Dheef-rog (metabolism)
Cuntada aynu cunno waa la burburiyaa, oo maaddo kasta waxaa loo celiyaa waxa ugu yar ee ay ka samaysan tahay, tusaale ahaan kaarboohaydraydka oo ay ka mid yihiin burka, bariiska iyo sonkortu, marka la burburiyo waxaa ka soo baxa guluukoos; marka barootiinka la burburiyo cuntooyinka borootiinka ah sida hilibka iyo ukunta waxaa ka soo baxa maaddo loo yaqaan aysidh amiineed (amina acid); baruurta iyo dufankuna waxa ay noqdaan aysidh duxeed (fatty acid) iyo galaysirool. Habkan cuntada loo burburiyo oo laga dhigo waxa ugu yar ee ay ka samaysan tahay waxaa loo yaqaan dheefshiid (digestion), maaddooyinkii ka soo baxay dheefshiidka waa la nuugaa waxaana lagu daraa dhiigga, waxa ayna tagaan meel kasta oo ka mid ah jirka.
Unugyada kala duwan ee jirka ayaa qaata maaddooyinkii dhiigga dhex ku jira, si ay u dheefsadaan waxa ay unugyadu maaddooyinkaas ku sameeyaan falgallo kiimikeed, waxa ayna u beddelaan maaddooyin kale oo ay tamar ka dhalin karaan ama ay u adeegsan karaan samaynta waxyaabaha uu unuggu u baahan yahay, sida borootiinnada iyo dufanka qaybta ka ah dhismaha unugga, ama hormoonnada iyo insaymyada shaqooyinka kala duwan u qabta unugyada, sidoo kale unugyadu waxa ay burburiyaan maaddooyinkii duugga ahaa ee ay hore u isticmaaleen, walxaha burburkaas ka soo baxa wixii dib loo isticmaalo karo dib ayay u isticmaalaan oo walxo cusub bay ka samaystaan, wixii kale ee aan la isticmaali karin ama waxyeello lehna waxa ay sameeyaan isbedello kiimikeed, waxa ayna ka dhigaan kuwo laga saari karo jirka iyaga oo la raacsiinayo kaadida ama saxarada. Isbeddelladan kala duwan ee jirku ku sameeyo walxaha ayaa waxaa loo yaqaan dheef-rog (metabolism).
Dheefroggu waa waxa noolayaashu kaga duwan yihiin ma noolayaasha, waana waxa sababta u ah ee joogteeya nolosha, oo waxa uu unugyada jirka u suurageliyaa in ay koraan, is dayactiraan, tarmaan iyo in ay qabtaan shaqooyinka lama huraanka u ah jirka. Maaddooyinka uu jirku dheefrogga ku sameeyo waxa uu ka helaa cuntada, sida kaarboohaydaraydka, borootiinka iyo dufanka; macdanta iyo fiitamiinnaduna waxa ay jirka ka caawiyaan in uu adeegsado oo dheefrogo maaddooyinkaas.
Ereyga "metabolism" asalkiisu waa Giriig, macnihiisuna waa "beddelid/rogid", Carabigana waxaa lagu dhahaa "استقلاب" oo macnaheedu yahay "rogasho, geddisasho", guddigii ereybixinta xilligii kacaanka waxa ay "metabolism" ku ereybixiyeen "dheefsasho", balse "metabolism" ma aha dheefsasho keliya ee waa in walxaha aynu cunno loo beddelo walxo kale si uu u dheefsado jirku ama uu uga takhalluso oo uu jirka dibedda uga saaro.
Tusaale, marka aynu cunno dawo oo dawadu ay qabato shaqadii loogu talagalay, jirku waxkabeddel ayuu ku sameeyaa dawada, oo waa uu firfircoonitiraa oo burburiyaa, waxa uuna u beddelaa qaab suuragelinaya in laga saaro jirka si aysan dhibaato u geysan, waxkabeddelkan uu jirku ku sameeyay dawada ayaa waxaa loo yaqaan "drug metabolism", haddii la qaato ereybixinta guddiga, "drug metabolism" waxa ay noqonaysaa "dheefsashada dawada", oraahdanna ma aha mid saxan, sababta oo ah ujeedka uu jirku wax uga beddelay dawada ma aha in uu dheefsado ama ka faa'idaysto dawada, ee waa in uu dhibkeeda is dhaafiyo oo uu jirka ka saaro. Sidaas awgeed ereybixinta ku habboon "metabolism" waa "dheefrog/dheefrogid", oo macnaheedu yahay in jirku maaddooyinka kala duwan ee ku jira dheefta/cuntada uu u rogo/beddelo maaddooyin kale, si uu dheeftooda u helo, ama uu dhibkooda isu dhaafiyo.
Jaantuska hoose waxaa ku dhan dhammaan falgallada dheefrogeed ee uu sameeyo jirka noolayaashu, waxaa lagu muujiyay maaddo walba sida ay isu beddesho iyo waxa ay ugu danbayn noqoto.
saeed hassan