السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
عبد السلام عمر حرسى
DHAGAX JABI DHAGAX BAA KA U RAYO .
Waxa laga yaaba inaad fahmin u jeedada aan u dooratay ciwaankan dhibmalahan ila joog wax yar anigaa kuu Kala dhig dhigi doone .
Sanadku waa 2023 bishii shanaad waxan ka qayb Galay shir ka dhacayay xerada xalane shirkaas wuxuu socaday mudo sadex cisho ah shirka waxa soo abaabulay wasaarada dhalinyarada waxayna ugu magac dartay shirwaynaha qaran ee dhalinyarada soomaliyeed waxay ciwaan oo ga dhigatay doorka ay dhalinyarada ay ku Lee yihiin nabada iyo hormaka dalka .
Shirkaas waxaa ka soo qayb galay madaxya waynta siyaasada sidoo kale waxa goob joog ka aha beesha shanaad waxa laga yabaa inaad u taqano beesha caalamka .
Waxaa la gudo galay furintaankii shirka waxaa meeshas ka hadalay wasiiro xildhibaano iyo sidoo kale safiiro matalayay beesha shanaad mid kastoo iyaga kamid ah hadlkiisa wuxuu ku bilowday wax kasheegida waraaradiisa isagoo inoo ga dhigaya wasaarada kaliya ee sida saxda ah u shaqaysa .wax yaabaha cajiibka ah ee ilaa hada maskaxdayda ka gu ila waa Hal wasiir oo in kabadan 7 jeer lagu soo dhaweyay meega ama microphone 🎤 is la wakhtigaas wuxuu ku soo cel celinyaa Hal hadal waxa kaaga sii daran kalmad kasto oo afkiisa ka soo baxda sacabka ayaa is qabsanyo . Qosolkana waa xad dhaaf waxadba mooda caruur aa bahood la ciyaarayso farxad iyo dama shaadka ma qiyaasi kartid waxad ba moo daa inay ku dhax nool yihiin magaladii AFLATOON ee ahayd the prefect city
المدينة الفاضلة.
Markaan u dul qaadan wayay waxa meesha kasocdo ayaan waxaan bilabay inaan dhalinyarada way diiyo su,aal aan rabo inaan ku ogaado ilaa Heerka garakooda uu garsiisanyahy .
Qayb kamid ah su,aalihii aan waydiyay waxay u dhignayd sida tan .
1 : SHIRKAAN MAXAAD KABARATY ?
2: SHIRKAAN MUXUU KUULA MUUQDAA ?
Jawabaha labadas su,aal waxay I seeyeen ogaal farabadan waxana ii cadaatay in la helay badalkoodi yacni halkas inay ka soo dhax bixi doonan Wasiiro farabadan oo lamid ah Kuwan hada aan ka had laynay . waxaa igu soo dhacaday 10 qodob oo uu sheegay nin la yiraahdo NOAM CHOMSKY asalhaan waa oaday yahuudi ah lakiin markii dambe noqday American wuxuuna baraty cilmiga luuqadaha. LINGUISTIC .
Odaygan wuxuu Lee hay 10 qodob oo shucuubta lagu waalo waxana adeegsado dowladaha iyo dhamaan dadka rabo Inay xukumaan umadaha qodobkiisa kowaad wuxuu Lee yahy sida tan
1 الهاء الشعوب
Ama waxa afka qalaad lagu yirahdo DISTRACTION .
oo micnaheedu yahy shucubta ama bulshada in la waalo ama dareenkeeda marba dhinac loo jeediyo lagana dhigo bulsho meaningless maskaxdoodana lagu ciyaaro hadan kuu soo kobo waa In sida doqonkii oo kale lagula dhaqmaa .
2 خاطب الناس كأنهم أطفال .
Afka qalaadna waxa lagu yirahada TREAT THE PEOPLE LIKE CHILDREN .
In bulashada loo la hadlo sida ciyaalka oo kale Isla wakhtigaasna la adeegsado areeyo laab la kac ah sida in la yiraahdo somaliya ha noolato oo kale. somaliya ha is raacdo .Waxa nalaga cafiyay dayntii ugu badnayd Abid .dalka wuxuu u socdaa doorosho qof iyo cod ah .
Eeg Hal mar xitaa la isma waydiinin waxa keenay waxaas oo dhan. Soomaliya inay noolato maxaa u diiday? Somaliya inay is raacdo maxa ka hortaagan ? Daynta intaas la eg yaaqaty ? Doorosho qof iyo cod ah inay dhacdo maxa ku gudban ?
Su.aalahs siyasiga wuu og yahy lakiin adiga ayaa la rabaa in lagugu waalo .
Halkaas waxa iiga soo dhax baxay ciwaankii aan ku bilabay qormadan kooban
Waxan Dib u xasuusatay maansadii abwaan hadrawi ee daba huwan bayd yar oo kamid ah wuxuu yiri abwaanka . Intaan isku duubay been kabuuxaday labada Dacal maxay runi daadi i tidhi .
Maxaan arin dowlis dhow ma diido la soo qor qoray ku dabacan baal madow ku daawaday meel madow .waxan duluc sii ridnayn indhuhu ku daraaan dareen .............
Maanta markaad u fiirsato jahawreerka iyo beenta dhalinyarada lagu sasabyo
Waxaad moodaa sida inay yihiin kuwo aan waxba akhrin waxbana aan qorin .
Aniga waxan ku cabiro markaan garn wayay waxan ku soo koobay hadalkayga .
MUFTI MUNAAFAQ AH
CABDISALAN OMER