DAGAALKA FALASTIIN @worldwars_news Channel on Telegram

DAGAALKA FALASTIIN

@worldwars_news


DAGAALKA FALASTIIN (Somali)

Dagaalka Falastiin waa xogta ugu horreysa ee ku saabsan dagaalka ka dhacay dalka Falastiin iyo sida ay ku socoto. Kanalka waxaa loogu talagalay dad badan oo jecel ama wax ka ogaan dagaalkaas, siiba dhagar qarsoon ama qof kale oo diirada saara nabadgelyada caalamka

Kanaalka waxaa si toos ah loo soo bandhigay wararka, sawirrada, iyo dhacdooyinka ku aadan dagaalka Falastiin. Waxaa jira macluumaad muhiim ah oo ku saabsan hawlgalka dagaalka, ciddii ka dambeysay, iyo arrimaha bulshada

Dagaalka Falastiin waa kanalka ugu wanaagsan ee ka dhigan dagaalkaas, sidaas darteed dadka isticmaala telegram waa laga yaabaa inay kaan soo booqdaan si ay u helaan xogtaada ugu dambeysa.

DAGAALKA FALASTIIN

05 Feb, 10:50


Hadalka Trump ma ahan waxa la yaraysan karo. Ninkaan waa cunsuri, xagjir, doqon iyo mid aad u neceb Muslimiinta. Intaas waxaa dheer inuu diin ahaan u aaminsanyahay in Yuhuuda lagu wareejiyo Falastiin oo dhan, qaybo Suuriya, Masar iyo Urdun kamid ah. Sidaas daraadeed ma ahan in hadalkiisa loo qaato sida madaxda inta badan iska hadasha. Reer Falastiin guul iyo gobanimo Allaha siiyo.

DAGAALKA FALASTIIN

05 Feb, 06:46


DAAWO: Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, oo la kulmay ra'iisul wasaaraga Yuhuuda, Natanyahu, ayaa sheegay in Maraykanku la wareegi dooni Gaza, isla markaasna shacabka Falastiin la geyn doono wadamada dariska la ah Falastiin. Trump aya sheegay inay Maraynaku Gaza dib u dhis ku samayn doono, maadama ay hadda tahay goob aad u burbursan.

FG: Hadalka Trump ee ah inay la wareegayaan Gaza waa isku day lagu doonayo in shacabka Falastiin dhulkooda lagala wareego, iyagana qaxooti looga dhigo wadamada dunida sidii dhacday sanadkii 1948 xilligaas oo ay Yuhuudu ku dhawaaqday waxay ugu yeereen dawlada Israa'iil, shacabkii Falastiina laga qixiyay wadankoodii.

DAGAALKA FALASTIIN

04 Feb, 08:55


Nin hubeysan ayaa weerar toogasho ku qaaday ciidamo Yahuud ah oo ku sugnaa Koontaroolka Tayasir ee bariga Jenin saaka oo Talaada ah, waxaana uu dhaawacay 8 askari, oo labo ka mid ah xaaladood aad u liidato. Dhaawacyada ayaa lagu daabulay diyaarad helicopter ah. Muuqaalo la helay ayaa muujinaya ciidamada Yahuudda oo kala firxanaya. Ninka weerarka geystay ayaa goordambe la toogtay laakiin waxaa jira tuhun ah in kooxo kale oo hubeysan ay weli goobta ku sugan yihiin.

DAGAALKA FALASTIIN

03 Feb, 09:25


DAAWO: Dagaal dhaqaale oo weyn ayaa ka dhex billawday wadamada Maraykanka iyo Canada oo daris ah. Dagaalka ayaa qarxay kadib markii Donald Trump uu canshuur %25 ah ku soo rogay badeecadaha laga keenayo Canada ee soo gelaya Maraykanka, arinkaas oo ay Canada uga jawaabtay inay canshuur midaas lamid ah ku soo rogto badeecadaha Maraykanka ka imaanaya.

FG: Donald Trump ayaa weerar dhanka afka ah si joogta ah ugu qaada wadamada Canada iyo Mexico oo Maraykanka daris la ah, wuxuuna dhawaan ka dhawaajiyay in wadamadaas ay ka tanaasulaan madaxbanaanidooda kuna soo biiraan Maraykanka, hadii ay sidaas yeeli waayaana uu canshuuro dhabarka uga jebin doono. Muuqaalku waa Ra'iisul wasaaraha Canada oo ka jawaabaya tallaabada Trump kuna dhawaaqaya canshuuro aargoosi ah oo ka dhan ah Maraykanka.

DAGAALKA FALASTIIN

01 Feb, 16:00


XOG DHEERI AH: Booliska wadanka Sweden ayaa la sheegay inay aad uga niyad-jabsanyihiin inaysan ilaa hada gacanta ku soo dhigin qofkii dilay Salwam Momika oo ahaa malcuunkii dhawr jeer oo hore gubay Kitaabka Quraanka Kariimka. Booliska ayaa xiran 5 qofood oo Muslimiin ah oo deganaa agagaarka guriga lagu dilay malcuunka baqtiyay, balse xeer ilaaliyaha guud ee Sweden ayaa sii daayay dhamaan shanta qofood kadib markii wax dambi ah lagu waayay. Shantaas qof waxaa ku jiray nin markii dilku dhacayay gurigiisa iska jiifay, iyagoo boolisku rabay inay dambi been ah dusha u saaraa.

DAGAALKA FALASTIIN

31 Jan, 18:56


ARIN HALIS AH: Dalwada Imaaraatka ayaa ku dhawaaqday inay hagaajin doonto musqulaha Gaza. Tallaabadaan ayaa loo arkaa inay tahay khiyaano weyn oo ay Imaaraatku la damacsanyihiin xoogagga muqaawamada Gaza, iyadoo ujeedada qarsoon ee Imaaraatka lagu sheegay inay doonayaan inay ogaadaan godadka dhulka hoostiisa ah ee ay leeyihiin dagaalyahanada Gaza.

FG: Imaaraatku wuxuu saaxiib aad u dhow la yahay Yuhuuda, waxaana %100 la aaminsanyahay in qorshahaan ay Yuhuudu ka dambayso Imaaraatkuna fulinayo si loo basaaso godadkaas ay muqaawamada Falastiin u adeegsatay inay iska difaacdo weerarkii Yuhuuda ee Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

31 Jan, 16:51


Wadanka Jarmalka walaac dhanka caafimaadka ah ayaa ka taagan kadib markii ay soo baxday in dhakhaatiir Suuriyaan ah oo tiradoodu gaarayso 5,758 oo dhakhtar kana shaqeeya isbitaallada Jarmalka laga yaabo inay dalkooda dib ugu laabtaan. Masuuliyiinta Jarmalka ayaa sheegaya in hawlaha caafimaad ee ay dhakhaatiirtaas qabanayay ay banaanaan doonaan, cid qabatana aanan loo haynin.

DAGAALKA FALASTIIN

30 Jan, 18:44


Waa sawir taariikhi ah oo ay ku wada jiraan saraakiishii ugu sareysey dhanka siyaasadda iyo ciidamada ee ururka Xamaas, kuwaas oo kala ah Yaxya Sinwaar, Ismaaciil Haniyah, Maxad Dayf iyo Baasem Ciisa. Dhamaantood waxa la dilay intii uu socday dagaalkii Gaza.

FG: Arinta dunida oo dhan lala fajacsanyahay waa sida ay Xamaas u awooday inay sii jirto siina dagaalanto welibana Yuhuuda ku qasabto inay wada hadal galaan iyadoo intaas oo masuuliyiin ah ay fagaaraha dagaalka iyo siyaasadda ka maqnaayeen.

DAGAALKA FALASTIIN

30 Jan, 17:31


DEG DEG: Afhayeen ciidamada ururka Xamaas ee Falastiin ayaa shaaciyay in taliyihii guud ee ciidamadooda, Maxamad Dayf Abu Khaalid, lagu dilay dagaalkii Gaza. Maxamad Dayf ayaa ahaa taliyihii ka dambeeyay hawlgalkii Oktober 7, 2023 ee lagu laayay tiradii ugu badnayn ee saraakiil iyo askar Yuhuud ah, boqolaalna maxaabiis ahaan loo soo qabtay.

DAGAALKA FALASTIIN

30 Jan, 11:25


Wadanka Sweden waxaa laga helay baqtiga gaalkii lagu magacaabi jiray Salwan Momika kaas oo hadda kahor dhawr jeer gubay Kitaabka Quraanka Kariimka. Gaalkaan oo u dhashay wadanka Ciraaq ayaa baqtigiisa laga dhex gelay guri uu ka deganaa magaalada Södertälje, waxaana korkiisa ka muuqday rasaas lagu shanaqay. Booliska dalka Sweden ayaa sheegay inay baaritaan wadaan sidii ay u ogaan lahaayeen dadkii dilay gaalkaas malcuunka ah.

DAGAALKA FALASTIIN

30 Jan, 06:06


DAAWO: Laba diyaaradood ayaa isku dhacay meel u dhow caasimada Maraykanka ee Washington. Diyaaradaha oo midna ay ahayd nooca dadka qaada tan kalena Helikobtar ciidan ayaa labaduba burburay, waxaana ilaa hadda la helay maydadka 18 qof oo laga soo saaray wabiga.

DAGAALKA FALASTIIN

29 Jan, 20:41


Donald Trump ayaa shaaciyay inuu Maraykanka ka tarxiili doono kumanaan qofood oo ka soo horjeestay xasuuqii Yuhuudu ka geysanaysay Gaza. Dadkaas ayaa u badan arday waxbarasho u joogta Maraykanka kuwaas oo dalka ku soo galay Visa. Trump ayaa ku eedeeyey in dadkaas yihiin kuwo Yuhuuda neceb.

DAGAALKA FALASTIIN

29 Jan, 12:27


DAAWO: Dagaalyahan ka tirsan xoogagga Sunniyiinta Suuriya oo gacanta ku dhigay sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidamadii Bashaar Al-Asad. Sarkaalka ayaa u sheegay inuu ahaa Sareeye Guuto, kadibna baas ayuu ku harqaamay.

FG: Inta badan dagaalyahanada Sunniyiinta ah waa rag waalidiintood, walaalahood iyo ehelkooda ay soo gumaadeen ciidamadii Bashaar Al-Asad, waana sababta keeneysa inaysan saraakiishii ugu waaweyneed maamulkaas maxkamad la sugin, ee meeshay ku arkaan ku tooganayaan.

DAGAALKA FALASTIIN

28 Jan, 09:43


DAAWO: Xoogagga kacdoonka ee la wareegay Suuriya ayaa gacanta ku dhigay sarkaal murjim ah oo ka tirsanaa maamulkii Bashaar Al-Asad kaas oo muuqaallo iska soo duubi jiray isagoo garka ka rifaya culumada Muslimiinta Sunniga ah. Ninkaan oo lagu magacaabo Ciid Darwiish ayay bulshadu dalbanaysaa in ciqaab adag la marsiiyo.

FG: Muuqaalku waa markii uu culumada garka ka rifayay iyo markii la qabtay kadib.

DAGAALKA FALASTIIN

28 Jan, 08:34


DAAWO: Waxaa si xawli ah u socda qulqulka shacabka Falastiin ee dib ugu soo laabanaysa waqooyiga Gaza/

DAGAALKA FALASTIIN

27 Jan, 09:47


DAAWO: Aabe iyo wiilkiisa oo markii ugu horeysey kulmay kadib dhawr bilood oo ay ku kala go'doonsanaayeen Gaza.

FG: Boqolaal waalid iyo ilmahooda ah ayaa kala dhumanay intii uu socday xasuuqii Yuhuudu ka geysanaysay Gaza. Qaar badan oo kamid ah way dhinteen, balse qaar kale ayaa nasiib u yeeshay inay dib u midoobaan.

DAGAALKA FALASTIIN

27 Jan, 08:26


DAAWO: In ka badan 1,000,000 oo shacab Falastiiniyiin ah ayaa iyagoo takbiirta qaadaya dib ugu laabtay waqooyiga Gaza oo kamid ah goobihii ay Yuhuudu xasuuqa badan ka geysatay, dhanka kalena iyaga looga dilay saraakiil iyo askartii ugu badnayn.

