Faiidada Nolosha💌

@msssilent1


ʷᵉˡᶜᵒᵐᵉ😊_________🤍

Faiidada Nolosha💌

22 Oct, 01:35


مُتعة الحياة أن تعيشها على طريقتكَ أنت، لا على طريقة الآخرين🤍

Farxadda noloshu waa in aad u noolaato sidaada, ee maaha sida dadka kale

Faiidada Nolosha💌

20 Oct, 13:44


(FURSAD QAALI AH ): COMPUTERKU WAA FURAHA SHAQO KASTA!

KU BARO COMPUTERKA 6 DOLLAR OO KALI AH .

ma tahay arday ay usora gali wayday inu helo fursadan doorkii hore .
Maanta ka faa'idayso .ku baro computerka  si bilaash ah.kuna baro si  online ah adoo gurigaaga jooga oon wax daal ahi kaa bixin ama adoo jooga goobtada shaqo.
Ka faa'idayso fursadan ay kuliyada wayn ee Alfurqan online school kusoo kordhisay.

Shuruudaha.
Fursadan kaliya waa maanta .oo cidii is diwaan galisa ayaa helysa .
inay kaa go'antay wax dhigashadu.
inaad ka wayn tahay 15 jir.
inaad bixiso lacagta diwaan galinta oo ah 6 dollar oo kaliya .

Prograsmka la dhiganaayo waxa ka  mida:
●Introduction to windows
● Microsooft  word
●Microsooft ppt
●Microsooft excel
●Microsooft access
●Microsooft publisher
●Microsooft outlook

Mudada koorasku waa 3 bil .
Shahadaduna waa diploma.

Nasiib fiican.

24 saac ayaad uhaysataan deeqadan wax barasho.
HALKAN ISKA DIWAAN GALIN👇👇👇👇
@UstaadAbdurisaaq @UstaadAbdurisaaq
@UstaadAbdurisaaq @UstaadAbdurisaaq

Faiidada Nolosha💌

13 Oct, 16:18


Xikmadeena caawa

"Waxyaabaha ugu waaweyn ee nolosha waxay ka yimaadaan go'aanada yaryar ee aad sameyso maalin kasta."❤️

#n͜͡.r͜͡r͜͡r͜͡🏴💗🍂

Faiidada Nolosha💌

11 Oct, 15:51


1. Salaadda iyo Tawakalka: Salaadda iyo tawakalka Alle waa dariiq aad ku hesho nafis iyo deganaansho qalbi. Xusuuso in Alle uu yahay kan wax walba maamula, oo marka aad isaga ku tiirsanaato, waxaad helaysaa kalsooni iyo xoog inaad ka gudubto caqabadaha.


2. Samir iyo Dulqaad: Cirka dhib kasta oo aad la kulanto, samirka iyo dulqaadka waa muhiim. Qur’aanka iyo sunnada Nabi Muxammed (SCW) waxay ina barayaan in samirka uu keeno abaal marin weyn, gaar ahaan marka aan isku dayno inaan xalino dhibaatada aan la kulmeyno.


3. Waqti u hel Nasasho iyo Fikirid: Mararka qaar, culeyska nolosha wuxuu keenaa walbahaar badan. Qorshee waqti aad ku nasato oo aad maskaxdaada ku dejiso. Waqtigaas waxaad isticmaali kartaa inaad akhrido Qur’aan, inaad camal wanaagsan sameyso, ama aad meel deggan iska fadhiisato si aad maskaxdaada u dejiso.


4. Kala Saar Mudnaantaada: Culeyska nolosha waxaa mararka qaar sababa isku dayga inaad hal mar waxyaabo badan qabato. Qorshee howlahaaga, kala hormari wixii muhiimka ah, adigoo diiradda saaraya waxyaabaha aad awoodi karto inaad maareyso waqtigan.


5. Raadi Taageero: Haddii ay jiraan dad kuu dhow oo aad ku kalsoon tahay, la hadal oo ka raadso talo iyo taageero. Mararka qaar, inaad dareenkaaga la wadaagto qof kalsooni leh ayaa kaa caawin karta inaad aragto dhinacyo cusub oo xal u noqon kara dhibaatadaada.


