Waxay u muuqataa in ficillada lagu dedejiyo carada Rabbi ay bulshada Soomaaliyeed ula qabsanayso wax u muuqda xaalad “caadi ah.” Maalmahan, dhulka Soomaalida wuxuu noqday meel uu dhinac walba dhiig ku daatay. Tani ma aha wax ay tahay in ummaddu aqbasho, gaar ahaan xaaladaha dhiigga qofka Soomaaliyeed lagu daadinayo iyadoo laga baaqsan karay. Waa waajib in qof kasta oo Soomaali ah, dhinac kasta oo uu ka soo jeedo, uu ka shaqeeyo sidii loo joojin lahaa dhiiggaas, ama haddii uusan ka hortagi karin, ugu yaraan Rabbi hortii ku diiddo ficilladaas.
Allah wuxuu Qur’aanka ku yiri:
مَن قَتَلَ نَفْسًۭا بِغَيْرِ نَفْسٍ أَوْ فَسَادٍۢ فِى ٱلْأَرْضِ فَكَأَنَّمَا قَتَلَ ٱلنَّاسَ جَمِيعًۭا ۖ وَمَنْ أَحْيَاهَا فَكَأَنَّمَآ أَحْيَا ٱلنَّاسَ جَمِيعًۭا ۚ
(سورة المائدة: 32)
“Qofkii u dilo naf qof kale la’aanteed (xaq darro), ama sabab la’aanteed fasaad uu ka sameeyay dhulka, waxaa loo tiriyaa sida qofkii dilay dadkoo dhan; qofkii ka badbaadiyana waxaa loo tiriyaa sida qofkii badbaadiyay dadkoo dhan.”
Tafsiirka aayaddan wuxuu caddeynayaa in qof kasta oo qof kale si xaqdarran u dilo uu la mid yahay qofkii uu burburiyay noolaha oo dhan, maxaa yeelay, ficilkaas dulmiga ah wuxuu horseedaa fasaad iyo cabsi guud. Sidoo kale, qofka badbaadiya qof naf leh wuxuu helayaa ajar la mid ah midka badbaadiyay dhammaan bani’aadamka, waayo ficilkaas wuxuu iftiiminayaa wanaagga iyo badbaadada bulshada.
Nabigeenna Muxammad (NNKH) wuxuu sidoo kale ku adkeeyay xurmada dhiigga Muslimka, isagoo yiri:
“دِمَاءَكُمْ وَأَمْوَالَكُمْ وَأَعْرَاضَكُمْ حَرَامٌ عَلَيْكُمْ كَحُرْمَةِ يَوْمِكُمْ هَذَا فِي شَهْرِكُمْ هَذَا فِي بَلَدِكُمْ هَذَا.”
(صحيح البخاري: 1739)
“Dhiiggiinna, maalkiinna, iyo sharaftiinna waa xaaraan midba midka kale (inaad ku xadgudubtaan), sida xurmada maalinta maanta ah, bisha maanta ah, iyo magaalada maanta ah.”
Waxaan u tacsiyeynayaa qoysaska Soomaaliyeed ee ehelkooda ku waayay dagaallada laga baaqsan karay. Ilaa qofku uu noolyahay ma xaqiijin karo in uu badbaadayo; waxa raasamaalka aakhiro wax ina taraya waa inaan dulmiga iska diidno oo ka hortagno dhiigga Soomaaliyeed ee goob kasta ku daadanaya.
Nabigu (NNKH) wuxuu kaloo yiri:
“لَزَوَالُ الدُّنْيَا أَهْوَنُ عِنْدَ اللَّهِ مِنْ قَتْلِ رَجُلٍ مُسْلِمٍ.”
(سنن النسائي: 3987)
“Inaad burburiso dunida oo dhan, waa ka fududdahay Rabbi agtiisa inaad ku disho qof Muslim ah xaqdarro.”
Haddaba, waa inaan ka shaqeyno sidii aan u badbaadin lahayn dhiigga iyo sharafka ummaddeenna. Rabbi wuxuu yiri:
وَتَعَاوَنُوا۟ عَلَى ٱلْبِرِّ وَٱلتَّقْوَىٰ وَلَا تَعَاوَنُوا۟ عَلَى ٱلْإِثْمِ وَٱلْعُدْوَٰنِ ۚ وَٱتَّقُوا۟ ٱللَّهَ ۖ إِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلْعِقَابِ.
(سورة المائدة: 2)
“Ku caawiya wanaagga iyo Alle ka cabsiga, hana ku caawinina dembiga iyo gardarrada, kana baqa Allah; Ilaahayna wuxuu yahay mid ciqaabtiisu daran tahay.”
Allaahow na badbaadi, na midee, kana dhowr dhiigga iyo dulmiga innaga dhex jira. Aamiin.
@qalbiyadeena