DAGAALKA FALASTIIN

25 Jan, 19:43


DAAWO: Dagaalyanada Falastiin iyo shacabkooda oo midaysan ayaa iskugu soo baxay xerada qaxootiga Jabaaliya oo kamid ah goobihii ay Yuhuudu xasuuqyada bahalnimada ah ka geysatay ee Gaza. Waxay ku dhawaaqayaan ereyo ay ka muuqato Islaamnimo, geesinimo, adkaysi iyo inaan cadawga loo jilcin. Waxaa hubaal ahaa in ereyadaas ay hurdada u diidi doonaan madaxda Yuhuuda iyo taageerayaashooda reer galbeedka iyo madaxda qaar kamid ah wadamada Carabta ah.

DAGAALKA FALASTIIN

25 Jan, 10:19


DAAWO: Dagaalyahanada Falastiin ayaa dhoolatus ciidan ku sameeyay magaalada Gaza, xilli maanta ay maxaabiis isdhaafsanayeen Yuhuuda. Dagaalyahanada ayaa sii daayay 4 haween Yuhuud askar ah, waxaana loo sii daynayaa tobanaan maxaabiis ah oo qaarkood ay xabsi-daaim ku xukumnaayeen.

FG: Arintaan waa dharbaaxo siyaasadeed oo gaartay Yuhuuda iyo ra'iisul wasaarahooda Natanyahu, kaas oo wacad ku maray inuu tirtiri doono xoogagga Gaza, balse 470 maalmood oo xasuuq shacab ah kadib xoogaggii muqaawamadu weli ay ku xoogganyihiin Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

23 Jan, 05:24


DAAWO: Waxaa si xooggan dib ugu billawday dabkii ka kacay magaalada Los Angeles ee wadanka Maraykanka.

DAGAALKA FALASTIIN

22 Jan, 10:53


MURUGTA GAZA: Waa hooyo Falastiiniyad ah oo laabta ku haysa qalfoofta wiilkeeda oo maydiisa la helay kadib markii muddo dhawr bilood ah la waysanaa. Wiilka oo lagu magacaabi jiray Xassan ayaa ahaa wiilka kaliya ee ay hooyadaas dhashay, Waxaa dilay ciidamada Yuhuuda kadibna maydkiisa in la qaado ayaa la awoodi waayay ilaa ay askartii Yuhuudu ka bexeen Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

21 Jan, 20:26


Weerar tooreyn ah ayaa goordhow ka dhacay magaalada Tal-Abiib ee caasimada Yahuudda. Weerarka waxaa fuliyey wiil lagu magacaabo Qaadi Cabdi Casiis oo kasoo jeeda wadanka Marooko.

Maalma kahor ayuu ka yimid Mareykanka, isagoo Tal-abiib kusoo galay qaab dalxiisenimo ah, kadibna wuxuu fuliyey weerarkaan Yahuudda lagu laayey.

Inkastoo dagaalka Gaza uu istaagay, hadana Yahuudda ayaa ka walaacsan carada muslimiintu ka qaadeen gumaadkii Gaza, kaas oo kordhiyey cadaawadii loo hayey, lana filayo inay la kulmi doonto weeraro ka dhashay carada duullaankii Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

20 Jan, 16:15


Wuxuu yiri "Mudadii dagaalku socday waxaan lahaa 3 ujeedo, wayna ii hirgaleen":
1- Inaanan Diintayda Islaamka badalin.
2- Inaanan dhulkayga ka tegin/ka qixin.
3- Inaanan jaasuus u noqonin cadawga Yuhuuda.

FG: Dadka Gaza waxay aduunka oo dhan tuseen go'aan adag, dulqaad iyo inaysan cadawgooda isku dhiibin, si walba oo loo xasuuqo. Waa tilaamaamo ay mudantahay in looga daysado.

DAGAALKA FALASTIIN

19 Jan, 17:22


Reer Gaza iyo Wiilashii Jebiyey qabka Nataniyahu oo caawa ku damaashadaya magaalada Gaza!!

DAGAALKA FALASTIIN

19 Jan, 16:43


DEG DEG: Dagaalyahanada Qassaam ayaa wareejiyey saddex Maxbuus oo Yahuud ah, taas oo qeyb ka ah wejigii koowaad ee maxaabiis isweydaarsiga marxaladda Koowaad. saddexdan Maxbuus oo dumar ah ayey Filistiiniyiintu ku bedelan doonaaan 90 ruux oo maxaabiis Filistiiniyiin ah oo goordhow soo haleeli doono eheladooda.

Kolonyada gurmadka ayaa sidoo kale maanta gudaha u gashay magaalada Gaza, halka ciidanka Yahuudda ay sidoo kale isaga baxeen qeybo ka mid ah waqooyiga Gaza.

Dabaaldegyo ayaa hareeyey guud ahaan Gaza, kadib markii ay ka guuleysteen cadowga Yahuuda, kuna sabreen xasuuqii loo geysanayey ee la doonayey in qabkooda lagu jebiyo.

DAGAALKA FALASTIIN

19 Jan, 15:47


Maamulka Nataniyahu wuxuu shacabka reer Gaza u xasuuqay inuu soo afjaro awoodda kooxaha muqaawamada, Balse Muuqaalada maanta lagu arkay Gaza waxay Muujinayaan in maalintii koowaad ee dagaal ilaa maanta oo laga joogo 470 maalmood, ay awooddu muqaawamadu tahay mid aan wax iska bedelin, kaliyana uu sii kordhiyey meydadka askartiisa.

DAGAALKA FALASTIIN

19 Jan, 12:01


GAZA WAY GUULAYSATAY.

Kadib in ka badan 470 maalmood oo ay Yuhuudu xasuuq bahalnimo ah ka geysanaysay Gaza, hadana waxaa la isku raacsanyahay inay dagaalkaas si xun ugu jabtay. Hadii aad i waydiiso maxaa cadayn u ah, waxaan ku leeyahay; Dhamaan ujeedooyinkii uu Natanyahu sheegay inuu dagaalka ku xaqiijin doono waxba ugama aysan hirgelin, kuwaas oo kala ahaa:
1- Inuu tirtiri doono xoogagga muqaawamada Gaza.
2- Inuu xoog ku soo furan doono maxaabiista boqolaalka ah ee lagu qabtay weerarkii 7 Okotobar 2023.
Dhamaan ujeedooyinkaas way fashilmeen.
1- Xoogaggii muqaawamadu weli way ku xoogganyihiin Gaza.
2- Maxaabiistii xoog wuu ku furan waayay, oo wadahadal iyo maxaabiis iswaydaarsi ayuu ka ogolaaday.

FG: Muuqaalku waa xoogaggamuqaawamada oo saacado yar kahor dhex socday Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

19 Jan, 08:59


DAAWO: Shacabka Falastiin oo ku dabaal-degaya Gaza, kadib markii xabad-joojinta lagu dhawaaqay.

FG: Guusha ugu weyn ee ay gaareen waa in aysan weli dhulkooda ka qixin sida ay Yuhuudu doonaysay, balse way dagaalameen ilaa cadawgii Yuhuuda ahaa lagu qasbay inay xabad-joojin dalbadaan, deegaanadii ay qabsadeena dib uga baxaan.

DAGAALKA FALASTIIN

19 Jan, 06:54


DEG DEG: Waxaa si rasmi ah u billawday xabad-joojintii looga dhawaaqay Gaza ee ay ku hishiiyeen Yuhuuda iyo dagaalyahanada Falastiin. Ciidamada Yuhuuda ayaa ka baxay deegaanoo kamid ah Gaza, dadkuna waxay billaabeen inay wadooyinka iskugu soo baxaa.

DAGAALKA FALASTIIN

18 Jan, 08:18


DAAWO: Nin lagu magacaabo Zubayr Maxamad oo Soomaali ah ayaa gargaar u qaybiyay caruur Falastiiniyiin ah oo ku sugan Gaza.

FG: Farxadda ka muuqata caruurta wajiyadooda iyo sida ay ugu mahad celinayaan ninka Soomaaliga ah waxay kuu muujinaysaa baahida ay u qabeen gargaarkaas oo laga yaabo inuu adiga kula yaryahay, balse agtooda wax weyn ka ah.

DAGAALKA FALASTIIN

18 Jan, 07:08


SAWIR: Askarta Yuhuuda oo u dabaaldegaya hishiiska xabad-joojinta ah ee looga saarayo Gaza ayaa dhanka kale ka murugaysan boqolaal saaxiidadood ah oo iyagoo maydad ah laga daabulay Gaza, qaar kale oo naafo ahna ay isbitaallada yaallaan.

DAGAALKA FALASTIIN

16 Jan, 09:10


DAAWO: Waa mid kamid ah saxafiyiinta Falastiin ee wararka ka soo tabin jiray Gaza. Marar badan ayuu soo muuqday isagoo dhex-taagan maydad gubtay iyo dhaawacyo jirkooda dhiigu ka da'yo. Cawada isagoo faraxsan ayuu soo muuqday kadib markii Yuhuudda lagu qasbay inay hishiis xabad-joojin ah la saxiixato dagaalyahanada Gaza. Waa muuqaal kuu sheegaya dareenka farxadeed ee reer Gaza iyo Yuhuuddu ku jabtay Gaza,

DAGAALKA FALASTIIN

15 Jan, 19:22


DEG DEG: Maamulka Yahuudda iyo Muqaawamada hubeysan ee Falastiin ayaa gaaray heshiis xabad joojin ah oo lagu hakinayo dagaalka 15 bilood jirsaday ee ka socda Jiidda Gaza, taas oo lagu tilmaamay guulweyn oo ay gaareen kooxaha Falastiiniyiinta kadib markii ay maamulka Israel ku dirqiyeen inuu aqbalo maxaabiis isweydaarsi kana tanaasulo rabitaankiisii ahaa inuu dagaal kusoo furto maxaaabiista Yahuudda.

Talaabadan ayey warbaahinadu ku tilmaaameen guuldaro weyn oo soo food saartay xukuumada Nataniyahu oo in ka badan hal sano ciidankooda ku halaageysay dagaal aanan laga gaarin natiijadii la sugayey ee ahayd soo furashada maxabiista.

DAGAALKA FALASTIIN

15 Jan, 15:47


DEG DEG: Diyaaradaha dagaalka Yuhuuda ayaa duqeeyay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen xoogagga Suniyiinta Suuriya ee dhawaan xukunka ka tuuray Bashaar Al-Asad. Duqaynta aya ka dhacday tuulada Ghadir al-Bustan ee hoostagta gobolka Qunaydirah, koonfurta Suuriya. Xogaha hordhaca ah waxay sheegayaan in la dilay gudoomiyihii deegaanka oo lagu magacaabo Cabdo Abu Yasir iyo 2 kamid ah ciidamada ammaanka, qaar kalena la dhaawacay.

DAGAALKA FALASTIIN

15 Jan, 09:40


Donald Trump: " Burburka ka dhashay dabka Los Angeles wuxuu ka saamayn badanyahay bomb Nuyukleer ah oo lagu dhiftay magaalada"

FG: Muuqaalku waa qayb kamid ah xaafada ku burburay dabka.

DAGAALKA FALASTIIN

15 Jan, 06:34


Sawirada burburka ka dhashay dabka ka socda Los Angeles!!

Mareykanku wuxuu guranayaa miraha dambiyadii uu ka geystay Gaza!!

DAGAALKA FALASTIIN

31 Dec, 06:43


SAWIRO: Hay'adda sirdoonka dowlada Kenya (NIS) ayaa la soo wareegtay 6 diyaaradaha darooniska ee loo yaqaano Bayraktar TB2 kuwaas oo ay ka soo iibsadeen Turkiga oo soo saara. Saraakiisha duulinaysa diyaaradahaan ayaa tababarka soo dhamaystay bishii agoosto ee sanadkan, waxayna Kenya sheegtay inay diyaaradahaan dhawaan ku biiri doonaan hubka ciidanka cirka Kenya. Hay'addaan NIS ayaa masuul ka ah duqaymaha inta badan shacabka Soomaaliyeed lagu laayo laguna burburiyo shirkadaha isgaarsiinya Soomaalida ee ay Kenya ka fuliso gobollada Gedo iyo Jubooyinka.

