Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida. @xisbihabarwaqo Channel on Telegram

Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida.

@xisbihabarwaqo


Waa Pageka Rasmiga ee Xisbiga barwaaqo ee soomaalida

Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida (Somali)

Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida waa xafiiska isticmaala arjiga TELEGRAM ah ee ku saabsan xisbiga Barwaaqo. Xafiiskan wuxuu si rasmi ah u shaqeyn karaa dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo ka shaqeyn kara siyaasadaha, arrimaha bulshada, iyo waxbarashada. Xisbiga Barwaaqo waa mid ka mid ah xisbiga siyaasadeed ee ka soo horjeeda Soomaaliya, waxaana xisbi qaranimadeedu ku taalaa heshiisyo dano gaar ah oo ka dhex abuuri kara dowladaha gobolada iyo dhexe. Xisbiga Barwaaqo waxa uu si rasmi ah ugu yeerayaa dadka Soomaaliyeed fursadaha siyaasadeed iyo bulsho ee ay ugu qabtaan. Xafiiskan waxa uu ku siin karaa fursado ku saabsan waxyaabaha siyaasadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya, waxaana si rasmi ah u dhignaa warar, su'aalo, iyo wacyi gelin ka socda siyaasadaha Soomaaliya. Haddii aad tahay qof Soomaaliyeed shaqeyn kara siyaasadaha Soomaaliya, ama aad garab taqaanaan waxyaabaha jira ee cidda Soomaaliya ka taagan tahay, Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida waa xafiiska aad ka heli karto waxyaabo siyaasadeed iyo bulsheed ka dhaxeeya Soomaaliya. Habka aad ugu yeelan karto xafiiskan ayaa ah in aad ku daristaan xafiiska TELEGRAMka ah ee xafiis Barwaaqo, waxaadna ku sawiran kartaa had iyo jeerna ka heli kartaan fursadaha siyaasadeed iyo waxbarasho ee ka dhaxeeya Soomaaliya. Xafiiska waxa uu si toos ah u adeegsadaa dadka Soomaaliyeed in ay heli karaan macluumaad siyaasadeed oo ka helaan wararka ugu dambeeyay. Soo booqo Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida haddii aad rabto in aad ka heli karto fursado siyaasadeed iyo bulsheed ka dhaxeeya Soomaaliya. Waa xafiiskaaga si rasmi ah uga soo wac Xisbiga Barwaaqo iyo shaqooyinkooda si aad u ogaato waxyaabaha siyaasadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya.

Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida.

17 Jan, 14:59


Guddiga Komishinka Anshaxa iyo Baadhista Xisbiga Barwaaqo ee dalka ayuu kulankoogii 10-aad ee caadigaa ahaa uga furmay Magaalada Bishoftu.

Kulankan ayaa halku-dhiggiisu yahay "Xisbi Adag waxa lagu Hanankaraa Komishin Anshax oo leh Baadhis Adag".

Komishinka Adagi wuxuu Gundhig Adag u yahay Xisbi Adag.

*Ku Xidhnaw Boggaga Rasmiga ee Xafiiska Xisbigeena Barwaaqo ee Soomaalida ku Lee yahay Baraha Bulshada Riix Link-gan hoose;๐Ÿ‘‡

๐Ÿ‘‰https://linktr.ee/SomaliProsperityParty

Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida.

15 Jan, 19:28


Barwaaqo waa Xisbi la yimid fikiro cusub oo Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Bulsho oo ka hirgalay dalkeena Itoobiya iyo ka dhabaynta Balanqaadkii shacabkeena.

Barwaaqo waa Xisbi la yimid curinta fikiro iyo afkaar cusub oo ka hirgalay dalkeena Itoobiya kana soo hooyay natiijooyin wax ku ool ah.

Aas-aaskii Xisbigeena Barwaaqo iyo Tan iyo markii Xisbigeena Barwaaqo uu ku Guulaystay Doorashadii shacabka, iyo Shirweynihii kowaad ee Xisbigeena Barwaaqo kaddib, wuxuu hirgaliyay isbadalo badan iyo Horumar balaadhan oo dhinac walba ah, wuxuuna ka soo hooyay natiijooyin muuqda oo la taaban karo.

Marka aynu ka hadlayno horumarka waxa markhaati ka ah mashaariicda taariikhiga ah ee aynu maalin walba daah-furno, iyo dadaalka aynu ku gaadhsiinay Horumarka Miyi iyo Magaalaba.

Sidoo kale Xisbigeena Barwaaqo wuxuu gabi ahaanba meesha ka saaray afkaarihii iyo fikiradii xumaa ee guracnaa ee dalkeena sanado badan ka soo jiray ee ay ku soo dhaqmi jireen nidaamyadii hore ee dalkeena ka soo jiri-jiray ee ahaa dhibaatooyinkii ka jiray dhinacyada faaโ€™iidada dhaqaale ee muwaadiniinta, dimuquraadiyad laโ€™aantii, hab-dhaqannadii gurracnaa iyo dhibaatooyinkii tuuganimo ee abaabulnaa, takoorkii, tacadigii, cabudhintii iyo kala qaybsanaantii shacabka dalkeena.

