Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด @bqgrsh Channel on Telegram

Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด

@bqgrsh


#Aqoon guud
#Sooyaalka islaamka
#xoggo
#Murti
#ogow wax cusub
#Cadawgeenu wa ayo?

Boqortooyada_Garashada (Somali)

Boqortooyada_Garashada waxaa ah goob ay ka helayso aqoon guud iyo wararka Sooyaalka islaamka, xoggo, murti, iyo habeenkii. Kanalkan wuxuu ku siinayaa fikradda cusub iyo waxyaabo aan la aqoon. Haddii aad rabto inaad ogoshid waxyaabaha ugu dambeysa ee ka dhacay ama ka soo kordhaya Boqortooyada, kanalkan waa meel ku haboon inaad ka qeybgalaan. Waxaa jira mawduucyo ku saabsan taariikhda, dhaqanka, iyo xaaladda hadda socda ee Boqortooyada. Ma jiro go'aan ay ka dheehan tahay Boqortooyada_Garashada oo ka kooban aqoonta, su'aalaha diini ah, iyo dhacdooyinka casriga ah ee bulshada Soomaaliyeed. Haddii aad jeclaan lahaa inaad ku hadashaan ama ka raadiyaan arrimahaas, ogow wax cusub iyo ayeeyo kooxda Bqgrsh.

Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด

17 Oct, 21:29


ุฅู†ุง ู„ู„ู‡ ูˆ ุฅู†ุง ุฅู„ูŠู‡ ุฑุงุฌุนูˆู†

Wuxuu shihiiday isagoo furinta dagaalka ku jira, iska Xamaas iyo mujaahidiinta e reer Qasa oo dhami waa wada Yaxye Sinwaar oo kale.

Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด

13 Oct, 10:44


Jenaraalka guutada Qudus ee ciidanka ilaalada kacaanka Iiraan oo la ogaaday inuu ahaa basaas u sheqeeeya Yuhuudda!!

Guutada uu taliyaha u ahaa weligood Qudus iyo Falasdiin maalinna umay dagaalamin xoreyntooda se taa bedelkeeda waxay qayb laxaad leh ka qaateen xasuuuqa shacabka reer Suuriya loo geystay 2013 ilaa 2024.

Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด

01 Oct, 22:48


Laba mujaahid oo wata qoryo fudud: dhimashada 10 sahyooni iyo dhaawaca 20 kale.

400 Gantaal oo balaastik ah : 0 dhimasho !

Gantaalo madaxtadii laga reebay bay soo tuureen Iiraan oo aan qarxaynba ๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜„

Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด

28 Sep, 00:24


Qaasim Sulaymaani: ku soo dhawoow naarta jahannama sxb, kulayl iyo gaajo igu dishay meesha ee ii wehel yeel .

Xasan: belaayo kuu wehel noqotay! Ma halkanaad iigu yeedhaysay weligaa?!



Maxaa akhyaar naarta ku kulantay maanta ๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜๐Ÿ˜‚

Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด

17 Sep, 20:45


Aaladan yar ee loo adeegsado isgaadhsiin ahaanta taas oo iskugu diro farriimaha gaagaaban ayaa maanta cadowga Yuhuuddu ku qarxiyeen 4000 kun oo ka mid ah ciidanka ururka argagaxisada ee Xisbuaat iyo raskaalo sar-sarre oo ka tirsan ururkan, aaladan oo ay iskula xidhiidhaan xubnaha kala duwan ee Xibulaat ayaa ahayd mid Yuhuuddu ku rakibeen walxo qarxo ka hor inta aan laga iibin argagaxisada Xisbulaat.

Ilaahay baa dulmi-falayaashii isku garaacay oo dhexdoodii colaad ka furay.

