Ardaaga Xamse Kujoog @xamsekujoog Channel on Telegram

Ardaaga Xamse Kujoog

@xamsekujoog


Waa ardaaga rasmiga ah ee Xamse Cumar Kujoog. Qormooyin qiimo leh iyo aragtiyo kala duwan kala soco halkan.

Ardaaga Xamse Kujoog (Somali)

Ardaaga Xamse Kujoog waxaa lagu qoray xamsekujoog. Waa kan ugu horreysa ee ardaaga rasmiga ah ee Xamse Cumar Kujoog. Kan waxaa lagu daabacay qormooyin qiimo leh iyo aragtiyo kala duwan oo ka duwan, sida wararka caalamka, siyaasad, iyo waxyaabaha bulshada. Xamse Cumar Kujoog waa saxaafadda bilaashka ah ee aad ka heli karto qormooyin iyo wararka ugu dambeeyay ee ku saabsan arrimaha caalamka iyo dibadbaxyada dalka. Haddaba, haddii aad rabto inaad ka heli karto macluumaad dhab ah oo ka socota arimaha ugu dambeeyay ee caalamka, xamsekujoog waa goobka kuu haboon ee aad furan karto. Kaalintan waxaa loogu talagalay dadka dadban oo jecel inay ka faa'iideystaan iyo waxyaabaha cusub ee ku saabsan bulshada. Waxaad kaloo heli karta qormooyin ku saabsan dhacdooyinka bulshada iyo dhaqanka, waxaa kaloo ku jira mawduucyo ku saabsan caafimaadka, horumarka iyo siyaasadda. Xamse Cumar Kujoog waa mustaqbalkaaga, halkan kusoo dhawaado si aad u hesho qormooyin muhiim ah iyo wararka ugu dambeeyay. Aqriso halkan haddii aad rabto inaad ka heli karto wararka ugu dambeeyay iyo aragtiyo qiimo leh. Ardaaga Xamse Kujoog waa doorkaaga ugu fiican ee aad wax badan oo cusub ka barataa.

Ardaaga Xamse Kujoog

31 Dec, 16:01


Fiid wanaagsan.

Waxa sannad buure ah laga joogaa geeridii Sh. Ismaaciil M Cigaal (Sh. Ismaaciil Tabliiqi). Ilaahay ha u naxariisto
Taariikhdii sheekha dib u milicso una ducee in Ilaahay u naxariisto.

https://youtu.be/L5VrF0Of8SY?si=m2XeeTObhQjp4APv

Ardaaga Xamse Kujoog

02 Nov, 16:58


Innagaa guulaysan!

Caawa ayaan salaaddii cishe Masjid laga aqiimayo ku baydhay, codka dhuuban ee Istaw leh ayaan ku war helay, waa wiil yar oo da’aaddaa dhawr iyo toban jirka hadda uun galay.
Cod wanaagsan iyo Qur’aan nool ayuu nagu tujiyay, arrinka se isoo jiitay ayaa ahaa in rakcaddii u danbaysay kolkii rukuucda laga kacay uu sidii maalmahanba caadada innoo noqotay uu qunuut iyo Alla bari la istaagay.

Duco qiimo leh oo qalbi taabad ah oo xamaasad badani ka muuqato ayuu ugu duceeyey walaalaha Qasa ee dagaalka qaawan Yuhuudda iyo reer galbeed oo isu dhan ay ku qaadeen, duco dareen leh oo qalbiga kasoo go’aysay oo da’diisa ka wayn ayuu duceeyay.
Dhaqankii hore ee Soomaalida kolka dhibaato dhacdo sida abaaraha iyo dagaallada waxa lasoo saari jiray ubadka yaryar ee qalin qoyanta ah, iyaga ayaa lagu Alla baryi jiray iyadoo la aaminsanaa in Rabbi ducadooda aqbalayo, waana la arki jiray.
Kolkii salaadda laga baxay ayaan niyadda iska idhi ilmaha yar ee kumannaanka mayl ka fog Qasa haddana dareenkaas la wadaagayaa waa ifafaalo wanaagsan, sidii aynu Ilaahay uga barannayna hubkaas ducadu khasaare ma leh ee guusha innagaa leh.

Ilaahay ha barakeeyo wiilkaas yar, ducadana Rabbi ha innaga aqbalo, walaalaheenna Rabbi ha u hiiliyo oo guusha ha gaadhsiiyo.

