Bukhaari waxa ay xusan taariikhyahanadu in uu yaraantiisi indho baleey,hooyadiina aad ay ugu ducayn jirtay,habeen habeenasa kamid ah ayayna ku aragtay Nabi Iraahin(Calayi Al salaam) riyo,kadibna waxa uu ku yidhi: “ Gabdhayahay wiilkaagii Eebbe aragii waa uu usoo celiyay oohintaada iyo ducadaada ad u ducaynaysay awgeed"kadibna subxii isaga oo fay ah ayuu soo toosay.
☆☆☆
Bukhaari iyo barashada Diinta
Bukhaari isaga oo yar 10-sanana aan gaadhin ayuu qaybay Qur'aanka kariimka ah,kadibna waxa uu bilaabay barashada Sunada Suubanaha,waxaanu arday u noqday culimadi waawaynayd e joogtay deegaankiisa isla markaana waxa uu fadhiistay xalqadihii cilmiga ee magalada Bukhaara.
Ifafaallihii hore ee noloshiisa waxa kasoo ifbaxay hobida jaad-gooniga ah ee uu u leeyahay: qaybida iyo fahmida Sunada Rasuulka,waxanu bilabay in uu kala xusho axaadiista saxda ah iyo kuwa daciifka ah ee liita,isaga oo kulamaanaysiiyay taariikh nololeeldka culimada Xadiiska,iyo mid walba awoodiisa,iyo qiimaha uu ka leeyahay culimada agtooda,isaga oo Bukhaari kawaramaya naftiisa ayaa waxa uu yidhi:
" ألهمت حفظ الحديث وأنا بن عشر سنين"
“ Xifdiga Xadiiska ayaa laygu ilhaamiyay aniga oo 10-jira”
Markii uu gadhay da'da 16-ka waxa uu qaybay kutubtii Cabdi Laahi Ibnu Mubaarak,iyo Wakiic,18-sanno markii uu jirayna waxa u bilaabay qoraalka..
Bukhaari iyo Safardiisi uu ugu baxay aqoonta
( الرحلة)
Bukharu markii uu la kulmay waxna ka qatay culimadii deegaankisa intii ugu mudnayd waxaa uu u diyar garoobay in uu bilaabo safar waxbarasho oo uu ku galaa bixinayo magaalooyinkii Muslimiinta ee aqoonta uu ku tuhmayay,209-kolkii ay taariikhda Hijriga ahi dul hoganaysay ayuu kabaha ka iladay magaalada Bukhaara waxaanu afka saray magaalooyinkii wawaynaa ee ku yaallay dhulka khuraasan,waxanu ka bilaabay magalada Balkha,Marwa,Ray,Haraat,iyo Naysaabuur,xiligaasi oo da'diisu ahayd 15-sanno jir,Xaakim Al Naysabuuri oo kawaramaya waxa uu yidhi: “ Markii ugu horraysay ee uu Bukhari Naysaabuur soo gala waxa ay ahayd 209-kii hijrada”
Kadibna waxa uu u u rixkaystay dhankaa iyo dhulka barakaysan ee xijaaz gar ahaan labada magaalo ee Maka iyo Madiina,safrkaasi waxa ku wehelinayay hooyadii iyo walalkii Axmed,markii ay Guteen acmaashii xajka Bukhari hooyadii iyo walalkii waa ay soo laabteen,Bukhaari se waxa uu ku hadhay Maka,halkaasi oo uu kabilaabay in uu fadhiisto xalaqaadki Cilmiga,waxaanu wax ka qaatay culimo badan,kadibna waxa uu safarkisi kusii galaa bixyay magaalooyinki kale ee cilmiga loo doonan jiray,waxa uu galay dhukka Ciraaq,waxanu tagay magalada Baqdaad,Waasid,Kuufa,Basra,sido kale waxa uu tagay dhulka Shaam,gaar ahaan magaalooyinka kala ah Dimishiq,Ximis,Casqalaan,Qaysaariyah,kadibna waxa uu u safray dhankaas iyo wadanka Masar.
Bukhaari oo inooga waramaya socdaal cilmiyaad-kiisan ayaa waxa uu yidhi; “ Waxa aan galay magalada Baqdaad oo kilaya wax kabadan 8 jeer,markastan waxa aan hoos fadhiisanayay oo an wax ka baranayay sheekhaygii Axmed Ibnu Xanbal,markii isugu kaaya danbaysanay waxa uu igu yidhi: “ Aqoontii iyo dadkii miyaad katagaysa oo waxa ad adaysaa Khuraasaan? Markaas ayaan ku idhi: ‘ Waxa aan wax ka qaatay kun Sheekh wax ka badan,sido kale waxa aan maray badanka magaalooyinki Mislimiinta”
Imaamu Bukhaari,waxa uu damcay in uu safarkiisi ku tago Yaman,si uu Xadiiska uga soo qato Sheekhii waynaa ee Cabdi rasaaq Ibnu Hammam Al Sancaani,se uma ay suura galin.
Abul Fadli Maxamed Ibnu Daahir waxa uu yidhi: “ Bukhaari waxa uu danay in uu tago Yaman si uu Cabdi Rasaaq wax uga so maqlo,se waxa uu la kulmay Yaxye Ibnu Jacfar,kadib markii uu waraystay waxa uu u shegay Cabdi Rasaaq in uu dhintay,isagii ayaanu xadiiskii Cabdi Rasaaq uu arday ugu noqday oo ka qatay,dib ayaana looga sheegay in aanu Cabdi Rasaaq dhiman ee uu nool yahay”
☆☆☆☆
Imaamu Bukhaari iyo qoraalka
Safarkii uu ugu soo baxay Xajka isaga hooyadii iyo walalkii bukhaari dib uma laaban ee waxa uu kusgnaa Maka,mudoo kolkii uu joogay Maka isaga oo aan wali gaadhin da'da labaataneeyaha ayuu u socdaalay Magalada Madiina,halkaasi oo uu ku qoray kitaabkiisa canka ah ee uu u bixyay: