DUNIDA DAHSOON @dunidadahsoon Channel on Telegram

DUNIDA DAHSOON

@dunidadahsoon


Kanaalka DunidaDahsoon waa kanaal aad ka heli karto dhacdooyinka caalamka, Arimaha sirdoonka ,qisooyin iyo Xikmado maalinle ah

Booqo๐Ÿ‘‡
https://youtube.com/c/DUNIDADAHSOON

Fadlan nagu soo biir :
@Dunidadahsoon

DUNIDA DAHSOON (Somali)

Kanaalka DunidaDahsoon waxaa ku jira dhacdooyin caalamka, arimaha sirdoonka, qisooyin, iyo xikmado maalinle ah. Kanaalkan wuxuu si gaar ah ugu filan karaa inuu si toos ah ugaalmo arrimaha dhabta ah ee caalamka iyo xaaladda aduunka hadda iyo tan iyo hada. Waxaa jira wararka ugu dambeeyay ee ku saabsan dhacdooyinka caalamka, xikmadooyinka maalinlaha ah, iyo waxyaabaha ku saabsan horumarka bulshada caalamka

Dinidadahsoon waa kanaal adag oo raadinta kormeeraya fikradaha iyo xaaladaha dhacdooyinka caalamka, waxaana fursad weyn lagu siin karaa sidii loo heli lahaa xogtaan danbe ee bulshada caalamka. Sidaa daraadeed, inaad doonayso inaad ka faa'iideysid xogta caalamka iyo inaad ku faa'iideysid maalinta gurigaaga, booqo kanaalka DunidaDahsoon oo aad ka heli karto dhammaan xogtaada muhiimka ah

Waxaa jira xaalad kala duwan oo ay ku jiraan qisooyin dhab ah, cilmibaadhiso maalinle ah, iyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xikmadooyinka caalamka. Kanaalkan waxaa ku siin karaa qaab cusub oo u adeegsan karaa inaad wax ka barato iyo inaad ka faa'iideysto xaaladaha caalamka

Haddii aad jeclaan lahayd inaad ka faa'iideysto xogta caalamka si aad u fududeyso codsiyooyinkaada, fadlan nagu soo biir kanaalka DunidaDahsoon oo aad ku heli karto dhammaan wararka caalamka. Kanaalkan waxaa looga faa'iideystaa inaad ka heli karto xogta caalamka ee dhabta ah iyo inaad ka faa'iideysto maalinta gurigaaga. Don't miss out on the latest updates and insights into global events by joining the DunidaDahsoon channel today!

DUNIDA DAHSOON

10 Jan, 20:17


Qofna ha ka yeelin in uu kuu sheego in aanad waxba qabsan karin. Xataa naftaada haka dhageysan waxyaabahaas oo kale. Riyadaadu waa hantida ugu weyn ee aad leedahay. Ilaasho oo cidna haka ogolaan in ay dhayalsato. Dadka waxba qabsan waayay ayaa dadka kalena la jecel in ay noqdaan sidooda oo kale. Ha u joojin!!! ๐Ÿƒโ€โ™‚๏ธ
By: Mohamed Cige

DUNIDA DAHSOON

10 Jan, 14:47


Anigaa qaldamay
Waa qawl nin raga,
Adigaa qummani
Waa qaadashada
Libin qaayo loo
Qabku diiday yidhi.
Garawshe na qof lihi
Kuma qado gartii
Cadli qaayibtee,
Qanacsani laqimo.

W/Q: Yaxye Yeebaash.

DUNIDA DAHSOON

09 Jan, 15:29


Noloshu waxay noqon kartaa mid adag mararka qaarkood, waxaa jira waqtiyo laga yaabo inaad dareento inaysan qiimo lahayn inaad noolaato. Duruufaha nololeed waa kuwa la inoo abuuray in aynnu ku milano taasina ay inna tuseyso in aynnu u baahanahay rabbiga caalamka. Imtixaanka nololeed waxa uu ka turjumaa heerka ku xidhnaanshaha Eebbe wayne.

Joogitaanka silica macnaheedu maaha maqnaanshaha Eebbe, iyada oo loo marayo halganka, xanuunka, taasi waxa ku xiga mid fudud horseedi karta badhaadhe nololeed, ka quusasha la'aanta raxmadda Eebbe waxa abuurtaa iftiin nololeed.

Eebbe weyne wuxuu kuu abuuray ujeedo, wuxuu leeyahay qorshaha noloshaada ah. Inta ay nolol jirto, rejo ayaa jirta. Si kasta oo aad soo martay dhibaato nololeed, waxa mar walba jirta berito ka wanaagsan, maanta noloshaaduna weli macno ayey leedahay. Isku hawlida rumeyta rejada nololeed waxay qeyb ka tahay dedaalka kaga libkeenka abdadaada.

Mu'minka waa mid aan daciifin, rabbigii ku xidhan yahay, quus iyo cabsina aysan laabtiisa harqinin, mu'minka waa mid quwad leh, Alle jecel yahay.

Qore: Indha_caad

DUNIDA DAHSOON

08 Jan, 08:52


Waxa jira dad ay tahay in aadan sinnaba u aamminin.

1)Dadka su'aalaha badan. Dadka aadka wax u weydiiya dadka oo aan xuduudda lahayn waa in aan sinnaba loo aamminin. Dadka aan garashada u lahayn halka ay ka istaagayaan su'aalaha laguma kalsoonaan karo.

2)Dadka ka hadla gadaasha dadka kale. Dadka aan lahayn kalsooni ay hortaada ka sheegaan waxa ay kaa qabaan waa in la iska ilaaliyaa. Su'aal la'aan. Tani xitaa waa in aan laga hadlin. Ka fogow inta aad kari karto noolahan munaafaqa ah ee jirran.

3)Dadka aan go'aan gaadhi karin. Dadka aan kalsooni isu qabin oo aad uga baqaya cawaaqibka laga yaabo inuu dhasho ka dib ficil gaar ah haddii ay sameeyaan. Waa dad aan la isku halleyn karin. Haddii aanay ku adkayn dabeecadooda, iyo waxa ay aamminsan yihiin, iska illow.

4)Dadka aan degganayn. Marka aan leeyahay dadka aan degganayn waxa aan ka hadlayaa dadka qaba cudurrada nafsiga ah. Waxa ka buuxa cabsi, danni, iyo islaweyni. Adduun araggood xun waxa laga yaabaa in ayna ku fahmi karin.

5)Dadka qabatimay balwadda. Shakhsiyaadka caadaystay khamaarka, daroogada, iyo khamriga gaar ahaan. Ama kuwa iska yeelyeela dad wanaagsan oo salaadda iyo Qur'aan akhriska badan. Haddii aad noloshaada ku lug yeelato dadka noocaan ah sababo kala duwan dartood waa inaad ogaataa in aad khatar ku jirto. Shakhsiyaadka is-halaagay keliya ma aha kuwa balwadda leh. Cid walba iska hubi inta ayna noloshaada u beddelin jahannamo.

Guud ahaan, ka taxaddar dadka aan magacaabay.

SO BOQO : HALKAN

Qore: Ahmed A. Qaydare

DUNIDA DAHSOON

07 Jan, 17:44


Haddii ay jirto gabadh walaashaa ah oo kortay, had iyo jeer hubi xaalkeeda. Sii lacagta aad awoodo si ay ugu iibsato suufka, dharka hoosta laga xidho, iyo laga yaabee alaabta gaar iyada u ah. Dumarku weligood waxyaalahan nama weyddiistaan, laakiin si dhab ah ayay ugu baahan yihiin. Haddii aadan dhug u yeelan Waxaa laga yaabaa in ay wax weydiiyaan dadka khaldan.

