Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻 @xikmadaha_nolosha Channel on Telegram

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

@xikmadaha_nolosha


“Our life is too short and i want to live forever 📖🕯.”

Xikmadaha Nolosha (Somali)

Xikmadaha Nolosha is a vibrant and engaging Telegram channel dedicated to sharing wisdom and inspiration for living a fulfilling life. The title translates to 'Life Lessons' in Somali, reflecting the channel's focus on providing valuable insights and guidance. With a heart and peace sign emoji in the title, Xikmadaha Nolosha aims to spread positivity and love among its members. The channel description, 'Our life is too short and I want to live forever 📖🕯️,' encapsulates the essence of the content shared on this channel - a desire to make the most out of life and leave a lasting impact. Whether you are seeking motivation, encouragement, or simply a sense of community, Xikmadaha Nolosha offers a platform where you can find all that and more. Join now and embark on a journey of personal growth and enlightenment!

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

30 Dec, 22:25


.






Maalin baan Farmasi( Pharmacy) tegey waxaanna ku idhi "isii farihii hooyaday" wuxuu igu yidhi; maxay yihiin faraha hooyadaa? Waxaan ku idhi "markii aan yaraa haddii ay hurdo la'aan igu dhacdo,oo aan iskaba waayo wax hurdo ah,madaxa ayay ii masaxi jirtay(salaax) kedibna waan seexan jiray.

~Ad'ham Sharqaawi.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

30 Dec, 09:37


Jacaylka dhabta ah.

((إِنِّىٓ أَخَافُ أَن يَمَسَّكَ عَذَابٌ مِّنَ ٱلرَّحْمَٰنِ))

Jacayl midka ugu qiimaha badan waa inuu qofka kugu dhiirigeliyo adeecidda Alle. qofki aysan aakhiradaada muhiim u eheyn kuma kala jecla, haddii qof saaxiibkaa ah aad xumaan ku aragto oo aadan ka waanin ogoow inuu jacaylkaaga qabyo yhy.

Dadka qaar ayaa leh waxaan ilaalinayaa dareenkiisa, waa tahaye in aad dareenkiisa ilaaliso iyo in aad naar ka badbaadiso yaa fiican?

Cumar Bin Khaddaab wuxuu dhihi jiray: haddii aad aragto in aan waddada xaqqa ah ka lumay, xoog ii soo jiid oo igu dheh: Cumarow Alle ka baq, waad dhimaneysaa!

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

26 Dec, 18:21


Caasinnimo xarga goosatay, waalidkaa mic🎤 loo qaadanoya!

Sheikh baa waxaa so wacay nin ka cawanaya aabihi, sheikhi bu kuyiri “Aabahay waxuu igula dhaqmaa xidhiidh ka kooban shan erey oo ah cay, bahdil, duudsiin, xanuun, baadiyayn.

Waxaan macaansada inaan inkaaro Aabahay inuu ilaahay soo saaro asagoo indha’la’ su uusan u arkin naxariista eebe, ma ii bannaantahay inaan habaaro Aabahay madaaman dulmane ahay? Sheikhow hana i dhihin baari u noqo”

Shiekhi baa yiri “Ninkii wuu i afdaboolay intaanan jawaabin, wuxuuna igu yidhi, "Ha i dhihin baari u noqo…waxaan ku dhahayaa hadal aan kaa farxin doonin….Aabaha haba ahaado nin saa u xun, adiga xaalkaaga maka duwan yahay ilaah sow kuma farin inaad baarinimo iyo axsaan u fasho waliba adigoo naftaada ugu raaxeynaya.

Kaalay Qur’aanka kariimka aan ku tusaaleeye…Aabaha ma waxuu ka gaalnimo Iyo Dulmi Darnaa Aazar Nabi ibrahim Aabihii

hantidisa miyuu kuu diiday, guriga miyuu kaa soo saaray haduu sameeyay xatta dab inu ololiyay miyuu usoo banbaxay ayadoo dadka oo idil arkayo waliba adigoo gacma xeran inu dab kugu xooro, Nabbi ibrahim intaa Aabihi ayaa ku sameeyay waliba xaq asagoo ugu yeeraya

saa oo ay tahay aayada badan baa kuso arooray nabi ibrahim sida uu aabihiisa ugu hadal jilcanaa asagoo dhahayo “aabow aabow”

Ilaa marki uu mari waayay uu yidhaahdo ilaah baan dambi dhaaf ku waydiina…waliba xitta asagoo gaalnimo ku dhintay ilaah dambi dhaaf u waydiiyay.

Sheikhi oo hadalka wataa yiri “ waxay ahyd inaad ilaahay barido si uu uso hanuuniyo aabahaaga, oo khaatumo wanaagsan uu siiyo, oo saa sheegaty waliba aabahaa waayeel yahay, waxuu xaq kuugu laa cod dheer iyo mid hoosaba inaad ugu duceeso….doodkasto iyo dhibkasto aad ka tabanaysana ilaah kaliya kusiin karra asaga kaliya!”

Ilaahay nama fitneeyo caasinimo xarga goosatay baa socota.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

23 Dec, 20:13


Qof kasta oo si uun ugu jira nolosheenna farriin ayaan u reebnaa ama ay noo reebaan. Qof ayaa weli sheegaya kaftan uu kaa bartay. Qof ayaa weli isticmaalaya ereyo uu kaa maqlay oo isugu jiri kara kuwo wanaagsan ama xun. Qof ayaa weli dhegeysanaya ama daawanaya muusig; heeso, filin ama macluumaad kale oo aad bartay ama la wadaagtay. Qof aad caawisay ayaa weli garawsan abaalkii aad u gashay. Qof ayaa weli dhoollacaddeynaya marka uu xasuusto waqti aad wada qaadateen. Qof ayaa weli adeegsada talo ama waano aad maalin siisay. Qof ayaa meel kasta oo uu joogo weli ku dhaata saameyntii aad ku lahayd noloshiisa. Qof ayaa kaa bartay sida wax loo jeclaado ama fanka waxdiidista. Kuwo ayaa kaa bartay deeqsinimo iyo nafhurnimo. Kuwo ayaa kaa bartay xumaan oo idil. Dad waxaa jira aad noloshooda oo dhan si uun ugu milan tahay, ayada oo laga yaabo in aysan kuu sheegin balse farriintaada si uunugu daabacan tahay noloshooda. Waxa aan si joogto ah ugu mahadnaqaa qof kasta oo wax wanaagsan ama xun i baray, waayo, qof kasta waxa uu gudbiyaa sida uu u qaabaysan yahay, sirtuna waa in uu wax uun i baray oo aan laga ii sheekeyn ee aan tijaabiyay.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

21 Dec, 12:08


“لا حول ولا قوة إلا بالله”


Markaad tiraahdo “لا حول ولا قوة إلا بالله,” waxaad ka qiraysaa inaad ka baxday itaalkaaga oo aad u wareegtay xooggii Alle,

waxaad ka baxday tabar yaridaada oo aad u wareegtay awoodda weyn ee Ilaahay, waxaadna ka tagtay faqiirnimadaada oo aad u wareegtay hodantinnimada kaydka Alle , waayo kaliya Isaga ayaa awood u leh inuu xaalad walba ku beddelo hal kelmad oo ah “Kun” (Noqo! wayna noqon).

Macnaha “لا حول ولا قوة إلا بالله” waa in addoonku u gudbo xaalad ilaa xaalad kale isagoo ku tiirsan kaliya xoogga Alle. Waa eray weyn oo ka mid ah khasnadaha Jannada! Haddii arrin ku adkaato, aduunyaduna cidhiidhi kugu noqoto, oo dhammaan waddooyinku kugu xidhmaan , ha ka daalin inaad tidhaahdo :

“لا حول ولا قوة إلا بالله”
waxaad arki doontaa waxyaabo layaab leh oo mucjiso ah, idamka Ilaahay.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

20 Dec, 21:16


"Aqoon aad akhriday iyo mid aad dhaxashay toonna yaanay ku hodin, hana u arkin wax sugan iyo xaqiiqo laga ma gudbaan ah. Wax walba caqliga ku miisaan, meelo ka la duwan ka eeg, wax lid ku ahna ku eeg.

Run iyo been, sax iyo qalad, midna wax ahi ma jiraan inta aan caqligaagu go’aan ka gaadhin. Ma jirto awood caqliga ka sarraysa oo wax lagu saxo ama lagu qaldaa. Qofka waxa loo sheegay, uu akhriyay ama dhaxlay sidooda ku qaata isaga oo aan garashadiisa la kaashan, ee mooda cidda wax u sheegtay in ay xaqiiqada uga xog-ogaalsan tahay, waa qof aan garaadkiisa ku kalsoonayn oo addoon u ah aragti kale ama dhaqan soojireen ah. Isku day had iyo jeer in aad wax walba dhinaca lagaa tusay ama aad ka taqaan mooyee dhinacyo kale ka eegtid, una ogolow caqligaagu in uu fekero karaankiisa.

Ogow haddii aad fekerkaaga xayirtid, adiga oo xeerinaya aragti hore, waad iska hiilisay waxaanad u jabtay mugdiga iyo khuraafaadka. Ha noqon fulay socdaalka nolosha dadka kale iska dabagala waxa ay la kulmaanna la kulma, ee ku dhiirro waddo cusub taas oo aad guul aan lagaaga horrayn uga dhacdid.

U feejignow dhacdooyinka iyo giraanta wareegaysa ee dunida, mid dhow iyo mid dheerba, wax walbana asalkooda iyo sababtooda raadi, taas ayaa ah wacyiga aad maqashid. Wacyigu waa ilays xoog leh oo sida hillaaca maskaxda ugu dhaca, oo degdeg kuugu ifiya walxaha iyo dhacdooyinka xaqiiqadooda. Weligaa qof ha ku nicin aragtidiisa u gaarka ah, hana kaga hamran aragtidaada kuu gaarka ah.”