Ardaaga Xamse Kujoog

20 Oct, 13:54


10 dhacdo oo Qasa yaalla iyo Khudbaddii Jimcaha

Maalintii 14aad ayaa waxa ka socda magaalada Qasa dagaal u dhaxeeya xaq iyo baadilka, waxa 2 milyan oo gobolkaas deggan isu bahaystay dunida intii ugu tunka waynayd.
Dagaalkaas waxa kasoo baxay dhacdooyin la yaab leh, Qur’aanku se 14 qarni kahor ayuu sheegay. Dhacdooyinkaas 10 ka mid ah ayaannu maanta Khudbaddii Jimcaha ku qaadannay;

1. Rabbi waxa uu innoo tilmaamay cidda Muslim ugu neceb in ay Yuhuud yihiin, tiina maanta way caddaatay oo cadaawadda iyo ciilka ay kula dul dhacayaan masaakiinta Qasa ayaa markhaati ka ah.
2. Cadawga Yuhuudeed wuxuu Qur’aanku ku sheegay in aanay dagaal toos ah geli aqoon ay gidaar dabadii wax kasoo tuuraan, maantana waxa caddaatay sida ay raggii bisleeyey ugu dhici la’yihiin ee ay gantaallada riddada dheer ubadka iyo haweenka ugu xasuuqayaan.
3. Qur’aanku wuxuu caddeeyey in Muslinka imtixaan la marinayo jeer ay gaadhaan in ay quustaan oo Rususha iyo dadka Ilaahay rumeeyey yidhaahdaan “Waa goorma tolow gargaarkii Rabbi” halkaas kolka ay gaadhaan ayay guushu ugu dhowdahay oo Ilaahay ugu jawaabayaa “Gargaarkii Rabbi waa dhow yahay”.
4. Rabbi waxa uu la jiraa dadka muslimiinta ah ee dhibka iyo dagaalka u dhabar adayga, marar badan ayuu Ilaahay sheegay “Rabbi waxa uu la jiraa kuwa sabra”. Maantana dhabar adayga ay walaalaheen muujiyeen waa kii guusha lagu gaadhayay.
5. Qur’aanku wuxuu tilmaamay “Immisa ayaa koox yari amarka Ilaahay kaga adkaatay koox badan” taasna indhaheenna ayaynu ku aragnay 7 October oo dunidu kusoo toostay ciidankii dunida ugu awood waynaa ugu tiknoolajiyad badnaa oo inta la galay wax la dilay iyo wax la qabtay laga dhigay.
6. Waqtiyada adag ee dagaallada waxa madaxa la soo kaca Munaafiqiinta oo muslimiinta canaan iyo hanjabin kala daala, Qur’aankuna wuu innoo sheegay in ay odhanayaan muslimkan aan awoodda lahayn muxuu isugu doonanayaa gaaladan awoodda badan oo Nebi Muxammad Scw ayay ciidankiisii xataa kala jebiyeen. Maantana waynu aragnaa waxa ay ka dhurayaan Media-ha iyo hanjabinta ay wadaan.
7. Maalmaha adag waxa uu Qur’aanku sheegay in lagu kala saarayo inta wanaagsan iyo inta liidata oo in la is huursanaado ayuu Rabbi diiday. Maalmahanna labadaas ayaa loo kala baxay oo in muslimiinta la dareen ah, la jirta, garab taagan oo u ducaynaysa iyo in kale oo muslimiinta caayaysa, hanjabinaysa oo ku jeesjeesaysa ayaa loo kala baxay.
8. Qur’aanku wuxuu innoo tilmaamay in gaalo ay bahwadaag yihiin oo meel ay joogaanba ay isu bahaysanayaan muslimiinta, iyaga oo kala diino duwan oo kala dalal ah. Maantana waxa innoo cad Dimuqraadiyaddii, xuquuqdii aadanaha iyo beenihii ay shubi jireen dhammaan in ay beenoobeen oo ay u midoobeen xasuuqa masaakiinta.
9. Qaniinyo ayaa qaniinyo kaa goysee haddii muslimka dhib soo gaadhay oo dhimasho iyo dhaawacba ku yimi, dhanka kalana intaas inteeda ayaa gaadhay. Qur’aankuna wuxuu innoo sheegay in xanuunku labada dhinacba gaadhayo, se lagu kala baxayo in waxa muslimiinta loo ballan qaaday ee sharaf, guul iyo janno ah in aan gaalada loo ballan qaadin. Maantana waxa aynu aragnaa farxadda ka dhacaysa qoyska cidi ka dhimato Qasa oo shahiid looga dabbaal degayo iyo baroorta dhanka kale.
10. Rabbi waxa uu sheegay inuu sugayo qofkii mu’min ah waqtiga geerida, maantana waxaynu daawanaynaa boqollaal kolka geeridu kusoo xaadirto Rabbi carrabkooda shahaadada ku sugay.

تلك عشرة كاملة

Qoraalku wuu yar dheeraaday ee raalli ahaada, haddii aad halkan soo gaadhayna waad mahadsan tahay laba jeer.

Ardaaga Xamse Kujoog

13 Oct, 11:51


Khudbaddii Jimcaha:

Maanta waxa ay ahayd maalin dunida muslinku isku wada dareen ahayd, annaga masjid Ikhlaas waxa ay ku saabsanayd dagaalka ka socda Qasa, qodobbada ugu muhimsanna waxa ka mid ahaa

1. Garashada dhulka Falasdiin iyo qiimaha uu leeyahay.
2. Jebinta haybaddii beenta ahayd ee Yuhuuddu dunida ka iibisay.
3. Aargoosiga socda iyo baabiinta dulmanayaasha.
4. Isbahaysiga gaaladii dunida ugu tun ka waynayd iyo aamuska muslimiinta.
5. Bushaarooyinka ku jira dagaalka socda iyo rejada aynu qabno.
6. Duco iyo baryo Alle.

Masaajidka aan maanta arrintaas lagaga hadlin tolow maxaa lagaga hadlay!

Ardaaga Xamse Kujoog

28 Sep, 14:58


Badiya Salliga Nebi Muxammad Scw.

Gaar ahaan caawa oo Jimce ah ilaa berri inta gabbalku ka dhacayo carrabkaagu yaanu ka daalin Salliga Nebiga Scw.

اللهم صل وسلم وبارك على نبينا محمد صلى الله عليه وسلم ❤️

Ardaaga Xamse Kujoog

23 Sep, 08:47


Xanuun badanaa😢

Waxa ay gacanta hayeen hooyadood oo xanuusanaysa, waxa ay kusoo qaadeen Taxi, meesha ay deggan yihiin waa Albeerko oo magaalada guri iyo qaraabo midna kuma laha.
Hal mar ayay dhaqaaqa joojisay, waxana ay isku qabteen way dhimatay iyo may dhiman, kolkii ay dhakhtarka keeneen waxa loo xaqiijiyay in ay geeriyootay.

Waa wiil iyo gabadh, waa labadooda oo keli ah, safar dheer ayay usoo galeen caafimaadkeeda, magaaladana cid ka garan maayaan, weli inantii way rumaysan la’dahay in Hooyadeed oo saacad kahor ay madaxa haysay in ay adduunyada nabad gelyaysay. Dhammaan dadkii caafimaadka u yimi ayaa garab taagan oo qalbiga u qaboojinaya, in magaaladii fogayd ee ay ka yimaaddeen loo qaado oo gaadhigii ay nolosha kula soo raaceen maydkeedii dib loogu qaado ayaa saaka u qornayd.

Ilaahay ha u naxariisto.
Dhacdo aan hadda kula kulmay Gargaar.

Ardaaga Xamse Kujoog

22 Sep, 08:32


Hel shafeecada Nebiga Scw!

Qof kasta oo muslim ah waxa uu aamminsan yahay Nebi Muxammad Scw, sidoo kale waxa uu rumaysan yahay in Nebigu Scw maalinta qiyaame u shafeeco qaadayo in badan oo ka mid ah ummaddiisa, maalintaas adag ee qiyaamana waxa aynu ugu baahi badannahay cid inna furata oo garoonkaas dhibka badan innaga dhaqaajisa.

Waxa ka sugan Nebiga Scw inuu yidhi : “Dadka ugu mudan ee helaya Shafeecadayda maalinta qiyaame waa kuwa iigu salliga badan”.
Sidoo kale waxa Nebigu Scw sheegay in marka Eedaanku dhammaado qofka Nebiga Scw ku salliya ee Ilaahay u waydiiya darajada sare ee Jannada in shafeecadiisu u waajibtay.

Aynu badinno salliga Nebiga Scw si aynu u helno shafeecadiisa maalinta qiyaame, gaar ahaan maanta oo Jimce ah yaan carrabkaagu ka daalin salliga Nebiga Scw.

اللهمً صل وسلم وبارك على نبينا محمد صلى الله عليه وسلم ❤️

Ardaaga Xamse Kujoog

14 Aug, 11:12


Faataxa!

Inta badan tusaalaha loo soo qaato maskaxdeennu in ay laba qaybood tahay oo qaybta danbe wixii u gudba aan la illaawin waa suuradda Faataxada, waxa aynu maqalnaa sidii aynu ugu celcelinaynay in ay noqotay mid carrabkeennu la qabsaday.

Marka aad salaadda gasho intee in le’eg ayaad ka fekertaa in aad Faataxada akhrido mise adigoo aan fekerin ayaad dudubisaa?! Haa, dabcan waa sida aynu u badannahay!

Suuraddaas oo maalin kasta ugu yaraan 17 jeer aynu akhrino inta badan waxa laga yaabaa in macnaheeda aynaan aqoon, haddii aynu naqaannana in aynu si guud xarfaha suuradda u macnayn karno oo aynaan hoos ugu sii dhaadhicin macnaha ay gudbinayso.

Suuraddan waa tiir ka mid ah salaadda oo la’aanteed aanay salaaddu ansaxayn, waa cashar aad ku baranayso Rabbiga wayn ee uunka abuuray, awooddiisa iyo naxariistiisana aad ku ogaanayso, waa wada sheekaysi addoonka iyo Rabbigii u dhaxeeya, waa duco iyo Alla bari wixii ugu qaalisanaa se inta badan ma dhaadno.

Laba toddobaad kahor ayaa macallin qiimo badan oo caalim ah uu noo dhigay tafsiirka suuraddan, sawir cusub oo aan ahayn kii aan ka haystay ayuu naga siiyay, waxa aan dareemay in aniga oo maqan aan tukan jiray oo dhadhanka aan casharadaas kaddib dareemayo aan dareemi jirin, Ilaahayoow noo dhaaf gaabiskayaga.

Qofkii xiisaynaya casharradaas, diyaarna u ah inuu wax wayn ka beddelo salaaddiisa oo isaga oo macaansanaya uu tukado waan la wadaagayaa idam Alle.

Ardaaga Xamse Kujoog

11 Aug, 10:39


Jannada sare raadso!.

1
Qofka Muslimka ahi waa qof han sare leh, sida diintu inna fartayna qofka hankiisu waa in aanu meel hoose noqon.
Halka u sarraysa ee qof Muslim ah hiigsadaa waa jannada, Jannadana waxa u sarraysa Al Firdaws, waana halka uu Nebigu Scw innagula taliyay in aynu ku ducaysanno.

2
Nebi Muxammad Scw waxa shaki la’aan ah inuu Jannada ka gelayo halka ugu sarraysa, qofka hanka sare lehna waa ka hiigsanaya inuu ka ag dhawaado Suubbanaheennii Muxammad Scw, in aad ka ag dhawaatana waxa kaa xiga inaad salligiisa badiso.
Waxa ka sugan Nebi Muxammad Scw inuu yidhi: “Dadka iigu dhow maalinta qiyaame waa kuwa iigu salli badan”.

Waa Jimce carrabkaagu yaanu ka daalin Salliga Nebiga Scw
‎اَللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ عَلَى نَبِيِّنَا مُحَمَّدٍ

Ardaaga Xamse Kujoog

28 Jul, 11:06


Saacadda casarka!

Maanta waa maalintii 10aad ee bisha Muxarram ee loo yaqaannay Caashuura, mar kale hadda waa Jimce oo waa laba jaanis oo isku beegmay.

Waxa ka sugan Nebigeennii suubbanaa Scw inuu sheegay: “Maalinta Jimce waxa ku jira waqti qof kasta oo muslim ah oo waqtigaas haleela isaga oo Ilaahay waydiisanaya waxa uu doono Ilaahay waxaas uu waydiistay wuu siiyaa” macnaha xadiiska.

Saacaddaas saxaabadii Nebiga Scw iyo culimada Islaamku waxa ay u badan yihiin in ay tahay casar kaddib ilaa gabbalku ka dhacayo. Waa fursad iyo jaanis aynu Rabbi kaga helayno wax kasta oo aynu doonayno.

Wax kasta oo aad hayso iska dhig, xuska Ilaahay, Salliga Nebiga Scw iyo baryada Rabbi bilow, waxa aad laabta ku haysato ee aad doonayso adduun iyo aakhiraba Ilaahay waydiiso, waa ballan in aad helayso oo Rabbi uu ku siinayee.

