Somali Tech @somalitech0 Channel on Telegram

Somali Tech

@somalitech0


channelka aynu filesha iyo appska ku wadaagno, sido kale discussionka ku samayno

Somali Tech (Somali)

Somali Tech waa channel ay ku saabsanayso waxyaabaha fileyaha iyo apps-ka ee u baahan tahay inaad ku wadaagto. Halkan waxaad ka heli kartaa wararka ugu dambeeyay ee teknooloojiyadda, waxbarashada apps-ka cusub, iyo waxyaabaha kale ee xiriirka intanetka. Haddii aad rabto inaad ka faa'iideysid kalsoonaantaaga ama aqoon horumar ah ku sameysid, kanalkeen waxaa kuu taalaa waxaa jira dad badan oo aad la hadasho oo aad ka wadaagi karto. Somali Tech waxaa bixinta fursad ay ku siin kartaa inaad ku hadasho iyo kaga hadasho waxyaabaha aad u baahan tahay. Ka soo qayb galka markaad fikirkaaga ku saabsan qorshaha nadiifinta iyo horumarinta farsamo, maadaama dad badan ay ku faa'iideystaan qeexinta iyo dhiirrigelinta barnaamijyada iyo apps-ka raadinta ganacsiga iyo horumarka darteed.

Somali Tech

18 Feb, 13:17


Crypto marka aad iibsanayso, si gaara USDT Sida aynu naqaano waxa lagaa qaadaya khidmad.

laakin hada telegram waxa ay leedahay wallet, hadii walletka telegram aad ka iibsato, 60 wadan oo kamida wadamada aduunka si free ah ayad u iibsanaysa iyado aad wax khidmad ah oo dheerada aan lagu saarin.

hal dhibaato ayaa se jirta, waxa iibsan kara asxaabta joogta wadamada, maadama wadankena uusan xitaa available ka ahayn telegram wallet. micnaha aan laga adeegsan karin.

telegram ma aysan shaacin 60-ka wadan, balse sida aad ku ogaan karto in uusan wadankena kamidka ahayn waa in telegram wallet uusan ka shaqayn wadankena.

Somali Tech

18 Feb, 12:35


waxa si dhamaystiran looga xidhay hada aalada impact ee affiliate marketing programka bixisa wadankena saxibayaal.

Somali Tech

17 Feb, 16:03


๐Ÿš€ Baro Kombiyuutarka Laga Bilaabo A ilaa Z! ๐Ÿ’ปโœจ

Ma rabtaa inaad noqoto khabiir dhanka kombiyuutarka? Baro course-ka bundleka aynu bixino oo aad ku baranayso bilaw ilaa dhamaad adeegsiga iyo ku shaqaynta computerka. waxyaabaha aad ku baranayso waxa kamida!

โœ… Windows 10 & Windows 11 โ€“ Baro sida loo isticmaalo, loo habeeyo, loona adeegsado computerka.
โœ… Microsoft Office (Word, Excel, PowerPoint, iwm.) โ€“ Ku xeel dheeroo qalabka iyo software-ka lagama maarmaanka u ah shaqada, waxbarashada, iyo wax-soosaarka.
โœ… Windows Unlocking & Security โ€“ Baro sida loo ilaaliyo kombiyuutarkaaga, loo xalliyo khaladaadka, iyo loo sugo amniga. loogana jabiyo passwordka kala duwan computerka

๐Ÿ“Œ waxa baran kara course-kan Qofka bilawga ku ah computerka & qof kasta oo raba in uu horumariyo xirfadaha kombiyuutarkiisa!

๐Ÿ”ฅ Isdiiwaangeli Hadda oo Khabiir ku noqo computerka! ๐Ÿ”ฅ

โœ… waxa aad kaso dalban karta course-ka:

WhatsApp: +252657917414
Website: https://somalitech0.com

Somali Tech

16 Feb, 17:12


Update! Ku Saabsan Lacag Samaynta TELEGRAM
https://youtu.be/ZzxCL9Qub0M

Somali Tech

13 Feb, 11:19


Maalmahan facebook waxa ka jirta dhibaatadan ee ha la iska ilaaliyo saxibayaal.

Qof inta laga jabsado facebook, aya iyada oo la iska dhigaayo isaga, laguso qoraya akoonkisa facebook xogtan.

Kadib dadka run ayay moodayan, waana ay aaminayaan.

Hadii aad xasuusatan mid kamida 3 muuqal ee udambeeyay ee aan idinla wadaago aya ku saabsan dhacdo midan lamida oo ku dhacday mid kamida asxaabta somalitech

Somali Tech

12 Feb, 17:25


https://www.youtube.com/watch?v=XE_0zCgDu6Q

Somali Tech

12 Feb, 17:20


https://youtu.be/XE_0zCgDu6Q

Somali Tech

06 Feb, 05:47


Updateka cusub ee applicationka waafi waa yara xasaasi, sii akhri qoraalkan hadii aad xiisaynayso.

Waa in dhamaan shuruudahan aad buuxiso.

