Puntland Parliament @parliamentofpl Channel on Telegram

Puntland Parliament

@parliamentofpl


The official Telegram account of @ParliamentofPL ~ Represents people of the constituencies, Debates issues, Enacts laws, & Oversees Government spending.

https://puntlandparliament.com

Puntland Parliament (English)

Welcome to the official Telegram channel of Puntland Parliament, represented by the username @parliamentofpl! This channel serves as the voice of the people of Puntland, as it engages in debates on important issues, enacts laws, and oversees government spending to ensure transparency and accountability.

Puntland Parliament plays a crucial role in the democratic process of Puntland, a region in Somalia known for its commitment to good governance and development. Through this channel, you can stay updated on the latest legislative initiatives, policy discussions, and decisions made by the parliament.

Whether you are a resident of Puntland or simply interested in the political landscape of the region, this channel provides valuable insights into the workings of the parliament and its impact on the lives of its citizens. Join us in shaping the future of Puntland through active participation and informed discourse.

For more information and resources, visit our official website at https://puntlandparliament.com. Stay informed, engage with us, and be a part of the democratic process in Puntland. We look forward to your valuable contributions and support as we work towards a better and brighter future for all. Subscribe to our channel today and be a part of the conversation!

Puntland Parliament

27 Jan, 15:57


https://www.facebook.com/share/p/1GycfRXVED/?

Puntland Parliament

14 Jan, 12:13


https://www.facebook.com/share/p/15ztS1TELf/?mibextid=wwXIfr

Puntland Parliament

26 Dec, 05:59


https://www.facebook.com/share/p/15Yqifx7mR/?mibextid=wwXIfr

Puntland Parliament

05 Dec, 10:12


https://x.com/Parliamentofpl/status/1864613363185045699?t=bnzyVpCQ0D6IjbmWDEHU2g&s=19

Puntland Parliament

05 Dec, 10:11


https://x.com/Parliamentofpl/status/1864612981402681779?t=rAq43v_o-7ov4Cp1pIqspw&s=19

Puntland Parliament

05 Dec, 10:11


https://x.com/Parliamentofpl/status/1864612454182813753?t=KKwL1AsQxD_hwBGMwG2sfg&s=19

Puntland Parliament

05 Dec, 10:11


https://x.com/Parliamentofpl/status/1864604676798165219?t=2DzRzIOi4ac_FY557f1FYg&s=19

Puntland Parliament

05 Dec, 06:59


Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta looga doodayaa arrimaha Federaalka iyo tallaabooyinka sharci-darrada ah ee Dawladda Federaalka ku beddeshay Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012.

#Puntland #Somalia

Puntland Parliament

04 Dec, 21:33


https://x.com/Parliamentofpl/status/1864422702620037374?t=q8v_UgwNjBNs9huE1tUBVw&s=19

Puntland Parliament

04 Dec, 15:20


Qaybta 3-aad: Su'aalaha iyo Jawaabaha ku saabsan Miisaaniyadda Dawladda ee sannadka 2025, oo ay gacanta ku hayeen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

https://x.com/Parliamentofpl/status/1864328788990886003?t=np9kOP9WLe1wlOzsbNR4jw&s=19

Puntland Parliament

04 Dec, 15:12


https://x.com/Parliamentofpl/status/1864326830028698105?t=AzljRDR3-2rvPhEXIfM0XQ&s=19

Puntland Parliament

04 Dec, 15:12


https://x.com/Parliamentofpl/status/1864324381050011778?t=0sG3i1cAepoFyGnxgYnxEw&s=19

Puntland Parliament

04 Dec, 15:00


Qaybta 1-aad: Su'aalaha iyo Jawaabaha ku saabsan Miisaaniyadda Dawladda ee sannadka 2025, oo ay gacanta ku hayeen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha, iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

https://x.com/Parliamentofpl/status/1864323507179422190?t=a5riS_SWZrye-At0xEHzxQ&s=19

Puntland Parliament

04 Dec, 14:39


https://x.com/Parliamentofpl/status/1864318492196970908?t=aPevloQ3AWkPLJ8j2XN2lg&s=19

Puntland Parliament

04 Dec, 08:55


Garowe, 04 Diseembar 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 21-aad, Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada.

Fadhiga maanta oo ay soo xaadireen 49 Xildhibaan, ayaa Goluhu warbixin ka dhegeysteen Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha & Xisaabaadka Golaha Wakiillada oo gacanta ku hayey Miisaaniyadda sannadka 2025. Guddigu akhrinta 2aad ku sameeyey isla markaana la tashi la yeeshay Hay’adaha kala duwan Dawladda iyo shacabka sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland, Qodobada 135aad, 136aad iyo xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Qodobada 58aad Iyo 63aad.

Intaa kadib, Xildhibaannada ayaa cod gacan-taag ah Oggol ugu codeeyey 47 Xildhibaan, Diidmo 0, Aamus 2, sidaas ayeyna ansax ku noqotay Miisaaniyadda Dawladda sannadka 2025, taasoo noqonaysa wadarta guud $466,840,762 (Afar boqol iyo lixdan iyo lix milyan, sideed boqol iyo afartan kun, todoba boqol iyo lixdan iyo laba dollar) Miisaaniyadu waxay korortay 18% marka la barbardhigo sannadka 2024.

Kharashka ayaa u kala qoondaysan Hay’adaha Dawladda ee kala ah; Hay’adaha Adeegga maamulka, amniga, cadaaladda, dhaqaalaha iyo Hay’adaha adeegga Bulshada.

- DHAMMAAD -

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Puntland Parliament

30 Nov, 08:08


https://www.facebook.com/share/p/15DZQ9LhF7/?mibextid=WC7FNe

Puntland Parliament

27 Nov, 09:39


https://www.facebook.com/share/p/19txbouB2s/?mibextid=WC7FNe

Puntland Parliament

26 Nov, 08:58


GUDDIGA SARE EE MAAMULKA GARSOORKA AYAA KA SOO QEYB-GALAY FADHIGA 19-AAD, KALFADHIGA 55-AAD EE GOLAHA WAKIILLADA

Garowe, Nofeembar 26, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada.

Kulanka ayaa waxaa si gaar ah uga soo qeyb-galay Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka Puntland, kuwaas oo su'aalo kala duwan looga weydiiyey xaaladda guud ee garsoorka Puntland. Arrimaha si gaar ah diiradda loo saaray waxaa ka mid ah hufnaanta, madax-bannaanida garsoorka, iyo dib-u-habaynta nidaamka caddaaladda.
Ugu horreyn, waxaa hadal kooban Golaha ka jeediyey Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dawladda Puntland, Mudane Xassan Yuusuf Nuur, oo ka hadlay doorka muhiimka ah ee maxkamadaha iyo garsoorka Puntland ee xaqiijinta cadaaladda.

Guddiga Sare ee Maamulka Garsoorka Puntland ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda iyo horumarka adeegyada garsoorka ee Puntland, iyagoo sidoo kale iftiimiyey qorshayaasha lagu xoojinayo adeegyadaas. Xogta la soo bandhigay waxay muujineysaa in sannadkan uu xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ka shaqeeyey 5,085 dacwo.

Sidoo kale, Guddiga ayaa iftiimiyey qorshayaasha lagu xoojinayo adeegyadaas iyo fulinta go'aamada ay Maxkamadu soo saartay iyo sare u qaadista adeegga garsoorka si loo gaarsiiyo deegaanada aan weli laga hirgelin maxkamado iyo hannaanka horumarinta Garsoorka Puntland iyo sidii caqabadaha looga gudbi lahaa.
Xildhibaanada Golaha Wakiillada ayaa si qoto dheer uga dooday caqabadaha haysta garsoorka, iyaga oo xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in bulshada loo fidiyo adeeg caddaaladeed oo waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, Mudane Cabdirisak Axmed Siciid, ayaa ku booriyey wada-shaqeynta joogtada ah ee hay’adaha sharci-dejinta iyo garsoorka, isagoo sheegay in wada-shaqeyntan ay lagama maarmaan u tahay xaqiijinta caddaalad loo siman yahay oo hufan.

