๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป @ikraam_cabdisalam Channel on Telegram

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

@ikraam_cabdisalam


1.bugaagta
2.gorfaynta buugaagta
3.kahadlida arimaha muhiimka u ah bulshadeena iyo diinteena

Fadlan nagu soo biir

5/may/2023

Waxaan doonayaa qaran
Qaran dhaama kii dumay
...gaarriye.

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป (Somali)

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป waa saldhigga Telegramka ee ugu horeysay ee laguugu soo darsanayo buugaagta, gorfaynta buugaagta, iyo kahadlida arimaha muhiimka u ah bulshadeena iyo diinteena. Kanalkan wuxuu ku siinayaa fursado dhamaystiran oo ku saabsan cilmiga iyo dhaqanka, islaamka iyo taariikhda bulshada Soomaalida.

Ikraam_baydan waxaa loo soo gudbin doonaa ilmada 5/may/2023, haddii aad rabto inaad ka heshid aqoon ku saabsan cilmiga dhaqanka iyo taariikhda Soomaalida, halkan waa goobtii ay ugu wanaagsan tahay.

Ku dar qaybtan si aad u hesho faa'iidooyinka dhamaystiran ee aad ka heli karto salaadda dhalashada iyo maalintaas oo ay ku jiraan waxyaabo aad u baahan tahay si aad u noqoto muwaadin u wanaagsan. Fadlan nagu soo biir si aad u heshid fursado aan dhamaystiran ku siinayno bulshada Soomaalida.

Ikraam_baydan waa qaran, qaran dhaama kii dumay, halkaas oo ka horyimaad dhamaystirka iyo kor u qaadista cilmiga iyo dhaqanka Soomaalida. Haddii aad rabto inaad ka faa'iideysid fursadaha cilmiga iyo dhaqanka, halkan waa meelaha ku habboon ee aad ka heli karto waxa aad rabto. Mar kale, fadlan nagu soo biir si aad u heshid aqoon dhamaystiran iyo iftiimiiyaha bulshada Soomaalida.

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

16 Jan, 18:42


โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚
    ๐Ÿฆ‹KOOXDA MIDNIMO๐Ÿฆ‹

Halkaan waxaa isugu keenay๐Ÿงญ
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.โฌ‡๏ธ

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข
@Lamaane24h ๐Ÿซ‚๐Ÿ’
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1

Waxaan heynaa kanaalo telegram oo iib ah nagala soo xiriir. @Gud_Kooxda_Midnimo

ยฉ๏ธโฌ‡๏ธKU BIIR โฌ‡๏ธยฎ๏ธ

https://t.me/addlist/ArM6oMtUs6I5NzBk

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

13 Jan, 10:16


โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚
    ๐Ÿฆ‹KOOXDA MIDNIMO๐Ÿฆ‹

Halkaan waxaa isugu keenay๐Ÿงญ
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.โฌ‡๏ธ

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข
@Lamaane24h ๐Ÿซ‚๐Ÿ’
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1

ยฉ๏ธโฌ‡๏ธKU BIIR โฌ‡๏ธยฎ๏ธ
https://t.me/addlist/npty4u0KCgFiYzg0

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

02 Jan, 18:17


โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚
    ๐Ÿฆ‹KOOXDA MIDNIMO๐Ÿฆ‹

Halkaan waxaa isugu keenay๐Ÿงญ
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.โฌ‡๏ธ

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข
@Lamaane24h ๐Ÿซ‚๐Ÿ’
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1

ยฉ๏ธโฌ‡๏ธKU BIIR โฌ‡๏ธยฎ๏ธ
https://t.me/addlist/npty4u0KCgFiYzg0

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

26 Dec, 18:15


โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚
    ๐Ÿฆ‹KOOXDA MIDNIMO๐Ÿฆ‹

Halkaan waxaa isugu keenay๐Ÿงญ
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.โฌ‡๏ธ

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข
@Lamaane24h ๐Ÿซ‚๐Ÿ’
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1

ยฉ๏ธโฌ‡๏ธKU BIIR โฌ‡๏ธยฎ๏ธ
https://t.me/addlist/npty4u0KCgFiYzg0

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

23 Dec, 10:12


โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚
    ๐Ÿฆ‹KOOXDA MIDNIMO๐Ÿฆ‹

Halkaan waxaa isugu keenay๐Ÿงญ
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.โฌ‡๏ธ

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข
@Lamaane24h ๐Ÿซ‚๐Ÿ’
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1

ยฉ๏ธโฌ‡๏ธKU BIIR โฌ‡๏ธยฎ๏ธ
https://t.me/addlist/npty4u0KCgFiYzg0

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

19 Dec, 17:41


โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚
    ๐Ÿฆ‹KOOXDA MIDNIMO๐Ÿฆ‹