* si aad u adeegsato waa in internetka aad ku adeegsata telesom simcardkeda. Hadii aad somtel ku adeegsato wax cilad ah lagumaso saarayo, horena uguma socon kartid.

* waa in simcardka uu ku jiro telefoonka waafi aad ku adeegsanayso. Hadii kale ma adeegsan kartid.

Maxay kula tahayadiga aragtidaada, ma monopolizing ba (khasab awood oo dhaqaale ba), mise security.

Erayga monopolizing waxa loogu yeedha marka companyga uu gaadho heer uu u adeegsan karo muhiimada uu leeyahay inu waxyaabo mamnuuco ama wax ku khasbo dadka. Waxana ay ubadan tahy inu inta badan uga faaidaysanayo companygu danihiisa.

Wakhtiga aan qoraalkan qoraayo waxa aan cilada arkay laba mar:

marka 1aad waxa aan ku arkay telefoon samsung ah oo aan adeegsanayay, internetka simcardka telesom kuma aanan adeegsanayn, appka waafi iima shaqayn, laakin cilada iimaso saarin. Waanan garan waayay meel ay ka imanayso ciladu, (simcardka se waxa uu ku jiray telefoonka Samsung, waxa aanan appka waafi adeegsanayay mudo ka hor updateka) waana ilaa 10 saac ka hor marka aan qoraayo fariintan.

Marka 2aad, waa marka aan telefoonkan danbe ku adeegsanayay, internetka aan adeegsanayay waa wifi aan ahayn telesom mid ay bixisay ama leedahay, telefoonka waafi aan ku samaynayay simcardka kuma jirin.

Update:

marka aan tilmaamayo in simcardka uu ku jiro telefoonka, uma jeedo in simcardka aad haysato, waxa aan ujeeda waa in lafta simcardka ay ku jirto markaas isla telefoonka aad waafi ku adeegsanayso.

waxa intaas dheer, in OTP Code loo diyaaro simcardka si loo hubiyo, oo codeka uu ku waydiinayo waafi.

hadii aan koobo:

* hadii aanad simcardkaga telesom sidan markaas ama haysan, ma adeegsan kartid waafi.

* hadii aad haysato simcardka, laakin simcardka uu ku jiro telefoon kale oo aan ahayn midka waafi aad ku adeegsanayso ma adeegsan kartid waafi

* waa in simcardka uu ku jiro telefoonka aad ku samaysanayso waafi, waana in internetka aad ku adeegsato simcardka telesom. si aad waafi app u adeegsato.

Somali Tech

03 Feb, 10:52


Hada saxibayal muuqalada la sameeyo, ku dhawaad 50% tayadoda waxa ay ku salaysan tahay muuqalka Quruxdisa, hadii ay tahay tayada muuqa ee muuqalka iyo codka. mid kamida waxyaabaha ugu badan ee ka qayb qaata tayada muuqalada dhanka quruxda waa sound effectska, stock videos-ka, templateska iyo motion graphics.

mid kamida website-yada ugu wanaagsan ee hada "wakhtiga qoraalkan aan qoraayo" laga helo waxyaabaha lagu qurxiyo muuqalada waa website-kan: https://mixkit.co/

waxyaabaha lagu qurxiyo muuqalada ee kala duwan oo free ah ayaa laga helaya website-ka, qaar kamida waxyaabaha laga helo ayaan marar badan u adeegsan jiray ama u adeegsada muuqalada aan youtubeka idin kula wadaago iyo sido kale casharada courseska.

website-kan elements-ka laga helo badankodu waxa lagu adeegsan kara software-ka adobe premiere pro oo ah hada waqtigan software-ka loogu adeegsiga badan yahay dhanka video editingka, sido kale ah software-ka ugu horumarsan dhanka video editingka.

waxa jira course aynu biixno oo lagu barto bilaw ilaa dhamaad sida muuqalada kala duwan loogu edit gareyo software-ka adobe premeire pro, waa course ka kooban in ka badan 60 cashar, waxaanan idin kula wadaagay in ka badan 10GB oo filel ah sida kuwa website-kan laga helo oo muuqalada lagu qurxyo.

course-ka hada aynu bixino waxa uu ku jira qiimo dhimis ah 30% maalmaha soo socda isaga iyo courseska kale ee aynu ee laga barto website-kena https://somalitech0.com.

courseka adobe premiere pro linkigisa: https://somalitech0.com/courses/adobe-premiere-pro/
waxa aad kaso dalban karta courseska hadii aad rabto whatsapp number-kena: +252657917414

Somali Tech

02 Feb, 17:16


โ˜… website-ka deepseek: "https://www.deepseek.com/"
โ˜… qaybta source code-ka ee website-ka deepseek: "https://github.com/deepseek-ai"
โ˜… appka deepseek ee telefoonada android: https://play.google.com/store/apps/details?id=com.deepseek.chat&hl=en&pli=1
โ˜… appka deepseek ee telefoonada iphone: https://apps.apple.com/us/app/deepseek-ai-assistant/id6737597349