Jaaniska waxa sii bilay oo fursadda sii xoojiyay in ay Maanta Caashuura tahay oo aynu badankeennu Soomannahay, qofka Soomaanna ducadiisa waa la aqbalaa.

Inta xanuusanaysa Ilaahay xanuunka haka dulqaado, inta dayn lagu leeyahay Ilaahay haka soo furto, inta dhib kale ka cabanaysana Ilaahay dhibka haka kor qaado.

Ducayso, anigana iisoo ducee❤️
Ducayso, walaalahaaga Islaamka ahna u ducee waqtigan qaaliga ah.

Ardaaga Xamse Kujoog

26 Jul, 14:21


Khamiista & Jimcaha !

Sannadka Islaamka bishiisa u horraysa ee Muxarram oo aynu ku jirno maalinta tobnaad waxay ku astaysan tahay maalin taariikh aad u wayn ku leh taariikhda ummada Islaamka, waa maalinta loo yaqaanno Caashuura, waa maalin Muslimiintu meel ay joogaanba laga rabo inay soomaan iyadoo loo ballan qaaday hadyad aad u qaali ah, taasoo ah in Rabbigii abuuray ka dhaafayo sannad buure ah danbigii ay galeen, sannadkii lasoo dhaafay oo dhan dambigiisii ayaa Ilaahay ku masaxayaa.

Dhanka kalana waa maalin taariikh suntan ku leh maalmihii dunida soo maray oo waa maalinkii Ilaahay badbaadiyay Nabigiisii uu la hadli jiray ee Muuse waana isla maalinkii uu Rabbiga wayni halaagay ee uu badda ku hafiyay Fircoon oo ahaa ninkii taariikhda aadamaha ku galay inuu sheegtay Ilaahnimo .

Haddaba sanadkan 1445 ee tirsiga Islaamka ayaa waxa ay maalintaasi ku beegan tahay maalinta Jimcaha ee 28 July.

Waa fursad dahabi ah oo mudan in laga faaidaysto, waa maalin kaliya oo aynu soonkeeda ku helayno danbi dhaafka sannad dhan.

Dhanka kalana waxa sunne ah in maalin laga horraysiiyo ama maalin laga danbaysiiyo, berri oo khamiis ah waa sagaaloodkii uu Nebigu Scw yidhi: “Haddii aan sannadka danbe gaadho waan soomi doonaa”. Soon berri oo khamiis ah, Jimcahana raaci oo yaan fursaddaasi ku dhaafin.

Ilaahay ha inna aqbalo oo ha innoo danbi dhaafo.

Ardaaga Xamse Kujoog

20 Jul, 20:15


Toos ula xidhiidh

Waxa laga yaabaa yaraantaadii marka aad maqasho siirada Nebiga Scw in aad jaman jirtay oo aad is odhan jirtay “Tolow maan noolaado waqtigaas oo aan ka mid noqdo saxaabadii Nebiga Scw ee la noolaa lana xidhiidhi jiray xabiibkeenna Scw”.

Jaaniska cajiibka ah ee Ilaahay innoogu deeqay ayaa ah in aynu awood u leennahay in aynu Nebi Muxammad Scw toos ula xidhiidhno. Waxa ka sugan Nebiga Scw inuu yidhi “Ma jiro qof igu salliya, isoo salaama oo iisoo duceeya illaa Ilaahay ruuxda ayuu igu soo celiyaa oo salaanta iyo ducadaas ayaan uga jawaabaa”.

Waa jaanis cajiib ah in salligaagu toos u gaadhayo Nebiga Scw, magacaaga ayaa salligaagu ku gaadhayaa, Nebiguna Scw wuu kuu jawaabayaa oo toos ayuu kaaga qaadayaa salaanta iyo ducada.

Carrabkaagu yaanu ka daalin Salliga Nebiga Scw, gaar ahaan maanta oo Jimce ah.

‎اَللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ عَلَى نَبِيِّنَا مُحَمَّدٍ

Ardaaga Xamse Kujoog

13 Jul, 17:44


Nebiga Scw la jaar noqo!

1
Qofka Muslimka ahi waa qof han sare leh, sida diintu inna fartayna qofka hankiisu waa in aanu meel hoose noqon.
Halka u sarraysa ee qof Muslim ah hiigsadaa waa jannada, Jannadana waxa u sarraysa Al Firdaws, waana halka uu Nebigu Scw innagula taliyay in aynu ku ducaysanno.

