فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴 @falstiinsomaali Channel on Telegram

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

@falstiinsomaali


Ku so dhowow channelkaan waxad ka heleysaa dhacdooyinki udanbeyay e falastiin.👏🏻

فلسطين+الصومال (Somali)

Ku soo dhawow channelkaan falstiinsomaali! Halkan waxaad ka heli kartaan dhacdooyin u dhanbeeyay ee falastiin oo kala duwan. Channel-kaani wuxuu ka mid yahay qalabka Telegram ee aan lagu daabicinayo falastiin iyo soomaaliya. Halkan waxaad ku heli kartaan wararka ugu dhow, dhacdooyinka siyaasadda, iyo waxyaabo kale oo dheeraad ah oo ku saabsan labada dal. Sidaa darteed, ha daawado channel-kaan haddii aad rabto inaad ka heli karto wararka ugu dhow ee falastiin iyo soomaaliya!

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

14 Sep, 16:00


Asc walaalyaal ka raali noqda inta aan warkii halkaan kuso baahin jiray aan Kala jaray arimo igu yimi darteed waxan idin Wadaa Page Facebook ah o wiil leyahay wararkana uu marwlba so gasho kalana socon kartan wararkii udambeyay ee bariga dhexe


https://www.facebook.com/IimanJaama?mibextid=LQQJ4d

Link ku dhafo Mahadsanidiin

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

03 Sep, 19:06


Iran ayaa dil toogasho ku fulisay 45 qof bishii la soo dhaafay ee Agoosto, sida lagu sheegay warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay oo sidoo kale lagu soo bandhigay tirada dadka ay Tehran dilka toogasho ku fulisay sannadkan 2024 inay kor u dhaaftay 400 oo qof.

Fiiro gaar ah;

Iran , waxaa ka horreeya kaliya Shiinaha , marka laga hadlayo tirada dilalka toogasho dunidda oo dhan,iyadoo inta badan dadkan la toogtay lagu eedeyay inay hay’addo shisheeye ama daroogada ka ganacsan jireen.

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

03 Sep, 19:06


Xuutiyiinta Yemen ayaan illaa hadda sheegin warka la xiriira inay weerarreen markab uu Sacuudiga leeyahay , iyadoo waxyar ka hor ciidanka Mareykanka ee ku sugan badda cas ay sheegeen Xuutiyiinta inay shalay weerar la beegsadeen markabka shidaalka qaada ee Sacuudiga oo lagu magaaco Amjad oo uu ka babanayay calanka boqortootadda Sacuudiga , wuxuuna siday ilaa labo milyan oo fuusto oo saliid cayrin ah.

Warsaxaafadeed uu baahiyay taliska dhexe ee Mareykanka , ayaa lagu sheegay markabka Sacuudiga iyo markab kale oo oo sitay calanka Panama ee Blue Lagoon I inay la kulmeen weerarrada Xuutiyiinta oo loo adeegsaday gantaallo ballistic-ga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, balse waxay sii wateen safarkooda lamana sheegin heerka uu gaarsiisan yahay khasaaraha weerarran ay gaarsiiyeen labada markab.

Fiiro gaar ah;

Afhayeenka Xuutiyiinta, Yaxye Sariic ayaa shir jaraa’id oo xalay uu qabtay aan marna sheegin inay weerarreen markabka Sacuudiga , sidoo kale wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay inay la xiriirtay milkiilaha markabka shidaalka ee Sacuudiga ee Amjad iyo sidoo kale kooxda maraakiibta qaranka Sucuudiga ee Bahri, kama aysan jawaabin wararka la xiriira in markabka Amjad uu weerar kala kulmay Xuutiyiinta oo taa beddelkeeda sheegtay inay weerarreen markabka Blue Lagoon I oo isagana siday labo milyan oo fuusto oo saliid cayriin ah.

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

02 Sep, 20:24


Ingiriiska ayaa ku dhawaaqay inay joojiyeen qayb ahaan hubkii ay u dhoofin jireen Israa’iil.

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

02 Sep, 20:23


Sawir ay baahiyeen guutooyinka hubaysan Xamaas ee Al Qassam, kaaso soo muujiyay xubnahooda ilaalinaya maxaabiista oo bastoolad gacanta ku heysta kuna sii socda maxbuuska, waxaana lagu soo qoray ; Cadaadis ciidan, natiijada ka dhalanaysa waa dhimasho iyo guul-darro, heshiis isdhaafsi , wuxuu la macno yahay xorriyad iyo nolal.

