Keynaan Heybe @keynaanheybe Channel on Telegram

Keynaan Heybe

@keynaanheybe


Halkaan Waxaan idiinku so gudbin donnaa Arimaha juqraafiga _ Taarikho _ Qisoyiin _ sheekoyiin ________iwm

Keynaan Heybe (Somali)

Keynaan Heybe waa kanal Telegram ah oo ku taal Afsoomaali, waxaana laga yaabaa inaan idiin soo gudbino arimaha juqraafiga, taarikhdooda, qisoyiinta, sheekooyinka, iyo waxyaabaha kale ee aad ka faa'iideystaan. Kanalkan waxaa loo sameeyay Keynaan Heybe, oo ah qoraaga iyo muuqaal ah oo ka duula laba dhalinyaro Soomaaliyeed oo faahfaahsan oo ah Aadan Keynaan iyo Mahad Heybe. Waxaad ku leedahay xogta cusub ee ku saabsan dhalinyarada Soomaaliyeed iyo dhaqanka, taariikhda, iyo sheekooyinka jacaylka ah. Halkan ayaad ka heli kartaa macluumaadada ugu dambeeya ee Soomaaliyeed, ka dibna aad ka xog ogaataan waxyaabaha cusub ee juqraafiga iyo taariikhdooda. Mar kale, soo gudbi doona halkan oo ku yaalo Keynaan Heybe Telegram kanalka!

Keynaan Heybe

15 Jul, 18:21


DHIBAATOOYINKA DHALINYARADA HAYSTA

1. Dhalinyarada qaarkood nolosha ayey ka hadheen, sababo la xidhiidha isticmaalka faraha badan ee mobile-ka, qaar waxay ku seegeen waxbarashadoodii, caafimaadkoodii iyo waqtigoodii dahabiga ahaa ee dhalinyaranimada.

2. Dhalinyarada qaarkood waxa uu ka galaaftey hurdadii ay seexan lahaayeen habeenkii, sunaha noloshu waa iney naftu habeenkii hesho nasasho iyo hurdo ku filan, ugu yaraan waa iney hesho ilaa todobo saacadood oo hurdo ah, si caafimaadkeedu u wanaagsanaado, balse dhalinyarada waqtigan nool badankoodu maalinta iyo habeenku waa isugu mid, habeenkii waa soo jeedaan maalintiina waa hurdaan, si kasta hurdada habeenkii wax u dhigma ma jiraan xitaa haddii aad maalintii oo dhan hurudo.

4. Dhalinyarada qaarkood ayaa ku andacoonaya iney subaxii shaqeynin sidaa daraadeed ay habeenkii soo jeedayaan si ay maalintii u seexdaan, habeenkii goor hore aad jiifsan kartaa, subaxii waxbaad baran kartaa, xirfad cusub oo aad ku shaqeysato beri ayaad baran kartaa shaqooyin ayaad raadsan kartaa, cudurdaar kuuma noqoneyso bilaa shaqo ayaan ahey.

5. Inaad habeenkii ku dhafarto mobile-ka waxa laga yaabaa in saameynta xun ee laga dhaxlo ay kugu soo degdegto ama laga yaabaa iney kaa raagto ama mustabalka ay kusoo ridato, xanuunka ugu badan ee laga qaado dhafarka waa xanuunka faaliga ama qalaylka, dad badan oo dhafarka la saaxiibey xanuunkaas ayaa ku dhacay oo la dhibaateysan yihiin.

6. Qaar ka mida dhalinyarada habeenkii qabintey isticmaalka mobilada waxay la dhibaatoonayaan in haddii ay is dhahaan goor hore jiifsada aaney hurdaba ka imaameyn, waxaana u sabab ah qabatinka soo jeedka habeenkii, markaa inta aanad la qabsan dhafarka waxaa haboon inaad is barin oo aad goor horeba habeenkii iska jiifsato. Waa wax lala yaabo qof labada habeenimo soo jeeda oo aanan garaneyn waxa uu ku soo jeedo iyo waxa uu ku waayey hurdadiisii, hawlahaaga fiidka horeba iska dhameyso horena ka jiifso.

7. Inaad habeenkii kusoo jeedo mobile-ka uma fiicna indhahaaga, khubarada caafimaadku waxay ku talinayaan in gebi ahaanba la yareysto habeenkii isticmaalka mobile-ka si aad ilaaliso caafimaadka indhaha. Inta Waxaa kasii daran inaa mobile-ka habeenkii ku isticmaasho meel mugdi ah taas oo dhaawaceysa indhahaaga. Waqtiga habeenkii Iftiinka shaashadaha toos ayey ugu dhacayaan indhahaaga.

Keynaan Heybe

12 May, 18:42


Live stream started

Keynaan Heybe

13 Mar, 13:07


Sidee u sameysan karnaa jadwal maalmeed ?