Halkaan waxaa isugu keenay๐Ÿงญ
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.โฌ‡๏ธ

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข
@Lamaane24h ๐Ÿซ‚๐Ÿ’
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1

ยฉ๏ธโฌ‡๏ธKU BIIR โฌ‡๏ธยฎ๏ธ
https://t.me/addlist/npty4u0KCgFiYzg0

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

16 Dec, 10:10


โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚
    ๐Ÿฆ‹KOOXDA MIDNIMO๐Ÿฆ‹

Halkaan waxaa isugu keenay๐Ÿงญ
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.โฌ‡๏ธ

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข
@Lamaane24h ๐Ÿซ‚๐Ÿ’
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1

ยฉ๏ธโฌ‡๏ธKU BIIR โฌ‡๏ธยฎ๏ธ
https://t.me/addlist/npty4u0KCgFiYzg0

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

12 Dec, 17:44


โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚
    ๐Ÿฆ‹KOOXDA MIDNIMO๐Ÿฆ‹

Halkaan waxaa isugu keenay๐Ÿงญ
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.โฌ‡๏ธ

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข
@Lamaane24h ๐Ÿซ‚๐Ÿ’
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1

ยฉ๏ธโฌ‡๏ธKU BIIR โฌ‡๏ธยฎ๏ธ
https://t.me/addlist/Nx8yzuvP7vtmOWQ0

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

09 Dec, 11:12


โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚
    ๐Ÿฆ‹KOOXDA MIDNIMO๐Ÿฆ‹

Halkaan waxaa isugu keenay๐Ÿงญ
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.โฌ‡๏ธ

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข
@Lamaane24h ๐Ÿซ‚๐Ÿ’
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1

ยฉ๏ธโฌ‡๏ธKU BIIR โฌ‡๏ธยฎ๏ธ
https://t.me/addlist/Nx8yzuvP7vtmOWQ0

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

05 Dec, 17:50


โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚
    ๐Ÿฆ‹KOOXDA MIDNIMO๐Ÿฆ‹

Halkaan waxaa isugu keenay๐Ÿงญ
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.โฌ‡๏ธ

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข
@Lamaane24h ๐Ÿซ‚๐Ÿ’
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1

ยฉ๏ธโฌ‡๏ธKU BIIR โฌ‡๏ธยฎ๏ธ
https://t.me/addlist/Nx8yzuvP7vtmOWQ0

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

05 Dec, 17:44


โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚
    ๐Ÿฆ‹KOOXDA MIDNIMO๐Ÿฆ‹

Halkaan waxaa isugu keenay๐Ÿงญ
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.โฌ‡๏ธ

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข
@Lamaane24h ๐Ÿซ‚๐Ÿ’
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1

ยฉ๏ธโฌ‡๏ธKU BIIR โฌ‡๏ธยฎ๏ธ
https://t.me/addlist/Nx8yzuvP7vtmOWQ0

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

05 Dec, 17:44


Ikraam

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

02 Dec, 10:07


โ– โ–‚ โ–„ โ–… โ–† โ–‡ โ–ˆ - โ–ˆ โ–‡ โ–† โ–… โ–„ โ–‚
๐Ÿฆ‹KOOXDA MIDNIMO๐Ÿฆ‹

Halkaan waxaa isugu keenay๐Ÿงญ
Kanaalada somalida ugu wanaagsan
Uguna tayada sareeyo si aad waxbadan uga faa'iido kubiir.โฌ‡๏ธ

@Caashaq15
@Qalpijaceyl42 ๐Ÿ’”๐Ÿ˜ข
@Lamaane24h ๐Ÿซ‚๐Ÿ’
@Riyooyinkeena56?
@NAFTEENNA1
Hadii aad heysid kanaalo beec ah ama aad iska gadeysid ila soo xiriir. @Gud_Kooxda_Midnimo
ยฉ๏ธโฌ‡๏ธKU BIIR โฌ‡๏ธยฎ๏ธ
https://t.me/addlist/cWuyKTjauCE1Zjg0

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

09 Aug, 05:16


Nuun waa buug caawin kara qofkastoo akhriska bilaabaya ,Sidoo kale wuxuu caawin karaa dadka jecel in ay wax qoraan ,Dhexdiisa waxaa ku jirta xog fara badan .

Waana buugga asbuucaan .

Saaxiibayaal isku soo noqod wanaagsan ,Hagaag farabadan baan idiin rajaynayaa.