Golaha Wakiillada ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan la xisaabtanka iyo dhiirrigelinta hay’adaha dowladda, si loo xaqiijiyo in Puntland ay hesho nidaam garsoor oo caddaalad ku dhisan.

- DHAMMAAD -
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

Puntland Parliament

24 Nov, 08:24


https://puntlandparliament.com/la-xisaabtanka-wasaaradda-duulista-hawada-iyo-garoomada-ee-dawladda-puntland/

Puntland Parliament

23 Nov, 18:29


LA XISAABTANKA WASAARADDA CAAFIMAADKA EE DAWLADDA PUNTLAND

Garowe, Nofeembar 23, 2024 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Abdirisak Ahmed Said, oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Mudane Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyey fadhiga 17-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Puntland. Fadhigan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray la xisaabtanka Wasaaradda Caafimaadka ee Puntland.

Wasiirka Caafimaadka Puntland, Mudane Siciid Jaamac Qorsheel, oo ay wehliyaan Wasiiru-dawlaha, Ku-simaha Agaasimaha Guud, iyo saraakiil ka tirsan wasaaradda, ayaa Golaha la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan waxqabadka wasaaradda, guulaha la gaaray, iyo caqabadaha jira.

Warbixinta Wasaaradda Caafimaadka ayaa muujinaysa in dhammaan Gobollada ay si rasmi ah ugu yaalaan in ka badan 422 Xarumood oo caafimaad.

Golaha Wakiillada ayaa si qoto dheer u weydiiyey Wasaaradda su’aalo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: heerka fulinta qorshayaashii caafimaadka ee lagu ballanqaaday, sababaha keena dib-u-dhac ku yimaada gaarsiinta adeegyada caafimaadka ee gobollada iyo degmooyinka fog, tirada iyo tayada shaqaalaha caafimaadka ee ka howlgala xarumaha caafimaadka Puntland.

Sidoo kale, waxay wax ka weydiiyeen xaaladda isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka, gaar ahaan kuwa ku yaalla deegaannada ka baxsan magaalooyinka waaweyn; miisaaniyadda iyo maareynta kharashaadka caafimaadka iyo sida loo hubiyo inay si hufan u adeegaan baahiyaha bulshada; iyo heerka wada shaqeynta Wasaaradda iyo hay’adaha caalamiga ah ee taageera caafimaadka Puntland.

Kulanka waxaa lagu soo jeediyey talooyin muhiim ah oo la xiriira horumarinta adeegyada caafimaadka, gaar ahaan sidii loo gaarsiin lahaa adeegyo tayo leh deegaannada fogfog iyo kuwa nugul.

Golaha Wakiillada ayaa ku adkeeyey Wasaaradda Caafimaadka inay dardargeliso dadaallada ku aaddan bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh, isla markaana ay xoogga saarto isla-xisaabtanka iyo hufnaanta maamulka.

Fadhiga ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Golaha Wakiillada Puntland ee lagu xaqiijinayo Dawlad wanaag iyo dabagalka waxqabadka hay’adaha Dawladda, kaas oo ku xusan qodobka 6aad ee Ajanadaha Kalfadhiga.

- DHAMMAAD -

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Puntland Parliament

20 Nov, 07:57


Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Hon Abdirisak Ahmed Said, oo uu wehliyo Guddoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane Maxamed Maxamuud Ciise yaa shir-guddoomiyey fadhiga 16-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada.