FG: Dawlada dariska la ah Soomaaliya, gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya, ayaa ku mashquulsan inay is hubeeyeen iyagoo diyaarado dagaal oo casri ah ka soo iibsanaya wadamada hubka soo saara, sidoo kalena tababarro heer sare ah lagu siiyo diyaaradahaas.

DAGAALKA FALASTIIN

30 Dec, 13:28


Xoogagga kacdoonka ee la wareegay wadanka Suuriya ayaa gacanta ku dhigay Kabtan Fadal Mansuur oo kamid ahaa saraakiisha ciidamadii Bashaar Al-Assad. Ninkaan ayaa ka mid ahaa saraakiishii xasuuqa bahalnimada ah u geystay shacabka Sunniyiinta Suuriya wuxuu iska qaadi jiray sawiro isagoo si xun ula dhaqmaya maydadka shacabka uu dilo.

FG; Sawiradu waa isagoo mayd ku dul-taagan xilligii Bashaar, iyo markii la qabtay kadib.

DAGAALKA FALASTIIN

30 Dec, 11:10


Waxaa dhintay madaxweynihii hore ee Maraykanka, Jimmy Carter, kaas oo ay da'diisu ahayd 100 sano. Jimmy Carter ayaa ahaa madaxweynihii Maraykanka ee ka shaqeeyay hishiiskii dhexmaray wadamada Masar iyo Yuhuuda sanadkii 1978-dii, kaas oo keenay inay Masar noqoto wadan dabadhilif u ah Yuhuuda, ilaalana ka ah albaabka Rafax. Hishiiskii ay maalinkaas kala saxiixdeen Masar iyo Yuhuudu waa midka sababay in maanta ay Gaza go'doon ku jirto, laguna hayo cunaqabatayn, iyadoo ay Yuhuudu cirka iyo dhulka ka duqaynayso, Masaariduna ay ka xirteen xuduudda, sidaasna ay baahi u dhimanayaan shacabka masaakiinta ah ee Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

28 Dec, 15:50


DAAWO: Xoogagga kacdoonka Suuriya ayaa gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsanaa ciidamadii Bashaar Al-Assad kaas oo qayb ka ahaa saraakiishii xasuuqa u geysatay shacabka Sunniyiinta ah. Sarkaalkan ayaa hore muuqaal isaga soo duubay isagoo hanjabaado u jeedinaya Sunniyiinta iskuna tilmaamaya inuu kamid yahay "Ragga uu ku dhaarto Bashaar Al-Assad.

FG: Muuqaalku waa markii uu hanjabayay iyo kadib markii la qabtay.

DAGAALKA FALASTIIN

28 Dec, 11:15


DAAWO: Dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada dawladaha Afghaanistaan iyo Pakistan ayaa ka qarxay gobollada Paktia iyo Khost ee xadka labada wadan. Dagaalka ayaa billawday kadib markii diyaaradaha Pakistan ay duqaymo ka geysteen gudaha Afghanistaan ayagoo halkaas ku dilay shacab dumar iyo caruur u badan. Intaas kadib ciidamada Afghaanistaan ayaa saakay weerar lixaad leh ku qaaday fariisimaha ciidamada Pakistan, waxaana la sheegay inay saldhigyo halkaas ku qabsadeen. Wararka ayaa sheegay in 19 askari oo Pakistan ah lagu dilay dagaalka, oo hada qaboobay balse mar walba dib u qarxi kara

DAGAALKA FALASTIIN

28 Dec, 06:45


DAAWO: Diyaarada dagaalka ee Yuhuuda ayaa duqeeyay garoonka magaalada Sanca ee caasimada Yemen. Xilliga ay duqayntu dhacaysay waxaa garoonka ku sugnaa saraakiil sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay oo uu ku jiro Tedros Adhanom oo ah Madaxa Hay'adda WHO, horena u ahaan jiray wasiirkii arimaha dibadda Itoobiya. Mala soo sheegin dhibaato gaartay masuuliyiintaas UN-ka marka laga soo tago argagax iyo naxdin ay ka qaadeen dhawaqa qaraxyada gantaalaha Yuhuuda.

FG: Muqaalka waxaa laga arkayaa diyaaradda UN-ka oo garoonka taagan marka ay duqayntu dhacayso, waxaana ku dhaawacmay qaar kamid ah duuliyeyaashii diyaaradda.

DAGAALKA FALASTIIN

27 Dec, 17:57


DEG DEG: Ciidamada Yuhuuda ayaa gabi ahaanba gubay isbitaalka Kamaal Cudwaan oo ahaa isbitaalka kaliya ee ku haray Gaza. Yuhuuda ayaa sidoo kale qafaashay dhakhaatiirtii ku sugnayd gudaha isbitaalka.

FG: Aduunka cidda kaliya ee isbitaal shacab weerari karta, hadana wadamada reer galbeedku ay ku taageerayaan arinkaas waa Yuhuuda. Si walba oo ay shacab u xasuuqaan waxay taageeri buuxda kaga helayaan Maraykanka iyo wadamada Yurub.

DAGAALKA FALASTIIN

27 Dec, 05:23


DEG DEG: Gaashaanle Hod Shriebman oo ka tirsanaa saraakiisha ciidamada Yuhuuda ee xasuuqa ku haysa shacabka Falastiin ayaa lagu dilay weerar lagula beegsaday Gaza. Tacsidiisa ayaa aad uga socota baraha bulshada dadka Yuhuuda.

DAGAALKA FALASTIIN

26 Dec, 16:00


DEG DEG: Diyaaradaha dagaalka Yuhuuda ayaa wax yar kahor duqeeyay wadanka Yemen. Duqaymaha ayaa beegsaday garoonka diyaaradaha Sanca iyo Dekedda magaalada Xudayda.

DAGAALKA FALASTIIN

26 Dec, 06:38


Jumca Saalim oo ah dagaalyahan Falastiini ah ayaa lagu dilay duqayn ay Yuhuudu ka geysatay magaalada Dulkaran ee Daanta Galbeed.

FG: Waxaa laga yaabaa inaad is waydiinayso ninka Cabdi Maalik Muuse Coldoon u eg ee hadana Falastiiniga ah. Waxaan kuu sheegayaa in Falastiin ay ku noolyihiin dad badan oo Falastiiniyiin ah hadana madoow ah. Dadkaas badankood asal ahaan waxay ka soo jeedaan qabaa'ilka Nuubiyiinta ee dega xadka Masar iyo Sudan, waxayna Falastiin tageen markii uu Islaamku furtay oo ka soo billaabanaysa khilaafadii Cumar Ibn Khadaad - Allah ha ka raalli noqdee - sidaas ayayna ilaa hadda halkaas u deganyihiin.

DAGAALKA FALASTIIN

25 Dec, 14:58


DAAWO: Askar ka tirsan ciidamadii Bashaar Al-Assad ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday gaadiid ay la socdeen xoogagga kacdoonka ee xukunka la wareegay. Weerarka oo ka dhacay duleedka magaalada Darduus waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac. Dhawr weerar oo noocaan ah ayaa dhacay maalmihii la soo dhaafay waxaana ku dhintay tobaneeyo ka tirsan xoogagga kacdoonka.

FG: Hoggaanka xoogagga kacdoonka ayaa ku dhawaaqay inay cafis u fidiyeen ciidamadii Bashaar Al-Assad, balse arinkaas ayaa loo arkaa inuu ahaa khalad aad u weyn sababtoo ah ciidamada Bashaar ma ahan dad naxariis yaqaana, waxayna ku dadaalayaan inay dib usoo celiyaan xukunkii ay 54 sano ku haysteen Suuriya.

DAGAALKA FALASTIIN

25 Dec, 07:37


FAAHFAAHIN DHEERI AH: 25 qof oo kaliya ayaa ka badbaaday burburka diyaaradda oo mid kamid ah uu yahay ilmo yar, qaarkood dhaawacyo halis ah ayay qabaan. intii kale oo 42 ah way dhinteen.

Waxaa jira xogo soo baxaya oo sheegaya in burburka diyaaradda uu yimid kadib markii ay ku dhacday shimbiro hawada duuqalaya, kadibna uu bayloodkii lumiyay koonotoolka diraaradda, sidaasna ay ku burburtay.

DAGAALKA FALASTIIN

25 Dec, 07:17


DEG DEG: Daawo muuqaalka diyaarad karaab ah oo laga leeyahay wadanka Azerbaijan oo burburtay xilli ay dul-maraysay wadanka Kazakhstan. Diyaarada waxaa saarnaa 60 qof oo rakaab ahaa iyo 7 qof oo shaqaalaha diyaaradadda ah.

DAGAALKA FALASTIIN

24 Dec, 18:10


DAAWO: Ciidamada Yuhuuda ayaa soo bandhigay hub ay sheegeen inay ka soo qabteen koonfurta Lubnaan kadib markii ay halkaas uga tageen dagaalyahada ururka Xisbullah. Hubkaas ayaa u badan gantaalo iyo miinooyin.

FG: Ciidanka Yuhuudu weli waxay ku suganyihiin tuulooyinka koonfurta Lubnaan ee u dhow xadka Falastiin, halkaas oo ahayd difaacyadii ugu waawenaa ee Xisbullah.

DAGAALKA FALASTIIN

24 Dec, 15:50


DEG DEG: DAAWO Xoogagga kacdoonka ee ka wareegay xukunka Suuriya ayaa gacanta ku soo dhigay sarkaal lagu magacaabo "Shaarbaweyne" kaas oo ka mid ahaa maamulkii Bashaar Al-Assad. Sarkaalkaan ayaa lagu eedeeyay inuu ahaa ninkii ugu naxariista xumaa ciidamadii Bashaar, kaas oo gumaad u geystay shacabka Sunniyiinta ah ee Suuriya, gaar ahaan gobolka Laadiqiyah.

DAGAALKA FALASTIIN

24 Dec, 04:13


SAWIRO: Maamulka Yuhuuda ayaa qirtay in sarkaal iyo 2 askari oo ka tirsan ciidamadooda saacadihii la soo dhaafay lagu dilay dagaalka Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

24 Dec, 02:40


DAAWO: Gantaalo laga soo tuuray Yemen ayaa lagu weeraray magaalada Tel Aviv ee caasimada maamulka Yuhuuda. Ugu yaraan 20 qofood ayaa la xaqiijiyay inay dhaawacmeen. Yuhuuda ayaa sheegtay in ka hortageen gantaalaha dadkuna ku dhaawacmeen is buurasho ka dhalatay kala carar markii guuxa gantaalka la maqay.

DAGAALKA FALASTIIN

23 Dec, 17:30


DAAWO: Shil halis ah ayaa maanta ka dhici gaaray kanaalka Pasfor ee ku yaalla magaalada Istanbul, wadanka Turkey. Doomaha oo isku dhici gaaray ayaa si dirqi ah ku kala badbaaday.

DAGAALKA FALASTIIN

23 Dec, 15:35


MUUQAAL MURUGA BADAN: Mukulaalaha iyo eeyaha baahan ayaa cunaya maydadka shacabka Falastiin ee lagu xasuuqay Gaza kadib markii ay Yuhuudu diideen in la duugo.

FG: Hadii ay maydadkaas gaalo ahaan lahaayeen wadama caalamka oo dhan ayaa u soo gurman lahaa, balse maadaama ay Muslimiin yihiin cid dan iyo heello ka geleysa malaha.

DAGAALKA FALASTIIN

23 Dec, 09:10


DEG DEG: Asmaa oo ahayd xaaskii Bashaar Al-Assad ayaa dacwad ka gudbisay ninkeeda waxayna codsatay in laga furo maadaama ay hadda qaxooti yihiin. Haweeneydaan oo Suuriyaan ah balse haysata dhalashada Ingiriiska ayaa dacwada u gudbisay maxkamad ku taalla Ruushka ayadoo dalbatay in ninkaan laga furo, loona ogolaado inay ka bixi karto Ruushka.

FG: Dawlada Ruushka ayaa xabsi-guri geliyay Bashaar Al-Assad iyo qoyskiisa, waxaana lagu amray inaysan ka bixi karin caasimada Moosko. Sidoo kale dawlada Ruushka ayaa xanibaad ku soo rogtay dhamaan hantidii Bashaar Al-Assad u taallay Ruushka kuwaas oo ay ka mid yihiin 270kg oo dahab ah, 2 bilyan oo dollar, iyo tobanaan guryo ah.