Si aad waqtigaaga uga faa'iideysato qaad tallaabooyinkan maalin walba.

1. Qor ama Tix dhammaan howla aad rabtid in aad qabato. Tani waxa ay kuu fududaynaysaa in aad ogaato dhammaan howlaha ku yaal, si taas la mid ah waxay meesha ka saaraysaa in aad illowdo shaqo kuu taallay, waxa aadna si fudud u kala garanaysa howlaha muhiimka ah iyo kuwa aan sida wayn muhiimka u ahayn.

2. Howlaha waa wayn u kala jebijebi qaybo yar yar. Kala jebjebintu waxa ay kuu sahlaysaa in aadan howlaha ka caajisin, dhibsan si xammaasadi ku jirtana aad u qabato.

3. Mar walba oo aad howl dhamayso nasasho yar qaado. U shaqaynta si xariir ah ama si is daba joog ahi, waxa ay nafta ku qasabtaa in ay daasho, shaqadana nacdo, kadibna ka fadhiisato, si aysan taasi u dhicin waa in aad nafta marwalba dhiirrigelin la daba joogtaa.

4. Hoosta ka xarriiq caqabdaha maalin laha ah ee kaa hor yimaada, kadibna raadi xalkooda, Waxaa la yiraahdaa ogaashiyaha caqabada ama dhibka jira waa xalka barkiis, haddii aad ogtahay dhibka ku haysta waxaad u dhowdahay in aad xal degdeg ah keento, si taas la mid ah waxaad ku dhiirranaysaa in aad siyaadiso awooddaada fikir si aad uga gudubto caqabadda markaa jirta.

5. Dib u dhigashada iyo howl bar uga tegidda jooji waxaa jirta xigmad carbeed oo tiraahdaa: ma jirto doqonnimo ka wayn in aad dhinto arrin aad dhammays tiri karto. Dib u dhigashadu waa dilaha waqtiga, haddii qofku dib u dhigasho barto waxaa ka halaaba jadwalka waqtiga.

Keynaan Heybe

31 Dec, 13:08


Dib umilicsi (2023) Iyo Qorsheyn (2024) 3 qodob!

Ilaahay fadligii waxaynu soo gaadhnay gebo - gebadi sanadka oo aanay dad badani soo gaadhin.
(Alxamdulilah) waa waqtigii aad dib umilicsi iyo qiimeyn ku sameyn layd bilihii hore ee aynu soo dhaafnay, isla markaana aad ku bilaabi laheyd sanad cusub aragti toolmoon hadaf yeelasho cad ilaahay swt idamkiis.
Buug iyo qalin soo qaado oo fadhiiso meel aad xasilooni ku dareemeyso. Kadib ku bilaw:

1: Dib u milicsi: guulaha iyo caqabadaha

Qaado waqti aad dib u milicsi ku sameyso guulihii aad xaqiijisay sanadkan. Sanadkan maxaa guulo xaqiijiyey? Caqabado nuucee ah ayaa iga hor yimid ? Dhex mushaax xusuusaha ka dhalanaya weydiimahaa hore ee wacnaan iyo walaac labadaba leh. Inaad ogaataa waa talaabo uhorey uqaaday.

2: Qiime Ahdaaftaada

Qiimee hadafyadii yoolalkii aad dajisay sanadkan bilowgiisii. Kuwee ayaad gaadhay, oo aad ku guleysatay? Kuwee ubaahan dhameystir sanadka cusub hortii? Kuwee sanadka cusub dib ugu dhacaya? Qiimee oo dooro kuwo ay suuregal tahay inaad
ka midho dhaliso.

3: Mahadnaqa badi

Halkan ku hako, Tiro malaha nimcooyinka tiro beelka ah ee ilaahay inoogu deeqay sanadkan dhamaanaya iyo noloshaadaba. Ma waxaad ku jirtaa kooxda inta yar mahadnaqeysa mise inta marwalba xusta ee xusuusata Alle swt? Inbadan baan nasiib uhelin wax badan oo aad haysato.