Ajandaha fadhiga ayaa ahaa La xisaabtanka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta ee Puntland, si wax looga oggaado qorshayaasheeda ku aaddan horumarinta waxbarashada.

Puntland Parliament

19 Nov, 18:20


https://www.facebook.com/share/v/1GEzYF6W3w/?mibextid=WC7FNe

Puntland Parliament

16 Nov, 11:37


https://www.facebook.com/share/p/1EBkbyPHZx/

Puntland Parliament

12 Nov, 13:52


https://x.com/Parliamentofpl/status/1856333837862601163?t=ThWn3Qa4Pe8_qpdL9h1gxQ&s=19

Puntland Parliament

05 Nov, 09:23


https://puntlandparliament.com/fadhiga-7-aad-ee-kalfadhiga-55-aad-ee-golaha-wakiillada-puntland/

Puntland Parliament

04 Nov, 07:04


Fadhiga 6-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa diiradda lagu saarayaa warbixinnada kormeerada Golaha Wakiillada ay ku tageen gobollada, si loo xaqiijiyo xog ururin iyo wada-shaqeyn lagu horumarinayo adeegyada bulshada.

Puntland Parliament

03 Nov, 07:28


Fadhiga 5-aad ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, ayaa waxaa diiradda lagu saaray dhageysiga warbixinno ay soo jeedinayaan 5 ka mid ah guddiyada Golaha Wakiillada, kuwaas oo dhawaan kormeerro ku sameeyey hay’adaha Dawladda iyo gobollada dalka.

Guddiyada ayaa kala ah:

1. Guddiga Arrimaha Deegaanka & Kheyraadka Dabiiciga ah

2. Guddiga Amniga iyo Nabadgelyadda

3. Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha & Xiriirka Caalamiga ah

4. Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka

5. Guddiga Arrimaha Bulshada, Dhaqanka, Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

Puntland Parliament

31 Oct, 06:34


Ajandaha Rasmiga ah ee Kalfadhiga 55-aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Puntland Parliament

30 Oct, 16:32


WAR-MURTIYEED

Xildhibaannada labada aqal Puntland ku matela Dawladda Federaalka Soomaaliya, iyo Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

#Puntland #Somalia

Puntland Parliament

30 Oct, 08:56


https://www.facebook.com/share/p/HyT1Sx4ydAgPYmy1/

Puntland Parliament

29 Oct, 14:03


Xubnaha labada Aqal BJFS intii ay joogeen Garoowe, waxay ka qeyb-galeen Furitaankii Kalfadhiga 55aad ee GWDPL, sidoo kale la kulmeen Golaha Wakiillada & Golaha Xukumadda Puntland, iyagoo kormeerro shaqo ku tagey Xarunta Aqalka Golaha Wakiillada, Madaxtooyadda iyo Wasaaradaha Dawladda Puntland si ay ugu kuur galaan xaaladda adeegyada bulshada, horumarinta, iyo caqabadaha ku hor gudban.

Xildhibaannada ayaa Garoowe u yimi si ay uga qeyb-galaan furitaanka Kalfadhiga Golaha Wakiillada, oo furmay 26-kii Oktoobar, kadib casumadii ay ka heleen Guddoonka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland.

- DHAMMAAD -

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland

E-mail: [email protected]

Twitter ( X):
https://twitter.com/Parliamentofpl

Instagram: https://instagram.com/parliamentofpl

Telegram: https://t.me/parliamentofpl

YouTube: https://youtube.com/@parliamentofpl

Website: https://puntlandparliament.com

Puntland Parliament

29 Oct, 14:03


MADASHO WADATASHIGA: KULANKA XUBNAHA LABADA AQAL BJFS IYO BULSHADA RAYIDKA

Garoowe, Oktoobar 29, 2024 – Xubnaha labada Aqal Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya oo ay weheliyaan Guddiga Golaha Wakiillada Dawladda Puntland u xil-saaray soo dhaweyntooda ayaa kulan kula qaatay Xarunta Horumarinta Cilmi-baarista Puntland (PDRC) qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ee Puntland.