Somali Tech

02 Feb, 17:13


https://youtu.be/hag2qnZBumY

Somali Tech

01 Feb, 13:04


Asxaabta aan garanayn reasoningka waxa ay tahay, reasoningka waa qaybta ugu caqliga badan ama ugu garaadka badan ee AI-ga. waxa ay su'aalaha aad waydiiso uga jawaabaysa si sabaabysan, halki su'aal waxa ay uga jawaabaysa sababaha la xidhiidha oo dhan. Qoraalki uhoreeyay ee ku saabsana deebseek ee aan idinla wadaago ayaanan ku tilmaamay Qaybta Reasoningka

qaybta search-ka, waa in AI-ga uu isaga ka raadiyo internetka wax marka aad su'aalo waydiiso, kadibna uu ku siiyo xogaha udanbeeya ee ku saabsan mawduuca, halki aad adiga ka raadin lahayd google, website-yo kala duwan akhriyi lahayd xogaha ay qoreen si aad uhesho mawduuca aad rabto inad wax ka ogaato. AI-ga aya ku qabanaya hawsha ilbidhiqsiyo awgeed.

Somali Tech

01 Feb, 13:00


saamaynta aalada AI ah ee deepseek waxa ay ku khasabtay ChatGPT in ay wax ka badasho systemkeda in ka yar 3 cisho saxibayal,

qaybta reasoningka iyo qaybta Search-ka onlineka ah waxa ay ku jirtay ChatGPT qaybteeda ugu qaalisan ee ah $200 Bishi ๐Ÿ˜ณ, waxase hada ChatGPT ay kuso dartay qaybteeda Free-ga Ah si ay ugu yaraan dadka usii joogan ChatGPT oo aanay ugu wareegin DeepSeek.

hada waxa ay ugu soo dartay maaha qaab si free ah loogu adeegsanayo 100%, balse waxa ay ku siinaysa in waqti yar marka aad adeegsato ee su'aalo dhowra aad waydiiso ChatGPT lagaa joojiyo saacado dhowra, ka hor inta aan lagu ogolaan mar kale, hadana marka aad u adeegsato dhowr su'aalod, aan lagaa joojin wakhti yar.

Waxa aan qorshaynaya muuqal xogo badan oo ku saabsan deebseek aad ku ogaanaysan in aan idinlaso wadaago 48 saacadood ee soo socda saxibayaal i.a.

inta ka horaysa wanaagsan oo wacan wakhti kasta oo ay idiin tahay i.a ๐Ÿคš๐Ÿพ

Somali Tech

31 Jan, 13:42


intaas kadib, asxaabta uu anfici waayo website-ka hore ama rabta in ay afsomali wax ku barato, waxa ay ka faaidaysan karaan courseska laga barto website-kena https://somalitech0.com. 4 maalin ee soo socda waxa aynu ku samaynay qiimo dhimis ah 30% course kasta, ardayga iska diiwan galinaya in ka badan 1 course, waxa uu helaya qiimo dhimis ah 40%.

Somali Tech

31 Jan, 13:41


waan idn salaamay saxibayal, waxa aan rajaynaya in aad fiican tihiin.

asxaabta danaynaysa in ay kor uqaadan xirfadahooda isla markaana bartaan xirfado cusub kuwaas oo ah mawduuc kasta sida digital marketing, cryptocurrency, forex, video editing, blogging, graphic design, iwm waxa jira website aad ka heli kartaan courses free ah oo lagu baranayo dhamaan ama badanka xirfadaha aan soo tilmaamnay, waxa intaas dheer badanka courseska website-ka ku jira marka aad barato, waxa aad helaysa shahaado cadayn u ah in aad baratay courseka oo aad baratay xirfadaha, waxa aad shahaadada u helaysa qaab kharash la'aan ah ama free.

website-ka wax la yidhaahda class central, linkigisa waakan: https://www.classcentral.com/.

courseska laga baranaayo websitekan waxa bixinaya qaarkod jaamacado, shirkado, iwm. waana sababta website-ka uu ukeydinayo courseskan faraha badan ee lagu baranaayo culuumta kala duwan si kharash la'aan ah.

F.G. 1. Courseska website-kan ku jira 99% waa kuwo english iyo luuqado kale oo qalaad ah, waxa wax ka baran kara qof awooda inu english wax ku barto.

2. Dhanka tayada, waxa laga yaaba courseska qaar shirkadaha bixinaya in ay muhiimada saaran iyaga sida ay wax urabaan in ka badan sida ay tahay ardayga in loo baro, tusaale, xirfadaha qaar ubaahan courseka laga samaynaayo inu noqdo ilaa 8 saacadod aya courseska laga sameeyay aad arkaysa in ay yihiin 1 ama 2 saacadood. taaso kutusaysa in loogu talo galay course-ka qof mawduucyadan aanay ku cusbayn.