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

08 May, 08:44


Waa hirar adduunkuye
Marbay ii hagaagtaa
Kolalbaan hayaamaa
Hadafkayga qeexaa
Marbaa hawlahaan wado
Hambalyeyn ka dhalataa
Habeenaan cidloodaa
Cuntadana habaraa
Hooyaday agteediyo
Hoygii u xiisaa
Wax walboo hagaagsani
Marbay iga hallaabaan
Kolbaan hoos u ooyaa
Hiq_hiqdeyda qariyaa
Hawlaha adduunyada
Marbay higil isaaraan
Oon hadalka waayaa
Marbaa heeco saan ahay
Haa oo kali iraahdaa
Haye uun ku koobaa
Wax kastoo aan haystaa
Mararbaa hujuumaa
Kolalbaan hiloobaa
Hawadii wacnaydiyo
Halkii aan ku koray iyo
Burtinle u heesaa
Marar baan hanqaarmaa
Hurdo dheer ku raagaa
Waatuu hadraa yiri
Nafta haysan maynee
Hibo iyo itaalkay
Hadba waan soconayaa

~~karaama

Qormadii (33)

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

16 Apr, 11:24


Waa shaqsi gob ah ,oo af gaaban sheekadeeda kama xiiso dhacaysid,astaamaha aan ku jeclahay waxaa kamida kaliya waxay kula falanqaynaysaa intay taqaan waxay hadashaa aqoonteeda ,dadku waa seddex;dad markay hadlayaan dad ka hadla,dad dhacdooyin falanqeeya iyo dad afkaaro falanqeeya .Baydan waxay ku jirtaa qoloda ugu danbaysa. Ma xirxirna laakiin deegaankaa faray in ay inta badan aamusnaato taasna waxaad ogaanaysaa goortaa isbarataan ,Baydan dhalinyaradii ay la kacaantay way ka duwanayd ,oo markii ay dhalatay waxay la noolayd xaalad gaar ah taas baa sababtay in ay bulshada kala kulanto faquuq ,cay,dagaal iyo nooc walboo aflagaaddo ah ,waxaaba ugu darnaa dadkaas baydan caydeeda kala horarsan jiray siday ajar ku helayaan qayb kamida qoyskeeda, iyadu waxaa dan kama gasho waxayna awoodda saadhay waxbarashadeedii iyo danaheedii ,waa shaqsi leh saaxiibo dhawr ah laakiin weligeed aysan midna u daacad waramim oo waaba sunaha nolosha qof walba siraa laabtiisa ku kaydsan,mana uu rabo in uu cid la wadaago.
Mar ay nafteeda uga cabanaysay bulshada faquuqda bay hoos iskula showdhay ;

โ—Qalbigu hadal uu damqaday
โ—Intee jeer laygu duray
โ—Intee ficil aanan doonin
โ—Bulshadu ila doonatoo
โ—Dubaaxshay intaan dardhaday
โ—Muxuu qalbigaygu diiray
โ—Maxay ilin daamankayga
โ—Dareerto waa i qoysay
โ—Ayaan u dacwoonayaa
โ—Dunida waxa igu dhacaa
โ—Ilaah baa doorayee.
Waxay laabteeda ku haysaa cabashooyin badan laakiin marna cidna lama wadaagto kaliya waxay cabashooyinkaa la falanqaysaa nafteeda markale iyadoo nafteeda samir faraysa bay waxay iskula showdhay ;

โ—Maxaa i cusleeyey Hawlo
โ—Maxaa waqti igu cartamaya
โ—Maxaa cilad ila caweysay
โ—Maxaan ciishoodayoo
โ—Caweyska Maxaan fakaray
โ—Muxuu caqligay shaqeeyey
โ—Dhibaan caawimaad u waayey
โ—Kashayda maxay cuslaysay
โ—Maxaan waa calool nuglaaday
โ—Intaan dhoolaha cadeeyey
โ—Camiray farxad oo is giijay
โ—Culayska naftaan ku koobay

Taa macnaheedu maahan Baydan inay u dulqaadan la'adahay waxyeelada bulshada ee qofkasta waxa lagu dhaliilo in uu bedeluu jecel yahay laakiin waa yaabee Baydan sidee bay cilad ay ku dhalatay ubedeshaa . bulshadeenuna ma aqbali karto qof ka duwan, hadda Baydan waa 18 jir laakiin wax walba way is badaleen oo waxaa yimid haadkii siday nasiibka Baydan waxaa soo bidhaamay shay ay mar walba naawilaysay in ay hesho waxaa dalka timid eedadeed cambaro xaaji waxayna Baydan ugaysay dhakhtar ku yaal magaalada Muqdisho, waxaana loo sheegay in ciladeeda wax laga qaban karo ,lana daaweyn karo ayna la mid noqon karto dhalinyarada caadigaa Baydan iyadoo hadalkaa dhakhtarka ku niyad san bay nafteedii ay la showri jirtay ku tiri;
โ—Maalmay ladnaan noloshu
โ—Miriray ku maamuusi
โ—murugaad kasoo mayran .

