Nin waayeel ah oo sariirta bukaan-socodka jiifa ayaa dhakhtarkiisa ku yiri, "Dhakhtar, ha walwalin. Waan ogahay inaan dhimanayo. Anigu ma doonayn inaan halkan imaado, laakiin dadkaa i soo qaaday.
Fadlan ha iga welwelin, eeg timahayga, dhammaan way ciroobeen. Aad baan u da' weynahay, laakiin adigu waad yar tahay. Noloshayda waxaan ka bartay waxyaabo badan. Haddii aadan dhibsanayn, waxaan jeclaan lahaa inaan kuu sheego waxyaabo aan bartay kahor inta aanan dhiman.
Markii aan afar jir ahaa, waxaan u maleynayay in adduunku uu igu saabsan yahay. Markii aan afar iyo toban jir noqday, waxaan doonayay inaan xukumo adduunka. Waxaan aaminsanaa inaan noqon doono ninka ugu cimriga ee abid noolaa. Markii aan 21 jir noqday, waxaan doonayay inaan noqdo ninka ugu taajirsan. Markii aan 25 jir ahaa, waxaan rabay inaan helo jacayl. Markii aan 40 jir noqday, waxaan doonayay inaan caawiyo qof walba. Hadda oo aan halkan joogo , waxaan u socdaa dhimasho . Waad aragtaa, mar walba waxaan doonayay waxyaabo kala duwan. Waxa ugu muhiimsan ee aan doonayay waxay ahayd inaan farxo. Waxaan u maleynayay in habka ugu wanaagsan ee farxad lagu gaaro ay tahay in dadka kale la dhegeysto aragtiyadooda .
Markii aan rabay inaan Jaamacadda galo, waxaan doonayay inaan barto cilmiga xayawaanka (Zoology), laakiin dadku waxay igu yiraahdeen waa inaad barto Injineeriyadda, waxayna ii sheegeen inaan noqon doono Injineer weyn. Marka waan dhegeystay waana noqday . Laakiin lacag uma aanan hayn waxbarashada, waa inaan shaqeeyaa si aan kharashka iskaga bixiyo. Sanadkii saddexaad, ma aanan awoodin inaan waxbarashada sii wado, oo waa inaan isaga haro. Markii aan ka haray, isla dadkii waxay yiraahdeen "waa inaad barataa cilmiga Xayawaanka"!
Markii aan 28 jir noqday, qof walba wuxuu igu yiri waa inaad guursataa. Marka waan dhegeystay, waana guursaday. Lix sano kadib, waxaan xaaskayga ku qabtay iyadoo la seexanaysa nin deriskayga ah . Markii aan waydiiyay sababta ay sidaas u sameysay, waxay i dhirbaaxday. Waan carooday, laakiin waxba ma aanan oran. Maalintii xigtay markii aan shaqada ka soo noqday, waxay la baxsatay caruurtaydii, hadda waxaan u dhimanayaa gablan .
Markii aan 40 jir noqday, waxaan helay qandaraas weyn. Magacayga waxaa lagu qoray wargeysyada. Maalintii xigtay, dhammaan saaxiibaday iyo qoysaskaygu waxay yimaadeen gurigayga oo qof walba wuxuu lahaa dhibaato. Toddobaad gudihiis, waxaan ku bixiyay lacagtii oo dhan ee aan qandaraaska ku dhisi lahaa iyada oo ay ii balan qaadeen inay ii soo celin doonan . Ma aanan dhammayn qandaraaskii sababtoo ah dadkii lacagtii ballan qaaday inay soo celiyaan way diideen. Sidaas darteed waxaa la ii diray xabsi lix sano ah. Markii aan soo baxay, ehelkaygii qofna kama arkin .
Waxaa jiray hal qalad oo aan sameeyay intaas oo dhan. Hadda waa ii caddahay. Aan kuu sheego qaladkaas. Waxaan iska indho tiray inaan naftayda dhegeysto, waxaan fursad siiyay dadka kale. Hadda oo aan halkan joogo qofka kaliya ee ila jooga waa naftayda.
Waad aragtaa, waa wax wanaagsan inaad dadka kale dhegeysato. Waa caqli inaad talo weydiiso dadka kale. Laakiin waa khatar weyn inaad iska indho tirto naftaada iyo waxa qalbigaaga ku jira.
Markaad caawa guriga tagto, fadhiiso, koob biyo ah soo qaad. Indhahaaga isku xidh haddii aad rabto ama furo haddii aad rabto, kadib naftaada la hadal. Waxaad ku socon kartaa waddada keligaa, oo intaad socoto, naftaada la sheekayso.