Habeennadu kala qiimo badan’e caawa waa habeen aad u qiimo wayn, waa habeenkii kala badhayay bisha Shacbaan oo Nebigu Scw sheegay in Rabbi u danbi dhaafo dadka oo dhan marka laga reebo qofka gaalnimo ku sugan iyo mid caloosha cid wax ugu haya.
Sidaas awgeed waxa habboon in qofka Muslimka ah uu habeenkan sidaas u ogaado oo carrabkiisu aad u badiyo Istiqfaarta iyo inuu Rabbi waydiisto danbi dhaaf. Sidoo kalana waxa muhim ah in qofka muslimka ah uu qalbigiisa iyo calooshiisa xalo oo uu cafiyo calooshana kasii daayo cid kasta oo uu wax ugu hayo.
Soon gaar ah ama cibaado gaar ah oo habeenkan la samaynayaa may soo aroorin, haddii se qofku maalmihii caddaa ee 13,14 iyo 15 soomayay wuu soomi karaa, sidoo kalana haddii uu niyaysto inuu maalintan dar Alle u soomo wax dhib ah kuma jabna sida culimada qaar qabaan, waxa ka sugan Nebiga Scw inuu yidhi “Qofka maalin Ilaahay dartii u sooma waxa Ilaahay wejigiisa naar ka fogeeyaa in 70 dayrood/sano loo socdo”.
Rabbi oo danbi dhaaf la waydiisto, Cafiska oo la badiyo oo caloosha laga sii daayo cid kasta oo aynu wax ka tirsannay iyo xuska Alle oo aad loo badiyo iyadoo bisha barakaysan ee Ramadaan loo diyaar garoobayo ayaa innoo ballan ah.
Aan is cafino oo isu soo ducaynno idilkeen.