2
Nebi Muxammad Scw waxa shaki la’aan ah inuu Jannada ka gelayo halka ugu sarraysa, qofka hanka sare lehna waa ka hiigsanaya inuu ka ag dhawaado Suubbanaheennii Muxammad Scw, in aad ka ag dhawaatana waxa kaa xiga inaad salligiisa badiso.

Waxa ka sugan Nebi Muxammad Scw inuu yidhi: “Dadka iigu dhow maalinta qiyaame waa kuwa iigu salli badan”.

Warka oo kooban si guud salliga Scw badiya, si gaar ah caawa waa Jimce, ilaa berri inta cadceeddu ka dhacayso carrabkaagu yaanu ka daalin Salliga Nebiga Scw
‎اَللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ عَلَى نَبِيِّنَا مُحَمَّدٍ

Ardaaga Xamse Kujoog

05 Jul, 17:55


Hadalka dadka.

Dhibka u badan ee dadka haystaa dadka kale ayuunbuu kaga yimaaddaa, gaar ahaan hadalka, waa ta Soomaalidu tidhaahda “Ushu way qabawdaa, ereygu se ma qaboobo” mid ku caaya, mid ku maaga, mid ku aflagaaddeeya, mid ku xanta, mid kugu been abuurta iyo mid kugu jeesjeesa intaba.

Dabcan aadame ayaa tahay oo hadalkaasi inuu ku dhibayaa waa shaki la’aan, weligaaba is adkee oo dheh dan kama lihi waxa dadku leeyihiin, haddana ogow qalbigaagu cidhiidhi ayuu ka dareemayaa oo si kasta oo aad isu dhaafiso waa kii qalbigu ku xanuuna uun.

Cid dunida nolol soo martay oo Nebi Muxammad Scw ka qiimo badan miyaad garanaysaa? May dheh. Aadame kamuu ammaan helin oo cay, aflagaaddo, been abuur iyo maagisba way isugu dareen. Ilaahay ayaana u sheegay oo ku yidhi “Waannu ognahay in laabtaadu cidhiidhi ka dareemayso waxa ay dadku ku leeyihiin” bashar ayuu ahaa innala mid oo hadalka dadku uu dhibayay.

Dawadii ayaa Rabbi innoo sheegay, aayaddaas kol kasta oo ay isoo martana waan jidhidhicoodaa, sida aynu dawadaas lagaga dawoobayo hadalka dadka u haysanno se aynu u mooggannahay. Rabbi waxa uu yidhi:
"ولقد نعلم أنك يضيق صدرك بما يقولون * فسبح بحمد ربك وكن من الساجدين "
Hadalka dadka waxa dawo u ah laba arrimood;
1. Tasbiixda, inaad Subxaanallaah inbadan ku celceliso oo Ilaahay aad xumaan ka nasahdo.
2. Salaad, inaad kol kasta oo aad qalbiga cidhiidhi ka dareento, dadka hadalkooduna ku dhibo inaad xaga Rabbi u caymaddo oo sijaayaddaada dhigato.
3. Cibaadada guud ahaan inaad ku dedaasho oo waqtigii werwer kaaga bixi lahaa aad nafta cibaado ku mashquuliso.

Waa ballan Rabbi qaaday in cidhiidhigaas aad ka dawoobayso oo laabtaadu nasasho dareemayso, kii ku dhibayna isagu ku gubanayo wixii uu kuu gaystay.

W/Q: Xamse Cumar Kujoog.

Ardaaga Xamse Kujoog

26 Jun, 13:19


Qorshaha berri & 10 qodob

Berri oo Salaasa ah waa maalin wayn, waa maalintii carafa ee maalmaha ka tilmaannayd. Waa maalin ka mid ah bilaha xurmada leh, waa maalin ka mid ah tobankii maalmood ee Ilaahay ku dhaartay, waa maalintii Ilaahay diintan dhammaystiray, waa maalin soonkeeda lagu dhaafayo laba sano danbigood, waa maalinta ugu badan ee Ilaahay addoomihiisa naar ka xoreeyo, waa maalin ducada la ducaystaa ka qiimo badan tahay sannadka oo dhan ducaduna maqbuula tahay weliba.

Kolka aad berri u diyaar garoobayso intaas aan soo sheegnay oo dhan ayaad niyadda ku haynaysaa, wax kasta oo dhacana jaaniskaas iyo fursaddaas waad ku faro adaygaysaa oo sinnaba u oggolaan maysid inaad dayacdo.