๐Ÿ˜Ž๐Ÿฟ

Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด

20 Aug, 08:14


Alfurqan online qaybteeda courses ka gaagaaban waxay ugu bushaaraynaysaa ardayda sanadkan jaamacadaha bilaabaysa tobabar ku saabsan sidee ayaad ku dooran kartaa faculty ka kugu haboon eejaamacada oo soconaaya mudo hal maalin ah
waxa aanu ka kooban yahay laba Mawduuc oo muhiim ah
1: sidee kudoorta kuna gartaa faculty igu haboon , waxaynu dul istaagaynaa shanta qodob ee
ugu muhiimsan
2: qodobka labaad: faculty yada jaamacada lagu dhigto iyo midkastaa waxa uu ku saabsan yahay
==Diwaangalintu waxa ay xirmaysaa 25/8/ 2024
Hadaba si aad isku diwaan galiso riix linkiga hoose @alrahma_academy. @alrahma_academy @alrahma_academy
AmA
whatsapp: 0633010134
Fursadan ka faaidayso

Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด

31 Jul, 09:33


Maxaa keenay in muddo 10 bilood ah ay Yuhuudda Sahyooniyaddu awoodi waydo inay disho Maxamed Al-Dayf, Abu Cubayda iyo Yaxye Sinwaar oo ku sugan gudaha qassa oo ay k dagaalamayaan kumanaan ciidamada Israa'iil ah?


Maxaa keenay in sidaa yar ee fudud loogu dhex dilo caasimada Dahraan ee Iiraan hogaamiye mujaahid oo madaxiisa dahab ay cadowgu ku raadiyaan?

Maxaa sababay in gantaal lagu dilo hogaamiyahii mujaahidiinta Xamaas ee Ismaaciil haniya isagoo jooga Caasimada dal awoodaha gobolka ka mid ah ?

Maxaa loo dili waayey Xasan Nasrulaat oo juquraafi ahaan aad ugu dhow Yuhuudda joogana dal -lubnaan- aan sida Iiraan u horumarsanayn hub ahaan??

Siday ku dhacday in aan xataa xagtin la gaadhsiin gudoomiye ku-xigeenka Xisbulaat iyo afhayeenka Xuutiyiinta oo ka joogay Dahraan markii la dilayey Ismaaciil haniya?

Maxaa isku beegay dilka Haniya iyo la kulankii xalay uu la kulmay hogaamiyaha sare ee Iiraan Khaaman'e ?

Sidee loo ogaan waayey gantaalka dal kale laga soo ganay ee Caasimadda Dahraan ee Iiraan ugu yimid halkii uu deganaa Ismaaciil haniya?

Ma odhan kartaa waxa ay Iiraan ku doorsatay Ismaaciil Haniya Xasan Nasrulaat badbaadadiisa, siduu uu Taraam (Trump) hore u sheegay in Iiraan horay ka codsatay in aan la dilin Qaasim Sulaymaani ee doorkiisa la dilo Muhandisi oo ahaa hogaamiye-kooxeed shiici Ciraaqi ah oo maleeyshiyo argagixiso shiici ah maamula.

War jiraaba cakaaruu yimi.

Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด

31 Jul, 09:32


Maxaa kuwan loo dili waayey haddii ay cadow ku yihiin Israaiil???

Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด

31 Jul, 09:31


ุฅู†ุง ู„ู„ู‡ ูˆ ุฅู†ุง ุฅู„ูŠู‡ ุฑุงุฌุนูˆู† .

Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด

28 Jul, 18:43


"NIN ABEESO KORIYOW ADIGAA U AAYI"

Bartamaha Hargeisa.
โ€œTan anaa katalin doona, qaadkaaga iska cun adiguโ€
Waa odhaah uu si mayal adag ah ugu dhawaaqay nin ethiopian ah.

Cultural assimilation ama is-dhex galka Dhaqanku waa nidaam ah la dagaalanka ama xaalufinta isirka umadeed iyada oo u dhigan hab โ€œnon violentโ€ ah. Habkan ayaa ah mid ay dad ama koox kasoo jeeda hal dhaqan ay qaatan caadooyinka, qiyamka, iyo habdhaqanka umad kale, saamayna ku leh isbedel luuqadeed, diimeed, labis iyo dhamaan qaybaha kale ee dhaqanka.

U fiirso bulshadeena ma jirto meel ay salka ku hayaan maanta, haday tahay Maal iyo Magactoona,
Wakhtigan waxaynu nahay umad jinsigeedu aasmay, dheehiina laga rogay, โ€œlefti nagaa iyo dhuux carbeed ku gadoomanโ€ gabi ahaanba la marin habaabiyey haday tahay ilo dhaqaalana qarniyaal badan la biday jaad dheeftiisuna gacan ethiopian u sugnaatay.