Ujeeddada kulankan ayaa ahayd in la yeesho is xog-wareysi iyo wada-tashi ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka ka dhexeeya Xildhibaannada iyo bulshada rayidka, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo horumarinta siyaasadda iyo xoojinta maamulka wanaagsan.

Agaasimaha PDRC, Cali Faarax Cali, ayaa furay kulanka, isagoo soo dhaweeyay Xubnaha labada Aqal ee BJFS oo ay weheliyaan Guddiga GWDPL u xil-saaray soo dhaweyntooda, isaga oo sheegay shirkaan uu muhiimad gaar ah leeyahay si loo xoojiyo wadashaqeynta bulshada iyo mas’uuliyiinta.

Wuxuu carabka ku adkeeyay in PDRC ay tahay madal muhiim ah oo loogu talagalay in lagu wada hadlo arrimaha masiiriga ah iyo xal-u-helidda dhibaatooyinka, iyadda oo ku taagan hannaanka nabadda, taageeridda dimuqraadiyadda, iyo horumarinta maamulka suuban.

Agaasime ku-xigeenka PDRC, Cabdinaasir Yuusuf Buraale, ayaa ka hadlay doorka Hay’adda PDRC ee dhex-dhexaadinta iyo isu keenidda Bulshada rayidka ah, madaxda JFS & Puntland. Wuxuu sharaxay in PDRC ay dhiirrigeliso wadahadalka bulshada iyo mas’uuliyiinta si loo gaaro nabad iyo wadajir guud ahaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan maanta ayaa xoogga lagu saaray qodobo ay ka mid yihiin:

Siyaasadda Guud iyo Federalism-ka:

Xildhibaannada iyo bulshada rayidka waxay si qoto dheer uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay in si cadaalad ah loo wadaago awoodaha iyo khayraadka dalka, iyagoo isla gartey in la ilaaliyo hannaanka midnimada qaranka Soomaaliyeed oo ku dhisan nidaam Federal ah sida horray loogu heshiiyey.

Shuruucda iyo Dastuurka Federaalka:

Dhammaan dhinacyadda Bulshada Rayidka waxay carrabka ku adkeeyeen in la ilaaliyo dastuurka 2012, iyadoo la tilmaamayo in laga fogaado wax-ka-beddel aan dastuuriga ahayn.

Waxaa si gaar ah loo xusay in Dawladda Federalka ay ku xadgudubtay heshiisyadii hore ee ay Soomaalida gaareen, iyadoo doonaysa in la bedelo dastuurka saxda ah. Waxaa sidoo kale la xusay in Dawladda Federaalka ay siyaasadeeyeen dhammaan mashaariicda lagu helo magaca Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha bulshada sida deeqaha waxbarashada, tababarada saraakiisha ciidanka, iyo dhaqaalaha, taasoo khilaafsan danaha JFS.

Arrimaha Bulshada, Horumarinta iyo Caafimaadka:

Bulshada Rayidka ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in si siman loo qeybsado deeqaha arrimaha Bulshada ee lagu helo magaca Soomaaliyeed, isla markaana laga hortago in adeegyada arrimaha Bulshada la siyaasadeeyo. Waxaa si gaar ah diiradda loogu saaray in aan la oggolaan in adeegyada la xiriira bulshada ay noqdaan kuwo siyaasadeed, taas oo keenaysa in shacabka aysan ka faa'iideysan si siman.

Dhexdhexaadinta iyo Xal-u-helidda Arrimaha Siyaasadeed:

Waxaa kulanka lagu soo qaaday in Puntland iyo Dawladda Federaalka ay wadahadallada diiradda ku saaraan arrimaha khayraadka dabiiciga ah iyo awood-qeybsiga, si loo xaqiijiyo horumar waara oo dheelitiran.