DAGAALKA FALASTIIN

23 Dec, 08:55


DAAWO: Boorka waxaa ka muuqda afar kamid ah culumada ugu waaweyn Muslimiinta Sunniga Lubnaan ee u xiran dawlada wadankaas. Waxaa loo xiray taageerada ay u muujiyeen xoogaggii Suuriya ee la dagaalamayay Bashaar Al-Assad iyo inay ka soo horjeedeen ururka Xisbullah oo dagaalkaas ku teegeerayay Bashaar.

DAGAALKA FALASTIIN

23 Dec, 07:34


DAAWO: Dadka Muslimiinta Sunniga ah ee wadanka Lubnaan ayaa banaanbax ka dhigay caasimada Bayruut iyagoo dawlada dalkaas ugu baaqay inay sii dayso boqolaal culumo iyo dhalinyaro Sunniyiin ah oo xabsiyada ku jira. Culumada u xiran Dawladda Lubnaan waxaa ugu caansan Sheekh Axmad Al-Asiir.

FG: Dadkaas Sunniyiinta reer Lubnaan ah waxaa xabsiyada la dhigay markii uu billawday kacdoonka Suuriya iyagoo lagu eedeeyay inay taageersanyihiin xoogaggii la dagaalamayay Bashaar Al-Assad, kana soo horjeedaan ururka Xisbullah oo dagaalkaas ku teegeerayay maamulkii Bashaar ee dhawaan burburay.

DAGAALKA FALASTIIN

22 Dec, 18:01


Ciidanka Yuhuuda ayaa go'doomiyey Isbitaalka Kamaal Cudwaan oo kamid ah Isbitaalada magaalada Qasa, dadka ku go'doonsan Isbitaalka ayaa sheegay in ay duugi la' yihiin shuhadada iyaga oo ka cabsi qaba in la duqeeyo.

Sidoo kale dadka go'doonsan ayaa sheegay inay halis ugu jiraan inay gaajo u dhintaan, kadib markii ay ka dhamaadeen cuntooyinkii awalba gabaabsiga ku ahaa, waxayna intaas raaciyeen inay dadka go'doonsan gabaad ka dhigteen jaranjarooyinka si ay uga badbaadaan rasaasta ay soo furayaan ciidanka Yuhuuda oo go'doonka ku haya.

Isbitaalka waxaa ka go'an korontada, taas oo saabtay in dad badan oo dhaawacyo ah aysan helin daryeel caafimaad, xiliga habeenkii ahna uu jiro mugdi sababay in dadku ay isgaran waayaan waxna isku qaban waayaan.

DAGAALKA FALASTIIN

19 Dec, 14:11


DAAWO: Waa muuqaalka xaruntii korontada siin jirtay magaalada Sanca ee dalka Yemen kadib markii ay xalay diyaaradaha dagaalka Yuhuudu duqeeyeen. Xaruntaan waxay koronto siin jirtay 2/3 shacabka ku nool Sanca, kuwaas oo hadda koronto la'aan ah.

DAGAALKA FALASTIIN

19 Dec, 13:02


DAAWO: Diyaaradaha dagaalka Yuhuuda ayaa xalay duqeeyay xaruntii korontada siin jirtay magaalada Sanca ee dalka Yemen. Yuhuuda ayaa in muddo ah qorshaynaysay inay magaalooyinka Xuuthiyiintu haystaan ee Yemen ka dhigto sida Gaza iyo Bayruut oo kale, waxaana muuqata in ay fulintii qorshahaas billawday.

DAGAALKA FALASTIIN

18 Dec, 06:40


SAWIRO uu qaaday dayax-gacmeed ayaa lagu arkayaa ciidamada Ruushka oo dhamaan wixii qalab iyo gaadiid ahaa ee u yaallay Suuriya iskugu geeyay saldhigyada Xamiimiim iyo Dekedda Darduus kadib markii ay ka soo aruureen dhamaan saldhigyadii kale ee ay wadanka ku lahaayeen. Warar ayaa sheegaya in laga yaabo Ruushku inuu u soo guuro dhanka Libya hadii ay fashilmaan wadahadalka uu kula jiro xoogagga la wareegay Suuriya kadib markii xukunka laga tuuray Bashaar Al-Assad.

DAGAALKA FALASTIIN

17 Dec, 11:45


DEG DEG; Gaashaanle Moshiko Rozenwald oo ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Yuhuuda ayaa lagu dilay Gaza. Sarkaalkaan ayaa hore iskaga duubay muuqaal isagoo qarxinaya gurhaya shacabka Falastiin ee Gaza. Balse ugu dambayn maanta ayaa dunida la dhaafiyay. Tacsidiisa ayaa aad la iskula wadaagayaa baraha bulshada ee Yuhuuda.

DAGAALKA FALASTIIN

30 Nov, 15:32


DEG DEG: Ciidamada maamulka Bashaar Al-Assad ayaa iskaga cararay magaalada Xamaa ee galbeedka Suuriya, kadib markii ay ku soo dhawaadeen dagaalyahanada mucaaradka oo soo qabsaday magaalada Xalab. Ciidamada ka soo cararay Xamaa ayaa usoo dhaqaaqay dhinaca magaalada Ximis oo 46km u jirta Xamaa.

FG: Sawirku waa ciidamada Bashaar Al-Assad oo ka sii baxaya Xamaa.

DAGAALKA FALASTIIN

30 Nov, 14:53


DEG DEG: Dagaalyanada mucaaradka Suuriya ayaa si buuxda ula wareegay garoonka caalamiga ah ee Xalab iyo garoonka milatari ee Kuweires, halkaas oo ay saldhigyo waaweyn ku lahaayeen ciidamada maamulka Bashaar Al-Assad.

FG: Ciidamada Bashaar Al-Assad iyo taageerayaashiisa iskugu jira Ruushka, Iran iyo maleeshiyada Shiicada ah ayaa ku jira kala firxad kadib weeraro lixaad leh oo dhinac walba ay uga billaabeen dagaalyahanada Sunniga oo ah dadkii deganaa dhulkaan hadda ay dib u qabsadeen balse muddo 8 sano kahor laga barakiciyay.

DAGAALKA FALASTIIN

30 Nov, 10:36


DAAWO: Dagaalyahanada mucaaradka Suuriya ee qabsaday magaalada Istiraatiijiga ah ee Xalab ayaa dhulka soo dhigay taalladii Baasil Al-Assad, wiilkii ugu weynaa Xafid Al-Assad oo ah aabihii dhalay Bashaar Al-Assad.

FG: Qoyska Al-Assad ee mudada dheer xukumayay wadanka Suuriya ayaa magaalo walba iyo tuula walba oo wadanka kamid ah waxay ku sameeyeen taallooyin, magacyo wadooyin, goobo gacansi iyo buundooyin ay ku xusayaan xubnaha qoyskooda, heer ay gaartay in Dalka oo dhan loogu yeero Suuriyada Al-Assad.

DAGAALKA FALASTIIN

30 Nov, 03:58


DEG DEG: Daawo dagaalyanada mucaaradka Suuriya oo xabsiga magaalada Xalab ka sii daayay boqolaal maxaabiis rag iyo dumar iskugu jira kuwaas oo muddo dheer halkaas ku xirnaa. Dadkaan maxaabiista ah ayaa u badan dadka Sunniga ah oo uu maamulka Bashaar Al-Asad ku eedeeyay inay ehelo iyo qaraabo la yihiin dagaalyahanada mucaaradka.

DAGAALKA FALASTIIN

29 Nov, 20:06


DAAWO: Xalab waxaa si buuxda dib ula wareegay dagaalyahanada Mucaaradka Suuriya oo laga qabsaday sanadkii 2016.

DAGAALKA FALASTIIN

29 Nov, 17:02


DAAWO: Dagaalyan ka tirsan mucaaradka Suuriya oo jeex-jeexaya sawirka hogaamiyaha ugu sareeya dawlada Iran, Ayatullah Cali Khamenei, oo surnaa magaalada Xalab ee Suuriya.

DAGAALKA FALASTIIN

29 Nov, 16:57


DAAWO: Dagaalyahanada mucaaradka Suuriya oo taagan bartamaha magaalada istiraatiijiga ah ee Xalab.

FG: Xalab waa magaalo ay ku xoogganaayeen dadka Sunniga ah ee Suuriya. Balse maamulka Bashaar Al-Assad oo kaashanaya ciidamada Ruushka, Iran iyo maleeshiyada Shiicada ah ayaa dagaal ku qabsaday sanadkii 2016, waxayna wixii markaas ka dambeeyay isku badashay magaalo ay Shiicadu ku badantahay kadib markii dadkii Sunniga ahaa badankood ka qexeen.

DAGAALKA FALASTIIN

29 Nov, 14:58


DEG DEG: Dagaalyahanada mucaaradka Suuriya ayaa gudaha u galay magaalada Istiraatiijiga ah ee Xalab. Ciidamadii Ruushka, Iran iyo kuwii maamulka Bashaar Al-Assad ayaa badankooda magaalada iskaga cararay dagaal adag kadib.

FG: Muuqaalku waa dagaalyahan ka tirsan xoogaga mucaaradka oo dhex taagan magaalada Xalab.

DAGAALKA FALASTIIN

29 Nov, 10:58


DAAWO: Dagaalyahanada mucaaradka Suuriya ayaa horumar weyn ka sameeyay dagaalka ay kula jiraan ciidamada maamulka Bashaar Al-Assad iyo taageerayaashiisa iskugu jira Ruushka, Iran iyo maleeshiyaatka kooxda Shiicada ah. Dagaalyanada mucaaradka ayaa gudaha u galay magaalada Xalab ee istiraatiijiga ah, kadib markii ay soo qabsadeen tobanaan tuulo oo ku yaalla duleedka magaalada.

FG: Muuqaalku waa dagaalyahanada mucaaradka oo adeegsanaya diyaarado Daroonis yar yar ah, waana hubka la sheegayo inuu wax weyn ka badalay taatikada dagaalka.

DAGAALKA FALASTIIN

28 Nov, 16:39


DEG DEG: Dawlada Iran ayaa sheegtay in la dilay Gen. Kiomars Pourhashemi, oo ahaa taliyihii ciidamada ilaalada kacaanka ee ka dagaalamayay magaalada Xalab ee wadanka Suuriya. Taliyahaan iyo ciidamadiisa ayaa ka garab dagaalamayay ciidamada maamulka Bashaar Al Assad oo hadda weerar culus kala kulmaya dagaalyahanada mucaaradka Suuriya.

DAGAALKA FALASTIIN

28 Nov, 16:24


SAWIR: Dagaalyahanada mucaaradka Suuriya ayaa dilay sarkaal Ruush ah oo ka garab dagaalamayay ciidamada maamulka Bashaar Al-Asad. Dagaallada ayaa waxaa ilaa hadda ku gacan sareeya kooxaha mucaaradka, waxayna qabsadeen dhul aad u ballaaran oo hoos yimaada magaalada Xalab.

DAGAALKA FALASTIIN

28 Nov, 07:34


XAALAD SOO KORORTAY: Dagaallo culus ayaa ka billawday wadanka Suuriya halkaas oo dagaalyahanada mucaaradka ah ay duullaan ku qaadeen saldhigyada ciidamada maamulka Bashaar Al Asad iyo maleeshiyada taageersan ee ay Iran taageerto. Dagaalka waxaa ka qayb qaadanaya ciidamada iyo diyaaradaha dagaalka Ruushka, kuwaas oo taageeraya maamulka Bashaar.

FG: Muuqaalku waa markii ay dagaalyahanada mucaaradka ah weerarka ku billaabayeen saldhigyada ciidamada Bashaar Al-Asad ee ku yaalla galbeedka magaalada Istiraatiijiga ah ee Xalab.

DAGAALKA FALASTIIN

28 Nov, 05:44


SAWIR: Waa 5 askari oo Yuhuud ah oo hore ugu dhaawacay qarax lagula beegsaday waqooyiga Gaza. Todobo askari ayay ahaayeen, 2 way dhimatay, intii soo hartayna waa kuwaas lugaha ka wada go'an. Kulan xusuus ah ayay iskugu yimaadeen markii ay isbitaalka kasoo bexeen.