6. Ka Shaqee Caafimaadkaaga Maskaxeed iyo Jirka: Isku day inaad caafimaadkaaga maskaxeed iyo jireed hagaajiso adigoo sameeya jimicsi fudud, cunna caafimaad leh, iyo seexashada waqti kugu filan. Caafimaad wanaagga jirka iyo maskaxda ayaa kaa caawin kara inaad xoog badan u yeelato la tacaalida caqabadaha

Nabaadiino saxiib😊👍

Faiidada Nolosha💌

11 Oct, 15:50


Nolosha ciriiri makugu tahay qaado talooyinkan👇

Faiidada Nolosha💌

01 Oct, 13:36


DHamaan  cid kasta oo jecel waxbrashada waxa kuliyada ALFURQAN oo aad uga barateen wax brasho la mahadiyay ay idinku war  galinaysaaa in fasaladan cusub aanu qaadanayno oo ay furan tahay diwan galintooda.
Waxa kale o kuliyadu ugu hambalyaynaysaa ardayda qurbaha jooga in ay waqtiyadi hore ee ay heli jireen loosii kordhiyay .


1: Quraaanka kariimka ah
2: Carabiga iyo higaada
3: computerka
4: pharmacy { daawooyinka}
5: public health( caafimadka guud)
6:English


Hada is diwaan gali oo kor uqaad heerkaga waxbrasho
👇👇👇👇👇👇👇
@UstaadAbdurisaaq
@UstaadAbdurisaaq

Faiidada Nolosha💌

27 Sep, 15:22


Maanso: Dulqaad
Dulqaad waa dahab yaalle,
Dariiq lagama tago’e,
Dadkeennu kugu ammaan,
Duco weeye joogtiyo,
Daahir qofaad tahayba,
Duni lagama waayee,
Dabin lagugu riduu,
Dahsoon yahay Allahaye,
Dib haddii loo eego,
Deymo laguma yaabee,
Nin dulqaata adkeeya,
Guul lagama daalaye.

Faiidada Nolosha💌

25 Sep, 18:27


Maanso: Geesi
Geesi waa ninkii hadhka,
Galabtaad cadceed tahay,
Gees waliba kaa duqo,
Go’doon kuma noolaaye,
Haddii guul la doonoo,
Gama’a looma jiifsado,
Go’aankaaga weeyaan,
Inaad garato xeerkaaga,
Xaqaagana garba dhigto,
Guushaad xaq u leedahay,
Ka sokow dhibka guud jira,
Godob kaa dhacaysaaba,
Gees laguma noqdo e,
Gelin kama ahaataa!

Faiidada Nolosha💌

22 Sep, 15:02


OGAYSIIIS OGAYSIIS muhiim ah!
Dhamaan qofkasta oo ay fariintani soo gaadho hala digtoonaado chanelkaa sare oo dad tuugo ah ku midoobeen .
Waa channel dadka kusoo xerogaliya channelo iib ah ayaanu haynaa iyago raba inay lacagta ka dhacaan dadka.
Dad ayaa ila soo xidhiidhay ay hore sidani ugu dhacday .
Ciwaankan hoose waa ciwaankooga ay ku dhacaan dadka .
@Ninwayn1477
Hadaad jeceshay hal eray oo tuugnimadooda muujinaya waad u qori kartaa.

Fariintan waxy kaaga timi midawga channels ka somaalida ee telegramka: Team kulmis💪🦾

Faiidada Nolosha💌

20 Sep, 19:13


#Gabay: "Halganka"

Halganku waa geed dheer,
Goor walba ha loo haado.
Caqabadaha hortaagan,
Adkeysiga ha la tijaabiyo.

Niyad jabka ha la maqlo,
Dareen wanaag ha la xajisto.
Markaad guul raadsato,
Halkaa laga gaari doonaa.

