Communication waa xirfad lagu gudbiyo fikradaha, dareenka, iyo xogta si cad, hufan, oo saameyn leh. Waa hab qofku ula falgalayo dadka kale, si uu u gaarsiiyo farriintiisa ugana dhabeeyo yoolkiisa. Haddii aad si wanaagsan ugu fiirsato dadka horumarka ka gaaray ganacsiga, siyaasadda, ama hoggaaminta, dhammaantood waxay leeyihiin hal astaamood oo wada jir ah, waana dad si fiican u yaqaan sida loola hadlo, loo qanciyo, loogana helo kalsooni dadka kale.
Networking, dhanka kale, waa dhisidda shabakad dad ah oo aad la wadaagto fikrado, xirfado, iyo fursado. Waa hab lagula xiriiro dad kale si loo abuuro xiriir waara oo faa'iido leh. Xiriirka wanaagsan wuxuu kuu horseedi karaa fursado shaqo, iskaashi ganacsi, ama xitaa talo qiimo leh oo noloshaada wax ka beddeli karta. Dunida casriga ah, ma aha kaliya waxa aad taqaano ee waa cidda aad taqaano.
Haddii aad rabto inaad sare u qaaddo xirfaddaada communication, waa inaad barato sida loo hadlo, loo dhegeysto, loona isticmaalo luuqadda jirka si aad dadka u kasbato. Dadka xirfadda sare u leh communication waxay awoodaan inay si qoto dheer u fahmaan qofka kale, una sheegaan fikradahooda si cilmiyeysan oo qancin leh.
Dhanka networking-ka, muhiim ma aha in aad dad badan taqaano, balse waa inaad taqaano dad sax ah oo aad xiriir joogto ah la leedahay. Dad badan ayaa sameeya khalad ay isku xiriiro la’aan uga tagaan. Laakiin qofka guuleysta waa mid si joogto ah ula falgala dadka uu xiriirka la leeyahay, mar walbana ka shaqeeya sidii uu u xoojin lahaa.
Communication iyo Networking marka la isku daro, qofku wuxuu heli karaa awood uu bulshada ugu dhex muuqdo, uuna uga faa’iidaysto xirfadiisa. Waxaan dhihi karnaa waa aalad kuu fureysa fursado cusub oo aan cid kale heli karin. Haddii aad dooneyso inaad horumar gaarto, ma aha kaliya in aad xirfad leedahay, balse waa in aad taqaano sida aad xirfaddaada ugu bandhigi lahayd dadka saxda ah.