Haddii aad leedahay saaxiibo arday ah, wac mararka qaarkood oo hubi xaalkooda. Haddii aad haysato lacag, fadlan qayb sii. Nolosha ardaynimadu mararka qaarkood aad bay u adkaataa. Tilmaamahaaga naxariista leh ee aad u muujiso waxay wax badan ka tari doontaa inay xariiq wanaagsan sii haystaan.

haddii aad leedahay saaxiibo hadda shaqo la'aan ah, ugu wac mararka qaarkood si wadajir ah. Markaad timaha xiiranayso ha kula soo xiirtaaan, markaad shaah soo cabeyso ha kula soo qaxweeyaan, markaad dhar soo gadanaysid ha ku raacaan. Fadlan ka dhig noloshooda mid fudud.

Markaad lacag ku shubanayso taleefankaaga, ugu shub kooda sidoo kale. Waxa laga yaabaa in aanay adiga waxba kuu ahayn, laakiin waxa hubaal ah in ay macno weyn ugu fadhido qof aan shaqayn . Saaxiibadaas Naftoodu uma oggolaanayso inay ku weyddiistaan.

Marka saaxiibadaa ay ganacsi galayaan, mas'uuliyad qaad oo taageer xitaa marka ay la macno tahay in aad wax yar ku darsato, fadlan samee. Wax badan kuguma kacayso.

Mararka qaarkood, saaxiibadeena, asxaabteena iyo qoyskeenu, waxay maraan wax badan laakiin kuma dhacaan inay noo sheegaan.

Fadlan maanta gacan gargaar sii.

Share๐Ÿ“ƒ๐Ÿ“ฝ

Jacaylka iyo Naxariistu ha guuleystaan.

Qore: cabdiraxmaan fiili.

DUNIDA DAHSOON

06 Jan, 19:42


Jimicsiga fitness-ka waa maalgashi caafimaad oo wanaagsan oo jirkaga ka dhigaya mid aan Marnaba is badalin.

Hada Sawiradaan Hoose Ka eeg Farqiga weyn u dhaxeeya.

DUNIDA DAHSOON

06 Jan, 09:11


" Cadawg ugu weyn ee Islaamku waa muslimka jaahilka ah, kaas oo xanaaqiisa iyo xamaasadiisa ku samaynaya, falal sumcad daro u soo jiidaya Islaamka, Dadka kalena marka ay arkaan waxa ay moodayaan inuu islaamku yahay isaga oo kale! "

Sh Axmed diidaat Aun.

999 Xikmadood
Halkan ku soo biir

DUNIDA DAHSOON

06 Jan, 02:29


Waa 9 :00 habeenimo, Goobtu Waa albabka Hotel Afriik Muqdisho, Waa 4 jir waa marka kaliya ee ay xananada u baahanyihiin.๐Ÿ˜ข

Uma qalmaan ubadkeenu duruufta, Hala caawiyo intantaan yar!

DUNIDA DAHSOON

05 Jan, 16:56


Markii aan yareeyn haddii Qof qaraaba oo marti ahi ay magaala kale nooga yimaado, oo Qolka Martida aan geeyno. Waxa ugu horeeyo oo uu na weeydiiyo waxa ay aheyd Qibladu xageey naga xigtaa, madama ay magaalada ku cusub yahay.

Maanta Haddii Annaga ay marti noo timaad, waxa ugu horeeyo oo ay Caruurteen weeydiinayaan waa WiFiga passwordkisi.

Tolow martidi miyay is badashay ๐Ÿค”?

DUNIDA DAHSOON

04 Jan, 19:35


Wax Akhrisku waxa uu wax iga Baray Naftayda

Marka laga soo tago isku dayga iyo tajaarubta noloshu waxa ay qofka barto, ma aqaan wax qofka naftiisa ka barid badan wax akhriska.

Akhrisku waa fal cajiib ah. Inta aad ku guda jirto, wuxu si toosa kuugu ifinayaa qaybo badan oo ka mid ah naftaada oo aad horay u moogganayd. Wuxu hoos kuugu dhaadhicinayaa gunta iyo ubucda naftaada. Suurad wal oo aad akhriyayso, xadiis wal oo aad ku dul hakato, sheeko kasta oo aad isha la sii raacdo, gabay wal oo aad dhab u dhadhansato iyo jumlad kasta oo si dhumuc iyo feejigo leh sadarrada buugga dhexdiisa loogu dhigay, waxay kor u qaaddaa naf-ogaalka iyo is-kawarqabka qofkaโ€” waa haddu soo jeedoโ€™e. Waxay shaaca iyo daboolka ka qaaddaa naf-akhrinta iyo dibu-eegista (reflections) akhristaha, taasoo u saamaxda in uu si saani ah naftiisa iyo waayihiisa dhab ugu eegi karo, una fiirsan karo dareen-celinta ay sadarrada iyo bogagga uu akhrinayo naftiisay ka dhex tusayaan sidii muraayad uu isku eegaayo oo kale.

Akhrisku, waxa uu baalasha buugga dhexdooda kugu barayaa iimahaaga iyo waxa aad ka gaabinayso. Waxa uu kugu baraarujinayaa awoodahaaga iyo waxa aad ku wanaagsan tahay. Waxaad sheekooyinka iyo dhacdooyinka dhexdooda ku fahmaysaa qiyamtaada, mabaadโ€™idaada, jamashooyinkaaga, ihtimaamaadkaaga, baqdimahaaga iyo badhaadhahaagaba.

Akhrisku, wuxu la yaab ku leeyahay dibad u soo saaridda dareemada iyo laxawyada innagu dhex aasan. Akhrisku, waxa uu ina dhex muquuriyaa laxawyo iyo cawaadif ay dhif tahay inaan sida caadiga ah u dareenno, oo dhaafsan laxawyada innagu dhasha nolol-maalkeenna. Sidoo kale, sheekeeyinka aad akhriso, waxay kor u qaadaan tudhaalahaaga (empthy), oo intay naftaada iyo laxawyadaada kaa dhex saaraan, kuna geeyaan duni kale, ayay kuu geliyaan qofka kale kabihiisa si aad ula dareento shucuurtiisa. Akhrisku kaliya inama baro sida wax loo dareemo, ee waxa uu sidoo kale in baraa sida loogu dul fekero dareemada. Wuxu in baraa sida aynu u magacaabi lahayn, sidii aynu u fahmi lahayn iyo sidii aynu u cabbiri kari lahayn culayskooda. Waayo-aragmiada aadanaha, ee sadarrada buuga dhexdiisa lagu weeleeyay, waxay qofka baraan qaadka uu u leeyahay farxadda, murugada, cadhada iyo rajada.

#Taxanaha akhrisku waxa uu i baray
โ€” Mubarak Hadi

DUNIDA DAHSOON

03 Jan, 08:38


What you feel vs. What you know
===========================

Qofka go'aan qaadashadiisa waxaa saamayn wayn ku leh "Emotion"-kiisa oo laga yaabo in ay ka indhasaabto "Facts" uu og yahay. Waxay noloshu mararka qaar ku khasbaysaa in uu kala doorto qalbigiisa iyo maankiisa.

Marka labadaan iska hor yimaadaan ma gaari karo qofku go'aan "Rational" ah oo cuskan sababayn la fahmi karo. Qofku wuxuu wajahayaa iska hor imaad gudihiisa ah (Internal Conflict) u baahan xal uu uga gudbo.