Xubnaha ayaa sidoo kale xooga saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin: Siyaasadda Guud ee JFS, Wax-ka-bedelka Dastuurka, Qeybsiga Khayraadka Dabiiciga ah, Nidaamka Doorashooyinka iyo Amniga.

Inta ay Garoowe ku sugan yihiin ayaa la filayaa inay xubnaha labada Aqal ee BJFS soo saari doonaan war-murtiyeed faahfaahsan oo ka hadlaya go’aannada iyo talooyinka kulamada, iyadoo la boorinayo dhammaan dhinacyada inay sii wadaan wadahadallada si loo xaqiijiyo himilooyinka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan nabad, horumar, iyo Dawladnimo ku dhisan dastuurka JFS ee lagu heshiiyey 2012.

Puntland Parliament

19 Oct, 14:03


Hadal-jeedinta Xildhibaan Maxamed Mursal Gurey, oo ka mid ah Guddiga Amniga & Nabadgelyada Golaha Wakiillada ee Shirka Daah-furka Xakameynta Hubta.

Puntland Parliament

19 Oct, 14:02


https://x.com/Parliamentofpl/status/1847611724913914086?t=gfbmPGijeUVZaRGfOh6gcQ&s=19

Puntland Parliament

17 Oct, 11:46


https://x.com/Parliamentofpl/status/1846880138186592595?t=v5xoxwoXl_T6jO3V-HuPBg&s=19

Puntland Parliament

17 Oct, 11:46


https://x.com/Parliamentofpl/status/1846880358278582421?t=jdw8fiBv6bJMOWu_8JNHeQ&s=19

Puntland Parliament

12 Oct, 20:53


Dangoroyo, Oktoobar 12, 2024 – Guddiga gaar ah ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ee loo xilsaaray u kuur-gelidda xaaladda guud ee Gobolka Nugaal ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay degmada Dangoroyo. Kormeerkan ayaa ujeedkiisu ahaa in la qiimeeyo horumarka iyo caqabadaha ka jira qeybaha kala duwan ee degmada, iyadoo la kulmay madaxda iyo qaybaha bulshada ee muhiimka ah.

Xarunta Degmada Dangoroyo

Guddigu waxay booqdeen xarunta degmada, halkaas oo ay kulan la qaateen Guddoomiyaha Degmada, Guddoomiye Ku Xigeenka, Xoghayaha Degmada, xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka, iyo Isu-duwaha Wasaaradda Haweenka ee degmada. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista horumarka iyo caqabadaha maamulka degmada, iyadoo la falanqeeyay baahiyaha ka jira bulshada iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay’adaha kala duwan ee deegaanka iyo dowladda.

Saldhigga Degmada Dangoroyo

Kormeerka guddigu wuxuu sidoo kale ku tegay saldhigga degmada, halkaas oo ay la kulmeen Taliyaha Saldhigga. Waxay isla falanqeeyeen xaaladda amniga, gaashaandhigga degmada, iyo adeegyada booliska ee la xiriira sugidda nabadgelyada. Taliyaha saldhigga ayaa soo bandhigay baahiyaha gaarka ah ee booliska degmada, waxaana laga wada hadlay qorsheyaasha lagu xoojin karo adeegyada amniga ee deegaanka.

Maxkamadda Degmada Dangoroyo

Intaa kadib, guddigu waxay booqasho ku tageen Maxkamadda Degmada, halkaas oo ay kulan la yeesheen Guddoomiyaha Maxkamadda. Waxay ka wada hadleen xaaladda cadaaladda iyo habsami u socodka dacwadaha. Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa guddiga la wadaagay caqabadaha dhinaca sharciyada iyo adeegyada garsoorka ee hortaagan bulshada, iyagoo ku talo-bixiyay qaabab lagu horumarin karo nidaamka garsoorka degmada.