Somali Tech

29 Jan, 17:06


Marka saxibka aanu ahayn saxibkaga online (Dhacdo Run ah)
https://youtu.be/OjcBNeS9Qnw

Somali Tech

12 Nov, 16:09


waan idin salaamay saxibayal, waxa aan rajaynaya inad fiican tihiin.

intina aan ogayn saxibayal waxa jira qiimo dhimis inta badna si joogto ah ay usameeyan companyada adeegyada iyo products-ka ku gada internet-ka ee kaso jeeda wadamada reer galbeed-ka. qiimo dhimistaasi waxa ay ku beegan tahay waqtiga ciida u ah maadama ay christian yihiin dadka ku nool wadamadaasi, waxa weeye sanad kasta 2-da bil ee udambaysa ee november iyo december.

waxa ay sameeyan qiimo dhimista ugu wayn ee ay sameeyan mudadaas saxibayal. sababta aan idinla wadaagayo waxa weeye saxibayal waa in aynu ka faaidaysan karno qiimo dhimistas inagu hadii uu jiro adeeg ama service aynu ubaahan nahay in aynu iibsano oo laga leeyahay wadamadaas.

hadaba hadii uu jiro adeeg aad rabto inad iibsato oo internet-ka ah waqtigan ayad ka faaidaysan karta si qiimo ka rakhiisan qiimaha caadiga ah ee lagu iibiyo aad ugu hesho.

waxa aad iibsan karta adeeg kasta ama product kasta, adeegyada laga yaabo inad iibsato waxa kamida, domain, hosting, vpn, iyo kuwa kale ee badan ee la adeegsado sida kuwa wax barashada, iyo kuwa loo adeegsado waxyabaha kaleba.

mid kamida adeegyada aan isleyahy qaar idinka mida aya raba waxa weeye saxibayal hosting iyo domain, waxa aad ubaahan tahay hosting iyo domain hadii aad rabto inad samayso website. waxa jira companiyo badan oo iibiya hosting-ka iyo domainka, balse waxa aan idinla wadaagaya hada company-ga aan aniga uso jeediyo qof kasta inu ka iibsado anigo ku doorbidaya tayo ahaan iyo sido kale inu qiimo rakhiisa yahay adeegisa.

waxa company-ga aan idinso jeedinayo la yidhaahda hostinger, linkiga aad ka iibsan karto hosting iyo domain hadi aad rabtana waakan: https://www.hostg.xyz/SHGXr

waqtiga aan qoralkan qoraayo iyo 17 saacadod ee soo socota waxa ay siinayan: domain + hosting + free email profissional ah qiimo ahaan: $29. waxa aad iibsatayna mudo 12 bilood ah.

ka faaidaysta saxibayal. mahdsanidiin.

FG: linkiga aan idinla wadaagay waa affiliate link, micnaha hadi aad iibsado adeega adigo linkigan isticmalaya waxa ay isiinayan khidmad yar (commission), balse qofka iibsanaya wax lacaga oo lagu kordhinaayo ma jirto. waa isku mid hadi aad linkigan ka iibsato iyo hadii kaleba.

Somali Tech

10 Nov, 12:44


Waxa jira Website-yada nooc la yidhaahdo forum, maaha kuwo dadka badan koda yaqaanan balse waxav ka mid yihiin Website-yada ugu muhiimsan.

Website-yada forumka ahi waa kuwa lagu wadaago suโ€™aalaha iyo jawaabaha ku saabsan mawduuc gaara, adeeg gaara ama alaab gaara.

Waxa Website-yadan aad ka helaysa kaliya suโ€™aalo laguso qoraayo, iyo dadka oo comment ahan uga bixinaaya jawaabta suโ€™aalshas.

Website-yada forumka ah intoda badani waxa ay ku saabsan yihin mawduucyo gaara, micanaha website kadta waxa uu ugaar yahay mawduuc ama adeeg ama alaab ay bixiso shirkad gaara.

Labada app ee aan idiin calamadiyay waa labada website ama app ee forumka ah ee ugu wayn internet-ka, mana aha kuwo ugaara mawduuc gaara, balse mawduuc kasta waa laga hela maadama ay isticmaalan dad ad ubadab, midkiiba dad ka badan 300 million aya isticmaala.

Hadii aad rabto inad la kulanto dadka mawduuc iskumida aad xiisaysan ama aad rabta xogaha udambeeya iyo suโ€™aalaha udambeeya ee ku saabsan industry-gas adeegso labadan app i.a

Somali Tech

08 Nov, 13:16


Saxibayal courseka cusub aya soo kordhay, waxa lagu baranaya xirfada ethical hacking-ka iyado la adeegsanayo computer.

Saxibayal Wixi suโ€™aalo ah, iyo isdiiwan galin ah Whatsapp-kena: +252657917414

Somali Tech

07 Nov, 17:18


Website-kan magacisa waxa la yidhaahda internet archive, waxa aad ka helaysa Website-kan badanka xogaha internet-ka laso galiyay 1996 ilaa hada.