Cadaalad darrada dadka haya xukunka, ama jooga boos uu saamayn ku leeyahay bulshada waxaa qayb wayn ka ah in ay iska dhexgalaan qofka dareenkiisa (mid jacayl, nacayb, xanaaq, farxad) iyo xogta waaqica ah ee uu ogyahay ayna tahay in uu wax ku dhiso ama ku go'aan qaato.

Waxaa dhici karta in uu qof xaqiis u duudsiyo nacayb uu u qabo, in uu kasoo jeedo reer uusan jeclayn ... ama dhanka kale, qof ku siiyo wax uusan xaq u lahayn dheef iyo dhaqaale kuu doono ha ahaado dareenkiisa dartiis ... in uu qaraabo la yahay, in uu jecel yahay, in uu yahay ilmihiisi iwm.

Markasta oo qalbiga iyo maanka ay iska hor yimaadaan waxaan meesha ka marnayn "Conflict of Interest" ... dano in diidan una baahan in laga fogaado ama ugu yaraan la caddeeyo in shubhadaasi meesha ku jiri karto.

Marna sax ma ahan in qof lagu duudsiyo ama lagu dulmiyo, xaqiisa lagu dhaafiyo in aad jeceshahay ama neceb tahay ... marka go'aan masiiri ah la qaadanayo waa in la kantaroolo caadifadda iyo dareenka qalbiga ee qofku leeyahay, waxna lagu dhisaa xaqiiqada iyo daliilka ama "Reasoning" maangal ah.

Ogow ... in aad la tacaaduftid xaqqa, kana carootid baadilka iyada markaas lama diidana oo xaaladda ay iswaafaqayaan qalbiga iyo maanka.

#Dheegasho

DUNIDA DAHSOON

03 Jan, 02:32


Anigu anigii ma ihi

DUNIDA DAHSOON

02 Jan, 18:18


2nd - Jan - 1995 oo maanta ku aadan ayuu dhintay Aabihii dowladnimada somaliyeed waxaan leenahay Allaha u naxariisto Jaale Mohamed Siyaad Barre.

โœ“Dowlada , sharaf iyo haybad soomaliyeed kaama danbayn!

DUNIDA DAHSOON

02 Jan, 17:20


"Madaxweyne xun Ayaan ahay haddii aan dhargo dadkeyga oo gaajoonaya"

Cumar binu khadaab Rc๐Ÿฅฐ
Waaqica hadda bal eeg
Madax dhargaysa, guryo ku dhisanaysa xoolihii umadan,
Caruurohooda waxbarasho dibada u diraysa, danta umadu ay kala Wayn tahay danta Khaas ahaaneed!

DUNIDA DAHSOON

02 Jan, 07:30


Maxaa markii la is guursado todobo loo dhahaa oo loo galaa todobo maalmood, xageyna ka timid markii hore?

Haweeney ayaa hada ka hor ka tuugsan jirtay masaajid hortiisa. Dhawr mar oo ay sidaa samaysay ka dib waxa arkay imamkii masajidka, wuxuuna dhahay adiga qof wanaagsan ayaad ahayd, wiilkaagana wuxuu ka mid ahaa dadka masaajidka ku tukan jiray ee maxaa sidaan u sameynaysaa?

Waxay tiri sidaad ogtahay wiilkayga wuxuu ahaa keligiiisa oo walaalo ma uusan lahayn, ninkaygana mar hore ayuu dhintay. Wiilkayga wuxuu aaday safar oo siddeed bil ayuu iga maqanyahay, wuxuuna iiga tagay lacag yar, waan u yar yareysan jiray ilaa ay iga dhamaatay, sidaa ayaana ugu qasbanaaday in aan tuugsado.

Imaamkii wuxuu waydiiyay wiilkaaga waxbo kuuma soo diro miyaa? Waxay tiri wiilkayga warqad uu sawir ku dhagan yahay ayuu isoo diraa ana darbigaan ku dhagsadaa, imaamikii wuxu dhahay na keen bal gurigaaga an tagnee. Way isa soo raaceen, markay tageen gurigii wuxuuba arkay imaamkii lacag jeeg ah oo darbiyada isaga dhagsan.

Waa siddeed jeeg oo midkiiba ku qoran tahay kun dollar. Wuu yaabay imaamkii, jeegagii ayuuna bangiga geeyay oo u soo bixiyay, wuxuuna yiri lacagtaan oo dhan adigaa iska leh ee ha tuugsan mar danbe.

Waan ogahay sababta aad u akhriseen sheekadan inay tahay si aad u ogaataan todobada la galo marka la is guursado meesha ay ka timid laakiin aniga xataa ma ogi.
Dad waxaa tihiin in la gaado maahee aan wax akhrin karin.๐Ÿค”๐Ÿ˜๐Ÿ˜๐Ÿ˜

DUNIDA DAHSOON

01 Jan, 08:48


Jiilkani waxay dhasheen mid kamid ah xiliyadii ugu xumaa ee taarikhda Soomaalida soo mara, waxay ku koreen qaran la'aan, ta ugu darana waa iney markhaati ka ahaayeen iyadoo Soomalidii walaalaha ahayd ay si macno la'aana u daadinayaan dhiigii ugu badnaa, dagaal sokeeye oo ay isku halaageena ku jiraan.
Waa jiil duruuf adag ku dhexkorey oo dhamay dacarta khadhaadh ee duruufuhu badeen, waayaha iyo wakhtiguna waxbareen, waa jiil dhankastaba u taagnaa foolxumada ay Soomalidu ku nooshahay, waana jiilka rajada ugu badan laga qabo ee laga rajaynayo iney Soomaalida ka gudbin doonaan colaadaha sokeeye, kala qaybsanaanta baahsan iyo xumaanta qabiil ee Soomaalida qayrkeed ka reebay, Jiilkan waxaa saaran masuuliyada ballaadhan, sababtuna waa marxalada ay Soomalidu xiligan adag marayso.
Sawirku waa wiil dhalinyara oo waxbaranaya, rajo badana ka qaba inuu ummadiisa maalin uun wax tari doono.
W/q Shardiid Macalin.

DUNIDA DAHSOON

01 Jan, 08:48


Jiilka ugu badan dhalinyarada Soomaalida ee hada nool waxaa la sheegaa iney dhasheen intii u dhaxaysay 1993 ilaa 2000.

DUNIDA DAHSOON

31 Dec, 16:00


"Waxaad moodaa In Masaajidii laga kici jirey laga ilbaxey oo loo guurey dhankaa iyo Tiktok,.Waxba isma dhaamo tuugsi waa tuugsi un!"

Ahmed Cabdi.

DUNIDA DAHSOON

30 Dec, 15:44


Kuwa aan xasuusan karin wixii hore ( tagtadii) waxaay ku xukuman yihiin inay ku celiyaan"

:TURJUM

DUNIDA DAHSOON

29 Dec, 19:11


ILA QOSOL ๐Ÿ˜‚

Tuug baa habeen usoo dhacay guri ayna wax allaab ah dhex oolin marka laga reebo furaash iyo buste aay ku jiifaan nin iyo xaskiisii oo iska busaaradaysan.