Keynaan Heybe

12 Nov, 15:50


Ma ogatahay maalinta aakhiro๐Ÿ‘‡

in uu ilaahay dhirirkeedu kadhigay 50, 000 sano
waa maalin uu ilaahay keeni doono malak kasta Nabi kasta
wax walba oo ilaahay abuuray ayuu keeni doona maalintas
ilaahay wuxuu uyeeri donaa jahannamo in la horkeeno
Oo lasoo hormarin doono Bini aadamka

Xadiis saxiix ah

Nabiga scw wuxu dhahay jahannamada waa lasoo hormari donaa oo waxaa lagu jiidi doona 70 kun oo silsilado xakameeysan ah

halkii silsilad waxaa jiidi doono 70kun malag
4.9bilyan oo malag ayaa jiidi doonaan jahannamo

Allah Qur'anKa wuxuu ku sheegay

jahannamada looma abuurin ujeedo aanka ahayn in lagu ciqaabo Wixii amarkiisa diiday

Allah wuxuu dhahay

maalinta qiyaamo jahannamo markey Bini aadamka Aragto Wey dilaacmeysaa xanaaq dartiis

ilaahay wuxu qur'anka Ku sheegay

jahannamo Markey dilaaceyso Bini aadamka indhihiisa
ayuu Ku arki Donaa

ilaahay wuxuu sheegay
Noole kasta wuu jilba jabsan Donaa
isagoo U sujuudi doona ilaaahay

Kan wanaagsan iyo Kan xun
Kan Gaalka ah iyo Kan Muslim Ka ah
kii Rumeeyayay iyo kii aan rumaynin

Lkn Alle Weyne wuxuu dhihi doonaa istaaga maaanta ma ahan
maalintii cibaadada
maaanta waa maalinta xukunka

Maanta ayaan Janis Heysanaa
Oo cibaadadeena Aqbal tahay
aan ka faaideysanoโค๏ธ๐Ÿ–๏ธ

Keynaan Heybe

12 Nov, 08:30


Si dhib yar ayaa loo jabiyay ciidankii Axmed guray sababtoo ah waxa meesha ka dhacay dagaal aan dheelli tirnaynโ€”qolona waxay haysatay hub casri ah iyo banaadiikh, qoladan kalena waxay haysatay hubkii qadiimka ahaa sida seefaha iyo warmaha. Wakhtigaas la dilay Imaam Axmed Guray waxay ahayd 1543kii (AHUN).

Keynaan Heybe

12 Nov, 08:30


AXMED GURAY.

Axmed Ibraahin Al ghizi (Axmed Guray) waxa uu ahaa hogaamiye islaam ah oo noolaa qarnigii 16aad. Geesi fardo-fuul ah oo aan dhiniciisa dhulka la dhigin buu ahaa, soo ma jeeste aan dib uga soo laaban dagaalka ayuu ahaa.
Waxa uu ku soo aaday wakhti ay u baahnaayeen muslimiinta Geeska afrika. Wakhtigaas oo uu boqoradii kala danbeeyay ee xabashidu ay dhac, boob iyo kufsi ka gaysan jireen dhulka islaamka ah geeska africa gaar ahaan dhulka soomaalida iyagoo duullaanno xidhiidh ah soo qaadi jiray.

In kastoo ay taariikhda Imaam Axmed meesha ugu wayn ee laga daba galaa ay tahay buugga uu qoray Carab Faqiih ee Futuux Al-Xabasha, hadana waxa markasta lagu murmaa goorta uu dhashay iyo meesha uu ku dhashay, sida loo badinayo waxa uu ku dhashay Meel layidhaahdo Hoobato oo u dhaxaysa magaalooyinka Saylac iyo Herer, wakhtigana waxa lagu qiyaasaa hillaaddii 1506.

Waxa uu yaraantiisii ku qaatay magaalada Herer, markii danbe se waxa uu uga wareegay magaalada Zaylac. Waxa uu bilaabay barashada Quraanka iyo culuumta kale ee diinta. Muddo markii uu ku sugnaa Saylac ayuu guursaday gabadh uu dhalay badhasaabkii magaalada Saylac ee la odhan jiray Maxfuud. Gabadhan oo magaceeda la odhan jiray Bati del Wambara waxay markii ugu horeysay u dhashay wiil layidhaahdo Maxamed.

Wuxuu ku kacaamay iyadoo dawladda islaamka ee Saylac ka dhisnayd ay aad u taag darnayd, cashuurtana ay ka qaaddo dawladda Xabashidu. Wuxuu u soo taagnaa ciidamada Xabashida oo intay duullaan ka soo qaadaan buuralayda sare Tigrayga iyo Axmaarada, baabiinaya hantida dadka muslimiinta ah ee Zaylac iyo herer ku noolaa dumarkooda iyo caruurtoodana kufsi iyo qafaalasho isugu daraya.

Guud ahaan sida uu ku bilaabmay halganka Axmed Guray waxay ahayd, in la dil loo gaystay laba boqor oo kala danbeeyay oo islaamka u talinayayโ€”Amiir Maxfuud ( 1516kii, iyo Suldaan Maxamed ( 1518kii). Markii labadaas dil dhaceen ayaa waxa isku dhexyaac iyo jaahwareer galay bulshadii musliniinta ahayd ee dhulkan ku noolaa. Dhaca iyo qafaalashada ayaa wax iska caadi ah noqday. Iyadoo xaaladda noocaasa lagu jiro, oo uu dhulkana ka taliyo nin aad u guddoon jilicsan oo layidhaahdo Suldaan Abuubakar, ayuu ciidan uruursaday Garaad Aboon nin lagu magacaabo oo geesi dagaal yahana ahaa. Ciidanka uu uruusaday waxa kamid ahaa Axmed Guray oo markaas ahaa wiil yaroo dhalinyaro ah.