FG: Sawirka waxaa faafisay warbaahinta Yuhuuda oo ka qaylinaysa khasaaraha xooggan ee ciidamadooda ka soo gaaraya dagaalka Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

27 Nov, 14:53


DEG DEG: Daawo muuqaal cusub oo muujinaya dagaalyahanada Falastiin oo gantaalaha garbaha laga tuuro ee Al-Yaasiin 105 ku burburinaya Taangiyada ciidamada Yuhuuda ee xasuuqa ka wada Gaza. Weerarada ayaa ka dhacay xaafadda Bayt-Laahiya ee waqooyiga Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

27 Nov, 14:08


DAAWO: Waxaa si rasmi ah u dhaqan-galay hishiiskii xabad-joojinta ahaa ee dhex maray Yuhuuda iyo ururka Xisbullah. Dadka ayaa billaabay inay dib ugu soo laabtaan xaafadihii ay ka qexeen ee koonfurta Lubnaan, halkaas oo burbur aad u xooggan uu ka muuqdo, ayna yaallaan haraadiga gantaalihii ay Yuhuudu ku garaacday oo aanan qaarkood qarxin

FG: Muuqaalku waa qayb kamid ah burburka gaaray xaafada Daaxiya ee duleedka Bayruut halkaas oo ahayd taliskii ugu weynaa ee Xisbullah iyo goobihii lagu dilay dhamaan hogaankii sare ee ururka oo uu ugu weynaa Xassan Nasrallah

DAGAALKA FALASTIIN

27 Nov, 09:05


DEG DEG: Diyaaradaha dagaalka Yuhuuda ayaa duqaymihii ugu xooganaa ka geysanaya caasimada Lubnaan ee Bayruut, xilli daqiiqado yar ay ka dhimantahay dhaqan-galka xishiis xabad-joojin ah oo ay kala saxiixdeen Yuhuuda iyo Xisbullah.

FG: Warbaahinta Yuhuuda ayaa sheegeysa in duqaymahaan looga danleeyahay in lagu burburiyo xarumaha yar ee u haray Xisbullah kahor inta uusan hishiisku dhaqan gelin.

DAGAALKA FALASTIIN

27 Nov, 07:02


DEG DEG: Yuhuuda iyo Xisbullah oo gaaray hishiis xabad-joojin ah.

Qodobada hishiiska oo uu Maraykanku dhex-dhexaadiye ka ahaa waxaa kamid ah:
• In Xisbullah aysan weerar dambe ku qaadi karin Yuhuuda.
• In la burburiyo dhamaan xarumaha hubka lagu farsameeyo & kuwa lagu kaydiyo ee Xisbullah.
• In Yuhuudu joojiso weerarada ay ka geysanayso Lubnaan.
• In cid aan ahayn ciidamada dawlada Lubnaan aan loo ogolaanin inay hub ku isticmaasho gudaha wadankaas.
• In Yuhuudu xaq u leedahay inay weerarto xarun walba oo uu yaallo hub sharci-darro ah.
• In Yuhuudu ciidamadeeda kala baxdo Lubnaan muddo 60 maalmood ah gudaheeda.
• In Maraykanku sii ahaado dhex-dhexaadiyaha u dhexeeya Yuhuuda iyo Xisbullah

FG: Qodobadaas labada dhinac ee Yuhuuda & Xisbullah way saxiixeen wuxuuna dhaqan-gelayaa saacaddu marka ay tahay 10:00am maanta oo Arbaco ah. Arinkaan wuxuu ka dhiganyahay in Xisbullah ay is dhiibtay oo ay dagaalka ka baxday, Yuhuuduna ay hadda usoo faaruqi doonto xasuuqa Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

27 Nov, 04:05


DEG DEG: Dawlada Imaaraatka ayaa sheegtay inay gacanta ku hayso 3 nin oo ay ku eedeeyeen inay dileen baadari Yuhuudi ah oo lagu magacaabi jiray Tsvi Kogan kaas oo maydkiisa isbuucaan horaantiisii laga helay magaalada Abu Dhabi. Wasaarada arimaha dibadda Imaaraatka ayaa u mahad celisay dowlada Turkiga taas oo gacanta ku soo dhigtay saddexda nin oo dilka baadariga kadib ka baxsaday Imaaraatka, balse sirdoonka Turkiga ay ka soo qabteen magaalada Istanbuul, una soo gacan geliyeen Imaaraatka.

DAGAALKA FALASTIIN

26 Nov, 13:42


Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa dhulka ay Yuhuudu gumaysato ayaa sheegay in maamulka xabsiyada Yuhuudu uu si ula kac ah maxaabiista Falastiiniyiinta ah ee cudurada fayruusaatka ah qaba u dhex-geeyo qolalka ay ku jiraan maxaabiista aan cudurka qabin, iyadoo ujeedadu tahay in kuwa caafimaadka qaba cudurka la qaadsiiyo si dhamaan maxaabiistu u xanuunsadaan kadibna loo diido daawooyinka. Wargeyska ayaa sheegay in siyaasadaas uu dejiyay wasiirka amniga Yuhuuda Itamar Ben Gvir oo ah nin cunsuri ah, aadna u neceb shacabka Falastiin.

DAGAALKA FALASTIIN

14 Nov, 14:33


DAAWO: Diyaaro ayaa warqadahaan ku daadiyay Gaza, iyagoo shacabka Falastiin ee xasuuqu ku socdo ugu baaqaya inay diinta Kirishtaanka qaataan. Lama oga in warqadaha ay daadiyeen diyaaradaha Yuhuuda iyo inay daadiyeen kuwa reer galbeedka, sida Maraykanka iyo Ingiriiska, kuwaas oo qayb ka ah dagaalka iyagoo dhanka sirdoonka ka gacan siinaya Yuhuuda.

FG: Yuhuudu ma ogola in diintooda la soo galo, sababtoo ah waxay aaminsanyihiin in Yuhuudnimada loo dhasho balse aan la soo gelin. Qofka ay Yuhuudnimada u aqoonsanayaan waa inuu aabihiis ama awoowihiis Yuhuud soo ahaan jiray. Sidaas daraadeed waxay u badantahay in warqadahaan ay diyaaradaha reer galbeedku daadiyeen.

DAGAALKA FALASTIIN

14 Nov, 08:21


SAWIRO: Lix kamid ah askarta Yuhuuda oo saacadihii la soo dhaafay lagu dilay koonfurta Lubnaan.

DAGAALKA FALASTIIN

13 Nov, 15:45


DAAWO: Yuhuuda oo duqayn ku beegsanaya shacab ku sugan deegaanka Mawaasi, xaafadda Khaan-Yuunis ee Gaz.

FG: Falastiin waa meesha kaliya ee aduunka oo dhan laga daawado shacab si wuxuushnimo ah loo xasuuqayo, gaajo iyo harraadna loo dilayo, hadana cid wax ka qabanaysa aysan jirin.

DAGAALKA FALASTIIN

13 Nov, 10:30


DAAWO: Aabaha mid kamid ah askarta Yuhuuda ee shalay lagu dilay Gaza oo ku ooynaya goobtii tacsida loogu digayay wiilkiisa.

FG: Waxaa muuqata in askarigu ahaa Yuhuudi indhayar ah (Ka soo jeeda qaarada Aasiya).

DAGAALKA FALASTIIN

12 Nov, 16:23


SAWIR: Ciidamada Yuhuuda ayaa faafiyay sawirada 4 kamid ah askar saacadihii la soo dhaafay looga dilay Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

12 Nov, 10:04


DEG DEG: Daawo Yuhuuda oo wax yar kahor duqaysay dhisme dabaq ah oo ku yaalla xaafadda Daaxiya ee duleedka Bayruut, Lubnaan.

DAGAALKA FALASTIIN

12 Nov, 04:47


DAAWO: Duqaymaha Yuhuuda ayaa burbur xooggan u geystay magaalada Nabatiyah ee koonfurta Lubnaan. Muuqaalka waxaa la duubay shalay subax.

FG: Yuhuudu waxay aaminsanyihiin in wadama Carabta, laga billaabo xeebta Falastiin, ilaa laga gaaro wabiyada Niil, Dajla iyo Furaat oo ku kala yaalla wadamada Masar iyo Ciraaq, dhulkaas oo dhan inay iyagu leeyihiin ayna waajib tahay in la hoos keeno maamulka Yuhuuda. Sidaas daraadeed waxay ku dadaalaan inay burburiyaan magaalooyinka ay weeraraan, dadkana ka barakiciyaan si ay mustaqbalka ugu fududaato inay iyagu qabsadaan.

DAGAALKA FALASTIIN

11 Nov, 16:00


DEG DEG: Ciidamada Yuhuuda ayaa qirtay in saacadihii la soo dhaafay 5 askari looga dilay Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

11 Nov, 14:50


DEG DEG: Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyada qawmiyada Amxaarada ee FANO ayaa ka dhacay gobolka Waqooyiga Wollo. Wax ka badan 50 askari ayaa ciidamada Itoobiya looga dilay dagaalka, tobanaan kalena maxaabiis ahaan ayaa looga qabtay. Ciidamo gurmad ah oo kasoo baxay magaalada Waldiya ayaa iyagana jidka loo galay halkaas oo khasaare xooggan lagu gaarsiiyay.

DAGAALKA FALASTIIN

11 Nov, 09:37


Duqayn diyaaradeed ayaa xalay ka dhacday gobollada Camraan iyo Sacda ee wadanka Yemen. Ilaa 7 duqayn oo kala duwan ayaa la sheegay in gobolladaas lagu garaacay, waxaana inta badan duqaymaha noocaas ah Yemen ku weerara ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska.

DAGAALKA FALASTIIN

11 Nov, 04:42


Duqayntii shalay ka dhacday xaafada Sayida Zaynab ee magaalada Dimishiq, caasimada Suuriy, waxaa lagu dilay masuul sare oo ka tirsan ururka Xisbullah iyo saraakiil la joogtay. Masuulkaan oo lagu magacaabo Cali Muusa Daqduuq ayaa hore u ahaan jiray madaxa amniga hogaamiyihii Xisbullah, Xassan Nasrallah, hadana wuxuu ahaa taliyaha hawlgallada ururka ee buuraha Golan ee dalka Suuriya.

FG: Waxaa sawirada la faafiyay ka muuqda in dadka lagu dilay duqaynta ay ku jiraan saraakiil iyo dagaalyahano u dhashay Ciraaq kuwaas oo ka tirsan maleeshiyada Xashdu-Shacbi ee shiicada Ciraaq ah. Lama oga hawsha ay u joogeen Suuriya balse waxaa xusid mudan in masuulkaan Lubnaaniga ah uu markiisii hore kaalin weyn ku lahaa aas-aaska maleeshiyaatka shiicada ah ee Ciraaq, gaar ahaan kuwa uu hada hogaamiyo ninka lagu magacaabo Qays Al Qascali oo aad ugu dhow ilaalada kacaanka Iran.

DAGAALKA FALASTIIN

10 Nov, 16:44


DEG DEG: Diyaaradaha dagaalka ee Yuhuuda ayaa duqeeyay xaafada Sayida Zaynab ee magaalada Dimishiq, caasimada Suuriya, Ugu yaraan 7 qof ayaa la xaqiijiyay inay halkaas ku dhinteen, 20 kalena lagu dhaawacay. Qaar kamid ah warbaahinta Suuriya ayaa sheegaysa in la beegsaday saraakiil ka tirsan ururka Xisbullah oo deganaa guri dabaq ah oo ay duqayntu beegsatay.

DAGAALKA FALASTIIN

10 Nov, 15:23


DAAWO: Boqolaal shacab Marookaan ah ayaa iskugu soo baxay mudaaharaat ay ku diidanyihiin markab hub u wada Yuhuuda oo ku soo xirtay dekeda Tanger Med ee waqooyiga wadankooda. Shacabka ayaa ku qaylinaya erayo ay ka mid yihiin:
"Spain ayaa markabka soo cayrisay, Marookana way soo dhawaysay, waxaas waa ceeb iyo dullinimo"

FG: Dawlado badan ayaa markabkaan u diiday inuu dekadohooda ku soo xirto kuwaas oo ay kamid tahay Spain oo aad ugu dhow Marooko.