Tuugtii wuxuu is yidhi qolkan soke waakan laba qof baa jiifta waxna ma dhex yeelaane malaha qolka gudaha ayay alaabtii ka buuxdaa ee horey usii dhaaf, markaa jacket๐Ÿงฅwayn oo nooca dhaxanta ayuu is yidhi culayskiisa wuu kugu shanqadhiye halkan sii dhigo kadibna gudaha ayuu u sii dhaafay,

Ninkii guriga iskalahaa ee meesha jiifay intuu aayar kacay uu jakeetkii tuuga xidhay ayuu aayar is duudubay, tuugii markuu qolkii gudaha waxba kasoo waayay ee uu soo laabtay ayuu jakeetkiisii raadiyay,

Naagtii huruday baa ninkeedii ku tiri war cabdiyoow shanqadh baan maqlaaye malaha tuug baa guriga ku jira , ninkeedii oo tuuga guriga usoo dhacay kaba tuugsan baa ku yiri gacaliso tuugna ma joogee ii seexo.Tuugii oo hadalkaa maqla jaketkiisiina maqanyahay baa xanaaqii intuu is hayn waayay kulahaa guriga hadii uuna tuug joogin aaway jakeetkaygii yaa qaaday ๐Ÿ˜‚

W- Q. Nimcaan Cabdiraxmaan

DUNIDA DAHSOON

29 Dec, 11:54


Qabkii Soomaalida!

Gaashanle sare ciidankii Ingiriiska ka mid ah oo ciidan ay Soomaali ku jirto oo hawl looga diray dhulka miyiga ah ayaa waxay ku soo baxeen jees Reer Miyi ah oo meel deggan markaasay biyo weyddiisteen, haweenay Soomaaliyeed baa soo waraabisay oo haanta biyo uga soo dartay, sarkaalkii Ingiriiska oo ciidanka watay markii uu weelkii ku cabbay oo naagtii u dhiibay bay intay ciid ku shubtay oo wasakhaysay bay iska tuurtay, markaasuu sarkaalkii yaabay oo yiri: maxay naagtu sidaas u yeeshay markaasaa lagu yiri: waxay ka faanaysaa weelka aad wax ku cabtay oo waxay kuu aragtaa inaad tahay gaal najaaso ah oo hilib doofaar cuna khamradana cabba, markaasuu yaabay oo wuxuu qoray buug uu ku xusay Imbaradooriyaddii Biritishka ee adduunka qabsatay oo qabtay inay dadka ugu sarreeyaan inay jiraan dad iskala sarreeya oo ka faanaya...

Xigasho:Buuga Taxanaha taariikhda islaamka

W/Q: KhadarMaxamed
@maan-maal

DUNIDA DAHSOON

29 Dec, 10:22


https://youtu.be/tncaFgHh4i0?si=dV73eq2iRTK6bcxj

DUNIDA DAHSOON

28 Dec, 18:41


Soomaalidii hore waxaa lagu yaqiin dad dhaqan gobeed leh oo
aan gunnimo iyo dhaqan xumo qaadan karin , diintu haba ku yaraatee aan dhaqan liita qaadan imikana soomaalidii oo aqoon yeelatay, diintii ka yaqaana sidii hore ayaa haddana maydkii xurmada lahaa sawiro ka qaadaya oo dunida la wadaagaya sida bahala ah ee ay isu xasuuqayaan๐Ÿ˜”

Haddii la soo noolayn lahaa dadkeenii hore ciil iyo cadhay la wada dhiman lahaayeen, waxyaalaha caadiga iska noqday darteed.


W/Q: KhadarMaxamed.

DUNIDA DAHSOON

27 Dec, 11:51


Qof kasta waxa jira daqiiqado soomara oo uu qaato goโ€™aamo masiiri ah kuwaas oo jihada kale u baddela gabi ahaan ba noloshiisa. Ha sugin adigu inta ay imanayaan daqiiqadahaasi balse, is kusii diyaari si aad doonta dabaysha isbaddelku wado hore ugasii raacdo.

โ€˜Sida ugu wacan rajee, sida ugu adagna u diyaar garowโ€™. #maxamedcige

DUNIDA DAHSOON

26 Dec, 12:23


xaqiiqdi wax kasta oo aad weydo Nolosha waxaad helaysaa wax kale oo bedel ah, laakiin haddii aad Alle SWT ka fogaato marnaba ma helaysid bedel. Waxaadna ku noolaaneysaa ciriiri iyo murug.
hagaaji xiriirka Alle
waxa ku noolaneysa farxad an
dhamaad lahayn.

DUNIDA DAHSOON

26 Dec, 06:36


๐Ÿ’ŠAgain FURSAD BILAASH AH .
Ku buro daawooyinka kaliya 7 dollar
!

Barashada daawadu waa mid naftaada iyo ta ehelkaagaba anafacaysa.

Ma rabta  inaad barato.
daawoyinka(pharmacology)si bilaash ah.
Kuliyada wayn ee al
ALfurqan online academy waxay kuu diyarisay fasalo cusub oo ah barashada  daawooyinka .

๐Ÿ’‰๐Ÿ’ŠBaro daawooyinka o ku shaqayso
๐Ÿ’ŠBaro dawooyinka oo naftaada ku dawee.
๐Ÿ’ŠBaro dawooyinka oo qoyskaaga ku daawee. 

Baro daawooyinka ooo baro mid kasta qaabka u haboon ee loo qaato iyo qaabka uhaboon ee  ay xanuunka u daawayso .

24 saac ayaad fursadan u haystaaa.

Si aad isku diwaan galiso la xidhiidh ciwaankan hoose.
๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡
@UstaadAbdurisaaq
@UstaadAbdurisaaq

DUNIDA DAHSOON

24 Dec, 19:04


Arday soo dhamaystay waxbarashadii heer jaamacadeed ayaa muddo shaqo raadinayay waanu waayay,maalinkii dambe ayuu arkay beerta xayawaanka oo shaqaale doonaysa waanu codsaday shaqadii, markii lagu qancay ardaygii ee mushaharkiina loo sheegay, waxa ardaygii lagu wargeliyay in Gorilihii u waynaa ee beertu dhintay, dalxiisayaashuna ay gorilahaa ugu jeclaayeen, waxa lagu amray inuu harag gorile xidho sidaana ku matalo gorillahaas dhintay,ardaygii oo ka yaaban shaqadaas ayaa haddana eegay mushaharka badan ee loo soo bandhigay, sidii ayuu haragii ku xidhay maalintaasna uu ku matalayay dhaqamadii gorillaha. Subaxdii labaad markuu shaqada soo galay isla markiiba haragii ayaa loo geliyay,

xeradii ayuu galay, waxa uu galay qafas kale oo aan ahayn kiisi, markuu badhtanka joogo ayaa waxa kusoo baxay libaax, waxa uu libaaxi usoo dhaqaaqay dhanka gorillaha, markuu usoo dhowaaday ardaygii ayaa sida dadka u qayliyay โ€œI caawiya iga badbaadiyaโ€, Libaaxii ayaa ardaygii usoo dhowaaday oo dhegta usaaray waar waa hebelkii aad isku fasalka ahaydeen, dalka shaqo ma taallee gorilahaagaa iska ahaw, waxa kale oo uu tusay yaxaas biyo ku dhex jira waxa uuna ku yidhi kaas haraga yaxaaska xidhan ee biyaha ku dhex jiraa waa gudoomiyihii fasalkeenna.

@xikmado

DUNIDA DAHSOON

24 Dec, 19:01


ยฉ๏ธLuqmaan maxamed

DUNIDA DAHSOON

23 Dec, 19:13


Hamdi" Waxaa igu Yaab badnaa sanadkan dhammadey " wiil aan xidhiidh lahayn ayaa muddo ah Bil ah Taleefankayga maalin walba $20 kusoo diri jirey.

Anigana inuu isiinayo ayaa moodi jirey wana iska cuni jirey markii ay Bishii dhammatay ayuu yiri lacagtii aan kugu aruursan jirey isoo dir $600.