Markii uu muddo lix sano ah dhulka isku kala bixinayay Garaad Aboon, ee amaantiisii iyo sheegsheegiisii meel kasta gaadhay, ayuu Suldaan Abuubakar weerar ku soo qaaday, waanu ka takhalusay Garaad Aboon laftiisii, balse ciidankiisii ma wada jabin oo ma kala firdhan. Iyadoo ay sidii xaaladdu tahay ayaa Xabashidii dagaal soo qaadeen, sidii caadada u ahaydna waxay dhaceen hantidii umadda. Axmed iyo dhalinyardii kale ee ka soo hadhay ciidankii Garaad Aboon ayaa duullaan ka daba qaaday, kadibna waxay ka soo dhiciyeen hantidii ay muslimiinta ka qaateen, waana ay ka soo guulaysteen. Sida uu Carab Faqiih ku sheegayoโ€” buugga Futuux Al-Xabasha, duulaankaasi waxa uu ahaa kii ugu danbeeyay ee Xabashi ku soo qaado dhulkii islaamka.

Markay intaasi dhacday, ayuun hal mar dadkii yididiilo iyo dhiirani gashay waxaana ay ogaadeen in waa cusubi u baryay umaddii muslimiinta ahayd. Axmed Guray iyo ciidankii kalee la socdayna waa la maamuusay. Suldaan Abuubakarkii meesha ka talinayey wuxuu u qaatay inay nimankan yari yari ku socdaan xilkiisa. Waxaanu ku soo qaaday dagaal, uu ugu danbayntii isaga lafatiisii (Suldaan abuubakar) ku dhintay.

Guud ahaan intii uu noolaa Imaam Axmed Guray waxa uu dhulka Xabashida ku qaaday todoba duullaan oo kala duwan. Todobadaas duullaan mid walba waxa uu ku sii fogaanayay dhulka buuralayda ah ee Xabashida iyo Tigrayga. Ugu danbayn isagoo gacanta ku hayya saddex meelood laba meelood itoobiyada maanta, ayuu Xabashida u soo gurmaday Christopher Da Gama, oo ahaa wiil uu dhalay sahamiyihii waynaa ee reer Boortaqiis Vasco Da Gama.

Keynaan Heybe

31 Oct, 11:27


SIDEE UGU NOOLAAN KARTAA NOLOSHA UGU FIICAN ?

Waxaa haboon inaad raacdo qodoban soo socda oo kuu suurta gelinaya inaad gaadho nolol horumar leh.

1. DIB HA U DHIGIN WAXAAD SAMEYN RABTO: Waxaa lagu talinayaa in wax walba oo aad damacsan tahay aad islamarkaas ku dhaqaaqdo. Ku soco safarka aad rabto inaad aaddo, la kulan saaxiibka aad la haasaawi rabto, billow hiwaayado cusub. Ma jiro waqti si sax ah ugu habboon in waxyaabahaas la sameeyo. Ku raaxayso waqtiga aad markaas ku jirto.

Mar walba kuma qasbanid in aad yeelatid qorshyeaal cayiman oo noloshaada ku saabsan, balse safar walba waxa uu u qalmaa nolol. Diyaar u ahow khibrad cusub.

2. HA ISKU DAYIN INAAD BEDESHO WAX TAGEY: Qaar ka tirsan go'aannada aan qaadanno waxa ay ku saabsan yihiin in aan isku dayno sidii aan u beddeli lahayn wax aan kasoo gudubnay.

Haddii aad kusoo kortay qoys ay haysteen dhibaatooyin dhaqaale, waxaa laga yaabaa inaad mudnaanta siiso sidii aad lacag ugu heli lahayd noloshaada.

Haddii aad kusoo kortay qoys jacayl badan ku siiyay, waxaa suuragal ah inaad mar walba raadiso jacayl. Balse xasuusnow inaysan suurtagal ahayn inaad baddasho wixii lasoo dhaafay. Waxa keliya ee aan samayn karno waa inaan si buuxda u wajahno nolosha na hor taalla.

3. NAFTAADA HA KU XADIDIN WAQTI: Bulshadeenna waxay raadinayaan in ay xal deg deg ah u helaan dhibaatada haysata qof walba. Waxaan samaysannaa ujeeddooyin, sida inaan ku haminno in aan 10 kiilo oo miisaankeenna ah ku ridno hal bil gudaheed. Ama inaan qorshaysanno sidii aan 5 kiiloomitir ugu ordi lahayn lix isbuuc.