Waxa aad ka helaysa Website-kan xogaha sida buugagta, muuqalada, apps-ka telefoonada, software-da Computer-ka, Website-yada (badanka Website-yada hada jira sigara kuwa waawayn iyo Website-yadi jiri jiray ee hawada ka baxay, iwm.) Waxa aan hada kuu sheegay noocyada xogta ay uqaybsanto, balse hadi aad ufahmayso sida heesaha, filimaanta, buugagta qoraalka ah, buugagta codka ah, iwm waa ay ku jiraan.

Dhamaan xogta ku jirta Website-ka waa free ama si bilaasha ayad ku helaysa, balse ogow xogaha ku jira Website-ka sida caadiga ah qaybo badan oo kamida waa kuwo la iibiyo, balse ay iyagu si free ah kuu siinayan. Sidaas awgeed xogahas qaybo badan oo kamida copyright aya ku xidhan.

Waxa laga helaya Website-ka wixi xoga ee internet-ka laso galiyay waqtiga ee la access garayn karay iyado aa la isticmaalin email iyo password.

Website https://archive.org/

Somali Tech

06 Nov, 19:07


Waqtigan aad ayay muhiim utahay inad yeelato in ka badan 1 akoon oo email ah saxibayal.

Maanta waqtiga aan fariintan qoraayo hadii aan isku dayo inan idin sheego akoonada emailada ah ee aan leeyahay waxa ay gaadhayaan ilaa 8 email ๐Ÿ˜€.

Waxa laga yaaba inad la yaabto, balse muhiimadu maaha inad yeelato akoono email ah oo badan, balse waa inad yeelato ugu yaran 2 email.

Waxa ad uqaybisa akoonada aad leedahay ee emailka ah 2 qaybood hadii aanad garanayn muhiimada ay kuu leedahay inad yeelato in ka badan 1 email.

Emailka 1aad waxa ad u adeegsata waxyabaha ku private-ka ah, sida baraha bulshada, bangiyada aad akoonada ku leedahay, Website-yada aad ku kalsoon tahay ee kuu muhiimka ah, waxyabaha aad iibsanayso internetka, iwm.

Emailka 2aad waxa aad u isticmaasha wax kasta oo muhiimad aad uwayb aan ku lahayn oo waqti dheera balse marka aad joogto aad ubaahan tahay. Hana noqdaan waxyabahasi iyo emailkasiba wax hadii aad waydo aad kaso kabsan karto.

Waxa aad ugu yaraan ubaahan tahay inad yeelato

Somali Tech

06 Nov, 17:07


EnglishClass101: https://www.youtube.com/@EnglishClass101/videos

english with lucy: https://www.youtube.com/@EnglishwithLucy

english with emma: https://www.youtube.com/@engvidEmma

show english online: https://www.youtube.com/@ShawEnglishOnline/videos

english lessons with kate: https://www.youtube.com/@KateEnglish/videos


linkiga website-ka aad ka helayso dad kugula hadla luuqada english-ka: https://www.episoden.com/

Somali Tech

06 Nov, 16:59


https://youtu.be/6SLvKQ_jLAA

Somali Tech

05 Nov, 16:57


Website-kan waxa uu ka mid yahay saxibayal xogo aad muhiim u ah oo aan idin kula wadaagi doono muuqal aan kuso gudbinaayo youtubeka 48 saacadod ee so socda.

Muuqalkas waxa uu ku saabsan yahay saxibayal sidi aad kor ugu qaadi lahayd luuqadada englishka in ka badan 50% adigo 3 talaabo kaliya samaynaya.

Website-kan waxa aad uga faaidaysan kartan saxibayal inad ka heshaan dad aad kula hadli karto luuqada englishka oo jooga daafaha caalamka.

Waxa aad ka helaysa dad kula mida oo luuqadoda english-ka kor uqaadaya qaybta hadalka, isla markaana idinko is maqlaaya, sido kale isu muuqda aad wada hadlaysan.

Waxa intaas dheer Website-ka waa free saxibayal, wax lacaga kaagama baahna, meel kasta oo aad joogto iyo goor kastana waad adeegsan karta.

Si kale hadan u idhaahdo Waxa uu ka shaqaynaya oo laga adeegsan kara Website-kan wadan kasta.

Ugu danbayn waxa jira waxyaabo aan laga igolayn website-ka in lagaga hadlo ay ka mid tahay siyaasada, iyo wixi dhaleecayn iyo aflagaadada ah.

Somali Tech

03 Nov, 17:35


Baro RankMath SEO Course Muuqal Dhamaystiran
https://youtu.be/4R_wcinqzec

Somali Tech

25 Oct, 16:46


Baro Xirfada SEO Course Dhamaystiran Qaybta #2
https://youtu.be/jnUcMBoPPnE

Somali Tech

19 Oct, 14:12


linkiga website-ka waakan: https://moz.com/

waxa uu leeyahay qayb iib ah, balse muhiim maaha inad iibsato. waxa aad samayn karta marka bisha kaa dhamaato, inad akoon cusub furato, kadibna aad hadana bisha cusub ee uu ku siinayo aad ka faaidaysato, ilaa aad healyso dhaqaale ama lacag aaad ku biisato.