Xisbigeena Barwaaqo waxuu ka shaqeeyay hagaajinta Burburkii iyo khaladaadkii Taariikheed, Siyaasadeed, Dhaqaale iyo Bulsho iyo kuwii kale ee dalkeena Itoobiya sanado badan ka soo jiray.

Xisbigeena Barwaaqo waxuu ka shaqeeyay Wadajir iyo Midnimo Qaran iyo inay helaan dhammaan muwaadiniinta dalkeenu sinaan iyo cadaalad.

Xisbigeena Barwaaqo wuxuu ka soo gudbay caqabado badan, wuxuuna uga soo gudbay Guulo badan oo balaadhan oo uu ka soo hoyay tan iyo intii uu dajiyay isla markaana uu hirgaliyay dib-u-habaynadii kala duwanaa.

Caqabadahii uu la soo kulmay Xisbigeena Barwaaqo wuxuu kaga soo gudbay Fikiro, hal abuur, iyo ka goโ€™naanshaha Hoggaaminta, dhisidda hayโ€™adaha dowladda iyo muujinta lahaanshaha shacabka taaso keentay in Caqabadihii ina soo maray loo badalo fursado.

Xisbigeena Barwaaqo waa Xisbi aaminsan in caqabadaha loo badalo fursado.

Xisbigeena Barwaaqo ee loo dhan yahay waxuu ku guuleystay inuu diiwaangeliyo natiijooyin badan oo cajiib ah iyo Guulo horumar leh oo dhinac walba leh tan iyo Aas-aaskii Xisbigeena Barwaaqo iyo Shirweynihii koowaad ee taariikhiga ahaa ee Xisbigeena Barwaaqo kaddib.

In Xisbigeena Barwaaqo yahay Xisbi loo wada dhan yahay waa mid ka mid ah Guulaheena.

Socdaalkeenii muhiimka ahaa ee Xisbigeena Barwaaqo wuxuu ka soo hooyay guulo la taaban karo oo laga gaadhay curinta afkaar iyo fikradihii cusubaa ee siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho iyo ku-dhaqanka iyadoo la hirgeliyay dhaqan shaqo oo cusub.

Waxa Xusida mudan in hirgalinta iyo ku dhaqanka afkaarta iyo fikradaha Xisbigeena Barwaaqo ay noqdeen kuwo midho dhal ah oo ay natiijooyinkoodii ay ka faa'iidaystanayaan shacabkeena/Bulshadeenu.

Haddaba, Waxa loo baahan yahay in maanka lagu hayo xaaladahii iyo siyaabihii aan soo marnay, natiijooyinka iyo guulaha balaadhan ee aynu gaadhnay mudo kooban Gudaheed.

Taas oo aynu ku gaadhnay dhisidda hoggaamin ku adag awoodooda siyaasadeed isla markaana huwan dhaqanka, qiyamka iyo mabdaโ€™a iyo Barnaamijka Xisbigeena Barwaaqo loona sii dhaadhiciyay Xubnaha, taageerayaasha iyo shacabkeenaba.

Xisbigeena Barwaaqo waa Xisbi leh fikiro cad iyo ujeeddooyin Cad oo ah meeshii aynu ka soo bilownay socdaalkeena oo ah Wadajir, halka aan u soconnaana ay tahay Barwaaqo dhamaystiran.

Qiyamka iyo Mab'da Xisbigeena ayaa kaalin mug leh ka qaatay isbedelka muuqda ee ka hirgalay dal ahaan iyo deegaan ahaan iyo Guulaha Balaadhan ee aynu Gaadhnay mudo kooban Gudaheed.

Doorka hoggaaminta, Xubnaha iyo shacabka iyo taageerayaasheenuba waxay ahaayeen kuwo aad u sareeya socdaalkii muhiimka ahaa ee loo soo maray dadaalkii ka midho dhalinta Aas-aaskii Xisbigeena Barwaaqo iyo Shirwaynihii kowaad ee Xisbigeena Barwaaqo kaddib iyo ka dhabaynta Balanqaadkii shacabkeena.

Dawlada Fikrada Wadajirka ayaa suurtagalin karta Midnimada Qarankeena.

"Diyaargarowga Shirwaynaha 2-aad ee Xisbigeena Barwaaqo".

Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida.

15 Jan, 19:28


Xisbigeena Barwaaqo waa u Addeegaha Shacabka/Bulshada Dalka Si Siman.

Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Deegaanka Soomaalida.

*Ku Xidhnaw Boggaga Rasmiga ee Xafiiska Xisbigeena Barwaaqo ee Soomaalida ku Lee yahay Baraha Bulshada Riix Link-gan hoose;๐Ÿ‘‡

๐Ÿ‘‰https://linktr.ee/SomaliProsperityParty

1,030

subscribers

28,987

photos

2

videos