Xaqiiqdii, waxyaabahaas waxaa ka xiiso badan sida aan yoolkeenna u gaarno marka aan qaadanno waqtigaas mid ka dheer.

4. ISKU DAY WAXYAABO CUSUB: Way sahlan tahay in mararka qaar ay waddada kaasoo xiranto. Isku day inaad isbaddal samayso, sida goobta asxaabta aqoonta iyo waxyaabaha aad samayso. La kulan dad cusub. Haddii aadan sidan samayn, adduunka wuu kugu soo koobmayaa.

Keynaan Heybe

17 Oct, 09:29


SIDEE LOO HELAA FARXADA NOLOSHA?

Qof kastaaba waxa uu jecel yahay inuu farxad ku noolaado balse dadka badankoodu ma gaadhaan farxadda ay rabaan. Sababta dadka badankoodu aanay u gaadhin farxadda waa igagoo aan faham fiican ka haysan dareennadooda, sidoo kale aan si buuxda u fahamsanayn waxay farxaddu tahay.
Hadaba halkaan waxaan idin kugu soo bandhigi doonaa tallaabooyin kaa caawin doonaa inaad farxadd ku noolaato, isla markaana aad joogteyso farxadaada.


1. Ku xidhnowa ALLE: Guusha iyo farxadda waxaa sees u Allah SW oo raalli kaa noqda, tuko oo badi salaadaha, bixi sadaqada, ku salli Nabi Muxammed CSW isagaa ah hoggaamiyihii guusha.
2. Ku dedaal sidaad u gaadhi lahayd waxaad aad rabto: Qof kasta oo inaga mid ah waxa uu leeyahay baahiyo aanu weli ku guulaysan. Dad qaar waxay rabaan jaceyl, qaarna waxay rabaan lacag iyo caannimo. Haddii aad fahantid waxaad rabto ku dhaqaaq oo ka shaqee sidaad u gaadhi lahayd. Waxaa hubaal inaad ku farxi doonto noloshaada.

3. Xali dhibaatooyinka aanad xalin:
Sababta koobaad ee dad ka hor istaagta inay ku noolaadaan nolol farxad lihii waa dhibaatooyinkooda aanay xalin, midkastoo inagga mid ah waxa uu leeyaahy dhibaatooyin aanu xalin, sida ugu dhaqsaha badan ee lagu helo farxad waa inaad ka shaqeyso dhibaatooyinkaaga sida ugu dhakhsaha badan. Tan macnaheedu ma ahan inaad xal u wada hesho dhamaan dhibaatooyinkaaga si aad u hesho farxadda balse isla marka aad ka shaqeyso xalintooda waxaad dareemi doontaa farxad aad u sarreysa.

4. Seexo hurdo kugu filan: Haddii aanad seexan hurdo kugu filan waxaad dareemi doontaa cadho iyo farxad la'aan, xattaa iyadoo wax kastoo noloshaada ahi si fiican kuugu socdaan. Seexo hurdo kugu filan habeen kasta waxaad ogaan doontaa in heerka farxadaadu aad u kordhay.

5. Ha badsan isticmaalka baraha bulshada: isticmaalka badan ee baraha bulshada waxay qofka ku keentaa caajis iyo wax qabad la'aan. Yaree isticmaalka baraha bulshada una gal ujeedo kana bax marka aad ka gaadho ujeedaada.

6. Ka fogow dadka negative ka ah:
Dareennadu waxay dadka ugu kala gudbaan si dhakhso ah, haddii aad maalin la qaadato dad welwelsan oo niyadjabsan , waxaa aad u suurtagal inuu welwelkaas iyo niyadjabkaa uu kugu beermi doono. Ka fogow dadka negative-ka haday kuu suurtagal kuu tahay.

Keynaan Heybe

06 Oct, 11:20


Dhacdadii muqdisho ka dhacday ka dib, qaabkii uu uga jawaabay Maraykanku waa isku mid dhamaan saddexdan xaaladood ee ka danbeeyay. Ka dib xasuuqyadan maamulka Maraykanku waxa keli ah oo uu bixiyay qaab taageero magac u yaal ah. Ruwaandha taageeradiisu waxay ahayd 270 askari oo kaliya. Boosniya taageeradiisu waxay ahayd ciidamo ku sugnaa meel ka baxsan meesha ay dhibaatadu ka dhacaysay iyo taageerada hawada ee uu siinayay UN-ka. Daarfuur xaaladdu waxay si cad u qeexaysay in uu jiro xasuuq, balse maraykanku wax tallaabo ah kama qaadin.
Dagaalkii muqdisho ka dib, maraykanku waxa uu dejiyay qaab cusub marka uu la tacaalayo dhacdooyinka caalamiga ah, wixii ka danbeeyay dagalki muqdishana,Mareykanku kuma degdegin dhacdo kale sida uu marki Hore isaga dhigi jiray Booliska ama Nabad_sugaha aduunka.