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

02 Sep, 20:22


DEG DEG: Xamaas ayaa ku dhawaaqday awaamiir cusub oo la siiyay xubnaha ilaalinaya maxaabiista Israa’iil ee lagu hayo gododka Qasa, hadda waxay si buuxda amar ugu qabaan inay dili karaan maxaabiista , mar kasta oo ay iskudayaan ciidanka Israa’iil inay xoog ku soo furtaan.

Hadal ka soo baxay afhayeenka garabka hubaysan ee Xamaas, Cubayda oo ay baahisay Al Jazeera ayaa lagu sheegay ; “Ku adkaysiga Netanyahu ee ah in maxaabiista lagu sii daayo cadaadis militari - halkii ay heshiis ka gaari lahaayeen - waxay la macno tahay in lagu celin doono qoysaskooda iyagoo naxash ku jira.”

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

01 Sep, 07:38


Xamaas oo warsaxaafadeed ka soo baxay uga hadashay 6 maxbuus ee saakay meydadkooda laga helay Rafah; “Waxaa mas'uul ka ah dhimashada maxaabiista waa qabsashada ku adkaysanaysa sii wadida dagaalka xasuuqa iyo maamulka Maraykanka sababtoo ah taageerada gardarrada.
Maxaabiista waxaa lagu dilay duqeynta Sahyuniyadda, Madaxweyne Biden, haddii uu daneynayo noloshooda waa inuu joojiyo taageerada uu u hayo cadowga, waxaan ka aqbalnay soo jeedintiisa iyo qaraarkii Golaha Ammaanka ,laakin Netanyahu ayaa diidday.”

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

01 Sep, 07:38


Iran ayaa sheegtay inay jirto khatar amni oo gudaha ah , iyagoo ku eedeyay inay Israa’iil gudaha Iran ka abaabulayso kooxo khal-khal gelinaya amniga.

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

01 Sep, 07:37


Xamaas ayaa dishay 6 ka mid ah maxaabiista ay hayeen ka hor inta aysan ciidanka Israa’iil gaarin goobtii lagu hayo , sida u sheegay afhayeenka ciidanka Israa’iil, Daniel Hagari.

6 maxbuus ayaa meydadkooda laga soo saaray god ku yaalla Rafah, mid ka mid ah ayaa ah Israa’iili- Mareykan ah. Warkan markii uu soo baxay Madaxweynaha Mareykanka, Biden ayaa goor dhow sheegay inay ku bixinayaan dadaalkooda sidii heshiis loo gaari lahaa, si loo badbaadiyo maxaabiista.

Fiiro gaar ah;

Guddiga qoysaska maxaabiista Israa’iil ayaa mas’uuliyada dhimashada maxaabiistan dusha u saaray Netanyahu oo ay ku sheegeen inay arrintan u dhacday diidmadiisa heshiis xabbad-joojin ah.

Ma jiro Xamaas, wali hadal ka soo baxay oo la xiriirka maxaabiista meydadkooda la helay.

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

01 Sep, 07:37


3 askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay weerar toogasho ah oo ka dhacay bar-kontorool oo ay ciidanka Israa’iil ku sugnaayeen oo ku taalla Tarqumiyah oo ka tirsan Daanta Galbeed ee la heysto.

Fiiro gaar ah;

Weerarrada ka dhacaya Daanta Galbeed ayaa sare maray, iyadoo maalintii shanaad uu socdo duulaanka Israa’iil ee Daanta Galbeed.

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

01 Sep, 07:37


Israa’iil ayaa joojin doonto 8 saac duqeymaha iyo weerarrada ay ka geysato Qasa saddex maalin oo maanta ka billaabanaysa, si la mid ah Xamaas ayaan saacadahaa wax weerar ah qaadi doonin, sababo la xiriira in kooxaha caafimaadka ay gaarsiiyaan carruurta Qasa tallaalka cudurka dabaysha, iyadoo la filayo in ka badan 640,000 carruur reer Qasa ah in tallaalka lagu gaarsiiyo saacadahaa oo ka billaabanaysa 6 subaxnimo illaa 3 galabnimo goobo kala duwan oo Qasa ah , muddada saddexda maalin ah ee weerarrada la hakiyay, sida ay sheegeen saraakiisha hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

31 Aug, 15:47


40,000 oo qof ayaa ku tukaday shalay salaadda Jimcaha Masjidka barakeysan ee Al-Aqsa, sida ay sheegtay waaxda Awqaafta Islaamka ee Qudus.