DAGAALKA FALASTIIN

10 Nov, 07:13


Dawlada Marooko ayaa u ogolaatay markab hub culus u wada Yuhuuda inuu ku soo xirto dekedda Tanger Med ee waqooyiga wadanka. Markabkaan oo lagu magacaabo Maersk Denver ayaa ka soo shiraacday Maraykanka wuxuuna dekedda ugu soo xirtay si uu shidaal uga qaato. Arinta yaabka leh ayaa ah in markabkaan ay wadamo dhawr ah u diideen inuu dekedahooda ku soo xirto kadib markii la ogaaday inuu wado hub lagu xasuuqi doono shacabka Gaza. Shacabka Marooko ayaa dhigay banaanbaxyo looga soo horjeedo markabkaas ku soo xiranaya dakadooda, balse dawlada ayaanan arinkaas dheg jalaq u siinin, markabkana u ogolaatay inuu dekeda soo galo, halkaasna shidaal ka qaaro. Dhawaan ayay ahayd markii maraakiib hub iyo qalab kale u wada Yuhuuda loo ogolaaday inay ku soo xirtaan dekedaha wadamada Masar iyo Turkiga.

FG: Sawirku waa markabka hubka u wada Yuhuuda ee ku sugan Tanger Med ee wadanka Marooko.

DAGAALKA FALASTIIN

09 Nov, 15:43


DAAWO: Ciidamada Yuhuuda ayaa faafiyay muuqaal ay ku faanayaan sida ay u burburiyeen tuulooyinka Basaatiin iyo Zaluutiyah ee ku yaalla koonfurta Lubnaan una dhow xadka Falastiin.

DAGAALKA FALASTIIN

09 Nov, 13:12


DAAWO: Dab aad u xooggan ayaa ka kacay deegaanka Al Xamraa ee bartamaha caasimada wadanka Lubnaan ee Bayruut.

DAGAALKA FALASTIIN

09 Nov, 08:06


DAAWO: Yuhuuda ayaa mar kale xalay duqeeyay xaafada daaxiya ee duleedka Bayruut. 11 gantaal ayaa la sheegay inay Yuhuudu ku garaacday xaafadaan oo ah xarunta ugu weyn ee Xisbullaah, laguna laayay dhamaan hogaankii sare ee ururka.

DAGAALKA FALASTIIN

09 Nov, 04:41


DEG DEG; Dawlada Qatar ayaa ku amartay masuuliyiinta ururka Xamaas ee Falastiin inay si deg deg ah wadankeeda uga baxaan kadib markii ay dawlada Maraykanku sidaas go'aamisay. Masuuliyiin Maraykan iyo Qatar ah ayaa warbaahinta CNN u sheegay in ay Xamaas diiday dalab ka yimid Yuhuuda iyo Maraykanka kaas oo ahaa inay sii daayaan maxaabiista Yuhuuda ah ee ay gacanta ku hayaan, sidaas daraadeedna uu Maraykanku ku amray Qatar inay madaxdooda ka cayriso wadankeeda.

FG: Xamaas waa urur uu Maraykanku u aqoonsanyahay Argagixiso, waxaana dawladaha saaxiibka la ah Maraykanka ka mamnuuc ah inay la macaamilaan ama deegaanno iyo xafiisyo ka siiyaan wadankooda ilaa fasax laga helo Washington.

DAGAALKA FALASTIIN

08 Nov, 16:36


DAAWO: Waa nin kamid ah Yuhuudii xalay lagu garaacay Amsterdam oo qaylinaya.

DAGAALKA FALASTIIN

06 Nov, 03:50


ARAGTI GAAR AH: Doorashada Maraykanka waxaa ku guulaysan doona Donald Trump. Sababtu ma ahan in dadka Maraykanka ay Trump jecelyihiin, balse waa inaysan ogolaanaynin in wadankooda ay naag madaxweyne ka noqoto, arinkaas oo aanan weligeed taariikhda hore u dhicin.

DAGAALKA FALASTIIN

05 Nov, 18:04


DEG DEG: Benyamin Natanyahu oo ah ra'iisul wasaaraha Yuhuuda ayaa shaqadii ka cayriyay wasiirkii gaashaandhiga Yoav Gallant, kadib fashil xooggan oo ay kala kulmeen dagaalka Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

05 Nov, 14:25


Maraykanka ayaa shaaciyay in askari ka tirsan ciidamadooda oo lagu magacaabo Quandarius Stanley uu u dhintay dhaawac ku soo gaaray Gaza. Maraykanka wuxuu sheegay in askarigaan uu ku dhaawacmay hawlgal "bini'aadanimo" ah oo ay ciidamada Maraykanka ka samaynayeen xeebta Gaza, arinkaas oo ay falanqeeyayaashu shaki badan gelinayaan. Waxaa jirta tuhun badan oo laga qabo inuu ku dhintay dagaal.

DAGAALKA FALASTIIN

05 Nov, 09:49


DAAWO: Dagaalyahanada Falastiin ayaa khaarijiyay 4 askari oo ka tirsan ciidamada Yuhuuda kadib markii ay qarax culus kula beegsadeen waqooyiga Gaza. Qaraxa ayaa sidoo kale waxaa ku burburay Taangi nooca Merkava oo ay lahaayeen ciidanka Yuhuuda.

DAGAALKA FALASTIIN

04 Nov, 17:04


DAAWO: Ciidamada Yuhuuda ayaa weli sii wada inay burburiyaan tuulooyinka ku yaalla koonfurta Lubnaan ee ay ka qabsadeen ururka Xisbullah.

FG: Muuqaalku waa tuulada Meys El-Jabal oo ay dhamaanteed miinooyin ku rakibeen kadibna mar qura wada qarxiyeen.

DAGAALKA FALASTIIN

04 Nov, 14:39


Waa qaar kamid ah askar Itoobiyaan ah oo la dilay iyagoo ka garab dagaalamaya ciidamada Yuhuuda ee xasuuqa ka wada Gaza.

FG: Sawirada waxaa nala wadaagay AYUUB oo kamid ah asxaabta nagu xiran. Aad ayuu u mahadsanyahay.

DAGAALKA FALASTIIN

04 Nov, 13:18


SAWIRO: Ilan Baya, Waa muwaadin Kenyaati ah. Wuxuu ka tirsanyahay ciidamada Yuhuuda ah ee xasuuqa ka wada Gaza. Lama oga in dawlada Kenya ay arinkaas ogtahay iyo inuu yahay calooshiis u shaqayste gaarkiisa u qaraabta.

DAGAALKA FALASTIIN

04 Nov, 10:33


Warbaahinta Yuhuuda ayaa sheegeysa in markii qalliin lagu sameeyay maydka Yaxya Sinwaar la ogaaday in muddo 3 maalmood ah uusan cunin wax aan ka ahayn biyo iyo timir kahor intii aanan lagu dilin dagaal uu la galay askarta Yuhuuda.

DAGAALKA FALASTIIN

04 Nov, 08:42


DEG DEG: Askari ka tirsan ciidamada Yuhuuda ayaa isdilay kadib markii uu ka soo laabtay dagaalka Gaza. Askarigaan oo lagu magacaabo Santiago Ovadia ayaa ah Yuhuudi asalkiisu ka soo jeedo wadanka Venezuela ee qaarada Laatiin Ameerika, sida ay sheegtay warbaahinta Yuhuuda.

DAGAALKA FALASTIIN

04 Nov, 06:58


DAAWO: In ka badan 200 oo ka tirsanaa ciidamada miltariga Itoobiya ayaa isku dhiibay maleeshiyada qawmiyadda Amxaarada ee FANO ee ku sugan gobolka Waqooyiga Wollo. FANO oo doonaysa inay xukunka ka tuurto maamulka Abiy Axmad ayaa dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah ka wada gobolka Amxaarada, halkaas oo ay ku dileen kumanaan ciidamada dawlada ah, hub iyo maxaabiisna ka qabteen.

FG: Sug wax yar. Ha deg degin. Ogoow waxba isma dhaamaan maleeshiyada FANO iyo maamulka Abiy Axmad. Waxay isku hayaan waa siyaasadda dhexdooda ah balse way ka simanyihiin colaadda ay u qabaan Soomaalida.

DAGAALKA FALASTIIN

04 Nov, 06:43


DAAWO: " Hadii aan nahay Itoobiya, badda cas waan qabsanaynaa. Xitaa hadii aan anagu qaban wayno caruurteena ayaa qabsan doonta. Ma ahan wax aan qarinayno ee waa wax ay tahay inu caalamku ogaadaa. Waa ceeb in 120 milyan oo Itoobiyaan ah ay bad la'aan ahaadaan" Sidaas waxaa mar kale ku celiyay Ra'iisul wasaaraha Itoobiya oo la hadlayay baarlamaanka wadankiisa.

DAGAALKA FALASTIIN

03 Nov, 15:25


DEG DEG: Yuhuuda ayaa duqaymo horleh hadda ka geystay magaalada Baclabak ee bariga Lubnaan.

DAGAALKA FALASTIIN

03 Nov, 13:47


Ciidamada Yuhuuda ayaa qirtay in 3 ka mid ah askartooda lagu dilay dagaalka Gaza.

FG: Ciidamada Yuhuuda ayaa xasuuq bahalnimo ah ka wada waqooyiga Gaza, balse iyagana waxaa ku socda dhiig-bax xooggan iyagoo maalin walba laga dilo saraakiil iyo askar, gaadiidna laga gubo.

DAGAALKA FALASTIIN

03 Nov, 03:48


DAAWO: Boqolaal shacab Turkish ah ayaa iskugu soo baxay albaabka hore ee dakedda Ambarli ee duleedka Istanbul ayagoo ka mudaaharaadaya markab alaab u wada Yuhuuda oo dakadaas ku sugan Dadka ayaa wadada ka xiray gaadiid xamuul ah oo wada kunteenaradii lagu rari lahaa markabka, balse booliska dawlada Turkiga ayaa awood u adeegsaday dadka taas oo keentay in qaar kamid ah gaadiidkii ay dekeda gudaha u galaan. Wasiirka ganacsiga Turkiga, Ömer Bolat. oo qoraal sii dhigay barihii internerka ayaa dadka u sheegay in alaabtaas aysan u soconin Yuhuuda balse ay u socoto Falastiiniyiinta, arinkaas oo ay dadku u arkeen marin-habaabin ayna rumaysan waayeen.

FG: In kasta oo madaxweynaha Turkiga iyo masuuliyiinta kale ee dalkaas ay mar walba sheegaan inay ka soo horjeedaan xasuuqa ay Yuhuudu ku hayso shacabka Gaza, hadana waxaa si caadi ah u socda ganacsiga ka dhexeeya labada dal iyadoo badeecadaha laga qaado Turki la geeyo dhulka ay Yuhuudu haysato. Sidoo kale waxaa Turkiga ku yaalla saldhiga Incirlik Air Base oo ay isticmaalaan ciidamada Maraykanka ah ee taageerada milatari iyo sirdoon u fidiya ciidamada Yuhuuda ah ee xasuuqa ka wada Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

02 Nov, 14:01


SAWIR: Waa markbadka hubka u wada Yuhuuda oo ka gudbanay biya-mareenka Suweys isagoo uu dushiisa ka babanayo calanka Yuhuuda oo ah halka uu hubka u wado iyo calanka Masar oo ah goobta uu marayo.

DAGAALKA FALASTIIN

02 Nov, 13:52


DAAWO: Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Masar oo galbinaya doon hub aad u culus u wadda ciidamada Yuhuuda. Doontaan oo laga leeyahay wadanka Jarmalka ayaa loo diiday inay ku soo xirato dekedo badan oo ku yaalla Afrika iyo Asia balse ugu dambayn Masar ayaa u ogolaatay inay soo marto Biya-mareenka Suways.

FG: Dawlada Masar ayaa markii hore beenisay in doonta wadda hubka lagu xasuuqayo shacabka Falastiin iyo Lubnaan ay Suweys soo martay balse dadka la socda dhaqdhaqaaqa badaha iyo muwaadiniin Masaari ah ayaa xaqiijiyay, muuqaallana ka keenay doonta.

DAGAALKA FALASTIIN

02 Nov, 10:18


DEG DEG: Ciidamada Yuhuuda ayaa sheegay in taliyahoodii aagga waqooyi iyo midkii aagga dhexe labadaba lagu dhaawacay dagaallo ka dhacay koonfurta Lubnaan.