Baydan waxaa lala tacaalay xalaadeedii ,waxaana soo baxday quruxdeedii gabarnimo ,waxayna sii wadatay waxbarashadeedii oo markaas ay ahayd fasalka 4aad ee dugsi sare ,waxaa Baydan xaaladeedii la ashqaraaray Bulshadii aflagaadayn jirtay ,waxaana dadkaa ugu darnaa warsame oo isagu Baydan xariir wadaag la'ahaa waayo hore .
Warsame wuxuu labo sano ka hor Baydan usoo bandhigtay xariir baydana iyadoon ka labolabayn bay ka aqbashay maadaama ay ahayd gabar guur u joog ah waxbarashada iyo guurkana aysan u arkayn wax caqabad isku noqon kara ,warsame goortii uu ogaaday in ay Baydan dhiniciisa noqotay buu xiriirkii dhankiisa ka gaabiyey taas waxaaba ka daran wuxuu soo raacay bulshadii faquuqi jirtay.
Markuu arkay Baydan oo soo kabatay kuna labisan quruxdeedii gabarnimo waxaa galay damac ,wuxuuna go'aansaday in uu xiriirkii dib usoo celiyo ,wuxuuna raadiyey baydan si uu xariirkoodii labo sano ka hor galbaday usoo celiyo, laakiin warsame wuxuu iloobay Baydan in ay tahay qof qalbi wanaagsan ayna doonayso qof qalbi wanaagsan kaliya ,wuxuu iloobay Baydan in ay soo martay xaalad la faquuqay iyadoon cilad weyn qabin aysana doonayn qof damiirku ka bahaloobay oo dadka abuuristooda ku caaya ee ay doonayso qof cid walba sidooda kula macaamila. Baydan iyadoo u jawaabaysa warsame bay tiri;

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

16 Apr, 11:24


โ—Shay aanan heli karin
โ—Shax marka aan dagi karin
โ—Soo adigaan ku shoogee
โ—Igu shaan badeeyee
โ—Shib ku yiri is qaadkee
โ—Ku shiraacdayee tagay
โ—Markii aan shirkaagiyo
โ—Rabay sheekadaadii
โ—Waadigii is shiiqshee
โ—Waxba hay shabaaxtamin.


Qormadii (32)

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

04 Apr, 16:53


In aad rumaysi hadafkaaga waxaa kaa xiga qorshe maalmeed aad ku dhaqanti maalin walba si aad u gaarti riyooyinkaaga .
Riyo walba waxaa lagu rumeeyaa talaabooyin lagu celceliyo oo maalin walba dhaca .
Anaguna waxaanu kuu diyaarinay qorshe maalmeed ka kooban labo bilood kaas oo aad kasoo daabacan karti meesha aad joogti ama aad ku dhex isticmaali karto mobeelkaaga ,waxaan kaloo kusoo samaynaynaa haddii aad rabti qorshe maalmeed qurux badan adiga oo sheeganaya naqshada rag iyo dumarba.

Nagala soo xariir :@Ikraam_Abdisalam
0907357306

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

31 Mar, 16:42


Waanku salaamay saaxiib.


Waxa uu odhanayaa zorba-ha riwaayadda ku jiraa ,dadka qaar waa xor madax bannaan ,in badanina waxa ay isu maleeyaan in ay xor yihiin maadaama ay arkeen qoolkii oo qoortooda kayara debcay!

I rumayso haddii aan ku iraahdo, qofku wuxuu helayaa xorriyad u dhiganta hadba inta uu ilaahay addoon u noqdo.
Markasta oo uu qofku hal jaranjaro kor u fuulo addoonimada uu rabbigii isu dhuldhigayo ,ruuxdiisa ayaa kor u fanata jaranjarada xornimada.
Liddiguna waa sidoo kale oo markasta oo uu qofku ka fogaado addoonimada Rabbigiis , wax kale ayuu addoon u noqdaa !.
Khasab maahan in aad wax u sujuuddo si aad addoon ugu noqoto, ee waxaa kugu filan in aad noqoto maxbuus waxaas u xidhxidhan uun.
Xilku mar ayuu qofka macbuud u noqonayaa, Hantiduna mar ayey qofka ilaah u noqonaysaa yaanu uba sajuudin'e .