W/Q: Cabdirasaq Sandheere

DUNIDA DAHSOON

23 Dec, 12:31


OGEYSIIS

Waxa soo baxay course kii Dropshipping.
Course kaan wxaa ku baran doona.
Wax kasta oo ku saabsan dropshipping oo aad rabto ina ogaato.
Sidaa u dhisi leheed store shopify oo caalami ah kaa oo guuleysto .
Asaagsiga dropshipping
Sida loo helo badeeco faido leh
Qaabka loo sameeysyo payment .
Sida badeecada loo suuq geeyo
Sida Tik took Facebook & Instagram
Iyo xeeladaha kale Ee suuuq geynta
Si aad u hesho ganacsi guuleysto.
Hadaba hadii aad daneynneyso booqo WhatsAppkan hooseโœ…

WhatsApp

DUNIDA DAHSOON

22 Dec, 18:00


Marka aad u ducayso qof dhintay waxa ay la mid tahay sida nuurka qabrigiisa ku jira oo uu waydiiyo waa maxay nuurkaas, waxaana lagu yidhi โ€œTani waa kuu ducadii hebel iyo hebelโ€ ee u duceeya dadka dhintay. in ilaahey ka farxiyo intii dhimatay, ilaahow u naxariiso kuwa ay maskaxdeenu garan waydo kala fogaanshahooda, qabrigoodana nuur iyo nuur ka yeelo ilaa maalinta la soo bixinaayo .

DUNIDA DAHSOON

21 Dec, 20:36


๐Ÿ—ฃ๏ธJAhilka waxa uu dhahay qofki igooyo waan goonayaa qofkii ixiriiriyana waan xiriirin....๐Ÿซฅ

halka nabigeena muhamed sallallaahu caleyhi wasallam uu dhahay xiriiri qofkii ku gooya wanajina qofki ku xumeya ...๐Ÿค
W/Q: @Suldanbakar

DUNIDA DAHSOON

21 Dec, 12:03


"Qofka aqoonta saaxiibka u ah wuxuu raadiyaa deegaan wax barashadu hal hays u tahay".

"Qofka jaahilkaana wuxuu ku qancaa bulshada aan wacyi ahaan dhisnayn ".

DUNIDA DAHSOON

20 Dec, 19:13


Maskaxdu waxaa aay ku kobacdaa wax aqrinta badan taa oo la macno ah qof walba oo aqris badan in uu ka maamul iyo aqlaaq ka wanaagsan yahay midka aan wax aqrin...

DUNIDA DAHSOON

20 Dec, 16:21


Waa oraah si marki loo ego ;
Cajiib ah!

DUNIDA DAHSOON

19 Dec, 20:26


"Qofkii cilmi u barta inuu diinta

Islaamka ku soo nooleeyo ama kor ugu qaado, wuxuu ka mid yahay run-sheegayaasha, darjadiisuna waxay ka danbeysaa darajada Nabinimada."

~
Ibnul Qayim

DUNIDA DAHSOON

19 Dec, 15:25


"Sannad ayaa tegaya midina wuu imanayaa, wax kasta oo kugu saabsanina way sii xumaanayaan waddankaygiiyow."
โ€ขMaxamuud Darwiish


SO BOQO ๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡
YOUTUBE CHANNEL'KA

DUNIDA DAHSOON

17 Nov, 05:39


Diploma in public health.
Arday kasta oo xiisaynaya barashada caafimadka bulshada waxaanu usoo kordhinay kooraskan fa'idada badan oo uu ku qaadan doono caafimaadka guud.kaas oo ah kooras bulshadeenu aad ugu baahi qabto.
Qiimaha koorasku waa 15 dollar .
Mudadu waa 7 bil.
Casharada waxa lagu qaadanaya aalada telegram .
Shahadadu waa diploma.
Fg: markaad dhamayso kooraskan jaamacad upgarading ah ayaanu ku haynaa ood ku biiri doonto adoo qaadanaya shahadada jamacada ee degree.

Ka faa'idaysi wacan.
Xagan hoose iska diwaan gali๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡๐Ÿ‘‡
@UstaadAbdurisaaq @UstaadAbdurisaaq

DUNIDA DAHSOON

16 Nov, 08:40


ูˆู„ูˆูŠุคุงุฎุฐุงู„ู„ู‡ ุงู„ู†ุงุณ ุจุธู„ู…ู‡ู… ู…ุงุชุฑูƒ ุนู„ูŠู‡ุง ู…ู† ุฏุขุจุฉ ูˆู„ูƒู† ูŠุคุฎุฑู‡ู… ุฅู„ู‰ ุฃุฌู„ ู…ุณู…ู‰ ูุฅุฐุง ุฌุงุก ุฃุฌู„ู‡ู… ู„ุงูŠุณุชุฆุฎุฑูˆู† ุณุงุนุฉ ูˆู„ุงูŠุณุชู‚ุฏู…ูˆู†.
Haduu illaahay uqabanlahaa dadka dulmigooda uu ku ciqaabilahaa dhulka korkiisa kagama tageen wax socda balse illaahay waa dibdhigayaa xisaabtaa wuxuu udibdhigayaa muddo lamagacaabay inta laga gaaro oo maalinka qiyaame ah markee ajashooda timaado sacad lagama dipdhigaayo saacadnna lagamana hormarinaayo.

DUNIDA DAHSOON

16 Nov, 06:43


ู„ู„ุฐูŠู† ู„ุงูŠุคู…ู†ูˆู† ุจุงู„ุขุฎุฑุฉ ู…ุซู„ ุงู„ุณูˆุก ูˆู„ู„ู‡ ุงู„ู…ุซู„ ุงู„ุฃุนู„ู‰ ูˆู‡ูˆ ุงู„ุนุฒูŠุฒ ุงู„ุญูƒูŠู….
Kuwa aan rumeyn maalinka aakhiro tusaalaha xun ayaa usugnaade, allena waxaa usugnaade tusaalaha sareynta badan waa allaha cizada iyo xikmada bdn.

DUNIDA DAHSOON

16 Nov, 06:30


‏" ููŽูˆูŽุฑูŽุจูู‘ูƒูŽ ู„ูŽู†ูŽุณู’ุฃูŽู„ูŽู†ูŽู‘ู‡ูู…ู’ ุฃูŽุฌู’ู…ูŽุนููŠู’ู†ูŽ ุŒ ุนูŽู…ูŽู‘ุง ูƒูŽุงู†ููˆุง ูŠูŽุนู’ู…ูŽู„ููˆู†ูŽ.๐Ÿ’”๐Ÿ’”๐Ÿ’”#ุงู„ุณุนูˆุฏูŠู‡ ุงู„ุฃู† ู„ุง ุญูˆู„ ูˆู„ุง ู‚ูˆุฉ ุฅู„ุง ุจุงู„ู„ู‡

ู‚ุงู„ ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡ ๏ทบ #ู‚ุงู„:
"ุจุฏุฃ ุงู„ุฅุณู„ุงู… ุบุฑูŠุจุงู‹ุŒ ูˆุณูŠุนูˆุฏ ุบุฑูŠุจุงู‹ ูƒู…ุง ูƒุงู†ุŒ ูุทูˆุจู‰ูฐ ู„ู„ุบูุฑุจุงุก"

DUNIDA DAHSOON

12 Nov, 14:25


Waxey uyeelayaan waxeysan ogeyn iney dhib iyo dheef toona aysan ukeenikarin qeyb ayey siinayaan oo waxan ku arzaaqnay ah oo waxey leeyihiin
(ู‡ุฐุง ู„ู„ู‡ ูˆู‡ุฐุง ู„ุดุฑูƒุงุฆู†ุง)

illaahan ku dhaartayee waa la idin weydiin oo la idin weydiin wxd been abuuraneysaan.