-Aanadii Negeeye

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

17 Dec, 20:44


"Marka sanadka bisha kobaad uu bilowdo, riyooyin badan ayaa maskaxdaada ku soo dhacaya, waxaadna ka fikireysaa isbedel. Laakiin dhamaadka December, xaqiiqda ayaa kaa hor imaaneysa. Guul iyo guuldarro waa labada dariiq ee noloshu kuu higsan karto, waxaana kugu xirnaan doonta sida aad ugu diyaar garowday. Nolosha ma ahan riyo kaliya, waa dadaal iyo adkeysi, taasoo kuu oggolaaneysa inaad xaqiijiso dhammaan wixii aad ku riyootay."

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

10 Dec, 14:29


Xaalku waa Bariga Dhexe

Waxaa shacabka Suuriya harqiyay farxad iyo dabaaldegyo ka dib markii uu dhammaaday nidaamkii gumaadka iyo cabburinta ku dhisnaa ee Bashaar Al-Asad. Cabsidii iyo colaaddii muddada dheer haysay dadka ayaa si lama filaan ah isu beddeshay farxad, heeso, iyo qoob-ka-ciyaar, iyadoo ay muuqato rajo cusub oo shacabku ku qabo mustaqbal ka duwan kii hore. Qofkii si dhab ah ula socday cadaabta iyo silica ay dadku soo mareen wuxuu si fudud u fahmi karaa dareenkooda farxadeed. Shacabka Suuriya waxay u hanqal taagayaan nolol sharaf leh, nabad waarta, iyo dib-u-dhis qaran. Laakiin…

Xaaladda Suuriya iyo guud ahaan mandaqadda Shaam iyo Ciraaq ayaa weli ah mid cakiran oo ay ka muuqdaan caqabado waaweyn iyo masiibooyin cusub. Mustaqbalka Suuriya waxaa hareer taagan dhibaatooyin la xiriira nabadeynta, sugidda midnimada qaran iyo awoodda lagu ilaalin karo wadajirka dalweynaha. Sidoo kale, waxaa muuqata khatarta dagaallo hor leh oo dib uga bilowda Ciraaq. War iyo dhammaantiis, mustaqbalka mandaqadda ayaa u muuqda mid ay ku xeeran yihiin isbedello waaweyn iyo dagaallo cusub. والله غالب على أمره ولكن أكثر الناس لا يعلمون.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

06 Dec, 21:14


Nabarrada ay geysato gacanta aadamuhu waxa ay ku dhacaan jirka, waa ay na bogsadaan. Laakiin nabarrada uu geysto carrabka aadamuhu waxa ay ku dhacaan qalbiga, ma na bogsadaan. Sidaasi awgeed dooro erey ba erayga uu ka wanaagsanyahay.!!

وقال تعالى (وَقُولُوا لِلنَّاسِ حُسْنًا)

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

27 Nov, 17:32


(وءاتىٰكم من كلّ ما سألتموه )
“Isaga (alle ) ayaa idin siinaya shay walba ood weydisatan “

Isagu waa ilahay! Qofka u yimaadda isaga oo baqanaya amni buu siiya. Qofka u yimaadda isaga oo qalbi jabsan, niyada ayuu u dhisaa. Qofka u yimaadda isaga oo u baahan hiil, waa uu u gargaara. Qofka u yimaadda isaga oo murugaysan, waa uu ka farxiya. Qofka u yimaadda isaga oo lunsanna, waa uu hanuuniya. Xulo wakhtiyada la aqbalo ducada, baahidaadana u bandhigo ilahay. Ka kac hurdada habeenka qeybtiisa dambe, isaga bari, ducadana ku dedaal oo marnaba Ha quusan, hana is dhiibin. Eebena ku kalsoonow, sababta oo ah gacmaha loo taagay xagiisa maso celiyo iyaga oo maran,intaas ka hor noqo xalaal miirad , xadiisku wuxu yidhi; ”hagaaji hungurigaaga waxad noqonysa Mid la aqbalo baryadiisa ee”.

Buugga :Dhambaaladda Qur'aanka.
WQ: Adham Asharqaawi.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

27 Nov, 09:34


Si kastood u saxan tahay qofka kalena u khaldan yahay si walba ood u hanuunsan tahay qofka kalena u lunsan yahay dhaqanka suubban baa wax kasta ka horreeya. Tuug ayaa habeen usoo dhacay guriga maalik binu diinaar, nasiib xumo kama helin wuxuu qaato laakiin maalik
ayaa u dhawaaqay oo ku dhahay kamaad helin shay adduunyada wax kuu tara ee ma u baahan tahay wax aakhiradaada ku anfaca? Tuuggii ayaa dhahay haa, Maalik ayaa ku dhahay markaa soo waysayso oo tuko laba rakcadood tuuggii sidii ayuu sameeyay wax yar ayuu sii fadhiyay kadibna masjidka ayee isku raaceen maalik oo la waydiiyay ninkani waa kuma? ayaa dhahay si uu ii xado ayuu u yimid balse anigaa xaday!

ادع إلى سبيل ربك بالحكمة والمو عظة الحسنة

Jidka rabbigaa ugu baaq dadka, Habka iyo hannaanka ay ku dheehan yihiin xikmad.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

26 Nov, 17:24


Qalbijabkeennii iyo isa sagtootinteennii ka dib, marna qalbigu ma ku daqnaday? Ma dareentay in kalataggu uusan marnaba ka fiicnayn wadajooggii xanaaqa iyo qosolku ay ku midaysnaayeen? Ma filaysaa in murankeennii, dagaalkeennii, heshiiskeennii, isfahankeennii iyo jaqjaqdeenniiba ay ka macaan yihiin aammuskeenna ama la sheekaysigeenna dad kale oo aan qalbiyadeenna ku jirin? Ma kula tahay in dulqaadka oo qur ah ay noloshuba ku socon karto? Anigu sidaa ayaan u arkaa, adna waad u aragtaa balse sidayda geesiyad uma tihid!

Gacalisadaydii horaay, waan kuu hiloobay!

-Unknown

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

25 Nov, 14:57


Imaam Axmed Ibnu Xanbal ayaa al weydiiyay: "sidee aya dadka looga amman heli karaa?

Waxa u ku war celiyay si iyaga oo ha ka qaadan. lyagu ha ku dhibaan oo adigu waxba ha u geysan. Hawlahooda la qaabo oo ha ku cadaadin in ay adiga hawlahaaga kula qabtaan. Markaas aya haddana lagu yidhi way adag tahay waayahan in ad sidaas samaysaa! Markaasuu yidhi: roonaan lahaydee haddii ad weliba sidaas kaga nabad gelayso! Waxa wax laga xumaado ah saaxiibow, in aynaan imminka dadka ka raadinaynin ni aynnu wax ka dheefno, ee aynu ka doonaynno in aynu ka nabad galno uun! In aynnu ka helno xuquuqdeenna ugu yar.

Yacnii; in ay faraha kaa la baxaan oo aaad ka nabad hesho, balse wa madhacaan in aad ka badbaadaa! Noloshaada ayay ku nool yihiin in ka badan inta aad adigu ku nooshahay, waxa ayba hilmaansan yihiin in meesha ugu mudan ee afkoodu uu ku habboon yahay ay tahay wejigoodaas u illahay ugu talo galay, ee aanay ahayn nolosheenna ay afka la soo gelayaan!
Wallaahay mararka qaar waxa aad doonaysaa keliya in aad ogaato waxa ka farxinaya iyaga, si aad ugu samayso oo aad uga nabad hesho!
Balse saaxiibow waad ku fashilmaysaa!

Haddii aad masaajidka ku badato waxa ay ku odhanayaan xagjir, haddii aad maqaaxiyaha ku badatidna xadhig-ka-furad! Haddii aad xaaskaaga la tashato waxa ay ku odhanayaan waa dameer loo taliyo, haddii aadan la tashanna waxa ay ku odhanayaan kelitalis aanay xaaskiisu agtiisa miisaan ku lahayn! Haddii aad hadalka ninkaaga maqasho waxa ya ku odhanayaan shakhsiyaddeeda ayaa daciif ah, haddii aadan dhegaysanna waxa ay ku odhanayaan waa faraha- laga-qaad dhego adag!

Haddii aad buugaagtaada iska dhexfadhido waxa ya ku odhanayaan waa mid xidhxidhan, haddii aad ciyaaraha dawatana waxa ay ku odhanayaan wa qof maalaayacni ah! Haddii aad shaqayso waxa ay ku odhanayaan gurigeedii ayay dayacday, haddii adan shaqaynna waxa ay ku odhanayaan shahaadooyinkeedii way khasaarisay! Sarkhaanka iyo midka cibaadada badan midina dadka ma qanciyo, ka ay ceeb u waayaanna, iyaga ayaa mid u sameeya, ka dibna ku caaya! Miyaadan maqal nebi Luud ee tolkii waxa ya ka sheegayeen:

أَخْرِجُوٓاْ ءَالَ لُوطٍۢ مِّن قَرْيَتِكُمْ ۖ إِنَّهُمْ أُنَاسٌ يَتَطَهَّرُونَ

Ka saara qoyska Luud degmadiinna, waaba dad isdaahirinaya'e!"

Markii ay gef ku waayeen ayay nadiifnimadoodii iyo ceeb-ka-saliimnimadoodii ku caayeen!
Markaasaad adiguna isweydiinaysaa sidii ad dadka u raalli gelin lahayd! Ma jiro qaab aad u raalligelinaysaa saaxiibow! Ha ka yaabin taas!