Faiidada Nolosha💌

20 Sep, 11:59


,وَلَا تَقْفُ مَا لَيْسَ لَكَ بِهِ عِلْمٌ ۚ إِنَّ السَّمْعَ
وَالْبَصَرَ وَالْفُؤَادَ كُلُّ أُولَٰئِكَ كَانَ عَنْهُ مَسْئُولًا"

Ha raac-raacin wax aan dan kuugu jirin ama cilmi kugu soo kordhinaynin waayo maqalka iyo araga iyo qalbigaba waa kuwo layskula xisaabtami doono Oo lays waydiin doona...

Faiidada Nolosha💌

06 Sep, 11:38


Yaa Raxmaan
Haweeney Reer bani israael ah ayaa Nabi muuse weydiisatay inu
Ubaryo Rabbi siduu Ugu weydiiyo iney ilmo dhasho Markuu
uweydiiyey ilahay wuxu yirri "Waxaan Qadarkeeda ugu qorey
ineysan dhali doonin (madhaleys) ee iska daa" Wey iska Baxday
Maalin kale ayey isla sidii itiri Markan uweydiiyey rabbi wuxu yiri
"Waxaan Uqorey ma dhaleysnimo "
Waayo kadib ayey soo Laabatay ayadoo ilmo wadata Markaas
ayuu yirri Nabi Muuse Xagee Ka Keentay ilmahan Waxey ugu
jawaabtay Rabbigey Ayaa isiiyey Wuu Yaabay Ilaahay ayuu La
Hadlay yaa rabbi Haweneydan waxaad uqortay Ma dhaleysnimo
See ku siisey ilmahan ?
Wuxu ugu jawaabay Rabbi (Mar walpa aan uqoro ma dhaleys
waxey idhihi jirtay "Yaa raxmaan " Naxaristeyda ayaa Ka xoog
badatay Qadarkeyga iyo awoodeyda

Faiidada Nolosha💌

27 Aug, 06:22


Yacnii iyaga oo aad ugu dhaw danbigii ay galeen ayay isla markaasba towbad
keenayaan. Adoonku danbigiisa wakhti badan ma’sii haysto. Waxa aad badisaa in
aad allah mar kasta ka barido in uu danbigaaga dhaafo, oo uu ceebtaada asturo.
Allah waa mid adoomihiisa u dhaw waxaana shaki ku jirin in uu baryadaa aqbalaayo.
Waxana aad ka arkaysaa arintaa in aad ka dareemayso naftaada in uu allah ku
jeclaysiinaayo samaynta wanaaga oo aad niyad u hayso samaynta wanaaga una
degdegayso gudashada wanaaga, adiga oo ka cabsanaaya cidhibta danbe ee
xumaantii aad samayn jirtay. Haddii aad aragto adiga oo dhagaysanaaya wanaaga
oo dhagaysanaaya qur’aanka iyo xadiiska suubanaha SCW. Alle u mahadceli,
mahadcelin badan, adiga oo uga mahadcelinaaya in uu qalbigaaga toosiyay, una
degdeg in aad shaqaysato wanaag; si aad naftaada wanaaga ugu xidhid. Haddii aad
arki waydo is badalkaas baadh naftaada adiga oo ka baadhaya danbi qarsoon iyo
mid muuqdaba. Waxa uu noqon kartaa eegmo, xan ama waalid caasinimo haba
yaraatee. Waxa aad ka digtoonaataa danbiyada yaryar haddii ay biiraan waxa ay
qalbiga ku sababaan madaw. Ogow mana jiro danbi ka wayn Istiqfaarta. Waxana
aad xasuusataa xadiiskii Nabiga SCW “wax aan idiin ka digayaa danbiyada la
yaraysto waana sidii dad degay tog dhexdiis, oo mid kasta oo ka midi soo qaaday
xaabo oo ay roodhidoodii (Rooti) ku dubteen, danbiyada yaryari marka ay qabtaan
qofka sameeya waa ay halaagaan.” Danbiyada yaryar waa kuwa uu adoonku
fududsysto samayntooda marka ay ku bataan waa ay halaagaan. Allah ayaan
waydiisanaynaa cafis innaga iyo dhammaan muslimiintaba🤲