Somali Tech

19 Oct, 14:10


Website-kan ka faaidaysta saxibayaal.

saxibayal website-kan waa website-ka kaliya ee mudo bil ah aad si free ah 100% u adeegsan kartaan ee bixiya SEO tools sida semrush iyo ahrefs.

website-kan waxa uu sigaara muhiim ugu yahay dadka raba in ay qoraan maqaalo affiliate marketing ah.

waxa aad website-kan u adeegsan karta inad raadiso keywords-ka ku haboon ee dadka ka raadinayaan google marka aad maqaal qorayso, sido kale maqaalada aad hore u qortay ayaad u adeegsan karta.

waxa website-kan uu bixinaya saxibayal badanka ama dhamaanba features-ka ama farsamooyinka SEO ee aad website-kaga kor ugu qaadi karto.

runti uma awood badna sida semrush iyo ahrefs oo kale sababto ah semrush iyo ahrefs waxyaabo kala duwan oo xitaa qaar aanad adigu ubaahnayn aya ku jira, balse website-kan waxa aad ka helaysaan waxyaabaha la xidhiidha seo-ga si gaara keyword research-ka iyo keyword explorer-ka iyo kuwo badan oo kale.

Website-kan waxa uu 100% kaa caawinaya inad bilawdo affiliate marketing-ka adigo aan iibsan wax SEO tools

Somali Tech

13 Oct, 12:04


Ninkaas dhalinyarada ah ee sawirka ka muuqanaya magaciisa waxa la yidhaahda adam enfroy, waa youtuber sido kale blogger.

Waxa uu xirfada bloggingka ku sameeya bishi in ka badan 80K oo dollar. Dhaqaalaha soogala sida uu sheegay waa ilaa 112K bishi.

Youtubeka iyo waxyaabaha kale waxa uu ka sameeya marka la isku daro wax ka yar 10K oo dollar. Inta kale waxa uu ka sameeya blogginka ama Website-kiisa.

Waxa dhaqaalaha uu ka sameeyo Website-kiisu kasoo gala xayaysiiska google adsense iyo xayaysiiska kale ee lamidka ah iyo affiliate marketing-ka.

Sida uu ku sheegay muuqal kamida muuqalada uuso galiyo youtube-kisa oo aan daawaday dhaqaalaha uu ka sameeyo Website-kisa in ka badan 70% dhaqaalaha waxa uu ku helaa affiliate marketing.

Ugu danbayn ninkan maaha nin aad caan u ah, youtube-ka waxa kaga xidhan ilaa 200K oo subscribers ah, mana aha qof meel ka baxsan youtube-ka iyo Website-kisa dhaqaale ka sameya.

Maqaalka ama article-ka kaaga muuqanaya sawirka waxa ka qortay bishi September 2020 majalada forbes.

Somali Tech

08 Oct, 17:34


Traffic Website-kaga Ma u iibin Kartaa | Affilite Marketing & Google Adsense
https://youtu.be/iFiNj7u-_qo

Somali Tech

07 Oct, 08:47


waxa jira saxibayal update wayn oo shirkada youtube ay ku samaynayso youtube gaar ahaan qaybta shorts-ka. update-ka waxa uu yahay waxyaabo dhowra oo ay soo kordhiyeen waxase aan idin kula wadaagaya qoraalkan midka ugu muhiimsan ee aan anigu isleeyahay waaka ugu saamaynta badan. qofki raba in uu ogaado update-ka oo dhamaystiran website-ka shirkada youtube-ka qaybta blog hakaso akhriyo, linkiga waakan: https://blog.youtube/news-and-events/tall-updates-coming-to-shorts/#:~:text=more%20of%20you.-,Starting%20on%20October%2015%2C%20you%20can%20upload%20Shorts%20up%20to,you%20uploaded%20before%20October%2015.

Update-ka aan isleeyahy waaka ugu muhiimsan waxa weeye saxibayal in muuqalada shorsts-ka ah ee youtube-ka lasoo galiyo laga bilaabo 15-ka bisha october ee sanadkan in muuqalada daqiiqadahoda uu gaadhi karaayo 3 daqiiqo. micnaha muuqal shorts ah oo lamida muuqalada laso galiyo tiktok ee dherer-ka ah waxa ay gaadhi doonan 3 daqiiqo dherer ahaan.

taasi waxa aan isleeyahay aniga aragtidayda qaybta shorts-ka ah ee youtubeo-ka waxa ay ka dhigi doonta aalada tiktok oo kale taasina dhalinyaro badan oo tiktok ku jirta oo aan wax dhaqaale ah ka samayn balse muuqalada soo sameeya ayay ufuri doonta albaab kale o muuqalada ay uga samayn karaan dhaqaale.

F.G. Update-ka kale ee aanan sheegin qaar ayaa aad umuhiima oo ay ahayd inan idin kula wadaago qoraalka, balse kama hor dhici karno ilaa inta aynu arki doono marka lasoo kordhiyo. sido kale hadii 15-ka bisha shorts-ka 3 daqiiqo ah kuu shaqayn waayo waxa suuro gala in shirkadu aanay mar usii wada dayn dadka oo dhan ee ay goobo cayiman dadka jooga ku tijaabinayso. marka haday dhacdo taas ogow i.a

Somali Tech

05 Oct, 17:03


Baro Xirfada Video Editing ka ee Telefoonka Capcut Coure
https://youtu.be/s5TPFFEJ7VA

Somali Tech

03 Oct, 15:09


dhibka aan ka maray muuqalka inan idinla wadaago kama marin muuqal hore waligay saxibayaal.

Waxa weeye muuqalki courseka aha ee lagu baranaayay xirfada video editingka ee telefoonada iyado la adeegsanaayo appka capcut

Muuqalka duubistisa waxa muuqalada marka aan duubay ay noqdeen in ka badan 93GB,๐Ÿ˜€๐Ÿ˜€, waxa laga yaaba in aanad aaminin balse waa dhab wlhi saxibayal.

Waxa laga yaaba in aad istidhaahdo muuqalku ma 10 saacadodba, maaha saxibayal kaliya waa 2 saacadod iyo badh

Waxa muuqalkan uu computerki export garaynaayay 2 maalin ee udambaysay, micnaha shalay iyo maanta.

Maaha in compterka uu awood ahaan hooseyo, balse muuqalka waxa uu qaadanaya exportingka ilaa 9 saacadod oo xidhiidha, 2 jeer ayuu exportingka in ka badan 7 saacadod marka uu socday uu xumaaday. Taasa sababtay in aanan adeegsan computerka waqtiga intaas leeg.

Waxaas oo dhab kadib, waxa aan rajaynaya saxibayaal in aad ka faaidaysan doontan muuqalka i.a, khayr badan ayan idiin rajaynaya

Somali Tech

25 Sep, 17:04


Challenge-gi Youtube-ka Waan Aqbalay Saxibayaal Let's Goo
https://youtu.be/sweSNIFqbCc

Somali Tech

25 Sep, 09:49


Waan idin salaamay saxibayal, waxa aan rajaynaya dhamaantin inad fiican tihiin.

waxa aan rabay inan idinla wadaago saxibayal inan aqbalay challenge-gi youtube-ka. Waxa hada aan diyaar u ahay inan idinla galo tartar aynu ku galayno youtube-ka inago adeegsanayna muuqalo dad kale leeyihiin.

waxa aan idin la wadaagi doona qaar kamida comment-yada kaso laabtay muuqalki hore iyo sido kale wax kasta oo aad ubaahan tahay inad ogaato ama aad adeegsato si aad uga qayb qaadato challenge-ga ulana socoto.

Saacadaha soo socda ayaa Muuqal ku saabsan mawduucan idin soo gaadhi doona saxibayal, maahdsanidiin.

Somali Tech

25 Sep, 07:25


halkan kala daga saxibayal course-ka lagu baranaayay xirfada digital marketing-ka ee ku baxaayay luuqada english-ka ah, https://drive.google.com/file/d/1EXNnU-Tp6bGBfhPtcXQSaeTJbzdTQzUE/view?usp=drive_link

password-ka waxa weeye: somalitech0.com

Somali Tech

23 Sep, 17:15


Xirfadan Kaliya Baro Waa Balan Lacag Waad Ka Samayn e
https://youtu.be/IfolKSgMttE

Somali Tech

23 Sep, 10:26


Fariintan waa muhiim saxibayal, qofki muhiim ay utahay inu internet-ka dhaqaale ka sameeyo, ha akhryo fariinta sare โ˜๐Ÿพ

Somali Tech

23 Sep, 10:25


waan idin salamaay saxibayal, waxa aan rajaynaay dhaamntin inad fiican tihiin.

Waxa jira saxibayal dhalin yaro badan oo ku rafaadsan inay internet-ka dhaqaale ka sameeyan isla markaana ay usuuro gali la'dahay. dhalinyaradaasi waxa ay qaarkod bilaabayan kanaalo youtube-ka ah ama facebook page oo kale, qaar kod waxa ay samaysanayaan websiite-yo balse waxa ku adkanaysa in ay dhaqaale ka sameeyan. Dhalinyaradaasi waa kuwa ugu badan ee igala soo xidhiidha whatsapp-ka saxibayal.

si aan inti ogaalkayga ah utilmaamo mushkiladaas iyo xalkeeda waxa jira saxibayaal muuqal idin soo gaadhi doona saacadaha soo socda oo aan idin kula wadaagayo xirfad hadii aad barataan aan idin ka balan qaadayo anigu in internet-ka aad dhaqaale ka samayn doontan hadii aad dadaashan. kaliya maaha internet-ka saxibayal waxa sido kale aad xirfadan dhaqaale uga samayn doonta sida caadiga ah deeganka aad ku nooshahay hadii aad wadanka joogto iyo hadii aad wadanka dibadiisa joogtaba.