FG: Sawirku waa labada sarkaal ee Yuhuuda ah.

DAGAALKA FALASTIIN

01 Nov, 16:29


SAWIR: Waxaa markii ugu horeysey la arkay halkii ay Xisbullah ku xabaashay hogaamiyahoodii Xassan Nasrullah, kaas aanan loo samaynin munaasabad ama tacsi caam ah sida caadada u ahayd masuuliyiinta ka geeriyoota ama laga dilo ururka. Sababta ayaa lagu sheegay in laga cabsi qabay in Yuhuudu duqaymo la beegsato munaasabada duugta hogaamiyaha halkaasna dad badan oo kale kaga disho ururka.

FG: Dadka qaar ayaa ku baaqaya in qabriga Xassan Nasrallah laga dhigo goob ay dadka raacsan Xisbullah u yimaadaan siyaaro iyo barakaysi iyagoo sheegaya in masuulkaan uu la mid yahay hogaamiyeyaashii hore ee ugu caansanaa Shiicada ee ku duugan qabuuraha ku yaalla magaalooyinka Najaf iyo Qum ee wadamada Iran iyo Ciraaq.

DAGAALKA FALASTIIN

01 Nov, 08:43


Dad badan oo asxaab nagula ah halkaan ayaa i waydiiyay sababta ay dagaalyahanada Falastiin u doorteen dagaalka Yuhuuda oo ay u diidanyihiin inay nabad la saxiixdaan maadaama aad looga awood badanyahay. Jawaabta su'aashaas waxaa idin siinaya Sheekh Axmad Yaasiin, aas-aasihii Xarakada Xamaas ee hada ka dagaalamaysa Gaza. Wuxuu Sheekhu sheegaya inay ogyihiin in dhabaha dagaalku adagyahay balse aysan dhici doonin inay marnaba is dhiibaan ama hubka iska dhigaan. Wuxuu dhaleeceynayaa dadka ku doodaya in Muqaawamadu dhib iyo kharaab usoo jiiday shacabka Falastiin wuxuuna ku tilmaamayaa inay yihiin kuwo doonaya inay khiyaamayaan shacabka, garaadkoodana dooriyaan.

FG: Sheekh Axmad Yaasiin Yuhuuda ayaa duqayn ku dishay bishii Maarso 2004 isagoo markaas da'diisu ahayd 68 jir.

DAGAALKA FALASTIIN

01 Nov, 05:50


DAAWO: Yuhuuda ayaa mar kale xalay duqaymo ku garaacday xaafadda koonfureed ee duleedka Bayruut. 14 duqayn aya la soo tabiyay inay xalay ku dhacday xaafaddaan oo ah ubucda ugu muhiimsan ee xarumaha Xisbullah, waana xaafadii lagu laayay dhamaan hoggaankii ururka oo uu ku jiro Xassan Nasrallah.

FG: Yuhuuda waxaa ka go'an inay xaafadaan dhulka la simaan ilaa ay Xusbullah iska dhiibayaan ama loo tirtiro dhamaan wixii raad ah oo uu ururku ku leeyahay Bayruut iyo guud ahaan Lubnaan

DAGAALKA FALASTIIN

31 Oct, 15:22


DEG DEG: Daawo dagaalyahan ka tirsan muqaawamada Falastiin oo gantaal garabka laga tuuro la beegsanaya Taangi ay leeyihiin ciidamada Yuhuuda. Weerarka ayaa ka dhacay Waqooyiga Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

31 Oct, 14:34


DEG DEG: Yuhuuda ayaa duqaymo hadda ka geystay magaalada Baclabak ee bariga Lubnaan.

DAGAALKA FALASTIIN

31 Oct, 13:24


DEG DEG: Taliyaha ciidamada Yuhuuda, Harze Halevi, ayaa ka badbaaday isku day lagu khaarijin lahaa kadib weerar lagula beegsaday Gaza. Wargeyska HAARETZ ee Yuhuudu leedahay ayaa sheegay in Dagaalyahanada Falastiin ay qarax culus ku weerareen dhisme ku yaalla Gaza halkaas oo Halevi uu kulan kula qaatay saraakiisha ciidamadiisa, daqiiqado yar kadib markii uu ka baxayna uu qarax weyn gilgilay dhismaha, halkaas oo ay ku dhinteen 4 askari oo Yuhuud ah.

DAGAALKA FALASTIIN

31 Oct, 10:32


DEG DEG: Diyaaradaha dagaalka Yuhuuda ayaa duqeyn culus ku garaacay magaalada Al Qusayr ee galbeedka wadanka Suuriya. Magaaladaan ayaa waxaa usoo guuray inta badan qoysaskii madaxda iyo dagaalyahanada Xisbullah ee ka soo qaxay Lubnaan.

FG: Al Qusayr waa magaaladii ugu horeysey ee Suuriya ku taalla oo ay qabsadaan Xisbullah sanadkii 2013 iyagoo garab siinaya maamulka Bashaar Al Assad. Wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa magaalada ka qaxay dadkii Sunniga ahaa ee deganaa kuwaas oo lagu eedeeyay inay taageersanyihiin kooxihii mucaaradka Suuriya, waxaana maamulkeeda toos ula wareegay ururka Xisbullah oo soo dejiyay qoysaskooda.

DAGAALKA FALASTIIN

31 Oct, 03:13


DAAWO: Ciidamada Yuhuuda oo billaabay inay burburiyaan guud ahaan tuulooyinka ku yaalla koonfurta Lubnaan ee u dhow xadka Falastiin.

DAGAALKA FALASTIIN

30 Oct, 16:14


DEG DEG: Daawo Qarax ka dhashay diyaarad aan duuliye lahayn oo wax yar kahor lagu weeraray magaalada Hadera ee ay Yuhuudu gumaysato. Magaaladaan ayaa u dhaxaysa magaalooyinka Tel Aviv iyo Xayfa ee Waqooyiga Falastiin.

DAGAALKA FALASTIIN

30 Oct, 16:01


Ururka Xisbullah ayaa sheegay inay maanta heleen maydka Maxamad Khurays oo ahaa dhakhtarkii gaarka ahaa ee Xassan Nasrallah, hogaamiyihii la dilay ee ururka. Bil kadib dhimashadiisii ayaa maydka maanta laga soo fagay god weyn oo ku dumay, wuxuuna la joogay hogaamiyaha markii la duqaynayay.

DAGAALKA FALASTIIN

30 Oct, 10:45


DAAWO: Muuqaal murugo badan oo muujinaya waalidiin Falastiiniyiin ah oo ku dul ooynaya caruurtoodii oo ay Yuhuudu duqaymo ku dileen.

FG: Falastiin waa wadanka kaliya ee aduunka laga wada daawado xasuuq bahalnimo ah oo loo geysanayo shacab aan waxba galabsan, laguna gumaadayo dumar, caruur iyo waayeel, hadana cid wax ka qabanaysa aysan jirin. Falastiin waa halka ay ku beenoowday waxa loogu yeero xuquuqda aadana ee ay reer galbeedku dadka kale u sheegaan. Dawladaha isku sheega inay ilbax yihiin ayaa dhaqaale iyo hub ku siinaya Yuhuuda si ay gumaadkaas u geystaan. Ma aaminsantahay in aduunka xuquuq aadane ka jiro ama reer galbeedku ilbax yihiin? Anigu Maya.

DAGAALKA FALASTIIN

30 Oct, 09:18


DAAWO: Diyaarad Helikobtar ah oo askar maydad iyo dhaawacyo Yuhuud ah ka daabulaysa Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

30 Oct, 03:36


Maamulka Yuhuuda ayaa shuruudo ku xiray xabad joojin laga sameeyo Lubnaan, waxaana shuruudaha kamid ah:
1- In ciidamada dawlada Lubnaan ay la wareegaan amniga wadankooda, hubkana ka dhigaan Xisbullah.
2- In ciidanka Lubnaan ay ballan qaadaan inaan weerar dambe lagu soo qaadin dhulkan Falastiin ee ay Yuhuudu haysato.
3- In ciidamada Yuhuudu ku sii sugnaadaan koonfurta Lubnaan ilaa ciidanka Lubnaan ay ka fulinayaan shuruuhaan.
4- In ciidanka Yuhuudu xaq u yeeshaan in ay soo farageliyaan hadii ciidanka Lubnaan hawshaas ku adkaato.
5- In guud ahaan cunaqabatayn dhanka hubka ah lagu soo rogo Lubnaan.

FG: Arinkaan macnihiisu waa in Lubnaan ay si buuxda iskugu dhiibto Yuhuuda, waxaana arinkaas Yuhuuda kala shaqaynaya dawladaha Maraykanka, Faransiiska iyo wadamo Carab ah kuwaas oo u arka in ay yihiih shuruudo la fulin karo maadaama hogaankii Xisbullah ee mayalka adkaa meesha laga saaray. Adiga ma kula tahay in arinkaas uu dhici karo? Aniga Maya.

DAGAALKA FALASTIIN

29 Oct, 15:41


DEG DEG: Ciidamada Yuhuuda ayaa sheegay in saacadihii la soo dhaafay 4 askari looga dilay sarkaal sarena looga dhaawacay dagaal ka dhacay Gaza. Yuhuuda ayaa sheegtay in askartooda lagu soo weeraray guri ay ku jireen oo ku yaalla xerada Jabaaliya sidaasna lagu dilay.

FG: Sawiradu waa askarta Yuhuuda ah ee la dilay.

DAGAALKA FALASTIIN

29 Oct, 11:41


DEG DEG: Daawo diyaarad daroon ah oo uu qarax ku rakibanyahay ayaa lagu weeraray magaalada Casqalaan oo kamid ah dhulka Falastiin ee ay Yuhuudu xoogga ku haysato.

DAGAALKA FALASTIIN

29 Oct, 08:37


DEG DEG: Ururka Xisbullah ayaa Naciim Qaasim u magacaabay hogaamiyaha cusub ee ururka, isagoo badali doona Xassan Nasrallah oo lagu dilay duqayn ay Yuhuudu la beegsatay. Naciim Qaasim ayaa ah ninka kaliya ee ka haray 20-kii hogaamiye ee ugu sareeyay Xusbullah.

DAGAALKA FALASTIIN

29 Oct, 08:18


DEG DEG: Daawo dagaalyahanada Falastiin oo qarax miino ku burburinaya Taangi ay leeyihiin ciidamada Yuhuuda ee xasuuqa ka wada waqooyiga Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

28 Oct, 18:41


DAAWO: Askar Yuhuud ah oo ooynaysa iyagoo xambaarsan maydadka iyo dhaawacyada saaxiibadood.

DAGAALKA FALASTIIN

28 Oct, 15:32


DAAWO: Ciidamada Yuhuuda ayaa bur burin xooggan ka wada tuulooyinka ku yaalla koonfurta Lubnaan ee ay ka qabsadeen ururka Xisbullah. Yuhuuda ayaa miinooyin waaweyn ku xiraya guryaha kadibna qarxinaya si aanan tuulooyinkaas dadkii deganaa dib dambe ugu soo laabanin.

DAGAALKA FALASTIIN

28 Oct, 13:06


DEG DEG: Daawo Yuhuuda oo wax yar kahor duqaysay magaalada Tyre ee koonfurta Lubnaan.

DAGAALKA FALASTIIN

28 Oct, 10:31


DEG DEG: Dagaalyahanada Falastiin ayaa sheegay inay toogasho ku dileen askari Yuhuud ah oo ka mid ahaa ciidamada xasuuqa ka wada xerada qaxootiga Jabaaliya ee Waqooyiga Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

28 Oct, 03:13


Ciidamada Yuhuudu waxay qirteen in isbuucii la soo dhaafay 22 saraakiil iyo askar ah looga dilay dagaallada Gaza iyo koonfurta Lubnaan.
Sidoo kale waxay qirteen in labadii maalmood ee la soo dhaafay kaliya 88 askari looga dhaawacay koonfurta Lubnaan.

FG: Intaas waa tirada ay qirteen, waxaa se la aaminsanyahay in khasaaruhu intaas ka badanyahay.