In badan oo inaga mid ah dhayal dhayal bay moodayaan,

Ethiopianku maanta waxay dhidibkeeda dhisayaan ummad ay dhigaalka u aayaan, nasiibdaro innagu aynu mooganahay. Dib u milicso cawaaqibta ay leedahay in umad bulsho kale lagu dul abuuro,

Intii u dhaxaysay 1922 ilaa 1947 ayey dharaar cad reer Palestine ku dhiiradeen iney aqbalaan soo dhaweynta yuhuuda, iyagoon waxna ka hagran. Dhereg dhaaf ka dib, ileen yuhuudi abaal malee ragii u dhibtooday waakuwaa rasaasta u dhigaaya, dhafoorkiyo laabtana kawada toogtay.

โ€œ ูˆูŽู„ูŽู†ู’ ุชูŽุฑู’ุถูŽู‰ ุนูŽู†ู’ูƒูŽ ุงู„ู’ูŠูŽู‡ููˆุฏู ูˆูŽู„ุง ุงู„ู†ู‘ูŽุตูŽุงุฑูŽู‰"
Dhimbiil iyo dhamac la shiday ayey ugu abaal gudeen umadii kalfurnaanta ku qaabishay, inkabadan kumanaan reer Palestine ahna waa kuwaa dhintee hada mootan.
ููŽุฅูู†ู‘ูŽู‡ูŽุง ู„ูŽุง ุชูŽุนู’ู…ูŽู‰ ูฑู„ู’ุฃูŽุจู’ุตูŽู€ูฐุฑู ูˆูŽู„ูŽู€ูฐูƒูู† ุชูŽุนู’ู…ูŽู‰ ูฑู„ู’ู‚ูู„ููˆุจู ูฑู„ู‘ูŽุชูู‰ ููู‰ ูฑู„ุตู‘ูุฏููˆุฑูโ€โ€™ xaqiiqdii maaha indhahooda kuwa indho laantu tahay laakinse waa qalbiyadooda.

โ€œCadawgaa dhirfaaya
Khayraadka dhulkayga
Ee soo dhabacaaya
Hadaanan ka dhiijin
Dhankaa dhan dheh gaaban
Intaan dhag ka siiyey
Ma dhiiraday caawaโ€

Illahy ka sakow dhalinyaro umadan iyo dhulkeenaba xaqbaa inaga saaranee aynu u feejignaano.โค๏ธ๐Ÿ™Œ

Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด

25 Jun, 11:25


Heshiiska Muuse Biixi uu badda Somaliland ku dhaxal-wareejinayo waala saxeexi doonaa beri, isla sannadkan 2024 intaanu dhamaanna waa la hirgalin sida aan filayo, waxaana jira qodobo aan laynoo sheegin ka daran oo qarsoon oo heshiiskaa ku jira. 20-ka km ee la sheegayaana waa mid baladh iyo dhererba ah oo kasoo bilaabmi doonaa xad-beenaad ilaa deegaanka Lugyaha.

Ka dib marka uu qabto doorashada bisha 11aad isaga ayaa ku guulaystay doonaa shaki la'aan, haddii xisbiga mucaaradku uu diido, oo reerka xisbigaa murashaxiisu kasoo jeedo ay dagaal iyo qalaase bilaabaanna wuxuu keensan doonaa hadhaagii ciidanka Itoobiya ee oromada u badnaa kuwaas xasuuqyo iyo gaboodfalo waaweyn ka geysan doonaa deegaano ka mid Somaliland si loo ilaaliye kursiga iyo taliska iyaga gaashaanbuurta la ah, waxa ka dhici doonaa deegaano Somaliland ka mid xasuuqii ka dhacay Muqdisho 2007 mid la ah oo sidii Cabdulaahi Yuusuf uu ciidaamada Itoobiyaanka u keenay Muqdisho si isaga danahiihu u fulo ayuu Muusana samayn doonaa. Balse ayaandarrada kasii daran waa in aanay bixi doonin Itoobiyaanku intaa ka dib oo xataa deegaamaysi cusub ay Oromo ka samaysan doonaan dhulka Somaliland tan oo ka xun ta gobolada Soomaaliya ee ay joogaan ciidamadda Itoobiya
maxaa yeelay markan waa deegaamaysi ee maaha gacan-ku-hayn keli ah.