Caadooyinka iyo dhaqannadana sidoo kale way dhacdaa in ay mar dadku ilaah ka dhigtaan.
Saaxiib ;dadka waxaa ugu xorriyad badnaa nebiyadii , maadaama ay ahaayeen kuwa ugu addoonimada badnaa dhanka rabbigood.
Innaguna markasta oo aanu ka ag dhawaano heerkaas iimaanka nebiyada, waa aynu xoroobaynaa.
Marka aan u fiirsado sooyaalka bilaal binu rabaax, waxa aan dareemaa in uu dhaaday dhadhanka xorriyadda ,ka hor intii aanu Abuubakar gadan oo aanu xoraynin.
Isla markii uu bilaal iimaanka la yimidba ,ruuxdiisa wuu ka furfurmay dabarkii addoonimada waxaana uu noqday xor madax bannaan!.
Markii uu Umaya ibnu khalaf inta uu dharka ka feydey dul jiifiyey ciidda kulul ee Maka, ee uu karbaashka iyo jeedalka la dhacayey si uu uga soo laabto diinta Nabi Muxammad scw isaguna uu sida cariigsiga iyo qaneecada leh u lahaa "AXad! Axad!"markaas Umaya jirkiisa oo keliya buu lahaa bilaalna ruuxdiisa isaga ayaa lahaa .
Xorriyadduba waa in uu qofku ruuxdiisa hantiyo .
Abuubakar waxa keliya ee uu sameeyey waa in uu siiyey Bilaal rasiidh uu jirkiisa kaga xorreeyey addoonimada .
Ruuxdase bilaal iimaankiisa ayuu ku xoreeyey in badan ka hor xornimada jirkiisa .


Nabaadiino saaxiib.

Qormadii (31)

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

23 Feb, 15:24


Apps faaido leh;
1. Muslim muna : waa app aad ka akhrisan karto adkaarta subaxdii iyo galabtii wuxuuna ukala habaynayaa si aadan ku caajisayn ee aad jeclaanaysid ,sidoo kale appkaan Salaad kasta wuu adimayaa oo salaada xiligeeda waad ku ilaalin kartaa haddaad ugu talo gashid.
2. Tasbeeh: waa app aad ka akhrisan karto dikrigaaga maalinlahaa wuxuuna ku siinayaa saacado/xisaabiyayaal tiro badan oo middii aad rabto aad dooran karto kuna akhrisan karto dikrigaaga.
3. Good readers : waxay danaysaa akhriska iyo akhristayaasha
4. Ibrinks: waxaa adeegsada aqoonyahanada cilmi baarista.
5. ู…ู†ุทูˆู‚ :waxaa ku jira kitaab tiro beel oo carabi ah waxaadna u dhagaysan kartaa podcast ahaan .
6. My habits: waa app aad ku dajisan karto qorshayaashaada maalinlahaa .



Qormadii (30)

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

18 Jan, 08:35


Marka la joogo hormarka qofka saddex meelood baa u baahan in uu qof walba ku dadaalo dhisiddooda si uu u dareemo hormar dhan walbaa;
1. Ruuxda
2.caqliga iyo
3.jirka
โ€ขdhisidda ruuxdu waa in uu qofku ku dadaalo cibaadadiisa iyo daahirnaanta naftiisa walow uu qofku aadame yahay oo uu gafayo haddana waa in uu nafta la galaa halgan joogtaa oo uu san marna naftiisa isku dhiibin,ilaahayna waa mid naxariis badan oo markii aan gefno haddaan usoo laabano nagu farxaya.
โ€ขdhisidda caqligu waa in uu qofku naftiisa kobciyaa aqoonteeda iyo il dheer garadnimadeeda,waa in uu qofku naftiisa iyo caqligiisa xogo kala duwan oo maadi iyo diiniba leh ku quudiyaa ,waa in uu qofku kor uqaadaa wacyigiisa iyo ogaalkiisa .
โ€ขdhisidda jirku waa in uu qofku ka warqabaa caafimaadkiisa ,in uu qofku quutaa cunto dheellitiran ,in uu qofku sameeyo jimicsi ,in uu qofku marwalba ahaado nadiif agagaarkiisana uu ku dadaalo in uu nadiif noqdo.

Qormadii(29)

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

09 Jan, 15:29


Diktoor joseph la yiraahdo oo ka tirsan jaamacada New york oo ku takhasusay maskaxda aadamaha ayaa sheegay in meesha la yiraahdo Amygdala ee ka mid ah qaybaha maskaxdu ay maamusho habdhaqannada caadifaddeeda ee qofka oo dhan ,waxaana ay sii go'aamisaa falcelinta qofka iyada oo aanay maskaxda soo jeeda ee weeleeyaha ahi weli go'aan gaarin . Qaybtana waxa ay u shaqaysaa sida kaaamarada waxa ay duubtaa wax kasta oo ay ishu aragto inta uu qofku noolyahay .
Waxay ay qaybtani si fiican u kortaa xilliga uu ilmuhu uurjiifka yahay iyo xilliga dhallaannimada ee uu yaryahay .
Sidaas daraadeed ayey qolyaha cilmi nafsiga u yiraahdaan "I tus ilmo yar oo aad siisay daryeel iyo naxariis fiican shantii sanno ee ugu horraysay noloshiisa, waxa aan ku tusayaa aadame marka uu weynaado dhankasta ka dhamaystirane "

Jiraalkay 1


Qormadii (28)