Keynaan Heybe

06 Oct, 11:20


[Hawlgalkii rajo soo celinta iyo saamayntii uu ku yeeshay siyaadadda arimaha dibadda ee maraykanka] waa qoraal uu ka qoray Philip B. Doston dhacdooyinkii muqdisho ka dhacayay sanad uun ka dib qaran-jabkii.
Marka laga yimaado hordhaca iyo Lifaaqyada, guud ahaan buugga wuxuu qoraagu u qaybinayaa shantan cutub:-

1. SOOMAALIYA.

Ka dib dhiciddii janaraal Siyaad Barre 1991-kii, hoggaamiye kooxeedyadii dalka qabsaday oo uu kamid ahaa MF Caydiid ayaa bilaabay inay ku tartamaan awooda dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho, ugu danbayntiina waxa qabsaday awooddii Muqdisho MF Caydiid oo ka awood batay kooxihii kale.
Waxay bilaabeen maleeshiyadii Caydiid inay qabsadaan koontiinaradii cuntada ee Qaramada Midoobay, isla markaana raydkii magaalada ku noola ayey ku qasbeen inay dhinacooda raacaan. Sida lagu sheegay qormo lagu qoray joornaalka "Air Power History" 300,000 oo soomaali ah ayaa u dhimatay macaluul. Tan ayaana sababtay in maraykanku go'aansado inuu ciidamada gaarka ah ee TFR ( Task Force Ranger) u diro Soomaaliya, dirista ciidmadani waxay qayb ka ahayd halgalkii Qaramada midoobay hogaaminaysay ee UNISOM.
Xoogagga TFR oo ahaa isku jir dhawr ciidan oo kala duwan, ayaa bilaabay hawlgal ay ku soo qabanayaan laba kamida saraakiishii ugu saraysay ee USC. Labada sarkaal oo ku kulmayay 3 October 3:00pm Olympic Hotel oo ku yaallay badhtanka suuq Bakaaraha ayuu bartilmaameedku ahaa.
Ciidamada maraykanka oo hawlgalkan ugu talogalsanaa inuu ku dhamaado muddo yar oo saacad ah, ayuu wuxuu ku noqday in kabadan 15 saacadood.
Ugu danbayn tani waxay sababtay in 18 askari oo maraykana lagu dilo, maydkoodiina la jiido jidadka magaalada. Waxay layaab iyo amakaag ku noqotay dhamaan bulsho wayntii caalamka in maraykanka dhibaatada intaa leegi soo gaadho. Markaas ayuu maraykanku go'aansaday inuu ciidamadiisa kala baxo Soomaaliya.
Dhacdadan waxay sababtay in maraykanku dib u fiiriyo kaalintii uu ku lahaa, nabadaynta iyo xasiloonida guud ee caalamka.

2. RUWAANDHA.

7 April 1994-kii Ruwaandha waxa ka bilaabmay xasuuq lagu gumaaday in ka badan 800,000 oo qof. Xasuuqa waxa gaystay qoomiyada Huutuuga oo lahaa aqlabiyadda wadanka iyo saraakiil ka tirsan dawlada oo taageerayay maleeshiyaadka Interahamwe iyo Impusamugambi.
Qaramada midoobay iyo dalal ay kamid yihiin ingiriiska iyo maraykanku ayaa lagu eedeeyay waxqabad la'aan ka dhan xasuuqan iyo inaanay soo fara gashan intuu xasuuqu socday.
Qorshihii PDD-5 waxa uu ku yimid natiijada dhacdadii ka dhacday soomaaliya, warbixino badana waxa lagu sheegay, in dagaalkii ka dhacay muqdisho uu beddelay natiijadii farogelinta Ruwaandha.

3. BOOSNIYA.

Xoogagga Seerbiyiinta Boosniya oo taageero ka helaya ciidamada Yuguslaafiya ayaa 1995-kii bartilmaameedsaday Raydka Boosniyaanka iyo kuraweeshiya, taasi oo sababtay dhimashada 100,000 oo qof. Kuwaasi oo 80% ay yihiin Boosniyaan.
Qaramada midoobay waa ay diiday inay soo farageliso arinta Boosniya. Waxa waajib ahayd in ciidamada nabad ilaalinta caalamiga ahi ay hub ka dhigis ku sameeyaan labada dhinac. Boosniya waxay lamid noqotay Ruwaandha. Maraykankuna wuxuu u arkay inaanay nabada iyo siyaasadda guud ee caalamka waxba u dhimayn sidaa darteed ayey waxay ku dhaqmeen Qorshihii PDD-25, ee la soo saaray dagaalkii muqdisho ka dib.