DUNIDA DAHSOON

11 Nov, 06:03


Waxaa tirahdaa nabi muxamadow waa kee rabiga samadaha iyo dhulalka abuuray waa kee waxaa tirahdaa allaah weye waxaa tirahdaa mawaxad yeelateen alle sokodii xigto kuwaso aanan uhanankareyn nafahooda dhib iyo dheef toona aan usoo jiidikarin waxaa tirahdaa kan indhaha la' (gaalka) iyo kan wax arkaya(mu'minka) miyey simanyihiin ama waxad tirahdaa miyey simanyihiin mugdiyada(badil, gaal) iyo iftiinku(xaqa) ama waxey yeeleen alle kuwa wax laleh oo abuuray abuurkiisoo kale oo abuurkii miyaa isaga ekaaday (waa mayee) waxaa tirahdaa illaahay waa kan waxwalba abuura allena waa kan kaliga ah ee qasbida badan(waxwalba alle doona ku sanduleeya aadamha iyo qalqiga).

DUNIDA DAHSOON

10 Nov, 16:19


Sheydan ayaa wuxuu leeyahay markii arinka lakala xukmo maalinka qiyaamo alle wuxuu idin yaboohay yabooh xaq ah Anne waan idin yaboohay waana idinkaga baxay xageyga wax xujo ah inigama sugnaan ilaa waxan idinkugu yeeray adinkana aad I ajiibteen ood iraacdeen ha I eedeynina ee nafsadiina eedeeya anigu maahi mid inii gargaaraya adinkana matihiin kuwa ii gargaaraya anigu waanba ka gaaloway waxad sameyseen hada ka hor shirki iyo gaalnimadii foolxumada badneed ee aan inii qurxiyay hada shaqa kuma lihi daalimiintana waxaa usugnaaday cadaab wax xanuunjiya

DUNIDA DAHSOON

04 Nov, 11:36


Waa maxay ragannimada?

๐Ÿฅ€ - Ragannimada waa wiil jilbihiisa isku dhejiya si uusan u taaban gabadh fadhida agtiisa.

๐Ÿฅ€ - Ragannimada waa wiil noloshu ka nixisay ama ku ciriiriyowday, dabadeedna masaajidka aaday oo xaga alle u carara halkii uu tegi lahaa meel lagu cabo.

๐Ÿฅ€ - Ragannimada waa wiil gabadh jeclaaday oo aabahayd u tagay oo ka doontay una maray jidka sharciga ah ilaa ay noqotay xaaskiisa.

๐Ÿฅ€ - Ragannimada waa wiil arkaaya gabadh hortiisa socota, haddana ka hormara.

๐Ÿฅ€ - Ragannimadu waa marka aad dhex socoto dadka adigoo aan lumin mabda'a akhlaaqda, oo aan been sheegin, xadin, khiyaanayn, ama dadka xanta ka sheegin, oo aadan jebin kalsoonida ay kugu qabaan iyo jacaylka ay kuu hayaan.

Ragga ugu kheyrka badan waa midka kuu keena jacaylka xalaasha ah, ma aha midka kuu keena ubax iyo hadiyado xaaraan ah. ๐Ÿฅ€๐Ÿ’

DUNIDA DAHSOON

03 Nov, 11:06


Miyaadan ogeyn in uu illaahay ogyahe waxad Sireysaneysaan iyo waxad muujisaneysaan

DUNIDA DAHSOON

03 Nov, 07:01


ูุงู„ุฐูŠู† ู‡ุงุฌุฑูˆุง ูˆุฃุฎุฑุฌูˆุง ู…ู† ุฏูŠุงุฑู‡ู… ูˆุฃูˆุฐูˆุง ููŠ ุณุจูŠู„ูŠ ูˆู‚ุงุชู„ูˆุง ูˆู‚ุชู„ูˆุง ู„ุฃูƒูุฑู† ุนู†ู‡ู… ุณูŠุฆุงุชู‡ู… ูˆู„ุฃุฏุฎู„ู†ู‡ู… ุฌู†ุงุช ุชุฌุฑูŠ ู…ู† ุชุญุชู‡ุง ุงู„ุฃู†ู‡ุงุฑ ุซูˆุงุจุง ู…ู† ุนู†ุฏ ุงู„ู„ู‡ ูˆุงู„ู„ู‡ ุนู†ุฏู‡ ุญุณู† ุงู„ุซูˆุงุจ.
Kuwa hijrooday laga saaray guryahoodii loona dhibay jidkeygii(dariiqa toosan) dagaalamay lalaayay waley waanu udhaafi oon udhaafi wixii xumaan oo ka dhacay waxan galin oon galin janooyin janooyinkaaso dhexduleela hoosteeda wabiyo taasi ayaa u ahaatay abaalmarin xaga alle illaahay xagiisa ayuu ahaaday abaalmarintiisa wanaagsan

DUNIDA DAHSOON

02 Nov, 10:55


ูˆุงู„ุฐูŠู† ูƒุณุจูˆุง ุงู„ุณูŠุฆุงุช ุฌุฒุงุก ุณูŠุฆุฉ ู…ุซู„ู‡ุง ูˆุชุฑู‡ู‚ู‡ู… ุฐู„ุฉ ู…ุงู„ู‡ู… ู…ู† ุงู„ู„ู‡ ู…ู† ุนุงุตู… ูƒุฃู†ู…ุง ุฃุบุดูŠุช ูˆุฌูˆู‡ู‡ู… ู‚ุทุนุง ู…ู† ุงู„ูŠู„ ู…ุธู„ู…ุง ุฃูˆู„ุฆูƒ ุฃุตุญุงุจ ุงู„ู†ุงุฑ ู‡ู… ููŠู‡ุง ุฎุงู„ุฏูˆู†

Duulkii xumayaal kasbaday waxaa usugnaade xumaan abaalkeeda oo ayada oo kle ah wajiyadoodana waxaa dabooleysa dulinimo iyo murugo umana sugnaan alle xagii mid ka ilaaliya oo ciqaabka alle ka hor istaageysa majirto wajiyadooda waxadba moodaa in lagu daboolay gabal ama qeyb habeenka ka mid ah xaal uu yahe madow kuwaasi naar asxaabteeda weye ayna ku waaridoonaan naartaa.

Wajigooda sida uu umadowyahe waxadba moodaa habenka qeyb ka mid ah in laso qaade dusha laga saare subxanallah allahayow inaga yeel kuwii aad jirkooda ka ilaalisay naarta ๐Ÿ˜ญ๐Ÿคฒ

DUNIDA DAHSOON

02 Nov, 07:16


ู„ู„ุฐูŠู† ุฃุญุณู†ูˆุง ุงู„ุญุณู†ู‰ ูˆุฒูŠุงุฏุฉ ูˆู„ุง ูŠุฑู‡ู‚ ูˆุฌูˆู‡ู‡ู… ู‚ุชุฑ ูˆู„ุง ุฐู„ุฉ ุฃูˆู„ุฆูƒ ุฃุตุญุงุจ ุงู„ุฌู†ุฉ ู‡ู… ููŠู‡ุง ุฎุงู„ุฏูˆู†.

Duulkii waxaa usugnaaday oo samaha falay jano iyo mid dheeraad ah oo ay illaahay arkidoonaan wajiyadoodana madabooleyso madow iyo boor dulinimona uma sugnaan kuwaasi waa janada asxaabteeda waxeyna ku waaridoonaan janadaa

Yaa allah inaga midyeel kuwa ku arkidoona maalinkaas

DUNIDA DAHSOON

01 Nov, 14:15


"Dooro qof qalbigiisu ku jecel yahay inta uusan asaga ku jeclaan."