Haddaba ka warrama haddii aynu qorshe kooban oo aynu maalintan wayn kaga faa’idaysanayno wadaagno. In aad jaaniska iyo kanshada kusoo marta ka faa’idaysaa waa mid ka mid sifooyinka guusha, dadka guulaystaana waa kuwa fursadda aan dayicin adduun iyo aakhiraba.

1. Carafa waxa ay ka bilaabmaysaa caawa kolka cadceeddu dhacdo, salaadda maqrib laga bilaabo ilaa berri cadceeddu ay dhacayso waa carafa, daqiiqad kastaa waa dahab, kolkaa isla caawa sii bilow waxqabadka, salaadda, dikriga iyo ducada oo ha sugin inta waagu beryayo.
2. Caawa hore u seexo si aad cibaadada awood ugu heshid, ugu danbayn 10pm istuur (Geeska Afrika tusaale ahaan).
3. Saacadda ku buuxso badh kahor salaadda subax, (4:00am ex Hrg), tuko dhawr rakcadood oo salaatu layl ah, hal rakcad oo witir ahna kusoo xidh.
4. Suxuuro oo soon niyayso.
5. Salaadda subax Masjidka ku tuko, ragga gaar haan, habluhuna guriga.
6. Kobtaa aad ku tukatay muddo saacad ah iskaga digri inta cadceeddu soo baxayso, kaddibna laba rakcadood tuko si aad u hesho ajarka Cimro dhammaystiran.
7. Yar seexo haddii aad dareento inaad u baahan tahay, haddii kale dedaalka wad adiga oo maalintaada daqiiqad kasta ku buuxinaya xuska Ilaahay (Xuska ugu qaalisan maalintani waa Laa Ilaaha Illalaahu waxdahu laa shariika lah, lahul mulku walahul xamdu wahuwa calaa kulli shay’in qadiir), Qur’aan aad akhrido, salaad iyo sadaqo wixii jaanisku kuu saamaxo.
8. Casar kaddib wixii loo gaadho usoo gacan bax duco oo gacmaha kor u taag, Ilaahay waydiiso wax kasta oo laabtaada ku jira adduun iyo aakhiro, haka daalin ee ku celceli inta qorraxdu ka dhacayso. Nafta, ehelka, asxaabta, dalka Iyo Islaamkaba ducada ku dar.
9. Afur oo xuska Ilaahay carrabkaagu haka qoyanaado.
10. Salaadaha faralka ah ee maalintaas gaadh ka hay oo yaanay kaa dayacmin, sunnayaashana raaci.


Aniga oo qormadan qoray si gaar ah iigu soo ducee, adiga oo akhriyay iyo cid kasta oo sii wadaajisay #Share ama khayr inna xasuusisay Ilaahay ha barakeeyo.

Ardaaga Xamse Kujoog

25 Jun, 15:10


Maalin wayn ayaa innagu soo fool leh.

Waa maalintii Carafa, waa maalinta soonkeeda Ilaahay laba sano oo danbi ah ku dhaafo, waa maalinta Rabbi soo dego ee malaa’igta ugu faano addoomihiisa. Waa maalinta duco iyo Alle bari qof ducaysto ama Rabbi barya ducadiisu ugu qiimo badan tahay. Wixii horeba quba weeye, ducada maalintaasi waa halkay u dhimatay. Waana maalinta ugu badan ee tirada ugu badan addoonihiisa uu Rabbi naarta ka xoreeyo.

Haddii habeenkii qiimaha badnaa ee Laylatul qaddarka la qariyay ogow maalinta Carafa waa laguu asteeyey.
Haddii habeenkaas Malaa’igtu soo degtana ogow maalintan Ilaahay ayaa waynaaye soo dega.

Diyaarso ducooyinkaaga, adiga oo soomman oo Ilaahay isu bihinbinaya u sheego waxa laabtaadu doonayso.

Imaamkii waynaa ee Awsaaci ayaa yidhi “ Waxaan soo gaadhay dad wanaagsan oo sannadka oo dhan baahiyahooda u qarsada maalinta Carafa si ay Ilaahay u waydiistaan”.

Liiska ha isku yarayn, wax kasta oo aad tebayso, naftu rabto ama niyadda aad ku hayso maalintaas qiimaha badan oo sahandabe salaasada ku beegan la eego.