Fiiro gaar ah;

Kooxaha midigta ee YH ayaa si weyn ugu dagaallamaya inay hoos u dhigaan Falastiiniyiinta galaya masjidka Al Aqsa , iyadoo sidoo kale duulaan ballaaran uu ka socdo qeybta bari ee Qudus, halkaa oo olole ballaaran oo Falastiiniyiinta ay hubka ku qaadanayaan uu ka socdo.

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

31 Aug, 15:46


Israa’iil ayaa sheegtay inay u arkayaan Khalid Mashal oo ka mid ah hoggaanka sare ee Xamaas khatar weyn oo ku soo socota , iyadoo Wasiirka Arrimaha dibadda Israa’iil uu maanta sheegay inay goob kasta ku beegsan doonaan, sababo la xiriira inuu Mashal ku baaqay weerarro ismiidaamin ah inay Falastiiniyiinta la beegsadaan ciidanka Israa’iil ,gudaha Israa’iil iyo hantidooda.

Wasiirka Arrimaha dibadda Israa’iil, Yisrael Katz waxaa kalo uu ku celceliyay si dhaqso ah inay u fulin doonaan iskudaygooda dilka Mashal, kaasoo hadda ku sugan Turkiga.

Fiiro gaar ah;

Xamaas ayaa horey fatwa ku joojisay in weerarro ismiidaamin ah la fuliya, hadda Mashal ayaa dib usoo celiyay oo hadal uu baahiyay ku baaqay inay Falastiiniyiinta dhulka la heysto ka fuliyaan weerarro ismiidaamin ah.

Cadaadiska ayaa hadda sare maray Falastiiniyiinta, iyadoo si aan kal sooc lahayn ay Israa’iil ugu beegsanayso Qasa illaa Daanta Galbeed ee la heysto, ficilada xun ee ciidanka gumeystaha ayaa sidoo kale kor u qaaday carada Falastiiniyiinta, waxaana loo arkaa Falastiiniyiinta haddii ay dib usoo celiyaan weerarrada is qarxinta ah inay dhinaca kale u rogi karto dagaalka 11 bilood socda.

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

31 Aug, 15:45


Kooxaha Falastiiniyiinta ee ka dagaallamaya Daanta Galbeed ee la heysto oo duulaanka Israa’iil ee halkaa ay ka wado uu galay maalintii afaraad ayaa lagu arkay inay ku dagaallamayaan hub ka casrisan kan iska caabinta Qasa , oo ay ku jiraan gantaallada garabka laga tuuro iyo walxaha qarxa, iyadoo Israa’iil ay bilowday Iran inay ku eedeyso inay hub soo gelisay Daanta Galbeed.

Fiiro gaar ah;

Iska horimaadyada tooska ah iyo weerarrada ay qaadayaan iska caabinta Daanta Galbeed oo ay ku jiraan baabuur lagu xiray waxyaabaha qarxa ayaa muujinaya in Daanta Galbeed ay geli karto dagaal dheer oo sii socon kara haddii ay xataa Israa’iil iskudaydo inay joojiso duulaankeeda.

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

30 Aug, 15:49


Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa oggolaatay in gurmad loo fidiyo markab wada saliid ceyriin oo ku gubanaya Badda Cas ee MV Sounion , kaddib weerarkii ay Xuutiyiinta markabkaa la eegteen , arrintan ayaa la sheegay in looga danleeyahay in laga hortago masiibo deegaan oo ka dhalan karta markabkaa haddii saliidda uu sido ay ku wada daadato badda, howlgalka Qaramada Midoobay ee Iran ayaa warkan ku dhawaaqay.

Afhayeenka Xuutiyiinta Yemen, Mohammed Abdulsalam ayaa dhankiisa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, in aysan jirin wax xabbad-joojin ah, balse ay kaliya kooxdu ogolaatay jiidista markabka Sounion, kaddib markii dalal badan oo caalamka ah ay kooxda lasoo xiriiray ay taasi codsadeen.

Fiiro gaar ah;

Goobta u horreysa ee saameynta uu markabkan ku yeelanayo haddii ay daadato saliidda uu sido ayaa ah dhulka Yemen , taaso u muuqata inay tahay habka lagu qanciyay Xuutiyiinta si markabkan looga hortago inuu saliidda wadda daadiyo, hadda maraakiib iyo doonyo ayaa la filaya inay tagaan goobta uu ku suganyahay markabkan oo dabkii ka dhashay weerarka Xuutiyiinta uu wali ka shidanyahay qeybta sare ee markabka.

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

30 Aug, 15:48


Ciraaq ayaa soo ridday diyaarad aan duuliye lahayn oo laga leeyahay dalka Turkiga, taasoo ku dhacday magaalada Kirkuk.