Intaa ka dib waxa maalinba inyar fidi doontaa deegaamaysigaa oo sida Yuhuuddu
#Falastiin ku qaateen ay maalinba soo-galooti cusub kusoo qulquli doonaan Somaliland kuwaas oo ah #Oromo keliya.

Reer kasta oo isku daya in uu ka dhiidhiyo waxa la marsiin doonaa ciqaab adag oo xasuuq u badan.

Kusoo dhawoow naarta cusub ee
#Somaliland lagu furi doono.

Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด

24 Jun, 00:06


Xisbulaat ka ay dadka qaar la barooranayaan waa kuwa sidan u galay masaajidadii Muslimiinta ee magaalada xalab, xasuuqayna 1.5 milyan oo muslimiin suuriyaan ah.

Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด

11 Jun, 22:05


๐Ÿณโ€๐ŸŒˆ calankani maaha astaan ay leeyihiin dadka xayndaabka aadaminimada iyo dugaagnimada ka baxay ee anshax-xumada sameeya ee waa astaan rabbaani ah oo ka timid qaanso-roobaadka ama jeegaanta ๐ŸŒˆ oo ka kooban 7 midab oo dabiici ah!

Qodobka ugu weyn ee ay ka gadeen dadweynaha caalamka maanta ayaa ah inay astaan ka dhigteen summad dabiici ah oo quruxbadan si ay garaadkeena ma-weeleeyaha uga dhaadhiciyaan in anshax-xumada qawmu-luudnimadu ay tahay wax dabiici ah mar haddii aynu u aqoonsano in calan ay ka dhigtaan jeegaanta taasina ay inagu kalifto inaynu nacno jeegaanta iyo midabadeedaba. Waa talaabo halis ah oo aad loog soo baaraan-degay se ay dadweynaha caalamka oo dhami ku sirmeen.

Waxay la mid tahay tani in koox shufto dembiilayaal ah ay calan ka dhigtaan cadceeda sidaasna aynu ku nacno cadceeda iyo midabkeedaba halkii aynu ka diidi lahayn inay xidhiidh ka dhexaysiiyaan cadceeda oo waxtar weyn u leh dadka iyo falalka shuftada ee bahalnimada ah.

Haddii maro cad uskag ku daato maaha in marada la tuuro, midabka cadaankana la naco ee waa in uskaga meesha laga saara si aanu midabka caddaanka astaan ugu noqon.

Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด

06 Jun, 04:21


Halkani maaha Qassa mana aha Suudaan
Ee gumaad ka dhacay dhacay Suuriya oo ay geysatay dawlada Iiraan iyo maleeshiyaadka argagixada shiicada ee ay maamusho.

Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด

31 May, 22:01


Qaar kamid ah qurafaadka shiicada ay aaminsanyihiin๐Ÿ˜‚๐Ÿ˜‚๐Ÿคฃ

Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด

26 May, 21:17


Waa biyo xidheenada Cadan ee la dhisay casrigii Berberku Cadan maamulayay, qoraalkii hore wuxu ahaa mid kooban se si wacan ayaynu u faahfaahin doonna innaga oo raacinayna xoga kale oo ka hadlaya soomaalida Cadan qarniyadii hore.
Maqaallada laga qoray biyo xidhaannadan badankooda waxay soo xiganayaan Ibnu Mujaawir hase ahaate midna kuma dhacayo in uu soomaali siiyo taariikhdan. Waxay ka dhigayaan Berberka halkaa dhisay ummad aan la garanayn oo mar soo xukuntay Cadan.

May illaabeen gabayadii reer Yemen ee uu kamid ahaa baytkani. Qarnigii shanaad ee miilaadiga.
ูˆู…ู†ุง ุจุฃุฑุถ ุงู„ุบุฑุจ ุฌู†ุฏ ุชุนู„ู‚ูˆุง. ุฅู„ู‰ ุจุฑุจุฑ ุฌุชู‰ ุฃุชูˆุง ุฃุฑุถ ุจุฑุจุฑ

Haddii xitaa ay ku doodaan Itoobiyaan ayay ahaayeen oo labadiina qolo kuwaa kale ayaa loo jeeday, xaggay ka marayaan baytkii Cadi bin tamiim uu ku kala saaray soomaalida iyo Itoobiyaanka qarnigii shanaad ee miilaadiga.