DAGAALKA FALASTIIN

27 Oct, 15:50


DAAWO: Sudan waxaa ka socda gumaad bahalnimo ah iyo xad-gudubyo aad u foolxun oo ay geysanayaan maleeshiyada RSF ee taageerada ka hesha dowlada Imaaraatka Carabta. Maalin walba waxaa la soo sheegaa xasuuq ay dadka shacabka ah ugu geystaan deegaanada ay ka qabsadaan milatariga Sudan oo ay dagaal kula jiraan.

FG: Muuqaalku waa sarkaal ka tirsan RFS oo si xun u bahdilaya oday waayeel ah isagoo ku eedeynaya inuu gar weyn leeyahay. Sarkaalka aya magaciisa lagu sheegay Shaaroon, odayga waayeelka ahna Dayib Daahir.

DAGAALKA FALASTIIN

27 Oct, 14:56


DEG DEG: Daawo muuqaal cusub oo ay soo saareen dagaalyahanada Falastiin kaas oo muujinaya weerar ay ku qaadeen askar Yuhuud ah oo ku dhuumaalaysanaysay dhisme ku yaalla xerada Jabaaliya ee Waqooyiga Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

27 Oct, 11:00


Waa ninka fuliyay weerarka loo adeegsaday gaariga xamuulka ah ee la jiirsiiyay Yuhuuda ku sugan Tel Aviv. Waxaa lagu magacaabaa Raami Naaduur.

DAGAALKA FALASTIIN

27 Oct, 09:04


DEG DEG: In ka badan 50 Yuhuud ah ayaa dhaawacyo halis ah ku noqday kadib markii la jiirsiiyay gaari xamuul ah magaalada Tel Aviv ee caasimada Yuhuuda. Ninka gaariga waday ayaa ka soo degay kadibna tooreey ayuu ku billaabay dadkii Yuhuuda ahaa.

FG: Muuqaalku waa dhaawacyadii Yuhuuda oo ku hoos jira gaariga xamuulka ah ee la jiirsiiya.

DAGAALKA FALASTIIN

25 Oct, 14:10


Waxaa muuqata in Yuhuudu sare ugu qaaday xasuuqa ay u geysanayso shacabka Gaza Xilli ay warbaahinta caalamku aad hoos ugu dhigtay tabinta dagaalka Gaza, una wareegtay dhanka dagaalka Lubnaan. Xalay oo kaliya dad ku dhow 500 oo qof oo caruur u badan ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday duqaymo bahalnimo ah oo ay Yuhuudu ka geysatay waqooyiga Gaza. Waxa intaas sii dheer in Yuhuudu go'doomisay isbitaalladii halkaas ku yaallay, qaarkoodna gudaha u gashay oo ay dad dhaawacyo ah iyo dhaqaatiir ka soo afduubatay. Xasuuqa ugu daran ayaa ka socda xeryaha qaxootiga Jabaaliya, Nusayraat iyo xaafada Khaan-Yuunis.

FG: Sawiradu waa qaar kamid ah caruurtii ay xalay Yuhuudu ku xasuuqday Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

25 Oct, 12:21


DEG DEG: Ciidamada Yuhuuda ayaa qirtay in 3 askari looga dilay qarax xooggan oo Taangi ay saarnaayeen lagula beegsaday Gaza. Sidoo kale waxay qirteen in 48 saac ee la soo dhaafay 10 askari looga dilay koonfurta Lubnaan. Isku geyn waa 13 askari oo ay Yuhuudu qiratay in laga dilay wax 2 maalmood ka yar. Waxaa la aaminsanyahay in tiradu intaas ka badantahay balse ay Yuhuudu qarsanayso.

FG: Dagaalyahanada Falastiin ayaa maalin kahor soo bandhigay muuqal iyagoo qarax ku burburinaya Taangi ay leeyihiin ciidamada Yuhuud kaas oo ka dhacay xaafada Tal-Zactar ee Waqooyiga Gaza. Waxayna u badantahay in qaraxaas uu yahay midka ay askartaka Yuhuuda ah lagu dilay.

DAGAALKA FALASTIIN

25 Oct, 08:13


DAAWO: Ciidamada Yuhuuda ayaa billaabay inay burburiyaan tuulooyinka ku yaalla koonfurta Lubnaan una dhow xadka Falastiin iyagoo ku tilmaamaya inay yihiin deegaanno ay leeyihiin ururka Xisbullah.

DAGAALKA FALASTIIN

25 Oct, 06:53


DEG DEG: Ciidamada Yuhuuda ayaa xasuuq bahalnimo ah saaka aroortii hore ka geystay xaafada Khaan-Yuunis ee Gaza kadib markii ay duqeeyeen qoysas qaxooti ah oo halkaas ku sugnaa. Caruur aad u badan ayaa lagu dilay duqaymaha Yuhuuda kuwaas oo badankood isku qoys ahaa.

DAGAALKA FALASTIIN

25 Oct, 03:07


DAAWO: Diyaaradaha dagaalka Yuhuuda ayaa xalay mar kale duqaymo ku qaaday Xaafadaha koonfureed ee duleedka Bayruut, caasimada Lubnaan. Ugu yaraan 7 goobood ayaa la sheegay in Yuhuudu duqeeyeen. Dhimasho, dhaawac iyo burbur intaba waa la soo wariyay.

FG: Muuqaalku waa qaybo kamid ah duqaymihii xalay.

DAGAALKA FALASTIIN

24 Oct, 16:38


DEG DEG: Xisbullah ayaa xaqiijiyay in la dilay taliyihii sirdoonka ururka, Xuseen Hazeema, kaas oo masuul ka ahaa dhamaan hawlaha dabagalka iyo xog ururinta. Taliyaha ayay Xisbullah sheegeen in lagu dilay isla duqayntii lagu khaarijiyay Haashim Safiyu-diin, madixii golaha fulinta ururka Xisbullah ahaana masuulkii lagu badali lahaa Xassan Nasrullah.

FG: Waxaa la dhihi karaa ma jiro masuul sare oo u haray Xisbullah oo dhamaantood waa la laayay, arinkaas oo muujinaya heerka fashilka amni ee ururka ku dhacay iyo jawaasiista xooggan ee ay Yuhuudu ku dhex abuuratay ururka.

DAGAALKA FALASTIIN

24 Oct, 10:56


DAAWO: Mid kamid ah duqaymihii ay Yuhuudu xalay ku garaacday Lubnaan waxay ku beegsatay kuna burburisay xaruntii Talafishinka Al Mayaadiin ee taageera ururka Xisbullah. Lama sheegin khasaare nafeed oo ka dhashay duqaynta Talafishinka maadaama saxafiyiinta iyo maamulka ka sii bexeen xarunta kadib dgniin uga timid isla Yuhuuda oo ku amartay inay baneeyaan dhismaha.

DAGAALKA FALASTIIN

24 Oct, 07:45


DAAWO: Dadka reer Yemen ayaa ka cabanaya maleeshiyo hubaysan oo Itoobiyaan ah kuwaas oo dil iyo dhac ka geysanaya deegaano kamid ah dalka Yemen. Maleeshiyadaan Itoobiyaanka ah oo markii hore iska dhigayay qaxooti ayaa isbaarooyin dhigtay buuraha degmada Monabbih ee u dhow xadka Sucuudiga iyagoo dhac iyo dilba u geysanaya dadka Yemeniyiinta ah ee ay goobahaas ku qabtaay.

FG: Gobolka ay waxaan ka dhacayaan waa Sacda, waana halka ay ka soo aas-aasmeen Xuuthiyiinta, taliskooda ugu weyna uu ku yaallo.

DAGAALKA FALASTIIN

23 Oct, 20:16


DEG DEG: Diyaaradaha dagaalka Yuhuuda ayaa hadda duqayn culus ku billaabay xaafadaha Daaxiya ee duleedka caasimada Lubnaan ee Bayruut. Ilaa hadda 4 goobood ayaa la xaqiijiyay inay duqeeyeen, welina waa ay socotaa.

DAGAALKA FALASTIIN

23 Oct, 18:55


DEG DEG: Daawo dagaalyahanada Falastiin oo gantaal garabka laga tuuro ku burburinaya Taangi ay leeyihiin ciidamada Yuhuuda kaas oo noociisu yahay Merkava. Weerarka ayaa ka dhacay Waqooyiga Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

23 Oct, 17:58


DEG DEG: 4 askari oo Yuhuud ah aya ku dhimatay, 15 kalena way ku dhaawacantay qarax miino oo ka dhacay koonfurta Lubnaan. Sidaas waxaa warisay Al Jazeera oo soo xiganaysa ilo ka tirsan Yuhuuda.

DAGAALKA FALASTIIN

23 Oct, 16:46


SAWIR: Askar Yuhuud ah oo la ooynaya saaxiibadood oo lagu soo dilay dagaalka Gaza.

DAGAALKA FALASTIIN

23 Oct, 09:14


SAWIRO: Waa askar Yuhuud ah oo la xaqiijiyay in saacadihii la soo dhaafay la dilay.

DAGAALKA FALASTIIN

23 Oct, 08:35


DAAWO: Qaraxyo ayaa laga maqlayaa magaalada Tel Aviv ee caasimada Yuhuuda

DAGAALKA FALASTIIN

23 Oct, 08:22


Wariye ka tirsan warbaahinta KAN ee Yuhuuda ayaa ku dhaawacmay dagaal ka dhacay koonfurta Lubnaan. Wariyahaan oo lagu magacaabo Haim Goldich ayaa ka mid ahaa ciidamada Yuhuuda ah ee gumaadka ka wada tuulooyinka ku yaalla koonfurta Lubnaan.

FG: Dadka Yuhuuda ah ee xoogga lagu dejiyay Falastiin dhamaantood waa askar, waxaana mid kasta oo kamid ah, nin iyo naag wuxuu doono ha ahaadee, waajib ku ah inuu tababarto, ciidamada ku biiro, kana qayb qaato dagaallada markii loo baahdo.

DAGAALKA FALASTIIN

23 Oct, 07:06


DEG DEG; Waxaa la xaqiijiyay geerida Haashim Safiyu-diin, madixii golaha fulinta ururka Xisbullah ahaana masuulkii lagu badali lahaa Xassan Nasrullah. Maydka masuulkan iyo 23 qof oo kale oo uu ku jiro Xuseen Cali Hazeema, madaxii sirdoonka ururka, ayaa laga soo bixiyay burburka hoostiisa kadib 20 maalmood markii lagu duqeeyay goob uu shir uga socday uu ku taalla Bayrtuur. Sidaas waxaa sheegay warbaahinta wadanka Lubnaan. Sababta keenya in muddo 20 maalin ah la soo bixin waayo maydadka masuuliyiintaan aya lagu sheegay diyaaradaha Yuhuuda oo goobta ilaalo xooggan ka hayay, una diiday gaadiidka gurmadka deg-dega ah inay yimaadaan.

DAGAALKA FALASTIIN

22 Oct, 18:02


DAAWO: Muuqaal kale duqaymaha Yuhuuda ee lagu burburinayo dabaqyada dhaadheer ee ku yaalla duleedka caasimada Lubnaan ee Bayruut.

FG; Dadka oo ka soo baxay dabaqyada ayaa daawanaya duqaynta kadib markii ay Yuhuudu usii sheegeen inay dhulka dhigi doonaan dabaqyo badan ee goobahaas ku yaalla iyagoo ku eedeeyey inay leeyihiin Xisbullah

DAGAALKA FALASTIIN

22 Oct, 16:18


DEG DEG: Daawo Yuhuuda oo billaabay duqaymo ay ku burburinayaan dabaqyada dhaadheer ee ku yaalla duleedka caasimada Lubnaan ee Bayruut.

FG: Afhayeenka ciidamada Yuhuuda oo ku hadlaya luqada Carabiga ayaa saacadihii la soo dhaafay digniino qoraal ah usoo diray dadka Lubnaaniyiinta ah isagoo u sheegaya inay duqayn doonaan goobo ganacsi, bangiyo, shirkado koronto iyo hoteello uu ku sheegay inay Xisbullah isticaasho, bulshadana wuxu ugu baaqay inay ka qaxaan deegaanada u dhow dhismayaashaas.

DAGAALKA FALASTIIN

22 Oct, 13:34


DEG DEG: Daawo dagaalyahanada Falastiin oo qarax ku burburinaya Taangi ay leeyihiin ciidamada Yuhuuda. Qaraxa ayaa ka dhacay xaafada Tal-Zactar ee Waqooyiga Gaza.