Dugsiga Sare ee Dangoroyo

Waxay sidoo kale booqdeen Dugsiga Sare ee Dangoroyo, halkaas oo ay kulan la yeesheen Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada iyo Maamulaha Iskuulka. Waxay ka wada hadleen tayada waxbarashada, baahida loo qabo in la kordhiyo agabka waxbarashada iyo sidii ardayda degmada loogu abuuri lahaa fursado waxbarasho oo tayo leh. Guddiga ayaa ballan-qaaday in ay dadaal dheeraad ah ku bixin doonaan sidii waxbarashada degmada loo tayayn lahaa.

Cisbitaalka Guud ee Dangoroyo

Guddigu waxay sidoo kale booqdeen Cisbitaalka Guud ee Dangoroyo, halkaas oo ay kulan la yeesheen Agaasimaha Cisbitaalka. Waxaa laga wada hadlay adeegyada caafimaad ee la siiyo bulshada, tayada adeegyada caafimaad, iyo baahiyaha ka jira cisbitaalka, gaar ahaan agabka caafimaad iyo shaqaalaha. Agaasimaha ayaa soo bandhigay guulaha ay ka gaareen daryeelka caafimaadka, hase yeeshee wuxuu carabka ku adkeeyay in weli loo baahan yahay taageero dheeraad ah.

Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH)

Kormeerka guddiga wuxuu ku soo dhammaaday booqashada Xarunta Hooyada iyo Dhallaanka (MCH) ee degmada, halkaas oo ay kula kulmeen shaqaalaha xarunta si ay u qiimeeyaan adeegyada caafimaadka ee hooyada iyo dhallaanka. Waxaa la wada qaatay falanqeyn ku saabsan horumarinta xarunta iyo sidii loo kordhin lahaa adeegyada caafimaad ee la siiyo haweenka iyo carruurta, iyada oo la dardargelinayo bixinta adeegyada muhiimka ah.

Gunaanad

Kormeerkan shaqo ee guddiga ayaa looga gol-leeyahay in la ogaado caqabadaha jira, guulaha la gaaray, kadibna warbixin laga diyaariyo oo lala wadaago Guddiga Joogtada ah, si loo sameeyo talooyin iyo go'aanno wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo adeegyada bulshada ee degmada Dangoroyo.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

Puntland Parliament

07 Oct, 13:34


https://www.facebook.com/share/v/NrS1h8ELJpaWFkUv/

Puntland Parliament

05 Oct, 14:23


Boosaaso, Oktoobar 05, 2024 – Wafdiga uu hoggaaminayo Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, Mudane Hon Mohamed Baarri Shire, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan goleyaasha Dawladda, ayaa kormeer shaqo ku tegay Xarunta balaarinta biyo-gelinta magaalada Boosaaso.

Kormeerka ayaa qeyb ka ah socdaalka wefdiga ee Gobolada Karkaar iyo Bari, waxaana lagu xaqiijinayay tayada iyo heerka adeegyada biyo-gelinta ee magaalada, si loo hubiyo in bulshada Boosaaso ay helaan biyo nadiif ah oo ku filan.

Guddoomiye Mudane Maxamed Baarri Shire ayaa muujiyay sida ay muhiim u tahay in la xoojiyo adeegyada biyo-gelinta iyo in la sameeyo mashaariic lagu balaarinayo kaabayaasha biyo-gelinta si loo daboolo baahida dadka deegaanka.

Helitaanka biyo macaan oo nadiif ah ayaa ah arrin muhiim ah, maadaama ay saameyn togan ku leedahay caafimaadka, nadaafadda, iyo horumarka bulshada.

Xubnaha wefdiga ayaa sidoo kale ka qeyb qaatay kulamo lala yeeshay mas’uuliyiin iyo bulshada Xarunta, si kor loogu qaado wacyi-gelinta ku saabsan muhiimada biyo-gelinta, iyo sidii loo heli lahaa biyo macaan oo ku filan.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
Golaha Wakiillada Dowladda Puntland