Waxaa la weydiiyay Sheekhul Islaam Ibn Taymiyah Alle ha ka raalli noqdee
Waa maxay daawada qof uu cudur ka tan badiyey? Maxayse tahay xeeladda mid ay fasahaad lagu salliday? Maxaa la gudboon qof uu caajis ka batay? Waa maxay waddada lagu gaadho toosnaanta? Sideese looga baxaa wareerka?
Hadduu Alle u soo laabto, hawadiisa ayaa ka celisa. Haddii uu adkaar rabo inuu akhriyo, fikir badan baa ka mashquuliya. Haddii uu shaqo billaabi rabo, caajis iyo quus baa lugaha qabta.
Hawadiisa baa ka awood battee, miyirkiisii wuu qabaa,
Laakin Hadaad fiiriso wuu wareersan yahay sidii qof sarqaansan .
Hadday niyadu u jiiddo dhanka jacaylkiisa,
Jidkii toosnaa wuu waayaa kala fogaan baa u sii korodha.
Ehel iyo asxaab wuu ka go’ay, intuu hanti rajo ka yeeshay,
Balse wax uu helay ma jiro, ee wuu sii liicay.
Jahawareer baa harqiyay, tabar darro buu la haray,
Ma sidaas baa loo dhibaa, mid gargaar dalbaday?
Wuxuu ku jawaabay Alle ha ka raalli noqdee :
Daawadiisu waa inuu Ilaahay u gacan haadiyo, baryadiisana joogteeyo, uuna barto ducooyinka la wariyey.
Waa inuu doortaa xilliyada ducadu la aqbalo, sida:
- Habeenka dhamaadkiisa,
- Waqtiga u dhexeeya aadaanka iyo iqaamaha,
- Xilliga sujuudda,
- Kadib salaadaha faralka ah.
Sidoo kale, waa inuu la yimaado istighfaar badan, maxaa yeelay "Ruuxii Allah danbi dhaaf weydiista, markaasna u toobad keena, Ilaahay wuxuu u yeelayaa nolol wanaagsan oo xasilloon, ilaa xilli uu qadaray."
Waa inuu yeesho wirdi (adkaar joogto ah) oo uu akhriyo subax iyo galab, iyo markuu seexanayo. Waa inuu dulqaato wax kasta oo isku dayaya inay ka mashquuliyaan, maxaa yeelay haddii uu sabro, Alle ayaa kaalmeynaayo, wuxuuna iimaanka u galiyaa qalbigiisa.
Waa inuu aad u ilaaliyo salaadaha faralka ah, oo uu la yimaado dhamaantood, si khusuuc ah , maxaa yeelay salaaddu waa tiirka diinta.
Waa inuu hadalkiisa joogto uu kan dhigo "Laa xawla wa laa quwwata illa billaahil Caliyyil Cadiim" maxaa yeelay kalimadaan waxaa lagu qaadaa culaysyada, lagu sabraa dhibaatooyinka, laguna helo darajo sare.
Waa inuusan ka quusan ducada iyo baryada, maxaa yeelay Allaah wuu aqbalayaa ducada addoonkiisa, ilaa uu degdeg oo uu dhaho: ‘Waan duceystay, mana la iga aqbalin.’
Waa inuu ogaadaa in guushu ay la jirto sabirka , in kurbada ay keento farxad, iyo in culayska gadaashiis ay fudayd tahay.
Ruuxna ma gaadho kheyr weyn, ha ahaado nabi ama cid kale, sabar la'aantiis.
الحمدلله رب العالمين❤️