ูŠูˆู… ูŠู†ุงุฏูˆู† ุขู„ ุจุฑุจุฑ ูˆุงู„ ูŠูƒุณูˆู… ู„ุง ูŠูู„ุญู† ู‡ุงุฑุจู‡ุง

Maalinta loo dhawaaqayo reer Berber (soomaalida) iyo Yaksuum ( xabasha), kooda baxsadaa ma liibaano.

Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด

24 May, 16:57


Yeelaal fududeeyaha addeeg kasta oo koronto/laydh iyo rakibida muraaxadaha/CCTV camera

Kala xidhiidh:
063 3223285
Ama

https://www.facebook.com/share/ZFYaZXUmGKojqfyX/?mibextid=qi2Omg

Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด

20 May, 23:59


Qaar ka mid muwaadiniin Iiraani ah ayaa dabaaldegay geerida madaxweynahoodii Ibraahin Ra'iisi kaas masuul ka ahaa amarka deldelida kumanaan muraacad iiraaniyiin ah oo dhacay 1988-kii.

Boqortooyada_Garashada๐Ÿ€โ˜€๏ธ๐Ÿคด

17 May, 17:32


โ–ˆโ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–ˆ
๐Ÿซง @somalibooks ๐ŸŒช
โ–ˆโ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–ˆ
Join ๐Ÿ‘‰ @somali_admins
โ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌ
โ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌ
๐Ÿ‘‡ ๐Ÿ•‹Muslim Channels๐Ÿ•‹๐Ÿ‘‡
โ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌ
โžฆ๐ŸŽฅ @Diinteenna_Macaan
โžฆ๐ŸŽฅ @Al_xakiim
โžฆ๐ŸŽฅ @Quruxdaislaamka
โžฆ๐ŸŽฅ @Hidaayatu_Rabi
โžฆ๐ŸŽฅ @hogaan_Dumar
โžฆ๐ŸŽฅ @Dhaqan_wanaag
โ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌ
๐Ÿ‘‡๐Ÿ˜‚JOKES AND FUN๐Ÿ˜‚๐Ÿ‘‡
โ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌ
โžฆ๐ŸŽง @XikmadoSom
โžฆ๐ŸŽง @Dhiiragaliye
โžฆ๐ŸŽง @Mucaashaq_Jacayl
โžฆ๐ŸŽง @AishaAhmed99
โžฆ๐ŸŽง @QalbiDhaye143
โžฆ๐ŸŽง @kalimakariim
โžฆ๐ŸŽง @xaqiiqadanolosha
โžฆ๐ŸŽง @Albaanichannel252
โžฆ๐ŸŽง @Ruuxda
โ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌ
๐Ÿ‘‡๐Ÿ“ฝENTERTAINMENT๐Ÿ“ฝ๐Ÿ‘‡
โ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌ
โžฆโœ๏ธ @Dareen_side
โžฆโœ๏ธ @Hasancaashaq)
โžฆโœ๏ธ @daren_jaceyl
โžฆโœ๏ธ @Mohametahmed
โžฆโœ๏ธ @Noqoxiddig
โžฆโœ๏ธ @FAAIDOCHANEEL
โžฆโœ๏ธ @guuleyso11
โ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌ
๐Ÿ‘‡ ๐Ÿ“ฒ Educations ๐Ÿ“ฒ๐Ÿ‘‡
โ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌ
โžฆ๐Ÿ“ฒ @maanhage
โžฆ๐Ÿ“ฒ @farsamada
โžฆ๐Ÿ“ฒ @KobciAqoontaada2

โ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌ
๐Ÿ‘‡๐Ÿ“š Pdf Books๐Ÿ“š๐Ÿ‘‡
โ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌโ–ฌ
โžฆ๐Ÿ“• @somalibooks
โžฆ๐Ÿ“• @Somalilibrary
โžฆ๐Ÿ“• @kobciyebooks

โ–ˆโ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–€โ–ˆ
๐ŸŽฏPresented by @zomalibot
โ–ˆโ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–„โ–ˆ

2,790

subscribers

386

photos

64

videos