadka kolombiya inkastoo hadda uu sii dabar go'ayo, suntiisa wexey dili kartaa labaatan jiir ama toban qof.

Sunta wuxuu ku gudbiyaa maqaarkiisa oo keliya suntiisa waxaa kaa xigto in jirkiisa iyo maqaarkaaga ay isgaaraan, suntiisa daawo malaha sidoo kale marka ay sunta jirkaaga gaarto wexey naafeenee murqaha jirka oo dhan taas oo keento ugu danbeen in uu wadnaha ku istaago sidaasna aad ku dhimatid, arimahaas dhan wexey kugu dhacayaan toban daqiiqo gudeheed.

@MatxafkaTaariikhda

Matxafka Taariikhda

14 May, 16:50


Kabaha ciribta leh waxaa xiran jireen Fardo-fuuladdii xiliyadii hore gaar ahaan Fardo-fuuladdii Beershiya.

Sababta ay u xidhan jireen kabahan ayaa ahayd in ay si fudud ugu koraan fardaha sidokalena u maamulaan gaar ahaan marka ay warmaha gamayaan oo ay fardaha fankiisa( Fan= meesha faraska lagaga fadhiisto) ku taagan yihiin.

Intaasi kadib waxay ku faaftay qaarada Yurub oo dhan qarniyo badan ayey ahaayeen wax u gaar ah ragga waliba kuwa haysta hantida badan dadka bulshada sharafta ku dhex leh iyo boqorrada ayey u ahaayeen astaan lagu aqoonsado.

Qarnigii 17-aad markii la gaaray ayey dumarku bilaabeen xidhashada kabaha ciribta dheer xilligaas o ay dumarku bilabeen "Gender equality",ama inay ragga iyo haweenku ka sinaadaan dhinacyada nolosha.

Laga soo bilaabo xilligaas waxa xoog u xiran jiray dumarka halka ragguna aanay wax muhiimad ah siinin o ay si tartiib-tartiib ah iskaga daayeen ilaa ay ugu danbayna kabahaasi noqdeen astaan lagu garto dumarka.

@MatxafkaTaariikhda