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

24 Nov, 12:31


قال النبيﷺ "لعنه الله المرأة تلبسه لبسة الرجال ولعنه الله الرجل يلبسه لبسة المرأة".
Nebigu NNKH Wuxu yiri "ilaahey wuxuu lacnadey haweenayda xiraneysa dharka ragga sidoo kale wuxuu lacnadey ninka xiranaya dharka gabdhaha".

"Hablahan haddey jaahilnimo u xirteyn dharka ragg alle ha u soo noqdaan alle cafis badane".

"Gabadha muslimka ah waxaa looga baahan yahay inay barato diinteeda kuna dhaqanto qur'aanka iyo sunaha nebiga naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha ahaato".

"Alle ha nagu wada sugo diintiisa islaamka".

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

23 Nov, 23:21


Facebook waxaan maanta ku arkay qof dhallinyar oo la sheegay in uu yahay wiil in muddo ah iska dhigayay gabar. Sida video ay dadku wareejinayaan ka muuqata, boolis (Nayroobi) ayaa waraysanaya, qof kalana af Soomaali ayuu ugu tarjumayaa. Booliska iyo tarjumaankaba lama arkayo. Dharka in uu hortooda isaga siibo ayaa lagu amrayaa. Isaga oo gariirayo, aadna u neeftuurayo oo marna uu fiirinayo booliska, mar kalana qofka filinka ka duubayo, ayuu dharka oo dhan iska bixinayaa marka laga reebo surwaalka uu xiran yahay!

Danbigii la doono qofku ha galo, cidna ma mudna in boolis iyo tarjumaan hortooda dharka isaga bixi la dhaho, waliba kiis sidaan oo kale aad u xasaasiyad badan. Waa dadnimo xumo iyo sharci darro in qof sidaas sharfkiisa loo xumeeyo. Waa danbi weyn in qof xaaladdaas ku sugan video laga duubo, haddana la baahiyo. Haddii boolisku ay ka go’an tahay in uu hubiyo jinsiga qofka (lab/dheddig), isaga oo sharciga raacaya, waxaa daw ah in shaqadaas lala kaashado xirfadle caafimaad/dhakhtar.

Aad baan uga xumahay xaaladda qofkaan qabsatay. Ma aha wax lagu qoslo oo lagu shactaraysto.!

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

19 Nov, 18:25


Nolosha waxaa ka buuxa isbeddello iyo gadgaddoon ka dhigaya halbeegyada bulsheed iyo kuwa akhlaaqeedba wax aan xasilloonayn. Waxaa dhacda in mararka qaar la yaso geesiyada, halka fulayadana lagu huwiyo haybada libaaxa. Waxaa la arkaa in jahligu aaso xujada aftahanka iyo xaqa muuqda, iyadoo la xiiseeyo macno-darrada kuwa maanka ka gaajaysan. Waxaa sare u kaca qiimaha kuwa iyo waxa liita, halka uu hoos u dhaco xiisaha loo qabo dadka leh sifooyinka wanaagsan. Marka ay halbeegyado dhanka taban isu rogaan, xumaanta ayaa wanaag noqota, wanaaguna wuxuu u sawirmaa ceeb iyo xumaan.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

17 Nov, 13:07


Mid ka mid ah Ameerikaanka uu Alle soo hanuuniyay oo diinta Islaamka qaatay oo ka sheekaynaya qaabkii uu ku soo islaamay, waxa uu yiri:

[Waxa aannu wada soconnay wiil yaroo aan dhalay, waxaanan ag maraynay taallo loo dhisay Nabi Ciise ee kaniisadda meel u dhow laga taagay.

Wiilkaygu waxa uu i weydiiyey: “Aabbe, kani waa kuma?”

Waxaan ku iri: “Kani waa Wiilkii Ilaahay, waana Ilaaheen!”

Wuxuu igu yiri: “Maxaa sidaas loogu daldalay? Jirkiisa dhaawacyo ayaa ka muuqda, muuqaalkiisuna aad buu u liitaa oo waan la murugooday eh!”

Markaas baan ku iri: “Waxa sidaas loogu daldalay, dambiilayaal aan isaga rumaysnayn baa sidaas u galay..!”

Waxa uu igu yiri: “Aabbihiis muxuu u difaaci waayey?! Ilaah xoog badan haddii uu yahayse isagu muxuu isku difaaci waayay?!”

Waxaan ku iri: “Ilaah baa sidaas doortay! Si uu dambiyadeenna inooga dhaafo!! Sababtoo ah markii uu oggolaaday wiilkiisa in la deldelo!! Deldelaaddaasi waxay inoo ahayd kafaaragud iyo dembidhaaf!!”

Waxa uu yiri: “Aabboow, adigu ma aqbali lahayd inay aniga i daldalaan oo qof kale dartiis aan u xanuunsado, adigoo i difaaci karaya!!”

Waxaan ku iri: “Dabcan maya..!”

Waxa uu igu yiri: “Sidee buu Ilaahay uga raalli noqday in wiilkiisa sidaas lagu sameeyo!! Waa uu awoodaa in uu dembiyadeenna naga cafiyo iyadoo aan wiilkiisa la jir-dilin oo aanu gacmaha dadka ku dullayn eh?”

Dooddaasi waxay ahayd dariiqa hanuunkaygu halkii uu ka billowday!!]
———————————————-

Su'aalaha dabiiciga ahaa ee ilmahaas yari waxay aabbihii tuseen runta!!

Sidee maskaxda bini'aadamku ugu qanci kartaa xukunka noocaas ah, una rumayn kartaa?

Waxaa mahad iska leh Allihii inagu galladaystay fidrada Islaamka.

Eebboow waan ku rumaynay ee inoo dambi dhaaf oo inoo naxariiso adigaa Alleheen ahe, Qoomka daalimiinta ahna inaga qabo. aamiin. 🤲🏻

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

13 Nov, 00:22


“لا أستطيع أن أقول عن إنسان أنه طيب إلا إذا كان لديه القدرة على فعل الشر ولم يفعل.”

يجب أن يكون لديك الخيارات لتعرف حقا من أنت.

- نجيب محفوط

“Ma dhihi karo qofku waa wanaagsan yahay ilaa uu awood u leeyahay inuu xumaan sameeyo oo hadane uusan samayn.”

Waa inaad haysataa doorashooyin si aad u ogaato
xaqiiqada qofka aad tahay

—Najiib Maxfuud

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

12 Nov, 23:56


“Iimaan malaha qofka aan ammaana lahayn, diinna malaha qofka aan ballan lahayn.” ﷺ

(لا إيمانَ لِمَن لا أمانةَ له، ولا دِينَ لِمَن لا عَهْدَ له)

Wixi lagugu amaaneesto halugugu yimaado,sido kale ha qaadin balan aadan ka soo dhalaalen maxaayeelay ma jirto cid qoray kugu heeso,ha balan qaadin oo iska diid waxaa is leedahay kama soo bixi kartid.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

09 Nov, 16:00


.













Dhambaal🌑

Naf waliba waxay leedahay xuquuq iyo xil, waana inaan si dhaw u ilaalinaa daryeelka nafta iyo nolosha guud ahaan. Waxaan kugula talinayaa inaad naftaada u hurto wanaagga iyo samaha, waayo waa hanti qaali ah oo had iyo jeer u baahan daryeel. Ku dedaal inaad naftaada ka ilaaliso walwalka, cadaadiska, iyo xaaladaha ku sababi kara in aad niyad jabto.

Waqtigaaga ilaali, caafimaadkaaga daryeel, xiriirkaaga dadka wanaaji, kuna dadaal inaad kor u qaaddo aqoontaada iyo horumarkaaga ruuxeed. Waxaan kaloo kuugu dardaarmayaa in dulqaadka iyo naxariistu noqdaan astaamaha ugu muhiimsan ee naftaada ku lamaan.

Hadalkaaga ha ku noqon mid dhib ah, xoogga saaro wanaagga iyo ka fiirsashada wax kasta oo aad ku dhaqmayso ama sheegayso.

Haddii ay jiraan go’aamo adag oo kugu soo fool leh, ha hilmaamin in wax waliba ay leeyihiin xal iyo jaanis ay ku hagaagaan, haddii la isku deydo dulqaad iyo dadaal.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

09 Nov, 07:21


Mid ka mid ah sababaha marka musuqsha laga soo baxo loo dhaho: "غفرانك" waa in Ilaahey dembi dhaaf laga dalbado maadaama qofka uu ku jiray xaalad uusan Ilaahey xusi karin.

Sida aan xuska Ilaahey u moognahay, maalinteenna dhan qof musqul ku jiro wax badan ma dhaanno. يارب غفرانك

- Nasri juka

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

08 Nov, 10:51


وَإِن تُطِعْ أَكْثَرَ مَن فِي الْأَرْضِ يُضِلُّوكَ عَن سَبِيلِ اللَّهِ ۚ إِن يَتَّبِعُونَ إِلَّا الظَّنَّ وَإِنْ هُمْ إِلَّا يَخْرُصُونَ. (الأنعام - 116).

Hadda adeecdo dhulka waxa ku sugan (Bini Adaamka ah) badankooda wey kaa luminaayaan wadada Ilaahay, mana racaayan mala ma aheenee iyagana waa kuwa mala awalaayo.

Alle ayaadan wuxuu ugu digay Nabiga SCW oo lagu dhahay dadka meshay u badan yihiin ha raacin. Sidoo kale qof walba wadada Nabiga SCW raacay ayaa loogu digay.