4. DAARFUUR.

Soomaaliya waxay saamayn ku yeelatay hawlgal saddexaad oo bila'aadantinimo labaatankaas sano gudohood. Horaantii 2003-dii ayuu bilaabmay dagaalka Gobolka Daarfuur ee Suudaan, ka dib markii jabhaddii xoreynta Suudaan (SLM) iyo jabhadda mucaaradka ee cadaaladda iyo sinnaanta (JEM) ay bilaabeen inay la dagaallamaan dawladda Suudaan, oo ay ku eedeeyeen inay cabudhinayso dadka Daarfuur ee aan carabta ahayn.
Dawladu waxay kaga jawaabtay weeraro ay ku qaaday jabhadahan iyo waliba dadkii raydka ahaa ee Daarfuur iyadoo la dilay boqolaal kun oo qof.
Colaadihii ka dhacay Ruwaandha iyo Boosniya labaduba waxay dhamaadeen iyadoonu maraykanku kaalin muuqata ka qaadan, sidoo kale sida ku cad dhukumintiga shardiga aasaasiga ah ee faro galinta goob waxa uu PDD-25 muujinayaa in maraykanka ay ka mamnuuc ahayd farogelinta Daarfuur.

5. GUNAANAD.

Keynaan Heybe

04 Oct, 09:22


Bisadda Towser, oo noolayd 1963 ilaa 1987, waxay haystaa rikoorka adduunka ee ugaadhsiga jiirka, ama Dooliga' waxayna ugaadhsatay 28,899 xabbo oo jiir, ama Dooli ah.
Xirfaddaasi heerka sarraysaa waxay dhaxalsiisay in taallo looga sameeyo dalka Scotland.

Keynaan Heybe

03 Oct, 17:44


CUMAR MUKHTAAR

"Waligeyn is dhiibi mayno, waannu guulaysan doonnaa ama waannu dhiman doonnaa"

Qaybihii danbe ee qarnigii 19 aad, waxay ahayd markii uu dhulka qaarada afrika badankiisa qabsaday gumaystaha reer yurub. Qabsashadaasi waxay sababtay in qolo waliba wixii awoodooda ah isaga caabiso ciddii dhulkooda qabsatay, sidaa awgeed ayey qaarada afrika ka soo baxeen hoogaamiyayaal gobanimo doon ah, oo markii danbena taariikhda wadamadooda baal dahab ah ka galay. Kuwaas buu Cumar Mukhtaar ( Libaaxii Saxaraha) kamid ahaa.

Cumar Mukhtaar wuxuu ku dhashay 20 August 1858 magaalo xeebeed yar oo la yidhaahdo Zanzur, oo ku taalla berriga Liibiya, dhinacana ku haysa xuduudka Masar.

Aabihii Mukhtaar isagoo xajka ku sii socda ayuu dhintay. Waxaanu Cumar ku soo barbaaray agoonimo. Yaraantiisii waxa gacanta ku soo hayay oo noloshiisa kafaalo qaaday, Sheekh Xuseen Al Qaryaani. Sheekh Xuseen wuxuu ahaa sheekhul baladkii magaalada, Mukhtaar baana kula dardaarmay inuu Cumar koriyo isaga dabadii. Isla meeshaas uu ku koray ayaanu madarasadda qur'aanka ka bilaabay.

Halganka Cumar Mukhtaar wuxuu ku bilaabmay weerarkii talyaanigu ku soo qaaday Cusmaaniyiintii xukumayay liibiya dabayaaqadii 1911kii. Dagaalkaas oo sannad socday waxa markii danbe guushu ku raacday Talyaaniga oo qabsaday inta badan dhulka bariga Liibiya, oo ah meesha ay ku taallay magaalada uu ku noolaa Cumar Mukhtaar.

Cumar markii dhulkiisa Talyaanigu qabsaday, wuxuu abaabulay koox yar oo fardoolay ah, isla markaana adeegsata weerarada ku dhufoo ka dhaqaaqda. Awoodooda ugu wayni waxay ahayd in weeraro gaadmo ah ka fuliyaan goobaha ay marayaan ciidamada talyaanigu iyo sidoo kale inay dhulka ugu aasaan Miinooyin, si uu u kala go'o isku xidhka ciidamada talyaanigu. Taageerada ugu badanna waxay ka heli jireen Masar.