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

16 Dec, 15:08


GEESIYAAL TAARIIKHDA GALAY .
Buugaan waa buug taariikh ah waa buug marka la eegayo ama gacanta lagu hayo kooban laakiin marka loo dhaqaaqo akhrintiisa aan laga geyoonayn cilmiga ku dhexjira waa buug ay ku xardhanyihiin baalashiisa taariikhda geesiyaal usoo halgamay sidii ay u ilaalin lahaayeen diinteena suuban iyo ehelkeedaba .
Waa Buug soo koobaya taariikhda islaamka qayb wayn oo kamida sidoo kalana iftiimanaya taariikhda haldooro geerida u doortay si ay u muujiyaan quruxda iyo xaqnimada islaamka .
Waa Buug dhalinyarada maanta joogta u sheegaya in uusan islaamku siduu maanta u tabardaran yahay uusan waligii ahayn ee uu waqti aad u badan soo taliyey sidoo kale intaa ku dhexjirti Buugaan waxaad ogaanaysaa in qofka dhalinyarada ee maanta nool ee muslimkaa ay saaran tahay masuuliyad baaxad leh maadaama uu yahay qof haysta diintii xaqa ahayd ,wuxuu si dadban iyo si muuqataba inoogu sheegayaa in qofka muslimkaa ay sharaftiisu ku jirto in uu ku dhegenaado diintiisa xaqa ah

Taariikhdu waxay dadka bartaa casharo.

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

11 Dec, 15:08


Waxyaabaha wanaagsani qarsoonidooda ayey ku toolmoon yihiin.
In aad dad dhexdooda qof kula talisaa waa fadeexayn .
In aad dad dhexdooda qof ku waanisaa waa durid .
In aad meel mahwi ah qof deeq ku siisaa waa karaama dil .
Balse sadaqadda qarsoodiga ahi qofka way baahi tiraysaa qiimigiisana liidi mayso .
Waligaa wanaag aad si qarsoodi ah usamayn karayso si muuqata ha u fulin!
Ha u baqin nasiibkaaga marka aad sida qarsoon samaha u samaynayso .
Ubaxa uduggiisa waa la carafsadaa , xitaa haddii aan loo qasdiyin.
Cadceedda kaaheeda wax ayaa lagu arkaa ,iyada oo haddana ay daruuro dabooleen oo maalinwaa ay tahay.
Roobka raadkiisa waa la arkaa xitaa haddii aanu qof walba sidiisa ugu di'in.
Wabiga waa la mahadiyaa,haddana aamusnaan ayuu daadkiisu u mulacyeeyaa.
Geedka waa la jeclaystaa haddana aamusnaan ayaa mirihiisa lagaga halabsadaa !!

Buugga casariye bogga 17
Waxaa qoray adham sharqaawi
Waxaa afnaqay aadan sahan

Qormadii (27)

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

16 Nov, 07:58


Waa maxay akris?


Akhrisku waa daalacasho iyo fahamka wax qoran ama daabacan
"Marriam webstar dictionary "

Akhrisku waa ku dhaqaawiqada ereyo qoran ama daabacan "cambridge dictionary "

Akhrisku waa habka loo dhuuxo dhigane ama ereyo meel ku dhigan
Loona dhugto nuxurka ku dheehan
"Aadan sahan"

Akhrisku waa quudinta, kobcinta, kor uqaadida iyo qimaynta maskaxda sida jirku uu ugu baahan yahay cunto iyo cabitaan maskaxdeenuna waxay ubaahan tahay akhris qofka akhriska waqti u waayana wuxuu la midyahay qof cunada iyo cabitaanka aqris u waayey.

Akhrisku waa furaha aqoonta iyo ilbaxnimada.

Akhrisku waa mid kamida hilinada aqoonta loogu arooro.


Waa maxay muhiimada akhrisku leeyahay?


1.Faylasuufkii faransiiska ahaa ee voltaire ee noolaa intii udhexaysay 1694__1778 ayaa waxaa maalin la weydiiyey yaa insaanka hogaamin doona waxaa uuna ku jawaabay kuwa yaqaan sida wax loo akhriyo.

2. Akhrisku waa mid kamida qaababka uu qofku maskaxdiisa uga faaidaysan karo
3. Akhriska waxaad ka helaysaa macluumaad tira badan kuwaas oo kobcin kara garaadkaaga iyo wacyigaaga
4. Akhrisku wuxuu gabi ahaan bedelayaa noloshaada,habfikirkaaga iyo aragtiyahaaga
5. Akhriska waxaa laga dhaxlaa indheer garadnimo macnaha indheer garad waa qof wax badan og
6. Allah subxaana watacaalaa waxaa uu ku dhaartay qalinka sidoo kale aayadihii ugu horeeyey oo uu kusoo dajiyey nabiga๏ทบ waxay ahaayeen kuwa ka hadlaya akhriska iyo aqoonta taasina waxay muujinaysaa ahmiyada iyo sharafta akhriska.
7. Waxaad baran kartaa meelo badan oo aadan weligaa tagin kaliya adigoo akhrinaya warbixino ku saabsan.
8. Akhrisku waxaa uu ka qayb qaataa isku xidhnaanta bulshada iyo wada jirkooda.
9. Akhrisku wuxuu yareeyaa wel welka .
10. Waxaad ku baran kartaa adiga oo gurigaaga jooga dhaqamada dadka dunida jooga iyo sida ay ukala dagaan



Waa kuma akhriste?