Bulshadeena waxaa arkee inay ku dhahayaan far taagan maxaa ka dhigay meesha loo badan yahay raac mar walba xaqa inaa raacdo ayaa muhiim ah. Wadada xaqa Allah nagu dilo. Amiin.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

05 Nov, 14:40


Waxaan mararka qaar aad ula tacajubaa sheekh mustafe marka uu mowduuc is dul taago sida sareysa uu uga hadlo mowduucaas asiga oo aanan Ku rafan mowduuca markaas uu Ka hadlayo sheekhu wa macalin, taariikhyahan ,injineer, dhakhtar , iyo maktabad buuxda Rabi cilmigiisa hanagu anfaco sheekha cimrigana Eebe ha usiyaadiyo.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

04 Nov, 19:03


Xusuusnoow: waa wax caadi ah in uu kugu yimaado dib udhac ha noqoto caado aad la halgamaysid joojinteeda, filashooyin Sare aad lahayd oo fashil kuyimid, qof aad jeclayd oo aad waydid, iyo dhamaan caqabadaha kala duwan ee uu u nugulyahay qof walba. Balse waxaa muhiim ah dhamaan caqabadahaas in aad Ka baratid cashar aadna uga socotid horey sideedaba dib udhucu fashil ma aha ee waa qayb kamida safarka koritaankaga qof ahaaneed.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

30 Oct, 09:18


Nin baa saddex ciyaal ah oo uu dhalay iyagoo waddada ku ciyaaraya inta uu arkay, guriga ku soo celiyay, dabadeedna qol kor uga soo xiray.

Ciyaalkii mid mid bay uga bexeen daloolka aircondition-ka.

Ninkii waxa uu mar kale arkay ciyaalkii oo waddada ku ciyaaraya. Inta uu gacmaha soo qabtay, buu qolkii ku soo celiyay.

Isagoo yaabban buu waxa uu weydiiyay sida ay uga bexeen qolkii uu kor uga xiray.

Mid baa yiri: “Waxan ka baxnay duleelka aircondition-ka.

Ninkii inta uu burris iyo masaamiir soo qaatay, buu islaantiisii u yeeray, kuna yiri: “Kor ii qaad, aan daloolkaan daariyo eh”.

Islaantii oo uu garbeheeda saaran yahay, saaxiibkiis baa taleefanka gacanta ka soo wacay. Wiilashii mid ka mid ah baa ka qabtay:

Saaxiibkii: “Aaway aabbahaa?”
Wiilkii: “Hooyaday ayuu kor fuulaa”
Saaxiibkii: “Muxuu samaynayaa?
Wiilkii: “Daloolkii ayuu daarinayaa”
Saaxiibkii: “Daloolkee?”
Wiilkii: “Daloolkii aniga iyo walaalahay aan ka soo baxnay”😹🤣😂


Marmarbu hadalka si isugu adaa 🤣!!

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

28 Oct, 09:58


"Qofku inuu filasho-wanaagsan ku noolaado waa qayb ka mida guusha. Si kastay howluhu u cakirmaan filasho-wanaagsan baa lagu ladhaa. Waxaad ka dheefi bad-qab maskaxeed (mental health) iyo mid jidheed (physical health). Badanaa oo badanaa dadka qaar oo aanay intani ugu jirin qaamuuskooda nololeed!"

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

27 Oct, 17:55


.








Ha yaraysanin marnaba, erayga wanaagsan tala-bixinta iyo waanada aad siinaysid qof ehelkaa ah ama aad asxaab tihiin amaba aad si guud u gudbinaysid

Waxaa jira dad fikirka wanaagsan markay maqlaan laga yaabo hirgalintiisa inay kaga haboonyihiin kii curiyay fikirka, waana dadka afkaarta wanaagsan shaqada u badala, una maareeya hirgalinta afkaartaa qaab aan xattaa ku soo dhicin kii hindisay.

Waxaa jira, tusaalayaal aad u tira-badan oo guulaystay kana yagleelmay oraah kooban oo ku dhacday dhagihii ku haboonaa, iyana dhugtay oo wax la majeerto u baddalay.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

27 Oct, 17:46


قال التابعي الجليل الحسن البصري رحمه الله تعالى:
«من أحبّ أن يعلم ما هو فليعرض نفسه على القرآن».

Wuxuu yidhi Xasan Al Basri, Rabbi haw nimceeyee; "Ciddii jecel inay ogaato waxay ku sugantahay nafteeda haw bandhigto Quraanka".

Waxaynu u baahanahay idaylkeen xilli aynu nafteena su'aalo dhab ah waydiino si ayna hilmaanka uga baxno, naf iyo shaydaan dhagartoodana uga badbaadno.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

21 Oct, 08:28


Si kasta oo aad u fiican tahay, si kasta oo aad u caqli badan tahay, si kasta oo aad wax u taqaan ... dadku mar kasta waxa ay kugu xukumayaan inta ay naftooda kalsooni ku qabaan (according to their insecurities). Miisaanka uu kugu cabbirayo qofku waxaa asal u ah "perception"-ka uu kaa haysto iyo filter ka uu wax ku miiro.

Sidaa darteed marna ha ku dagmin sida dadku kuu ammaanaan, wax kaaga sheegaan ama kuu dacaayadeeyaan. Waxa muhiimka ahi waa ay afkaartaada, ficiladaada iyo sida aad u dhaqmaysid ay saxan tahay. Wax ka sheegga dadka iyo dacaayadoodu waxay qayb ka tahay turunturooyinka yar yar ee dariiqaaga aad kala kulmaysid. Ha ku mashquulin ee ka soco.

Taas macnaheedu ma ahan in aadan is difaacin ama aadan caddayn mowqifkaaga. Keliya waxaad u baahan tahay in aad dhakhso uga gudubtid oo aysan kaa mashquulin geeddi socodkaaga iyo yoolka aad hiigsanaysid.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

20 Oct, 01:59


Perspectives matter.!

Marar bdn waxaa is faham darradda iyo ismaan dhaafka sal u ah in aan isku si ama dhinac wax laga arag.Waxaa suurtagal ah laba qof ku murmaan waa number 6 ama number 9,hadba dhanka dhinaca ay ka akhriyaan

Ismari waa bdn, waxaa sababa marar bdn in aan xaajada hoos loo eegin

Sawirka lifaaqa waxay u bdn tahay dhammaantiin in aad qacda hore ka fahamtaan in uu muujinayo wax halka haddii aad"Zoom"garaysid ay u bdn tahay in aad macno kale ka ogaatid

Noloshu waa dhinacyo bdn tahay, dhinacna ma dhammayntirna ..in aad saxan thy macnaheedu ma aha in qofka kale khaldan yhy

In "Communication"ka uu mira dhal noqon waayo waxyaalaha sababa waxaa ka mid ah dadka oo aan isku mowjad saarnayn ama hal meel wax ka kala eegayn

Si fariintaadu u yeelato saamayntii loo baahnaa, isku day in aad si deggan u fahamtid xagasha iyo dhinaca qofka kale wax ka cabbirayo xasaasiyadda uu ka qabo mowduuca erayda aad adeegsanaysid iyo weliba Style ka qofka uu fariintiisa u gudbiyo Dhegaysiga waa 50% la hadalka qofka.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

14 Oct, 11:55


Labo eray oo aan kugu oran lahaa ayaan kari waayay, ma na garanayo wax iga horjoogsaday iyo sababta ay afkayga u soo mari waayeen. Markii aan ku soo wacay waan bakaday, warkayguna waa uu dhaafi waayay ‘see tahay iyo iska warran’, markii aan taleefoonka jarayna waxaa carrabkayga saarnaa tobannaan weedhood oo aad u macaan balse wadnuhu uu khiyaanay, kartidii aan ku dhihi lahaana aan waayay. Isma dhiibin oo qof wax sax isleh baan ahaaye, waan soo orday si aan durba kuula kulmo, aniga oo sidii leeb la ganay ah ayaana aan ku hor imid. Isha markii aan ku saaray ayaa aan qaboobay, dhulkuna waa uu ila yaraaday, lugihiina tabar darro aawadeed waan qaadi waayay, erayna waan tahli waayay. Waan iska aammusay, mar aad siijeeddid mooyaane, si kale na waa aan kuu eegi waayay. In door ah oo lagu la joogay ka dibna, waan haray, muddo nus saac ah oo aan keligaa ku ag fadhiyayna waan dhihi waayay wax ka badan ‘ii warran iyo soo la ma roona’. Deetana waan iska soo luuday aniga oo tobannaan weedhood kadinka mehraddaada ku curiyay, karti aan gudaha ugu la soo laabtana aan heli waayay. Waan iska tegay, wax aan yeelana waan garan waayay. Col dagaal la'aan jabay cidi kama ceeb badnee, waxaa ciriiri igu noqday arliga Ilaahay ee aan guuldarradaa la joogo balse waxaan isku maaweelinayay, sabaalin doqomeedna aan ka dhiganayay 'weligeed ayaa caashaqa loo jabi jiray' oo waan iska sii luuday aniga oo awood sidaa ah aanay igu jirin.

