Alle qofka tuugaa saddex jawab ayuu midkood siiyaa, oo wax la’aan ma dhigo addoomadiisa, ducadiisana wuu aqbalaa.
Mar ducadaada sida ay tahay ayaa loo aqbalaa
Marna waxaa lagugu dhahaa wali waqtigaaga lama gaarin oo qaddarta ma dhicin.
Marka saddexaadna waxaa la dhahaa wax ka wanaagsan waxa aad tuugayso ayaan kuu diyaarinay ee sugo.
Mmusa
10- Saddex Waji
Qof walba saddex waji ayuu leeyahay
Laba wuu muujiyaa oo waa laga arkaa, midna ma muujiyo oo isaga ayaa isku qaas yeelo.
Waji dunida ayaan tusnaa.
Wajina dadka aan danta ka leenahay si aan ugu dhawaano.
Midna cid ma tusno oo inaga ayuu nagu qaas yahay.
Mmus
11- Farxad doon
Haddii aad doonaysid in aad farxad ku noolaato yeelo Hadaf, dad iyo wixii kasoo harana ka har warkooda.
Mmusa
12-Adduunyo qiima laay
Adduunyada haddii ay qiima leedahay dadkii Alle doortay ee wanaagsanaa lagama qaateen, waxaa isku soo haray Munaafaqiin iyo Kufaar isku adeegaya oo is walaashanaya, iyo mu’min imtixaaman oo lagu imtixaamay mid u nasab sheegta diintiisa.
Mmusa
13-Kaligaa ayaad ahaanaysaa
Bilowga noloshaada wax walba waa kula jiraan, wax walbana waad haysataa, marka korriimada nolosha ay kuu bilaabato, Nolosha waxay bilowdaa in ay kugu riixdo Waddo aad kaligaa ku noqon doonto dunida ilaa maalinka ugu dambeeya noloshaada, Alle oo kaliya ayaan mar walba kaa harayn oo bilowgaaga ilaa dhamaadkaaga kula jira, isla isaga ayaana hadhow ku dhiganaya halka uu kuu doortay (Janno iyo Naar)
14-Salliga Nabiga scw
Qofki doonaya Laab dagan, Dambi dhaaf, kurbada oo laga feedo, isku buuqidda uu ka baxo, ha badiyo Salliga Nabiga Scw.
Mmusa
15-Xaqiiqda Nolosha
Xaqiiqda Nolosha ayaa ah mid ka kooban Farxad, Khibrad, Xusuus, iyo shallayto.
Wax walba oo wanaagsan, waa inoo Farxad
Imtixaan walba oo la kulano, waa inoo Khibrad
Waqti adag iyo mid wanaagsan oo aan soo marnayna, waa inoo xusuus
Xumaan ama arrin aan qaab xun u maamulnay oo cawaaqibkeeda aanan mahadina, waa inoo shallayto, oo mar walba waxaan ku hadaaqnaa haddii aan sidaa samayn lahaa, haddaan sidaa yeeli lahaa.
Mmusa
16-Asxaab xun
Waxaa la dhahay asxaabta xun oo kugu badataa micnaheeda waa maladaada xun ee ku aaddan asxabta wanaagsan oo badataa.
Mmusa
17-Dulqaadkaaga
Dulqaadkaaga oo bata, lagu daray riixidda ama cadaadis badan oo lagu saaro, wuxuu ku gaarsiiyaa maalin aad xitaa aamini waydo cudurdaarka dhabta ah ee qof kuu cudur daarto.
Mmusa