Dhammaanteen waxaan leenahay cillado, laakiin qofka fahamka leh ee aan kaa tagin xitaa marka uu xanaaqo ama caroodo, waad la noolaan kartaa, dhibaatooyinkiinna oo dhan way xallismayaan, wax u dhow oo kala tag ma jiri doonto sababtoo ah wuxuu yaqaan sida loo naxariisto, wuxuu yaqaan sida loo soo dhoweeyo, uuna xasilin karo xaaladda, wuxuuna yareyn karaa muranka.

Laakiin qofka aan naxariis iyo faham lahayn oo had iyo jeer kaa taga sabab laโ€™aan waxwalba ka xumaada, uuna ku dhaafo adigoo aad murugsan tahay, isagoo aan ku danaynayn haddii aad ku qanacday iyo in kale!

Qalbiga yaqaana sida loo naxariisto xilliga khilaafka oo ku xasuusiya waxyaabaha wanaagsan isla markaana si degdeg ah u dejinaya, waxaad ku kalsoonaan kartaa qalbigaaga markuu kula joogo. โค๏ธ๐Ÿ‘Œ

DUNIDA DAHSOON

22 Oct, 08:45


Farriintii ugu dambeysay ee uu u diray kuwa sharafta leh ee dunidan isagoo aan hal erayna oran:

"La dagaalama iyaga xitaa haddii aad geeri dhexda kaga sugantahiin. La dagaalama iyaga xitaa haddii ay tahay ul kaliya!"

SHAHIID: YAHYA SINWAAR๐Ÿ‡ต๐Ÿ‡ธโ˜๏ธ๐Ÿ’ช

DUNIDA DAHSOON

22 Oct, 08:07


Waxaa maqanaaday Nabiga ๏ทบ maalintii oo dhan uu waayay Sayid Thawbaan markii uu yimid Nabiga ๏ทบ wuu ooyay Thawbaan!

Markaas ayuu yiri Nabigu: "Thawbaan maxaa kaa ooysiiyay?"

Thawbaan ayaa yiri: "Waan kuu xiisay, yaa Rasuul Allah."

Markaas ayuu Nabigu yiri: "Ma wax kale ayaa jira?"

Thawbaan wuxuu yiri: "Wax kale ayaa jira, yaa Rasuul Allah. Waxaan soo xusuustay maalinta qiyaamaha waxan gudagalay inaan ka fakaro aakhiro, jannada iyo naarta. Markaa Waxaan ogaaday inaanan adiga kula joogi doonin derejada, yaa Rasuul Allah, adiga waxaad la jiri doontaa nabiyada iyo saadiqiinta."

Markaas ayuu Nabigu dhoolla cadeeyay oo wuxuu ku yiri: "Thawbaan miyaadan ogeyn in qofku lala soo saaridoono qofkii uu jeclaa."๐Ÿซถ๐Ÿฅบ


ุฃุญุจูƒ ูŠุง ุฑุณูˆู„ ุงู„ู„ู‡ ุจุฃุจูŠ ุฃู†ุช ูˆุฃู…ูŠ ูŠุงุญุจูŠุจ ุงู„ู„ู‡ ๐Ÿซถ

DUNIDA DAHSOON

08 Oct, 06:38


Qaadista Sawir shuruudihii lotteryga buuxinaya
http://wa.me//+252618146300
Nagu soo booqo Xarunteena banaadir kasoo horjeedka shaafi hospitaal

DUNIDA DAHSOON

07 Oct, 17:17


Ku dhegganow hooyadaa intaad awooddo, maxaa yeelay haddii aad lumiso, waxaad waayi doontaa saaxiib, xigto, iyo tiir nololeed. Hooyada cid kale ma beddeli karto.



https://youtube.com/c/DUNIDADAHSOO

DUNIDA DAHSOON

07 Oct, 12:38


Ragannimadu waa inaad jeceshahay gabadh adigoo aan wax kale ka rabin oo kaliya inaad ka dhigato xaaskaaga xalaasha ah.



https://youtube.com/c/DUNIDADAHSOO

DUNIDA DAHSOON

07 Oct, 02:03


Haweeneyda suuban ma aha mid dembi laโ€™aan ah.. ๐ŸŒธ
Laakiin marka la waaniyo way waano qaadataa, oo marka laga siiyo talo wanaagsan way aqbashaa ๐ŸŒธ
Waxay ku noqotaa khaladkeeda oo way toobad keentaa.. ๐Ÿ’Ž


https://youtube.com/c/DUNIDADAHSOO

DUNIDA DAHSOON

06 Oct, 15:55


Haddii aad Alle wax weydiisato, weydiiso inuu ku arsaaqo cabsidiisa iyo ka dhowrsashada caasinnimadiisa, xitaa haddii dembigu yaryahay, inuu kuula ekaado mid weyn..!

Ha u qaadan dembi yar inuu wax uusan qiimo lahayn ahayn, buura-ha waxaa
laga sameeyay jajab.




https://youtube.com/c/DUNIDADAHSOO

DUNIDA DAHSOON

10 Sep, 15:46


"Ninyahow dayuuska ah ma ogtahay in:

๐Ÿ”น Cali bin Abii Daalib (RC) uu yiri: 'Damiya iftiinka si aanay cidna u arkin hooska Faadumo.'

๐Ÿ”น Cusmaan bin Cafaan (RC), isagoo ku jira sakaraadka geerida, xijaabka xaaskiisana uu faydamay, wuxuu yiri: 'Xijaabkaaga adkee, Ilaahay baan ku dhaartaye, in xijaabkaagu feydmo ayaa iga dhib badan waxa aan ku jiro.'


https://youtube.com/c/DUNIDADAHSOO

DUNIDA DAHSOON

04 Sep, 02:20


Haddii aad bilaabtaan akhrinta Suuratul Baqara maalin kasta, iska jir inaad joojisaan, sababtoo ah Nebi Muxammed (NNKH) wuxuu yiri: Akhriya Suuratul Baqara, maxaa yeelay qaadashadeeda waa barako, ka tegisteedana waa qoomamo, mana awoodid burinteda.๐Ÿซถ



https://youtube.com/c/DUNIDADAHSOO

DUNIDA DAHSOON

02 Sep, 20:56


Istiqfaarta badan waxay rumeyneysaa riyooyinka, waxaa lagu yiri: ka mid noqo kuwa istighfaarta badiya qalbigaaga waa la nadiifiyaa, welwelkana waa laga saaraa. Ruuxa istiqfaarta badan, Ilaahay wuxuu u sameeyaa jid uu kaga baxo dhib kasta, wuxuu ka faydaa welwel kasta, wuxuuna ka dhaafaa dambigiisa, wuxuuna ka arsaaqaa meel aanu filaynin. Istighfaartu waa furaha kheyrka oo dhan.

Aanu badino ustiqfaarta ๐Ÿค๐Ÿ•Š


https://youtube.com/c/DUNIDADAHSOO

DUNIDA DAHSOON

02 Sep, 14:59


ุฃุชุฃู…ุฑูˆู† ุงู„ู†ุงุณ ุจุงู„ุจุฑ ูˆุชู†ุณูˆู† ุฃู†ูุณูƒู… ูˆุฃู†ุชู… ุชุชู„ูˆู† ุงู„ูƒุชุงุจ ุฃูู„ุง ุชุนู‚ู„ูˆู†.