Yaalkadeed oo duni casri ah baa la joogaaye, kollayba baraha bulshadana waad joogtaa oo ugu yaraan wejigaygu si uun ayaa uu kuu soo hormaray, kol aad maalin uun aragtay aniga oo la sawiran qof asxaabtaada ah. Si ay tahayba waxaan ku leeyahay:
Haddii aad halkaan joogtid iyo haddii aad riyo ahaydba, waxaan ku dhihi rabay ‘qalbigu la’aantaa waa uu cidloonayaa ka dib caashaqa ku beermay, naf ku la hadli weyday oo kuu hilowsan, hankeeduna adigu kugu soo ururay ayaana aammus kugu sugaysa. I garatay oo i garaabtay ama igu qososhay, mid ay tahayba anigu adiga ayaan kuu ahay innaga. Hal mar intaas ka maqal codkayga aan kuu soo raaciyay mowjadaha dabaysha ee ay mucaashaqiintu fahmaan’.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

13 Oct, 22:56


Ha filin wax kasta oo aad bixiso/sameyso in aad abaalgudkooda hesho, waayo qof kasta ma yeelan karo qalbigaaga oo kale. Taasina yeysan kaa dhigin in aad noqoto qof abaal-laawe ah, sida dadka qaar.

Cimriga iyo caafimaadka Allaha kuu barakeeyo. Farxadduna waa sed kalee Allaha ku siiyo.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

09 Oct, 20:52


Marka aad la kulantid dadka aad isku cusub tihiin, ama aan kuu dhaweyn oo aad korka iska taqaannaan, haddii ay dadkaasi u bareeraan in ay kaaga sheekeeyaan wax badan oo ka mid ah arrimahooda shakhsiga ah, waxa aad tahay qof soo jiidasho leh (charisma), oo dadka si sahlan u kasban kara.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

24 Sep, 22:45


Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻 pinned «Haddii aad tageyso ka tag xusuus iyo raad wanaagsan, haddii aad joogeysana ku joog xushmad iyo karaamo. -Nolosha»

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

20 Sep, 08:37


Dunidu waa dhabana hays
Dhib iyo khayrbaa is xiga
Nin dhaLan iyo waa nin dhiman
Ogoow waayeeLka dhacay
Marbuu dhalinyarro ahaa
Dhakhsuu ku socdaa wakhtigu
Waagii subax kuu dhashiyo
Libdhahda gelin kuu dhacdaba
Wadkaad u dhawaanaysaa
Ifkaad ka dhamaaanaysaa
Dhabtuna waa aakhirada.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

19 Sep, 18:00


Erey maanka dhiirriya
Aanse dhaafin bishimaha
Waxba lagama dheefoo,
Falka iyo dhaqaaqaa
Ka cod dheer oraahdiyo
Hadalkiyo dhawaaqee,
Adigoon ku dhibin ruux
Wacdigiyo dhegaysiga
Dushaaduu ka dheehdaa
Waxaad dhihi karaysee,
Dhab u noqo tusaalaha
Laga dheegto waanada.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

18 Sep, 20:03


Waqtigu, waxa uu go'aamiyaa qofka aad nolosha la kulmeyso. Qalbigaaguna waxa uu go'aamiyaa, qofka aad rabto inaad la rafiiqdo. Laakiin, dabcigaaga iyo hab-dhaqankaagu waxay go'aamiyaan in dadku kula sii joogaan iyo in kale.

Ku dedaal inaad hagaajiso iimahaaga iyo goldalloolooyinkaaga dad la dhaqan. Sidoo kale baro saykoolajiyadda dadka si aad isaga ilaalin karto, isuguna ilaalin karto.

— Mubarak Hadi

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

16 Sep, 10:52


Abwaan Hadraawi iyo Mowliidka.

Maansadii ERGADII FURQAAN | Abwaan Hadraawi

"Nebigii Ilaahow,
Nuurkii Islaamkow,
adigoo adduunkiyo
ifka weli ka maqan baa
lagu sii oddorosoo,
ishaarooyin badan baa
dadku kaa arkeenoo,
ayaamaha Ilaahay
qaar baa astaanlee
toddobada ayaamood
Isniin baad ka dhalatoo,
adduunyada xuskaagii
ololaa ka dhacayoo,
ururweyne goortii
ugxantaadu bururtaa
xiddiguhu ifeenoo,
dayaxaa ilayskii
arladoo dhan gaadhoo,
onkodkiyo hillaacaa
araggiyo wax maqalkii
ashqaraar ku ridayoo,
Insigiyo jinkaa farax
Abshir dhaha la yidhiyoo,
inta haadda duushiyo
idil habar dugaag baa
abaabuley ciyaaroo,
dhirtu oogadaadiyo
afartaada geesood
ubax iyo caleen bay
ku ilaa-xidheenoo.
يا خير الأنام عليك السلام
Abtirsiimadaadiyo
meeshaad ku ababtaa
dadku wada ogaayoo,
Aaminatu Wahab baa
kugu qaadday uurkoo,
adigoo unkamayoo
weli soo ifbixin baa
adoogaa xijaabtoo
nafta laga aroorshoo,
Amran hooyadaa baa
ummushii ku dhimatoo,
Allahay Xaliimuu
igadh kaaga dhigayoo,
iyaduu xilkaagii
adhaxdeeda saaroo,
iyadaa lafdhabartiyo
kugu qaaday adhaxdoo,
abuurtaada Nebiyow
ulajeeddo weyn buu
ka lahaa Ilaah oo,
hadba guri ammaanuu
Rabbi kugu ogaayoo,
arrintaada meel buu
ku ilaalinaayoo,
adigoo agoonaad
Makka adhi ku raacdoo,
oon iyo harraad iyo
arrad iyo cagaag baad
u adkaysanaysee;
Nebigii adeerkii
Abu Daalib koriyow.

Nebigii Ilaahow
adoo jooga keligaa
buur oogadeedoo
Adduunyada sirteediyo
ifafaalaheediyo
ku dhex jira ammuuraha
ka qarsoon addoomaha,
sow uurkubaalliyo
Malag kuuma imanoo
Iqra kuuma dhiginoo
Aayadaha Quraankiyo
magacyada Ilaahay
kuma odhan guddoomoo
runta kuma ogeysiin.

Dabadeed ayaantaas
Xaruntii Ilhaamkaa
idan kaaga yimiyoo,
waxa Eebbe kaa wacay
cirka oogadiisoo,
Nebow geenyo uguboo
amranoo la yaabloo
Ashkiraa ku qaaddoo,
Carshigaa il bidhiqdeed
irriduhu furmeenoo,
Allaheenna weyn baad
afti kala hesheenoo,
noloshiyo iftiinkuu
kuu soo igmadayoo,
Gaal iyo Islaamkuu
u arrimi ku yidhiyoo,
ururweyne waa taad
ka akhriday dhambaalkee
ummaddoo dhan shirisee
arrintii dhacsiisee
ulajeeddo hadashee
oosha tidhi hoggaansama.

Inkastood wax yaabliyo
tustay dhawr astaamood,
waa tay addoomuhu
afar iyo shan mooyee
kaa aamuseenoo
iimaansan waayeen
Aayadaha Quraankee
dhegahana ka awteen
ulajeeddadaadoo,
adyadaa carruurtiyo
gardarada abwaannada,
ushu kuma damqaynoo
samirkii Ayuub baad
kaga uur samaydoo,
eeddooda waa taad
u adkaysanaysee.

Waanwaanta Eebbiyo
amar baad sugaysee
goortii af daalee
odayadi Quraysheed
ergo lagala quustaa
abbaanduulayaashii
ka irdhoobey Diintee
Ashahaada diiddiyo
arbayaashi qooqaa
Beder lagu umaadoo
lagu adhax wareemoo,
ajar iyo jihaad baa
birta loo afaystoo
waaberi arooryaa
Uxud layska helayoo,
eebiyo gantaal baa
lagu wada idlaadoo,
dhiiggii ordaayaa
oodaha la tegayoo,
ololkii Xunayn baa
boqorkiyo ugaaskii
indhashoodi duushoo,
goobtii Axsaab baa
axan loogu kariyoo,
utin kaa maqnayd baad
aarkeeda gudatoo,
Kabcaada ajarankii
nafta lagula eertoo,
libta lagu aroostaa
Xarameynku iidoo,
uskaggii ka maydhoo,
waxa laysku aaminay
"Aaway ku aaway
ambaqaad higgaadoo
Addin yaa Bilaal".

"Dhammideed adduunyada
afarteeda waaxyood
Eedaanka gaadhsii
Addin yaa Bilaal".

"Awliyada qarsoon iyo
iilkiyo xabaalaha
Aammiinta maqashii
Addin yaa Bilaal".

Allaahu Akbartii bay
daateen asnaamtii
Abu Jahal rumeeyoo,
'Ilaahyadi' la beertee
ninba toban abuurtaa
Eedaankii dumiyoo,
Allahay sir iyo caad
inu yahay mid keliyaad
asaraar ka saartoo,
udubbada Furqaan baad
ku adkaysay ciiddoo
xididada u aastoo,
ummad kala qabweyn oo
Ashahaada karinoo
anbatoo hallawdoo
abtirsiimo lumisoo
is addoonsanaysoo
utin kala dhex taalliyo
aar-doon ku madhatoo
usha laysku dhacayoo
ooduhu dhex yaalliin
soo ururshihiiyow."
يا خير الأنام عليك السلام
| ERGADII FURQAAN | 1978.