Faiidada Nolosha💌

27 Aug, 06:21


#KA BAX MACAASIDA

Waxa xaqiiq ah in arrinta ugu daran ay tahay in ay dhallinyaradu dhex quuseen
macaasida! Macaasidu waa arrin (albaab) aad u khatar badan, waxa ay kaga daran
tahay insaanka yayga dilaaga ah. Haddii ay quluubta ka buuxsanto macaasidu waxa
ay ku sababtaa in uu qalalo oo ay daxalaysato laabtiisu. Haddii la waaniyo waano
ma qaadanayo, haddii lagu dul akhriyo waano ma qaadanayo, iskaba dhaaf xataa
haddii qur’aan lagu akhriyo ma khushuucaayo. Haddii uu arko arrin murugo leh ma
murugoonaayo waxa aad moodaa in aanu arag! Waxaas oo dhan waxa ay ka
dhashaan in macaasida la dhex dabaasho. Run ayuu sheegay Rasuulku SCW markii
uu lahaa:
)إن المؤمن إذا أذنب كانت نكتة قلبه، فإن تاب ونزع واستغفر صقل قلبه، فإن زاد زادت فذالك
ي

سوداء ف
ي كتابه )كال بل ران عىل قلوب هم ماكانوا يكسبون(

الران الذي ذكره هللا ف
“Qofka Mu’minka ah marka uu danbaabo waxa ahaata Qalbigiisa Bar madow.
Haddii uu Toobad kaano uu soo laabto oo uu Allah danbi dhaaf waydiisto waa laga
tirtiraa.” Waana midda uu Allah Qur’aanka ku sheegay.
Macaasida oo laga tago dhallinyaro waxa lagu tilmaamaa acmaasha ugu fadliga
badan. Midka macaasida iska dhaafay ee aan qur’aanka akhriyin ayaa ka
wanaagsan oo ka fadli badan midka macaasida dhex dabaalanaya ee haddana
qur’aanka akhrinaya. Waxa uu Suubanuhu leeyahay “wixii aan idiin diido iskaga
taga, wixii aan idin farana ka sameeya in taad awoodaan.” Cumar Ibnu Khadaab
waxa uu odhan jiray,” waxa aan idiinka dardaarmayaa in ay daan alle caasiyin
idinka oo ku jira Jihaadka.” Macsiyada ugu darani waa adiga oo ku dadaalaya
macsida midaasi wax ay ku tusinaysaa in ay naftaadu fasahaadsan tahay u dagdag
sidii aad u hagaajin lahayd, haddii kale waxa ku soo mari sanado iyo sannado idiga
oo ku sugan sidaadii oo aan wax isbadal ah samayn. Waxana aad ku socon uun
wadadii aad ku socotay iyo mid ka sii liidata. Dhallinyaro waxa aad ogaataan in aad
ka baxdaan oo aad go’aamsataan in aanad dib ugu laaban doonin macaasida waxa
ay noloshu kuu furaysaa baal cusub oo cad oo aad alle la leedahay. Allah danbiga
oo dhan waa dhaafaa towbadana waa uu ka aqbalaa adoomihiisa xumaantana waa
ka dhafaa waanu u soo dhawaadaa adoomihiisa u soo dhawaada. Ku dadaal in
aanad dib u dhigan tawbada aad maanta awoodo. ilbiqsi dib haw dhigan naftu waa ay bixi kartaa wakhti kasta oo aad joogto, naftu waa bixi kartaa, bixitaan bilaa soo
noqosho ah waxana ay u tagi rabbigii abuuray. Dhimashadana dib looma dhigo
xaalad kasta oo aad ku sugan tahay waa aad geeriyoon kartaa. Allah waxa uu
amaanay kuwa markasba towbad keenaaya.
(ثم يتوبون من قريب(
“waxa ay towbad keenayaan iyiga oo dhaw,"