Ilaahay ha inna waafajiyo.
Berri oo Isniin ahna ciddii awoodaysaa soonka haku faro adaygto, idam Alle jadwal maalinta Carafa aan sannadkii hore u diyaariyay oo dad badani mahadiyeen berri ayaan idinla wadaagi doonaa.

Ardaaga Xamse Kujoog

21 Jun, 19:54


Khamiista si gaar ah.

Fiid wanaagsan, weli waxa aynu ku jirnaa maalmihii qiimaha badnaa ee 10 Dulxija, camal kasta oo la sameeyaa wuu ka qiimo badan yahay acmaasha sannadka oo dhan, si gaar ahna waxa la innoo faray in maalmahan la soomo.

Haddii aad soo soontay maalmihii saddexda ahaa ee tegay wanaagsan, berri oo Khamiis ahna ku dar, haddii kalana berriba waa jaanis ee yaanay ku dhaafin dhawr sababoodba;

1. Waa Khamiis, khamiistana sideedaba in la soomaa waa sunne, waa maalin uu Nebigu Scw ku dedaali jiray soonkeeda isaga oo sheegay in maalintaas camallada aynu samaynno kor loo qaado oo warbixinteenna Ilaahay loo gudbiyo, maxaa ka wanaagsan adiga oo soomman in warbixintaada malaa’igtu qaaddo?!.
2. Waa maalmihii khayrka badnaa oo camal kasta oo la sameeyaa wuu ka khayr badan yahay wax kasta oo aad qabato sannadka intiisa kale, maxaa ka qurux badan in maalintaasi kuugu suntanaato soon?!.
3. Hal maalin qofka Ilaahay dartii u sooma waxa ka sugan Nebiga Scw in Ilaahay wejigiisa ka fogeeyo naarta. Kolkaa haddii aad soonto oo aad niyadda geliso maalintaas inaad Ilaahay dartii u soomayso miyaanay ahayn fursad aad Naar kaga fogaanayso?!.

Ilaahay khayrka ha inna waafajiyo, farriintan waan idiin hibeeyey la wadaag walaalaha aad khayrka la jeceshahay, barahaaga bulshada iyo Groups ka aad ku jirto, laga yaabaa qof xasuusintaada ku soomay in aad ajar wayn ku hesho.

Ardaaga Xamse Kujoog

20 Jun, 16:50


Dhibkeennuba waa intan.

Cabdilaahi iyo Cawo waa lammaane isku cusub, waxa ay muddo degganaayeen aqal kiro ah, dedaal badan kaddibna waa kan Cabdilaahi u dhisay qoyskiisa aqal dabaq ah oo ay maanta usoo guureen.
Subaxnimadii ugu horraysay ayay Cawo quraac dhadhan leh u samaysay saygeeda, waxana ay wada fadhiisteen qolka cuntada oo ku yaallay dabaqa sare, waxana ay Cawo isha ku dhufatay dhar aan nadiif ahayn oo ku wadhan daaradda reerka ku xiga, waxana ay saygeedii ku tidhi "Tolow ta gurigan innagu xiga deggani ma iyadaa basari ah mise taydha ay dharka ku maydho ayaa ah mid raqiis ah oo dhacday". Sidii si leeg ayay Cawo subixii labaadna aragtay dharkii uskagga ahaa oo halkii lagu wadhay, waxana ay cabasho ka muujisay gabadha dharkaa maydhay in aanay gaari ahayn, haddii kalana in taydhu ka xuntahay oo ay talo u baahan tahay. Waaba sidaas oo usbuuc dhan ah.

Usbuuc kaddib markii ay subax kasta gabadha jaarka hiifaysay ayaa waxa ay Cabdilaahi iyo Cawo soo fadhiisteen halkii ay ku quraacan jireen, waxana Cawo ay aragtay dharkii wadhnaa oo nadiif ah aadna u dhalaalaya, kolkaas ayay tidhi "Gabadhii jaarkeennu waxa ay baratay sida dharka loo maydho" Cabdilaahi oo muddadaasba aan wax jawaab ah siin ayaa ku yidhi "Cawooy maya'e daaqadda aqalkeenna ayaa uskag ahayd usbuucaas, aniguna saaka ayaan nadiifiyay, sidaas awgeed ayaad u aragtay in dharku si fiican u maydhan yihiin. Dhibkuna muu ahayn dharka ay maydho gabadha jaarkuye waa daaqaddeena oo aan nadiif ahayn, xagasha aad adigu wax ka arkaysay ayaanad ka xukuntay".