#Mowliid_wanaagsan.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

12 Sep, 18:07


Yaxyaa ibnu Sharaf an-Nawawi (Sharxu Saxiixi Muslin, J. 6, b.155) 17. Al-Cis ibnu Cabdisalaam (Al-Qawaacidul Kubraa, J. 2, b.174) 18. Abuu-Bakar ibnul Bayhaqi (Manaaqib ash-Shaafici, J. 1, b. 469) 19. Suuradda al-Xadiid: 27 20. Waxaa soo saaray Muslim (867) 21. Yaxyaa ibnu Sharaf an-Nawawi (Sharxu Saxiixi Muslim, J. 6, b. 155) 22. Axqaaf: 25 23. Sacdudiin at-Taftaasaani (Sharxul-Maqaasid, J. 2, b. 232) 24. Waxaa soo saaray Bukhaari (2697) iyo Muslim (1718)

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

12 Sep, 18:07


Ilaahayna qoomkii Nebi Ciise markii uu ka hadlayay waa kii sheegay in ay bilowdeen suufinnimada, iyaga oo keliya ku doonaya raalli-ahaanshaha Alle uun, ka dibna Ilaahay waa ka ku canaantay in aanay sideedii u ilaalinnin oo ay dayaceen, ee yidhi: وَرَهْبَانِيَّةً ابْتَدَعُوهَا مَا كَتَبْنَاهَا عَلَيْهِمْ إِلَّا ابْتِغَاءَ رِضْوَانِ اللَّهِ فَمَا رَعَوْهَا حَقَّ رِعَايَتِهَا; suufinnimo ayay bilowdeen oo aannaan ku waajib yeelin, [u mana aanay bilaaban] ilaa doonista raalli-ahaanshaha Ilaahay mooyee, mana aanay ilaalin ilaalinteedii dhabta ahayd”. ¹⁹ Halkaasna waxa laga qaadanayaa, in bidcada wanaagsan ee aad billowdo ay tahay in aad ilaaliso oo aanad ka tegin, haddii kalena lagaba yaabo in Ilaahay canaantiisaba aad ku kasbato.
Haddaba waxaa jira xadiis walaalaha Wahaabiyadu ay qaladfahmeen, waana ka Rasuulku uu ku yidhi: “وكل بدعة ضلالة ; bidco kastaa waa mid lunsan”, ²⁰ kaas oo culimadii muslimiintu dhammaantood ay sheegeen in hadal guud oo wax gaar ah looga jeedo( عام مخصوص) uu yahay, sidaas aawadeedna uu macnuhu noqonayo “bidco kasta oo xun waa mid lunsan” ama “badanka bidcooyinku waa qaar xun”, sida Imaam Nawawi uu ku sheegay Sharaxiisa Saxiixu-Muslinka. ²¹ Ereyga “كل” haddii la sheegana mar walba sidaas uu yahay caam u ma aha, oo waxyaabo gaar yeela ayaa jira sida cilmiga Usuulul-fiqhiga lagu barto. Tusaale ahaan Ilaahay dabayshii Reer Caad halaagtay isaga oo ka warramaya waxa uu yidhi ” تدمر كل شيء– shay kastaba waa ay burburinaysaa” ²²; ee haddaba ma waxaa looga jeedaa in dhulka iyo kawnka iyo wax kastaba ay burburinayso ama burburisay? Dabcan maya, ee waxaa looga jeedaa shay kasta oo wixii loo diray ka mid ah ayaa ay burburisay. Ereygan “كل” ee xadiiskan ku soo aroorayna waa la mid uun, oo waxaa looga jeedaa bidco kasta oo xun ayaa ah baadi, markaasna waa hadal guud oo wax gaar ah looga jeedo. 
Imaamkii weynaa ee Sacdu-diin at-Taftasaanina waxa uu yidhi: “Jaahilnimada waxaa ka mid ah qofka ka yeelaya wax kasta oo aan xilligii saxaabada jirin bidco xun, hadduu doono yaanu jirinba daliil sheegaya in uu xun yahay e, isaga oo ku dheggan hadalka Rasuulka ee “وإياكم ومحدثات الأمور”, mana oga ruuxaasi in ujeedku uu yahay qofka ku soo dara wax aan ka mid ahayn.” ²³
Sidoo kale xadiiskan kale ee ah “qofka arrinkayaga kan ah [diinta] ku soo kordhiya wax aan ka mid ahayn waa lagu celinayaa” ²⁴ ayaa isna ka mid ah xadiisyada ku dabarogmay ee ay si xun oo aanay waxbka ka jirin ay u macnaysteen, maxaa yeelay Rasuulku wax uu yidhi ” ruuxa ku soo dara wax aan ka mid ahayn”, halkaasna waxaa laga qaadanayaa qofka ku soo kordhiya wax ka mid ah diinta oo aan ka hor imanayn in aan lagu celinaynnin ee la ga qaadanayo. Haddaba mawliidka Qur’aanka ayaa la akhriyaa, oo masaakiinta ayaa la quudiyaa, oo Nebiga ayaa la ammaanaa oo siiradiisa ayaa laga sheekeeye intaasiba miyaanay diinta ka mid ahayn? Allaylehe waa ay ka mid tahay.
Tixraacyo
1. Jalaaludiin as-Suyuudi (Xusnul Maqsid Fii Camalil Mawlid, b. 7) 2. Shamsudiin ad-Dahabi (Siyaru Aclaam an-Nubalaa, J. 22,.b. 334) 3. Abul-Fidaa ibnu Kathiir (Al-Bidaaya wan Nihaayah, J. 13, b. 136) 4. Abul-Cabbaas ibnu Khallikaan (Wafayaatul Acyaan, J. 4, b. 113 – 121) 5. Ibnu-Xajar al-Casqalaani (Fatxul Baarii fii Sharxi Saxiixil-Bukhaari, J. 7, b. 736) 6. Shihaabu-diin Abii-Muxammed Cabduraxmaan ibnu Ismaaciil (Al-Baacith calaa Inkaaril-Bidaci wal Xawaadith, b. 21) 7. Jalaaludiin as-Suyuudi (Xusnul-Maqsid Fii Camalil Mawlid, b. 18) 8. Shihaabu-diin al-Qasdalaani (Al-Mawaahib al-Laduniyah, J. 1, b. 89) 9. Muxammed ibnu Cabdilbaaqii As-Surqaanii (Sharxul Mawaahib al-Laduniyah, J. 1, b. 263) 10. Ibnu-Taymiya al-Xarraani (Iqtidaa’u Siraadil Mustaqiim, b. 297) 11. Waxaa soo saaray Ibnu-Maajah (3950), Tirmidi (2167), Xaakim (397) iyo Abuu-Nucaym (Xilyatul-Awliyaa, J. 3/37) iyada oo uu jiro kala duwanaanshiyo yar, saddexdan dambena Ibnu-Cumar bay ka warinayaan halka Ibnu-Maajah uu Anas ka soo weriyay. 12. Waxaa soo saaray Axmed (Musnadu Axmed, J. 1, b. 493) 13. Waxaa soo saaray Muslim (1017) 14. Waxaa soo saaray Muslim (1162) 15. Ibnu-Xajar al-Casqalaani (Ad-Durar al-Kaaminah, J. 3, b. 178) 16.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

12 Sep, 18:07


Waxa kale oo isla waqtigaas Faakihaani mas’alada mawliika ka hadlay sheekh la odhan jiray Ibnu-Xaaj al-Faasi oo geeryoday 737kii Hirjriga, hadalladiisuna waa kuwo is wada burinaya oo is ka wada hor imanaya, oo marna mawliidka waa uu ammaanayaa marna waa uu diidayaa, sida ay u muuqatana waxyaabaha dadka qaar ay sameeyaan buu ku kala qiimaynayay taas baana keentay in hadallo is ka hor imanaya uu yidhaahdo. .
Intaas ka dib, haddana qarniyo kale ayaan dib loo arag cid mawliidka dafirta ama ka hor timaadda, dunida Islaamkana looga wada dabbaaldegay dhalashada Suubbanaha (NNKH) carruur iyo cirroolaba, ilaa ay soo baxday kooxda Wahaabiyada ee sheekha uu u ahaa Muxammed ibnu Cabdiwahaab qarnigii 13aad ee Hijriga. Waxaana ay bilaabeen in umadda Islaamka ah ay ku qabsadaan una diidaan xuska dhalashada Rasuulkooda suubban (NNKH), iyada oo xujada keli ah ee ay sheeganayeen tahay “Rasuulku ma samaynnin” iyo “waa bidco”, hadalkaasina dhab ahaan sida aad wada arki doontaan waa mid aan cilmi iyo aqoon toona ku dhisnayn oo qof sheekh ah oo naftiisa ixtiraamayaana aanu la soo shirtegi karin, maxaa yeelay barbilowga kutubta Usuulu-fiqhigaba waxaa la gu bartaa qaacidada la is ku wada waafaqsan yahay ee ah “Ka tegistu xaaraantinimayn ma faa’idayso; الترك لا يفيد التحريم”.
Shayga in aanu Rasuulku samaynnin sinnaba uga ma dhigi karto in uu xaaraan yahay. Cid culimada muslimiinta ka mid ah oo taa qabtaana la ma soo heli karo oo ma jirto.  Maxaa yeelay haddii warkaa la qaato waxaa ka dhalanaysa in ururintii xadiiska iyo tii Qur’aanka, shaqliddii (xarakayntii) Qur’aanka kariimka ah, salaadda Tahajudka ee tobanka dambe ee Ramadaan oo keli ah la is ku xidho, qorista kutubta ka la duwan ee Caqiidada, Fiqhiga, Tafsiirka , Usuulka iyo Musdalaxa iuo culuumta kale isugu jira, iyo waxyaabo kale oo badan oo khayr iyo wanaag ahaaba ay xaaraan noqdaan, maxaa yeelay Rasuulku ma samaynnin  mana ogayn; taasina suurtagal ma aha.
Odhaahdan kale ee “waa bidco” iyaduna waa la mid, oo hadal cilmi iyo aqoon diineed ku dhisan ma aha ee waa mid lagu harawsado dadka caamada ah ; maxaa yeelay bidcadu ilaa shan qaybood baa ay u qaybsantaa culimada muslimiinta agtooda; mid xaaraan ah (sida in salaadda Duhur shan rakcadood laga dhigo), mid waajib ah ( sida ururintii Qur’aanka iyo nidaamintii funuunta), mid aan waajib iyo xaaraan ahayn se wanaagsan (sida eedaanka koowaad ee Jimcaha oo Cusmaan bin Cafaan uu soo kordhiyay, Mawliidka iyo Tahajudka jamaacada ah ee tobanka dambe ee Ramadaan la is ku xidho), mid karaahiyo ah (sida qurxinta masaajidda) iyo mid is ka bannaan. Hadalkanina ma aha mid anigu aan leeyahay ee waxaa Sharaxiisa Saxiixu-Muslinka ku sheegay Imaam Nawawi ¹⁶, sidoo kale Imaam Cisi ibnu Cabdisalaam baa ku sheegay kitaabkiisa Alqawaacidul Kubraa ¹⁷, culimo kale oo badanna waa ay ku weheliyaan.
Culimada qaarna iyaga oo is ka soo koobsanaya wax ay bidcada u qaybiyaan laba qaybood; bidco wanaagsan iyo mid xun, oo waa kii Imaam Shaafici uu Bayhaqi zanad saxiix ah kaga soo weriyay in uu yidhi : “Arrimaha bidcada ahi waa laba: kuwa la soo deriyay ee khilaafaya kitaabka ama sunnaha ama hadalka saxaabada ama ijmaaca, waana taas bidcada baadida ahi; halka ta labaad ay tahay wax la soo kordhiyay oo khayr ah, kaasna khilaaf culimada u ma dhexeeyo [in ay bannaan tahay], ka mana mid aha bidcooyinka laga dayriyay, Cumarna [ waa Cumar ibnu Khaddaabe] isaga oo ka hadlaya oogista bisha Ramadaan [Taraawiixda] waa kii yidhi: Alleylehe bidcadan baa nimco lahaatay. Macnihii waa mid la soo kordhiyay oo aan jiri jirin.” ¹⁸
Mar haddii ay sidaas tahay, bidcada waxaa loo bandhigayaa Qur’aanka kariimka ah iyo Sunnada Nebiga (NNKH), oo haddii ay ka hortimaaddana waa bidco xun oo baadi ah, haddii ay waafaqdana waa bidco fiican oo qofka sameeya lagu abaalinayo, balse bidco oo dhami hal miisaan ma wada saarna mana wada saarmi karto, sidaas aawadeed in aadyar la is ka dhaho “mawliidku waa bidco” iyada oo looga jeedo waa xaaraan waa jaahilnimo iyo cilmi-yari.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