Waa qof walba oo wax akhriya ha ahaato buug joornaal ama wax kale.


Akhriste waa qof akhriya waxyaabo kala duwan.

Astaamaha akhtistaha wanaagsan.

1. Akhristaha wanaagsan waa kan doorta waqti ku munaasiba akhriskiisa.
2. Akhristaha wanaagsani waa kan akhrista wax aynigiisa ama heerkaa uu taagan yahay ah
3. Akhristaha wanaagsani waa kan akhriskiisa kala duduwa
4 . Akhristaha wanaagsani waa kan garanaya sababta uu wax u aqrinayo .

Ikraam karaama
Qormadii(26)

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

12 Nov, 16:14


Buuga asbuuca๐ŸŒน

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

12 Nov, 16:12


Geesiyaal taariikhda galay๐ŸŒน

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

08 Nov, 14:21


Maanta darteed oo kali ah

Maanta darteed oo kali ah ayaan u faraxsanaan doonaa .

Maanta darteed oo kali ah ayaan nafsadayda ka dhigayaa sida ay tahay balse iskuma dayayo in aan ka dhigo sida aan jeclahay naftayda ,qoyskayga,waxbarashadayda ,asxaabtayda iyo nasiibkaygaba sida ay yihiin ayaan ku qaadan .

Maanta darteed oo kali ah jirkayga waan hagaajinayaa,jimicsanayaa, qurxinayaa,nafaqaynayaa waxaana ka dhigin qalab dhamaystiran oo leh qiimo gaara .

Maanta darteed oo kali ah ayaan isku dayin in aan maskaxdayda xoojiyo wax waxtar lehna aan barto ka dhigi maayo maskaxdayda mid iska daba wareegaysa oo wixii ay doonto ku fikirta waxaan akhrinayaa wax ubaahan dedaal,feker iyo diirad saarid .

Maanta darteed oo kali nafsadayda tababar ayaan usamaynayaa qof ayaan wanaag usamaynayaa waxaana aan ku dadaalin in aysan cid ogaanin waxaana kaloo samaynin labo waxyaalood oo aanan jeclaysanayn samayntooda .

Maanta darteed waxaan noqonayaa qof fiican muqaalkayga ugu qurxoon ayaana samaynin sida ugu qurxoon ayaan u labisanayaa si dagan ayaan u hadlin si edeb leh ayaan u dhaqmin si waasaca ayaan dadka u amaanin cidna ma dhaliilayo cidna khaladaadkooda iyo daldalooladooda raadin mahayo isku dayi mahayo in aan qofna xukumo .

Maanta darteed oo kali ah waxaan u noolaan maantay oo kali ah dhibaatooyinkoo dhan halmar wada wajihi maayo waxyaabo badan ayaan 12 saac gudahood ku samayn karaa kuwaas oo hadii aanan samayn nolosha welwel iiga dhigi kara .

Maantay darteed barnaamij ayaan samaysan waxaana isku dayin in aan qoro saacad walba iyo waxa aan ku qabtay waa laga yaabaa sida saxda ah in aanan u raacin balse waa ii dagsanaanayaa qorshahaas labo rabsho oo kali ah ayaana iga baabi'in kara qorshahaas waana โ—deg_deg iyo โ—go'aan xumo.

Maantay darteed oo kali ah nus saac ayaan meel ku nasan oo ku istereexin weliba aniga oo kaligay ah mar ilaahay awoodiisa ayaan ku fakarin marna sidii aan noloshayda dhankasta uga hormarin lahaa .

Maanta darteed oo kali ah ma aan cabsan doono gaar ahaan kama cabsan doono in aan farxad sameeyo, quruxda nolosha in aan ku raaxaysto jacayl ayaan u muujin iyo in aan aamino dadka aan jeclahay iyaguna i jecel yihiin.

Buuga : how to stop worry....

Ikraam Karaama(25)

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

01 Nov, 08:55


DIGNIIN DIGNIIN DIGNIIN

Shaahu waa mid ka mid ah cabitaannada ugu caansan adduunka, waxaana lagu qiimeeyaa dhadhanka, udgoonka, iyo faa'iidooyinkiisa caafimaad; se maanta waxa aan la kulmay xog ku saabsan shaaha oo maskaxdayda gilgishay. Dhawaan ayaa la ogaaday in warqadda shaaha ee Soomaalidu u taqaan "Liptonka" ay ku jiraan kiimikooyin khatar ah sida Epichlorohydrin iyo Chlorine bleach.

