Muqdisho, 19-ka Nofeembar 2024
Danjire Yonis Yassin Hashi, Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, ayaa kulan diblomaasiyadeed kula yeeshay Xarunta Wasaaradda ee Muqdisho, Danjire Joachim Waern, Danjiraha Sweden ee Soomaaliya.
Kulanka ayaa lagu lafaguray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Sweden iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, iyo arrimaha Qurba-joogta.
Danjire Hashi ayaa uga mahadceliyay Danjire Waern taageerada joogtada ah ee Dowladda Sweden siiso Soomaaliya iyo dadaalka uu ku bixiyay horumarinta xiriirka labada dal ee saaxiibtinimo ku dhisan.
Danjire Hashi ayaa sidoo kale soo hadal qaaday kaalinta Soomaaliya ee ah xubin aan joogto ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo billaabanaysa Janaayo 2025. Waxa uu caddeeyay sida Soomaaliya uga go’an tahay in ay mudnaanta siiso nabadda iyo amniga gobolka, gaar ahaan Geeska Afrika, oo ah tiirka ugu muhiimsan ee ajendaha Soomaaliya.
Danjire Waern ayaa bogaadiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalka ay ku bixisay dib-u-habaynta dastuurka, horumarka laga sameeyay Golaha Wada-tashiga Qaranka (NCC), iyo hirgelinta nidaamka doorashada “qof iyo cod,” oo ah guulo waaweyn oo dhanka dimuqraadiyadda ah.
Marka laga hadlayo doorashooyinkii dhowaan ka dhacay Somaliland, Danjire Hashi ayaa muujiyay qanacsanaanta Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan habka nabadeed ee ay u qabsoomeen doorashooyinkaasi iyo natiijadooda.
Kulanka ayaa sii adkeeyay iskaashiga waara ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden, oo ku dhisan himilo wadaag ah oo ku saabsan nabadda, horumarka, iyo barwaaqada.
Faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Mohamed Mahmud Allaale
Waaxda Isgaarsiinta iyo ICT
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
Twitter: @MOFASomalia
Bogga Luqadaha Qalaad: Ministry of Foreign Affairs of Somalia