12 Sep, 18:07


Xuska Dhalashada Nebiga: Sunne Mise Bidco?

By Cabdikariim Sh Bashiir

Sannad walba xilligan oo kale waxa caalamka Islaamiga ah ka dhasha doodo kala duwan oo la xidhiidha xukunka xuska dhalashada Nebiga (NNKH), dadkuna waxa ay u qaybsamaan qolo oggol oo weynayn nebi iyo khayr iyo wanaag u aragta iyo qolo diiddan oo bidco xun iyo xaaraan iyo dembi lagu ciqaab mudanayo u aragta, aalaaba se badi umadda Islaamka ahi mawliidka Nebiga waa ay u dabbaaldegtaa guud ahaan caalamka imika iyo casriyadii horeba.
Sagaal qarni haddii aynnu taariikhda dib ugu noqonno, qarnigii lixaad ee Hijriga, waxa ay ahayd markii u horreysay ee mawliidka hadda la yaqaanno la dhigo ee xaflado waaweyn inta la is kugu yimaaddo carruur iyo cirroole iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ay ka soo qaybgasho, ka dibna nebi-ammaanno iyo qasiidooyin la qaado oo siiradii Rasuulka laga sheekeeyo, xoolo badan inta la gowracana saboolka iyo dadka baahan laga dhergiyo oo laga farxiyo. Waxaana bilaabay xuska qaabkan ah boqorkii weynaa ee caalimka ahaa ee Mudafar Kuukubuuri oo ku caan ah” Boqorkii Irbil”, sida imaam Suyuudi uu kitaabkiisa Xusnul-Maqsid fii Camilil-Mawlid ku sheegay. ¹ Waxaana jira dadka qaar sheegta in bidcoolayaashii Faadimiyiintu ay mawliidka bilaabeen qarnigii saddexaad ee Hijriga, balse waa sheegasho aan caddaymo lahayn taariikh ahaanna aan sugnayn, xitaa haddii aynnu ka soo qaadno in ay bilaabeenna aan waxba ka beddelayn xukunka mawliidka iyo bannaanaanshihiisa, haddii kalena dhibcaynta Qur’aanka ayaa iyana xaaraan noqon lahayd waayo waxaa bilaabay faasiqii weynaa ee Xajaaj ibnu Yuusuf as-Saqafi, ruux sidaas yidhina ma jiro, waayo wax wal oo nin xumi uu bilaabaa ka ma dhigna in uu xaaraan yahay, sida la is ka wada og yahay.
Boqorka Irbil waxa uu dhashay qarnigii lixaad ee Hijriga, 549kii. Imaam Shamsudiin ad-Dahabi oo ka taariikhaynayaana waa kii lahaa: “Waxa uu ahaa mid isduldhig iyo khayr badan oo sunni ah, waxa uuna jeclahaa fiqhiyahannada iyo xadiisyahannada. Weligii la ma soo werin in dagaal uu ku jabay, waddankiisana waxa uu u diidi jiray in xummaantu ay soo dhex gasho. Suufiyadu waxa uu u dhisay meelo Ilaahay ay ku caabbudaan, dadka Maka la jaarka ahna waxa uu u diri jiray shan kun oo diinaar. Dabbaaldeggiisii uu Mawliidka Nebiga u samayn jirayna isagu waa mid ereyo aan lagu koobi karin, dadkuna waxa ay uga iman jireen Ciraaq iyo Jasiiradda Carabta…Geel iyo adhi iyo lo’ aad u farabadan buu bixin jiray, markaas baa la gowrici jiray oo haddana la karin jiray.” ² Sidoo kale imaam Ibnu-Kathiir oo ku ammaanaya xuskiisii dhalashasa Nebiga (NNKH) waxa uu kitaabkiisa al-Bidaaya wan Nihaayah ku yidhi: “Boqor Mudafar waxa uu mid ka mid ahaa deeqsiyahannadii, mudanayaashii waaweynaa iyo boqorradii sharafta lahaa, waxa uuna lahaa taariikh wanaagsan oo cuddoon. Waxa uu ahaa geesi, hanad, garaadbadane, caalim iyo boqor caaddil ah, waxa uuna dhigi jiray xuska dhalashada Nebiga ee Suubban bisha Rabiicul-Awal, waxaana uu u xusi jiray si aad u heersarraysa”. ³
Sida ibnu-Khallikaan uu soo guurinayana, boqor Irbil bisha Rabiicul-Awal laba jeer ayaa uu mawliidka dhigi jiray: siddeedda bisha iyo laba iyo tobankeeda. ⁴ Waayo 12ka bisha in Rasuulku (NNKH) uu dhashayna waa ay soo aroortay waana sida caanka ah, siddeedda bishuna waa ay soo aroortay rag farabadan baana laga soo guuriyay. Khilaafkanina waxba kaga ma duwana is la khilaafka ku soo arooray xilligii Rasuulku (NNKH) uu geeryooday, oo culimada qaar waxa ay yidhaahdeen kowdii bisha Rabiicul-Awal ayaa uu geeryooday ( sida Layth, Muusaa ibnu Cuqbah iyo Khawaarismi ay ku tageen, Abul-Qaasim as-Suhaylina uu xoojiyay); ⁵ halka culimada badankooduna ay qabaan in uu 12kii bisha geeryooday. Balse maaddaama Islaamku uu muhiimadda saaro maalmaha farxadda iyo nayaayirada iyo guulaha waaweyn ay dhacaan, taasina ay tahay sababta uu u jideeyay in ruuxu marka uu dhasho loo wanqalo balse marka uu geeryoodo aanu u jidaynnin in wanqal loo sameeyo, ayaa bulshada muslimiimtuna ay u xusaan dhalashada Nebiga (NNKH) oo labada aanay u xusin geeridiisa.