Epichlorohydrin waa kiimiko khatar ah oo sababta kansarka. Mid ka mid ah shaybaarada ugu caansan dunida ee gudaha U.S.A (OSHA) oo ka faallooda khataraha kiimikooyinka ayaa ku tilmaamay sun halis ah oo keenta kansarka. Suntan waxa laga helaa warqadda yar ee caleemaha shaahu ku jiraan, iyo weliba xadhigga dunta ah. Alhuumada ugu weyna waa: waxay noqotaa mid firfircoon marka lala xiriiriyo biyaha kulul! Haddii waraaqda shaahaagu ay caddahayna, waxay u badan tahay in sidoo kale lagu caddeeyey koloriin!

Inta badan kiishashkan yaryar ee shaahu waxa ay ka samaysan yihiin saddex nooc: balaastiig, warqad, ama naylon; Laakiin saddexdoodaba waxa ay halkii koob oo shaah ah ku siidaayaan 11.6 bilyan microplastics ah (microplastics-ku waxa ay dilaan unugyada ama waxa ay hab qaldan u korriyaan ugugga, taas oo aakhirka keenta kansar), sida lagu sheegay daraasad ay sameeyeen cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda McGill ee dalka Canada.

Dhan kale, sida ay sheegtay Hay'adda Caalamiga ah ee Cilmi-baadhista Kansarka (IARC), suntan keenta kansarka (Epichlorohydrin) waxa ay aad ugu badan tahay kiishashka warqadaha ah (paper tea bags), oo ah warqadaha shaaha ugu badan ee Soomaalidu adeegsato, gaar ahaan shaah caano-geelka iyo libtonka labadaba!

Haddaba, maxaa xal ah?

Waxa la sheegay in shaaha caadiga ah (rinjiga lagu kariyo) aysan ku jirin "Epichlorohydrin" sababtoo ah waxa kaliya ee aad iibsaneyso waa shaah saafi ah. Shaaha lagu kariyay caleenta caadiga ah waxa uu leeyahay tayo, dhadhan iyo udgoon aan laga helin kan caleentiisa la xaddiday ee dhadhankiisu yar yahay. Dhanka kale, Soomaalida cudurka ugu badan ee sannadahan dambe ku dhaca waa kansar. Waxa ay isticmaalayeen kiimikadan sannado badan, ilaa haddana waa la isticmaalaa; weliba hadda si xawli ah ayaa loo adeegsadaa!

Haddaba, adigu naftaada mas'uul ka noqo (ganacsadaha dibadda ka keenayana naftaada masuul kagama ah, kan shaaha kaa iibinayana waa la mid) oo ku bilow naftaada in aad joojiso maanta kaddib in aad cabto shaah warqadahan ku dhex jiraan. Haddii guriga kartoomo kuu yaallaan qub ama gub. Ehelkaga, iyo asxaabtaadana uga dig.




Waxaa qoray Axmed A. Qaydare

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

20 Oct, 21:28


Buugii abwaan nageeye waan kasaaray kan baana idinku bedelay intii la dagtay nasiibkood .



Akhris baa inoo balana.

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

20 Oct, 21:26


War bal ka wardoona buuggaas dhalinyaro .

๐ŸŒนIkraam_baydan๐ŸŒป

13 Oct, 14:42


Waan idin salaamay gacalayaal .
War bal intaan ila fiiriya .

1. Mar kasta waxaa fiican in aadan buugta pdf ku akhrin ee aad buuga isagoo caadiya gadatid hadii aadan awoodina aad qorshaysatid mustaqbalka dhow in aad iibsatid.
Sababtoo ah buugta aan pdfka ahayn baa xasuusta ku raaga waa sidaan qabee.

2. waad ka shalayn doontaa ficil kastoo aad u samaysay si aad dadka ugu raali gelisid (dadkaa kala jiree)ficil walboo waayihii tagay aan u sameeyey raali gelinta aadanaha waxaa igala fudud khaladaadkii aan waayihii tagay sameeyey .

3. Iska samayso jadwal Sababtoo hadii aadan waqtigaaga kala xisaabin kuwa waqtigooda kala xisaabiyaa riyadooda la rumayn .

4. Ogow shay walba labo dhinac buu leeyahay oo uu jiro mid inaga qarsoon.

5. Dadka kuwooda waaweyn ay wadankooda dumiyaan ama iibsadaan yar yarkooda baa sharaf daro ku noolaaada waaba waxa nahaystee.

6. Markasta oo aan ilaahay adoonimadiisa ka fogaano makhluuqiisaan adoomo unoqonaa (markasta oo aan ilaahay u dhowaan xoriyad buuxdaan dareenaa)

Qoramadii (24)
Ikraam karaama

4,517

subscribers

25

photos

18

videos