Ciraaq waxa ay sheegtay in diyaarada aan duuliyaha lahayn ay dul heehaabaysay saldhigyada ammaanka. Turkigu kuma faraxsana qaabka maamulka ee Kirkuk, waxayna arrintan sidoo kale ku soo aaday xilli ay labada dal heshiis iskaashi difaac ay wada gaareen bishii hore.

Fiiro gaar ah;

Diyaaradda ay soo riday Ciraaq , ma aha nooca ay soo saarto shirkadda Bayraktar.

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

30 Aug, 15:48


Xamaas ayaa tobannaan weerar maanta ka fulisay Daanta Galbeed ee la heysto, halkaa oo Israa’iil duulaan ballaaran ay ku qaaday,iyadoo weerarradan ay isugu jireen baabuur qarax lagu xiray iyo iska horimaadyo toos oo ay weheliyeen qaraxyada dhulka la geliyo.

Fiiro gaar ah;

Daanta Galbeed ee Falastiiniyiinta ayaa hadda isku beddeshay aag ay isku ballaariyeen dhaqdhaqaaqyada Falastiiniyiinta Qasa, maamulkii Cabbaas ayaa si dhaqso ah u muuqda inuu lumiyay gacan ku heynta Daanta Galbeed oo dhallinyarada Falastiiniyiinta ay isku hubeeyeen si ay isaga caabiyaan ciidanka Israa’iil ee duulaanka ku soo qaaday. Dalalka Yurub iyo Carabta ayaa sheegay inay arkayaan khatarta oo ku socota meel aan laga soo celin karin iyo dagaalka oo gaara gobolka, iyagoo Israa’iil ugu baaqay si dhaqso ah inay duulaankan u joojiso.

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

30 Aug, 15:47


Daanta Galbeed ee la heysto , waxaa ka dhashay marxalad cusub oo dagaal, iyadoo dhallinyarada Falastiiniyiinta ay billaabeen inay ku biiraan dhaqdhaqaaqyada hubeysan. Guutooyinka Qasaam oo ay ku biirayaan dhallinyarada ugu badan ee Daanta Galbeed ayaa baahiyay farriin ay ku sheegeen ; ““Annagoo ka mid ah Qasaam waxaan u ballanqaadayna Rabbigeenna, kaddibna dadkeenna iyo dhammaan dadka xorta ah inan ku sii tagnaan doono Jihaadka iyo halganka inta laga gaarayo guul iyo xornimo.”

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

30 Aug, 15:47


20 Askari oo ka tirsan ciidanka Israa’iil ayaa diidday inay dib ugu laabtaan dagaalka Qasa , sababo la xiriira xaaladda ay kala kulmayaan Qasa , balse Israa’iil ayaa ku qasbaysa inay dagaalka dib ugu laabtaan maxkamad militari ayaana ku wargelisay inay waji doonaan maxkamad haddii aysan amarka u hoggaansamin oo aysan dagaalka dib ugu laaban. Si la mid ah qoysaska Israa’iil ayaa hadda u arka in la joogo waqti ay carruurtooda ka caawin lahaayeen inaysan dib dagaalka u gelin , sababtoo ah nidaamka Netanyahu wax dan ah kama leh nolashooda, sidaa waxaa ku warrantay warbaahinta Israa’iil ee Kan.

Fiiro gaar ah;

Xaaladda ka jirta gudaha Qasa iyo iska caabinta ay la kulmayaan ciidanka Israa’iil ayaa ku dhalisay askarta Israa’iil inay ka fogaadaan gudaha Qasa, qaar ayaa xaaladan isku dilay, kuwa kalana maskax ahaan ayay u xannuusadeen oo sas iyo jahwareer ayaa ku dhacay , halka askari kasta oo Qasa ka baxa uu isku howlayo inuusan dib ugu soo laaban.

فلسطين+الصومال 🇵🇸❤️🇸🇴

30 Aug, 15:47


Ciidanka Israa’iil ayaa isaga baxay deegaanno ka tirsan Khan Yunis ee koonfurta Qasa, halkaa oo ay howlgallo ka wadeen 22 maalmood ee u dambeysay , sidaa si la mid ahna ay la kulmayeen weerarro uga imaanayay iska caabinta Qasa.

Fiiro gaar ah;

Israa’iil ayaa u aqoonsatay bishan Agoosto, bishii ugu naxariista darneyd oo askar badan looga dilay gudaha Qasa, sababo la xiriira isbeddelada istiraatijiyadeed ee iska caabinta ay howlgalladooda ku sameeyeen.