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

12 Sep, 18:07


Sidaas baa xaaladdu ay ahayd, sidaas baana culimada Islaamka oo dhami ay xuska dhalashada Nebiga u wada ammaani jireen una soo dhoweeyeen, xitaa Sheekh Ibnu-Taymiya oo culimadii qarnigii siddeedaad ka mid ahaa baa sheegay in xuskaas fadli weyn laga helayo, waana kan isaga oo kitaabkiisa “إقتضاء الصراط المستقيم” ku leh: “Weynaynta dhalashada Nebiga iyo in sannadkiiba mar la is kugu yimaaddo dadka qaar in ay sameeyaan baa laga yaabaa, waxaana ugu sugan ajar aad u weyn ujeeddadooda oo wanaagsan aawadeed.” ¹⁰
Boqol sano markii ay ka soo wareegeen xilligaas ayaa la arkay sheekhii u horreeyay ee mawliidka diida, waxaanu ahaa Sheekh Taajudiin al-Faakihaani oo culimadii Maalikiyada ka mid ahaa, dhashayna 654kii Hijriga halka boqorkii mawliidka bilaabay uu dhashay 549kii Hijriga, taas oo ka dhigan in qarni dhan umadda Islaamka culimadeeda iyo bulshaweynteeduba ay u dabbaaldegayeen mawliidka cid ka hortimidna aan la arkin, Rasuulkuna (NNKH) waa kii lahaa: “Ilaahay umaddayda wuu ka badbaadiyay in ay baadi is ku raacdo”. ¹¹ Dhab ahaanna intaas oo keli ah baaba ku filan ruux wal oo iimaan leh si uu ugu qanco mawliidka bannaanaanshiyihiisa, waayo suurtogal ma aha in umadda Islaamku ay casri casriyada ka mid ah baadi is ku wada raacdo iyo shay xaaraan ah sida xadiiskan laga qaadanayo,  mawliidkana qarni dham baa loo wada dabbaaldegayay hal ruux oo diidayna aan la arkin, sidaas aawadeed suurtogal ah ma aha in uu xaaraan noqdo. Saxaabigii weynaa ee Cabdillaahi ibnu Mascuudna waxa laga soo weriyay in uu yidhi: “Waxa muslimiuntu ay wanaag u arkaan Ilaahay agtiisana waa wanaag, waxa muslimiintu ay foolxumo u arkaanna Ilaahay agtiisa waa ku foolxun”, ¹² umadda Islaamka oo dhamina ugu yaraan qarni dhan baa ay mawliidka wax wanaagsan u arkayeen, sidaas aawadeedna Ilaahay agtii waa mid wanaag ka ah.
Mar kale Rasuulka (NNKH) waxa laga soo weriyay in uu yidhi: “Ruuxa Islaamka dhexdiisa wax wanaagsan ku dhex jideeyaa ajarkiisa ayuu leeyahay iyo ajarka cidda samaysa isaga dabadii, tiiyoo aan ajarradooda waxba laga dhimaynnin; ruuxa Islaamka dhexdiisa wax xun ku dhex jideeyaana dembigiisa ayuu leeyahay iyo dembiga cidda dabadii samaysa, tiiyoo aan dembiyadooda waxba laga dhimaynnin”. ¹³ Maalinta xuska dhalasada Nebigana (NNKH) inta la isu yimaaddo baa masaakiinta la quudiyaa, oo Qur’aanka kariimka ah baa la akhriyaa, oo Nebiga ayaa la ammaanaa, oo siiradiisa baa laga sheekeeyaa; shaki la’aanna waxyaabahaas oo dhami waa kuwo wanagsan ooo diinta dhexdeeda asal ku leh, sidaas aawadeed mawliidku waa sunne wanaagsan oo ciddii jidaysay iyo ciddii dabadii samaysayba uu Ilaahay ka abaalinayo.
Rasuulka (NNKH) markii la weyddiiyay sababta uu u soomo maalinta Isniinta waa kii yidhi “waa maalintaan dhashay, ee la i soo saaray”. ¹⁴ Haddaba haddii Rasuulku maalintii uu toddobaadka ka dhashay uu ku weyneeyay cibaadooyinka kuwii ugu waawenaa oo soonka ah, de maalintii uu sanadka ka dhashay in cibaadooyinka kale lagu weynayn karaana waaba ay ka sii mudan tahay oo waa “من باب أولى”, kanna waxaa la yidhaahdaa “Qiyaas” oo adillooyinka shay bannaanshiyihiisa loo cuskado kooda saddexaad weeye.
Marka aynnu u soo noqonno Taajudiin al-Faakihaani, waxaa xusid mudan in Faakihaani uu ku barakaysan jiray qabriga sheekhii weynaa ee Abul-Cabbaas Ash-Shaadir Ad-Damanhuuri, sida xaafid Ibnu-Xajar al-Casqalaani uu kitaabkiisa Ad-Durar al-Kaaminah ku sheegay markii uu ka taariikhaynayay Faakihaani. ¹⁵ Wadaadda Wahaabiyaduna waxa ay qabaan in ka barakaysiga qubuurtu ay shirki tahay, ama marka ay ugu yar tahay xaaraan maqdac ah oo lagu faasiqoobayo ay tahay, haddaba sidee baa ay Faakihaani u soo daliishan karaan? Marka waxa ay jecel yihiin uu raacana ma imaam culimada Islaamka oo dhan mas’alo ay oggolaayeen lagu xaaraantinimeeyaa, marka qubuurta uu  ka barakaysanayana ma mushrig waddadii shirkiga umadda ugu yeedhayaa? Bal waddo loogu soo hagaago ha noo la yimaaddeen, haddii kalena umadda ciyaarta ha ka daayeen!

Xikmadaha Nolosha ❤️✌🏻

12 Sep, 18:07


Waqtigan boqorku uu bilaabay mawliidka waxaa soo dhoweeyay dhammaanba culimadii Islaamka ee xilligaas noolayd, la mana diiwaangelin hal caalim oo diiday xilligaas ama ka biyodiiday. Imaamkii iyo xaafidkii weynaa ee Ibnu-Dixya oo xilligaas noolaana waxa uu mas’aladan mawliidka ka qoray kitaab gaar ah oo uu ku ammaanayo muslimiintana uu ku dhiirrigelinayo, waxa uuna u bixiyay “التنوير في مولد السراج المنير”. Imaam Abuu-Shaama oo sheekhii Imaam Nawawi ahaana waa kii yidhi: “Waxyaabaha ugu wanwanaagsan ee xilligan la soo kordhiyay waxaa kaa mid ah waxa lagu sameeyo magaalada Irbil sannad walba maalinta waafaqsan maalintii Rasuulku dhashay ee ah sadaqadooyinka la bixiyo iyo wanaagga, iyo muujinta quruxda iyo nayaayirada. U samafalka dadka saboolka ah marka laga tagana waxaa u dheer in uu tusinayo jacaylka Rasuulka (NNKH) loo qabo iyo sida uu ugu weyn yahay qalbiga ruuxa samaynaya”. ⁶
Xaafidkii kale ee weynaa ee Ibnu-Xajar al-Casqalaani mar la weyddiiyay mawliidkana waxa uu yidhi: “Asal ahaan mawliidku waa bidco aan salafkii saddexdii qarni noolaa laga soo guurin, balse waxa uu koobsaday wanaag iyo wax ka soo horjeeda, markaasna ruuxu haddii uu camallada wanaagsan ku ku dedaalo waxa kalena uu ka fogaada bidco wanaagsan baa ay noqonaysaa, haddii kale se maya…..Dhab ahaanna waxaa ii caddaatay in asal sugan uu ku fadhiyo”. ⁷ Imaamkii weynaa ee Shihaabu-diin al-Qasdalaanina waxa uu yidhi: “Bulshada Islaamku ka ma ay suulin in ay u  dabbaaldegayaan dhalasha Nebiga (NNKH) iyo in ay casuumado samaynayaan, habeenkaasna sadaqada noocyadeeda kala duwan ay la baxayaan, oo farxad iyo badhaadhe ay muujinayaan khayraadka samayntoodana ay kordhinayaan, mawliidka Nebiga sharafta lehna ay akhrinayaan barakooyinkiisana fadli aad u weyn ay ka arkayaan. Waxyaabaha la tijaabiyay ee mawliidka ku gaarka ahna waxaa ka mid ah in sannadkaas uu amni yahay iyo bishaaro degdeg ah oo yididdiilooyinka lagu gaadho. Ilaahayna naxariistiisa ha siiyo ruux wal oo bishaas Rasuulku uu dhashay iid ka yeesha.” ⁸ Imaam Surqaanina waxa uu yidhi: “Asalka dhigista mawliidku waa bidco, laakiin khayr iyo lidkiina wuu koobsaday, markaasna ruuxu haddii uu ku dedaalo khayrka lidkiisana uu ka fogaado bidco wanaagsan bay noqonaysaa”. ⁹
Intaas waxa dheer culimada kutub gaarkooda ah ka qortay mawliidka bannaanaanshihihiisa iyo ammaanistiisa, oo waxaa ka mid ah imaamkii weynaa ee Ibnu-Dixyah oo aynnu mar dhowayd kitaabkiisa soo sheegnay, raggii ugu horreeyay ee wax ka qorayna ka mid ahaa maaddaama uu noolaa xilligii la bilaabay. Waxaa ka mid ah xaafidkii iyo qaarigii culimada Tajwiidka kuwoodii ugu waaweynaa ka mid ahaa ee Shamsudiin Muxammed ibnu Muxammed Al-Jasari oo ka qoray kitaab uu ku magacaabay “عرف التعريف با المولد الشريف”,  iyo sheekhii iyo xaafidkii weynaa ee Daybici, iyo imaamkii iyo xaafidkii weynaa ee kale ee Ciraaqi oo ka qoray kitaab uu ku magacaabay “مورد الهني في مولد السني”. Xadiisyahankii iyo taariikhyahankii xaafidka ahaa ee Shamsudiin ibnu Naasiru-diin ad-Dimishqi ayaa isna ka mid ah ragga mawliidka wax ka qoray, oo isagu saddex kitaab oo uu ugu caansan yahay kitaabkiisa qiimaha badan ee “مورد الصادي في مولد الهادي” ayaa uu ka qoray. Waxaa ka mid ah fiqiyaankii iyo xadiisyahankii kitaabka Tuxfaha ee sharaxa Minhaajka is ka lahaa ee Ibnu-Xajar al-Haytami, iyo xaafid Sakhaawi iyo culimo kale oo aan la soo koobi karin. Waxaana sidoo kale aan la illoobi karin fiqiyaqaankii, xadiisyahankii, usuuligii iyo imaamki weynaa ee Jalaaludiin as-Suyuudi oo ka qoray mas’aladan kitaabka qiimaha badan ee ” حسن المقصد في عمل المولد”, kaas oo uu ku raddiyay dhammaan shubahooyinkii lagu soo aroorin kari lahaa dhidibbadana uu ugu taagay, si aad u heersarraysana uu ugu difaacay, Ilaahay ha ka abaaliyee.