Mawaxad amreysan wanaga aadna halmaameysan nafsadiina adinkoo aqriyaya kitaabka miyaadan caqlilajeyn.
Yacnii wanaaga ayad amreysan dadka oo waad waanineysaan nafsadiinana wad ka halmaamteen oo adinkaba masameyn waxad ku waanineysaan oo wanaag ah waadna aqrineysaan kitaabka quraanka oo miyaadan wax caqli ah laheyn.
Marka aan ku dadaalno inaan   nafsadeena ka bilowno inta aan cid kaleto wax usheegin.๐Ÿซถ
๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ


https://youtube.com/c/DUNIDADAHSOO

DUNIDA DAHSOON

02 Sep, 08:07


Ilaahay wuxuu yiri Maxaa kuu diiday inaad usajuudo markaan ku amray wuxuu yiri anaa ka qeyr bdn wxd iga abuurtay naar asagne waxad ka abuurtay dhoobo@
Alle wuxuu yiri hoobo janada xageeda ka hoobo kuuguma sugnaanin inaad isku kibrisiiso oo bax inta duleysan oo liidata ka mid tahee@ wuxuu yiri ii kaadi ilaa maalinka lasoo saaraayo@ allah wuxuu yiri inta loo kaadiyay ka mid tahee@ wuxuu yiri maxad ibaadiyeysay baadiyeynta aad ibaadiyeysay ayan ku dhaartayee wan ufariisan oon ufariisan wadadaadii toosneed@kadip wxn uga imaanayaa xagooda hore oo aduunyada ah iyo xagooda danbe oo aakhira ah midigyadooda uga imaanayaa acmaashooda wanaagsan ka hakinayaa iyo bidixyadooda acmaashaa xun xun uqurxinayaa maheleysid badankooda ayagoo kugu shukrinaaya@ilaahey wuxuu yiri kabax janada xaal aad tahay mid laceebeyay oo laxumeeyay oo naxriistana laga fogeeyay cidii ku raacda oo ayaga ka mid ah walley inaan ka buuxin oon ka buuxin jahanama dhamaantiin@.

YAA ALLAAH ๐Ÿ˜ญ๐Ÿคฒ


https://youtube.com/c/DUNIDADAHSOO

DUNIDA DAHSOON

01 Sep, 19:56


Waxay ka yiraahdeen ninka iyo naagta ๐Ÿ‘ซ

Ninku hadduu jeclaado naag, wuu qarsadaa jacaylka, isagoo ka baqaya in kuwa kale ka xadaan.

Naagtuna haddey jeclaato way shaacisaa si aan qofna u soo dhowaannin.
Ninku mabdaโ€™ ahaan wuxuu u huraa qof walba, naagtuna qof dartii waxay u hurtaa mabdaโ€™ kasta.

Ninku waa maskax... Naagtuna waa qalbi โค๏ธโค๏ธโค๏ธโค๏ธ.

Oo xaqiiqadu waa: Haweeneydu uma baahna wax ay ku caddeyso inay tahay naag,
Laakiin ninku wuxuu u baahan yahay inuu wax badan sameeyo si uu u caddeeyo inuu yahay nin.
Sidaas darteed, waxay yiraahdaan: Raggu waa fal.

๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ๐ŸŒฟ


https://youtube.com/c/DUNIDADAHSOO

DUNIDA DAHSOON

01 Sep, 15:39


Ilaali Sharaftaada oo qofnna Qalbigiisa culeys haku noqon
Qofka ku raba wuu ku Raadindoonaa xitaa hadii aad Dad badan ku dhexjirto balse Qofka ku Rabin kuma arkaayo Xitaa hadii aad hortiisa jookto ee SHARAFTAADA ILAALI๐Ÿฅบโค๏ธโ€๐Ÿฉน๐Ÿซถ

๐Ÿซถ๐Ÿซถ๐Ÿซถ๐Ÿซถ๐Ÿซถ๐Ÿซถ๐Ÿซถ๐Ÿซถ๐Ÿซถ๐Ÿซถ

https://youtube.com/c/DUNIDADAHSOO

DUNIDA DAHSOON

01 Sep, 14:17


Quruxdaadaa illaahey muujiyay wanaagaadaa illaahey banaanka keenay ceebtaada iyo waxaaga qurunka illaahey waa asturay haduuna illaahey asturilahayn wuu nayeeli karaa laba meel iskuguma timaadeen iska dhaaf boqolaalkan kuman kan meel wada fadhiya๐Ÿฅบ๐Ÿซ€โค๏ธโ€๐Ÿฉน๐Ÿซถ๐Ÿ˜ญ

โœ๏ธSh.abdirashiid sh. Ali suufiโœ๏ธ

https://youtube.com/c/DUNIDADAHSOO

DUNIDA DAHSOON

01 Sep, 09:27


ุฐูƒุฑ ู†ูุณูƒ ูŠูˆู…ูŠุงู‹ ุจุฃู† ู…ู† ุญู‚ูƒ ู‚ูˆู„ "ู„ุง" ูˆุฅู†ู‡ุง ุชุญุฑุฑูƒ.


Xusuusi naftaada maalin kasta in aad xaq u leedahay in aad "maya" tiraahdo, waana taas mida ku xoraynaysa.


https://youtube.com/c/DUNIDADAHSOO

DUNIDA DAHSOON

31 Aug, 19:39


ู…ุนุธู… ุงู„ู†ุงุณ ุณูŠุชูู‡ู…ูˆู† ุธุฑูˆููƒ ูˆูŠุณุงู…ุญูˆู†ูƒุŒ ุฃู…ุง ุบูŠุฑ ุงู„ู…ุชุณุงู…ุญูŠู† ูุฃู†ุช ู„ุง ุชุฑูŠุฏู‡ู… ููŠ ุญูŠุงุชูƒ ุฃุตู„ุงู‹.


Dadka badankood way fahmi doonaan duruufahaaga wayna ku cafin doonaan, lkn kuwa aan waxba cafin karin se uma baahnid noloshaada gabi ahaanba.



https://youtube.com/c/DUNIDADAHSOO

DUNIDA DAHSOON

31 Aug, 12:49


ูƒู„ู…ุฉ "ู„ุง" ูˆุญุฏู‡ุง ูƒุงููŠุฉุŒ ุฃู…ุง ุงู„ุชูุณูŠุฑุงุช ุงู„ู…ุทูˆู„ุฉ ูุฅู†ู‡ุง ุชูุชุญ ุงู„ู…ุฌุงู„ ูˆุงุณุนุงู‹ ุฃู…ุงู… ุงู„ุฌุฏู„ุŒ ูˆุณูˆุก ุงู„ูู‡ู…ุŒ ุฃูˆ ุชุฃุฐู† ุจุชูƒุฑุงุฑ ุงู„ุทู„ุจ ู…ุฑุฉ ุฃุฎุฑู‰.


Ereyga "maya" keligii waa ku filan yahay, laakiin sharraxaad dheeri ah waxay fursad weyn siineysaa dood, iyo is-faham la'aan, ama waxay u oggolaaneysaa in codsiga mar kale la soo celiyo.๐Ÿ‘Œ


https://youtube.com/c/DUNIDADAHSOO

DUNIDA DAHSOON

31 Aug, 09:56


Ma jiro wax ku soo laabanaya sidii hore, xafid weedhan si fiican ka hor intaadan jebin wax qurux badan


https://youtube.com/c/DUNIDADAHSOO

DUNIDA DAHSOON

30 Aug, 14:09


ุงู„ุฐู†ูŠุง ุณุงุนู‡
ุงุฌุนู„ู‡ุง ุทุงุนู‡
ูˆุงู„ู†ูุณ ุทู…ุงุนู‡
ุนู„ู…ู‡ุง ุงู„ู‚ู†ุงุนู‡

Aduunyadu waa saacad ka yeel dhacdo , nafsaduna wey damac badantahoo bar qanaacada.



https://youtube.com/c/DUNIDADAHSOO

6,703

subscribers

1,238

photos

140

videos