Marka aan erayga idin leeyahay saxibayal waa xaqiiq maadama aan aniga xirfadan internet-ka iyo nolosha ka baxsan internet-kaba aan ugaga shaqeeyay dhaqaalena ugaga sameeyay.

labadi sano ee udambaysay xirfadan 2 mar ayan uga shaqeeyay anigu deeganka aan joogo anigo aan shahaado jaamacad ka sidan, sido kale aan jaamacad ka baran xirfadan kaliya ka bartay internet-ka. labada shaqo ee aan tilmaamayo mid kamida waa shaqadi ugu maqaamka saraysay ee aan kaso shaqeeyo marka laga eego shaqada dhanka mushaharka lagu bixinaayo ilaa ka qalin jabintaydi jaamacada oo ahayd august 2022.

intaas kadib waxa sido kale aan idin la wadaagi doona saxibayaal sidi aad si free ah ama bilaasha ugu baran lahayd xirfada adigo ku baranaya luuqada somaliga iyo english mida aad adiga rabto. Dhawaan fisha muuqalka saxibayal.


"Halkan erayna waan idin leeyahay saxibayal, hadii aad rabto inad internet-ka dhaqaale ka samayso, isla markaana dhaqaalaha aad rabto inu noqdo mid naftaada aad ku dabarto waqti dheer, balse adigu aanad rabin inad bixiso dadaalka loo baahan yahay si aad dhaqaale uga samayso internet-ka, adiga ayaa doortay in aanad dhaqaale iyo lacag midna ka samayn internet-ka" by maxamed.

Somali Tech

21 Sep, 17:01


Fursadan Ka Banaan Youtube-ka Yaan Lagaaga Hormarin
https://youtu.be/qoRXU298SU8

Somali Tech

21 Sep, 11:25


waan idin salaamay saxibayal, waxa aan rajaynaya dhamaantin inad fiican tihiin.

Waxa jirtay saxibayaal fursad ka banaan youtube-ka oo aan in badan arkaayay isla markaana ilaa haatan oo fariintan aan qoraayo aanan arag qof ka faaidaysta. Fursadaas waxa weeye saxibayal waxa jira mawduuc kamida mawduucyada somalida ay xiisayso balse ilaa haatan aanu jirin channel youtube-ka ku jira oo mawduucaas si gaara uga hadla.

mawduucan waxa uu ka mid yahay mawduucyada youtube-ka loogu daawashada badan yahay, waxaana jira channelo youtube-ka ah oo malaayin qof ku xidhan tahay oo mawduucan english ku baahiya soomalida inta mawduucas danaysana waxa ay ka daawadaan channels-ka english ugaga hadla mawduuca.

Hadaba saxibayal Muuqal idin soo gaadhi doona saacadaha soo socda ayaan mawduucas ku sheegi doona sido kale aan ku iftiimin doona sida muuqalada ay usameeyan channels-ka mawduucas ka hadlaa, sido kale aan ku iftiimin doona qaar kamida muuqalada ay sameeyan channels-ka mawduucas ka hadla, ka faaidaysi wanaagsan

Somali Tech

19 Sep, 17:27


Lacag Ka Samee Youtube Adigo aan Samaynin Muuqal Cusub Step by Step
https://youtu.be/untuN9koiWk

Somali Tech

19 Sep, 11:35


Muuqalki uhoreeyay ee aynu ku duubno studio-ha cusub waxa uu idin so gaadhi doona saacadaha soo socda saxibayal i.a, waxa aanan idin kula wadaagaya:

Qaabka ugu fudud ee social media'aha aad lacag uga samayn kartaan waqtigan.

1: Qaabkan idin kama baahna inad muuqalo duubtan, 2: inad xirfad badan oo video editing ah aad leedahay, 3: inad computer haysato, iwm. Waxa aanan idin kula wadaagaya xog kasta oo ay tahay muhiim inad ogaato si aad dhaqaale ama lacag uga samayso qaabkas. ka faaidaysi wanaagsan saxibayal

Somali Tech

19 Sep, 11:34


waan idin salaamay saxibayal, waxa aan rajaynaya dhamaantin inad fiican tihiin.

maalmihi udambeeyay saxibayal wax muuqalo ah idin lama soo wadaagin sido kale wax fariimo ahna idin maso gudbin, sababtu waxa ay ahayd inan ku yara mshquulay in studio-ha somalitech aynu dhismo cusub ukiraynay isla markaana aynu halka hagaajinteda iyo diyaarinta studio-ha aynu ku mashquulnay. waxana jira saxibayal waxyaabo badan oo aan qorshaynaayo oo dhawaan aan idin la wadaagi doono i.a, waxa aan ka madhnayn muuqalada hada aan todobaad-ka idin la wadaagi doono oo gaadhi doona ugu yaraan 3 hada wixi ka dambeeya i.a

Somali Tech

09 Sep, 18:27


https://youtu.be/K92e8NVgZoM