22 sano oo uu dagaal naf hur ah kula jiray gumaystaha talyaaniga ka dib, bishii september ee 1931kii ayey talyaanigu qabteen isagoo dhaawac ah. Waxa la soo qabtay isagoo dagaalamaya oo wali diidan in gumaystuhu dhulka liibiya ku dul xaragoodo. Maxkamadii ciidanka ee talyaaniga ayaa galabnimadii 15 september ku xukuntay Daldalaad. Subaxdii ku xigtay ee 16 bishana waxa lagu fuliyay xukunkii. Red

Keynaan Heybe

03 Oct, 05:53


1. IBNU KHALDUUM

Ibnu Khalduum wuxuu ahaa carab andaluusi ah, asal ahaanna Xadrami ahaa, halka ay culimada taariikhda qaarkoodna qabaan inuu Amaasiiqi ahaa. Bishii Ramadaan ee1331 miilaadiga ayuu ku dhashay magaalada Tuunis ee caasimadda u ah wadanka Tuuniisiya. Wuxuu dhashay iyadoo faafintaanka cilmiga meeshii ugu saraysay marayo magaalada Tuunis.

Isagoo yar buu Qur'aanka xifdiyay, markuu da'da labaatan sano gaadhayna wuxuu shaqaale ka noqday maxkamadda Tuunis. Saddex sanno ka dibna wuxuu xoghayye u noqday suldaankii marooko ee deganaa magalaada Faas. Markii uu labo sano la shaqaynayay ayuu suldaankii uga shakiyay Ibnu Khalduum inuu abaabulayo koox xukunka ka tuurta. Markaasaa xabsi loo taxaabay uu ku jiray laba sano.

1358kii ayuu dhintay Suldaankii, kadib ayaa Ibnu khalduum dawladdii cusbayd ee meesha qabsatay xabsiga ka sii daysay. Kadib wuxuu go'aansaday inuu isaga tago Marooko, isagoo u jihaystay xaggaas iyo dhulkii Andalus gaar ahaan magaalada Garnaada(Granada), oo maanta ku taalla koonfurta Dalka Isbayn.

Muddo ka dib ayuu ku soo noqday afrika, waxaanu yimi magaalada Bijaaya ee wadanka Al jeeriya. Bijaaya wuxuu kula kulmay Abuu Cabdallah nin layidhaahdo oo ay Xabsigii magaalada Faas ku wada jireen, oo magaaladan ka taliya. Si heer sare ah buu Abuu Cabdallah u soo dhaweeyay, inyar ka dibna wuxuu ka dhigtay Raysal wasaare. Markii uu muddo joogay halkaas wuxuu dib ugu laabtay magaaladii Faas.

1382kii ayuu magaalada Al iskaandariya ee Masar tagay, isagoo da'diisu tahay 50 jir. Inyar markii joogayna wuxuu u wareegay dhinaca Qaahira, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen culimadii iyo ardaydii magaaladu. Intii uu qaahira joogay wuxuu la kulmay Suldaan Barquuq, oo ahaa ninkii xukumayay Mamaaliikta Badda. Laba shaqo ayuu markiiba u dhiibay Ibnu Khalduum, inuu ardayda u dhigo Fiqiga Maalikiyada iyo inuu noqdo qaaddi kamid ah qaadiyada dawladda. Waana meesha uu kula baxay naanaysta [ Waliyyu Diin].

Ibnu khalduuum intuu noolaa waxqabadkiisa ugu wayn, ee illaa maantana lagu xasuusto waxa weeye Kitaabkiisa Muqaddamada ah [Muqaddamatu Ibnu Khalduum]. Kitaabkan oo inta badan ka hadlaya taariikhda, Siyaasadda, juquraafiga iyo arimaha bulshada, wuxuu daabacay 1377 miilaadiga.

Waliyyu Diin Cabdiraxmaan Binu Maxamed [IBNU KHALDUUM], wuxuu noloshiisa inteedii danbe ku qaatay, dhigista culuumta kala duwan. Waxaana uu isaga tagay shaqadiisii ahayd qaadinimada. Ugu danbayn Isagoo 74 sano jira ayuu 1405 miilaadiga ku dhintay magaalada Qaahira, isla meeshaas baana lagu aasay.

Keynaan Heybe

02 Oct, 17:22


Qof yar oo weyn !!

Noqo qof yar oo weyn ? Akhri Taariikhda waxa aad wax ka ogaaneysaa waxyaabo qarniyo ka hor dhacay markaa waxa aad tahay qof wax badan og sida waayeelki.

Akhri Buugaag ku saabsan taariikhda: Buugaagta taariikhda waxaad ka
ogaaneeysa waxyaabo badan sidookale buugaagta taariikhda waxeey kugu dhiiri
galinayaan inaad wax badan akhriso waayo buugaagta waxeey ka kooban yihiin safxado
badan.

#learnwithkeynaanheybe

3,499

subscribers

5

photos

0

videos